Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Faarax Macalin Dawaare, ayaa lagu yaqaanay sanadihii ugu dambeysay garab istaaga iyo difaaca uu u sameynayay dowladda Soomaaliya, isaga oo Ethiopia iyo Imaaraatka ku eedeyn jiray inay faragelin ku hayaan Soomaaliya. Taageerada Faarax Macalin ee dowladda Farmaajo ayaa loo sababeyn jiray labo arin, waxaana la ogeyn waxyaabaha keenay inuu hadda ka aamuso faragelinta iyo cadaadiska dowladda Kenya sida toos ugu heyso Soomaaliya. Siyaasigaa ayaa guddoomiye ku xigeen kasoo noqday baarlamaanka Kenya, waxaana uu muddooyinkii ugu dambeeyay aad u dhaliili jiray faragelinta Imaaraatka iyo EThiopia ay ku hayaan Soomaaliya. Maalmihii ugu dambeeyay ma jirin wax war ah oo uu kasoo saaray heshiisyadii waaweynaa ee dowladda Kenya ay ka laabatay, kuwaasi oo horey ay ula gashay dowladda Soomaaliya. Kenya ayaa ka baxday Heshiiskii duulimaadyada ee ay la gashay dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxay VISA ay u diiday Masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, iyadoo ujeedada tahay inay cadaadis Saarto dowladda madaxweyne Farmaajo. Cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladaha deriska ah ayaa sii xoogeysanaya tan iyo markii Kenya iyo Ethiopia ay todobaadkaan oo kaliya ay qaadeen talaabooyin midba midka kale ka xoog badnaa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Waxa ka dhacay Sanaag Bari waa farriin cad oo ina halacsiinaysa sida xukuumadda Somaliland ugu guuldarraysatay hoggaamintii waddanka. Sannadkii hore dabayaaqadiisii ayay ahayd markii laga digey in Somaliland ay “baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka galay”! Belo lama saadinayn ee waayaha ayaa taas laga akhrisanayey! Wax weyn bay iminkana inoo sheegaysaa in guutooyin ciidamo ahi saraakiil, ciidan iyo hubkoodii kala baxaan Somaliland, kuna biiraan Puntland. Aaway Badhan iyo maamulkeedii?! Ilaa hadda in xukuumadda Somaliland ka hadashay arrintaas ma ogi, hase yeeshee waa weji-gabax weyn iyo fashil ku yimi xukuumadda Muuse Biixi madaxda ka yahay, shacabkuna waa uu ka xun yahay baalkaas ka go’ay! Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay sii deyntii maxaabiista Puntland Xildhibaan Siciida Gaane ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu deg-deg ku saleyn go’aamada uu qaadanayo, oo uu ka fiirsado. Xildhibaan Gaane ayaa waxa kale oo uu sheegay in Muuse Biixi uu weli u dhaqmayo sidii uu yahay guddoomiye xisbi Mucaarid, isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Markay Wadamadu dagaal dhexmaro, inta badan Maxaabista la kala qabsado waa la isku sii daaya, waana la is weydaarsadaa, weyna fiicantahay in Maxaabiista la sii daayo, laakiin muhiimada ayaa ah Somaliland maxay ku bedelatay Maxaabista la sii daayey, ilaa hadda wax muuqda oo ay ku bedelatay oo ay inoo sheegtayna ma jirto” “Inta ay Maxaabiis sii daynaysana waxaan oran lahaa waxaa jiri kara dad badan oo bilaa xukuna oo iska xidhan, waxaa laga yaaba inay jiraan dad badan oo reer Somaliland ah oo masaakiin ah, oo laga yaabo inay dulmi iyo cadaalad daro u xidhan, ee Xukuumadda waxaa laga rabay inay baaris ku sameeyso dadkaas masaakiinta ah ee jeelasha iyo saldhigyada buuxa ee xidhan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xukuumaddan Muuse Biixi deg deg iyo fududayd ayaa ku jira, waxaana laga yaaba oo muuqda inay wali Mucaarad isku haysato, balse waxaan leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi wali ha is moodin inaad tahay Mucaarad, ee waxaad tahay Madaxweynihii qaranka ee wax walba deganaan ku xali”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in hoggaanka dhaqanka bariga gobolka Sanaag ay laba jeer ka dalbadeen wasiirka Caddaalada Somaliland in uu iska casilo xilkaasi. Wasiirka oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa hoggaanka dhaqanka u sheegay in uu tixgelin mudanyahay dalabkooda balse ma caddeyn in uu iscasilayo iyo in kale. Xubno ka tirsan Beeshiisa ayaa sheegay in wasiirku uu si ixtiraam ku dhisan u hadlay laakiin aan la ogayn go’aanka uu ka qaadan doono dalabka odoyaasha iyo waxgaradka. Arrintan ayaa ku soo beegmatay xilli maalmo ka hor taliyaal iyo ciidamo ay hoggaaminaya ay ka soo baxeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag iyagoo si rasmiya ugu biiray dhanka Puntland. Sidoo kale guddoomiyihii gobolka Badhan ee Somaliland ayaa shalay ku soo biiray Puntland kadib markii uu iska casilay Somaliland. Degaanno ka tirsan gobolka Sanaag waxa hadda ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caddaalada Somaliland oo ka fekeraya in uu iscasilo appeared first on Puntland Post.
