-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho ugu Qaybiyay deeq lacageed Qaar ka Mid ah Qoysaska Danta yar ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho. Qoysaskan ayaa waxaa laga soo Aruuriyay Qaar ka Mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir,iyadoo qeybinta Deeqdan loogu talagalay in ay uga Faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Madasha lagu qeybinayay Deeqdaan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay. Qaar ka Mid ah Dadka la siiyay Deeqda Lacageed ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay Caawinta gargaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen. Gudoomiyaha Hormuud Telecome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo Caawinaad oo ay shirkadaan ugu talagashay Dadka dhibaateysan ee ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo ay siinayaan Dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka Dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahadceliyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka ga gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo dhan. Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in Dadka Maanta la siiyay Deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gargaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho. Qeybintan ayaa qeyb ka noqoneysa Caawinaad ay Hay’adda Hormuud Foundation ka waday Guud ahaan Gobalka Banaadir iyadoo lagu caawinayo Dadka Danta yar iyo kuwa Tabaaleysan ee ku nool Muqdisho si ay uga faa’ideystaan Fadliga Bishara Barakeysan ee Ramadaan.
-
Baqdaad (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Baraha Bulshada la wareejinayey Aqbaar ku saabsan inuu weli nool yahay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadam Hussein. Dadka Baraha Bulshada ku faafinayey warkaan ayaa waxay isticmaalayeen waraaq la sheegay inay qortay Gabadha uu dhalay Saadaam ee lagu magacaabo Ragad Sadam Husseen. Gabadha uu dhalay Sadam oo farriin soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitterka ayaa sheegtay in warka iyada la sheegay in laga soo xigtay uu yahay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna ay faafinayaan dad dano gaar ah ka leh. Warka laga faafiyey gabadhaan ayaa wuxuu u qornaa sidaan ” Aabahey Maalin kasta wuu ila soo xiriiraa, wuu nool yahay wuxuuna kusoo laaban doonaa mar kale xukunka Dalka Ciraaq”. Gabadha ayaa si cad u beenisay warkaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa xilli uu Qareenkii Sadam Xuseen uu sheegay in qofka la daldalay uusan isaga aheyn balse ay CIA-da Mareykanka dilka ku fuliyeen qof isaga u eg sida uu isaga hadalka u dhigay. Saadaam Xuseen oo Xukunka dalka Ciraaq soo hayey intii u dhaxeysay 1979 illaa 2003, ayaa waxaa la daldalay Bishii December ee sanadkii 2006 Markaas oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay weerar ku qaadeyn dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Baqdaad caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xariga ay ciidamada Somaliland ay kula kaceen wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Abwaan Weedhsame ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in si mug leh loo baaro sababta xiligan oo 18-May u diyaar-garoowayan reer Somaliland keentay in wiil dhalinyaro ah uu calanka Soomaaliya ku labisto. Abwaan Weedhsame ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa qoraalkiisu sidan: “Adduunyada ma jiro qof miyir qaba oo sabab la’aan wax isaga sameeyaa. Sidaas darteed, wiilka calanka Soomaaliya soo xidhayna sababtuu u xidhay baa jirta. Haddaad tidhaa “Maxaa adiga kaa quseeya ee aad ka raadinaysaa sababta uu u xidhay, saw xor maaha oo wuxuu doono ma xidhan karo?” Dabcan, Hadduu xor u yahay inu wuxu doono xidho, kolkaas dadweynuhuna saw xor uma aha inay iska dhex qabtaan qofka kasta oo ay doonaan? Haddaad tidhaa “Halkaynu ku dhiganay Sharciga diidaya in la xidho calanka Soomaaliya?” jawaabta oo fududi