Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Burma)Wuxuu masaajiddada ku tilmaamay inay yihiin “saldhigyada cadawga” isla markaasna Muslimiinta ugu yeeray inay yihiin “eeyo waalan”. wuxuu ku eedeeyay Muslimiinta inay xatooyo iyo kufsi u geystaan haweenka u dhashay dalka Burma. Muddo sannado ah, xukuumadda Myanmar waxay difaaceysay wadaadka muranka badan dhaliyay ee heysta diinta Buddhist, Ashin Wirathu waxaa uu jeediyay hadallo kala qeybsanaan abuuray. Balse markii uu weeraray hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, waxaa lagu riday xukun xadhiga ah, waxaana lagu eedeeyay geysashada falal daandaansi oo kasoo hoerjeedo sharciga dalkaas. Haddaba, waa kumaa wadaadkan qaska dhaliyay? Sannado hore Wadaadkan lagu magacaabo Ashin Wirathu ayaa soo ifbaxay sannadkii 2001-dii markii uu billaabay olole ka dhanka ganacsatada Muslimiinta ee dalkaas. Xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu xukumay 25 sanno oo xarig ah, sannadkii 2003-dii. Waxaa lasoo daayay sannadkii 2010-kii markii cafis loo fidiyay. Balse waxay u muuqataa in xadhigiisa kaddib uu iska daayay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta. Khudbadaha uu jeediyo wuxuu kusoo qaadan jiray sheekooyin ku saabsan diinta Buddhist isagoo “shucuur waddaniyad ah muujinaya”. Si deggan oo hufan ayuu hadli jiray markuu ka qeybgalayo shirarka jaraa’id, laakiin wuxuu u hadli jiray si carro leh marka uu ka qeygalayo munaasabadaha ka dhaca goobaha ay dadka isugu yimaadaan, haddalladiisa waxay abuurayeen kala qeybsanaan iyo Islaam naceyb. Waxuu gadaal ka riixayay meel marinta sharci ka mamnuucaya Muslimiinta Myanmar in ay guursadaan haweenka heysta diinta Buddhist. “Ma yareysan kartid Maska si kasta ha u yaraado ee, Muslimiinta waxay la mid yihiin Maskaas,” ayuu yidhi Ashin Wirathu. Waxaa laga mamnuucay baraha bulshada Wuxuu baraha bulshada ka bilaabay inuu ku faafiyo hadal ah in Islaamka uu la wareegay dalkaasi ayna tirada bulshada Muslimiinta ay sare u kacday Bishii January ee sanndkii 2018-kii, Facebook ayaa xayiraad kusoo roggay markii uu qoraallo kala qeybsanaan dhalinaya uu jeediyay oo ka dhan ahaa Muslimiinta Rohingya ee laga tirobadan yahay. Xilliggaasi wuxuu ka dhawaajiyay inuu raadsanayo goob kale oo aan Facebook aheyn si uu go’aankiisa uga sii wato. “Markii Facebook uu iga xidhay, waxaan ku tiirsnaan Youtube-ka balse dad badan kuma xirna, marka waxaan adeegsan Twitter si aan u sii wado howsha qarannimo ama qarameynta,” ayuu yidhi wadaadka. Waxaa uu muuqaalladiisa ku faafiyaa baraha bulshada ee laga leeyahay dalka Ruushka iyo meelo kale. Bishii April ee sannadkan waxaa laga mamnuucay khudbadihii uu ka jeedin jiray dalka deriska ah ee Thailand oo ay dadweynihiisu heystaan diinta Buddhist. Bishii July ee sannadkii 2013-kii, wargeys lagu magacaabo Time magazine ayaa soo daabacay sawirka ninkan oo ku uu ku tilmaamay “Wajigga argagixisada ee Buddhist”. “Si khaldan ayaa la ii fahmay aniga, waa la i weeraray, waxaan filayaa in koox gaar ah ay warbaahinta u adeegsadaan inay i bahdilaan, waxaa xaqiiq ah in warbaahinta Online-ka ay maamulaan Muslimiin,” ayuu BBC u sheegay sannadkii 2013-kii. Waxaa lagu tilmaamay “Bin Ladenkii Buddhista” markii la baahiyay barnaamijkaas sannadkii 2015-kii, waana magac ay u bixiyeen warbaahinta reer