Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sawirka Sare waa shalay oo ahayd 26 June, Kan hoosana waa Isla maalintaas maalinteedii ,26 June 1960’kii. Waa maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay dalka Ingriiska, ee ay heshay aqoonsi caalami ah, kadibna uu dhacay qaladkii weynaa ee lagula midoobay Somaaliya oo midowgaasi uu la dhashay ama dhaxlay halaag, wax dhaqanbiis,dulinimo Iyo dhimashadii Iyo duqayntii Abid ugu xumay ee ka dhacda Africa. Midowgii waxa uu dhalay in duqayntii magaalloyinka Somaliland loo soo kiraysto colooshooda u shaqystayaal Midnimadii waa lagu hoobtay ninka reer Somaaliya ee Ku soo hamiyaaya midnimo danbe waa qof aan naftooda run u sheegin Qaran News
  2. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somamlia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ku dhisan walaalnimo, is-taageerid iyo is-garabsiin. “Waxaan la qaybsaneynaa walaalaheenna reer Jabuuti dabbaaldegga xuska iyo farxadda sannadguurada 42-aad ee xornimadooda. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabaddan, waxa aanna idiiin rajaynayaa horumar, wadajir iyo sannado badan oo barwaaqo leh”. Madaxweynaha DF ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen xilliyadii adkaa, taas oo muhiim u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta dalkeenna. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti si hagar la’aaneed ayay walaalahooda Soomaaliya uga warqabeen xilliyadii adkaa oo waxa ay muujiyeen hal-adayg iyo geesinnimo aan la illoobi karin, abaal ayaana mar walba uga haynaa hiilkaas walaalnimo.” Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa xuska sannad-guurada 42-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Dowladda iyo Shacabka Jabuuti ugu hambalyeeyay Maalintooda Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in uu duqeyn ka fuliyey koonfurta Soomaaliya, isbuucan. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyey in weerarka ay cirka ay ku dileen hal dagaalame Al-Shabaab ka tirsanaa. AFRICOM ayaa xustay in duqeynta ay ka geysteen degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan waxyeelo kasoo gaarin wax shacab ah. Dhanka kale, Al-Shabaab oo war kasoo saartey howlgalkan ayaa tilmaamtay in ruuxa ku dhintay uu ahaa ganacsade. View the full article
  4. Wanlaweyn (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Isku dhaca oo socday in ka badan Shan saac ayaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyay laba maleyshiyaad oo hubeysan. Iska hor-imaad ayaa la tilmaamay in uu salka ku hayo is-qabqabsi ku aadan Jidgooyo ku taala duleedka degmaddan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo illaa iyo haatan la xaqiijiyey saddex ruux oo geeriyootay ayaa lasoo wariyey. Xaaladda ayaa degmada ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan ah mid deganm isla markaana aysan jirin wax saan-saan colaadeed. View the full article
  5. Paris (Caasimadda Online) – Laba qof ayaa lagu toogtay banaanka Masaajid ku yaal Brest oo ku taal Galbeedka Faransiiska sida ay xaqiijiyeen Booliska. Xeer ilaaliyaha Guud ee Brest Jean-Philippe Recappe ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad kasoo baxay Masaajid ku yaal Magaaadaan oo daris la ah Pontanezen taasoo keentay inay dhaawacmaan illaa laba qof. Jean-Philippe Recappe ayaa Reuters u sheegay inaysan weli kala caddeyn in toogashadaan ay tahay mid ku saleysan Arrimo diimeed iyo inay jiraan waxyaabo kale oo sababay. Talefishinka France 3 ayaa baahiyey inuu baxsaday ninkii rasaasta ku furay dadkii kasoo baxay Masaajidka. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Paris caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacada Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-27062019.mp3 View the full article
  7. The president of Somalia’s Federal Government, Mohamed Abdullahi Farmajo held his first meeting with the newly appointed United Nations envoy, James Swan. According to a statement released by the presidency, both sides discussed the current situation in the country, military and politically as well as the humanitarian crisis. Swan looks forward to working closely together with the Federal Government and the Somali people to further strengthen ties between the UN & Somalia on shared priorities. The new envoy conveyed a message of support from UN secretary general to the government and the people of Somalia. James Swan, arrived in Mogadishu this week to take up his duties. A career diplomat, he brings extensive experience working in sub-Saharan Africa. View the full article
  8. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa maanta si wada jir ah xariga uga jaray Xarunta Qeybta 21aad ee Ciidamada Xooga Soomaaliya. Xaruntan oo ah mid Is-xilqaan ay ku dhiseen dadweynaha ayaa waxay ku taalaa magaaladda Cadaado. Dhanka kale, madaxweynaha iyo Ra’iisu Wasaaraha ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidamada Nabad-sugida Galmudug oo uu dhisme ku socdo. Dhismaha Xarunta Nabad-sugida ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijka Is-xilqaan oo ay bulshada reer Cadaado ku dayac-tirayaan xarumaha danta guud. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Intii u dhaxaysay 17-kii April iyo 1-da bisha May ee Sannadkan, waxay Masuuliyiinta Somaliland Xidh-xidheen Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon, Hoggaamiyaha dhallinyarada xisbi Mucaarad ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Saddexdoodaba waxa Xadhiggooda loo cuskaday inay Baraha Bulshada ku baahiyeen Qoraallo loo arko inay khatar ku yihiin Dawladda Somaliland iyo Masuuliyiinteeda, sida ay sheegtay Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International. Amnesty International oo si toos ah Qoraal ugu dirtay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegtay in Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17-dii Aprill laga soo xidhay Magaalada Burco, laguna eedeeyay inuu Facebook-ga ku dhaleeceeyay Madaxweynaha, sidoo kalena Borobagaando lid ku ah Somaliland iyo Warar been ah oo ku saabsan Dugsiga Abaarso uu ku baahiyey, xilligana uu ku xidhan yahay Jeelka dhexe ee Hargeysa. Amnesty International, waxay sheegtay Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiskiisa laga soo xidhay 24-kii Aprill, iyadoo lagu eedeeyay inuu Facebook-giisa ku dhaleeceeyay habacsanaanta shaqada Ciidammada Booliska, sidoo kalena eedaha Amnesty International sheegtay in loo haysto Jamaal waxa ka mid ah inuu Aflagaadeeyay Sarkaal Booliska ka mid ah. Jamaal hadda wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, sida hay’addu sheegtay. Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Gurigiisa Hargeysa laga xidhay 1-dii Bishii May ee sannadkan, 2019. Dhamme oo Facebook-giisa ku Cambaareeyay Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay Degmooyin Gobolka Sanaag ka mid ah, ayaa 8-dii June lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay sharafta Madaxweynaha. 27-kii June ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay ku heshay dambi ah inuu gefay sharafta Madaxweynaha, waxaana lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah. Hay’addu waxay sheegtay in saddexda Xubnood ee xidhan dhammaantood qabashadooda aan loo soo qaadan Waaran qabasho ah, Maaddaama oo qodobka 25-aad ee Dastuurku uu amrayo in Qofka boolisku xidhayo uu u soo qaado Waaran Qabasho ah oo Maxkamad ka soo baxday, ka hor inta aan la xidhin. Hay’adda Amnesty International waxay ku baaqday in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo soo daayo Cabdimaalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme. Source
  11. (SLT-Nairobi)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Ambassador Peter Macharia. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya ayaa ka wada-hadlay arrimo la xidhiidha Danaha labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya ku baahiyey Twitter-ka. Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo Adeegsanaya Kalmadda ah ‘Labada Dal’ ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii loo soo xoojin lahaa Xidiidhka wada-shaqayneed. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland waxa kulankaa ku wehelinyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar. Source
  12. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa magaala Djabuuti ee dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasibadda xuska sanadguuradii 42-aad ee kasoo wareegtey maalintii xornimada dalkaasi Juun, 27, 1977. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la kulmay Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaasi, Safiirka Ingiriiska ee Jabuuti, masuuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda dalka Jabuuti, siyaasiyiin, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo ka socda beesha caalamka, kuwaasi oo ka qayb galay munaasibadda xuska maallinta xuriyadda dalkaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka aan walaalaha nahay ee wadankaasi, taasi oo uu uga sidey Shacabka iyo Madaxda dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka qayb galay xuska maalintan ku wayn shacabka Jabuubti ayaa Dowladda iyo shacabka dalkaasi ku amaanay horumarka, nabadda, xasiloonida, wadaniyadda iyo isku-tashiga taabagalay ee ay guusha ku gaadheen xornimadooda kadib. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoggaanka iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyey horumar, nabad, wadajir iyo barwaaqo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay xuska munaasabadda Xornimada DJabuuti appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah darawallada Gaadiidka Guddida Abaaraha Somaliland ayaa sheegay in uu isku qarxin doono gaadhiga Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ka dib markii uu ku eedeeyay in uu siin waayay mushaharkiisii muddo uu ka shaqeynayay Gaadiidka Guddiga Abaaraha. Hase ahaatee Wasiir Khaliil ayaa beeniyay eedaha uu u jeediyay ninkani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummaadda Soomaaliyeed. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood. Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa si adag uga hadlay xukunka lagu riday Maxamed Siddiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Cadaado (Caasimadda Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Waxaa soo dhamaaday kulan Xalay illaa Maanta u socday Ra’isulwasaare Kheyre iyo Odayaasha dhaqanka Deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Odayaasha ayaa waxay Kheyre u gudbiyeen tallooyin ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna Kheyre u sheegay inuu talooyinkooda maqlay uuna u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka. Odayaasha Deegaanka Cadaado ayaa Ra’isulwasaaraha hor dhigay illaa 4 qodob oo xasaasi ah oo ay sheegeyn inay dowladda ka rabeen fulinteeda. Qodobadaas oo ay Caasimadda Online u suurtagashay inay hesho ayaa waxay kala yihiin sida soo socot: 1: Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo. 2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado. 3: In si Cadaalad ah loo maro hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug. 4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay kasii dartay cadaadiska ay ku hayso dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, ayada oo soo bandhigtay