-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga kala saaridda Xamlooyinka usoo tartamay fulinta adeegga Xajka oo ay magacowday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay musuq maasuq xooggan. Guddiga ayaa lagu eedeeyey inay musuq maasuqeen qoondada qaar ka tirsan Shirkadihii ay markii hore sheegeyn inay kamid yihiin Shirkadaha ku guuleystay inay sanadkaan qeyb ka noqdaan fulinta adeegga Xajka. Shirkadaha qoondadooda la musuq maasuqay waxaa kamid ah Shirkadda Africa Express oo sheegtay inay ku guuleysteen kamid noqoshada Liiskaas balse aysan jirin cid illaa iyo hadda siisay qoondadooda. Madaxda Shirkadda Africa Express ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dhibaato intaa la eg loo geysto Shirkadda. Waxay madaxda ugu sareeyo dalka iyo wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu baaqay in xaqooda la siiyo. Africa Express ayaa kamid aheyd shirkadii kasoo muuqday Liiska Wasaaradda ay soo saartay ee sanadkaan nasiibka u yeeshay inay helaan adeegga xajka sida ka muuqato liiska Wasaaradda kasoo baxay dhawaan: Shirkadaha B Daalo Airles Jubbala Air Shirkadah T) Freedom Carafaat Jowhar Rixla Mubaaraka Shirkadaha J Ocean Africa Express Air Jubati Darmar travel Hogal traver Rudwaan Shirkadaha X Daruuro Shikradha KH: Saaj Travel Makka Travel New Star Answer travel SPD Safarri Trave;l Shirkadda D Makka Al-Mukaram Karaama Kalkar Manaasik Travel Royal Som Barayt Al-Huda Travel Hajj and UImra Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra Falalcadde Shirkadah S” Dahala Airles Al- Rayan Federal Eurie Africa Somali travel Teyseer Labeyk Qudus University Salam Hajj and Umra Universal Al-Saqar Al-ixsaan Al- Hijra Travel Cibaar Travel AL-Hijra Air Ritaaj Hiiliye Isfalaash Salam Travel Mustaqbal Anfaal National Airways Abmooja Travel Save Way Travel Express Key way Ruksan Hubaal Daymond Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo baxay Shirkadda Africa Express Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay. Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso. ”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan. Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’ Faahfaahin Kooban Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay. Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso. ”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan. Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’ Faahfaahin Kooban Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Mashruuc ay ku baxayso 42 Million oo Yuuro appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa muddo kooban u qabatay in ay isku soo diiwaan galiyaan shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi. Amarka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargaliyay dadka Ajnabiga ah in ay is diiwaan galiyaan ka hor 30-ka bisha June ee sanadkan 2019-ka. Sidoo kale wasaaradaha ayaa intaasi ku dartay in ciddii u hoggaansami weyso amarkan laga qaadi doono tallaabo adag “Cid alaala iyo cidii isku-diiwaangelin weysa waqtiga aan u qabanay ee Ajnabi ah wax shaqo ah kama qaban doonto deegaanada Puntland,waana amar dowlo oo sharci ah cidii ka dhega adeegtana kama yeelid oono oo tallaabo Sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha puntland. Dhawaan ayey aheyd markii Puntland ay deegaanadeeda ka ceyrisay shaqaale Ajnabi ahaa oo loo jeediyay eedeymo kala duwan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa munaasabad uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya o oMuqdisho lagu qabtay waxa ay manta siwadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska siwadajir ah u saxiixay. Mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qaybka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heerfederaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, loo guna dayac tirayaa 355 kilo mitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantuhayso. ”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan eeY uuro ah ee dib u dhiska waddooyinka waxa ay siixoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuurooo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.”Ayuuyiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan. Inti i lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaayiri,“Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay siwadajir ah ugu faraxsan yihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’ Faahfaahin Kooban Mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suurageliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo,lana dhiirrigeliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub,12.31 Milyan oo ka timid sanaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya,1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Front Altair oo ah markab saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay in maanta lagu weeraray Gacanka Cuman ee u dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Iran. Hay’adda Ilaalada Badaha ee Norway ayaa sheegtay in saddex qarax laga maqlay markabka, balse aysan cidna ku dhaawacmin. Bayaan kasoo baxay hay’addan ayaa lagu sheegay in sidoo kale doon lagu magacaabo Kokuka Courageous lagu weeraray isla aagaas. Dowladda Iran ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay weeraada la sheegay in maraakiibta lagu qaaday. Dhinac kale, ciidamada badda Iran ayaa soo bad-baadiyey 44 qof oo ah shaqaalaha laba Markab oo saliidda qaada oo dab uu ka kacay kadib dhacdo ku qabsatay gacanka Cuman, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA. “44 badmaaxayaal oo saarnaa laba markib oo shisheeye ayaa waxaa badda kasoo badbaadiyey ciidamada badda ee qeybta gobolka Hormozgan waxaana la geeyey dekedda Bandar-e-Jask” ayaa wakaaladda wararka IRNA ay kasoo xigatay ilo-wareed. Mid ka mid ah maraakiibka oo sita calanka jaziiradda Marshall Islands ayaa kiimikada shidaalka lagu daro ee Ethanol kasoo qaaday dalka Qatar una socda Taiwan, waxaana saarnaa 23 shaqaale. Markabka kale oo ay saarnaayeen 21 shaqaale, ayaa sita calanka dalka Panama, wuxuuna kasoo tagay dalka Sacuudiga una socda Singapore. Ilaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay dabka ka kacay maraakiibta, balse waxaa loo malaynayaa in la weeraray. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Maraakiib lagu weeraray Gacanka Cuman appeared first on Puntland Post.