  5. PRESS RELEASE UAE Ambassador to Rwanda holds Ramadan iftar The UAE and Rwanda are committed to religious diversity, and their leaderships aim to reinforce the values of tolerance and integration ABU DHABI, United Arab Emirates, May 30, 2019/ — Hazza Mohammed Kharsan Al Qahtany, UAE Ambassador to Rwanda, held a Ramadan iftar attended by Dr. Richard Sesebera, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of Rwanda. Also at the iftar was the Deputy Grand Mufti of Rwanda, Father Antoine Cambanda, Pastor of the Catholic Diocese of Rwanda, and Bishop Samuel Cainamura, Representative of the Protestant Church, as well as heads of diplomatic missions and senior officials, along with scholars and clerics. In his speech, Al Qahtany stated that the iftar aims to gather people from various religious and ideologies, while highlighting the fact that 200 nationalities live in the UAE community. “We, in the UAE, believe in the importance of gathering people during Ramadan, especially this year, which is the Year of Tolerance,” he said, adding that the UAE’s leadership promotes tolerance, peaceful coexistence, religious pluralism and interfaith dialogue. The UAE and Rwanda are committed to religious diversity, and their leaderships aim to reinforce the values of tolerance and integration, he noted. Dr. Sesebera thanked Al Qahtany for the invitation to the iftar, which reflects the UAE’s tolerance, adding that 2019 being the Year of Tolerance, continues the legacy of the late Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan. Father Cambanda said that the UAE is home to many nationalities, who live without religious discrimination, adding that that the hospitality received by Pope Francis, Head of the Catholic Church during his visit to the UAE in February, reflected the country’s spirit of coexistence and tolerance. Bishop Cainamura also praised the role of the UAE in promoting fraternity and interfaith dialogue. At the end of the event, Al Qahtany honoured Dr. Sesebera and offered Cambanda and Cainamura souvenir sculptures of Sheikh Zayed. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. Qaran News
  6. Waxaa jira hoos u dhac dhaqaale oo baahsan waxaan u kuurgalay indho-indheyna ku sameeyey xaaladda suuqa Hargeysa. Waxaan dareemay in dhaqaale aan buurneyn suuqa uu dhexwareegayo, waxaan sidoo kale cabiraad ka qaatay (measurement) aadna isu barbar dhigey ciiddan iyo ciidihii hore. Waxaa u dhaxeeya faraq aad u weyn. Had iyo jeer marka ay ciidda gaadho tobanka danbe waxaa billaami jirtay shaqo abuur iyo dhaqaale suuqa dhex-sabbeeya, waxaana aad u kici jirey wax iibsiga. Suuqa Hargeysana waxa uu noqon jirey mid mushquul badan oo sixmad badan. Waxaana suuqa laga xidhi jirey dhammaan ba wadooyinka soo gala, sidayna baabuur u soo marin umadana halis u galin iyadoo laga taxadarayo halis ka dhalata saxmadda bulshada suuqa wax ka gadaneysa. Dhaqaalaha bisha Ramadaan soo gali jirey suuqyada Somaliland waxaa qeyb laxaadle ka qaadan jirey xoolaha loo dhoofiyo waddanka Sucuudiga. Gabi ahaanba saddexdii sano ee u danbeysay suuqaasi muu ahayn mid shaqeeya. Dawladdu xil iskama saarin in ay suuqan dib u soo nooleyso xayiraadda saaranna sidii looga qaadi lahaa kama ay shaqeyn. Gaabiska halkaa ka yimid waxa uu saheyday dhaqaale darro iyo camal`aan. Ciidihii hore marka la gaadho tobonka danbe ee bisha Ramadaan suuqyada Somaliland gaar ahaan suuqa caasimadda Hargeysa, waxa uu isu beddeli jirey mid mushquula waxaana kor u kici jirey (supplier and demanders) meheradahana qaarkood waaga ayaa u beryi jirey, intooda badanna waxaa afaafkooda la xidhi jirey marka ay suxuurta ku dhawaato. Mar