-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khartoum (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeyso caburinta iyo xasuuqa lagu hayo dibad baxayaasha asbuucyada taagan jidadka dalka Suudaan kuwaas oo dalbanayo in Militariga iska wareejiyo Xukunka. Khabiir dhanka Ciidamada ah oo u dhashay dalka Suudaan ayaa Middle East Eye u sheegay in hoggaamiyaha golaha Militariga Suudaan ay dowladda Sacuudiga ku amartay in la caburiyo dadka asbuucyada dibad baxyada ka wado afaafka hore ee Xarunta Ciidamada. Khabiirkaan oo diiday in magaciisa saxaafadda loo adeegsado arrin amni agweed ayaa sheegay inuu fahamsan yahay in burburinta lagu hayo xarumaha banaanbaxayaasha Khartoum ay tahay arrin lagu soo heshiiyey intii uu Taliyaha Militariga Suudaan Cabdi Fataah Burhaan booqasho ku kala marayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar. “In la kala eryo banaanbaxayaasha waxay aheyd qodobkii ugu muhiimsanaa oo ay ku heshiiyeen Xulafada Sacuudiga iyo Taliyaha Militariga Suudaan’ ayuu yiri Khabiirkaan. Hadalka kasoo yeeray Khabiirkaan ayaa kusoo aadayo xilli Xisbiga Mucaaradka ee Dimoqraadiga ah uu Talaadadii sheegay inay jirto cabsi ku aadan in Dowlado Shisheeye gaar ahaan kuwa Carabta ay faragelin ku hayaan Suudaan iyagoo fiirsanayo danaha ay dalkaan ka leeyihiin. ” Waxaan ka codsaneynaa qaar ka tirsan Dowladaha Carabta inay faragelinta ka daayaan Suudaan ayna joojiyaan taageerada ay siinayaan Militariga iyagoo fiirsanayo dano gaar ah oo ay ka leeyihiin Dowladda Suudaan iyo muwadiniinteeda” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Mucaaradka. Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa ku micneeyey hadalkaan inuu si toos ah ugu socdo Dowladda Sacuudiga iyo xulada ay horkaceyso oo uu dhawaan booqasho ku tagay Taliyaha ugu sareeyo Militariga gacanta ku hayo xukunka dalka Suudaan. Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda. Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen. Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha. Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn. Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan. Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo. Caasimada Online Xafiiska Khartoum caasimada@live.com
-
Baladweyne (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno uu horkacayo oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa dadaallo badan kadib maanta ku guuleystay in ay soo daayaan illaa lix ruux iyo shan Gaari,kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka kaxeysteen duleedka magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Xubno ka tirsan maamulka gobolka oo ay la xariirtay Shabelle ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya waxgaradka deegaanka ay ku guuleysteen in ay Xorriyadooda ay dib ugu soo celiyaan dadkaasi. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay ka hortagi doonaan xadgudubyada joogtada ah ee loo geysto shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa had iyo jeer dhacdooyin kala duwan ka geysta deegaanada HirShabellle. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Deeq-bixiyaasha caalamka ayaa sheegay inay qaadeen xayiyaaraddii deeqaha dhaqaale ee ay siin jireen ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hakiyay bishii December ee 2018. Qoraal ay si wadajir ah soo saareen safiiradda dalalka Jarmalka, Ingiriiska, Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho ayaa lagu xaqiijyay in dhawaan dib ay u billaabi doonaan lacagti lagu taageeri jiray Booliska Kooanfur Galbeed. Deeq-bixiyaasha ayaa tilmaamay inay ka go’antahay sii wadista barnaamijka horumarin ciidamada booliska, si loo xoojiyo nabada iyo xasiloonida degaanada maamulka Koonfur Galbeed. Dalalka Deeqaha dhaqaale siiya ayaa joojiyay taageeradda booliska Koonfur Galbeed kadib markii 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhabo, maalmo kahor doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Rabshadiihii hareeyay doorashadii Baydhabo ayaa horseeday in dalka lag eryo wakiilkii Qaramada Midoobey