-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah madaxa xukuumadda Galmudug oo goordhow ka Jawaabayey arrin ku saabsan in Dhuusamareeb laga musaafurinayo dadka u dhashay Koonfur galbeed ayaa sheegay iney been iyo waxbo kama jiraan tahay . Sheekh Shaakir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Hadalkaas waa hadal been abuura ah Koofur galbeed waa Galmudug Galmudugna waa Koofur galbeed Soomaali weeye, Soomaaliyana Soomaalibaa leh meel kastoo ay joogaan ayeey ku noolanayaan, Soomaali waa mid afkaas Soomaaliga ayaa kawada dhexeeyo” Sidoo kale Sheekh Maxamed shaakir oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay googoynta dadka Soomaaliyeed ay tahay mid dano gaar ah laga la leeyahay lakiin aysan aheyn mid marna suuragal ah in ay dhacdo” Kala googoynta lakala goynayo waa wax dano gaar ah laga lahaa, inaan lagu guuleysan ayaan rajeynaa, Soomaaliya horumarkeedii iyo muwaafaqadeedii inay horay ugu tilaabsato ayaan rajaynaynaynaa” dhanka kale sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in dhamaan maamulada iyo dowladda dhexe ay ka midaysan yihiin in dalka oo dhan gacanta dowladda uu soo galo ayna ka go,an tahay. Goobjoob News Source: goobjoog.com
-
Waa farriin ku socota Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku shiraya Nairobi. Mudanayaal, Madaxweynayaal, iga hooya salaan Soomaalinnimo, salaan saaxiitinnimo oo Muqdisho ka timid oo aan khadka idiin soo marinayo. Waxaan qiyaasayaa Ramadan iyo waddac ka dib in aad quraac wanaagsan qaadateen, qadaduna ay idiin soo carfeyso. Allah ha idiin daaweeyo. Waan ku kalsoon ahay in aad maanka ku haysaan in aad u maqan tihiin Soomaali qaarkood badani aanuu labada midna haysan. Walaalayaal waan jeclaa in shirkuunnu uu ku qabsoomo dalka gudihiisa. Waxaan ku kalsoonahay in aad idinkuna sidaa jecleydeen. Ma dhicin. Sababta idinka ayaa iga og. Waan ogahay Dowladda Federaalku dhaliil, laba iyo ka badanba in ay leedahay. Ma ahi dadka ku soo baraarugay muranka hadda ka dhashay shidaalka iyo madasha doorasho ee mid ama laba Dowlad Goboleed ku soo fool leh iyo Hannaanka doorashada Federaalka. Intaa ka horow, waan la socday khilaafka. Waan ogaa in ugu yaraan mid idinka mid ahaa xilka looga tuuray si aan munaasab ahayn. Waan ogahay murashax fursadi u muuqatay in uu xorriyaddiisa ku waayay dembi aan hore loogu eedeyn. Waan ogaa in dhiig Soomaaliyeed iyo mid shisheeyaba uu ku daatay. Waa ogahay mid kale oo idinka mid ah muddo dheer lagu hayay xasillooni darro siyaasadeed oo, aragtideyda, Federaalku haddaanuu curinteeda lahayn uu ugu yaraan hurinteeda ku lug lahaa. Khilaafkaas oo markii uu billowday aan ka dhowrsaday iskana diiday in aan ku dhexmilmo, waa tii mar dambe warqad ka soo baxday Wasaarad aan Wasiirkeedu ka raalli ahayn la damcay in lagu kala diro Dowlad Goboleed. Taasi waxay qeyb ahaan sabab u noqotay dhismaha Golihiinna iyo shirkii Kismaayo. Waan qabaa in dhacdooyinkaas ay Puntland doorashadeedii gayeysiiyeen in ay irdaha ka xirato Mas’uuliyiinta Federaalka inta tabarteed ah. Waa tallaabo aan Soomaali ku farxi karaa jirin, haddana qiil haysata. Federaalku marka uu ka habaabo waddada, kana xishoon waayo xadgudubka noocaas ah, intii uu jiho khalad ah u xawaareyn lahaa waan qabaa in la joojiyo. Isla mar ahaantaas, waxaan qabaa in Dowladda lala shaqeeyo. Waliba hadda oo awood-yari, culeys badan oo gudaha ah iyo culeys ay Dowlado na saareen intuba ay Soomaaliya ku goobteen, waxaan qabaa in aan la wiiqin Dowladda ee garab iyo gaashaan loo noqdo. Haddana waxaan qabaa in Dowaldda lala xisaabtamo. Waliba si adag. Si la mid ah sida ay iyaduba xaq ugu leedahay in ay idiinla xisaabtanto. Waxaan qabaa in mooradeenna dhexdeeda lagu xisaabtamo. Heerka uu khilaafku hadda gaaray iyo xilliga uu ku soo beegmay, midkoodna uma roona hanaqaadka Dowladnimadeenna curdunka ah. Labada midna ma sahlayo kor u qaadidda kalsoonida uu shacabku ku qabo Dowladda aad idinku ka midka tihiin Madaxdeeda. Ma qabo in khilaafka hadda idiin dhexeeya looga sii daro. Mana qabo in uu sii jiitamo. Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan. Ma qabo in khilaafka looga sii daro, oo caasimado shisheeye loo raro, sababta oo ah ma xammili karno, waana ka soo kornay shir Soomaaliyeed oo ka dhaca dal shisheeye. Ma qabo in khilaafku uu sii jiitamo, waayo wakhtigu waa warmoog oo kama warqabo khilaafka. Wakhtigu uma hakanayo xalraadin ee sidiisii ayuu u xawaareynayaa kol dhowna wuxuu na geynayaa xilliga doorashada. Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan. Waxaan qabaa in majliska minankeenna sharafta leh lagu dhex murmo. Waxaan qabaa in aan Gobol keliya loo fakarin ee heer Qaran loo fekero. Gobol badbaadayaa ma jiro haddaan Qaranku badbaadin. Gobol keligii horumar weyn oo taabba-gal ah sameyn karaana ma jiro. Muqdisho marti kama tihiin. Waa caasimaddiinna. Waxaan qabaa in aad timaaddaan, Madaxweynaha iyo Madaxda kalena aad la gorgortantaan. Ma fududa. Laakiin yaa yiri arrimaha Soomaaliya ayaa fudud? Yaa yiri sida dal dib loogu dhiso ayaa fudud? Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada la kala maqan yahay, wakhtiga doorashada ka dhimmani isaga oo aan ka warqabin khilaafka uu ku xawaareynayo hoos-u-tiris aan la hakin karin, kala fogaashuhu wuu sii qoto dheeraanayaa, wuuna sii xoogeysan doonaa. Labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo, wuxuu mid waliba ku go’aan qaadan doonaa tuhun, xumo-filasho, baqdin iyo yaan lagu gaadin. Madaxweynow, intaas midkoodna ma aha waxa ay kaa sugayaan dadka ku doortay. Fool-ka-fool in loo wadahadlo waxay keeni kartaa isu soo dhowaasho iyo in xal la gaaro. Waan ogahay Garowe ayaad isku daydeen in is-af-garad la gaaro. Laakiin inta khilaafku uu taagan yahay, wakhtiguna xawaareynayo, ma ahan in laga quusto is arag iyo wadahadal oo ah dariiqa keliya ee idiin furan. Haddii aad xallin weydo mushkiladda, ugu yaraan garawshiyo ayaad ka heli doontaa shacabka, waa haddii aad gar leedahay, bulshadana aad la wadaagto. Waad ogtihiin markii aad idinku ku baaqdeen shir, oo Madaxweynaha aad u yeerteen in uu idiin yimid. Keliya ma aha ee in uu hore u soo waday Wasiirro dhowr ah iyo Hormoodkooda. Waxba kuma jabna ee waa geesinnimo iyo Soomaalinnimo in aad martiqaad la’aan aad idinku u timaaddaan. Si gaar ah waxaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi xusuusinayaa, fursadda gaarka ah ee isaga u furan. Madaxda kale hore ayay isugu soo daaleen. Wejiga ugu cusub Madaxweynayaashu waa adiga. Doorasho la isku khilaafsan yahay kuguma soo socoto. Dowlad Goboleed guun ah oo miisaan siyaasadeed iyo khibrad isku darsatay, dhulkeeduna inta badan badan uu nabad yahay ayaad Madax ka tahay. Nin dhallinyar oo mustaqbal hoggaamineed leh, Puntland iyo ka weynba waad tahay. Mas’uuliyad gaar ah ayaa kaa saaran xallinta khilaafka. Mas’uuliyad keliya ma aha, haddii aad guul ka soo hoyso, waa dhigaal qofeed oo kuu yaalla Baanka Dhexe ee wanaagga ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, hal Soomaaliya ayaan wada nahay. Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan wadahadal. Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan Dowladda. Waayo mid kale ma lihin. W/Q: Yuusuf Garaad
-