waxay tahay: Halka aynu ku dhiganay sharciga inoo diiday in aynu bijaamaha lagu seexdo ku shaqo tagno, ayeynu kana ku dhiganay. Soo baadh goobta iyo goorta Sharciyadaasi aynu dhiganay!!!!. Weliba waynu ognahay in aanu adduunka korkiisa jirin dal, dadkiisu leeyihiin xorriyad bilaa xad ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Turkey’s economic, humanitarian and nation-building efforts in Somalia have forged a bond that cannot be derailed by terror attacks. On Sunday, the Al Qaeda-affiliated Al Shabaab group killed a Turkish citizen in the Somali capital Mogadishu. The victim, a construction engineer, working for a Turkish company in Somalia, was mercilessly blown up when explosives planted in his car exploded. Al Shabaab later claimed responsibility for the targeted assassination. Beyond the personal tragedy, this incident illustrates bilateral relations between Somalia and Turkey. Turkey is among the very few international actors who believed in Somalia’s success and have subsequently invested in Somalia’s development. In August 2011, Ankara launched its most extensive overseas humanitarian campaign to avert a devastating famine that killed around 260,000 people in the Horn of the African nation. Post-conflict nation-building Once the famine was averted, Turkey became deeply involved in nation-building in Somalia. The country lacked an effective national government since the fall of the military regime in 1991. Decades of prolonged civilian war, severe humanitarian conditions, and the scourge of terrorism have led to the internal displacement of more than two million people in Somalia. The multitude of Turkish projects implemented in Somalia over the last five years has attracted both local and international acclaim. To the extent that a new term, “The Turkish Model”, has come into being. One of the reasons Turkish involvement has been effective is because it combines aid with nation-building. While Turkish state agencies and NGOs have focused on reducing the humanitarian crisis, other state-sponsored agencies have been building the infrastructure necessary for the country’s recovery. These include high-impact areas, such as hospitals, an airport and major roads in the capital Mogadishu. Second, in addition to direct budgetary support provided to the Somali government, Turkey has embarked in capacity-building initiatives to help recover Somali institutions. Third, the Turkish approach also includes a reconciliation and peacebuilding agenda. For instance, Ankara has mediated between the Somali government and Somaliland, a self-declared republic in northern Somalia. Lastly, the presence of Turkish diplomats, humanitarian workers and businessmen on the ground was possibly the most significant element that favourably shaped the perception of the majority Somalis towards Turkey. A Somali friend told me: “The only non-African people in the streets of Mogadishu, after Syrian and Yemeni refugees, are the Turkish nationals. They are building schools, roads and driving cars. They even have conversations with the ordinary people in a city that many consider as one of the most dangerous in the world.” Al Shabaab’s unease with Turkey On the one hand, Al Shabaab has previously called the Turkish government an enemy of Somalia because the NATO member was supporting Western operations in the country. However, the reality is that flourishing relations between Ankara and Mogadishu undermine the terror group’s activities on three fronts. First, Turkey’s support and training of Somali security forces in support to recapture territories from Al Shabaab and restore stability to the country. In this regard, Ankara has built its largest overseas military facility that trains thousands of Somali soldiers annually. Al Shabaab fears that the Turkish assistance would strengthen the professionalism of the Somali army, which in turn would weaken