Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wixii ka dambeeyay bur-burkii Soomaaliya , Kenya iyo Itoobiya si cad ayay u sheegeen inaysan oggoleyn in Soomaaliya ay hesho dowlad dambe oo xoog leh oo ka shaqeysa danaha dadkeeda iyo dalkeeda. Muddo ku dhow 20 sanadood Kenya iyo Itoobiya waxay lahaayeen isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo la yiraahdo “Hagardaamada iyo fashilinta ”. Bishii December 5-teedii 2002, waxay hoggaamiyeyaashii labadan dal ee Daniel Arap Moi iyo Meles Zenawi ay shir weyne la qaateen maamulkii madaxweyne George Bush, waxana ugu warbixiyeen qorshahooda ku aadan Soomaaliya iyo shirkii Eldoret oo bil ka hor markaas billowday. Isla maalinkaas wuxuu Daniel Arap Moi khudbad ka jeediyay Jaamacadda Difaaca Mareykanka ee Washington, wuxuuna yiri “Kenya iyo Itoobiya ma oggola dowladnimo ka dhalata Soomaaliya, waayo; 1. Soomaaliya haddii ay xoog yeelato waxay ku soo fideysaa dhulalka ay sheegato, 2. Kenya dhaqaale ahaan ma dooneyso Soomaaliya oo dhisanta iyo 3. Itoobiya ma oggola Soomaaliya oo awood ciidan oo xoog leh yeelata” Waxaan xasuustaa anigoo markaas saxaafadda ku cusub oo aan fikrad badan la heysan siyaasadda dalalka deriska ah inaan wargeyska Standard ka akhriyay warbixin uu ka sameeyay hadalkii madaxweyne Moi, waxayna makaxdedu falanqeyn weysay arrintaas, waloow aan u arkay ay inuu yahay fadhi-ku-dirir madaxweyne howl gab noqday. Labadan dal qorsheyaashii ugu horeeyay ee ay shirkaas Eldoret ka damacsanaayeen waxaa u hirgalay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya maamul goboleedyo federal ah oo aan ku wareerno, iyaguna ay dantooda ku gaaraan. (Waa waxa hada taagan). Itoobiya waxay dooneysay inay maamul goboleed kasta uu yeesho dekad, ayna xuduud la leedahay, waa u suurto gashay. Kenyana waxay dooneysay inay hesho meel ka baxsan xuduudeeda oo ay degto oo ay Soomaaliya ka maamusho (buffer zone) waana u suurtagashay, waloow markii hore ay ku fashilantay maamul goboleedkii Azania oo ay Nairobi ku sameysay. Waxay Kenya iyo Itoobiya u arkeen dowladdii Cartahalis, maadaama ujeedada ugu weyn ee TNG ay aheyd dib u heshiisiin, midnimo iyo dib u habeyn dowladnimada Soomaaliya. Waxay Isbaheysigan ay TNG ka bixiyeen sawir khaldan iyo barabagaando waxayna caalamka ku faafiyeen in C/qaasim iyo maamulkiisuba inay yihiin muslimiin xag jir ah. Mareykanka iyo reer Galbeedku, iyagoo ka cabsanayay in xoogag shisheeye oo argagixiso ah oo danahooda ka soo horjeeda ay ku soo dhuuntaan Soomaaliya, gaar ahaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadii safaaradaha mareykanka ee Kenya iyo Tanzania waxay u dhaga nuglaadaan Kenya iyo Itoobiya, waxayna taageereen qorshahooda dhibaateynta Soomaaliya. Intii uu socday shirkii Eldorate oo dhinaca kale xoojiyay xiriirka Kenya iyo Ioobiya, waxaa jiray shakhsiyaad arkayay khatarta labadan dal oo shirka ka baxay, waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, xubno ka tirsanaa dowladdii TNG ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, aqoonyahano, qurbajoog iyo madaxweynihii Puntland C/llaahi Yuusuf Axmed oo laakiin dib ugu soo laabtay shirka madaxweynena ka noqday dowladii lagu soo dhisay. Isbaheysiga dhibaateynta Soomaaliya, waxaa dhawaan soo dhexgalay khilaaf ku saabsan arrimaha Soomaaliya, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay shukaansi hoose la gashay Itoobiya iyo Eritrea kana codsatay in faragalinta laga daayo – waatii madaxweyne Farmaajo yiri “Wabigii waan soo xiray” si cad ayuu Farmaajo ugu sheegay raisul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn in Itoobiya caqabad weyn ku tahay Soomaaliya markii uu safarkii ugu horeeyay Itoobiya ku tagay. Khilaafkaas waxaa isbaheysigu ka heshiiyeen bishan 13-keedii, waxaana shir Nairobi ka dhacay iskugu yimid madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde. Sababta ay Kenya u