Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Two Al-Shabaab militants on Wednesday surrendered to Kenya Defense Forces at the notorious Gedo region in Somalia, few miles from Kenyan border, it has emerged. Interestingly, the incident takes place four days after intelligence reports from NIS indicated that over 40 militants had crossed to Kenya from Somalia and are planning a retaliation on Kenyan soil. According to the reports, the militants had given an ultimatum to have their weapons returned after being confiscated by Kenya security forces at Dawaduba last week. Intelligence report shared on Thursday showed that the Al-Shabaab militants had crossed into Mandera County’s Lafey area. “Unconfirmed reports indicate that the militant group has given an ultimatum that they want weapons recovered from them in Dawaduba returned within the next 24hrs or they will vent their anger on the local community within Lafey sub- county,” reads the report. The two could be resourceful since they have connections to Al-Shabaab detention camps and intelligence. It’s in Gedo region near El-Adde that two Cuban doctors who were abducted in Mandera are being held. Last month, elders from Mandera said the militants had asked for Sh150 million ransom but the Kenya government maintained that it does not negotiate with Al-Shabaab. View the full article
  2. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has laid the foundation stone for Somali armed forces textile factory in Mogadishu. The factory which will be managed by Somali custodian corps is expected to be completed by January next year. The Turkish funded industry is set to produce various types of Somali armed forces uniform and other non-arsenal products. Somali premier who thanked the Turkish government for the unwavering support urged the contractors to complete the work on time saying the establishment of the firm is key to Somali security. Somali armed forces depend on donated fatigues by friendly state since the previous textile industry was destroyed in the civil war that broke in the country. Turkish ambassador, Mehmet Yilmaz, Somali Defense Minister, Hassan Mohamed and army chief, general Dahir Elmi were also present during the foundation ceremony. View the full article
  3. The buses that transport Sauk Rapids-Rice Public Schools students come from a company built by refugee Tashitaa Tufaa, who was honored Tuesday with a state award. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya. Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raashiinka ah ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP. Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan. Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtain, ayaa sheegay in uu qorshahoodu in ay Dowladdiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga gudubto howlaha gargaarka, una tallaabsan doonto ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo nabadeynta Dalka. Mr; Hongtain, ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga. Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay mar walba u fidiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay. Gargaarkan ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto. PUNTLAND POST The post Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay deeq Raashiin ah appeared first on Puntland Post.
  5. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya. Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raashiinka ah ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP. Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan. Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtain, ayaa sheegay in uu qorshahoodu in ay Dowladdiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga gudubto howlaha gargaarka, una tallaabsan doonto ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo nabadeynta Dalka. Mr; Hongtain, ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga. Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay mar walba u fidiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay. Gargaarkan ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto View the full article
  6. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-12062019-sax.mp3 View the full article
  7. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Dowladda Jabuuti ay soo farageliyeen xiisadda ka taagan Magaalada. Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa la wareegay amaanka Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyahii xilka laga qaaday Yuusuf axmed Hagar Dabageed kaasoo diiday inuu xilka wareejiyo. Albaabka hore ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu arkayaa Ciidamada Jabuuti oo wata gaadiidka dagaalka. Wali waxaa Magaalada Baledweyne ka jirta Xiisadii ka dhalatay xil ka qaadidii uu Madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay Gudoomiyahii hore gobolka hiiraan Yuusuf Dabageed. Shalay dagaal Khasaare geystay ayaa duleedka Magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Yuusuf Dabageed iyo Ciidanka Amaanka Hirshabeelle, waxaana magaalada ka taagan xiisad ka dhalatay Xilka qaadista Yuusuf Dabageed. Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr. Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago. Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan inay ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta iyo waxyaabaha ka hor imaanaya hanaanka dowliga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi u saaray sababtii keentay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Mgalada Baladweyne,kaas oo ay ku dhinteen dad uu ka mid ahaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan. Guddigaan ayaa waxa Gudoomiye loogu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe),waxaana qeyb ka ah Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada, iyada oo guddigaas ay baaris ku sameyn doonaan waxaa sababay dagaalkaas. Guddigan ayaa baaritaan ku sameyn doona sababta ka dambeysay iska hor imaadka shalay ka dhacay duleedka Beledweyne, gaar ahaan deegaanka Kalabery. Guddigan ayaa la filayaa inay kormeer ku tagaan magaalada Beledweyne, isla markaana baaritaan xaqiiq raadin ah ku sameynayaan dhacdadii uu ku geeriyooday Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddigaas oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga uu madaxda u yahay iyo Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay si dhab ah baaritaano ugu sameyn doonaan si loo xaqiijiyo waxyaabihii keenay dagaalka uu ku dhintay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan. Xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana ciidamo taabacsan ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gudaha iyo duleedka magaalada Beledweyne. Sidoo kale Guddigaan ayaa waxaa lkoo xil saaray inay baaris ku soo sameeyaan is rasaaseyn dhawaan intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Somalia is set to get continued support from the United States Government, as they seek to restore stability after decades of anarchy. Source: Hiiraan Online
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada Askartii uga dhimatay weerarkii Ceelcadde ee dhacay sanadkii 2016-kii. Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Kenya General Robert Kibochi, ayaa wareysi uu siiyay African Defence Forum ku sheegay in dagaalkii Ceel Cadde ay ku waayeen 200 Askari. Weerarkii Ceel Cadde ayaa noqday guul darradii ugu weynayd ee dhinaca Militariga ee ay Kenya la kulanto, waxaana dhowr jeer saraakiisha difaaca Kenya sheegeen in weerarkaasi ahaa cashar ay qibrado dhinaca dagaalka ah ka qaateen. Waxa uu sheegay in dagaalkaas iyo weerarro kale oo ka dhacay gudaha Soomaaliya ay ku waayeen Askar badan kuwaas oo ku jira diiwaanka Wasaaradda difaaca Kenya. General Robert Kibochi, ayaa wareysigiisa ku sheegay in Ciidanka Kenya ee ka dagaallamaya Soomaaliya ku socdaan waaya aragnimo dheeraad ah oo ay ka heleen dagaalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya ay ku xiran tahay xilliga ay Ciidamada Amisom ka baxayaan Soomaaliya. Si guud waxaa uu Jeneraal Kibochi sheegay in Ciidanka Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Amisom khasaaraha Amisom la kulantana ay dhinacooda ka qabaan. Waxaa uu ku taliyay in Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya la tababaro qalab casri ahna la siiyo si ay ugu guuleystaan in ay Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom kala wareegaan amniga dalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. With an aim to boost tourism in the Kingdom, the Saudi authorities have reportedly announced to provide an e-tourism visa within three minutes to the visitors who want to attend Jeddah Season festival. RIYADH:Saudi Authorities have announced issuance of instant e-tourism visa for the visitorsbuying online tickets for the Jeddah Season festival.The visa will be issued within three minutes.Saudi media, citing organizers, reported on Monday. With an aim to boost tourism in the Kingdom, the Saudi authorities have reportedly announced to provide an e-tourism visa within three minutes to the visitors who want to attend Jeddah Season festival. 40-day “Sea and Culture” festival of fun and entertainment began on June 8 and will continue until July 18. The international shows and plays are being presented for the first time in the Kingdom during the Jeddah Season festival. The entertainment program aims to highlight the city as a top visitor destination while at the same time encouraging partnerships with local businesses. Organizers also hope to generate up to 20,000 job and volunteering opportunities for young Saudis throughout the course of the festivities. Jeddah Season kicked off with a crowd-pulling concert by Emirati singer Ahlam, known as Queen of the Gulf, followed on day two by popular Saudi vocalist Mohammed Abdo, and Egyptian star Amr Diab on the third day, with shows held at the King Abdullah Sports City. Other events lined up for the festival include street music performances and parades, award-winning international visual arts displays with 3-D special effects lights shows inspired by Baroque art, spectacular flame mountain and laser shows, and a glow garden featuring customized art pieces depicting marine wildlife of the Red Sea. The news intrantional Qaran News