the group’s grip on power. Second, Turkish projects and businesses have created jobs for thousands of young Somalis, which puts at risk Al Shabaab’s exploitation of poverty – a situation they manipulate to attract recruits to their cause. Third, the Turkish presence in Somalia challenges Al Shabaab’s claim as the only legitimate Islamic movement. Turkey has built mosques and other religious schools in Somalia to counter the group’s extremist ideology and promote its vision of Islam as part of a functioning democratic state. Here, Al Shabaab, which considers democracy a un-Islamic imposition of Western values, finds itself in a difficult position. A Signpost on the road to the cooperation with Africa Turkey’s involvement in Somalia has boosted Ankara’s image as a responsible actor both on the African continent and globally. Engagements in Somalia have helped Ankara formulate its new foreign policy towards Sub-Saharan Africa. In the words of President Erdogan of Turkey, “Somalia has become a symbol of the relations we wish to establish with our brothers in Africa.” The Somali experience has raised Ankara’s profile and influence in the humanitarian sector and is a prime example of cost-effective policies for working in Africa and with the rest of the Global South. Since 2011, numerous academic studies on Turkish humanitarian and development assistance in Somalia have been carried out. The Turkish model in Somalia attracted significant academic attention. To quote President Erdogan again, “with Somalia, the Turkish model of aid has gained recognition in literature.” Somalia and Turkey have been partners united by values and strategic interests. With this tragic terrorist attack, the alliance between both states are now forged in blood, steel and hope. Source: TRT View the full article
-
Qaran News
-
Madaxweyne Farmaajo oo qudbad ka jeedinayay munaasabada 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah. Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday shirkii Garoowe isaga oo sheegay in shirkaasi uu san fashil ku dhamaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeeysteen in la sameeyo madal u dhaxeeysa dowlada dhexe iyo maamul goboleeeyada. “Shirkii garowe ma fashilmin guul ayu kuso dhamaaday marba hadii madaxdii dalka meel isugu tagtay kaliya waxaan diidnay in la sameeyo madal udhaxeysa maamulada iyo dowlada dhexe” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Gal-mudug ayaa sheegay watashi badan kadib uu madaxweyne Xaaf uu ka hor yimid. Ugu dambeeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleeeyada ay xiligooda dhici doonaan Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo” Doorasho kastaahi Xiligeeda ayey dhaceysaa tan maamulada iyo dowlada dhexeba “ appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha barlamanka hirshabelle Cusmaan Barre mohamed ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya, hey’addaha caalamiga iyo bulashada reer Hirshabelle ee dal iyo dibad ku sugan iney ka qeeb qaataan Dayactirka buundada ceel gaal ee dhawaan eey dumiyeen daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee dhawaan ka da ay gobolka Hiiraan. “Sidaan wada ognahay buundada Ceel gaal waxeey muhiim u tahay isku socodka magaladda ganasiga Hirshabelle ee Baladweyne iyo Gobolada dhexe. Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa cidkaste oo gacan ka geesan karto dhismaha buundadas iney wax ka qabtaan” ayuu yiri gudoomiyaha. Dhowaan roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu dumiyay Buundadii muhiimka u aheyd gobolada Hiiraan iyo Gobolada dhexe. Puntland Post The post Buundada isku xirto Hiiraan iyo gobolada dhexe oo roobabku ay dumiyeen appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeeybgalay munaasabada xuska 15-ka may oo ku beegan aaa aaska ururkii SYL. Munaasabadaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee dowlada dhalinyaro iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYl. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeeybgalay xuska 15-ka May appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya. Madxweynaha ayaa sheegay inuu markii hore Xaaf ka ogolaaday in dib u heshiisiin loo sameeyo garbaha isku khilaafsan Maamulkaas balse wuxuu sheegay inuu dib iska badalay markii lagala soo hadlay meel ka baxsan shirka oo uu ula jeeday inay Ahlu Sunna lasoo hadashay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Daawada Galmudug ay tahay inaan waqti kororsi la sameysan isla markaasna la xaliyo khilaafka taagan loona diyaar garoobo Doorasho cusub balse aysan marnaba suurta gal aheyn in Xaaf loo ogolaado Muddo Kororsi iyo Maamulada kalaba. Madaxweynaha ayaa Xaaf ku eedeeyey inuusan qaadan daawadii ay u baahneyd Galmudug oo ah in la sameeyo dib u heshiisiin iyo in la iska hilmaami waqti kororsi. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay inay Dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameysay dhibaatada heysato Galmudug ayna usoo baxday inay lagama maarmaan tahay in dhinacyada Galmudug loo sameeyo wadahadal kadibna doorashada la qabto waqtigeeda. Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlo shirkii Garoowe ku dhex maray Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kaasoo lagu soo kala tagay iyadoo aysan jirin wax is faham ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE) OO KOOBAN: ▪ Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1952-dii. ▪ Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo barasha Qur’aanka wuxuu ku qaatay isla Beledweyn. ▪ Waxbarashada Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho. ▪ Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagaa kamid aha dufcaddii ugu horreysay ee Kulliyadda Injineeriyada. ▪ Shahaadada labaad (Masters) iyo Phd wuxuu ka qaatay Jaamacadda Misouri (USA) sanadihii 1983 ilaa 1987 sida ay u kala horreeyaan. ▪ Wuxuu taniyo 1978-dii Bare-kaaliye, Bare, Bare Sare iyo Professor ka noqday jaamacado iyo Macaahid kala duwan oo ay kamid yihiin Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya), Jaamacadda Missouri (USA), Jaamacadda UAE ee Al Ceyn (Isu-tagga Imaaraadka Carabta) iyo Koleejka Seneca (Canada). ▪ Wuxuu intii u dhaxaysay 1987-2017 talo-bixin iyo tababarro ku saabsan culuumta kumbiyuutarka, Dad dhigista (Data-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda siiyay shirkado gaar loo leeyahay iyo Jaamacado ku yaalla dalalka Mareykanka, Canada, UAE iyo Soomaaliya. ▪ Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda. ▪ Waxyaabihii uu ka shaqeeyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Baakistaan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. ▪ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2019 waxa uu u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
-
(SLT-Victoria)-Maanta oo Arbaca ah, waxaa Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi waxaa la soo taagay Cali Khaliif Cali Shire oo 22-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Barxad lagu qaban lahaa Dabaaldegga dhalashadda Sannadkii 2018-kii. Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jarrod Williams ayaa waxa uu Maxkamadda horteeda ka xaqiijiyey qirashadiisa. Cali Khaliif Cali Shire oo ah muwaadin haysta dhalashadda Australia ayaa waxaa lagu soo oogay Eedeymo la xidhiidha in muddadii u dhexeysay bilihii March iyo April ee sannadkii 2017-kii uu diyaariyey qorshe uu ku weerari lahaa fagaaraha Federation Square bishii December 31-dii ee isla sannadkaasi. Boliska waxay dhegeysan jireen Mobaylkiisa ilaa bishii October ee sannadkii 2016-kii, sida laga sheegay dhegeysiga Guddi Maxkamadeed. Eedeysanaha waxa uu ku jiray gacanta Booliska tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii, xilligaasi oo ay Booliska ka soo qabteen dhismo laga dukaamaysto. Eedeysanaha, Ali Khalif Shire Ali, waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi, si