-
Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maalintii labaad dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Banaanbaxyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa dhigaya shacab taageersan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusud Dabageed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta badan uu hakad ku jiro dhaq dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaaladaasi. Dhinaca kale wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wafdigan oo isugu jiro Xildhibaano iyo guddi loo saaray shaqaaqada ka taagan Baladweyne ayaa u kuur gali doono, sida ay xaaladda tahay. Tan iyo markii xilka qaadista lagu sameeyay Dabageed waxaa xiisad u dhexeysa isaga iyo HirShabelle ay ka taagneyd Hiiraan, waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac ku dhintay taliyihii Boolsika gobolkaasi Gaashaanle dhexe Maxamed Macow. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidamada ammaanka Dalkeenna ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, si kor loogu qaado awoodda Ciidamada. Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka raashiinka ay Ciidamadu Isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay Millitariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay Boliiska. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM deeqdan Ciidan, wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Ciidamadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa isna aad ugu mahadceliyay AMISOM taageerada joogtada ah ee ay u fidiso , wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee howlgalka midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan. Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay doorkii ay ku lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dhiirigelinta iyo taageeridda Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-13062019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doorto Bariga Wajir, ayaa maanta weeraray xildhibaan Faaduma Geedi oo iyana laga soo doorto Wajir, kana wada tirsan yihiin baarlamanka Kenya. Rashiid ayaa la sheegay inuu Faaduma, oo ay Soomaali isla yihiin, uga daba yimid halka baabuurta la dhigto ee dhismaha baarlamanka Kenya, kadibna ay dhex-martay dood kulul ka hor inta uusan u gacan qaadin, xilli ay daawanayeen xildhibaano kale iyo ciidamada amniga. Rashiid ayaa la sheegay inuu Fataumo Geedi oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee baarlamanka weydiiyey sababta aysan wax lacag ah ugu qoondeyn Bariga Wajir ee isaga laga soo doorto, intii lagu guda jiray booqasho guddiga ay halkaas ku tageen. “Waxay ahayd qiyaatsii 10-kii subaxnimo waxaan la socday xildhibaan Gladys Wanga markii aan is aragnay Rashiid. Wuxuu I weydiiyey sababta aan wax lacag ah ugu qoondeyn dadka uu matalo. Waxaan ku iri adiga halkaas ayaad joogtay, maxaadan dadkaga u abaabulin, oo aysan usoo bandhigin kiis lagu qanci karo” ayey tiri Faaduma Geedi. Waxay intaas ku dartay “Wuxuu iigu yeeray nacas, kadibna wuu I garaacay. Waan naxay, waana aamini waayey, kadib mar kale ayuu ii gacan qaaday.” XIldhibaan Wanga oo la socotay Faaduma ayaa sidoo kale xaqiijisay in Rashiid uu garaacay. Xildhibaan Faaduma ayaa la geeyey isbitaalka Karen oo looga daweeeyey dhaawcayo fudud, waxayna kadib kiiskeeda u gudbisay booliska baarlamanka, sida ku cad warqadda lagu xareeyey dacwadda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay shaqadii ka erisay 37 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka guud ee Garoowe. Shaqaalahan la ruqseeyey ayaa isugu jiray dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka howlgalieyey isbitaalkan. Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in shaqaalahan sababaha loo eryey ay tahay dayacaad dhanka shaqada ah iyo iney iska qaadanayeen mushaar aanay shaqeysan. Sidoo kale, waxaa jirtay cabasho ka imaaneysay dhanka dadweynaha, taasi oo ku aadaneyd habka shaqo ee isbitaalkan. Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa dhowaan waxay shaqadii ka erisay agaasimihii, agaasime ku xigeenkii iyo maamulkii maaliyadda ee Isbitaalka Garoowe, sababo la xiriirta cabashada dadweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan waxay sheegtay inay badbaadiyeen 44 Badmaaxiin la socotay Laba Markab shidaalka oo uu saaka qaraxyo ku qabsadeen Badda dalka Cummaan ee loo yaqaano Gulf of Oman. Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Badda ee saldhigooda dhexe ku yaalla dalka Baxrayn waxay iyagana sheegteen inay gurmad u fidiyeen Labada Markab ee la weeraray, kadib markii ay ka heleen Qeylo-dhaan Gurmad-doon ah. Sidoo kale, Dowladda Cumaan ayaa ka hadashay dhacdadaasi, waxayna sheegtay in ugu yaraan hal Markab oo nooca Shidaalka ahaa lagu weeraray xuduud-baddeedkeeda Gacanka Cummaan. Ma kala cadda cidda sida rasmi ahaan u weerartay Maraakiibtaasi, iyadoo mid ka mid ah Maraakiibtaasi lagu sheegay in lagu magacaabo Front Altair, oo ay leedahay Shirkadda Fronrline ee dalka Norway. Markabkaasi waxa uu ku safrayey Calanka Jesiiradaha The Marshall Islands. Markabka kale ee lagu magacaabo Kokuka waxaa la sheegay inuu ka soo shiraacday dalka Sacuudiga, wuxuuna ku sii jeeday dalka Singapore Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijinin ayaa sheegay in Maraakiibtaasi lala beegsaday miino nooca Bir Labta iyo nooc Gantaal loogu talagalay inuu badda hoosteeda ka dusa. Qiimaha Shidaala ayaa la sheegay inuu sare u kacay 4.5%, markii la maqlay in maanta qaraxyo lala beegsaday 2 Markab oo waday Shidaal. Source
-
(SLT-Delhi)-Dawladda dalka Hindiya ayaa si rasmi ah uga codsatay dawlada Malaysia inay dib ugu soo celiso muwaadin dalkeeda u dhashay oo ah wadaad dadka wacdiya oo caan ah Dr Zakir Naik, kaas oo hadii dalka Hindiya lagu soo celiyo wajihi doona dacwado. Waxaana jira su’aalo Wasaarada arimaha dibada laga waydiiyey hanaanka cadaalada ee dalka India aanay ka jawaabin oo daba socday in warbaahinta aan wax jawaab ah laga siin eedaha sheegaya in Dr Zakir eedaha loo jeedinayo darteed aanu heli doonin dhagaysi cadaalad ah oo uu ka helo dalka Hindiya. Dalka Malasia ayaa Dr Zakir ku abaal mariyey inuu degenaansho rasmi ah uu ka helay Malaysia sanadkii 2015-kii, sida ay xaqiijiyeen wasiiro ka tirsan dalkaasi sanadkii 2017-kii. Waxaana tan iyo 2016-kii ay dawlada dalka Hindiya ay faylal ka dhan ah ku furtay Wadaadkan diinta Islaamka faafiya kaas oo ay ku tilmaantay inuu faafiyey hadalo nacayb dhalinya, waxaanay sidoo kale ay sheegeen inuu lacago la maydhay uu ku maalgaliyey shan urur oo argagixoso oo ay ka mid yihiin kuwii Makhaayad ku taala Dhaka Bangaladesh oo ay ku dhinteen 29 qof loo adeegsaday. Balse maalintii Isniintii Raysal wasaaraha dalak Malaysia Dr Mahathir Maxamed ayaa sheegay in aan loo gacan galin karin Dr Zakir dalka Hindiya hadii aanu xukun cadaalad ah aanu helayn. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Goobjoog ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo uu sheegay inuu hareer maray dastuurkii u yaallay maamulkaasi. Wuxuu sheegay Dabageed in wax walbo oo ka dhaca B/weyne uu mas’uul ka noqon doono madaxweyne Waare, lagana wareysan doono arrimahaasi. Shaqsi ahaan ayuu sheegay inuusan duulaan ku ahayn halka uu magaalada B/weyne kaga sugan yahay madaxweynaha Hirshabelle, isagana haddii lasoo weeraro uu is difaaci doono, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, Ddabageed ayaa sheegay in xilkan aan looga qaadin si sharci ah, islamarkaana shacabka gobolkaasi ay ka tashadeen maamulka Hirshabelle. Magaalada Beledweyne waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaynta rabshadahan daba socdaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Yuusuf Dabageed. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/yuusuf-dabageed-.mp3Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee maamulka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay shaqsiyaad la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii maalin ka hor loo geystay taliyihiin qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay in ciidamada ay xabsiga dhigeen dadka dilka taliyaha ka dambeeyay. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dadkaasi ay baaritaano ku socdaan, islamarkaana kaliya laga doonayo inay cadeeyaan dadka ku amray inay falkaasi fuliyaan. “Waxaa hadda la hayaa dadkii dilay taliya, kaliya waxaa la doonayaa dadka faray inay falkaasi fuliyaan, waana lasoo qabanayaa, cidna looma dhaafayo waxii halkaan ka dhacay”ayuu yiri madaxweyne Waare. Xiisad ayaa wali ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaan soo farageliyay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee kusugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ku howlan sidii Yuusuf Dagabeed loogu qancin lahaa inuu xilkaasi wareejiyo, maadaama wareegto looga qaaday. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in guud ahaan ay kala xiran tahay magaalada, xaaladuna ay tahay mid kacsan. Sidey soo sheegayaan wariyeyaasheenna, magaalada waxaan ka jirin isku socodka gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga. Dad isku soo baxay ayaa waxay taayero ku gubayaan waddooyinka B/weyne, iyadoo la ogeyn sidey xaaladdu ku dambeyn doonto. Magaalada B/weyne waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaynta rabshadahan daba socdaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Yuusuf Dabageed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com