galbeedka balse wuxuu diiday in magacaas lagu tilmaamo isaga. Dagaal uu ku qaaday Qaramada Midoobey Ninka 51 jirk ah waxaa uu jeediyay hadallo badan oo dhibaato horseeday. Markii Qaramada Midoobey ay ergey gaar ah u dirtay Myanmar sannadkii 2015-kii, si ay usoo baaraan tacaddiyadda ka dhanka ah Muslimiinta laga tirobadan yahay, waxaa uu ergeyga ku tilmaamay “dawaco iyo qof jirkeeda ka ganacsato”. Warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay sannadkii lasoo dhaafay waxay soo jeedisay in baaritaano lagu sameeyo saraakiisha ugu sarreysa militariga Myanmar oo ku aadan xasuuqa ka dhacay gobolka Rakhine ee ka dhanka muslimiinta Rohingya kaddib markii maxkamadda dambiyada caalamiga ah ay furtay baaritaanno. Dowladda Myanmar waxay beenisay warbixinta Qaramada Midoobeey. “Maalinta ICC ay halkan timaaddo… waa maalinta uu Wirathu qaadan lahaa qori,” ayuu taageerayaashiia u sheegay waddaadkan, bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay. Qalalaasaha saameynta ku yeeshay Muslimiinta Rohingya Taageeraayiisha waxa lagu eedeeyay inay sameeyeen kacdoon ka dhan ah Muslimiinta ku nool gobolka Rakhine taas oo horseeday inay gobolka ka qaxaan dad gaarayo 700,000 oo u cararay dhinaca Bangladesh. Wareysi uu siiyay wargeyska Guardian, 2017-kii, waxaa uu ku yidhi . “Aung San Suu Kyi waxay dooneysay inay caawiso dadka shisheeyaha ah ee Bengali balse waan ka hor istaagay.” Dadka ku nool Myanmar waxay ereyga Bengali ugu yeeraan Muslimiinta Rohingya oo ay ugala jeedaan dad shisheeye. Waxaa uu ku eedeeyay xisbiga ka arrimiyo dalkaasi inuu wado qorshe qarsoodi ah oo ay ku taageerayaan muslimiinta. Fikradda diinta Buddhism Myanmar waxaa saameyn xoog leh ku leh diinta Buddhist, boqolkiiba 90 dadka dalkaasi waxay heystaan diintaas. Wadaadada diinta Buddhista ee ku sugan dalka Myanmar waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 500,000, waana dal taarikh dheer ay ku leeyihiin hoggaamiyeyaasha militariga ee kalitaliska ah. Ururrada uu ka tirsan yahay Wirathu Wirathu waxaa horey loola xiriirin jiray urur lagu magacaabo 969, tageerayaasha ururkan waxay lambaradan u kala yaqanaan diinta Buddhista, waxbarashada diintan iyo astaamaha wadaadada ka tirsan Buddhist. Dhab ahaantii, ururka 969 waxaa uu wadaa olole ka dhan ah Muslimiinta. Sannadkii 2013-kii, madaxweynaha Myanmar Thein Sein ayaa tageeray ururkan, waxaa uu ku tilmaamay Wirathu inuu yahay wiilka diinta Buddhist. Wirathu ayaa sidoo kale madax ka ah urur la yiraahdo “Ma Ba Tha” oo la aasaasay sannadkii 2014-kii, balse waxaa la mamnucay sannadkii 2017-kii. Wirathu waxaa uu xiriir dhaw la leeyahay urur ka dhisan dalka Sri Lanka oo lagu magacaabo Bodu Bala Sena ama BBS. waxaa hoggaamiya wadaad reer Sri Lanka ah oo haysta diinta Buddhista. Ururka BBS ayaa ku caanbaxay ololaha rabshadaha wata ee ka dhanka ah Muslimiinta. Weerarka uu ku qaaday Suu Kyi “Waxay u labisataa sida haweenka xayeeysiiya dharka ee marsada waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan. Waxay mareysaa goobahaa iyadoo si la yaab leh u socota, kabo qoobab dhaadheer leh xiran oo qaar dambkeeda u muujineysa dadka shisheeye,” ayuu yiri bishii April, xilli u la hadlayay tageerayaashiisa. Waxaa uu hadalkan ku waday hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi. Hadal uu bishii May jeediyay, Wirathu wuxuu saraakaal ka tirsan dowladda ku eedeeyay inay la saxeetay nin shisheeye ah. Suu Kyi waxaa guursaday nin u dhashay Ingiriiska, Michael Aris, kaas oo sannadkii 1999-kii u geeriyooday cudurka Kansarka, waxayna muddo ku jirta xabsi guri. Source
