Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug gaadiidka rogmaday ayaa waxaa saarnaa Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladda Wasiirka. Wasiirka ayaa la sheegay inay xaaladiisa wanaagsan balse wexyeelada ay soo gaartay ciidamada ilaalada u aheyd kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Dhuusomareeb. Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay inay la tacaalayaan caafimaadka ciidamada waxyeelada kasoo gaartay shilka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb. Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  2. War-murtiyeedka shir madaxdeedka ururka iskaashiga Islaamka ee jimcihii ka dhacay magaalada barakeysan ee Maka ayaa looga hadlay faragelinta Iran, duqeynta Xuutiyiinta, Falastiin iyo arrimo kale. Shirka waxaa lagu dheeraaday faragelinta Iran ay ku heyso dalalka badan oo Carab ah sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, waxaa kale oo la dhaleeceeyey duqeynta ay Xuutiyiinta u geysteen goobo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga. Suuriya, waxaa uu shirka isku raacay in aaney aqoonsaneyn wax walbo oo ka hor imaanaya go’aannada caalamiga, isla markaana badalaya jirintaanka dhulka iyo dad meel ku nool. Shirka waxaa uu dhaleeceeyey aqoonsiga Qudus ay Mareykanka ugu aqoonsadeen caasimadda Israel iyaga oo ku celiyey xaqa Falastiiniyiinta u leeyihiin dowlad Kooxda ayaa sidoo kale waxaa ay ka digeen Islamophobia iyaga oo ugu baaqay dalalka ay ku nool yihiin muslimiinta tirada yar iney ixtiraamaan dadkaasi, kana hortagaan dhibka loo geysanayo. Dhinaca kale, shir madaxdeedka iskaashiga Islaamka ee Maka waxaa ka maqnaa hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Iran, waxaa sidoo kale dhaleeceynta Iran ka gaabsaday dalka Ciraaq. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sh/Hoose ayaa ku warramaya in xalay dabley hubeysan nin Oday ahaa ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dilka ayaa ka dhacay tuulada sagaalaad ee degmadaasi, waxaana la sheegay in loo geystay Marxuum Cismaan Xaaji Qaasim oo ka tirsanaa dadka deegaanka. Ragii ka dambeeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsaday, sida ay inoo xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka Afgooye oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal iyo falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Degmada Xamar Weyne ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda Xamar Jajab oo ay ka wada tirsan yihiin gobolka Banaadir. Labada degmo oo u dambeeyay wareega 8 dhamaadka ee tartanka ayaa muujiyay karti, hayeeshii waxa ay guushu raacday degmada Xamar Weyne ee M/ Muqdisho. Xamar Jajajb ayaa keensatay 10 buundo, halka Xamar Weyne ay la timid dhibco gaaraya 14, sidaasina waxa ay ugu gudubtay wareega 4 dhammaadka ee tartanka Shabelle. Wareega Sama-finalka ee tartanka waxa haatan isugu soo haray illaa 4 degmo oo kala ah Howlwadaag, Dharkenley , Shibis iyo Xamar Weyne. Tartanka u dhexeeya degmooyinkan ayaa waxaa si wadajir ah la qaban doona Habeen dambe, si ay uga soo baxaan labada degmo ee nasiibka u yeelan doona Finalka. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  5. Gaalkacyo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bastoolada ayaa ka dhacay koonfurta magaaladaasi, waxaana la sheegay in loo geystay mid ka mid ahaa shaqaalaha QM ee ka howlgala deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Kheyre (Fiinto), waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Salaada Taraawiixda. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahayeen ragga ka dambeeyay dilkaasi, balse dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa falal amni oo darrI oo maalmahan dambe ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka. Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah. Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeeybgalay shirka wadamada iskaashiga islaamka ee Makka appeared first on Puntland Post.