uu u qirto baadhitaanka ku aadan qaabka uu ku helay hubka iyo rasaasta iyo diyaar-garowgiisa qorshaha uu weerarka ku geysan lahaa dabayaaqadii sannadkii 2017-kii. Xeer-beegtida Maxkamadda waxaa la sheegay inay kulan kale ka yeelan doonaan dhegeysiga qirashadiisa iyo xukunkiisa bisha August ee sannadkan. Dhinaca kale, Ali Khalif Shire Ali waxay walaalo ahaayeen Xasan Khaliif Shire Cali, kaasi oo ay Booliska Australia toogteen bishii November 9-diiee sannadkii hore, xilli uu gaadhigiisa dab qabadsiiyey, isla markaana uu 3 qof ku tooreeyey badhtamaha Degmadda Ganacsiga ee magaalada Melbourne. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada Dab Damiska Somaliland ayaa maanta soo badbaadiyay wiil yar oo umul ahaa, ka dib markii lagu dhex riday suuli. Dhacdadan oo argagax gelisay bulshada ayaa waxay maanta ka dhacday xaafadda October ee Magaalada Hargeysa. “Maanta waxaa noo timid haweeney naga codsatay in suuli la siiyo, markii ay gashay, ayna baxday waxaanu maqalnay ilmo yar ooynaaya, inaganu waxaan ku wargelinay Ciidamada Dab Damiska.” Ayay tidhi haweeney u hadashay dadkii guriga deganaa. Ciidamada Dab Damiska oo suuliga burburiyay ayaa ka soo saaray canugii yaraa, iyagoona u qaaday goobaha caafimaadka, si lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad. Ilmahan yar oo 24 saac oo keliya jiray ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay Ciidamada Dembi Baarista Somaliland. Source
-
A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money several times to Dusit D2 hotel complex attackers will continue to be held in custody. Source: Hiiraan Online
-
The presence of foreign militaries in the Horn of Africa is increasing, with a wide variety of international security actors—from Europe, the United States, the Middle East, the Gulf, and Asia— currently operating in the region. This is profoundly changing the region’s external security environment, new research finds. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI (Xinhua) -- Kenyan police on Wednesday urged citizens to be extra vigilant during the month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Ciraaq)-Dawladaha Netherlands iyo Jarmalka ayaa joojinaya Hawl-gallo ay ka wadeen Dalka Ciraaq, ka dib markii ay soo baxeen Cabsi amaan-darro. Telefiishanka RT ayaa baahiyey in Dawladda Netherlands ay Jarmalka ku raacday inay joojiyaan hawl-galladii ay ka wadeen Ciraaq, hawl-galladaasi oo ay ka mid ahayd Tababbaro ay siinayeen Ciidammada Ciraaq, iyagoo taageeraya Maamulka Dalkaasi. Warka sheegaya in Holland joojinayso Hawlihii ay Ciidammadeedu ka wadeen Ciraaq ayaa soo baxay, ka dib markii ay kor u kacday Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Dalka ay Ciraaq jaarka yihiin IRAN. Wasiirka Difaaca ee Jarmalka ayaa goor sii horraysay ku dhawaaday inay joojiyeen hawl-galladii ujeeddadoodu ahayd Tababbarrada Ciidammada Ciraaq, laakiin tallaabadan ayaa ku xidhiidhsan Xiisadda Maraykanka iyo Iran oo Gobolka laga dareemayo. Wakaaladda Wararka ee Holland, ANP news agency ayaa baahisay go’aanka Holland ee ah inay joojisay Hawl-galladii ay ku taageeraysay Dalka Ciraaq. Dhanka kale, Warka Jarmalka iyo Holland ayaa soo baxay, ka dib markii Maraykanku uu shaqaalihii ka joogay Safaaraddiisa Baqdaad iyo Qunsuliyaddiisa ku taalla Erbil uu ugu baaqay inay sida ugu deg-degga badan uga baxaan. Source
-
