Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, xilli uu sii xumaanayo xiriirka u [...] Source
  2. Guddoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar shaqo ugu maqnaa gobolka Sanaag ayaa soo dhoweyn heer sare ah galabta [...] Source
  3. Adiss Ababa, Juun, 12, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiyaan Airline. Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ( CEO) shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi. Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale. Madaxweynaha Puntland ayaa masuuliyiinta kala xaajoodey abuuridda fursado ganacsi oo lagu horumarinayo xidhiidhka taarikhiga ah ee Puntland iyo Itoobiya, Madaxweynaha ayaa xusay inay qayb muhiima ka qaadanayso xidhiidhkaasi hirgelinta duulimaadyo caalami ah oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline ka hirgeliso Puntland, taasi oo fududaynaysa isku xidhka labada dhinac iyo abuuridda fursado maalgashi. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaradaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline. Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya. Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo 15 Juun 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka. Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Itoobiya oo kashaqeysa fududeynta isu socodka dadka iyo ganacsiga. -DHAMMAAD- The post Deni oo la kulmay madaxda shirkadda Itoobiya Ethiopian Airlines appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadha qeyb ka mid ah gobolka Minnesota u matasha aqalka wakiillada Mareykanka ee Koongareeska ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay sharciga cashuuraha ee dalkaas, ayna si khaldan u adeegsatay dhaqaalaha loogu tala galay ol’olaha doorashada. Bogga arrimaha ganacsiga ka faallooda ee ‘Businessinsider’ ayaa qoray sheekadan oo uu kasoo xigtay wakaaladda wararka ee AP. Saraakiisha gobolka Minnesota u qaabilsan maareynta iyo dabagalka dhaqaalaha ol’olaha ayaa sheegay in Ilhaan ay canshuur celin wadajir ah la sameysay ninka ay hadda xaaskiisa tahay kahor inta aysan si sharci ah isu guursanin. Xilliga ay canshuur celintaas la sameyneysay ninkan ayey sheegeen inay xaas u ahayd nin kale. Guddiga maaliyadda iyo soo bandhigidda arrimaha dadweynaha ayaa sheegay in Ilhaan iyo seygeeda hadda la nool ay canshuur celintaas sameeyeen sanadihii 2014-ii iyo 2015-kii. Laakiin waxay si sharci ah isu guursadeen sannadkii 2018-kii.Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Ilhaan ay si khaldan u maareysay dhaqaalaha loogu tala galay in loo adeegsado howlaha la xidhiidha ol’olaha doorashada. Kooxda ol’olaha ee Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabi waayay su’aalo ay weydiisay wakaaladda Warar AP, hase yeeshee waxa ay goor dambe soo saareen bayaan ay ku sheegeen in dhammaan howlihii la xidhiidhay dhinaca canshuur celinta ay u sameeyeen si sharciga waafaqsan. Eric Johnson, oo ah qareen sharciyada la xiriira canshuurta ka bartay jaamacadda magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dadka canshuurta bixiya ee sida khaldan u celiya “iyagoo wadajir ah” aysan arrintoodu noqoneynin fal dambiyeed. Waxa uu intaas ku daray in haddiiba dib laga saxo aysan ka imaaneynin wax cawaaqib xumo ah. hase yeeshee, arrintan ayaa culeys hor leh sii saareysa Ilhaan, waxaana ka faa’iidystay dadka iyada dhaliila, kuwaasoo hadda soo qoda waxyaabihii ay horay usoo matay. Dhawaan waxaa Ilhaan Cumar lagu eedeeyay hadal la qoonsaday oo ay ka sheegtay dagaalkii ciidamada Mareykanka iyo maleyshiyaad Soomaali ah ku dhex maray magaalada Muqdisho. Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa muujisay in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii. Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen. Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in “kumannaan” qof ay ku dhinteen dagaalkii uu Mareykanka ku galay magaalada Muqdisho. Haase ahaatee, xildhibaanaddan aqalka Koongareeska u matasha gobolka Minnesota ayaa hadalkaas Twitter-keeda ku qortay mar sii horreysay, waxaana warbixintan shaacisay hay’ad baadhitaanno ku sameysa arrimaha la xidhiidha argagixisada. Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraalkan oo ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii. “Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay. Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News. Source
  5. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) PRESS RELEASE Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) and Private Joint-Stock Bank (PJSB) “Trustbank” met and signed a collaboration Memorandum of Understanding (MoU) in Uzbekistan The cooperation between Trustbank and ICD started on July 9, 2018, during the visit of the Trustbank’s delegation to Jeddah (Saudi Arabia) DUBAI, United Arab Emirates, June 12, 2019/ — On June 10, 2019, the management of the Private Joint-Stock Bank “Trustbank” (Trustbank.uz/en) welcomed the delegation of the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) (www.ICD-PS.org), headed by the CEO, Mr. Ayman Sejiny. The meeting was held in the framework of strengthening the cooperation between the two financial institutions