Nicholas Haysom kadib markii uu su’aallo ka keenay dilka shacabka. Midowga Yurub ayaa siiyo dalka dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada taageer dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale ay dhanka mashaaraadka ka caawiyaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Balcad (SMN) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ka fuliyeenm deegaano dhaca galbeedka gobolkaasi. Ciidamada ayaa gaaray toolooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Cadayga iyo Qoryo Cadde oo dhammaan hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadan waxa ay sheegeen in ay si nabdoon ku gaareen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, balse dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in ay dagaalamaan Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya Waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee maamulka HirShabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay ka geysteen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Warsame oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. Axmed Cali Maxamuud oo ka mid ah Ehellada Marxuumka ayaa sheegay in dilkaasi ay ka dambeyeen Ciidamo Boolis ah oo watay gaadiidka dagaalka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ku sii jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dilka kadib Ciidamadaasi ay isaga dhaqaaqeen meesha ay wax ka dhaceen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan Bajaajleyda ka geystay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-06062019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay warbixin uu qoray wargeyska Standard ee laga leeyahay dalka Kenya taasoo lagu sheegay inay Dowladda Soomaaliya deegaannadii ay sahminta shidaalka ka sameysay ay ku darsatay deegaanno ka tirsan Kenya. Wargeyska The Standard ayaa baahiyay wax uu ku sheegay xog ay baahisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo muujinaya in shan ka mid ah Ceelasha shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan sohdin badeedda Biyaha ee dalka Kenya. Waxa uu sheegay Wargeysku in Wasaaradda Batroolka Soomaaliya soo bandhigtay shidaal in laga baarayo 15 toban xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Hirshabeelle iyo Xeebaha Lamu sida ay hadalka u dhigtay Kenya. Xermooyinka shanta ah ee ay Kenya sheeganeyso ayey ku kala sheegtay xermada 189, 190, 204, 218 iyo 219aad. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu warkaas yahay mid been abuur ah aysana jirin xirmooyin saliidda Lamu inay dowladda Soomaaliya ku soo dartay sahankii la sameeyay. ” Ma jirto meel ka tirsan Kenya oo lagu soo daray warbixintii la xiriirtay sahanka shidaalka oo ay soo saartay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Cabdulqaadir Abiikar oo la hadlay warbaahinta . Wasaaradda ayaa caddeysay in sahanka Shidaalka ee la sameeyey Soomaaliya uu ku egyahay Xeebaha ku yaal Koonfurta illaa bartamaha oo ku eg Deegaanada Galmudug. Cabdulqaadir Abiikar ayaa ka digay in Bulshada lagu marin habaabinayo warbixino sida uu warka u dhigay ah kuwa been abuur ah. Spectrum oo ah shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ayaa horey u beenisay sheegashada dowladda Kenya ee ah in dhulkeeda lagu soo daray sahanka Shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya, waxayna shirkadda si gaar ah usii xustay xataa inaysan sahminta ku jirin aagga hadda lagu muransan yahay ee yaalo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland oo kaashanaya shacabka ayaa ku guulaystay in dib loo furo laamigii ka ga’ay wadada Midigar ee tuulada Sinujiif. Wadadaan oo todobaadkaan laga shaqeynayay [...] Source
-