Vicious power wrangles in al Shabaab are slowly tearing the terror group from within. The Star has established that things have not been working at the militants'... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay aad ugu cambaareysay weerar ay diyaarado drone ah oo sida walxa qarxa shalay ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid argagixiso. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxa ay sheegtay in “ficilladaas fallaago-nimada ah ay u aragto kuwo halis ku ah nabadda gobolka. “Dowladda Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Sacuudiga xilli ay wajahayaan isku day taabanaya amniga qarankooda” ayaa lagu yiri qoraalka. Weerarkii shalay ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jira Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo. Weerarka ayaa yimid laba maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta. Hoos ka aqriso qoraalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Villa Somalia Oo Yeelatay Agaasimihii 5-aad Muddo 2 Sano ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Villa Somalia ayaa waxaa loo magacaabay agaasime cusub Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) kaas oo baday agaasimihii hore marwo Aamina Saciid Cali Villa Soomaaliya ayaa yeelatay Agaasimihii 5-aad Muddo 2 Sano. Halkaan ka Akhriso Magacyada iyo sida ay u kala horeeyeen. 1. February 16, 2017: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali Saciid Faqi. 2. March 2, 2017: Abuukar Cabdi Cusmaan oo loo yaqaano Abuukar Baalle ayaa isna noqdey! 3. June 2017: waxaa Agaasimaha madaxtooyada noqday Fahad Yaasiin isaga oo hayey jagadaasi sanad wax ka badan. 4. August 2018: Dr. Aamina Saciid Cali ayaa Fahad ka dhaxashay jagada, horayna ku-xigeenkiisa u aheyd waxaa ay heysay 9 bil. 5. May 2019: Maanta ayaa agaasimihii 5aad loo magacaabey Villa Somalia, waana Nuur Diiriye Fuursad. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku dooday inaanu jirin kulan uu magaalada Nayrobi kula yeeshay danjiraha dawladda Qatar u fadhiya Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay, wuxuuse sheegay inaanu jirin wax ka hor istaagaya inuu kulamo la yeesho safiirada. Shirjaraa’id oo uu shalay Hargeysa ku qabtay ayuu kaga hadlay arrintan iyo arrimo kaleba. Ugu horayn Cabdiraxmaan Cirro waxa uu eheladooda iyo bulshada Somaliland ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku naf waayay roobkii Hargeysa ka da’ay iyo hantidii uu wax yeelay waxaanu masuuliyad darro ku eedeeyay madaxda masuuliyadda lahayd “Waxa aan odhan kara waa fool xumo weyn in balligii Daami ee sanadkii horena madaxweynuhu ka bixiyay amarka wali khatartii ay sideedii tahay. Madaxweynuhu wuxuu sanadkii hore amar ku bixiyay in wax laga qabto, madaxweynihii amarka bixiyay iyo maayarkii uu amarka siiyayna xalay way wada socdeen balliguna waa sidiisii wali,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay habboon tahay in aanay Somaliland kala jeclaysan Waddamada Caalamka maaddaama ay citiraaf raadis tahay dal kastana cod ku leeyahay Qaramada Midoobay. Waxa uu sheegay in aanay jirin siyaasad Somaliland u taalla oo dalalka qaar mamnuucaysa sidaas awgeedna aanay waxba ka hor taagnayn in uu la kulmo safiirrada Qadar iyo Maraykanka laakiin aanu jirin warka hadda sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay. “Waxaad ka war qabtaan in aan sanadkii hore January tagay Nairobi oo aan kula kulmay in ka badan 10 safiir waxaan kala hadlayna waxa ay ahayd siyaasadda arrimaha dibadda, arrimaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha citiraafka. Maalmahan waxa jirtay saxaafadda qaarkeed malaha qaar la yaqaannaba may ahayne in aan kula kulmay danjiraha Qadar iyo danjiraha Maraykanka magaalada Nairobi warkaasi ma jiro waa war been abuur ah laakiin, kama duwana safiirka Qadar kuwii aan la kulmay ka Maraykankuna kama duwana wax noo diidaya in aanu la kulano safiirro gaar ahna ma jiro, taas macnaheedu waxa weeye cidna nooma yeedhin karto cidda aanu la kulmayno. Danjireyaasha dhammaantoodba waanu la kulmi karna kuwaas la sheegay iyo kuwo kaleba, diyaar baanu u nahay kuwaas la sheegay ee Qadar iyo Maraykanku ka mid yihiin iyo kuwa kale ee Dunidaba in aanu la kulano xilli kasta oo munaasib ah meel kasta oo munaasib ah, aniga oo qudha maaha ee waxaa la kulmi kara xisbi ahaana waanu la kulmi karnaa masuuliyiinta xisbiguna way la kulmi karaan waxa aanu kala kulmaynaana waa danta Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Xadhigga Xildhibaan Dhakool Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Dastuur jabin ku tilmaamay xadhigga xukuumaddu kula kacday Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland “Qof kasta oo muwaadin ah sharcigu wuu xidhi karaa laakiin, waa in dariiq sax ah loo maraa. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka ayaa xasaanad siiyay, Dastuurka sharci ka sareeyana ma lihin, mudanaha ka tirsan Wakiillada ama Guurtida lama xidhi karo lamana baadhi karo, marka waxa dhacday in xildhibaanka goor habeenimo ah isaga oo waliba hurda oo aan wax dambi ah faraha kula jirin la qabtay, marka taasi waa dastuur Jabin, madaxweynahaana ugu sareeya in uu ilaaliyo dastuurka, madaxweynaha laftiisu haddii uu dastuurka jabiyo ee dastuurku wuu tilmaamaya tallaabooyinka laga qaadayo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu intaasi raaciyay in ay la yaab noqotay in wali xildhibaan Dhakool xidhan yahay iyada oo guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex iyo guddida joogtada ah ee golaha wakiillada metelaysa markii ay Dastuurka arkeen ku gacan saydheen xadhigga una arkeen sharci jabin. Waxa kale oo uu cambaareeyay in guddoomiyaha Wakiillada oo ah masuulka 3-aad ee Qaranka, xildhibaannada iyo ehelkiisaba laga hor istaago in ay arkaan Xildhibaan Dhakool. “Xadhiggiisu(Xildhibaan Dhakool) sidiisaba waa Dastuur Jabin haddii aynu shuruucda ku tumanana waxa uun ka dambeeya fawdo, mar walba in la ixtiraamo shuruucda iyo dastuurka waxay dantu ugu jirtaa marka koobaad cidda xukunka haysa. Rayigiisa kuma waafaqsanin (Dhakool) laakiin, wuu dooday oo wax buu yidhi waxaana Dastuurka ku qoran ra’yigiisa laguma xidhi karo mudanaha Golaha Wakiillada, haddiise ay dambi u aragto ciddii dambi u aragtaa waa in ay u soo marto dariiqa saxda ah oo ay golaha waydiisato in laga qaado xasaanadda markaa kadib uun.. Marka waxaanu u soo jeedinayna madaxweynaha iyo xukuumaddiisa in sharciga loo soo noqdo in dastuurka loo soo noqdo mudanahana xorriyaddiisa loo soo celiyo,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in xukuumaddu sii waddo xadhigga muwaadiniinta “Waxa ugu dambeeyay guddoomiyihii garabka dhallinyarada Maxamed Sidiiq, xukuumaddu waxay tidhi way na caayeen haddii cay la isku xidhxidhayo Ina Muuse Diiriye in la soo xidho ayay ahayd iyo wasiirka gaadiidka haddii cay la isku xidhayo oo sharci cayda xidhaya uu jiro maalin walba waxa caytama masuul ka tirsan xukuumadda, marka waa in sharciga loo sinnaado oo iyagana la xidho oo jeelka la geeyo markaas ayaan odhan karna caddaalad baa jirta,’ Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro oo soo jeediyay in la soo daayo Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada Waddani, Samafale Cabdimaalik, Abwaan Baashe, macallin Cabdiqaadir iyo dadka kale ee xidhan. Ugu dambeyn Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada Somaliland la wadaagay hambalyada maalinta Qaran ee 18 May “ Waxaan doonaya aniga oo ku hadlaya afka xisbiga in aan shacbiga Somaliland u soo qaddimo hambalyada maalinta la soo noqoshada Qarannimada Somaliland oo ah 18 May. Dhammaan xisbigu wuxuu diyaar u yahay in uu ka qayb galo munaasibadaheeda kala duwan ee maalintaasi leedahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba haddii Alle yidhaa, maalmo kale oo Qarrana waynu leenahay oo la xusi doono oo ay ka mid tahay maalintii aynu calanka ka qaadanay Ingiriiska ee 26-ka June maalmaha Qaranka dhammaantoodna waxay mudan yihiin in la wayneeyo,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Mar la weydiiyay ujeedada safarkiisii Nayrobi, wuxuu yidhi “ Arin gaar ah ayaan u tagay Nayroobi laba casho ayaan ku maqnaa Professor-kana diyaarada ayaanu ku kulanay, Professorkuna waa kii sheegay inuu Kulmiye yahay ee yaanay dawladu ka shakiyin.” Geeska Qaran News
-