aan isku dayay inaan wax ka ogaado dhaq-dhaqaaqa suuqa oo aan waraystay meheradaha qaarkood, waxay muujinayeen in aan dhaqaale badan oo buurani soo galin dadkuna ku yar yihiin suuqa imaanshiyihiisa. Sidoo kale meheraduhu waxay albaabadooda xidhanayeen abaaro 11:30 ilaa inta u dhaxeysa 12:30 habeenimo. Wareega suuqa (circulation) ee hoos u dhaca ballaadhani uu ku yimid, waxaa isna qeyb laxaadle ka qaatay isku beddelka lacagaha ee hoos u dhacay. Waxaa dhawaan soo galay suuqyada Somaliland lacag aan xaddigeeda la garaneynin oo doollar ah, meel ay ka soo gasheyna aan laga warqabin. Lacagtan qalaad ee ina soo gashay waxay saameyn taban ku yeelatay dhammaan ba isusocodka suuqyadeena. Sixirbararku waxa uu ku koobnaa lacagta (Inflation money) waxaanu naaqusiyey wareega lacageed ee la kala beddelanayo. Balse intii hoosudhacu ku yimid lacagta (deflation money) waxaa abuurmey sixirbararka ku dhaca maciishadda (Inflation goods and service) sixirbararkan ku yimid maciishaddu ma aha mid dhaqaale ahaan abuurmay balse waa mid ganacsatadu abuurtey. Wareega suuqu marka uu sidan isu dhalanrago waxaa qolyaha dhaqaale yahanadu (economics) ka dhex abuurmi jirey dood adag. In badan oo dooda noocan ahi soo taagneyd oo lagu kala aragti duwanaa hadana, waxa ku guuleystay odeygii ka midka ahaa ragii seeska u dhigey dhaqaalaha ee John Maynard Keynes oo waa kii lahaa “Dawladdu suuqa ha soo faragaliso” immika waxa muuqda in doorkii xukuumaddu ka qaadan lahayd suuqa uu banaan yahay, taas bebdelkeeduna keentay in suuqu shiiqo oo ganacsatadu maciishadda ay qaali gareyso. Hadii suuqu sidan ku sii socdo dawladduna doorkeeda qaadan weydo waxaa suuqu isu beddelayaa “shutdown” W/Q: Cadhood Badar Cadhood Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Beijing (Caasimada Online) ― Shirkadda taareennada ee dalka Shiinaha ayaa khamiistii toddobaadkii hore daaha ka rogtay muunadda tareen birlab ah oo xawaarihiisu aad u sarreeyo. Tareenkan oo ay shirkaddu u bixisay Maglev ayaa ay khubaradu sheegayaan in uu marar badan ka xawaare dheerayn doona diyaaradda. Ding Sansan oo ah Ku xigeenka madaxa farsamayaqaannada shirkadda CRRC Sifang ee tareenkan cusub dhisaysa ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in tareenkani uu tijaabadii u horreysayba ka gudbay. Sidaa awgeed hadda kaddib ay ka shaqaynayaan hawl-gelintiisa. Ding Sansan waxa uu sheegay in hadda ay shirkaddu ku hawlantahay dhismaha xarun ganacsi oo soo saarta tareennada xawaarahoodu aadka u sarreeyo oo loo yaqaanno Maglev. Isaga oo intaas ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in ay ka shaqaysiiyaan inta lagu gudo jiro lixda bilood ee sannadkan u dambaysay. Tareenkani ma’aha mid sida tareennada caadiga ah ku soconaya xadiidka dhabbaha tareenka, balse waxa uu leeyahay xadiid birlab ah oo uu ku fadhiyo, kaas oo uu ku dul soconayo. Khubaradu waxa ay sheegeen in xawaaraha tareenka cusub loogu talagalay uu gaadhayo 600 kiiloomitir saacaddii, taas oo aad u fududaynaysa isu socodka, lagana yaabo in dad badadni ay kaga maarmaan safarrada diyaaradda ah. Ding Sansan waxa uu socdaal tijaabo ah tareenkan ugu kala safray magaaladooyinka Beijing oo caasimadda ah iyo Shanghai. Isaga oo ka warramaya xawaaraha uu arkayna waxa uu sheegay in caadi ahaan diyaaraduhu ay labadan magaalo u kala socdaan Afar saac iyo badh oo lagu daray waqtiga qofka lagu soo xareeyo garoonka diyaaradaha ee uu garoonka hawlihiisa ka dhammaysanayo ama sugayo. Halka tareenkan dheereeya ee hore u jirayna uu safarkani ku qaadan jiray qiyaas ah shan saacadood iyo badh. Laakiin tareenka cusub ee hadda uu Shiinuhu sameeyey ayaa labada magaalo u kala socon kara Saddex saacadood iyo badh keliya. Taas oo macnaheedu yahay in uu ka dheeraynayo diyaaradda. Waxa aanu abuurayaa xiise ah in dad badani ay iskaga safraan tareenka. Arrintaas oo aanay ku farxi doonin shirkadaha duulimaadyada oo sababaha loogu xisho qiimaha tigidhadooda ee qaaliga ahi ay tahay xawaaraha iyo in ay u safri karaan meelo aanu gaadiidka dhulku ku safri Karin. GSK