  7. Bardaale (SMN) – Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weeraro xoogan ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya. Weeraradan ayaa ka dhacay degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weeraradaasi kadib dagaallo foolka fool ah ay ka dhaceen halkaasi, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo Raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyay intaba. Ma jiro weli wax war oo ka soo baxay Al Shabaab iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaaladaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana goobihii lagu daalamay ku sugan Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed View the full article
  8. Makka (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka. Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah. Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-01062019-cc.mp3 View the full article
  10. About 50km North of Mandera lies Rhamu town, known more for its searing heat, huge flocks of livestock and occasional skirmishes between the majority Garre and the minority Degodia Somali subclans over political competition. Source: Hiiraan Online
  11. About 50 kilometres north of Mandera Town lies Rhamu town, known more for its searing heat, huge flocks of livestock and occasional skirmishes between the majority Garre and minority Degodia Somali sub-clans over political competition. Source: Hiiraan Online
  12. Uber is now requiring the same good behavior from riders that it has long expected from its drivers. Uber riders have always had ratings, but they were never really at risk of deactivation — until now. Starting today, riders in the U.S. and Canada are now at risk of deactivation if their rating falls significantly below a city’s average. Source: Hiiraan Online
  13. In the last three years, David Hutson has beaten both throat and skin cancer. Source: Hiiraan Online
  14. What makes us happy in life? It seems like a straightforward question, but it’s one that we find ourselves asking every day. Source: Hiiraan Online
  15. A longtime city employee opened fire in a municipal building in Virginia Beach on Friday, killing 12 people on three floors and sending terrified co-workers scrambling for cover before police shot and killed him following a “long gun-battle,” authorities said. Source: Hiiraan Online
  16. Jeddah, Saudi Arabia (CNN)King Salman of Saudi Arabia has pulled off in Mecca what many had thought unlikely -- getting 20 or so disparate Arab nations to unite in a common position against Iran. Source: Hiiraan Online
  17. Terrorists are criminals whose actions are not sanctioned by an religious groups and the fight against terrorism must he seen in that light according to Kenyan president Uhuru Kenyatta. Source: Hiiraan Online
  18. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaaray in la dhimo 1,000 askari oo ka tirsan kuwa ka socda gobolka kuwaasoo ku sugan Soomaaliya, iyadoo ay jiraan weerarrada sii kordhaya ee ay Alshabaab ka waddo magaalada Muqdisho. Golaha ayaa cod mideysan oo ay qaadeen ku sheegay inay dhimayaan hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) laakiin goluhu waxay sheegeen in dib go’aanka looga fiirsan doono haddii rabshadaha ka jira Soomaaliya ay ka sii-daraan. Qaraarkan oo ay miiska soo-saartay dowladda UK ayaa lagu dhimayaa askar gaareysa 1,000 laakiin waxaa qaraarka lagu sheegay in ciidanka badankiis ay hawlgalladooda sii wadan doonaan maaddaama waqtigooda sannad lagu daray. Marka la eego qorshaha xilliga kala-guurka ee lagu heshiiyey sannadkii 2017, AMISOM waxay si tartiib ah ugu wareejineysaa amniga ciidamada Soomaaliya laakiin Midowga Africa ayaa walaac ka muujiyey sida loogu baahan yahay mas’uuliyad dheeri ah iyadoo dalku doorashooyin galayo sannadka dambe. Qaramada Midoobay ayaa taageerta sugidda xasilloonida Soomaaliya halkaas oo Xarrakada Alshabaab ee gacan-saarka la leh Alqaeda ay raadineysay muddo 10 sano ah sidii ay u afgambin lahayd dowladda Soomaaliya. Xarrakada Alshabaab ayaa waxaa ka saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011kii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxayna ka baxeen badankood saldhigyadii ay ku lahaayeen Muqdisho laakiin waxay wali maamulaan qeybo badan oo ka mid ah baadiyaha dalka waxayna halis ku yihiin nabadda Soomaaliya. Hadal ay si wadajir ah u soo-saareen Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay tiro weerarro ah oo ay Alshabaab ka fulisay caasimadda waxaana ka mid ah weerarkii loo adeegsaday hoobiyaha ee lagu weeraray fariisin Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho bishii Jannaayo. Bishii March oo kaliya Alshabaab waxay ka fuliyeen Muqdisho laba weerar oo waaweyn iyagoo u adeegsaday weerarradaas 28 qaraxyada gawaarida lagu xiro ah sida warka Qaramada Midoobay lagu sheegay. Usbuucii hore, wasiir hore ee arrimaha dibadda ayaa ka mid ahaa shan qof oo lagu dilay qarax gaari oo Muqdisho ka dhacay kaasoo ay Alshabaab sheegatay. Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya la geeyey sannadkii 2007 waxayna isugu jiraan ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda kuwaasoo kala jooga Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya. France24. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Senatarro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay degaanada maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xaaladda Galmudug. Mas’uuliyiintaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu joojiyo kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo beelaha daga Galmudug islamarkaana aysan kawar qabin Xildhibaanada Baarlamaanka ee degaankaas ka soo jeeda. Xubnahaan ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in Khilaafka Galmudug ee siyaasiinta uusan gaarin beelaha iyo odayaasha oo hada ka nabad ah cudurka Galmudug ee jahwareerka Siyaasadeed. “Waan la kulanay Madaxweynaha waxaana u sheegtay in aanan ku qancin kulamadii fashilmay iyo kuwa kale oo dhacayba oo ahaa kala geynta Galmudug” ayuu Caasimada Online u sheegay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaasi ka qayb galay. Xildhibaanka aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in Galmudug hadda uu ragaadiyay Xasilooni darro siyaasadeed oo ku kooban hogaanka maamulkaasi balse hadda ay dareemayaan in hoos loo dhaa-dhicinayo khilaafkaasi oo laga yaabo in degaanka saameen kale ka dhaxlo. “waxaa noo muuqato hadii aan hadda la daba-qaban in Galmudug Khilaafkeeda hoos loo daadajinayo oo dagaal iyo musiibo kale laga rabo waana sababta aan uga dignay hogaanka dalka” ayuu yiri Xildhibaankaan la hadlay Caasimada Online oo ka cudur daartay in aan magaciisa adeegsano. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la ogaaday in uu kulamo la qaatay hal habeen laba beelood oo ka tirsan beelaha Galmudug waana sababta keentay in digniinta ay soo saaraan Xildhibaanadaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in uu aqbalay Madaxweynaha Soomaaliya joojinta kulamada aan mideesneen ee dhaqanka Galmudug la qaadanayaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa mar kale ka hadlay xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo meel xun maraysa. Abiy Ahmed oo wareysi siisay qeybta amhaariga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo dalalka kale ee gobolka ay isku dayi doonaan inay xal u helaan xiisadda labadan dal. “Waa inaan midba mid kale caawinannaa oo aan gacan ka gaysannaa xalinta arrimaha taagan” ayuu yiri ra’iisul wasaraaha Itoobiya. Waxa uu intaas ku daray in dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo Kenya ay walaac ka qabaan in khilaafka u dhaxeeya ay saameyn ku yeelato gobolka oo dhan. “Waxaan ognahay in dhibaato kasta oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay nagu soo baahi karta. Sababtan darteed waxaan jeclaan lahayn inaan ka shaqeyno inaan xalinno” ayuu yiri. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ma sheegin qaabka ay u xalinayaan xiisadda labada dhinac, ayada oo Soomaaliya ay diiday inay Kenya wada-hadal kala gasho xiisaddan oo salka ku haysa badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Beijing (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo ayaa magaalada ee dalka Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC.) Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal. Waxaa kadib soo baxay warqad la sheegay inuu qoray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo loo diray safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho. Qoraalkan oo ku taariikheysan 7-da May, ayaa sida ka muuqata, waxa uu Cawad uu ugu sheegay dowlada Shiinaha in dowlada Federaaalka Soomaaliya ay raali ka tahay heshiiska lala galayo madaxda Dowlada Puntland, islamarkaana ay soo dhaweynayso heshiiska, oo sida uu sheegay, kaalin wax ku ool ah ka qaadanaya horumarka Puntland. Si kastaba wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa beenisay inay ayada ka timid warqadda, waxayna sheegtay inay tahay beel cad oo lasoo dhoodhoobay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC.) Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal. Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland. Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, Isla markaana xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha. Ugu dambayn, Weftiga Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin waxaa ay yeelandoonaan shirar iyo kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, Isla markaa lagu tayaynayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu qayb ka yahay heshiiska lagu dhisayo dekedda Kalluumaysiga degmada Eyl balanqaadyadii Madaxweyne Deni.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadlay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku biiray maamulka Puntland. Saraakiisha iyo ciidankan u goostay maamulka Puntland ayaa waxay ka soo jeedan Bariga Sanaag, kuwaasi oo ka biyo diiday amar ahaa inay weeraran degmada Badhan. Mustafe Shiine ayaa waxa uu sheegay inay nasiib-daro tahay in qof Somaliland u dhashay, gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo bur-bur ku yimid ciidanka Somaliland. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay mucaaradnimadu aysan aheyn inay u sacabo tumaan bur-bur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo nidaamka dowliga, isagoona xusay inay mar walba ka horeyso Somaliland xifaaltanka siyaasadeed. Qoraal uu Facebook soo dhigay ayuu Mustafe Shiine, kaga hadlay arrintaasi, wuxuuna ku yiri: “Waxa aan arkayaa in dadka qaar ay wax weyn u arkayaan saraakiil iyo ciidan ka soo jeeda Bariga Sanaag oo u goostay Maamulka Puntland, kadib markii sida ay sheegeen la amray inay Badhan qabsadaan. Dadka arrintan walaaca ka muujinaayay waxay u arkayaan in dhaawac soo gaadhay ciidanka qaranka Somaliland Waa nasiibdaro in qof Somaliland u dhashay gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo burbur ku yimaada ciidanka qaranka Somaliland. Ciidmada Somaliland waa kuwa suurtogeliyay in gees ka gees ay maanta nabad ahaato oo aanay la daruuf noqon waxa ka dhacaaya jaaarkeeda. Marnaba cududa ciidamada qaranka Somaliland noqon mayso mid wiiqanta, haddii uu madaxweyne Muuse Biixi amray in la tirakoobo oo lala xisaabtamana waanu soo dhawaynayanaa waa in ciidanka laga dhex waayaa sarkaal ku naaxa caaglayaal aan ummadda u diiwaan gashanayn oo isaga ku kooban. Maaha inaan mucaaradninada aanu doonayno in maalinta codka loo dareero aanu kursiga ku dhaafino madaxweynaha inay nagaga khaldanto ama ay indhaha na tirto oo aanu u sacaba tumayno burbur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo guud ahaan nidaamka dawliga ah. Maaha ugub in saraakiil deegaankaasi la soo jeedaa ay marna Puntland tagaan marna Somaliland ku soo noqdaan. Somaliland, ayaa mar walba ka horeysa xifiltanka siyaasadeed “Somaliland first”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Wasaaradda arrimaha debadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay cabasho ka gudbisay heshiis ay xukuumadda Puntland shalay la saxiixatay shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha oo ku saabsan fulinta mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha. Qoraal saaka ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo ay ku qorontahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay cabasho la xiriirta heshiiskaasi u gudbisay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay” ayaa lagu yiri qoraalka. Hadalka wasaaradda ayaa ku soo beegmay xilli baraha bulshada lagu faafiyay warqad ay ku qorantahay in xukuumadda Soomaaliya ay dalka Shiinaha u gudbisay cabasho ku aaddan heshiiska fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland la geshay shirkadda CCECC. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in dowladda Soomaaliya cabasho ka gudbisay heshiiska Puntland iyo shirkadda CCECC? appeared first on Puntland Post.
  25. Roobab mahiiggaan ah oo saacado badan da’ayay, ayaa mowjado daadad ah ku soo rogay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal. Degaanno ay ku jiraan Sinujiif, Dangoroyo, Uusgure, Libaaxo, Xaaji Khayr iyo Dalsan, ayaa la soo sheegayaa in ay daadad xooggan ku celiyeen, roobabka gu’ga oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay halkaasi. Balse, iyadoo ay weli subaxnimo hore tahay, ayaan xog faahfaahsan laga hayn, khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday tuulooyinkaasi oo dhammaantood ku yaalla dhulka hoose ee loo yaqaanno “Ayax-geed-gaaban”. Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sidoo kale roobkii shalay ku bilowday uu weli ka da’ayaa, waxaana maayado biyaa dhex qul-qulayaan gudaha magaalada, iyadoo ay khatar wajahayaan dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee nawaaxiga Garoowe oo meela godan ku yaalla. PUNTLAND POST The post Daadad ku rogmaday degaanno ka tirsan gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.