-
Content Count
215,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Falanqayn ku saabsan Xidhiidhka Somaliland Iyo Kenya Oo Xoogaysanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Khartoum)-Guddiga Millateriga ah ee Suudaan sida ku meel-gaadhka ah u xukuma ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedinta Midowga Afrika iyo Itoobiya ee ah in dhinaca Suudaan isku hayaan dib u bilaabaan Wada-hadalladii u dhexeeyay ee joogsaday. Generallada hoggaamiyaha Suudaan iyo Isbahaysiga Mucaaradka ayaa isku dhacsanaa toddobaaddo ka dib, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii muddada dheer soo xukumayey Suudaan ee Cumar Xasan Al-bashiir. Dhexdhexaadiyeyaasha ay hoggaaminayaan Ururka Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa illaa xilligaa isku dayayey inay jebiyaan (khilaafka) oo labada dhinac dib ugu laabtaan Wada-hadalladoodii tooska ahaa ee u dhexeeyay. Dibed-baxayaasha Suudaan ayaa hore u aqbalay qorshaha Raysal-wasaaraha Itoobiya ee siyaasadda ku meel-gaadhka ah. soo jeedinta Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa wax yar kaga duwan soo jeedintii hore ee Itoobiya, taasi oo isbahaysiga dibed-baxayaashu soo dhaweeyeen ama aqbaleen, sida ay ku warrantay Reuters. “Guud ahaan, Waa soo jeedin habboon in wada-xaajoodyada laga gaadho heshiis nagu hoggaamiya in la aasaaso Hay’ado ku meel-gaadh ah oo Sharci ah..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Taliska Ku meel-gaadhka ah ee Suudaan, Lieutenant General Shams al-Din Kabashi Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa kusii qul qulaya Odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Jubbaland si ay u soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland. Maalmaha nasoo aadan ayaa lagu wadaa in soo xulista Xildhibanada cusub ee maamulkaas ay ka bilaabato magaalada Kismaayo, halkaas oo loogu diyaariyey goobihii lagu qaban lahaa doorashooyinka maamulkaas. Waxaa jiro loolan adag uu dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo inuu mar kale kusoo laabto xilka madaxweynimo ee Maamulkaas. Axmed Madoobe ayaa u diiday dowladda Soomaaliya inay ku lug yeelato doorashada ka dhici doonto Kismaayo, waxayna taas keentay inay dowladda Soomaaliy raadiso duleelo kale oo ay ugu lug lahaan laheyd Doorashadaas. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf salka ku haya hanaanka loomarayo soo xulista Xildhibanada ee Jubbaland, waxaana wali la shaacin xalka laga gaaray iyo qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub. C/rashiid Xasan Cabdi (C/rashiid Janan) oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan ay ku soo fool leedahay doorasho ayaa si qarsoodi ah ku imaaday Magaalada Muqdisho taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo ay wado Dowladda Soomaaliya. Wasiir C/rashiid Janan ayaa la dejiyay Xarunta NISA, waxaana wararku sheegayaan in dowladda Federaalka kala hadli doono arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso albaab ay ka gasho. Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qareen Mustaf Maxamed Jaaamac Mid kamid ah Qareennada difaacaya saddexda nin ee ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal u goysay waaran lagu soo xirayo, maalmo kadib markii arrima ku saabsan kiiskan loo xiray, taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali. Xeer ilaalinta gobolka Nugaal, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka 27—dii bishan u gudbisay, dawcad ka dhan ah Mustaf Maxamed Jaamac oo kamid ah, Qareennada difaacaya ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas, waxaana Xeer-ilaalintu Qareenka ku eedaysay aflagaaddo, cay iyo iska’ horkeenid shacabka iyo dowladda Puntland. Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay, in xabsi ku hayn loogu sameeyo Qareenka, iyadoo maxkamadduna codsigaasi ogolaatay, islamarkaana ay waaran lagu xirayo u jartay Mustaf. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen oo soo saaray waaranka, ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ku amray, in uu xabsiga ku hayo Qareenka Mustaf Maxamed Jaaamac. Dhinaca kale, maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa Sabtida maanta ku dhawaaqday, in ay maalinta berriya go’aan ka gaari doonto, saddexda eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha Ilyaas, kuwaasi oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ay xukun dil ah ku ridday. PUNTLAND POST The post Qareenkii difaacayey saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha oo isagii waaran loo jaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay xaafada Mac-macaanka ee degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca baabuurta lagu dhejiyo ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyoodey hal ruux oo gaariga saarnaa. Shaqigaasi ayay wararku la tilmaamayaan in uu ahaa macalin dadka bara sida loo kaxeeyo baabuurta. Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan oo aysan wali ka hadlin hay’addaha nabad-gelyadda Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay walaalkiis Suldaanka Saldanada dalka Cummaan Suldaan Qaabuus Binu Siciid hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada dalkeenna. Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Cummaan shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Suldaan Qaabuus Bin Siciid bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna. Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Todobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leennahay Gobolka Geeska Afrika. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay dil ka geysatay xaafada UNICEF ee degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho. Shaqsiga la khaarijiyey ilaa iyo haatan lama aqoonsan waxa uu yahay iyo sidoo kale shaqadda uu qabto. Ciidamada ammaanka oo goobta uu falku ka dhacay tegay ayaa sameeyay howlgalo dad badan lagu soo qabtey. Maamulka degmada wali kama uusan hadlin dhacdadan oo sidoo kale aysan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyaddiisa. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreetooyin is-xigay oo uu Sabtida maanta soo saaray ku magacaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub. Madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland u magacaabay S/Gaas yaasiin Cumar Dheere halka uu taliye xigeenka labaad ee Daraawiishta u magacaabay S/guuto Axmed Cali Salaad. Sidoo kale madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Karkaar u magacaabay Siciid Maxamed Faahiye halka uu guddoomiye ku xigeen u magacaabay Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir isagoo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Karkaarna u magacaabay G/dhexe Cabdulqaadir jaamac Dirir. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kooxda waaberi Puntland u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube halka Cabdicasiis Cilmi Yuusuf uu u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde lagu xiray Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik. Mas’uuliyiinta la xiray ayaa kala ah: Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq Wararka ayaa sheegayo inuu Mas’uuliyiintaan uu xiray taliye xigeenka Xarunta Dambi baarista ee CID Bishaar oo xayiraad kusoo rogay canshuuridda Qaadka kadib markii Booliska ay sheegeyn in wax la is daba mariyey. Waxaa hadda gaaray Garoonka Aadan Wasiirka Maaliyadda Beyle iyo ku xigeenkiisa Qaloocow kuwaas oo halkaas u tagay inay ogaadaan sababta ay xubnahaan u xiran yihiin. Sidoo kale Qaadkii imaan jiray gudaha Muqdisho ayaa saacado badan ku xayirnaa Garoonka Muqdisho, waxaana lasoo fasaxay xilli dambe oo galabta ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida ayaa lagu shaaciyay inuu isku soo dhiibay sarakaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab. NISA ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay Mukhtaar Maxamed Cabdi oo ku magac dheer (Mukhtaar Ganey). Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganey uu muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al Shabaab uga soo goosan lahaa. “Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganey), oo ahaa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka. Mudooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay tiradA dagaalyahannada ee ka soo baxaya Al Shabaab, iskuna soo dhiibayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article -
Hogaanka Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta iska fogeeyay sheegashada ah in magfaca ururka la badalay, taasoo ay ku tilmaameyn waxba kama jiraan. Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumaar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay in magaca ururka NUSOJ aanan la badalain balse ay jiraan shaqsiyaad si been abuur ah u sheegan jiray magaca ururka kuwaasoo markii ay runta ay arkeen go’aansaday in ay magac kale la baxaan. “Hadaad marka hore been abuur la wareegeysay, hadana been abuurkaadii unbaa la baxday. NUSOJ waa urur macruuf ah oo la wadayaqaano oo ay xubno ka yihiin suxufiyiin kala joogo gobolada dalka iyo dibada. Been abuur ka weyn ma jiro in qof aan marnaba xubin ka noqon ururka in uu sheegto,” ayuu yiri Cumar Faaruuq. “Waxa aan maqleyno waa in ay ka waantoobeyn been abuurkii ay ku hayeen ururka taasoo u keentay shaqsigii been abuurka waday in la maxkamadeeyo, dambiyo waa weyn uu faraha la galo” ayuu sii raaciyay Cumar Faaruuq. Xoghayaha NUSOJ ayaa intaas ku daray in ay nasiib daro weyn tahay in shaqsiyaad sheeganaya in ay suxufiyiin yihiin ay ka shaqeeyaan dhibaateynta iyo jaha wareerinta suxufiyiinta iyo iska horkeenida dowladda iyo suxufiyiinta gaar ahaan ururka NUSOJ si dalka Soomaaliya magac xumo loogu soo jiido. “Waxaan sii wadayna u hiilinta iyo difaacitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyada saxaafada iyo xuquuqda shaqo ee suxufiyiinta, anagoon cidna ugu heybeysaneynin,” ayuu ku daray Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan. NUSOJ oo ah ururka kaliya ee uu aqoonsan yahay ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ ayaa waxaa sameystay suxufiyiinta Soomaaliyeed si loo difaaco danaha iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa maanta howlgallo Milatari ka sameeyay deegaano hoostaga gobolka Bari ee maamkulkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa laga fuliyay agagaarka buuraha Calmadow ee gobolkaasi. Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladan lagu gubay godad ay hubka iyo raashinka ku Keydsan jireen Al Shabaab. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu burburiyay saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi. Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku Keydsan jireen Hubka iyo Raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo ay ku lahaayeen Buuraleyda Calmadow” ayaa lagu yiri qoraalka. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada maamulka Puntland ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobolka Bari. View the full article
-
Buulo-burte (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Al Shabaab iyo ciidamada DF ay ku dagalaameendegmada Buulo-burte ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa waxa uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka garoonka degmadaasi. Weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa in dagaal toos ah uu dhexmaray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi waxa ay sheegeen in ay ku dileen labo Askari, islamarkaana ay horay uga sii qaateen hubkoodii, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Milatariga oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dhinaca kale faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya. Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana la sheegay ciidamadu ay xireen qaraxa kadib meesha ay wax ka dhaceen. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalka deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
-
Guriceel (SMN) – R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka damne ee maanta ku wahan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha degmadaasi Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga lagu arkayo halkaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaruhu marka uu tago Guriceel in uu kulamo la qaato waxgaradka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Khayre oo muddo ku dhow todobaad ku sugan GalMudug ayaa horay u booqday degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. View the full article