  12. Abha (Caasimadda Online) – Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga xaqiijiyeen inay 26 qof ku dhaawacmeen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalkaasi. Ganatalkaas ayaa Sacuudiga waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 26 ruux oo u badnaa Rakaab u dhashay dalal kala duwan,kuwaas oo xilliga Garoonka la weeraray sugayay inay ka dhoofaan. Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuudiga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka khasaaraha kasoo gaaray Gantaalka ay ku sugnaayeen Halka Diyaaradaha laga raaco ee garoonka,isla markaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalada dalkaas. Dhinaca kale, Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Afka Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxa uu saacadihii hore ee saaka baahiyey inay Gantaal noociisa ahaa Cruise missile la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalladda Abha ee Sacuudiga. Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Sacuudiga,hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudiga. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa maalmihii dambe ku doodayey inuu Sacuudiga hub ka iibin doono si ay isaga celiyaan Xuutiyiinta Yeman, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Congress-ka Mareykanka iyo Trump. Xuutiyiinta Yeman ayaa horey u ballan qaaday inay Sacuudiga dalkeeda ka dareemi doonto dhibaatada ku heyso Yeman isla markaasna ay ka dagaalami doonaan gudaha Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Sawirkani waa Sheekh Xinifkii Shalay Iyo siyaasi Xinifkaaana waana Sawirka ugu hadal haynta badan baraha bulshada todobaadkani Qaran News
  14. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo kuwo la sheegay iney ka tirsan yihiin jabhadda la magac baxday xoreynta SSC ee Khaatumo ayaa ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Ugu yaraan Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacantay, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas culus. Korneel Axmed Xabashi oo ka tirsan jabhaddan ayaa u sheegay Goobjoog in dagaalkan uu dhacay abbaare 1-dii habeennimo ee xalay, weerarkuna ay iyagu qaadeen. Wuxuu tilmaamay in Somaliland ay duulaan ku timid Sool, inta ay ka baxayaanna ay wadi doonaan dagaallada, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Annaga waxaan nahay jabhad deegaanka ah, weerarka sidan ah waan sii wadi doonnaa, waxaana ku soconnaa waddo xaq ah” ayuu yiri Korneel Xabashi. Dhanka Somaliland wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, hase ahaatee waxaa horey deegaankaasi isku hayey ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyey fatahaadda uu Wabiga Shabelle ku sameeyey degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada ku dhow. Axmed Xuseen Afrax, guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in illaa Shan tuulo oo hoostaga degmada Mahadaay uu Wabiga si xooggan ugu fatahay, qaarkoodna ay go’doon galeen. Sidoo kale, guddoomiye Axmed ayaa sheegay in uu joogsaday isku socodkii Jowhar iyo Mahadaay kadib markii wadadaadii isku xireysay degmooyinkaasi ay biyaha kasoo rogmaday wabiga ay jareen. “Sida muuqata biyahan wey naga adag yihiin, fatahaaddu waxay saameysay dhammaan tuulooyinka hoosyimaada degmada Mahadaay, biyuhu waxay jareen wadada isku xirta Mahadaay iyo Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha. Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle, DFS iyo hay’adaha samafalka ah iney u gurmadaan dadka ku go’doonsan tuulooyinka hoostaga degmadaasi. Wabiga Shabelle ayaa xilli roobaadka sidan oo kale ugu fataha meelaha uu ka maro gobollada dalka, iyadoo tani ay noqotay mid iska soo daba laabata sanad walba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wershaddii Koowaad ee daqiiqda ” Soomaaliland Flour Mill, ayaa laga hirgaliyey Gobolka Saaxil magaaladdiisa Berbera, Wershadan ayaa noqonaysa Wershad lagaga Maarmo daqiiqdii innooga iman jirtay Dibada Taas oo kor u qaadaysa Waxsoosaarka iyo Horumarka dalka ka socda, waxaannay kor u qaadaysaa sumcadda waddankeena, Wershadan ayaa waxa ka hawlgali doonna shaqaale badan oo muwaadiniin ah, kuwaas oo yarayn doonna shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Wershadadan daqiiqda ayaa kor u qaadi doonta dhaqalaaha dalka ee dhinacyadda cashuuraha dhoofinta iyo dajinta ba leh, wershadan waxaa xadhiga ka jari doonna Madexweyne Muuse Biixi iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo. The Flour Mill ayaa laga yaabbaa innay sabab u noqoto in maalgashayaal badani ku daydaan Ganacsataddan. Ganacatadan ayaa lacag Malaayiin doolar ah galiyey wershadan, iyagoo ujeedkoodu ahaa innay kor u qaadaan horumarka Soomaaliland iyo shaqo abuurka dalkaba. Hirgalinta Wershadaha ayaa Soomaaliland ka bilaabmay Sannadihii u dambeeyay iyada oo laga yaabbo in sanadaha soo socda Soomaaliland noqoto Waddankii Wershadaha. Farxaanmxd@gmail.com Rakad Mxd Sultan Berbera Qaran News
