Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (SMN ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Muxumad, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee maamulka HirShabelle. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana halkaasi howlgallo ka waday Ciidamada DFS iyo kuwa maamulka HirShabelle. View the full article
  2. National Assembly Majority leader Aden Duale on Friday downplayed the diplomatic row between Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Bariire (SMN) – Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Ibraahim Subag oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray deeganka Bariire ee gobolkaasi. Wasiir Subag ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dayactir loogu sameynayo Buundada deegaanka Bariire oo la sheegay in ay horay u burburiyeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Sidoo kale Wasiirka ayaa maamulka Shabeelaha Hoose uga mahadceliyay dadaalka lagu derder gelinayo amniga oo ay ka wadaan deegaanada gobolkaasi. Deegaanka Bariire oo qiyaas ahaan 60 KM K/Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
  4. Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda iyo howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxay sheegtay AFRICOM in weerarkaasi ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinta xubnahan ma aanay bixin. Sidoo kale, AFRICOM ayaa tilmaantay in weerarkan ay gacan ka geysteen ciidanka DFS. Warkan kasoo baxay taliska ciidank Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu soo gabagabeeyey inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka halkaasi ka dhowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan Geerida Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa lagu arkay Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, isaga oo Meyd ah, islamarkaana xarig uu qoorta uga xiran yahay. Zakiyo Xuseen, ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Faceebook waxa ay ku sheegtay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanadan ay wadaan qeybta dambi baarista ee (C.I.D), islamarkaana waxa ka soo baxa ay la wadaagi doonaan shacabka Somaliyed. Dhinaca kale qaar ka mid ah Ehellada Sarkaalka Geeriyooday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegtay in Marxuumka uusan is dilin, islamarkaana la dilay, sida ay hadalka u dhigeen. Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed, ayaa ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Booliska, wuxaana yy soo noqday Taliyihii Saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. View the full article
  6. Jowhaer (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Wareegto soo saaray ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolkaasi u magacaabay Cali Maxamed Caraale. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-08062019-qqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqq.mp3 View the full article
  8. Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil toogasho oo ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku dileen C/rashiid Maxamuud Sheikh Cali oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar. Kooxo hubeysan oo bastoolad watay ayaa rasaas la dhacay C/rashiid oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha ee magaalada Jowhar, waxaana kadib baxsaday dadkii dilka geystay. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka marka la dilayay uu kasoo baxay masaajid ku yaala xaafadda Haniwadaag, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysa. Waa dilkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada Jowhar sanadihi ugu dambeeyay, iyadoo xaalada magaalada ay wanaagsaneyd. Maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada booliska ee magaalada, kuwaasi oo tagay goobta falka uu ka dhacay, kadibna baaritaano bilaabay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  9. Researchers have explained immigrants' swelling pride in their new home country with elevated living standards and longer life expectancy. Source: Hiiraan Online
  10. Soomaali taageeraysa Maxamed Nuur Maxamed Nuur oo hore uga tirsanaan jiray Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shalay maxkamad ku taalla degmada Hennepin ee gobolka Minnesota waxay ku xukuntay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah. Mr Nuur ayaa bishii April ee sannadkan lagu helay in uu sannadkii 2017-kii dilay Justine Ruszczyk Damond asal ahaan ka soo jeeda waddanka Australiax xilli ay Booliiska u wacatay fal-dambiyeed ay sheegtay in uu ka socday aga’gaarka gurigeeda. Dhinaca kale bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa shalay dibad-bax ku muujiyay sida ay uga xun yihiin xabsiga lagu xukumay Maxamed Nuur iyagoo Maxkamadd ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xukun ku riday sarkaal Soomaali ah oo dil geystay appeared first on Puntland Post.