Labadii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka dhacay dhawr dhacdo oo qaabkii ay madaxtooyadu u maamushay banaanka u soo saareen awooda iyo miisaanka siyaasadeed ee madaxtooyada. Bilowgii bishii hore ee April waxa Somaliland gilgilay xiisad ka dhalatay markii qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland ay qabteen kiis ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geele oo dhinaca Djibouti ka yimid, waxaanay madaxtooyada Somaliland si toos ah ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu eedaysay inuu lacago ka soo dhacay bangiyo ku yaala Djibouti. Hase yeeshee ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa eeddaas iska difaacay, isagoo soo bandhigay garnaqsi, waxaana dalka Somaliland ka bilaabmay baaqyo lagu cambaaraynayo madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay inay la safatay dhinaca Djibouti. Aakhirkii waxa xiisadii qaboojiyay kulan la isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele. Qaabkii ay madaxtooyadu uga hadashay arrinta Axmed Cismaan Geele, waxa ay dad badani u arkeen inuu dhaawac ku ahaa dawladnimada Somaliland, islamarkaana uu wiiqay kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada. Isla bishan April waxa ay xiisadi dhex martay dawladda iyo qoys lahaa dhul ay dawladu sheegtay in laga dhisayo madaxtooyo cusub. Dad badan ayay dawladu xidhay, waxaana xiisada sii kiciyay hadal uu saxaafada siiyay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo ku saabsanaa qaabka loo maamulay loolana wareegay dhulkaas. Waxa ay hadda u muuqataa in si hoose lagu dhammeeyay arrintii, lana dejiyay, waxa laakiin aan weli dhaymo loo helin dhaawacii ka dhashay isku dhaca dawladda iyo qoyskaas oo waxyeelo dhinaca sumcada ah u gaystay dawladda iyo madaxtooyada. Dhacdadii lagu dilay labada sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta waxa uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo saddex degmo oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, waxaanu horgeeyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo fadhi deg deg ah la isugu yeedhay. Laakiin si aan la filayn ayay labada gole uga horyimaadeen soo jeedinta Madaxweyne Biixi, waxaanay inta badan xildhibaanada labada gole ka soo horjeesteen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo degmooyinkaas, waxaana taageeray xildhibaano aan ka badnayn 40 mudane, halka ay ka soo horjeesteen xildhibaano tiradoodu gaadhayso 67 xildhibaan, taas oo noqonaysa aqlabiyadii golaha fadhiday. Waxa dad badan maalintaas u soo baxday miisaanka kalsoonida siyaasadeed ee madaxtooyada, waxa kale oo soo baxday in madaxtooyadu xaaladda deg deg ah ee ay soo rogtay oo ku soo baxday wareegto madaxweyne aan aad loo lafo-gurin. Bishan May, waxa ay dawladda Somaliland xidhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada, ka dib markii uu maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ku tilmaamay maalin qoys. Xadhiga xildhibaan dhakool wuxuu abuuray dood sharci, maxkamadda gobalka Hargeysa oo la horgeeyay ayaa diiday inay furto dhagaysiga dacwada, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu ku dooday inaanu haysan awood sharci uu ku dhagaysto dacwad ka dhan ah xildhibaanka maadaama oo aan laga qaadin xasaanadii xildhibaanimo. Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna sharci jabin ku tilmaamay jidka loo maray xadhiga xildhibaan dhakool. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ka horyimid soo jeedin ahayd inay xasaanada ka qaadaan xildhibaan Dhakool si dacwadaha loo haysto loogu oogi karo, waxaanay eeddo u jeediyeen xukuumadda, iyagoo xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay distoor jabin. Si kastaba ha ahaate, amuurahan iyo qaabka loo maamulay iyo qaabka ay ku socdaan waxay muujinaysaa laba mid uun inuu isbedel ku yimid miisaankii madaxtooyada iyo weliba kalsoonidii siyaasadeed ee madaxtooyada, waxaanay dad badani walaac ka qabaan in arrimaha noocan ah oo sii socdaa ay wiiqi karaan dawladnimada Somaliland. Geeska Afrika Qaran News