PRESS RELEASE African Union Commission Chairperson Meets Special Envoy of the Qatari Foreign Minister The meeting discussed issues of mutual interest including the current situation in Sudan and Somalia ADDIS ABABA, Ethiopia, June 6, 2019/ — HE Chairperson of the African Union Commission Moussa Faki Mahamat met today at the commission’s headquarters in Addis Ababa with HE Special Envoy of the Minister of Foreign Affairs of the State of Qatar for Counterterrorism and Mediation of Conflict Resolution, Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani. The meeting discussed issues of mutual interest, particularly regional issues, including the current situation in Sudan and Somalia. The meeting was attended by HE Ambassador of the State of Qatar to the Federal Democratic Republic of Ethiopia, Hamad bin Mohammed Al Dosari and HE the African Union Commissioner for Peace and Security, Ambassador Smail Chergui. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of The State of Qatar. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of The State of Qatar Qaran News
-
Guddoomiyaha Kooxda kubbadda cagta Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay Ciyaartooyda,Macalamiinta iyo shaqaalaha kooxda,isagoo ugu mahad celiyay horomarka ay kooxdiisa samaysay labadii sano lasoo dhaafay. Kooxda Ciidanka kooxda dalka ayaa tababar xoogan samaysay isbuucyadii lasoo dhaafay wuxuuna diyaar garowkaas ku qotomay kulamada ugu haray horyaalka Somalia Premier League iyo tartamada qorshaysan ay xidigaha Horseed ka qeybgalayaan olalahan 2018-2019. “Aad bay noo dhiiri gelisay shaqada adag ee aad soo bandhigteen tan iyo sanadkii lasoo dhaafay waxaa idinka ka muuqata isku xir wanaagsan,balse hadafkeena waa in aan xili ciyaareedkan xarunta kooxda keenaa mid ka mid ah koobab aan ka qeybgalayno fasal ciyaareed”ayuu guddoomiyahay naadiga Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed ugu waramay Goobjoog Sports. Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ah layliyaha kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa qeexay in uu haysto ciyaartooy dhallinyarro ah kuwaas oo kaalin wanaagsan gaarsiin kara hadafka ay lee yihiin maamulka naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed. Ciyaartooyda kala ah Cabdullahi Cali Bile iyo Xasan Xuseen Afgooye ayaa labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay waxa ay qeyb ka ahaayeen xidigihii kooxda Dekedda uu suura geliyay hanashada horyaalka Sooomaaliya,iminka waxa ay rajaynaynaa in tariikh wanaagsan ku sameeyaan kooxda Horseed. 14 March 2019 Horseed iyo Dekedda oo wada dheelay kulankoodii 1aad ee wajiga hore horyaalka Soomaalia Premier League 2018-2019 ayaa waxaa kulankaa 1-0 guusha ku qaatay xidigaha oo hogaamiyo tababare Cabdi Joon ee Horseed,iyagoo noqday naadiga kaliya ee wareega 1aad ka badiya kooxda horyaalka xafidanaysa labadii kol ciyaareed ee laga soo gudbay ee Dekedda,tababare Cabdi Joon guushaas ka dib waxa uu Goobjoog u sheegay in uu kulankaas ug fadhiyay micno gaar ah maadam labada dhinac ay xifaaltamaan. Loolanka kooxaha Horseed iyo Dekedda ee ku aadan hanashada horyaalka Somalia Premier League ayaa ah mid aad u adag,inkastoo iminka ay u dhaxayso farqi dhibco gaaraya 3dhicbood,Dekedda ayaa fadhisa kaalinta 1aad,iyadoo 26-dhicbood,halka wiilasha Horseed ay iyagan xaadir ku yihiin kaalinta 2aad,iyagoo leh 23dhibcood,balse yoolkeed taa macallinka iyo ciyaartooyda Dekedda waxa ay marar badan Goobjoog ugu sheegeen in ay rabaan markii 3aad oo xariir ah hanashada horyaalka Somalia Premier League. Dekedda ayaa wareega 1aad lumisay hal kulan oo qura waxayna 13-Maarch 2019 guul daro 1-0 kasoo gaartay Horseed,halka xidigaha Horseed ay iyagana qasaariyeen labo ciyaareed,iyagoo guul darooyinka kala kulmay Heegan,Elman,Heegan waxa ay la dheeleen 22-March 2019 ciyaar ku dhamaatay 1-0,balse kulankii ay Elman la ciyaareen 26-March 2018 waxaa Horseed loogu badiyay ciyaar ku dhamaatay 2-1. Si kastaba kooxa kubbadda cagta Horseed ayaa afar sano ka hor 2-1 ku hantay koobka Jeneraal Daa’uud,iyagoo ka qaaday kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Heegan,balse sanadkii lasoo dhaafay 2018 xidigaha kooxda Ciidanka xooga waxa ay soo tiigsadeen fiinalaha koobka Jeneraal daa’uud,balse waxaa Rigoorayaal koobka kaga hantay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Loolanka Kooxaha Horseed Iyo Dekedda Ee Horyaalka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