  11. Abdel Fattah al-Sisi has sold his country as an investment destination with the IMF’s help—but the living standards of ordinary Egyptians are plummeting as elites line their pockets. Source: Hiiraan Online
  12. "I caused this tragedy and it is my burden." – Mohamed Noor Source: Hiiraan Online
  13. Marine Gen. Kenneth “Frank” McKenzie says Iran recently took a “step back” from supposed plans to kill US troops, diplomats, and citizens. Source: Hiiraan Online
  14. An increasing number of companies that help people transfer money to countries without reliable banking systems, known as hawala companies, are seeing their accounts with Swedish banks closed down. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta. Xubnahaas ayaa wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Mogadishu Clan kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin. Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Mogadishu Clan iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo heli lahaa siyaasi Mogadishu Clan ah oo awoodda labada beel la isugu geeyo si loo doorto. Waxaa sidoo kale kulanka la isku raacay in Hargeysa ay noqoto halka laga maal-gelinayo ololaha oo lacagta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga lasoo marinayo, halka magaalada Nairobi ay noqoneyso xarun labaad. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay maamulka Somaliland waa ay beeniyeen warbixinta wargeysla African Intelligence. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Waare ayaa sidoo kale wuxuu xilkan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo mas’uulkan cusub loo rajeeyey in shaqadiisa u guto si hufan. Hoos ka akhriso wareegtada: Source: goobjoog.com
  17. Not many people get to study in the same class as their parents, but a Somali mother and her youngest daughter did just that. Source: Hiiraan Online
  18. Maxkamad ku taalla magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku riddey askari Soomaali Maraykan ah, kaasi oo ku eedeysnaa dilka haweeney. Maxamed Nuur ayaa aad isu difaacay, halka qareenkiisu uu codsaday in aan xukun lagu ridin, balse la kor joogteeyo oo kaliya. Ugu dambeyn, garsooraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay in Maxamed lagu riday xukunka xabsi ah oo dhan 12-sano iyo bar. Durba Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa walaac xooggan ka muujiyey xukunkaasi, waxaana ay sheegeen iney dareemayaan cadaalad darro baahsan. Waxay sheegeen in Maxamed aanu xukunkaasi mudneyn, uuna noqonayo askarigii ugu horreeyey ee xukun sidan ah lagu rido magaalada Minnesota. Maxamed ayaa sanadkii 2017-kii si kedis ah ku dilay Justine Damon doo u dhalatay dalka Australia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Rag hubeysan ayaa waxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ku dileen, gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolkaasi. C/rashiid Xaaji Maxamed ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Jowhar, waxaana goobta isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada ammaanka oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgl ballaaran oo lagu radinayey dadkii falkaasi ka dambeeyey, balse ma jirto cid lagu soo qabtay. Maamulka magaalada Jowar ayaa wax faah faahin ah ka bixin dikaasi, hase ahaatee xaaladda magaalada Jowhar ayaa maalmahan dambe ahaa mid hagaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib baaqyo iyo qeyla dhaan ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka gobalka Banaadir islamarkaana ay dhagaha ka fureysatay dowladda Soomaaliya waxay hadda dhaqanku gaareen go’aankii ugu adkaa oo sababi kara dhimasho, dhaawac iyo bur bur kale oo ay sheegeen in mas’uuliyadiisa qaadan doonto dowladda Soomaaliya. Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen ayay odayaasha waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda. Dhaqanka ayaa sidoo kale qaarkood Caasimada Online faahfaahin ka siiyey qorshaha ay dejiyeen si ay isaga xoreeyaan dhibka ay ku hayso dowladda federaalka. Waxay sheegeen in ay sameysteen guddiyo lagu magacaabo, guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha, guddiga tirakoobka iyo soo bandhigidda dadkii lagu dilay Muqdisho intii ay go’doonka aheyd iyo guddiga soo bandhigadda khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay go’doonka 60-ka cisho ay ku jirto magaalada. Guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha waxaa loogu talagalay in ay abaabulaan banaanbaxyo waa weyn oo ka dhaca gobalka Banaadir xaafad kasta oo kamid ah. Sidoo kale guddigaan ayaa laga rabaa in ay hagaan dadweynaha islmarkaana ay soo iibiyaan agabyo loogu talagalay in banaanbaxa loo adeegsado sida makaroofano cod baahiyaal ah iyo agabyo kale. Waxgaradka gobalka Banaadir oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa noo xaqiijiyay in ay hubaan khasaaro nafeed oo arintaan ka dhalan kara balse ay mas’uuliyadda qofkii dhinta