qoraal u muuqda inay ku muujineyso inay Somaliland u aqoosantay dal. Wasaaradda arrimaha diebdda Kenya ayaa qoraalkan oo ay goordhow soo dhigtay barta twitter waxa ay si cad ugu yeeray Somaliland inay tahay “dal.” Qoraalkan ayaa ku saabsanaa kulan dhex maray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Macharia Kamau iyo wasiirka warrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Ambassador Macharia Kamau ayaa galabta wada-hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon. Labada dhinac ayaa ka xaajooday danta guud ee LABADA DAL iyo sida ay ku xoojin karaan wada-shaqeyntooda”. Kenya ayaa bilihii dhowaa aad u kordhineysay wada-shaqeynta iyo soo dhoweysashada Somaliland, ayada oo ujeedku yahay in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya. Kenya waxa ay sidoo kale dhowaan sheegtay inay wakiil u direyso magaalada Hargeysa ee Somaliland si uu halkaas uga furo xafiis diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee dalka ugu yeeray Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  19. Duqa degmada Garoowe Axmed Bare ayaa maanra magaalada Garoowe waxa uu tababar ugu soo xiray shaqaalaha Dab damiska ee ee dowaldda hoose ee Garoowe , [...] Source
  20. Magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug waxaa maanta kulan ku yeeshay odeyaasha dhaqanka magaalada iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayey odeyaasha ku soo bandhigeen qodobbo muhiim u ah horumarka Galmudug iyaga oo soo-jeediyey in laga dhiso Galmudug maamul oo dhan yahay, oo cid walbo raalli ka tahay. Qodobbada kale ee ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa: In marnaba aan gorgortan la gelin xarunnimada Cadaado ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, sidaa darteedna ay ka dhacdo doorashada soo socota. Odeyaasha dhaqanka ayaa ra’isul wasaare Kheyre xusuusiyey ballanqaadyo mashaariic oo uu ku jira dhismaha xabsiga magaalada, kaas oo horay ay u sameysay dowladda dhexe balse aan waxbo laga qaban. Dhankiisa, ra’isul wasaare Kheyre ayaa balanqaaday in talada ay dhex taallo reer Galmudug, dowladda Soomaaliyana ay gacan siin-doonto uun dadka reer Galmudug. Kheyre waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in magaalada Cadaado ay bilowday nabad iyo nolol iyo barnaamijyada is xilqaanka, ayna caan ku tahay. Kulanka oo is afgarad ku soo dhammaadey waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaannada Galmudug ku matala baarlamaanka federaalka ah oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale sida mudane Saabir Shuuriye iyo mudane Cabdiraxmaan Odowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. DULMIGII HAWADDII SOMALI-WAYN IYO XORNIMADDA XABASHA AAN KA SOO SAARNEY!!! Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba, Waxaan maanta dib ugu noqdey qoraaladdii si aan tariikh leh xasuus tiraanyo iyo murugo ku dheehan tahay aan ula wadaago dhalinta iyo dhamaan ummadda sharafta leh ee Somaliland. Maanta Somaliland waxaa u Madax-weyne ah Mudane Muse Biixi Cabdi,ummadda Somaliland waa og tahay wuxuu galo iyo wuxu gudo markey noqoto jiritaanka iyo xornimadda Somaliland,si fiican ayayna ogyihiin in uu daacad u yahay gobanimadda Somalilnd mid hore iyo mid danbeba, Ilaa malintii 1 July 1960 aynu xornimadeena xabaalney ilaa markeynu xabaasha ka soo faqney 18 May 1991 wali nimankii koonfurta Soomaaliya sida maraboobta ayey dhexda inoogu marin yihiin cadowga Somaliland waa Soomaaliya. Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda. Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey. Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda. Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay. Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney. Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey Goortuu sidkeedii go’aye,galabti fool qaaday Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine. Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay. Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay’ Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib leynoo qabsadey ? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig? Se ma la socota in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar? Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga? Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada? Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato . Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Dalalka Soomaalidu leedahay waa shan dal oo kala ah: 1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli awgeed uun baa keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan. Haddaba waxaa dhacdey Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Qarankoodii,Caasimadoodii,Taladoodii,Dakadoodii,Aqoonyankoodii iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen. Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB. Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda Soomaaliya. Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya. Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta Shin maa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye???? Intaan wali dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin Dermo intaynaan wada seexanayn, waa daliil run ahe. Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!! Waxaa dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh. Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland 1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada. Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd iyo qiiradii degdegga ahayd ee 1 July 1960. Wabilaahitawfiiq. Mahad Ali-Salaan. Hargeisa mahadpobox@gmail.com Qaran News