sheeganeyso badda Soomaaliya waa qeyb ka mid ah majuujinta iyo soo yareynta Soomaaliya. Sidaas oo kale dhibaateynda waxaa ka mid ah dhismaha ciidanka badda ee Itoobiya oo si xowli ah u socda. Ciidanka Itoobiya iyo Kenya ee jooga dalkeena waa duullaan cad oo jujuub ah. Kuma joogaan rabitaan Soomaaliyeed, kamana amar qaataan hoggaanka AMISOM oo ay kaarkooda ku shaqeystaan. Kenya, wacyigalin xoog leh oo ka dhan ah Soomaaliya ayay shacabkeeda siisay, iyadoo u mareysa jaamacadaha iyo warbaahinta, kamana xishooneyso wax kasta oo ay cadaadis nagu saari karto, waayo u jeedo ballaaran ayay leedahay, inaguna sidaan u cuneynay qaadkeeda ayaan hurdo ka soo kici la’nahay. Ugu dambeyntii, Itoobiya marnaba lama aamini karo Ra’isul Wasaarahooda loo maleynayo inuu yahay nin maskax furan waa koobiga Meles Zenawi. Aad iyo aad ayaan uga walaacsanahay qorsheyaasheeda cusub oo ay ka mid yihiin is dhexgalka geeska Africa, waxaana u arkaa inuusan dabin loo dhigay Soomaaliya. Hadaba, dadka Soomaaliyeed goormee fahmi doonaan dhibaatadan muuqta? Maxaa nagu dhacay oo aan u fahmi la’nahay qorshaha cad ee labadan dal ay ku doonayaan inay kula wareegaan dalkeenna? 30- sano kaddib yaan sugeynaa oo dalkeena dib noogu habeynaya? Canaantii walaalkeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle waxay aheyd “Soomaaliyey SHAME ON YOU” W/Q: Farah Blue Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Madaxweynaha maamulka Putnland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu madaxtooyada Putnland ee Gaalkacyo uu ku qaabililay dhigiisa maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. Kulan labada Madaxweyne waxaa qeyb ka ahaa wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socday labada maamul,waxaa looga hadlay iskaashiga dhanka ammaanka labada muulmul ee magaalada Gaalkayo, in labada maamul ay ka yeeshaan siyaasad mid aha dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ku dhisan hanaankii lagu heshiiyay ee Fadaraalka iyo nabad galyada magaalaga Gaalkayo. Kulanka ka dib ayaa waxaa laba masuul ay soo saareen war murtiyeedwaxaana warbaahinta u aqriyay Af hayeenka maamulka Putnlan Jaamac Dabaraani. Halkaan ka aqriso dhageyso https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Xaaf-iyo-Saciid-Deni-oo-Galkacyo-ku-kulmay-waxa-ayna-soo-saareen-mar-murtyeed.mp3 Source: goobjoog.com
  3. Somaliland: Kulmiye & UCID Delegation To Kenya Rebuffed By EU Ambassadors Nairobi(Qarannews): The five member delegation from Kulmiye and UCID political parties, led by Mohamed Kahin Ahmed and Faisal Ali Warabe met with several ambassadors from EU countries, such as Denmark, Sweden, Finland, Germany and the United Kingdom to discuss the current political stalemate in Somaliland regarding the prospective parliamentary and local council elections scheduled for December, 2019. However, it would appeared that they have been rebuffed in their attempt to convince the EU donors that issues have been resolved. According to reliable sources, a meeting which took place at the Danish embassy in Nairobi between the delegation and the EU ambassadors ended without an agreement or an official communique. Our sources confirm that the EU ambassadors were not convinced that the political impasse regarding the scheduled elections had been resolved and the absence of Waddani, Somaliland’s main opposition party, from the meeting made it quite clear that there still work to be done. There are now six months left before the elections are to be held, and the moribund Somaliland National Elections Commission has still to began preparation for voter registration and other the steps needed for the voting to take place. Meanwhile, the equally moribund Somaliland House of Representatives has still yet to produce an elections bill that will enable the vote to take place. Speaking to the media, some members of the delegation accused the Waddani party and it’s chair, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” of spreading lies and disinformation about Somaliland to EU donors. A delegation from Waddani are expected to travel to Nairobi in the near future to put their own case to the EU ambassadors, meanwhile, the deadline for holding the elections looms ever closer. Qaran News