ay qaadan doonto dowladda islamarkaana ay kula xisaabtami doonaan. Sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen in banaanbaxooda uusan noqon doonin mid hanti lagu bur buriya balse uu noqon doono mid dareenka dadweynaha lagu cabiro waxayna toos u gali doonaan Villa Somalia iyadoo ay halkaas degaan ka dhigan doonaan ilaa waddooyinka laga furo. Hadii ay arintaan dhaqan gasho waxay noqon doontaan go’aankii ugu adkaa uguna qaraaraa oo ay qaataan waxgaradka gobalka Banaadir 10-kii sano ee ugu dambeysay. Wali ma jirto cid ka war heysa go’aanka iyo fal celinta dowladda sida uu noqon doono, balse waxaa muuqata in xaaladda ay adkaan doonto hadii ay sidaan wax u dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed. Lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qadaay Dabageed, hase yeeshee xiriirka isaga iyo Waare ayaa aad u xumaa maalmihii dhowaa, ayada oo Dabageed uu marar badan dhalleeceeyey Waare. Dabageed oo shalay magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare. Waxa uu sidoo kale sheegay “in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka reer Hirshabelle”, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene. Hoos ka arag warqadda xilka looga qaaday Dabageed, laguna magacaabay Cali Maxamed Caraale
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Mudane Waare ayaa guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Carraale oo kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeelle. Xilka qaadista Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo uu ku eedeeyay lunsashada dhaqaale laga uruuriyay bulshada gobolka Hiiraan. Hoos ka akhriso Dikreetada PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  23. Gaarisa (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga Twiitter-ka ee Dhaqdhaqaaqa Xoreynta NFD, waxaa dabayaaqada bisha June-2019 dhacaya shir ballaaran oo lagu casuumay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya. Sida qoraalka lagu sheegay, xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta lagau casuumay kulankan waxa ka mid ah:- 1 – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale 2 – Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil 3 – Xildhibaan Cali Qorane 4 – Faarax Macalin 5 – Axmed Naasir 6 – Junet Maxamed Shirka Aayakatashiga gobolka Waqooyi Bari – (NFD) ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD, iyada oo lagu faaqidayo dhibaatada gobokaasi ku jiro muddado dheer ee dhiacyada maamulka, horumarinta iyo tacadiga ay ciidanka Kenya ku hayaan xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan dadweynaha gobolka. Shirkan ayaa kusoo aadaya iyada oo Kenya ay ku lug leedahay muran badeed ku saabsan isku dayga Kenya ee qaadashada dhul badeedka Soomaaliya, oo muddo dheerna iskudeyeysay sidii ay u u milkin lahayd dhul aanay lahayn. Xubnaha shirkan lagu casumaay ayaan weli wax hadal ah soo saarin oo ku saabsan inay shirk aka qeyb-galayaan iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caaismada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Baaris ay ku wadaan waxyaabaha uu sababsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliiska, kaasi oo shalay isku dilay Muqdisho. Waxa ay intaa ku dartay in Hay’adda Dambi baarista Booliiska ee loosoo gaabiyo CID-da ay ku howlan tahay kiiskaan. “Alle u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka”. Ayay tiri Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxaa meydkiisa laga helay Xerada Sheelare oo uu deganaa, isaga oo qoorta ugu xiran Xarig isla markaana kasoo laalaado Geed, waxaana ehelkiisa ay dalbadeen in la baaro, iyaga oo sheegay in aysan aaminsaneen in uu is daldalay. Sababta ka dambeysay inuu is dilo ayay ilo xog ogaal ah noogu sheegeen, in ay is qabteen Taliyaha Ciidamada Booliiska Generaal Bashiir Ameeriko, kadib markii uu ka qaaday xilkii Taliyanimo ee xerada Sheelare, islamarkaana ku amray inuu ka guuro xerada. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiir kuxigeenka Qorsheynta Somaliland ayaa waxa loogu baaqay inuu iska casilo xilka uu xukuumada Biixi u hayo, kadib markii ay soo if-baxday in laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa. Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa Eng Xuseen Buuni oo ah wasiirka kuxigeenka Qorsheynta usoo jeediyey inuu is-casilo, isagoona ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadii Wasiir kuxigeenka uu Madaxweyne Biixi ku wareejiyay Wasiirka maaliyada, wuxuuna yiri “Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa Wasiir kuxigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay Wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka”. “Iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay Somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yiri laguma aaminayo inuu ku sime noqdo Somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wasiir kuxigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com