  17. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay xaaladda gobolka Hiiraan, oo maalmahan dambe aad u kacsan. Jeesow ayaa ugu horreyn wuxuu ka tacsiyeeyey geerida taliyahii ciidanka Booliiska ee qeybta gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in arrintaasi wax laga xumaado ay tahay. Dhanka kale, xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed looga baahan yahay inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo. “Guddoomiye Yuusuf marar badan ayaa xilkaan loo magacaabay waana laga qaadayey, marka in ay arrin culus hadda ku noqoto oo dhibaato ay ka dhalato arrin aan filaayey ma ahan, waxaan codsanayaa in xiisadda la dejiyo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir. Sidoo kale, xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay iney safar ku tagaan Hirshabelle oo ay la kulmaan madaxweyne Waare iyo guddoomiye Yuusuf. Dabageed ayaa iska diidey xil ka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo sheegay in waddo sharci ah aan loo soo marin xil ka qaadistiisii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidankii shalay ku dagaallamay deegaanka Kalabeyr. Waxaa gudaha magaalada ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo qalqal geliyey shacabka ku dhaqan degmadaasi, sida uu soo sheegayo wariyaheenna C/risaaq Al-cadaalla. Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa aad u adkeeyey ammaanka xarunta gobolka ee magaaladaasi, waxaana dadweynaha loo diidayaa iney maraan nawaaxiga xaruntaasi. Xaaladda magaalada B/weyne ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii toleysa, iyadoo weli aanu jirin xal rasmi ah oo la gaaray. Xiisaddan ayaa salka ku haysa kadib markii uu Yuusuf Dabageed iska diiday xil ka qaadis dhowaan lagu sameeyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Puntland gaar ahaan kuwa ku [...] Source
  20. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo maalmahan ku sugnaa magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ,qaybaheeda kala duwan & Madaxda Gobolka Minnesota,. Wasiir Cawad ayaa ka war-bixiyey xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,Ganacsiga iyo xariirka caalamiga ah. Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’adda Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kullansadeen ganacsatada Gobolka & Jaamacadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalo laga waydiiyey Xaaladda dalka,isagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa. Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay doorka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku leedahay dib-u-dhiska Soomaliya,kulana dar-daarmay in ay tallo,Toosin & tabarucaadba uga qayb-qaataan kalin mug & miisaan ba leh. Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Abaarro 2-dii habeennimo ee Xalay waxa dagaal bariga deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa fadhiisimada ku leh iyo Ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwa Khaatumo. Ciidamo ka mid ah kuwa Khaatumo ayaa Weerar ku qaaday Ciidammada Somaliland ee fadhiisinimada ku leh Tuke-raq, gaar ahaan Saldhigga dhanka Bariga, waxaana halkaa ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday Noocyada kala gedisan ee Hubka. Weriyaha HCTV ee Sool oo Somalilandtoday warkan ka soo xigatay ayaa waxa uu sheegay in Sarkaal ka mid ah Khaatumo uu u sheegay in Ciidamadoodu Weerar ku qaadeen Ciidammada Somaliland ee fadhiya bariga degmada Tuke-raq, balse illaa hadda lama oga khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac. Dhanka kale, Dadka ku nool deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ayaa Weriye Olol u sheegay inay ku tooseen deryanka hubka, arrintaasina ay cabsi ku abuurtay. Halkan kala soco wixii warar ah ee ka soo kordha Source
  22. (SLT-Hargeysa)Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ka hadlay in ciidan uu leeyahay Booqor Buurmadow oo tikniko leh ay u dhaqaaqeen dhanka maamul gobaleedka Puntand, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Thomas D. Waldhauser oo ah taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa la sheegayaa in talaadadii ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyaga oo kala hadlay sida Mareykanka diyaar ugu yahay iney Soomaaliya ka taageeraan soo-celinta amniga iyo xasiloonida. Wadahadalka labad dhinac oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen madax badan oo ciidamada xoogga ka tirsan waxaa la sheegayaa in lagu soo qaaday la-dagaalanka Al-shabaab. “Caawinta Mareykanka waxaa qeyb muhiim ah ka ah in aanu la shaqeyneyno dadka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo xasilooni”. “Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaa ay micnaheedu tahay in gobolka oo dhan uu helo xasilooni. Waxaa ay micnaheedu tahay in dadka Soomaaliyeed ay awoodaan iney xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarka” ayuu intaasi raaciyey. Mareykanka ayaa xarun ku leh Shabeellada hoose, waxaa ay si joogta ah u duuqeeyaan Al-shabaab, waxaa kale oo ay tababar siiyaan Danab oo ka tirsan ciidamada qalabka sida. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DAHAB ayaa waxa ay howlgallo qorshaysan ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka [...] Source