following the Resolution of the President of the Republic of Uzbekistan and the Resolution of the Cabinet of Ministers of the Republic of Uzbekistan previously declared on December 2017 and May 2019 respectively. The cooperation between Trustbank and ICD started on July 9, 2018, during the visit of the Trustbank’s delegation to Jeddah (Saudi Arabia), where a Line of Financing agreement was signed between ICD and Trustbank for the amount of $ 7,000,000. Via this line of finance, Trustbank financed several industrial projects including: production of cable-wire products, production of electronic components, construction, production of electronic devices. These projects contributed in creating more than fifty jobs. Moreover, the line of finance provided by ICD allowed Trustbank to enter a new stage in the development of international business. In addition, the bank has created a large client base, 11 branches and serving the population and enterprises throughout the country. “Today, ICD is one of the most important and significant partners of Trustbank at the international level,” said the Chairman of the Board of the Trustbank – Mr. Sardor Normukhamedov. Following the meeting, a Memorandum of Understanding (MoU) was signed between the two institutions. The MoU is related to a new initiative, a Global Platform for Private Sector where the two institutions and community of like-minded financial entities can collaborate on business opportunities, exchanging market intelligence and laying a foundation for actual financial transactions within the member countries and across borders. The CEO of ICD, Mr Ayman Sejiny, commented “This meeting gave a special impetus to the further collaboration of Trustbank and ICD, discussing the new platform initiative launched by ICD during the IsDB 44th Annual Meeting in Marrakech, that will allow to start implementing new joint projects and will undoubtedly contribute to widen services provided by the bank in the field of entrepreneurship and small business development, as well as the creation of new jobs in the country. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD). View multimedia content About the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector: Established in 1999, ICD (www.ICD-PS.org) is a multilateral development organization and a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group. The purpose of the Corporation is to promote, in accordance with the principles of the Shari’ah, the economic development of its member countries by encouraging the establishment, expansion and modernization of private enterprises producing goods and services in such a way as to supplement the activities of the Islamic Development Bank. For more information about ICD, visit www.ICD-PS.org About Trustbank: Private Joint-Stock Bank “Trustbank” (Trustbank.uz/en), established in 1994 under the license from the Central Bank of the Republic of Uzbekistan No. 44 to conduct banking operations and headquartered in Tashkent, the capital of the Republic of Uzbekistan. The mission of the Bank is to strive for becoming the best in providing high quality modern banking services and to aim to switch from growth in numbers to change in quality. Today, the bank provides financial services in 9 branches with number of employees of 942 persons in Uzbekistan. For more information visit Trustbank’s website at: Trustbank.uz/en SOURCE Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) Qaran News
  6. LONDON, United Kingdom - Kenyan entrepreneurs and contractors selling goods and services to small and medium-sized enterprises (SMEs) in the U.K. can now receive payments faster and more conveniently following the launch of WorldRemit for Business. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw iclaamiyey, waxaanu sheegay inay khalad tahay in dacwad ka dhan ah Boqor Buurmadaw in dacwad ka dhan ah loo gudbiyo Imaraadka, xilli uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Gaafadhi uu dacwadan ka gudbiyey. Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaayey Shirka uu iclaamiyey Boqor Buurmadaw ayaa yidhi “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha East Burco Clan namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”. Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dacwada ka dhanka ah Boqor Buurmadaw ee Xukuumaddu u gudbisay Imaraadka oo uu hadda ku sugan yahay ayaa yidhi “Xukuumaddu waxay Imaraadka uga dacweyso Boqor Buurmadaw waa khalad, in nin muwaadin ah oo reer Somaliland in dalka shisheeye laga ashkateeyo waa khalad, haddii ay Xukuumaddu wax ka sheeganayso beri ka maalinba dalka uu imanaya, markaasba ha ku dacweyso waxay ka tabanayso, oo ha weydiiso waxay ka tabanayso, laakiin ma haboona in dalal shisheeye oo aan dalkeena ahayn aynu iska dacweyno”. Suldaan Maxamed oo baaq u diraayey Xukuumadda ayaa yidhi “Shacabka waxaan leeyahay nabada ilaaliya, oo dawladnimada ilaaliya, oo Dawladda kala shaqeeya wixii horumar ah ee ay wado”. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan. Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan. Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.