  4. Thailand's criminal court has handed down a guilty verdict, and fines totaling over $16 million, to six defendants accused of operating an illegal vessel in Thai waters. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-22052019-1.mp3 View the full article
  6. MOGADISHU (Reuters) - Few restaurateurs consider the threat of piracy in their plans but Abdulkadir Mohamed did so for his La Lanterna floating restaurant now moored off Mogadishu’s popular Lido beach. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caaismada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday talaabooyin ay cadaadis ku saareyso Soomaaliya kadib markii ay diiday in Baasaboorka Diblomaasiga ah ee siyaasiinta Soomaaliyeed ugu dhufato dal ku galka Kenya markii ay ka dagaan Garoonka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Saacadihii la soo dhaafay waxay soo celisay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Senatorro, Wasiiro iyo xubno kale oo la taliyaal ah, halka qaarkoodna ay ku badbaadeen Baasabooro kale oo ay heesteen. Arintaan xiisadda siyaasadeed ee labada Dowladood waligeed waa taagneed balse lama filayn in waqti dhow ay xaaladda sidaan noqon karto. Dad badan ayaa ilaa hadda fahamsaneen waxa soo cusbooneysiiyay Xiisadda labada dal. Caasimada Online ayaa ogaatay in Kenya ay ka xumaatay go’aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya ku meel mariyeen Sharciga Batroolka 20-kii bishaan, kaas oo ay hore Kenya uga digtay isaga iyo Shirkii London ee Shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa aad uga carootay dalab ay Dowladda Soomaaliya u dirtay howlgalka AMISOM oo ah “In Ciidamada Kenya laga wareejiyo magaalada Kismaayo laguna wareejiyo Ciidamada Itoobiya”. Kenya ayaa u aragtay dhabar jab kale oo soo gaaray Ciidankeeda iyo danihii ay ku qabtay Kismaayo. Prof. Cabdifitaax Nuur Raage oo bartay Xiriirka Caalamiga islamarkaana wax ka dhiga dhowr Jaamacad oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in Kenya aad ka gadooday laba qodob oo kala ah:- Ansixinta sharciga Batroolka ee Baarlamaanka Soomaaliya Iyo dalab ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Taliska AMISOM oo Ciidamada Kenya looga badalayo Kismaayo kuwaas oo sababay in Dowladda Kenya ay qaado talaabooyin ay ku cadaadineyso Soomaaliya. Prof. Cabdifitaax Nuur Raage ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u banaan-tahay laba talaabo oo kala ah:- In ay qaado talaabada Kenya oo kale iyadoo ka aarsaneysa Dowladda iyo In ay dacwad u gudbiso ururada ay kuwada jiraan ee Africa ka jira sida IGAD, AU iyo kuwa kale balse waxa uu ku taliyay in ay Dowladda ku xisaabtanta in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin Kenya hanti badanna ay ka taalo. Dowladda Kenya oo Soomaaliya kala dhaxeeyo muran dhinaca Badda ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay fulisay talaabooyin aan ku wanaagsaneen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal balse Dowladda Soomaaliya ayaa wali wado dadaalo ay ku soo celineyso xiriirka labada dal oo si gaabis ah ku socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin qarax dad badan ay khasaare kasoo gaartay oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo noqonaya qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay dhalatay bisha barakeysan Ramadaan. Khasaaraha ka dhashay Qaraxan ayaa la sheegay inuu kor u dhaafayo 15-qof oo dhimasho ah iyo dhaawacyo intaas ka badan, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay yihiin kuwo culus, waxaana lagu dabiibayaa isbitaallada Xamar qaarkood. Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay qarxaas ku dileen tiro ka mid ah ciidamada dowladda Somalia, xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha dowladda Somalia oo ay sheegtay inay xilligaas joogeen uu ka dhacay qaraxa. “Qaraxa waxaa fuliyay xubno naga tirsan oo Muqdisho ku sugan, waxaanan ku dilnay halkaas tobaneeyo qof oo isugu jiray askar, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo shaqaale xukuumadda u shaqeeya,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab. Sidoo kale, wuxuu afhayeenku sheegay in tallaabadan ay jawaab u ahayd hadallo kasoo yeeray dowladda oo ahaa in Muqdisho amnigeeda la sugay, isagoo xusay inay sii wadayaan beegsiga goobaha ay gacanta ku haso DF, gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin xubnaha ka tirsan dowladda. Danka kale, Dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen qaraxan waxaa ka mid ah dad barakacayaal ah oo dagganaa dhismaha wasaaraddii caafimaadka oo kaabiga ku haysa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana lagu waayay dhowr qof oo ay ku jireen carruur aad u yar-yar. Booliiska Somalia ayaa iyaguna dhankooda sheegay in weerarkaas laga hor-tagay, isla markaana lagu dilay shan qof, tiro kalena lagu dhaawacay, balse wararkii dambe ee soo baxay ayaa sheegaya inay tiradu gaartay in ka badan 15-qof oo ay ku jiraan xubno dowladda ka tirsan. Ugu dambeyn, Muqdisho oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay ayaa weli waxaa ka dhacaya qaraxyo ismiidaamin ah oo ay geysanayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, waxaana qaraxan kii ka horreeyay uu Muqdisho ka dhacay dhawr maalmood ka hor, inkastoo uu khasaare yaraa. PUNTLAND POST The post Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo Al-shabaab ay sheegatay iyo Khasaarihiisa oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  9. A court ruling in Somalia this month that relied on DNA evidence to convict three men of the brutal rape of a young Somali girl could change the future course of criminal justice in the country. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (Xinhua) -- A senior African Union envoy in Somalia held talks with Ahmed Mohamed Madobe, president of the Jubbaland State of Somalia, on the upcoming elections and planned security operations to secure the main supply routes in the southern region. Source: Hiiraan Online
  11. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa heshiisyo ku gaaray islamarkaana qodobo kasoo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kulankooda ugu dooday arrimaha siyaasada, doorashooyinka, iyo sharciyada batroolka iyo canshuuraha dalka. Qoraal shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Galmudug iyo Puntland ay si wadajir ah uga soo horjeedaan islamarkaana aysan aqoonsanayn sharciga canshuuraha iyo sharciga batroolka ee dowladda federaalka. Labada maamul ayaa sidoo waxa ay ku heshiiyeen iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo siyaasada sida lagu sheegay qoraalka ay wadda jirka u soo saareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
  12. War murtiyeed Ka kooban 8 qodob ayaa ka soo baxay shir ay maanta wada qaateen labada madaxwayne ee Puntland iyo Galmudug. halkaan hoose ka akhriso. Source