  8. Bayaan caawa ka soo baxay shir-madaxeedka Carbeed oo ka qabsoomay magaalada Makka Al-Mukarrama, ayaa si adag loogu cambaareeyay fara-gelin la sheegay in dowladd Iraan ku hayso arrimaha gudaha dalalka Carbeed. Bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladda Iraan ay fara-gelin ku hayso, waddamada Yemen, Suuriya iyo Baxrayn, islamarkaana ay taageerto kooxo halis ku ah xasiloonida iyo jiritaanka dalalkaasi Carbeed. Sidoo kale, bayaanka ayaa cambaareeyay weerarada ay malayshiyaadka Xuutiyiinta eeYemen oo taageero ka hela Iraan, ay ku qaadan boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo waddanka Imaaraatiga. Waxaa kale oo sida qoraalka ku xusan Iraan lagu eedeeyay, in ay xoog ku haysato saddex jasiiradood oo ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta. Bayaanka ay soo saareen dalalka Carabta oo ay ka hortimid dowladda Ciraaq oo shirka fadhiday, ayaa intiisa badan lagu cambaareeyay dhaqdhaqaaqyada Iraan ka waddo gobolka, waxaana lagu baaqay in si midaysan loo wajaho fara-gelinta Iraan. Dhinaca kale, waxaa sida qorshaysan isla maanta magaalada Makka ka furmaya shir-madaxeed guud oo ay ku kulmayaan waddamada ururka iskaashiga Islaamka. PUNTLAND POST The post Dalalka Carabta oo si adag u cambaareeyay dowladda Iraan appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Nairobi)Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa caawa Salaadi Maqrib la Afuray boqolaal Muslimiin ah oo Salaadii Maqrib ku Tukaday Masaajidka Jamia Mosque ee magaalada Niarobi. Mr Kenyatta ayaa waxaa wehlinayay madaxa golaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale wasiirka dalxiiska Najib Balala iyo Ra’isul wasaaraha Yemen. Mr Kenyatta ayaa waxaa la gudoonsiiyay Kitaab waxaana uu la Tukaday muslimiinta masaajidka ku sugnaa iyada oo arintaan ay hadal hayaan shacabka Kenya. Wuxuu sheegay in diinta muslimka ah ay tahay mid ku saleysan Nabad waxaana uu u rajeeyay bulshada muslimka wanaag bishan Dhamaaneysa. Source
  10. Aqoonyahan Cabdinaasir Axmed Nuur Dheglaab Mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool, ayaa caawa magaalada Laascaanood ku xiray, Cabdinaasir Axmed Nuur (Dheglaab) oo kamid ah aqoonyahannada gobolka Sool. Aqoonyahanka ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu ku baaqay in calanka umadda Soomaaliyeed iyo midnimada dalka aan la siisan, shilimaadka ay bixiso Somaliland ee lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Dheglaab ayaa bulshada ku nool gobolka Sool ku boorriyay in aysan marnaba aqbalin, in gobolka Sool uu ka taliyo maamul diiddan calanka iyo astaanta Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana doonaya in uu dhantaalo midnimada dalka. Aqoonyahanka ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay, in uu kala dilayo bulshada wada-degta gobolka Sool oo sida uu sheegay beel-beel isaga horkeenayo, si uu dhexdooda uga faa’idaysto. Mudane Dheglaab ayaa kamid ah, dadka sida weyn u aaminsan midnimada iyo isku-duubnida Soomaaliya, isagoo marwalba ku baaqa in umadda Soomaaliyeed ay heshiiso oo dib u midoobaan. PUNTLAND POST The post Aqoonyahan lagu xiray magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Lacag laga keenay Muqdisho oo gaaraysa 1.5 milyan oo Dollar ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Nairobi. Shalay ayay Kenya soo rogtay sharci cusub oo xakamaynaya [...] Source