APO Group content is copyright free and can be republished at will. Africa Regional Media Hub PRESS RELEASE U.S. airstrikes continue to target al-Shabaab, ISIS-Somalia in support of the Federal Government of Somalia This is the seventh airstrike in the last month against ISIS-Somalia and al-Shabaab in the Golis Mountains WASHINGTON D.C., United States of America, June 6, 2019/ — In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike targeting ISIS militants in the Golis Mountains, Somalia, on June 4, 2019. This is the seventh airstrike in the last month against ISIS-Somalia and al-Shabaab in the Golis Mountains. “We continue to put pressure on terrorist networks in Somalia to enable governance to take hold,” said U.S. Air Force Brig. Gen. William P. West, deputy director of operations, U.S. Africa Command. “The Federal Government of Somalia and the United States will continue to take advantage of opportunities presented by the networks in order to disrupt their operations and degrade their capabilities.” The Golis Mountains are a known area for terrorist camps and ongoing fighting between ISIS and al-Shabaab. Precision airstrikes such as these support Somali security forces efforts to protect the Somali people from terrorism and support long-term security in the region. At this time, it is assessed the airstrike killed six (6) militants. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. Our process and procedures allow for additional information to inform post-strike analysis. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada sirdoonka dalka Kenya ayaa xalay xiray aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Dr. Bursaliid ay xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxeen ciidamada sirdoonka dalka Kenya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ehelladiisa. Ehellada ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamo isugu jira kuwa dharcad ah iyo kuwa hubeysan ay yimaadeen guriga uu ka degan yahay magaalada kadibna halkaas ka wateen, ayaga oo aan sheegin wax sabab ah oo ay u xireen. Illaa hadda lama yaqaan halka lagu hayo Bursaliid, waxaana ehelladiisa ay sheegeen inay isku dayayaan inay ogaadaan. Ciidamada xiray ayaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin kuwa la-dagaalanka argagixisada ee dalka Kenya. Dr. Bursaliid ayaa caan ku ahaa inuu fallanqeyn jiray siyaasadda gobolka iyo Soomaalida, isaga oo caan ka ahaa warbaahinta Soomaalida. Waxa uu sidoo kale macallin ka ahaan jiray jaamacadda Nairobi. Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dhowaan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah oo dalkeeda ay ka mamnuucday. Lama oga in xarigan uu taas qeyb ka yahay iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan 60 cisho ayey xaalad go’doon ah ku jirtaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana dhibaato badan ku qaba Shacabka Soomaaliyeed ee deggan gobalka Banaadir, kuwaas oo isu gudbi waayay 60-ka cisho. Magaalada go’doonka ay ku jirto muddada labada bil ah waxaa ugu darneyd bishii Ramadaan ee hadda dhamaatay oo aad loo sii adkeeyay, waxa ayna noqotay in dadka deggan goobaha la isaga gudbo ee magaalada labada dhinac in ay gaadiidkooda iska xareeyaan ama in ay ka soo guuraan degaanka go’doonka ah halka qaarkoodna ay bajaaj kireestaan. Caasimada Online ayaa baartay 60 Cesho kadib waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho waxayna la hadashay dhowr qof oo kamid ah Saraakiisha Booliiska iyo Wasaaradda amniga Soomaaliya. Dadka aan la hadalnay oo qaarkood wax ka leh go’aanada amni ee dalka ayaa noo xaqiijiyay in go’aan cusub lagu gaaray in magaalada 3 bil oo kale ay sidaan sii ahaan doonto, waxayna Saraakiishaas ay noo xaqiijiyeen in ay ku guuleesteen baajinta weeraro badan intii ay magaalada xirneed. “Annaga go’doon uma naqaano mana la dhihi karo go’doon waa baaritaan waa hubin wax badan lagu faa’iday, guulo waa wayn ayaana ku gaarnay waana sii wadi doonaa” ayuu yiri Sarkaal sare oo katirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Sarkaalkaan