  13. Soomaaliya ayaa maanta ka jawaabtay talaabooyin xiriiro ah oo ay qaaday Kenya, kuwaas oo u muuqday kuwa dhaawacaya darisnimada iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan. Soomaaliya iyo Kenya ayaa dacwadi ka taala maxkamad cadaalada ee ICJ, laakiin 6 bilood ka ka hor natiijada dacwada ayey Dowladda Kenya bilaawday rafasho siyaasadeed. Kenya ayaa dhowr jeer usoo jeedisay Soomaaliya in si ka madaxbanaan maxkamada ICJ looga wada hadlo muranka badda, laakiin madaxda Soomaalidu ma aaney tix galin dalabkaas. Kenya waxey urur goboleedka IGAD iyo ururka Midowga Afrika ka dalbatay in muranka kala dhaxeeya Soomaaliya loo xaliyo si heer gobol ah, laakiin Soomaaliya ayaa la sheegay in aaney taas aqbalin. Waxaa kaloo jirtay aragti ay waday Itoobiya oo ah in labada wadan ay wadajir ah u wadaagaan faa’iidada dhulka lagu muransan yahay iyadoo aan laga wada hadlin lahaanshaha ,laakiin taasna Soomaaliya waa ka cudur daartay. Wixii markaa ka dambeeyay, Kenya waxey bilaawday dagaal nooc walba leh oo ka dhan ah Soomaaliya, iyadoo aaminsan in iska caabinta Soomaaliya ay abuuri doonto dhabe ay labada wadan kaga wada hadlaan waxa ka dhaxeeya iyadoo ay ka maqan tahay maxkamada ICJ. Safiirka Soomaaliya ayaa laga soo saaray Nairobi, sacdaalkii ayaa lagu adkeeyay shacabka Soomaaliyeed iyadoo baaristii Wajeer lasoo celiyay, madaxdii Dowladda ayaa dal-kugalkii Kenya loo diiday, caburin ganacsi iyo hadal xanaf leh ayey abuurtay Kenya, walina wax kale ayaa laga filan karaa. Soomaaliya waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidan Kenya, ganacsiga Qaadku waa fure dhaqaale oo ay Kenya leedahay, muwaadiniin badan oo Kenya ah ayaa ka xamaasha Soomaaliya waxaana intaas laga fahmi karaa iney Soomaaliya heli kartay talaabo ay kaga jawaabto daan daansiga Kenya, laakiin wax ficil ah ma aaney sameyn. Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan wadamada darisku waxa ay eegayeen nooca ay noqon karto jawaabta Dowlada Soomaaliya. Qoraalkii maanta kasoo baxay wasaaraddda Arrimaha dibbada ee Soomaaliya ayaa rajo xumo ku riday Kenya, waxaana u ahaa mid tirtiray fursadii ay raadineysay Kenya oo aheyd iney Soomaaliya bixiso jawaab adag, kadibna uu cilaaqaadku xumaado, kadibna loo baahdo wada hadal inta aan la aadin maxkamada, taas oo hadii ay dhacdo dhabar jab weyn ku ah Soomaaliya. Qoraalkii maanta ee wasaaradda arrimaha dibbada ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Somalia ay ka xuntahay talaabooyinka ay qaaday Kenya oo ah ku carqaladeyn kara xiriirka labada wadan. Somalia waxey muujisay sida ay uga walaacsan tahay waxyaabaha soo kodhay, balse waxey sheegtay iney mar walba qadarin sare iyo xushmad u heyso Kenya. (Cajiib). Wuxuu ahaa gantaal ku qoran luuqad siyaasadeed oo ay ka muuqato ilbaxnimo, deganaan, fikir iyo faham la xiriira dacwada maxkamada. Wuxuu xanibay wax walba oo ay Kenya ka damacsaneyd talaabooyinkii ay qaaday bilihii u dambeeyay, wuxuuna Nairobi ku qasbaya iney ka fakarto qorshe cusub. Go’aanka maxkamadu waa mid aan racfaan laheyn. Dadka reer Kenya waxey ku baroorteen asbuucan in 6 bilood kadib go’aanka soo bixi doona uu geeri u yahay. Talaabooyinka Kenya waxaa ka muuqata in maxkamada loogaga adkaaday. Dhabaha kaliya oo Kenya u furan waa iney Soomaaliya wada hadal ogoolataa, taasina ma muuqato. Dadka arrimahan u dhuun daloola waxey sheegayaan in hadii aaney Soomaaliya badalin istaraatiijiyada ay hada ku socoto oo ah aamusnaan iyo qoraal aan xaalad abuur aheyn, in Soomaaliya ay ku adkaan doonto maxkamada iyo masraxa siyaasada labadaba. Dowladda Soomaaliya waxey mudan tahay in lagu bogaadiyo sida ay uga dabaalatay dabinka Kenya. Waxaa qoray: Abdullahi Osman Farah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Puntland iyo Galmudug ayaa ka soo horjeestay sharciga batroolka ee uu ansixiyay aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Sidoo kale waxay ka soo horjeesteen sharciga doorashooyinka Qaranka iyo xeerka cabshuuraha dalka. Labada maamul ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda ah. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo ka soo horjeestay sharciga batroolka ee Golaha shacabku ansixiyay appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xeeladii cajiibka aheyd ee uu Axmed Madoobe u dagay soo xulista Xildhibaanada cusub ee Maamulka Jubbaland ayaa u muuqato inay guuleysan rabto. Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland & Odayaasha Dhaqanka ayaa Maanta ku yeeshay kulan xasaasi ah Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulkaas. Guddiga iyo Odayaasha ayaa waxay kulankooda uga hdleen habka loo marayo soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland iyadoo la fulinayo rabitaanka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo inuu mar kale kusoo noqdo xilka madaxweynimo ee Jubbaland. Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Jubbaland Odayaasha Dhaqanka ku nool la keeni doono Magaalada Kismaayo si loo siiyo tababaro ku aadan xalinta khilaafaadka. Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in Oday dhaqameed walba laga doonayo in uu keeno saddex qof oo Beeshiisa ah, kadibna looga xusho midkii ka mid noqon lahaa xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland. Habka loo marayo soo xulista Xubnaha xildhibaanada Cusub ee Jubbaland oo ka duwan sidii hore ayaa waxaa kasoo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,iyaga oo sheegay in habkaas uu yahay mid Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku doonayo in uu kusoo baxo Xildhibaanka taageersan. Axmed Madoobe ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada Jubbaland kasoo jeedo iyo qaar ka tirsan Odayaasha Beelaha dago Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa diiday inay Dowladda Soomaaliya goobjoog ka noqoto Doorashada, wuxuuna xoogga saarayaa sidii uu kursiga mar kale ugu soo noqon lahaa. Lama hubo sida ay u suurtageli karto xeeladaan uu doonayo inuu Axmed Madoobe kusoo xulo Xildhibaanada Maamulka Jubbaland maadaama ay arrintaas ka taagan tahay dood kulul.
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Amniga Iyo Taliyaha Ciidammada Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Saciid Xaaji Maxmuud Faarax , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda oo maanta oo ah Arbaco, 22 May, 2019 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saaka agagaarka Daljirka Dahsoon ee Muqdisho. Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Debadda, Xanaanada Xoolaha, daryeelka naafada iyo agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka. Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Debadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”. Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Baashe Cabdi Yuusuf, waxa uu gacan ka gaystay sidii loo xukumi lahaa Kornayl Yuusuf Cabdi Cali ( Tuke), oo shalay ay xukuntay Maxkabad ku taalla Maraykanka. Baashe, sidoo kale waa ninkii Dacwadda ku soo oogay Generaal Maxamed Cali Samater, waraysi uu siiyay HCTV ayuu ku sheegay in uu sii wadayo ugaadhsiga dadka lagu eedaynayo in ay gaysteen falal ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo xatta ay ku jiri karaan saraakiishii SNM haddii la soo eedeeyo inay gabood fallo dad u gaysteen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Dadka mas’uuliyiinta ahaa ee qarixii maanta ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa haatan ahaa la-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana xilal kala duwan uu kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, isaga oo soo shaqeeyay xilli adag. Qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa saraakiil ciidan, askar iyo shacab intaba. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa tiri in lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil iyo xildhibaano kusii jeeday madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanadii uu dambeeyay ee qaadatay Dowladda Kenya,kuwaasi oo hoos u dhigay xiriirka Labada dal. “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah. Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin. Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Puntland Post The post Dowlada Soomaalia oo war ka soo saartay go’aankii Kenya appeared first on Puntland Post.