  12. (SLT-London)Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain (FCO) waxay kula taliyeen Muwaadiniintooda inaysan u socdaalin dalka Somalia. Qoraal kasoo baxay xafiiskaasi ayaa waxaa muwaadiniinta UK looga digay inay socdaal ku tagaan deegaanada Somalida, oo la sheegay inay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka amaanka ah. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain waxa lagu muujiyey inay sii kordhayso cabsida Argagixisadda iyo Afduubka ee ka dhici kara dalka Soomaaliya. Sidoo kale xafiiska ayaa digniin kasoo saaray deegaano ka tirsan Dalka Kenya inaysan muwaadiniinta u safrin, iyadoo laga baqayo in afduub loogu geysto gudaha dalka Kenya. Kenya waxaa hadda lagu afduubtay muwaadiniin u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan gacanta Al Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Kenya ku dooneyso in maxaabiistaasi lagu soo daayo. Ururka Al Shabaab ayaa qatar ku ah dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana weeraro kala duwan oo labada dal ay ka geysteen ay qasabtay inay waxyeelo gaarsiiyaan ajaaniib badan, taasi oo keentay digniinaha dhanka amaanka ee inta badan laga soo saaro labada dal. Muwaadiniinta u dhalatay UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan ka muujiyaan suurtagalnimada weeraro ama afduub ay kala kulmaan ururka Al Shabaab. Source
  13. “I had nothing to do with Russia helping me to get elected,” the president tweeted. Source: Hiiraan Online
  14. PRESS RELEASE UNHCR evacuates hundreds of vulnerable refugees out of Libya to safety Many of the evacuees need medical treatment and are suffering from malnourishment GENEVA, Switzerland, May 30, 2019/ — Amid violent clashes and a deteriorating security situation in Tripoli, 149 vulnerable refugees and asylum-seekers were today evacuated to safety in Rome. The evacuees are from Eritrea, Somalia, Sudan and Ethiopia. They include 65 children, 13 of them below a year in age. One of the children was born just two months ago. Many of the evacuees need medical treatment and are suffering from malnourishment. The group were moved from UNHCR, the UN Refugee Agency’s Gathering and Departure Facility (GDF), after surviving months in dire conditions inside detention centres in other parts of the city. The evacuation was carried out in collaboration with Libyan and Italian authorities. “More humanitarian evacuations are needed,” said Jean-Paul Cavalieri, UNHCR Chief of Mission in Libya. “They are a vital lifeline for refugees whose only other escape route is to put their lives in the hands of unscrupulous smugglers and traffickers on the Mediterranean Sea.” Earlier this week, 62 urban refugees from Syria, Sudan and Somalia were also evacuated from Tripoli to UNHCR’s Emergency Transit Centre in Timisoara, Romania. They will receive food, clothing and medical treatment before travelling onwards to Norway. The International Organisation for Migration (IOM) provided support with transportation. UNHCR is grateful to States that have come forward with evacuation places however, new detainees are arriving at a faster pace than people are departing. More than 1,000 refugees and migrants have been evacuated or resettled out of Libya by UNHCR in 2019, while more than 1,200 others have been returned to Libya by the Libyan Coast Guard in just May alone after being rescued or intercepted while attempting to flee by boat. With the fighting in Tripoli showing no sign of stopping, the risks of detainees being caught up in the clashes are rising. UNHCR reiterates its call to