aan la hadalnay ayaa sheegay in ay suurta gal-tahay in baaritaanka uu sidaan ka dhib yaraado balse aysan marna dhici doonin in lafuro isu socodka gaadiidka ee degmooyinka gobalka Banaadir inta xal amni oo buuxa loo helayo gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A United Nations emergency relief coordinator says more than two million men, women and children could die of starvation in Somalia by the end of the northern summer if international aid is not sent quickly to the drought-stricken African country. UN Undersecretary-General Mark Lowcock says about $USD700 million is needed after a rainless season that has killed both livestock and crops. He said that the UN’s Central Emergency Response Fund has allocated $USD45 million to cover food shortages, water, and daily necessities in Somalia as well as parts of Kenya and Ethiopia affected by droughts. Of a Somali population of 15 million people, more than 3 million are struggling just to meet minimum food requirements, he said, and the shortages are about 40 percent worse now than this past winter. “What was forecast to be an average rainy season in Somalia is now one of the driest on record in over 35 years,” he said. “Communities that were already vulnerable due to past droughts are again facing severe hunger and water scarcity and are at risk from deadly communicable diseases.” The UN aid complements efforts by governments of the three countries to assist their people, especially those with disabilities or who are internally displaced. Somalia’s humanitarian fund is currently depleted. If financial aid is delayed, the cost of saving lives on the margin of death is much higher, Lowcock said, adding that the option then is to turn to expensive, therapeutic feeding programs. “We could have a quick response now, which would be cheaper, reduce human suffering and more effective, or we can wait for a few months until we get all those horrible pictures on our TV screens and social media of starving kids,” Lowcock said. Lowcock, who heads the UN Office for Humanitarian Affairs, said that in past decades droughts came about every half dozen years but recently they have hit every two or three years. “There’s not really any question in my mind that these more frequent droughts are related to global warming and climate change,” the UN official said. “So the only middle- and longer-term response is to look at alternative livelihoods — a different way to make a living.” View the full article
-
Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 6 dagaalyahan oo ka tirsan Xarrakada Alshabaab. Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta dhanka cirka ah laga fuliyey qeybo ka mid ah buuraha Golis halkaasoo dagaalyahanno ka tirsan Xarrakada Alshabaab ay saldhigyo ku leeyihiin. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhigeyso middii 7aad ee bil gudaheed lagu beegsado ISISta Soomaaliya iyo Xarrakada Alshabaab. Sarkaal ka tirsan ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka oo lagu magacaabo William West sidoo kalena ah agaasime ku xigeenka hawlgallada ee AFRICOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan shabakadaha argagixisada ah ee Soomaaliya si dowladnimadu u hirgasho. William West wuxuu intaas ku daray in duqeymaha cirka ee lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ay yihiin dadaallo looga difaacayo argagixisada dadka Soomaaliyeed lana doonayo in lagu xasiliyo ammaanka gobolka. “Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) waa sii wadi doonaa la shaqeynta saaxiibbadiis si looga wareejiyo mas’uuliyadda iyo taageerada waqtiga dheer ee amniga Soomaaliya AMISOM iyadoo lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Iyadoo la taageerayo dowladda Soomaaliya ciidamada Mareykanku waxay isticmaali doonaan dariiq kasta oo lagu caawinayo ilaalinta dadka Soomaaliyeed innagoo kaashaneyna qeybaha la dagaala argagixisada ee AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM. AFRICOM ayaa sheegtay in hal qof