  21. At least one person was killed and several others wounded in a remote-controlled landmine explosion in the outskirts of Mogadishu, the Somali capital on Wednesday. A witness confirmed to Radio Shabelle that the IED blast was targeted a vehicle belonging to a local NGO, killing a driver. The incident took place on a road linking Ex-control junction and Hoosh village. It’s unclear why the NGO’s car was blasted and there was no immediate claim of responsibility for the attack which occurred just after a huge car bomb killed several at a security checkpoint in Mogadishu. Al-Shabaab continues to carry out attacks in the capital despite losing swathes of territory in the country to Somali and African Union forces [AMISOM]. View the full article
  22. Waxaa maanta qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horay u soo noqday xildhibaan, soona qabtay dhowr wasaaradood. Tan iyo xiliggii dowladdii Siyaad Barre waxaa uu ku caan ahaa wasaaradda qorsheynta, wasiir ayuu marar badan ka noqday iyo sidoo kale la-taliye. Burburkii kadib, waxaa uu madax ka ahaa guddiga loo saaray arrimaha dastuurka, xilligaas waxaa dalka joogay ciidamada ka socday Qaramada midoobey. Shirkii Carte ee dib u heshiisiinta iyo dhismihii dowladda Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa uu xukuumaddii Xasan Abshir ka noqday wasiirka iskaashiga caalamiga ah. Shirkii Mbagathi ee Kenya kadib, waxaa uu ahaa xildhibaan, waxaa kale uu wasiirka agoonta iyo naafada ka noqday xukuumaddii Cali Geedi, isla xukuumaddii Geedi markii ay dib u soo noqotay waxaa uu mar kale ka noqday wasiirka qorsheynta. Xukuumaddii ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka ahaa wasiirka dalxiiska, warshadaha iyo ganacsiga. Ugu dambeyntii waxaa uu 2009-kii, xukuumaddii ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka dib u dhiska 2017-kii, waxaa uu u tartamay kursiga aqalka sare, laakin waa looga adkaadey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. AMNESTY INTERNATIONAL PRESS RELEASE 22 May 2019 UN: Catastrophic failure as civilians ravaged by war violations 70 years after Geneva Conventions The UN Security Council must mark the 70th anniversary of the Geneva Conventions this year by ending its catastrophic failure to protect millions of civilians around the world whose lives and livelihoods are routinely ravaged by violations of the laws of war, Amnesty International said today. Tomorrow (23 May), the Security Council will hold an open debate on the protection of civilians in armed conflict – 20 years after this goal was first added to its agenda. “Twenty years after the UN Security Council pledged to do its utmost to protect civilians in armed conflict, and 70 years since the Geneva Conventions sought to shield civilians and others from the types of atrocities committed during the Second World War, the picture is incredibly grim,” said Tirana Hassan, Crisis Response Director at Amnesty International. “The great military powers cynically boast about ‘precision’ warfare and ‘surgical’ strikes that distinguish between fighters and civilians. But the reality on the ground is that civilians are routinely targeted where they live, work, study, worship and seek medical care. Parties to armed conflict unlawfully kill, maim and forcibly displace millions of civilians while world leaders shirk their responsibility and turn their backs on war crimes and immense suffering. “Russia, China and the United States continue to abuse their veto power by blocking draft resolutions that aim to prevent or stop atrocities from taking place. Every time this happens, they are putting innocent people living in these danger zones at grave risk.” In recent years alone, Amnesty International has documented a blatant disregard for civilian protection and international humanitarian law in armed conflicts where four of the five permanent members of the UN Security Council are parties – Russia, the USA, the UK and France. The fifth, China, has actively shielded neighbouring Myanmar as it carried out war crimes, crimes against humanity and possibly genocide. The disastrous failure to protect civilians has been evident in the US-led Coalition’s blitzing of Raqqa, Syria, that left more than 1,600 civilians dead; in Russian and Syrian forces’ wanton destruction of civilian infrastructure and lives in Aleppo, Idlib and elsewhere – forcing mass displacement