States to urgently come forward with further offers of humanitarian corridors and evacuations in order to bring detained refugees in Libya to safety. More than 83,000 Libyans have been forced to flee their homes since early April, as rival forces continue to engage in fighting and heavy shelling. Local municipal governments and host communities have played a critical role in providing assistance to the displaced, many of whom are sheltered inside schools and other public buildings. Others have left to stay with friends and family in neighbouring towns and cities. UNHCR has provided more than 9,000 displaced people with emergency assistance and relief items, and donated medical supplies and ambulances to hospitals through the Ministry for Health and the Libyan Red Crescent. Nearly 600 people have lost their lives in the recent clashes, according to the World Health Organisation (WHO). Last week, two ambulance drivers died after being caught up in shelling attacks. UNHCR reiterates that targeting civilians and humanitarian workers constitutes a violation of international law, and calls for any perpetrators of such attacks to be held accountable. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  15. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa ku warramay habeenkii Isniinta in lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi shandad ay ku jirtay lacag gaaraysa 1.7 milyan oo doollarka Marekanka ah (Sh170 milyan) oo ka timid Soomaaliya. Lacagta waxaa lala xiriiriyay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, wallow aan la magacaabin, balse warbixinta uu wargeyska baahiyay ayaa lagu sheegay lacagta oo la soo mariyay dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh inuu xiriir la leeyahay qoyska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay lacagta la sheegay in lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta . Balse, waxay ku soo aaddaysaa xilli Kenya go’aan ka soo baxay maalin ka hor lagu mamnuucay xamuulka ka imaanaya Soomaaliya ee aysan cidna la socon, iyadoo xukuumadda Kenya ay ku goodisay in lala wareegayo dhammaan shixnadaha aan lala socon ee uga imaanaya duulimaadyada Soomaaliya. Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa ayaa muddooyinkii u dambeeyay cirka isku shareertay tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku adkeysatay muranka badda ee labada dal u dhaxeeya in lagu dhammeeyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ku taalla The Hague. Toddobaadyadii u dambeeyay tallaabooyinka ay qaaday Kenya waxaa loo arkayay inay wax u dhimeyso xiriirka, waxay Kenya tirtay heshiiskii duulimaadyada tooska ahaa, waxaa kalo ay dal ku galka u diidday mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyadoo dib loo soo celiyay wasiirro iyo xildhibaanno , taa oo jirta ayaan haddana ilaa hadda wax tallaabo ah aysan qaadin dowladda Soomaaliya oo ku cel celisay inay mar walba dhowrayso xiriirka Kenya. HOL Qaran News
  16. Inta udhaxaysa Bosaaso iyo deegaanka Laag oo 40 kmtr dhanka koonfureed kaga beegan magaalada ayaa waxaa caawa ka dhacay shir gaari oo sababay dhaawaca afar [...] Source