  2. (SLT-Zimbabwe)Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ka qayb qaatay qorshaha lagu nadiifinayo qaybaha ay dan yartu dagaan ee magaalada caasimadda ah ee Harare. Madaxweynaha ayaa markii uu wasakhda xaaqayay xirtay waxyaabo boorka ka celiya. Muuqaal ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa laga arki karaa madaxweynaha oo qashin xaaqaya. Wajigiisa waxaa qariyay shay uu afka ku xidhtay si uu boorka uga difaaco,balse waxaa lagu aqoonsan karaa marada uu caanka ku yahay ee uu qoorta saarto. Source
  3. (SLT-South Africa )Dadka ku dhaqan waqooyiga bari ee dalka Koonfur Afrika ayaa loogu baaqay in ay taxadar muujiyaan, iyadoo dawladduna ay baadigoobayso 14 libaax oo ka baxsaday beerta xayawaanka ee Kruger National Park. Masuuliyiinta gobolka Limpopo ayaa shaaciyay war qoraal ah oo ay ku sheegayaan in dadku ay markasta “feejignaadaan”. Source
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay xerada Ciidamada birmadka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada birmadka Somaliland. Dilkan ayaa waxa geystay Askari ay ka wada howl-galayeen xerada Birmadka, oo magaciisa lagu koobay Caateeye, kadib markii ay is af-dhaafeen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Aadan. Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen oo xabsiga u taxaaben Askarigii dilka fuliyay, isaga oo aan weli ka baxsan xerada uu dilka ka geystay. Askarigan dilka fuliyay ayaa hayb ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal, oo dhowaan gobolada bariga looga dilay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, halka uu Askariga uu toogtayna uu kasoo jeeday gobolka Gabiley. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay xerada ciidamada birmadka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Xerada ciidamada booliiska ee xaafadda Sheelare oo ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolkan Banaadir ayaa la sheegay inuu isku dal-dalay saakay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray, G/dhexe Cabdi Cali Seed ayaa wuxuu isku dal-dalay xarig isagoo xiranaa darajada ciidanka, isla markaana goobtii uu isku daldalay uu ku geeriyooday. Dadweynaha ku nool xaafada uu falkan ka dhacay ayaa halkaas isugu soo baxay, iyagoo aad uga naxay dilka uu sakaalkan isku geystay, kaasoo si aad ah looga yaqaannay xaafaddaas, illaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ah ee uu isku dal-dalay. Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay ay duruuf aan la carro-baahin haysatay sarkaalka, loona maleynayo inuu arrintaas isku dilay, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in duruufaha haystay ay ka mid ahayd lacag la’aan ba’an. Dhacdooyinka la xiriira is-dal-dalaada ayaa mararka qaar waxay ka dhacaan gobollada Somalia, waana naadir ah, balse taliska Booliska Somalia, ayaan weli ka hadlin dilka uu sarkaalkan ka tirsan booliiska isku geystay maanta. Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreeysay nooceeda oo uu sarkaal ka tirsan booliiska DF isku geysto, isgaoo xiran direyska ciidanka iyo darajadiisii, waxaana maydkiisa goobta ka qaaday ciidammo booliis ah. Ugu dambeyn, Waaxda dambi-baarista booliiska Somalia ee CID-da, ayaa wada baaritaanno ku aaddan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu si iskiis ah isku dilo sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Somalia. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Somalia oo isku dal-dalay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Shacabka Xiingalool oo soo dhoweeyay G/sare Xuseen Dheere Gaashaanle Sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) oo kamid ah taliyaashii ciidamadooda kala soo baxay Somaliland ee ku soo biiray Puntland ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag. Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa waxaa soo dhowayn diirran ku maamuusay maamulka degmada Xiingalool saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland ee halkaasi ku sugan iyo boqollaal shacab ah oo sita calanka Soomaaliya iyo kan Puntland. Taliyaha oo goob fagaara kula hadlay bulshada Xiingalool ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay waxaana uu shacabka gobolka sanaag ugu baaqay in ay adkaystaan difaaca midnimada iyo wadajirkooda. Sidoo kale mas’uuliyiin iyo waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay tallaabada ay qaadeen taliyaashii ciidamadooda kala baxay Somaliland kadib markii lagu amray in ay weerar ku qaadaan degmada Badhan ee gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Taliye Xuseen Dheere oo si heer sare loogu soo dhoweeyay Xiingalool appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Maxkamad ku taalla magalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa Maanta lasoo taagay afar ruux oo Soomaali ah oo uu ku jiro aqoonyahan Ibraahim Bur-saliid oo Arbacadii ay xireen ciidamada Sirdoonka Kenya. Xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin argagaxisada, waxaana afarta qof ay kala yihiin; Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed, Xuseen Xasan Maxamuud iyo Ibraahim Qaasim Faarax Bur-saliid. Garsooraha maxkamada Milimani ee Nairobi, Peter Okoo ayaa amray in farta ruux ee Soomaalida ah lagu sii haayo xabsiga muddo afar maalin ah, iyadoo maxkamadeyntooda ay dhici doonto 12-ka bishaan lagu jiro. Sidoo kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoyga Ibraahim Bur-saliid laga helay baasaboor Jabuutiyaan ah, warqadaha guddiga doorashada, afar taleefan, kaarka aqoonsiga qaxootiga ee loo yaqaan Alien-ka iyo koobiga laba kibaandho oo sharciga Kenya ah. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay labada dowladood ee salka ku haya muranka Badda oo muddo soo jiitamayay. Wararka ayaa waxay sheegayaan in xarigga aqoonyahanka Soomaaliyeed oo inta badan ka faaloon jiray arrimaha geeska Afrika, gaar ahaan kuwa dalal ay ku jirto Somalia xariggiisa ay uu salka ku hayo khilaafka labada haatan u dhexeeya labada dowladood. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay dhawaanahan wadday culeysyo ay saarayso Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa inay doonayso inay dalkeeda ka mamnuucdo illaa 66-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Bur-saliid iyo xubno kale oo la hor-geeyay Maxkamad ku taalla Nairobi iyo eedeyn… appeared first on Puntland Post.