of millions and amounting to war crimes and crimes against humanity; and in the war in Yemen where the Saudi Arabia/UAE-led coalition, backed by Western arms, has killed and injured thousands of civilians in unlawful attacks and fuelled one of the world’s worst humanitarian crisis. Somalia remains another of the world’s worst human rights and humanitarian crises. All parties to the conflict, including the USA, have violated both international human rights and humanitarian law. Despite ramping up air strikes in its secretive war in Somalia over the past two years, the USA failed to admit a single civilian casualty until an Amnesty International investigation prompted it to. Israel has repeatedly targeted civilians and civilian objects during military operations in Gaza since 2008, causing great destruction and loss of human life. Between March 2018 and March 2019, Israel used lethal force against Palestinian protesters, killing at least 195 people, including medics, journalists, and children. Palestinian armed groups have fired indiscriminate rockets into civilian neighbourhoods in Israel, causing several fatalities. In South Sudan and elsewhere, conflict-related sexual violence and gender-based violence are occurring at shocking levels. Witnesses and victims of a brutal government-led offensive in April-July 2018 in the north of the country described how civilians, including women, children, older persons and persons with disabilities were deliberately killed by gunfire, burnt alive in their homes, hung from trees and rafters and run over with armoured vehicles. Civilians were hunted down while fleeing into nearby wetlands, or rivers, as soldiers shot indiscriminately into areas where people were hiding and carried out attacks on islands where they had sought refuge. The UN Assistance Mission in Afghanistan (UNAMA) reported a record high number of civilian casualties in 2018, with 10,993 people killed or injured Just last week, in Libya, Amnesty International documented how a fresh offensive on Tripoli has been marked by indiscriminate attacks and assaults putting the lives of civilians, including vulnerable detained refugees and migrants, at risk. Nor is the record of the United Nations itself unblemished. In South Sudan, the Central African Republic, and elsewhere, UN peacekeepers have failed, on multiple occasions, to protect civilians facing deadly violence. A particularly reprehensible problem is that of sexual exploitation and abuse, with civilian women and girls being raped and assaulted by the very peacekeepers who are supposed to protect them. Especially vulnerable people like children, older persons and persons with disabilities have also been targeted in particular ways in conflict – such as militaries and armed groups recruiting child soldiers or brutally assaulting those less able to flee during attacks on civilian populations. Despite international treaties prohibiting their use, some states and armed groups continue to use inherently indiscriminate weapons like cluster munitions and landmines, which have been banned under international law for their impact on civilians. Others, such as Syria and Sudan have also used chemical weapons, which have no place in warfare. Last year, the UN Refugee Agency decried the record-breaking figure of 68.5 million people displaced worldwide by armed conflict and other forms of violence. “Seventy years on from the Geneva Conventions, to have almost 70 million human beings displaced by wars and other violence reflects the catastrophic failure of world leaders to protect them,” said Tirana Hassan. “World leaders have all but abandoned civilians to the ravages of war. This week’s open debate in the Security Council must yield more than just posturing and empty promises. Concrete action is needed to reverse course, effectively protect civilians, stop war crimes and end impunity.” Qaran News
  24. Waxaa sii kordhaya qasaarihii ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo soo noqday wasiirkii arimaha dibada Soomaaliya dowladii Xasan Sheekh Maxamuud. Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa hadda ahaa latiliye katirsan wasaarada arimaha dibada Soomaaliya. Sidoo kale Xuseen Ceelaabe Faahiye xilal ka soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirkii Arimaha dibada oo ku dhintay qarixii Muqdisho appeared first on Puntland Post.