  17. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ayaa James Swan oo ah diplomaasi u dhashey dalka Mareykanka waxaa uu u magacaabay in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee xafiiska siyaasadada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM). James Swan ayaa waxaa uu bedelaya Nicholas Haysom oo ah diplomaasi dalka Koonfur Afrika ka soo jeedo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in aanay wadashaqeyn karin,taasi oo keentay in Qaramada Midoobey ay soo magacowdo Wakiil cusub. Antonio Guterrs ayaa magacaabista Mr. Swan kadib waxaa uu sheegay in mas’uulkan uu yahay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha diblomaasiyadda,isagoo xusay in waqtigiisa inta badan uu ku soo qaatay qaaradad Afrika. Wadamada uu Ergey ahaan uga soo shaqeeyey waxaa kamid ah Jamhuuriyadd Dimoqraadiga ee Congo,2013 ilaa 2016, 2011-2013 Soomaaliya,2008-2011 Dalka Jabuuti,sido kale waxaa uu ka soo shaqeyeey Cameroon, Nicaragua iyo Haiti. Sidoo kale Antonio Guterrs aya intaasi ku daray in James Swan uu soo noqday ku-xigeenkii kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee Mareykanak ee Afrika, 2006-2018,2005-2006 agaasimaha xafiiska sirdoonka iyo dabagalka ee Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Shacabka caasimadda Hargeysa ayaa shalay ku soo toosay kaabadaha ammaanka oo la dhigay jidka hormara guriga madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ku yaala waddo halbawle u ah isu socodka caasimadda Hargeysa. Kaabadahan oo ah kuwa ammaanka ee la iskaga mooso khataraha ammaan, ayaa dhawr xabadood la dhigay jidka hormara guriga madaxweyne-xigeenka oo ku yaala xaafadda shacabka ee badhtamaha Hargeysa. Jidkan oo marka horeba ahaa mid cidhiidhi ah oo loogu tallo galay inay isku weydaartaan laba baabuur oo keliya, ayaa waxa uu shalay noqday mid mashquul ah oo soo kordhiyay sixmad badan, waxaana baabuurta iyo dadka shacabka ah ee jidka mara weheliya ardyda dhigata dugsiga hoose dhexe ee Xuseen-Giire. Sidoo kale jidkani wuxuu tagaa dugsi waxbarasho oo kale oo carruurta da’da yari ay dhigto oo ku yaala xaafadda shacabka. Kaabadahan uu madaxwene-xigeen Saylici gurigiisa hor dhigay ayaa waxa uu shacabka, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada kala kulmay dareen taban oo ay kaga falceliyaan kaabadahaas. Dadka qaarkood ayaa isweydiiyay sababta uu Madaxweyne-xigeenku ugu dhiiraday inuu badhtamaha jidka dhigo kaabado ammaan oo loogu tallo galay in la iskaga mooso khataraha ammaanka, “Madaxweyne, waxa gurigaaga; aad hore dhinaciisa dhigtay kaabado waaweyn, imikana jidkii umadu maraysay ayaad kaabado ku xidhatay ood cidhiidhi ka dhigtay, madaxweyne miyaanad ogayn in kaabado badhtamaha jidka la dhigaa ay sumcad xumo ku yihiin ammaanka qaranka.” Sidaas waxa bartiisa baraha bulshada ku qoray muwaadin ka hadlayay kaabadahan. Muwaadin kale ayaa isna isweydiiyay sababta uu madaxweyne-xigeenku kaabadahan u dhigay jidka, iyadoo magalaooyinka dunida ugu halista badan sida Muqdisho oo kale ay hadda bilaabeen inay jidadka waaweyn ee caanka ah ka qaadaan kaabadahan maadaama oo ay keeneen sumcad darro iyo cabsi amni oo joogto ah. Waxa xusid mudan in guriga uu degenyahay Madaxweyne-xigeen Saylici uu u dhowyahay guriga Madaxweynihii hore Axmed-Siilaanyo oo aanay wax kaabado amni ahi hareero oolin dhinacyadiisa iyo jidka hormara toona. Sidoo kale isla xaafadan shacabka waxa isna degen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo isaguna aan jidka gurigiisa hormara dhigin wax kaabado ah. Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa isna degen meel aan ka dheerayn guriga saylici, mana jiraan kaabado uu isku deyray. Saylici ayaa gurigan degay markii uu noqday Madaxweyne-xigeenka, waxaana la sheegay inuu ka iibsaday qoyskii iska lahaa. Kaabadahan ayaa ahaa kuwii loogu tallo galay in lagu xayiro isu socodka gaadiidka maalintii 18 May ee Qaranimada Somaliland, waxaana markii ay xafladii 18 May dhammaatay dib looga ururiyay jidadkii lagu xidhay. Si kastaba ha ahaate, shacabka isticmaalaha baraha bulshada ayaa Madaxweyne-xigeenka ugu baaqay inuu ka guro jidka kaabadahan dhawrka ah ee cidhiidhiga ka dhigay jidka oo ah mid muhiim u ah qaybaha kala duwan ee bulshada. Source