(SLT-Riyadh)-Hal-abuurka iyo Heesaaga Nasser Al-Saleh oo u dhashay Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu Boqortooyada Sucuudiga ka furo Machadkii u horreeyay ee lagu baranayo Miyuusigga (Music). Al-Saleh ayaa sheegay inuu doonayo inuu shaqaalaysiiyo Dadka Fanka ku fiican ee Hal-abuurka leh ee Sucuudiga, si ay u bartaan Music-ga iyo habka ugu fiican ee loo heeso. Wuxuu sheegay in kor u kaca dhanka Fanka ee Sucuudigu Beryahan dambe ku tallaabsaday uu ku dhiirigeliyey inuu xaqiiqsado inay tahay xilligii uu hirgelin lahaa Riyadiisii ahayd inuu Hablaha iyo Wiilasha Sucuudiga baro Music, sida uu ku warramay Saudi gazette. “Music-gu waa Cuntada Ruuxda, Maanka iyo Jidhka, sidaa awgeed waa in Dhallinyarada Ragga iyo Wiilash ah Dugsiyada lagu baraa.” ayuu yidhi Nasser Al-Saleh oo Telefiishan u warramay. Saleh wuxuu ahaan jiray Fannaan ama heesaa, laakiin wuxuu u xuub-siibtay Qoridda Heesaha iyo Laxamiiste “Imika, waxaan fanaannimada kaga badanahay qoridda heesaha iyo samaynta Laxamada..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Weriye Yoonis Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa shaqaalaha tvga Horyaal ayaa cabasho ka muujiyay mulkiilaha tvga kedib markii uu sheegay in uu ka wayey mushaharkii uu xaqa ugu lahaa oo uu muddo saddex bilood ah ugu shaqaynayey, Weriye Yoonis Cabdiraxmaan waxa uu naafo ka yahay araga, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baladweyne (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha maamulka Hirshabelle ayaa maanta amar ku bixiyay in lasoo xiro Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo dhawaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, balse ku gacan-sayaray inuu xilka wareejiyo. Wararka laga helayo degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xiisad ka dhalatay amarkan ay ka taagan tahay halkaas, meelaha qaarna laga maqlay rasaas u dhexeysa ciidammo kawada tirsan dowladda federaalka Somalia. Inkastoo aysan jirin khasaarooyin la sheegay inay ka dhasheen is-rasaaseynta ayaa waxaa hadddana wararku sheegayaan in xalaaddu ay aad u kacsan tahay, lagana yaabo inay dhacaan iska-horimaadyo u dhexeeya ciidammo kala taageersan maamulka Hirshabelle iyo Yuusuf Dabo-geed. Xeer-ilaaliyaha guud ee Hirshabelle, C/llaahi Maxamuud Gacal ayaa qoraal uu soo saaray ku bixiyay amar ah in lasoo xiro guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu eedeeyay 10-dabi oo ay ku jiraan abaabullo dagaal oo la sheegay inuu wado. Yuusuf Dabo-geed ayaa horay u sheegay inaanu aqbalin xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo xusay in tallaabadan loo maray hab aan sharci ahayn, wuxuuna ku adkeystay inuu isagu yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo aysan jirin cid uu xilka ku wareejinayo. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay, mas’uul lagu magacaabo, Cali Maxamed Carraale – waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan guddoomiye cusub loo dumar ah loo magacabaay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qodobbada lagu eedeeyay dabo-geed ayaa waxaa ka mid ah inuu sameeyay amar diiddo, sidoo kalena uu wado qorshe uu isaga horkeenayo shacabka ku nool gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabelle, taasoo lagu sheegay inay ka mid tahay qaanooyin Qaran. Ugu dambeyn, Xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay amarka la dul-dhigay Yuusuf Dabo-geed ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidammo millateri iyo booliis ah oo kawada tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maamulka Hirshabelle oo amar ku bixiyay in lasoo xiro Dabo-geed iyo xiisad ka dhalatay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika. “Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaato.” Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya u soo bandhigtay eedeymaha uu Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon u xiranyahay 55-ka maalmood. Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxay si rasmi ah usoo bandhigtay eedeymaha lagu haysto Wariye Coldoon. Waraaqdan lagu cadeynayo eedeymaha lagu haysto wariyaha ee ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha, ayaa waxa lagu sheegay in Wariye Coldoon loo haysto kiisas ay ka mid yihiin ku xad-gudubka gooni isu-taaga Somaliland. Wariye Coldoon ayaa sidoo kale waxa lagu eedeyay inuu ceebeyn kula kacay dugsiga Abaarso iyo Mas’uuliyiintiisa, iyadoo xusid mudantahay in waraaqda xeer ilaalinta lagu xusay eedeyntan labo jeer. Coldoon ayaa waxa kale oo lagu soo eedeyay inuu dacaayado ka baahiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo ku sheegay “Taliska Muuse Biixi waa Taliskii Cabdi Iley oo soo koraya”. Xeer ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu dambeyntiina waraaqdan ku codsatay inay Maxkamada gobolku ay u mudeyso waqtiga rasmiga ah ee la qaadayo dacwada Coldoon. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somaliland: Proposal For New Road In Somaliland Without Government Consent Hargeisa, (Qaran news)-An agreement has been reached in principal to construct a new major road between Lawya’Adde and Borama with a connection to the town of Jig’Jiga in Ethiopia. According to sources this agreement was reached by the governments of Djibouti and Ethiopia, along with the federal entity in Mogadishu. The government of Somaliland, under the administration of President Muse Bihi Abdi is apparently neither a signatory to the project nor a participant in the discussions of the project. The new road is to be funded jointly by the European Union, the World Bank and the African Development Bank. Sources indicate that the government of Somaliland was not made aware of the projects and it’s planning meetings. It is extremely unlikely that such a development project can take place in Somaliland, without the consent of the administration and furthermore, the involvement of the federal entity in Mogadishu, which has no authority whatsoever within the territorial borders of Somaliland, is merely designed to cause friction within the communities in Somaliland, and also with the neighboring countries of Ethiopia and Djibouti. Reliable sources confirm the funding parties, the EU, World Bank and the African Development, had expressed their concern about the feasibility of the project without the participation and approval of the Somaliland government. However, there is also indication that the funding group were convinced to proceed with the project by the Djibouti government who apparently guaranteed the co-operation the administration of President Muse Bihi Abdi. The Somaliland government has yet to comment on or to clarify it’s involvement in this proposed project. Qarannews.com Qaran News
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Ethiopia ayaa dalkaasi oo dhan ka xidhay isticmaalka khadka Internet-ka si ay u ilaaliso sharafta Imtixaanka Qaranka oo dalkaasi ka socda, sida ay sheegeen koox u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Internet-ka. Kooxdaasi ayaa cadaysay in gabi ahaanba la joojiyey internetka marka la gaadho 7:30 subaxnimo. Talaabadan ay dawlada Ethiopia qaaday ee khadka internet-ka hawada looga saaray ayaa looga gol leeyahay si aanay u dhicin eegasho ama qish inta lagu gudo jiro imtixaanka qaranka ee dugsiyada dalkaasi. Hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan ilaa iyo hadda in aanu jirin masuul ka socda dawlada oo cadeeyey talaabadaasi xataa waxa aan ka hadal shirkadaha iyagu adeegaasi iibiya. “Waxa aanu doonaynaa in ardaydu ay maskaxdoodu soo jeedo iyo in ay ka madaxbanaanaadaan culays maskaxeed iyo wax kasta oo khalkhal ku keenaya,” sidaasi waxa yidhi Mohammed Seid, oo dawlada Ethiopia u qaabilsan arimaha xidhiidhka dadweynaha. Dalka Ethiopia sanad kasta waxa u fadhiista imtixaanada heerka 10 iyo heerka 12, si ay u galaan jaamacadaha islamarkaana ay iskaga diiwaangaliyaan koorasyada farsamada gacanta ee dalka. Waxaanay ardaydaasi inta badan ay imtixaanada u fadhiistaan inta u dhaxaysa bisha May iyo June. sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ee dalka Ethiopia, Tilaye Gete Ambaye, oo u rajeediyey Ardayda ku jirta imtixaanka shahaadiga ah ee dalka Ethiopia guul iyo in si edeb iyo akhlaaq leh ay ku galaan Imtixaanka. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta madaxtooyada ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika, Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika. “Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaato.” Ugu dambeyn, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo la kulmay Ergayga Midowga Yurub u Qaabilsan dalalka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- Sweden)-Dawladda Sweden ayaa dawladda Soomaaliya ku wargelisay inaanay wax shaqo ah ku lahayn socdaal la filayay in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Sweden, laakiin hadda ay cadaatay inuu baaqday. Xildhibaan Magnus Oscarson ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Biixi Sweden tagi doono toddobaadkan. Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya xidhiidh la samaysay safaaradda ay Sweden ku leedahay Nayrobi iyo weliba xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo ay ka dalbatay inay faahfaahin ka siiyaan socdaalka Madaxweyne Biixi, waxaanay sida ay xogahani sheegeen ay dawladda Sweden ku wargelisay dawladda Soomaaliya inaanay ka xukuumad ahaan wax lug ah ku lahayn socdaalka Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, balse ay socdaalkaas ka shaqaynayeen jaaliyadda Somaliland iyo dad la shaqeeya oo aanay Sweden magacaabin kuwa ay yihiin. Madaxweyne Biixi oo hadda ka baaqday socdaal la filayay inuu maalmahan ku tago dalka Sweden, ayaa waxa socdaalkiisa qaban qaabinayay xildhibaan Magnus Oscarson oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden kana mid ah golaha saaxiibada Baarlamaanka Sweden iyo Soomaalida, waxaanu sida uu xikdhibaanku ku sheegay qoraal uu soo saaray la filayay in Madaxweyne Biixi kulan uu xildhibaankani abaabulayay ka jeedin doonaa mawduuc ku saabsan sida ay Somaliland ugu suurtogashay inay dimuqraadiyad hirgeliyaan iyadoo ay dalalka kale ee gobalka Geeska Afrika ku fashilmeen inay dalalkooda dimquraadiyad ka hirgeliyaan. Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ayaa la filayaa inay maalmahan tagaan dalka sweden oo ay ka qayb galaan kulankaas la filayay in madaxweyne Biixi ka qayb galo ee uu ka baaqday. Source
-
Dawladda Kenya ayaa xidhay Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya. Xidhitaanka Xuduudda Kenya ay Soomaaliya kala wadaagto dhinaca deegaanka Lamu ayaa Boolisku sheegay inay tahay sababo amni dartood iyo in lagaga hor-tagayo hawl-gallada Kooxda Al-shabaab ee dhanka Soomaaliya ka soo weerarra Kenya. Taliyaha Booliska deegaanka Lamu Mr Muchangi Kioi ayaa sheegay in xuduudka aanay ka gudbi karin Dadku, marka laga reebo Ciidammada Amniga. Sidoo kale, waxa la mabnuucay in Dadka deggan Tuulooyinka ku teedsan Xuduudka ay iswaydaarsadaan wax Ganacsi ah, waxaanu Taliyaha Booliska Lamu sheegay in Ciddii jebisa Amarradaasi ay Ganacsigooda waayi doonaan oo lala wareegi doono, sida uu sheegay Wargeyska Daily Nation. Masuuliyiinta Kenya waxay in dhanka Soomaaliya laga soo geliyo Kenya Alaabooyin Sharci-darro ah, kuwaasi oo ay qaarkood yihiin kuwo la been abuuray (Fake). Waxa kale oo ay sheegeen Masuuliyiinta Kenya ee Wargeysku soo xigtay in dhanka Soomaaliya laga soo geliyo Dad iyo Maandooriyeyaal la Tahriibinayo, kuwaasina ka mid yihiin sababaha loo xidhay xuduudka. Qaska xuduudka Soomaaliya iyo Lamu-Kenya wadaagaan ayaa bilaabmay sannadkii 2011-kii oo Dagaalyahanno Al-shabaab ah oo ka soo tallaabay dhanka Soomaaliya ay afduubeen Dalxiisayaal iyo Kalluumaysto ku sugnaa Lamu. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Shirka uu ku baaqay Boqor Buuramdow ee labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, waxaanu sheegay in haddii labada Beelood isfahan ka gaadhaan qabsoomida Shirka in aanay jirin cid hor istaagi kartaa, xilli la sheegay in Xukuumadda Somaliland raali aanay ka ahayn qabashada Shirkan. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Beel kastaaba wey shirtaa, oo danaheeda iyo arimaheeda ayey ka shirtaa, Beel iyo laba Beelood iyo in ka badana dantooda iyo arimahooda wey ka shiri karaan, dambina maaha inay Beeluhu arimahooda iyo danahooda ka shiraan, Shirkan Boqor Buurmadaw iclaamiyeyna maaha dambi, cidina ma joojin karto, haddii labada Beelood isku af gartaan oo ay ka heshiiyaana wuu qabsoomaya”. Source
-
Muqdisho, Juun 11, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika. “Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, taageerada hay’adaha garsoorka iyo deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaadanayo.” Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda. DHAMMAAD View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta tababar uga furtay Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka ka jira. Tababarkan oo lagu baranayo farsamada iyo maamulka astaanta Qaran ee Internetka dalka ee dotSO oo ay kasoo qeyb-galeen shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay muddo seddex (3) maalmood ah shaqaalahani ku baran doonaan casharro la xirriira maamulka farsamo ee astaanta Internetka dalka. Sidoo kale Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshaha baahinta isticmaalka astaanta qaranka ee gudaha dalka gaar ahaan in ay Wasaaradaha heer Dowlad-Goboleed ka caawiyaan howlaha la xiriira maamulka farsamo ee Astaanta dotSO. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DF, Cabdi Canshuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda, himilada iyo hiigsiga shirkan uu yahay in la helo isgaarsiin leh hal-beeg caalami ah oo lagu baahiyo dalka oo dhan marnaba dhamaystirmi karin haddii aan la helinin shaqaale tayo leh oo ka rumeeya xaqiijinta yoolkaas sidaa darteedna ay wasaaraddu diyaarisey qorshe lagu daraaseyno baahiyaha tababar ee mudnaanta leh ee xoogga iyo xirfadleyda farsamo ee dalka. ’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan,’’ ayuu yiri wasiirka oo la dardaarmayey shaqaalaha tababarka u furmay maanta. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay la soo wareegtay Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda gacan ku haynta astaanta internetka dalka ee .SO ayaa waxaa lagu soo kordhiyey horumarro farsamo iyo maamul kuwaas oo suurto-geliyay in si fudud loogu istimcaalo astaanta gudaha dalka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Isgaarsiinta DF oo Tababar u furtay shaqaale ka socay Dowlad…. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Hab maamuuska Madaxweynaha Soomaaliya, Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala) ayaa u baxsaday dalka Turkiga, Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Saciid Kampala, oo dhanka hooyada ay ehel ka yihiin madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay in ka hor inta uusan baxsan maxkamad looga yeeray, kadib markii uu ku lug yeeshay muran ku saabsan guri ku yaalla degmada Xamar Weyne oo la isku qabsaday, isaga oo garab siinayey dad ay isku beel yihiin. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markii gurigan la isku qabsaday waxay u xukmisay dad aan ahayn kuwii uu Kampala garabska siinayey ee ku beesha ahaa, hase yeeshee Kamapla ayaan ku qancin xukunkaas, wuxuuna billaabay inuu awood adeegsado. Sida aan xogta ku helnay, Saciid Kamapla ayaa wixii markaas ka dambeeyay adeegsaday awoodda Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kadibna weeraray guriga Maxkamadda ay u xukuntay dadkii lahaa. Tallaabada uu qaaday Saciid Kampala ayaa waxaa ka dhashay isku dhac dhex-maray ciidamo Boolis ah oo farageliyay arrintaas, kana jawaabayay go’aankii Maxkamadda iyo Ciidamadii uu watay Saciid Kampala. Ciidamada Booliska oo ahaa illaa 18 askaro, lagana awood roonaaday ayaa goobta hubka looga dhigay, loona gudbiyay Xabsiga Madaxtooyada. Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa aad uga carrooday falka Saciid Kampala waxayna Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida geeyeen dacwad ka dhan ah. Sida ay wararku sheegayaan, Xeer Ilaalinta ayaa markaas kadib warqad u qortay Agaasimaha Madaxtooyada, kuna wargelisay in dacwad ka taalo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada, lana doonayo inuu Maxkamadda ku hor-yimaado 11-ka bishan oo maanta ku beegan. Si kastaba, Saciid Kampala oo sida la sheegay dareemay kiiskan inuu aad u wyen yahay iyo qaladkii uu galay, ayaa dalka ka baxsaday, wuxuuna maalin ka hor ka dhoofay magaalada Muqdisho, isaga oo aaday Turkiga. Madaxtooyada ayaa la sheegay inay nasakhday kaarkiisa aqoonsiga madaxtooyada, islamarkaana amartay in lasoo celiyo gaadiid uu haystay oo laga lahaa madaxtooyada. Si kastaba, madaxtooyada kama codsan dowladda Turkiga in Saciid Kampala loo soo gacan geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimda@live.com
-
Xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay soo bandhigtay sababta uu u xiran yahay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, kaas oo ku dhawaad abo bilood ku xiran magaalada Hargeysa. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta soomaliland ayaa lagu sheegay in kiisaska logu heysto Wariye codloon ay ka mid yihiin in uu ku xadgudbay jiritaanka iyo waliba qaranimda Soomaaliland, isla markaana xukuumadda Soomaaliland uu ku tilmaamay mid ku socota wadadii Madaxweynihii dowlad deegaanka ee Cabdi Maxamuud Cumar. Sidoo kale Cabdi Maalik ayaa lagu eedeeyay in uu sheegay in dugsiga Abaarso oo ka mid Isksuullada ku yaalla Magalada Hargeysa lagu dhigo Casharo la xiriira Galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo kuwa ka baxsan diinta Islaamka. Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa Maxkamada Sare ka codsatay inay muudeeyaan xilliga rasmiga ah ee la qaadayo eedaha loo hesyto Cabdi Maalik Muuse Coldoon Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay HirShabelle ayaa lagu amray si deg deg ah loo soo xiro guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Warqada lagu soo xirayo mas’uulkan ayaa ka soo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal. Dabageed ayaa lagu eedeeyay dambiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xadgudub awoodeed, oogida dagaal sokeeye iyo kuwa kale. Go’aankan lagu soo xirayo guddoomiye Dabageed ayaa ku soo aadaya xilli maanta ciidamo taabacsan isaga iyo kuwa Hirshabelle ay ku dagaalameyn duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xiisada dagaalkan oo weli ka taagan deegaanka Kala-bayr ayaa waxaa ku dhintay taliyihii qeybta Booliska gobolkaaasi Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saraakiil iyo askar kale oo ka tirsanaa labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyada dagaalamay oo kala ah Boolis iyo Nabad Sugid. Halkaan hoose ka akhriso amarka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud ee Hirshabelle Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”. Dabageed ayaa amar-diido ka keenay xil ka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare, oo jimcihii xilka ka qaaday. Akhriso: Qoraalka Source: goobjoog.com