  8. Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed,oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa saakay maydkiisa la arkay isagoo daldalan, waxaana falkaan uu ka dhacay Xerada Sheelare ee [...] Source
  9. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. World Health Organization (WHO) PRESS RELEASE First-ever World Food Safety Day elevates attention to dangerous foodborne diseases in Africa World Food Safety Day highlights the need for better prevention, detection and management of foodborne risks BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), June 7, 2019/ — An estimated 91 million people in Africa in a year consume contaminated food that renders them ill, and around 137,000 people die. Food containing harmful bacteria, viruses, parasites or chemical substances cause diseases ranging from acute diarrhoea to lifelong conditions, including some cancers. The risk of foodborne diseases is most severe in low- and- middle income countries, linked to preparing food with unsafe water; poor hygiene and inadequate conditions in food production and storage; lower levels of literacy and education; and insufficient food safety legislation or implementation of such legislation. It is estimated that in 2015, 159 million people still collected drinking water directly from surface water sources, 58% of whom are in sub-Saharan Africa. In addition to the expense for health care, foodborne diseases impose considerable other costs to individuals, communities and countries due to the lost income from illness-related loss of work. Beyond the US$15 billion in medical expenses that households in low- and middle-income economies spend each year because of unsafe food, a recent World Bank study also found that those economies lose US$95.2 billion in economic productivity. Most of this health burden and economic loss could be avoided with proper management of food and food products and appropriate hygiene by producers and consumers. Food safety has become such a troublesome condition, the United Nations is instigating the first World Food Safety Day this 7 June, with the theme “Food Safety, Everyone’s Business”, to raise global attention to the dangers and the solutions that individuals, producers and governments must make a way of life to protect the quality of food we consume. World Food Safety Day highlights the need for better prevention, detection and management of foodborne risks. According to Dr. Matshidiso Moeti, World Health Organization (WHO) Regional Director for Africa, “Foodborne diseases are completely preventable.” All players along the food chain, she stresses, “have a role in making food safe, beginning with producers and processors and moving to distributors, food safety regulators, retailers and eventually servers and consumers.” Contaminated food not only affects human health, it taints food security, economic prosperity, agriculture vitality, market access, tourism and sustainable development. Although everyone is susceptible, infants, young children, pregnant women, older persons and individuals with a weakened immune system (such as HIV infection, liver disease or who are on cancer treatment) are particularly vulnerable. In the past few years, WHO has been increasing its support to countries in Africa to strengthen the laboratory-based foodborne disease surveillance and build national capacity to prevent, detect and respond to food safety emergencies. This has included, in collaboration with the Food and Agriculture Organization of the United Nations, the strengthening of national networks and participation in the International Food Safety Authorities Network. WHO also works with countries to target food safety health promotion initiatives to promote food hygiene in different settings, such as schools and food markets, and for infant and young child feeding practices. The WHO Five Keys to Safer Food provide basic principles for assuring the safety of food and preventing foodborne diseases. Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  10. Maroodi weyn ayaa Xamar dhex taagan! Ma arkin miyaa? Keligaa ma aha. Qof aragtay ma jirto! Ma qarsoona loomana jeedo. Ama aan dhahee qof qiran in ay aragtay ma jirto. Meel islama geli karaan in Ganacsi uu canshuur siiyo Shabaab, u hoggaansamo awaamirteeda, Shacab uu caddaalad u raadsado, Dowladdu ay la noolaato xaaladda, haddana qarax la shareysto. Maxay qaadan doontaa in aan isu qiranno runta na hor taalla? Nin aan is naqaan oo Madaxda Sare ee dalka ka mid ah ayaa hadda ka hor ii sheegay sheeko. Ereyadeyda iyo tacbiirkeyga marka aan ku sheego waa sidan: Qaraxa Muqdisho kuugu horreeya waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo xagguu ka dhacay? Midka xiga in aad tiraahdo qof ehel ama saaxiibkeey ah ayaa ku dhintay. Kan kuuga xiga aad tiraahdo dirqi ayaan uga badbaaday. Marka xigta in aad ku dhaawacnto. Kan kalena adiga lagaa sheekeeyo. Sheekadana lagu gunaanado, Allow u naxariiso. Sidaas miyaan wada sugnaa? Culeyska ugu badan wuxuu ku dhacayaa shacabka. Ha noqoto caasimadda dalka oo kala xiran, oo isu socodku aad u adag yahay ama ha noqoto halista qofku og yahay in uu ku sugan yahay. Mar kasta oo aan la qabsanno xaaladda oo aan la sii noolaanno, xalku wuu sii fogaanayaa. Qaraxa iyo dhimashaduna waa ay sii badan doonaan. Howl aan ku hureyn, horaa loo fuliyaa. Ganacsatada canshuurta siisa Shabaab, wadaaddo iyo xataa siyaasiyiinta qaarkood gacan waa ay ka geysan karaan in la soo afjaro colaadda Shabaab. Soomaaliya nugeyl aan lagu aqoon ayay badeen dagaallada daba dheeraaday. Nama soo marin xilli aan uga baahi badan nahay in aan joojinno xabbadda Soomaalida dhexdeeda ah. Maalinta runta na hortaal la qirto ka dib ayay billaaban doontaa raadinta xal shaqeyn kara oo laga gaaro Shabaab. W/Q: Yuusuf Garaad
  11. A man alleged to be a Somali Presidential candidate and three Kenyan nationals were detained on Thursday under suspicion of terror related offences in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  12. A man alleged to be a Somali Presidential candidate and three Kenyan nationals were detained on Thursday under suspicion of terror related offences in Nairobi. Ibrahim Kassim Farah, Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed and Hussein Hassan Muhammud were arrested on Wednesday in Muguga area in Kiambu. Ibrahim Kassim was arrested at his house in South C by Anti-Terrorism Police Unit following a tip-off. The four suspects appeared before Principal magistrate Peter Okoo at the Milimani Law Courts. He directed that they be detained for four days to enable detectives from ATPU complete their investigations as was requested. Detectives revealed that the four were engaging in unclear dealings with regards to the Somali general elections in order to benefit with other associates who are yet to be apprehended. Ibrahim Farah was allegedly in possession of a Djibouti passport, electoral commission forms, 4 mobile phones, an alien certificate and coloured copies of two Kenyan identity cards. Source: Citizen.co.Ke
  13. PRESS RELEASE UAE strongly condemns terror attack on security checkpoint in Egypt The UAE expresses its vehement condemnation of these criminal acts and its principled rejection of all acts of violence and terrorism ABU DHABI, United Arab Emirates, June 7, 2019/ — The UAE has strongly condemned a terrorist attack on a checkpoint south of Al Arish city in north Sinai, Egypt. A statement issued by the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, MoFAIC, today said that: ”The UAE expresses its vehement condemnation of these criminal acts and its principled rejection of all acts of violence and terrorism.” The UAE also reiterated its support for the sisterly Arab Republic of Egypt and expressed its firm solidarity with the government and people of Egypt in their fight against these dangerous crimes. ”These coward, terrorist acts will not weaken the resolve of Egyptian people to continue their fight against terrorism, which has no country, religion or ethics,” the ministry affirmed. “This terrorist incident is completely incompatible with all religious and humanitarian values and principles,” it added. The ministry expressed the UAE condolences to the families of martyrs as well as to the government and people of Egypt while wishing speedy recovery of those injured. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  14. Saddex muwaaddin oo Kenyan ah iyo nin la tuhunsan yahay inuu yahay murashax madaxweyne oo Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Nairobi Khamiistii iyadoo looga shakisan yahay falal argagixisanimo. Ibrahim Kassim Farah, Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud ayaa arbacadii lagu xiray agagaarka Muguga ee deegaanka Kiambu. Ibrahim Kassim ayey kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla deegaanka South C boliiska la dagaallama argagixisada kaddib markii ay heleen xog ku saabsan Ibrahim. Afartaan eedeysane ayaa kasoo muuqday maxkamad si loogu qaado dambiyada loo heysto. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaan xabsi lagu sii heyn doono muddo afar maalmood ah si baareyaasha ay u sii wataan baaritaankooda. Baareyaasha ayaa shaaca ka qaaday in afarta nin ay ku lug lahaayeen heshiisyo aan wali la caddeyn oo ku aaddan doorashooyinka guud ee Soomaaliya si ay halkaas uga faa’iideystaan waxaana jira shaqsiyaad kale oo arrintaan ku lug leh kuwaasoo aan wali la soo xirin. Ibrahim Farah ayaa la tuhunsan yahay inuu haysto basaboor Jabuutiyaan ah, aqoonsiyo guddi doorasho, 4 Mobile, shahaado aqoonsi ah iyo afar kaar aqoonsi oo Kenyan ah kuwaaso midab leh. Dacwadda raggaan lagu soo oogay ayey Maxkamaddu sheegtay inay dib kasoo faahfaahin doonto. Source: goobjoog.com
  15. Baladweyne (SMN): – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka dalbadey Saraakiisha Amisom ee Gobolkaasi in Xaafadaha Magaaladda Baladweyne laga Hirgaliyo Sal dhigyo Boolis si ay qayb uga noqdaan Dardargalinta Amaanka. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa arintaasi ku tilmaamay mid ahmiyad weyn ugu fadhida Magalada Maadama ay badan yihiin falalka amni daro ee Degmadda Gudaheeda. Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal lidi ku ah amaanka, waxa uuna maamulku dalbanayaa si wax looga qabto arintaasi in loo baahan yahay saldhigyo Magaalada gudaheeda ah. Baaqan ka yimid Hogaanka Maamulka Hiiraan lama oga in ay aqbalayan iyo in kale Ciidamada Amisom ee ka Hawlgala Gobolkaasi. View the full article
  16. Garoowe (SMN): – Kadib markii ay Somaliland Somaliland qoraal u dirtay hay’daha caalamiga ah ay ku wargelisay in aysan ka hawl geli Karin bariga gobolka Sanaag oo ay sheegtay in malayshiya-beeleed hubaysan iyo Al-shabaab joogaan ayaa waxa arrintaasi beeniyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. (Halkan ka akhriso warbixinta Somaliland) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah ku amray in ay ka hawlgalaan degaannada gobolka Sanaag oo uu sheegay in aysan wax dhibaato ah ka jirin. View the full article
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa saaka kasoo muuqday Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya. Seddex ruux iyo isaga ayaa saaka waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ciidamada la dagaalanka argagixisada ay kasoo qabteen guriga ay ka degen yihiin Nairobi. Wararka ayaa sheegaya in Dr Bursaliid iyo seddexda kale ee lala xiray looga shakiyay arimo la xiriira argagixiso, balse waxaa la sheegayaa in lagu helay kiisas kale oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo loo malaynayo inuu yahay musharax. Ibrahim Qaasim Faarax (Bursaliid), Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xassan Muxamud, ayaa maanta maxkamad lasoo taagay, kadib markii laga qabtay deegaanka Muguga ee xaafadda Kiambu. Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiintaan lagu amray inay sii xernaadaan muddo afar maalin oo kale si baaritaanada ku socda loosoo dhameeyo, sida ay amartay maxkamadda maanta lasoo taagay. Dembi baarayaasha Kenya ayaa sheegay in afartan qof ay ku lug yeesheen howlo qarsoon oo ku saabsan doorashada Somaaliya, si ay uga faa’iedeysteen dhinacyo kale oo weli la raadinayo. Ma jiro war kale oo kasoo baxay dhanka Qareenada u doodaya Dr Bursaliid iyo xubnaha la xiran. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  18. (SLT-Khartoum) Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abby Ahmed ayaa maanta gaadhay magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum. Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmay Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda jiray booqashada halka maalin ah. Dhinaca kale, Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas. Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kadib kulan ay xubnaha golaha maanta ku yeesheen magaalada Addis-Ababa. Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidamada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo isku daldalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyo ayaa sheegaya in daldalaada ay ka dhacday xaafadda Sheelare ee degmada Xamarajajab, waxaana isku daldalay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sarkaalka isdaldalay lagu magacaabi jiray gaashaanle Dhexe Cali Cabdi Seed, waxaana dhacdadaan aad looga hadal hayaa xaafadda Sheelare ee gobolka Banaadir. Dadweynaha ku nool Xaafada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ayaa isugu soo baxay Goobta uu isku daldalay,iyaga oo aad uga naxay is daldalaada Sarkaalka oo ay aad u yaqaaneyn. Weli lama cadeyn waxa ku kalifay in sarkaalkaas uu is daldalo, hayeeshee waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay heysteen duruufooyin kala duwan taas oo ku qasabtay in uu is daldalo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, balse waxaa socda baaritaanka ku aadan waxyaabaha sababay in sarkaalka uu isdaldalo. Ciidamada amaanka ayaa falka kadib markii lagu wargeliyay tagay xaafadda Sheelare oo uu sarkaalka isku daldalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Beledweyne (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay inay sugayaan jawaab deg deg ah oo ay ka helaan taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Hiiraan. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saldhigyada ay horay Baladweyne uga hirgeliyeen Booliska AMISOM uu uga mahad celinayo, hayeeshee uu ka dalbaday in Afarta xaafadood ee Magalada Baladweyne ay saldhigyo kale ka dhisaan. Wuxuu sheegay inay sugayaan jawaabta deg dega ee dhismaha saldhigyadaasi, maadaama sida uu sheegay horey ay kaga dalbadeen inay saldhigyadaasi kaga furtaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne. Saldhigyadaasi ayuu sheegay inay qeyb ka qaadan doonaan adkeynta amaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay inaysan wali helin jawaabtii maamulkooda uu doonayay. Jawaabta deg dega ah ee ay sugayaan ayuu sheegay inay tahay in laga aqbalo codsigooda ama lagu wargeliyo inaan la aqbalin codsigaasi. Taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa mashaariic kala duwan ka sameeyay Hiiraan, waxaana uu tababar siiyaa ciidamada booliska ee maamulka Hirshabeelle. Xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo mararka qaar ay geystaan Al Shabaab, waxaana guddoomiye Dabageed uu sheegay in saldhigyadaasi wax badan ka tari lahaayeen amaanka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen Isniintii lasoo dhaafay Gabar taageertay dowladda Iran. Gabadha ayaa muujisay sida ay u taageersan tahay dowladda Iran, iyadoo dhaleeceysay dowladda Mareykanka iyo maamulka Yahuuda oo xiriir aan wanaagsaneyn uu kala dhaxeeyo dowladda Iran. Todobaadkii hore waxaa taagnaa xiisadda u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Iran, waxaana gabadha ciidamada Somaliland ay xireen xiligaasi ay ka hadashay aragtideeda iyo taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Iran. Baraha Bulshada ee ay adeegsadaan dadka ku sugan Somaliland ayaa waxaa is qabsaday dooda ka dhalatay xariga Haweeneyda, waxaana la ogeyn sababta qof aragtideeda cabiray xabsiga loo dhigay. Axmed Aadan Rooble oo ay walaalo yihiin Safiye Aadan oo xabsiga la dhigay ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay markii ay maqleen walaashood oo ka hadashay arimo ka duwan kuwa gudaha Somaliland oo xabsiga la dhigay. Wuxuu sidoo kale sheegay in walaashood Safiya mar ay xanuun dhanka maskaxda qabtay, balse markii la xerayay ay aheyd qof caruurteeda la joogta. Safiya Aadan Rooble ayaa Axadii ka soo muuqatay Warbaahinta Somaliland, iyadoo shir jaraa’id ku qabatay Hargeysa, waxeyna xiligaasi eheyd qof xiran Niqaab. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com