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo ay uga hortageyso go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaqaalaheeda uga mamnuucday inay ka qeyb galaan shirarka ka dhacaya magaalada Nairobi kadib markii Kenya ay Visa-ha u diiday mas’uuliyiinta Soomaaliya oo garoonka ka qaadan jiray. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in wixii shir ah oo quseeya Soomaaliya ay ku qabtaan gudaha dalka ama dalal kale ee gobolka, ama aysan ka qeyb-geli doonin. Ayada oo taas ka jawaabeyso, ayaa dowladda Kenya waxay warqad u qortay 144-ka dal ee safaaradaha ku leh magaalada Nairobi, taas oo ay uga horjeedo go’aanka dowladda Soomaaliya ay shirarka caalamiga ah uga weecineyso Nairobi. Kenya ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso mas’uuliyiinta Soomaaliya ee imanaya Nairobi balse ay lagama maarmaan tahay inay helaan Visa si la mid ah ajaaniibta kale. Dowladda Kenya waxay sheegtay inay tahay go’aan u yaalla Soomaaliya inay ak qeyb gasho shirarka Nairobi iyo in kale, balse ay kasoo horjeedo in shirarkaas la weeciyo. Dalalka daneeya Soomaaliya ayey hadda u taalla inay ayaga go’aan qaataan, waxaase adkaan doonto inay qbataan shir quseeya Soomaaliya oo ka dhaca Nairobi, haddii ay diido dowladda Soomaaliya inay ka qeyb gasho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Hargaysa: (SL-T)Xidhibaan Mubaarig Bidhi Oo Lunsaday Gaadhi Bas Ah Iyo Deeqahii Loogu Talo Galay Caruurta Darbi Jiifta Ah Ee Ku Nool Burco Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inaanu deg deg ku salayn go’aamada uu qaadanayo ee uu u tallo badsado. Xildihbaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay inay hoggaaminta Madaxweyne Biixi ka muuqato sidoo oo uu weli yahay siyaasi mucaarad ah. Ugu horayn wuxuu isagoo xildhibaanku ka hadlaya maxaabiista Puntland ee la sii daayay uu yidhi “Markay Wadamadu dagaal dhexmaro, inta badan Maxaabista la kala qabsado waa la isku sii daaya, waana la is weydaarsadaa, weyna fiicantahay in Maxaabiista la sii daayo, laakiin muhiimada ayaa ah Somaliland maxay ku bedelatay Maxaabista la sii daayey, ilaa hadda wax muuqda oo ay ku bedelatay oo ay inoo sheegtayna ma jirto,inta ay Maxaabiis sii daynaysana waxaan odhan lahaa waxaa jiri kara dad badan oo bilaa xukuna oo iska xidhan, waxaa laga yaaba inay jiraan dad badan oo reer Somaliland ah oo masaakiin ah, oo laga yaabo inay dulmi iyo cadaalad daro u xidhan, ee Xukuumadda waxaa laga rabay inay baadhis ku sameeyso dadkaas masaakiinta ah ee jeelasha iyo saldhigyada buuxa ee xidhan, inay ogaato sababaha ay u xidhan yihiin, waxayna kale oo ahayd inay ogaato, inay cidda ay u xidhan yihiin, markaas Xukuumaddan Muuse Biixi deg deg iyo fududayd ayaa ku jira, waxaana laga yaaba oo muuqda inay wali Mucaarad isku haysato, balse waxaan leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi wali ha is moodin inaad tahay Mucaarad, ee waxaad tahay Madaxweynihii qaranka ee wax walba deganaan ku xali”. Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey xadhiga Xildhibaan Dhakool ayaa wuxuu yidhi “Xildhibaan Dhakool, waa Xildhibaan Xasaanad leh, haddii wax loo sheeganaynaa dacwada loo haysto dariiq iyo dhabo loo maro ayuu leeyahay, Xeer Ciqaab oo la marin karano ma jirto, mana aha xeer Dastuuriya, markaas Xukuumaddani sharcigii bay cabudhin ku haysaa,markaas Xukuumadda waxaan leeyahay xeerka ciqaabta mar walba lama adeegsado, cid gaar ahna looma adeegsado, ee qaabka loo adeegsado iyo cidda dambiga gasha loo adeegsado wey caddahay ee Xukuumaddu cabudhinta ay Sharciga ku hayso ha joojiso, oo Dastuurka yaanay si khaldan u adeegsan”. Source