oo shacab ah lagu dhaawacay intii lagu guda jiray duqeynta dhacday usbuucaan. Illaa sannadkii 2007, Xarrakada Alshabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyadoo dooneysa inay afgambiso dowlad caalamku taageero. Waxay ahayd sannadkii 2011kii markii Xarrakada Alshabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ay banneeyeen magaalooyin kale oo muhiim ah oo ay ka mid tahay magaalada dekedda leh ee Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The latest airstrike by US forces in Somalia has left 6 Al Shabaab militants dead. Officials say the airstrike was launched in the remote part of the Golis Mountains where the militants have set up cells. In a statement, the US Africa Command said this is the seventh airstrike in a month against the ISIS-Somalia and Al-Shabaab. U.S. Air Force Brig. Gen. William West, who is the deputy director of operations, U.S. Africa Command said they will continue piling pressure on the terrorist networks in Somalia, to enable governance to take hold. He said the continued precision airstrikes support Somali security forces efforts to protect the Somali people from terrorism and support long-term security in the region. “U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces,” he said in a statement to the media. According to the US-Africa command, no civilian was injured during this week’s airstrikes. Since 2007, Al Shabaab has fought to overthrow successive internationally-backed governments in Mogadishu. It was in 2011 that the Al-Qaeda affiliated group was pushed out of Mogadishu, the Somali capital and subsequently from other key towns including the port city of Kismayu. Kenyan forces are in Somalia fighting under the African Mission in Somalia (AMISOM). View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Nin ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa AL-shbaaab sida uu sheegay ayey Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku soo bandhigeen Magaalada Kismaayo Ibraahim Lujeende Maxamed, ayaa sheegay in uu ka soo baxsaday AL-shabaab, isaga oo baxsanaya xabado lagu furay. Waxaa uu sheegay in uu 10 sano ka mid ahaa AL-shabaab isaga oo ku dagaallami jiray Qori AK47 ah sida uu sheegay Ibraahim. Ibraahim oo uu af Soomaaliga ku adagyahay ayaa sheegay in markii uu soo baxsanayay uu galay howdka kaddibna xilli habeen ah lugeeyay sidaasna ku tagay Baarsanguuni oo uu iska dhiibay. Ninka la qabtay ayaa tirsan qeybta Jabhadaha ee weerarada ku qaada xeryaha ciidamada, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa dagaalamayaashii Al-Shabaab ee ka qeyb galay weerarkii Ceel Cadde ee Gobolka Gedo oo dhacay sanadkii 2015 ee lagu galay xero Ciidamada Kenya, laguna dilay boqolaal askari. Marka laga soo tago sheegashada Saraakiisha Ciidamada dowladda, ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, waxaana inta badan Shabaabka ka gaabsadaan weerarada cirka iyo howlgalada ka dhaca deegaanada ay maamulaan. Maxamed Beddel Xasan Taliyaha guutada 11aad qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in Ninkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka,xogahana u uririn jiray.
-
Milatariga Maraykanka ayaa duqayn uu shalay ka geystay buuraha Golis ee gobolka Bari ku dilay lix kamid ah argigixisada Daacish. Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka Maraykanka [...] Source
-
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee ku sugan gobolka Jubada hoose oo iskaashanaya ayaa hawlgal wadajir ah ku qabtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose ay ku qabteen Ibraahim Lujende Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa xog raadinta iyo sahanka. Sarkaalka la qabtay ayaa ciidamadu sheegeen in uu ka tirsanaa jabhadaha wax weerara ee Al-shabaab islamarkaana uu ka qeyb-galay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-cadde sannadkii 2015. Ururka Al-shabaab ayaan dhankooda weli ka hadlin sarkaalka la sheegayo in laga qabtay. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Jubada hoose appeared first on Puntland Post.
