Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warakii ugu dambeeyey ee qarax Kismaayo ayaa sheegaya iney ku dhinteen weriyeyaal ay ka mid yihiin Hodan Naaleeye iyo Axmed Sahal. Waxaa kale oo dadka geeriyoodey ka mid ahaa seyga Hodan oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Jubbaland iyo Xildhibaan ahaana murashaxa madaxtinnimada Jubbaland Maxamed Ismaaciil shakuur. Qaaraxaan caawa lagu Hotel Hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo.ayaa waxaa ku nafwaayay ilaa shan ruux oo isugu jiray weriyeyaal, dad rayid ah iyo mid ka mid musharaxiinta u taagnaa qabashada xilka madaxtinimo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Friday July 12, 2019 A car bomb went off in a hotel in Somalia's port city of Kismayuo where legislators and local elders were meeting, followed by gunfire, a police officer said. Source: Hiiraan Online
  3. Kismaayo ( SMN) Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in dadka ku geeriyooday weeraradii Maqribnamadii Caawa ka dhacay halkaas uu ku jiro Wariye Gacmadheere loo yaqaanno oo ka tirsanaa Television ka SBC. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia. Ciidamada Ammaanka ayaa ka soo badbaadiyay halkaas Senetarro Aqalka sare ee DFS ka tirsan oo ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Xaashi. Waxaa jira Khasaarooyin intaas ka badan balse aan la xaqiijin Karin illaa iyo Iminka. Dagaalamayaasha ayaa weli ka dhex dagaalamaya gudaha Hoteelkaasi ku yaalla Magaalada Kismaayo. Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ayaa Hooy u ahaa Musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho. Waxaana lagu soo warramayaa in dagaalamayaasha ku jira gudaha Hoteelka ay ka dhex dagaalamayaan qeybta uu ka deganaa Hoteelkaasi. View the full article
  4. [contact-form] Al Shabaab said it attached an upscale hotel in the southern port city of Kismayo on Friday afternoon. Local residents said the attack began with a car bomb detonated at the entrance gate of the hotel followed by gunfire. Political leaders, MPs, elders and presidential candidates were at the hotel at the time of the complex attack. The attack comes as Jubbaland is preparing to hold presidential and parliamentary elections next month. Several people are feared dead and security forces are fighting with the attackers to end the seige. View the full article
  5. Sawirka kore waa Hodan Naaleeeye oo wariye aahayd , waxat kamid tahay Dadka ku geeriyooday weerarka, iyada iyo Ninkeedii Illaahay. Ha unaxariisto Inkastoo wali jawigu [...] Source
  6. Weerar caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka Cascasey ee gudaha Kismaayo ayey lSoo afjareen laamaha ammaanka,sida uu Goobjoog News u sheegay. Afhayeenka laamaha amniga Cabdi nuur. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka caawa lagu qaaday Hotelka ku yaala Kismaayo , ayadoo hotelka ay daganaayeen Xildhibaano aqalka sare, kuwa baarlamaanka federaalka iyo Jubbaland. Gudihiisa Hotelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federalka iyo kuwa ka tirsan dowled gobaleedka Jubbaland. Xildhibaanada la soo badbaadiyay waxaa ka mid ah xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto waxaana hadda wali socda howlgalka ay wadaan ciidama ammaanka oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Kismaayo (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya weerarkii cuslaa ee galabta lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha Kismaayo, kaasoo kooxda Al-shabaab ay sheegatay, waxaana la sheegayaa in uu weli weerarku socdo. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xildihbaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya laga soo badbaadiyay hoteelka la weeraray, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Iftiin Xasan Baasto iyo Caano-nuug oo labadaba Jubbaland laga soo doortay. Weerarkan oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee naftooda ku waayay, ayaa waxay wararku sheegayaan in dadka ku dhintay uu ka mid ahaa wariye u shaqeynayay telefishinnada afka Soomaaliga ku hadla, inkastoo wararka aan la hubin ay sheegayaan inay jiraan mas’uuliyiin kale oo weerarka lagu dilay. Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka yihiin, ayna la beegsadeen hoteel ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan DF iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena ay joogeen xubno caddaan ah, sida uu hadalka u dhigay. “Innaga ayaa ka dambeynay weerarka, waxaan weerarnay hoteel Cas-casey oo ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaan weerarkaan ku billownay Qarax, intaas kaddibna waxaa hoteelka gudaha u galay ciidamadeenna, Hoteelka gudihisa waxaa daadsan dad badan oo uu ku jiro ruux caddaan ah,” ayuu ku yiri hadalkiisa afhayeenka hawlgallada ee Al-shabaab. Dhanka kale, wararka laga helayo Kismaay ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo gudaha hoteelka, ayna halkaas ku sugna yihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland, lana wado hawlgallo lagu badbaadinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas. Weerarkaan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo ururka Al-shabaab ay ka geystaan gudaha Kismaayo oo sanadihii u dambeeyay laga dareemayay magaaladaas ammaan la isku halleyn karo. Ugu dambeyn, Hoteelka la weeraray ayaa waxaa dadka daggan ka mid ahaa C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxnimo ee dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. PUNTLAND POST The post Faah-faahinta weerarkii Kismaayo iyo Al-shabaab oo sheegatay appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Madaxweyne Biixi U Diray Baaq Ka Dhan Ah Golleyaasha Deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Faisal Abdi Roble I just concluded listening to a piece of detailed information about the foiled visit of PM Khayre to North Galkayo. The information [...] Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Caarre oo cadho kaga goostay ciidammada qaranka somaliland ayaa ganafka ku dhuftay codsi uga yimid maamulka Puntland iyo dawlada Soomaaliya. Dawlada Soomaaliya oo soo dhexmaraysa maamulka Puntland ayaa kornayl Caarre u soo jeedisay inuu fuliyo qodobo ka dhan ah jiritaanka qaranimada somaliland kuwaas oo uu ka qaatay go’aan aan ka farxin dhinacyadii soo abaabulay codsiyada dhagaraysan. Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay qodobada laga codsaday kornayl Caare waxaanu yidhi “Caare iyo Puntland waxay isku mari waayeen qaabka maamulkaasi u taageerayo jabhada Kornaylka iyo wajiga uu dagaalkiisu noqonayo, Caare isaga oo Qardho jooga ayuu odhan jiray somaliland, waana geesi halyey qaran ah waana nin rag garta waayey.” Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa sidoo kale cadeeyey halka ay isku seegeen kornayl Caare iyo maamulka Puntland oo fulinaya go’aamo laga soo faray Muqdisho waxanu yidhi “Kornayl Caare waxay isku maandhaafeen maamulka Puntland iyo dawlada soomaaliya in lagu yidhi magaca soomaaliya qaado oo aanu kugu caawino, isna waxa uu ku yidhi ma doonayo magaca soomaaliya ee somaliland is haysata ayaanu nahay ee sidaas miyaad igu garab galaysaan iyaguna waxay ku yidhaaheen maya oo somaliland ma aqoonsanin namana khusayso, sidaas ayaanu Caare ku waayey in baabuur tigniko ah la siiyo in lacag la siiyo iyo in askar la siiyo, waxaanu noqday qof mabda leh oo is yidhi dadkaaga iyo umada somaliland ha khiyaamaynin, sidaas ayaanu kaga soo baxay maamulka Puntland kuna soo galay somaliland iyada oo aanay waxba ku soo kordhin ciidankii uu la tagay.” Kornayl Caare oo ay ciidamada qaranka isku hor fadhiyaan buurta Daallo ayaa siyaasi Cismaan Cumar Dool ku baaqay inaan tabashada sarkaalkaas iyo ciidanka la socda aan lagu xalin dagaal “Caare halka uu maanta ku jiro ninka yidhaahda halagu laayo oo weerar halagu xaliyo waa nin ka shaqaynaya in dabku sii fido, Caare waa in si macquul ah loola hadlaa oo la dhagaystaa waxa uu tabanayo.” Source
  11. Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar toos ah iyo weliba ismiidaamin lagu qaaday Hotel Medina oo hore loo oran jirey Hotel Cascasey oo ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo. Qarax xoog leh ayaa laga maqlay hotelka waxaan xigey dabley hubeysan oo gudaha u gashay hotelka iyadoo weli laga maqlayo rasaas sida ay soo sheegayaan dad ku sugan magaalada Kismaayo. Hotelka ayaa waxaa degenaa xildhibaano iyo weliba qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Jubbaland. Wararka ayaa intaa ku daraya in aagga hotelka laga maqlayo rasaas xoogan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in rag hubeysani ay gudaha u galeen hotelkaasi. Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay aad u kacsan tahay, isla-markaan ay ciriiri tahay isgaarsiinta Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Hotelka oo ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Beel Ka Mid Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Ceel-afweyn Oo Wareejisay Gaadiid Dagaal Iyo Hub Ay Haysatay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Kooxo hubeysan oo ku bilaabay Ismiidaamin iyo rasaas ayaa gudaha ugalay Hotel Cascasey Magaalada Kismaayo. Kooxda ayaa qarax iyo Rasaas xoog uge galay Hotelka Donna [...] Source
  14. (SLT-Ankara)-Shixnadii ugu horaysay ee gantaalada Difaaca ee dalka Ruushku uu ka iibiyey dalka Turkiga ayaa gaadhay dalkaasi, sida uu sheegay Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga. Wasiirka dufaaca dalka Turkiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo jimce ah ku sheegay in Qalabkii ugu horeeyey ee lagu casriyeynayey hanaanka difaaca uu soo gaadhay saldhiga ciidamada cirka ee Murted oo ku yaala magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Waxaanu intaasi ku daray in sidoo kale ay dalkaasi soo gaadhi doonaan maalmaha soo socda qaybaha hadhay ee hubkan difaaca cirka ee dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka. Hubkan dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka ayaa xiisad ka dhex abuuray dalka Maraykanka iyo Turkiga, kaas oo dalka Maraykanku aanu jeclaysan talaabada ay qaaday dawlada Turkigu maadaama oo ay ka wadatirsan yihiin isbahaysiga NATO. Source
  15. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegayo inay weli ciidamadii hubeysnaa ku jiraan gudaha Hotel Cascasey oo ay gelinkii dambe ee Maanta ku galeen weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana socdo dadaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ku jiro Hotelka. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey in Hotelka laga soo badbaadiyey Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto. Sidoo kale waxaa jiro Xildhibaano iyo Diasparo badan oo kasoo jeedo Beesha Axmed Madoobe kuwaas oo ku xayiran Hotelka isla markaasna aan la xaqiijin karin nolol iyo geeri. Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ahaa sidoo kale dadka Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ay soo badbaadiyeen. Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland ayaa howlgal ka wado Hotelka, waxayna wararka sheegayaan inay gudaha hotelka weli jiraan kooxihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka kusoo qaaday. Waxaa jiro khasaaro xooggan oo ka dhashay weerarkaas qaraxa ku bilowday, inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno tirada saxda ah.
  16. PRESS RELEASE UNAIDS to launch 2019 Global AIDS Update in KwaZulu-Natal, South Africa The report will be launched by the Executive Director a.i. of UNAIDS, Gunilla Carlsson, and the Deputy President of South Africa, David Mabuza GENEVA, Switzerland, July 10, 2019/ — News media are invited to attend the global launch of the 2019 Global AIDS Update, Communities at the Centre, in Eshowe, KwaZulu-Natal, South Africa, on 16 July 2019. The report contains the latest data on the progress and challenges in the AIDS response and highlights the enormous impact community health workers have in successfully expanding access to treatment, supporting adherence and preventing new HIV infections. The report will be launched by the Executive Director a.i. of UNAIDS, Gunilla Carlsson, and the Deputy President of South Africa, David Mabuza. Civil society and members of the local community will also be present. EVENT Launch of the UNAIDS 2019 Global AIDS Update, Communities at the centre DATE Tuesday, 16 July 2019 WHERE King DinuZulu Stadium, Eshowe, KwaZulu-Natal, South Africa WHEN 11.00–12.30 South Africa (09:00-11:30 GMT) (opportunity for interviews with UNAIDS Executive Director a.i. at 12.30) SPEAKERS David Mabuza, Deputy President of South Africa Gunilla Carlsson, UNAIDS Executive Director, a.i. Zweli Mkhize, Minister of Health, South Africa Community representatives IMPORTANT Ground transport will be available from Durban to Eshowe and return for registered media. Embargoed materials will be available from Monday 15 July. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Programme on HIV/AIDS (UNAIDS). SOURCE United Nations Programme on HIV/AIDS (UNAIDS) Qaran News
  17. (SLT-Nairobi)-Qaar ka mid ah Saxaafadda Kenya ayaa ku warrantay in uu sii kordhayo culayska Dawladda Ingiriiska lagu saarayo inay dal madax-bannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan uu hore u xukumi jiray Ingiriisku. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Warsidaha Media maxnetwork oo laga leeyahay Kenya isla markaana ah Hay’adda warbaahineed ee leh Telefishanka Kenya 24TV, oo warbixin ka qoray go’aankii Isniintii Toddobaadkan Golaha Deegaanka ee Birmingham u aqoonsadeen JSL dal madax-bannaan. Shabakadda Media maxnetwork, waxay caddeysay in xildhibaanno ka soo jeeda xisbiyada waaweyn Ingiriiska oo kala ahaa Xildhibaan Ian Ward oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka, Robert Alden oo ka mid ah xisbiga Conservativeka iyo Xildhibaan John Hunt, oo ka socday xisbiga Liberal Democrat Group ay warqad wadajir ah u qoreen Ra’iisul-wasaraha UK Mrs. Theresa May iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mr. Jeremy Hunt oo ay ku booriyeen inay JSL u aqoonsadaan waddan madax-bannaan. Mareegta Media maxnetwork waxay intaas ku dartay in Somaliland oo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray ay xoriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo 28kii sannadood ee la soo dhaafay ay maamulayeen dawlado la soo doortay oo raadinaya ictiraaf caalamiya. Xildhibaan Ian Ward oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha UK, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku sifeeyey xiddigta Nabadgelyadda Geeska Afrika, waxaanu ku dooday inay si wadajir ah Ra’iisul-wasaare May ugu dalbadeen inay JSL u ictiraafto qaran madax-bannaan. Xildhibaan Ward wuxuu xusay inay Gole deegaan ahaan u middeysan yihiin Somaliland oo muddo 28 Sannadood ah dal gaar ah ahayd, waxaanu carabaabay inay tahay xiligii beesha caalamku taageeri laheyd JSL. John Hurt oo ka tirsan Liberal Democrat Group ee golaha deegaanka Birmingham ayaa qiray Jamhuuriyadda Somaliland ay jid dheer u soo martay inay qoto xuddunta Nabadgelyada Geeska Afrika. Sidoo kale, waxa Warsiduhu sheegay in Wakiilka Somaliland ee UK Ayaan Maxamuud Cashuur ay ammaantay isla markaana si shucuur leh ugu mahadcelisay Golaha Deegaanka Birmingham. Geeska kalena, Shabakadda Media maxnetwork, wuxuu sheegay in Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu si weyn ugu mahadceliyey Golaha deegaanka magaalada Birmingham, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey tallaabada ay qaadeen mid geesinimo ah oo dhiirigelinaysa Qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku daray in dalkiisu uu istaahilo in la ictiraafo. Ugu dambeyn Magaalada Birmingham ayaa ku soo biirtay magaalooyinka Cardiff, Tower Hamlets iyo Sheffield United oo hore ugu dhawaaqay aqoonsiga qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Cumar Maxamed Faarax Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xiisada ka dhaxaysa Somalia iyo Somaliland waxay baaqi ku sii ahayd mid kacsan. Xudunta halka la isku mari waxa weeyi Somaliland oo taagan siyaasi ahaan in 1991 ay ku dhawaaqeen madaxbanaanidooda iyo Somalia oo diidan. Xidhiidhkuna waxa uu sii cakirmay sanadkii 2018-kii ciidamo ka socda Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia ee Puntland oo daacad u ah dawladda Federalku ee Muqdisho uu dagaal ku dhexmaray dhul ay ku muran san yihiin. Heshiisyadii ay Somaliland la gashay Imaaraadka iyo Ethiopia si loo maamulo dakadeeda ugu weyn – ayaa Muqdisho ay u aragtay inay caqabad ku tahay madaxbanaanideeda – Waxaanay abuurtay inay si qoto dheer uga soo horjeedo. Balse kala duwanaanshahaasi waxa uu si fudud u galay sanadkii 2019, oo cadaadis dibadeed uu abuuray in dib loo dhaqaajiyo wada xaajood dhexmara labada dhinac, taas oo markii ugu dambaysay ee ay si dhab ah u wada hadlaan ay ahayd 2015. Waxaanay labada dhinac ay xiligaasi wadahadalkoodu uu ahaa mid farsamo, oo diirada lagu saarayay amaanka iyo dhaqalaha, iyadoo laga fogaanayey mar kasta arinta siyaasada qaangaadhka ah ee Somaliland. Cida dhexdhexaadka ah, sida Midawga AFrika waa inay ugu yeedhaan wada hadalka, sidaa darteed maadaama oo dawladaha saamaynta ku leh gobolku in ay u arkaan in dhexdhexaadintu ay khatar galinayso danahooda. https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/280-somalia-somaliland-perils-delaying-new-talks?fbclid=IwAR2WJ26twweDVpFeZ0U9btRbhGIlDZ5y8TMQYG8zCBXuCzEDi3EpGXXDohI Source
  19. (SLT-Addis Ababa)-Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ee ADP ayaa weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya. Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF) ayaa waxaa ku buhoobay ilaa afar xisbi oo ay kamid yihiin ADP iyo TPLF. Arbacadii, xisbiga TPLF ayaa ku eedeeyay xisbiga Amxaarada inay la shaqeynayeen ciidammadii khaska waday isla markaasna ay carqaladeeynayaan amniga gobolka. Waxay arrintani imaaneysaa xilli bishii hore isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada lagu dilay madaxweynihii gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare. “Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha, ayna baaritaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha iyo waa inay raalli bixiyaan” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay xisbiga TPLF. Shalay, Xisbiga ADP waxaa uu sheegay in aysan wax raalligelin ah bixin doonin. Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada, xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega. “Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa ah” ayaa lagu yidhi qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook. Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya. Source
  20. (SLT-Canada)-Ugu yaraan 37 qof ayay dhaawacyo ka soo gaadheen shirkadda Air Canada oo xaaladi ay la soo daristay kadib markii ay si dhakhso ah usoo cago dhigatay. Diyaaradan Air Canada ayaa siday 284 rakaab iyo shaqaalaha diyaarada isugu jiray waxaanay ka soo duushay Vancouver iyadoo u socotay Sydney balse waxay ku khasbanaatay inay si degdeg ah ugu dagto Hawaii. Sodon qof oo ka mid ah rakaabkii diyaarada ayaa loo qaaday cusbitaalka Honolulu, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada bileysku. Diyaaradan shilku qabsaday ee Air Canada ayay nooceedu ahayd Boeing 777-200 jet, waxaanay cilad kala kulantan dhinaca hawada. Badi dadka dhaawacyadu soo gaadheen ayaa ka soo go’ay xaga sare ee diyaarada kadib markii ay madaxa ku dhufteen markii ay diyaaradu sida dhakhsaha ah ay usoo cago-dhiganaysay. Waxaanay badi dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa ay ahaayeen kuwo anfariirsan oo aad u naxsan. Source
  21. ADDIS ABABA (Reuters) - A failed regional coup in Ethiopia has exposed rare divisions in the alliance that has dominated the country for three decades, with two of the four ethnic parties that form the ruling coalition trading insults in a public feud. Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Khartoum)-Guddiga millatariga Suudaan ayaa ka badbaaday afganbi millatari waxaana xabsiga la dhigay 16 sargaal sida ay tabisay warbaahinta Dowlada. Afganbigaan dhicisoobay ayaa imaanaya iyadoo wadahadalo ay u socdaan golaha qaran ee Millatariga haya tallada iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suudaan. Saraakiisha la xidhay ayaa iskugu jira xubno ka tirsan laamaha Millatariga sirdoonka iyo kuwa adeega qaranka oo waday isku day Afganbi oo ka dhan ah Janaraal Jamaal Cumar. Tv-ga dowlada Suudaan ayaa xaqiijin xiliga uu dhacay isku daygan lagu maja xaabinayay golaha qaran ee millatariga Suudaan. Dhanka kale Janaraal Cumar ayaa sheegay inay ku raad joogaan askar kale oo ku lug laheyd afganbiga Dhicisoobay. Source
  23. Kismaayo (SMN) – Weerar ku bilowday qarax ayaa lagu qaadey huteel caan ah oo ku yaala magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qarax gaari kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo dhacay iyadda oo huteelka ay shir ku lahaayeen Xildhibaano iyo ddayaasha dhaqanka. Ma cadda illaa iyo haatan waxyeeladda ka dhashay dhacdadaasi oo imaaneysa xili Kismaayo laga dareemayo qaban-qaabada doorashadda. Bisha dambe ayaa la filayaa in ay qabsoonto coddeynta oo ay ku tartamayaan murashaxiin uu kamid yahay madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-12072019.mp3 View the full article
  25. MOGADISHU (Reuters) - A car bomb went off in a hotel in Somalia’s port city of Kismayu where local elders and lawmakers were meeting, followed by gunfire, a police officer said on Friday. Source: Hiiraan Online