  9. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan. Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartannadii orodka ee Jabuuti iyo kii dalalka Zoonka 5aad ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Rwanda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalkeenna iyo dadkeenna u leeyihiin guulaha noocan oo kale ah, maadaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo maray ay maanta guulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.” Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali go’aanka waddaniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feerka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soomaaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaayeen dalka. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Guddoonka Guddiga Ciyaaraha Fudud ee heer Qaran, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, ganacsato iyo hobollo ka mid ah bahda fanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  10. (SLT-Garoowe)-Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxtooyada Puntland Ee Qardho kulan kula qaatay Maamulaha Mashruuca JPLG Mr Mark, sidoo kalena ka tirsan Hay’ada ILO. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Degmada Qardho iyo Masuuliyiin kale. ILO ayaa laga yaaba inay mashaariicdii Somaliland u wareejiso Puntland. Dawladda Somaliland ayaa dhawaan eriday hay’addan caalamiga ah ee shaqaalaha Adduunka waxaanay ku eedaysay in xuquuqda Somaliland ay lunsadaan shakhsiyaad Soomaaliya u dhashay oo hay’adda ka shaqeeya. Source
  11. (SLT-Delhi)-Inta la ogyahay Afar Qof baa kulayl daran ugu dhex dhintay Tareen ay ku safrayeen Waqooyiga Dalka Hindiya. Women fetch water from an opening made by residents at a dried-up lake in Chennai, India, June 11, 2019. REUTERS/P. Ravikumar Kulaylkan ayaa Labadii Toddobaad ee u dambeeyay halkaasi ka taagnaa, sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi. Afarta Qof ayaa Geeriyooday Isniintii xilli ay ka soo safrayaan Caasimadda Magaalada Agra, waxayna ku socdeen Coimbatore oo Koonfurta Hindiya ku taalla. Afarta Qof ayaa Xaaladdoodu is beddeshay markii Tareenku muddo safrayey, nasiib-darro’se markii Xaaladdooda lagu wargeliyey Maamulka Tareenka ee la geeyay Cisbitaal nafba laguma gaadhin, sida uu sheegay Ajit Kumar oo ah Afhayeenka Maamulka Tareennada Hindiya. Kulaylka ayaa gaadhay 45 Degree deegaanka Jhansi oo ah Waqooyiga Gobolka Uttar Pradesh, ahna halka naftu ku qabatay afarta Qof ee Geeriyooday. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Soamliland ayaa sheegay in aan Cidina buuxinayn xubinimadii uu ka geeriyooday alle ha u naxriistee xildhibaan Cali Aareeye, oo todobaadkan ku dhintay waddanka Turkiga. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhammaadeen dhammaan xildhibaanadii kaydka ka ahaa ee xisbigii UDUB ee gobolka Awdal. Jagadaasi ayaa banaanaanaysa ilaa inta golaha wakiilada cusub la dooran doono. golaha wakiillada Soamliland ayaa la doortay sannadkii 2005 taas oo keentay in kaydkii xisbiyadu inta badan dhamaadaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Riyadh)-Gantaal ay Xuutiyiinta dalka Yemen ku dhufteen garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka Sacuudiga ayaa maanta dhaawacay 26 qof oo rayid ah, sida uu sheegay isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen. Sideed ka mid ah dadkaas ku dhaawacmay garoonka diyaaradaha Apha ayaa la dhigay isbitalka, sida uu sheegay afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Malki. 18-ka kale ayaa isbitalka laga saaray kadib markii ay heleen gargaarka deg degga, sida lagu sheegay bayaanka oo ay sii daysay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Duulimaadyada garoonka Apha ayaa dhowr saac hakad galay ka hor inta aysan dib u billaaban. Apha oo ah caasimadda gobolka Asir ee buuraleyda ayaa ah meel ay qabow u raadsadaan dadka Sacuudiga ee ka cararaya kuleylka darran ee magaalooyinka Jeddah iyo Riyadh. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira saddex dumar ah oo mid ay u dhalatay India, iyo laba caruur oo Sacuudiyaan ah. Weerarka maanta ayaa imanaya ayadoo Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ay shalay dhexda ka qabteen laba diyaarad oo drone ah oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Cabdiraxmaan Cadami Oo Ayaan-darro Ku Tilmaamay In Xukuumadda Somaliland Ay Eriday Hay’adda Qaramada Midoobay Ee ILO, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan. Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartannadii orodka ee Jabuuti iyo kii dalalka Zoonka 5aad ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Rwanda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalkeenna iyo dadkeenna u leeyihiin guulaha noocan oo kale ah, maadaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo maray ay maanta guulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.” Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali go’aanka waddaniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feerka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soomaaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaayeen dalka. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Guddoonka Guddiga Ciyaaraha Fudud ee heer Qaran, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, ganacsato iyo hobollo ka mid ah bahda fanka. Villa Somalia Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Jigjiga)-Agaasime Cabdiraxmaan Wirdaani Ayaa Kulamo Kula Qaatay Magaaladda Jigjiga Wasiirada Hawlaha Guud Iyo Madaxtooyada ee Dawladd Deegaanka Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xasan Daadhi ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya, halkaas oo soo dhaweeyey. Agaasime Cabdiraxmaan Cabdilaahi Wirdaani Dhanka wuxuu la kulmay Wasiirka Hawlaha Guud ee Dawladd Deegaanka Somalida Dr. Abdifatah Sheekh Biixi, Dhanka Kale Agaasime Cabdiraxmaan Wirdaani waxa Caawa casho sharaf usmeeyey Wasiirka Madaxtooyadda Dawladd Deegaanka Somalida Mr. Xasan Daadhi. Ugu Danbeyn Agaasime Cabdiraxmaan Wirdaani Ayaa Umaahdnaqey Masuuliyiintii kala duwanayd ee soo dhaweysay. Isagoo qoraal uu Facebook usoo dhigay ugu mahadceliyey Masuuliyiintaa. Isagoo ku sheegay “dad gobonimo iyo ilbaxnimo gaamurtay leh, isagoo ku amaanay horumar weyn ka tisqaaday Dawladda Deegaanka Ee ay horseedka uyihiin, iyo kor ukaca ku socda dhaqaalaha deegaanka. Wuxuuna xoog ugu amaanay isku socoda xuduudaha iyo nabadgalyada ka dhalatay deegaanka”. Agaasime Cabdiraxmaan Cabdillaahi Wirdaani ayaa ilaa hadda safar Kujooga Magaaaladda Jigjiga. Source
  17. Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Maxamed Cabdi waare ayaa Waxana Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali muxumed Caraale. Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Waare ee magaalada Beledweyne oo uu dhowr maalmood ka hor safar dalka Kenya ah ugaga ambabaxay ayaa waxaa ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne ay ka socdeen banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle. Dadka banaanbaxayay oo taageersan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku gubayay wadada laamiga ah lugo baabuur. Shalay dagaal Khasaare geystay ayaa duleedka Magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Yuusuf Dabageed iyo Ciidanka Amaanka Hirshabeelle. Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr. Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  18. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Warbaahinta la hor-yimid Waraaqo ay ku qoran yihiin qorshaha Maraykanku kula Macaamilayo Mexico oo Mujaahiriin badan uga soo gudbaan dhanka Maraykanka. Madaxweyne Trump ayaa ka gows-adaygay inuu la wadaago Waraaqaha uu Gacanta ku hayey waxa rasmiga ah ee ku qoran waxaanu ku sheegay inay yihiin Sir. Warbaahinta ayaa Sawirro ka qaadday Madaxweynaha oo lulaya Waraaqaha uu sheegay in waxyaabaha ku qoran yihiin sir. Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Mexico Marcelo Ebrard ayaa Isniintii sheegay in Dawladdiisu muddo 45 Maalmood gudahood ah ku muujin doonto awood u leedahay inay xakamayso Muhaajiriinta ka soo gudba Xuduudka Maraykanka. Laanta Afka English-ka ee BBC-da ayaa sheegtay in Qorsheyaasha labada dhinac doonayaan ku wada shaqeeyaan inay tahay in Mexico laga dhigo mid Muhaajiriintu ku nabad-geli karaan, si loogu dhegaysto dalabkooda Magangelyo-doonimo, halkii wakhtiyadii hore loogu dhegaysan jiray gudaha Maraykanka, markay dhankiisa u gudbaan. Muhaajiriinta uu Maraykanku khaatiga ka joogaa maaha kuwa reer Mexico keliya, balse waxa jira Muhaajiriin kale oo ka soo Tahriiba Dalalka Laatiin Ameerika, kuwaasi oo soo dhex mara Mexico, sidaasi darteed baa si Mexico kuwaa uga hor tagto waxay Lix kun oo Ciidammadeeda ah geysay Xuduudka ay la wadaagto Guatemala. Source
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaano ku soo sameeya u saaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka [...] Source
  20. Abal (Caasimada Online) – Degaanka Abal oo dhowr KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxaa ku sugan ku dhowaad 500 oo Askari, kuwaas oo ka tirsan Ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu- Mansuur oo laba sano ka hor isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya. Ciidamadaan oo aad u qabalabeysan ayaa wali ku sugan furimihii dagaalka iyo Jiidda hore ee aagga dagaalka kuwaas uu sameeyay ku dhowaad 10 sano ka hor Sheekh Mukhtaar Roobow kadib markii uu la dagaalay Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada Abuu Mansuur ay helaan taageero caalami ah oo dhan kasta ah, taas oo fududeestay in ay ku sii jiraan difaac adag xataa hadii la xiray Abuu Mansuur oo ahaa hogaamiyahoodii degaankaas ku abuuray. Baaritaan dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay in ciidamada Sheekh Mukhtaar ay gacanta ku heyso dowladda Mareykanka islamarkaana ay bixiso wax kasta oo ku baxa. Waxyaabaha ay sida joogtada ah u helaan ciidamada Abuu Mansuur waxaa kamid ah mushaar ku filan, qalab ciidan iyo garaam ku filan. Sidoo kale ciidamadaan ayaa laga caawiyaa dhinaca xogta iyo hadii ay dagaalo galaan. Warar-ka ay heshay Caasimada Online ayaa waxaa qeyb ka ah in diyaaradaha Mareykanka iyo Taliska Africom ay amar ku qabaan in ay difaacaan weerar kasta oo ay Ciidamadaasi la kulmaan. Ciidamada Abuu Mansuur isbaaro uma taalo, canshuur ama lacag kale dadweyne kama qaadaan xoolo malahan mana jirto meel ay ka soo gasho lacagta ay qaataan oo aan ka aheyn taageerada Mareykanka. Hadda uguma horreyso in Mareykanka uu taageero Ciidamada Abuu Mansuur balse waxay Caasimada Online ogaatay sanadihii dambaba uu halkaasi ku caawin jiray Taliska Ciidmada Mareykanka ee Soomaaliya kuwaas oo loo soo gaabiyo Africom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed u magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal. Warqad ka soo baxday xafiiska Cali Salaad ayaa lagu sheegay in markii la arkay aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa iyo baahida loo qabo in la helo qof xilkan buuxiya Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed loo magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal. Sidoo kale ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal ayaa la faray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay amniga iyo arrimaha ganacsatada Koonfur Galbeed sida warqadda ku cad. PUNTLAND POST The post Puntland oo xil u magacowday nin ka soo jeeda Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  22. Baladweyne (SMN) – Xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa haatan deggen, markii ay Ciidanka Amisom la wareegeen Gacan ku haynta goobaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Hiiraan iyo koontaroolka degaanka Kalabeyr oo ah halkii ay ka billaabatay shaqaaqadii Shalay ka dhacday halkaasi. Goobaha ay la wareegeen Ciidanka nabad ilaalinta Amisom ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo daacad u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ,Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Dhinaca kale, Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa haatan gaaray Magaalada Baladweyne, waxaana lagu wadaa in sidoo kale uu halkaasi tago guddi uu xaqiiqa raadin ah oo ka socda Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Soomaaliya. View the full article
  23. Laascaanood (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhad hubeysan oo uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug oo horay uga soo goostay maamulkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii Jabhadani ay weerartay fariisin Ciidanka S/land ay ku leeyihiin agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. Khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, walow aan la xaqiijin karin inta uu le’gyahay. Labada dhinac ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay iska hor imaadkan oo socday muddo ka badan hal Saac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa koonfur bari deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. View the full article