-
Tiro dad ah oo isugu jira Muhaajiriin iyo Qaxooti ayaa laga siidaayay Isniintii Xabsi ku yaalla dalka libya,waxaana badi dadkaasi ay ka tageen dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCH ayaa sheegtay in dadkaan lasiidaayay,iyada oo la siiyay adeegyadii ay u baahnayeen,sida deegaano ay sii dagaan ilaa iyo inta laga daad gureynayo, waxana la sheegay in dadkaasi ay ku jiraan laba Carruur ah oo umusha lagula jiro. Afhayeen u hadlay Hay’adda UNCH oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in Hay’addu dadkaasi ay siineyso Cunto, Guryo, Daawooyin iyo talooyin la xiriira dhinaca maskaxda ah si looga caawiyo dhibaatooyinkii ay soo mareen intii ay Xabsiga ku jireen. “Xaalada Xabsiga waa kuwo adag in lagu noolaado goob dadku ay ka tiro bateen,ayada oo aysan jirin wax neecaaw ah oo dadka u soo geleyso waa mid adag,qeyb ahaan xarunta dhexdeeda musqulaha ayaa ah kuwo buux dhaafay taasi aawgeedna qashin qub ayaa laga dhigay qolalka Xabsiga,waxeyna leeyihiin qataro halis ah ayuu yiri Bieber Bloch. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xabsiyada ku yaalla dalka Libya gaar ahaan tripoli ay ku xir xiran yihiin in ka badan saddex Kun oo magangalyo doon ah iyo kuwa tahriibayaal ah,kuwaas oo markii hore laga soo badbaadiyay dooman ee saarnaayeen dalkaasi Libya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed xaash cabdi Carrabeey ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Mudane Carrabeey ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in ay la socoto dhibaatooyinka ka jira degaannada SSC oo ay ka taagantahay colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ku salaysan khilaafka xuduudaha labada dhinac. “Dowlada Soomaaliya Waa inay Hoos u eegtaa waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Carrabeey ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan Galmudug oo dowladda Soomaaliya u soo jeediya in ay la socoto xaaladaha ka jira gobollada Sool iyo Sanaag . PUNTLAND POST The post Carrabeey dowladda Soomaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda Sool iyo Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay shidaal ka baareyso Xeebaha Gobolka Lamu ee dalka Kenya. Wargeyska The Standard ayaa baahiyay wax uu ku sheegay xog ay baahisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo muujinaya in shan ka mid ah Ceelasha shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan sohdin badeedda Biyaha ee dalka Kenya. Waxaa uu sheegay Wargeysku in Wasaaradda Batroolka SOomaaliya soo bandhigtay shidaal in laga baarayo 15 toban xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Hirshabeelle iyo Xeebaha Lamu sida ay hadalka u dhigtay Kenya. Xermooyinka shanta ah ee ay Kenya sheeganeyso ayey ku kala sheegtay xermada 189, 190, 204, 218 iyo 219aad. Wasaaradda Batroolka SOomaaliya ayaa sheegtay in shidala baarista xermooyinkaas ka billaabaneyso 1da January 2020, sharikad kasta oo ku guuleysatana ay heysato afar sano oo heshiis shidaal soo saarid ah iyo labo sono oo loo kordhin karo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay eedaha Kenya,waxaana labada dal u dhaxeeya dacwad badeed taalla Maxkamadda ICJ. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya: April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray Qalfoof-badeedka. Qalfoof-badeed waa barta ay ku kulmaan labada bad ee dalalka. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Feb 17, 2019:- Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu amray inuu dalkiisa aado. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Moqokori (Caasimadda Online) – Mu’asasada Alkataa’ib oo ah garabka warbaahinteed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay qeybta 7aad ee silsiladda واغلظ عليهم 7 Muuqaalkaan oo ah mid la daawan karo qadar 16 daqiiqa ah ayaa lagusoo bandhigayaa dagaalkii lagu qaaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Ciidamada Al-Shabaab ayaa la arkayey iyagoo xoog ku galaya SaldhiggaCiidamada Dowladda ee deegaanada, sidoo kalana waxaa muuqaalka laga dhex arkayaa Ciidamada Dowladda oo ka cararayo kuwa Al-Shabaab isla markaasna mid mid loo tooganayo. Sidoo kale Muuqaalka ayaa waxaa lagu soo dhex daray codka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamayo Ciidamada Dowladda inay yihiin kuwa geesiyaal ah oo aan marnaba ka cararin kuwa Al-Shabaab, waxaana waqtiga codkiisa uu socdo lagu qabanayaa muuqaalka Ciidamada Dowladda oo ka baxsanayo saldhigga ay weerareen Ciidamada Dowladda. Al-Shabaab ayaa halkaas ka qaatay gawaari badan oo kuwa dagaalka ah iyo hub tiro badan oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada