-
Content Count
212,165 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Health authorities in Kericho County are on a red alert over a suspected case of Ebola. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaan ka tirsan dalka Kenya ayaa sheegaya in ruux looga shakiyay xanuunka Ebola lagu takooray deegaanka Kericho, waxaana la dhigay xarun caafimaad ku taala dalka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in ruuxaasi lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Kericho, waxaana la sheegay in ruuxaasi oo haweeney ah lagu arkay qaar kamid ah calaamadaha lagu garko xanuunkaasi. Qofkan oo haweenay ah ayaa ka timid magaalada xuduudda ah ee Malaba halkaas oo ay ku kulmeen ninkeeda taas oo dhalisay welwelka ugu badan ee ay ka qabaan laamaha Caafimaadka ee dalka Kenya. Deegaanka Malabo ayaa ku yaala dhanka xuduuda Uganda iyo Kenya, waxaana ninkeeda oo ku nool dalka Uganda la sheegay in isna looga shakisan yahay inuu qabo xanuunka Ebola oo dhibaato badan u geystay dadka ku nool Galbeedka Africa. Dhakhaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Kericho ayaa takooray qofkan iyadoo wali baaritaan lagu wado, Illaa hadda calaamadaha cudurka oo qandho daran kamid tahay ayaa lagu arkay qofkaan. Dalka Uganda ayaa dhawaan lagu arkay cudurka Ebola dadna ku dilay, waxaana jirta cabsi xoogan oo laga qabo in cudurkan uu kusii faafo deegaano hor leh uuna geesto dhibaatooyin xoogan. Wasiirka caafimaadka xukuumadda ayaa dhawaan shaacisay inaysan qabin baqdin weyn oo xanuunkaasi ku aadan, waxaana heegan la geliyay hay’ado caafimaad oo arimahaasi ka hortagaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdsisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney gudbin-doonto dacwad ka dhan ah dalalka Ingiriiska iyo Norway, iyada oo labada dal ku eedeysay iney hurinayaan kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Dhinaca kale, sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay iney dalkiisa uu xoogga saarayo in dib loo furo wadahadal ku aadan kiiska badda kadib markii ay fashilmeen kuwii hore. Wada hadalka waa waddada keliya ee xalka muranka labada dal, waana waddada aan inagu mar walbo riixeyno” sidaasi waxaa yiri Col Cyrus Oguna, oo afhayeenka dowladda Kenya. Hadalkan waxaa uu imaanayaa kadib markii war ka soo baxay Qaramada Midoobey looga digay dalalka reer galbeedka ee shidaal ka raadinaya goobaha lagu muransan yahay ay sii hurin karaan colaadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Yemen)-Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay saaka diyaarad daroon oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku yaalla Koonfurta Sacuudiga. Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-masirah ayaa shaaciyey in diyaarad daroon lagu weeraray garoonka Abha ee Sacuudiga, waana weerarkii 4-aad ee ay Kooxdaasi la beegsadaan garoonkaasi hal toddobaad gudihiisa. Dowladda Sacuudiga weli lama xaqiijinin weerarka ay Xuutiyiinta sheegteen inay saaka ku qaadeen garoonka Abha. Kooxda waxay kaloo Sabtidii la soo dhaafay sheegteen inay diyaarado daroonis ah ku weerareen laba Graoon oo ku kala yaalla magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee Koonfurta Sacuudiga. Sidoo kale, Arbacadii la soo dhaafay, waxay Kooxda Xuutiyiinta gantaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Abha ee Sacuudiga, halkaasi oo ay 26 qof ku dhaawacmeen. Source
-
Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey dil todobaadkii hore 4 qof loogu geystay duleedka Dhuusamareeb Madaxa Xukuumadda ee dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xariga ka hadlay ayaa sheegay in ciimada ammaanka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana la soo taagi-doono maxkamad. Sheekhda waxaa uu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid foolxun, isaga sidoo kale ka dhawaajiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo soo taagi-doono maxkamad. Ragga la dilay oo 4 ahaa waxaa ay ahaayeen dad ka ganacsada shinnida, waxaana lagu dilay duleedka Dhuusamareeb, dhammaan waxaa ay ka soo-jeedeen koonfur galbeed Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa Axadii la horgeeyey xafiiska xeer illaalinta oo kusoo oogtay danbiyo la xariira musuq maasuq iyo dhaca Hantida Qaranka. Cumar Al Bashiir oo hada ah 75 sano jir ayaa waxaa garbaha ka socday ciidamo badan oo illaalo ah oo kasoo kaxeeyey xabsiga lagu hayo ee Kobar oo ku yaal duleedka caasimada Khartuum. Xeer illaalinta ayaa u akhrisay Cumar Al Bashiir dhamaan danbiyada loo heysto iyadoo sidoo kale su’aalo dheeraad ah laga weydiiyey danbiyada la xariira musuq maasuqa, waxaana la siiyey muddo hal asbuuc ah inuu jawaab ka bixiyo danbiyada loo heysto, hadii uu ku guuleysan waayo waxaa loo gudbinayaa maxkamada dalkaasi oo bilaabi doonta dhageysiga danbiyada lagu soo oogay. Danbiyada loo heysto Cumar ayaa waxaa kamid ah in gurigiisa laga helay lacag gaareysa 113 milyan oo dollar, arrintan oo jabineysa sharuucdii uu dhaqan geliyey isla Cumar Al Bashiir. Bishii Feberaayo ee sanadkan xili ay dalkaasi ka socdeen rabshado ka dhashay sicir bararka iyo maciishada qaaliga noqotay ayuu xiligaasi Cumar Al Bashiir amar ku bixiyey in la xiro qofkii lagu qabto in ka badan 3.000 lacagta qalaad, kadib markii xukunka laga tuuray bishii April ayaa baaritaan lagu sameeyey gurigiisa laga helay in ka badan 113 milyan oo dollarka Maraykanka ah. Mucaaridka Sudan ayaa u arka kiiskan Cumar Al Bashiir uusan ahayn maxkamad cadaalad ah balse militariga doonayo inuu isaga sii jeediyo xiisada dalkaasi ka taagan iyo dilalkii ay ciidamada geysteen horaantii bishan oo Golaha Militariga usoo jiiday cambaareynta Beesha Caalamka. Militariga Sudan ayaan weli go’aan ka gaarin in Cumar Al Bashiir ay u gacan gelin doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal ICC oo horey ugu soo eedaysay Madaxweynihii hore ee Sudan danbiyadii ka dhacay dagaaladii gobalka Darfur iyo xasuuqii ay geysteen ciidamadiisa, balse isla maxkamadaasi ay danbiyo kuwaasi lamid ah kusoo oogtay xubno sar sare oo kamid ah Taliska Militariga ee hada weli maamulaya wadanka Sudan. Waxaa xusid mudan ciidamada loo yaqaan (Gurmadka Deg Deg ah) ee horaantii bishan June dilalka u geystay shacabka mudaharaadka ka wada caasimada Khartuum ay u badan yihiin maleeshiyaadkii la oron jiray (Janjawiidka) ee uu Cumar Al Bashiir u adeegsaday dagaalkii gobalka Darfur, ciidamadan ayaa si toos ah u hoostaga Gen. Mohammed Hamdan Dagalo oo ah Kuxigeenka Taliyaha Militariga oo kamid ah xubnaha ugu awooda badan Golaha Militariga ee la wareegay xukunka dalkaasi. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Duuliyeyaashii waday diyaaraddii Ethiopian Airline ee dhacday bishii March ee ay ku dhinteen 157 ruux wax dambi ah ma aysan lahayn, sida uu sheegay agaasimaha guud ee shirkaddaasi diyaaradaha. Eedaymaha shaqaalaha loo jeediyay waxay ahaayeen “kuwo aan waxba ka jirin oo la isla wadaagay” ayuu yiri Tewolde GebreMariam oo la hadlay BBC. Wuxuu kajawaabayay hadal ka soo yeeray qof ka tirsan aqalka Congaress-ka ee dalka Maraykanka oo sheegay in ciladda ku timid diyaaradda ay masuul ka ahaayeen duuliyeyaashii diyaaradda. Diyaaradda Boeing 737 Max ayaa dhacday lix daqiiqo ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa. Diyaaradda Itoobiya ee duulimaad lambarkeedu ahaa ET302 ayaa noqotay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay 737 Max ee burburta muddo shan sano gudaheed ah. Diyaarad ay leedahayLion Air oo ay midda Itoobiya isku nooc ahaayeen ayaa ku dhacday badda Jakarta bishii Oktoobar ee sannadkii 2018. Warbixinnada hordhaca ah eeee labada shilba waxay muujiyeen in ay horseedday qalabka lagu maamulo duulimaadka oo amar isa siiyay ka dib markii uu akhriyad cillad aan jirin. Sam Graves oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ayaa Washignton ka sheegay bishii hore in “xaqiiqdii warbixinta hordhaca ah ay muujinayso in ciladdu ay ka dhalatay khalad ka yimid duuliyeyaasha”. Isaga oo hadalka sii watana wuxuu sheegay in “duuiyeyaasha lagu tababaray Maraykanka ay si buuxda u maarayn lahaayeen xakamaynta xaaladda”. Tewolde oo arrintaas ka jawaabaya ayaa BBC-da u shegay in Graves “uusan gacanta ku hayn xaqiiqada”. Warbixinta hordhaca ah ayuu sheegay “in ay si cad u muujisay in duuliyeyaashu ay si wanaagsan u mareen nidaamka”. Source
-
(SLT-Moscow)-Sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Ruushka ayaa beeniyay in Moscow ay faragalin ku sameysay doorashadii baarlamaanka ee midowga Yurub bishii la soo dhaafay. Warbaahinta Yurub ayaa ku eedeysay Ruushka in uu doonayay in xisbiyada midig ay Guulaystaan. Xoghayaha guddiga amniga Alexander Venediktov oo wareysi siiyay wargeyska Rossiyskaya ayaa beeniyay faragalinta lagu eedeeyay. Venediktov ayaa tilmaamay in ayna jirin caddeyn muujineysa arintaan. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo sanadkii 2016-kii dowlada Ruushka lagu eedeeyay in uu faragaliyay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka. Source
-
(SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ajaaniibta doonaya inay dalkaas maal-gashtaan u sheegay in xanibaadda saaran khamrada la qaadi doono sannadka soo socda, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka. Bloomberg ayaa maal-qabeenno ajnabi ah oo si dhow ula shaqeeya dowladda Sacuudiga kasoo xigatay inay maqleen in dowladda ay ka shaqeeneyso sidii loo bixin lahaa cashuur ogolaanaya in dalka lasoo geliyo khamriga. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in xarunta ganacsiga King Abdallah, oo ah xaafad gaar ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Riyadh, loo ogolaan doono in khamriga lagu isticmaalo. Mas’uuliyiinta Sacuudiga wax jawaab ah kama ay bixin arrintan, hase yeeshee Bloomberg ayaa sheegtay in xaqiiqda ah in arrintan iminka aad loo hadal hayo ay tahay wax yaab leh. Waxaa la filayaa in cashuur soo dhoofinta khamriga la siiyo makhaayado iyo hoteello ku yaalla qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn iyo goobo loo dalxiis tago oo Sacuudiga ay ka dhisayaan xeebaha. Inkasta oo sharciyan uu khamriga mamnuuc ka yahay Sacuudiga, haddana waxaa lagu iibiyaa suuqa madow. Waxaa sidoo kale jira khamri macmiil ah oo guryaha lagu sameeyo oo dadka qaar ay isticmaalaan. Tan iyo sanadii 2017, wxaaa Sacuudiga ka socday is-beddelo waa weyn oo uu hormuud ka yahay dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan, oo ka tagaya dhaqamo badan oo islaami ah, si uu usoo jiito maal-gashtayaasha aan muslimka ahayn, isaga oo raba inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka. Source
-
Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay kooxo Maleeshiyaad ah oo dhawaan dad rayid ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in saacado badan kadib la soo qabtay Raggaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Cadaaladda la hor geyn doono, si looga qaado talaabo waafaqsan sharciga. Dilka loo heysto raggan ayaa ka dhacay agagaarka Dhuusomareeb, waxaana loo geystay illaa 4 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo la sheegay in loo dilay Aano Qabiil View the full article
-
(SLT-Iran)-Waa wax aan suura gali karin in dal jecel nabada sida Iiraan oo kale uu raadiyo dagaal, sidaasi waxaa sheegay qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay Mareykanka. Millatariga Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowlada Iiraan laba weerar oo ka dhacay laba weerar oo lagu qaaday maraakiib shidaal oo mareysay xeebaha Cumaan. Iiraan ayaa diiday sheegashada Mareykanka iyadoo Washington ay ka digtay weeraro hor leh oo ka dhaca xeebaha Khaliijka. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Iiraan qaramada midoobay u qaabilsan ayaa loogu baaqay in Mareykanka iyo dalalka carbeed ee saaxiibka la ah inay Joojiyaan daandaansiga ay ku hayaan Iiraan. Stephen Lendman oo falanqeeya siyaasada una dhashay Mareykanka ayaa sheegay in been abuur ay tahay weerarada lagu eedeeyay Iiraan. Lendman ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel in ay ka danbeeyaan weerarka lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee bishan iyo Bishii May lagu qaaday Maraakiib Shidaal. Source
-
(SLT-London)-Murashaxiinta u tartameysa hogaanka Xisbi Xaakimka UK iyo Raysalwasaaraha ayaa xalay ka qeyb galay dood si toos ah telefishinka looga baahiyey, walow uu doodaasi ka qeyb gelin murashaxa ugu horeeya loolanka Boris Johnson. Shan kamid ah murashaxiinta ka dhex tartameysa xisbiga xaakimka Conservative Party ayaa ka qeyb galay doodan laga baahiyey telefishinka Channel 4, qodobka ugu muhiimsan ee doodan ayaa ahaa sida loo xalin doono Mushkilada Brexit ee sababta u noqotay inay xilka iska casisho Raysalwasaare Theresa May. Boris Johson oo horey usoo noqday Duqii magaalada caasimada ah ee London ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii horseedka u ahaa ololaha Brexit iyo in dalka UK isaga baxo Midowga Yurub ahna murashaxa la sheegayo inuu hada heysto taageerada ugu badan ayaa ka gaabsaday inuu ka qeyb galo doodii xalay, arrintaasi oo ay si wey ugu cambaareeyeen murashaxiinta kale oo sheegay in Boris uu ka cabsanayo inuu waji-gabax kala kulmo dooda. Balse Boris ayaa sheegay inuusan ka qeyb gelin dooda maadaama sida uu sheegay shacabka UK ay ka daaleen dooda siyaasadeed ee labadii sano ee lasoo dhaafay ka socotay wadankaasi oo xal u waayey ismarin waaga ka taagan qaabkii wadanka UK uga bixi lahaa Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay heegan gelisay hay’ado iyo shaqaalo loogu talo galay ka hortaga cudurada faafa, sida xanuunka Ebola. Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in wasaaradda ay heegan gelisay shaqaalo horey loogu tababaray inay ka hor tagaan xanuunadaan oo kale. Waxay sidoo kale sheegay inay arinta ku aadan xanuunka Ebola la kaashan doonaan hay’ado caalami ah, kuwaasi oo ka howlgala Soomaaliya, iyaga oo sheegay in hadda uusan jirin walaac badan oo dowladda Soomaaliya ay qabto. “Wasaaraddu Waxay heegan gelisay howlwadeeno horey loogu tababaray ka fal celinta cudur dilaacyada noocaan oo kale ah, waxay sidoo kale heegan gelisay hay’ado iyadoo lala kaashanayo kuwo caalami ah oo dalka ka howlgala”ayay tiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Somaliay. Dr Fowsiyo waxa ay xustay in la tashiyo badan ay sameeyeen, sidoo kala ay la kaashanayaan hay’addaha ay quseyso arrintan ee dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/cod-1-wasarada-caafimadka-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN ) Wasiirka caafimaadka Soomaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa sheegtay in aysan ka jirin xilligaan walaac ay ka qabaan ka wasaarad ahaan in Cudurka Ebola uu a dilaaco gudaha Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo kuwa kale caalami ah ay ka gacan siiyeen ogaanshaha in xilligan uusan saameyn karin Cudurkaasi Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la sameeyay baaris caalami ah oo ku aadan arrintaasi. Dhinaca kale Fowsiya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku kalsooni ku qabto wadamada dariska ah, islamarkaana ay dhowri doonaan xeerarka caafimaadka adduunka. Waxaana ay tilmaamtay in aysan suura gal aheyn in dad qaba xanuunka Ebola ay ka soo gudbaan xuduudaha dalka., Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa walaac laga qabo Cudurka Ebolo oo kiis ka mid ah laga helay dalka Ugand oo xiriir bulsho la leh Soomaaliya. View the full article
-
Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii u horreeyay ee Kenyaan ah laga helay cudurka Ebola, isla markaana la geliyay karantiil si looga digtoonaado inuu faafo. Saraakiisha caafimaadka gobolka Kericho ayaa sheegay in haweeney Kenya u dhalatay oo ku nool gobolkaas laga helay cudurkan, isla mrkaana la dhigay goob loo diyaariyay in lagu karantiilo dadka qaba curudkan halista ah. Waxay saraakiishu hadalkooda ku dareen in haweeneydan oo da’deedu aad u yar tahay laga helay calaamada cudurka Ebola sida xumadda ama qandho kulul, iyagoo sheegay in goobta la dhigay lagu hayn doono illaa caafimaad ay ka helayso. Sidoo kale, Warbixin ay soo saareen maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in haweeneyda laga helay cudurkan halista ah ay shalay u gudubtay dalka Uganda halkaas oo ay ku booqatay saygeeda, inkastoo aan la sheegin in saygeedu cudurka qabay iyo in kale. Xukuumadda Kenya ayaa heegan gelisay hay’adaheeda caafimaadka si ay uga hortagto cudurkan halista badan, waxaana la sameeyay shaqaale loo tababaray ka hor-tagga iyo la socoshada faafitaanka cudurkan. Dhanka kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay u diyaar-garowday ka hortagga cudurka, ayna heegan gelisay shaqaale caafimaad oo loogu talo-galay inay cudurkan ka hor-tagaan. Wasiiradda caafimaadka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in hay’adaha socdaalka iyo amaanka dalka ay war-geliyeen in dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya dalka lala socdo, si looga fogaado in cudurka sahal kusoo galo dalkeenna Soomaaliya. Dalka Uganda oo uu cudurkan faro ba’an ku hayo ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika, kuwaas oo u kala safra labada waddan, waxaana cabsi weyn lga qabaa in cudurku uu soo gaaro Soomaaliya. Ugu dambeyn, Cudurka Ebola ayaa dadka qaba la karantiilaa ilaa 21 casho si looga hortago in dadka qaba cudurkan ay la fal-galaan bulshada inteeda kale, waana cudur halis badan oo dilaa ah. PUNTLAND POST The post Qofkii ugu horreeyay oo qaba cudurka EBOLA oo lagu arkay Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Ajandaha kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo shalay la ansixiyay, ayaa lagu daray qodob ku saabsan, in dib u eegis lagu sameeyo, heshiiska ballaaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay xukuumaddii hore ee Puntland la gashay shirkadda DP World. Qodobkan ayaa sida la sheegayo, waxaa soo diyaariyay mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Puntland, oo doonaya in dib loogu noqdo heshiiska DP World, maadaama sida ay qabaan 2 sano kadib heshiiskaasi, aysan jirin wax shaqa ah oo laga qabtay dekedda Boosaaso. Heshiiska DP World oo soconaya muddo 30 sannadood ah, ayaa waxaa bishii Apriil ee sannadkii 2017 wada saxiixday, madaxweynihii hore Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman. Nuxurka heshiiskaasi ayaa dhigaya in shirkaddu ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo lagu kordhin doono 450 mitir oo ballac ah. Sida ku xusan heshiiska, shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar. Baarlamankii hore ee Puntland ayaa heshiiska ansixiyay 27-kii july 2017, balse mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada cusub ee Puntland, ayaa ku doodaya in dib loogu noqdo, maadaama sida ay sheegayaan aan mudadaasi wax shaqa ah laga qaban dekedda. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dib ugu noqonaya heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Dhabancad Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo maamulka gobolka Nugaal, ayaa sida qorshaysan saaka furi doona kal-fadhiga golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Golaha degaanka demada Buurtinle oo ka kooban 23 xubnood, ayaa la sheegayaa in ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha degmada, Maxamed maxamuud Axmed (Buur-dibi) oo ay ku eedeyanayan dhega’adayg iyo xil-gudasho la’aan. 16 xubnood oo kamid ah 23-da xildhibaan ee golaha degaanka Buurtinle, ayaa soo gudbiyay mooshinka xilka qaadista guddoomiye Buur-dibi, waxaana fashilmay dadaalay odoyaasha degmadaasi ku doonayeen in ay ku xalliyaan khilaafka guddoomiyaha iyo xildhibaannada. Markii la xisaabiyo wadarta guud ee golaha degaanka buurtinle oo dhan 23 xubnood iyo xildhibaannada mooshinka wada, waxaa soo baxaysa natiijo muujinaysa in sidaasi Buur-dibi xilkii looga qaaday, haddii aan wax kale is-beddelin. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha degmada Buurtinle oo xilka laga qaadayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda caafimaadka Somalia ayaa si taxadar leh uga hadashay cudurka halista ah ee Ebola oo ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan walaac xooggan inuu soo gaaro Somalia. Wasiiradda caafimaadka DF, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Somalia aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco cudurka Eboola oo kiisas ka mid ah laga helay dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan dalka. Cudurkan ayaa wuxuu horay dhibaatooyin ba’an uga geystay dalal badan oo Afirka ah, waxaana Somalia laga saaray ciidan ka socday dalka Sierra Leone oo qayb ka ahaa hawl-galka AMISOM, cabsi laga qabo inuu cudurkan u soo gudbo Somalia. Haddaba, Cudurkan ayaa waxaa laga helay dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Somalia, taasoo keentay walaaca laga qabo in cudurkan uu si fudud kusoo gaaro Somalia, haddii uu soo gaarana ay dhibaato weyn oo caafimaad ka dhici karo dalkeenna, maadaama aysan hay’adihiisa caafimadku awood badan u lahayn ka hor-tagga cudurka. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia PUNTLAND POST The post DF oo si taxaddar leh uga hadashay cabsida laga qabo cudurka halista ah ee EBOLA appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo ( SMN )Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaraxyada oo labo ahaa, islamarkaana ka dhashay Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa lala bartilmaameedsaday Ciidamadaasi, xilli ay marayeen duleedka degmadaasi. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, waxa ay ay baahiyeen in ay ku dileedn illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada K/ Galbeed Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dil qorsheysan oo Dagaalyahannadooda ay ka fuliyeen gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilkan ayaa waxa ay timaameen in ay u geysteen mid ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku soo xulay magaalada Baydhabo ee xarunta G/ Baay, kaas oo magaciisa ay ku soo gaabiyeen Maxamed. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal ka fuliya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Afhayeenka Dagaalamayaasha Al-Shabaab Sheekh Cabdil caziiz Abuu Muscab oo qabtay shir jaraa’id oo lagu faafiyay Baraha Internetka Al Shabaab ayaa uga warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Dagaalamayaashoodu ka fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari Iyo Soomaaliya. Sheekh Abuu Muscab, wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday howlgalladii u dambeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Gobolka Waqooyi Bari ee ay ka arrimiso dowladda Kenya, isagoona ka hadlay khasaaraha ka dhashey weeraradaas. Wuxuu xusay in illaa 5 Howlgal oo kala duwan ay halkaas ka fuliyeen kuna dileen inkabadan 10 Askari oo Kenyan ah , sidoo kale ay ku soo qafaasheen illaa 3 Askari oo Kenyan ah iyo Saanad dagaal. Wuxuu sidoo kale Afhayeenku soo hadal qaaday qaraxyadii Maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay gallaafteen nolosha inkabadan 50 xubnood oo katirsan dowladda federaalka Somalia sida uu Hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Afhayeenka Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka hadl howlgal uu ku sheegay mid gaar ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaas oo lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Cali Dhiif oo katirsanaa sirdoonka maamulka Galmudug. Sarkaalkaan Lagu Magacaabi jiray Cali Dhiif ayaa ah Sarkaalkii dilkiisa kadib Maleeshiyo ku heyb ahayd ay ku laayeen dad fara badan oo aan waxba galabsan kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-170619.mp3 View the full article
-
Qiyamka bulsho leedahay ayaa waxa ka dhasha hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulshadaasi ku dhaqmayso. Hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulsho kastana waxay leedahay xeerar iyo hagayaal gundhig ay u yihiin qiyamka guud ee bulshadaasi. Waxmataraha kurisga madaxtinimada ku fariista ama derejada uu bulsho hoggaaminayo gaara, waxaa is dabooli waaya markasta, shaqada siyaasadeed ee laga rabo iyo falcelintiisa oo noqota falal aan ku habboonayn shaqada uu hayo. Maadaama madaxtinnimadu ama hoggaaminta bulsho ay u baahan tahay xirfad gaar ah, awood hoggaamineed iyo tilmaamo ku habboon kursiga uu kufariisanayo qofkaasi. Waxmatare-nimada siyaasadeedna waxay kamid tahay cudurrada naafeeya shaqada siyaasadda, qofka waxmataraha ahna labo ayuu mid yahay, doqon ama mid is doqonaysiinaya. “Qofka caadiga ah (aan xil gaar ah hayn), dadka wuxuu ula dhaqmaa isaga oo isu muujinaya inuu yahay; qof Caqli-badan, Xikmad-badan, Waddani ah, Geesi ah, Aqoonyahan ah, Halyey ah, Naftiis-hure ah Iwm. Balse marka uu qofkaasi ku fariisto kursi bulshado loogu adeegayo (Kursiga madaxtinnimada), waxaa soo baxda waxmatare-nimadiisa (Doqonnimadiisa).” Maadaam madaxtinnimadu leedahay soo jiidasho iyo bidhaan wanaagsan, bulsho kastaana waxay leedahay waxmatare doonaya in uu kursigaas madaxtinnimada ku fariisto. Waxmatare-nimada Siyaasadeed, loolama jeedo doqonnimo iyo nuqsaan caqli-ahaan uga muuqata qofkaas kursiga madaxtinnimada ku fadhiya, balse waa qofka oo kursi bulsho loogu shaqaynayo ku fariista isaga oo aan awooddeedii xirfadeed lahayn. Haddab, sida sooyaalku ka markhaati kacayo, waxaa jira habab fudud oo waxmataruhu xukunka ku gaaro. Waxaana kamid ah:- DHAXALTOOYO: Waxayna u qaybsantaa Labo qaybood oo kala ah: B) Dhaxaltooyo Toos ah: arrintaani waxay ka dhacdaa inta badan maamullada nidaamkooda siyaasadeed uu ku dhisan yahay ‘‘Nidaamka Boqortooyada’’. Nidaamkaani wuxuu fursad siinayaa qof aan aqoon, waayo-aragnimo iyo xirfad kale ee hoggaamineed aan lahayn in uu aayaha ummad dhan ka taliyo, maadaama uu yahay dhaxal-sugaha sharciga ah ee nidaamkaas ama dowladdaas. Habkaan ayaa ah hab fudud oo qof walba uu xukunka ku gaari karo. T) Dhaxaltooyo Maldahan: habkaan waxaa kaloo loo yaqaan ‘Dhaxaltooyo aan Toos ahayn’; waxay inta badan ka dhacdaa dalalka Nidaamka Jamhuuriga ah ku dhaqma. Tusaale; markii uu dhinto Madaxweyne, dadkii ku hareereysnaa waxay soo jeedinayaan ama ka shaqaynayaan, iyagoo dantooda gaar ah ka dhex arkay in wiilka Madaxweynaha geeriyooday ama cid ay isku hayb yihiin xukunka ay la wareegaan. Iyagoo marin habaabinaya doonitaanka bulshada kana been abuuranaya doorashada. 2.Kuxigeen-nimo: Siyaabaha fudud ee qof kasta oo waxmatare ah ku gaari karo xukunka waxaa kamid ah; qof Kuxigeen u ah Xaakim ama Madaxweyne gaaray yoolkii bulshadiisu higsanaysay, guulo badanna gaaray, bulshadana kalsooni buuxda ka helay. Kaas oo har iyo habeenba u soo jeeday gudashada masuuliyadda saaaran, uuna culaysinayay xilka uu sido. Qofkaas Kuxigeenka ah, wuxuu fursaddaas uu xukunka ku gaarayo ku helikaraa oo kaliya qofka uu Kuxigeenka u yahay oo meesha ka baxa (dhinta, ladilo, iscasila Iwm), isagoo halkaas magac iyo maamuus kaga raadsanaya bulshada qofkaas meesha ka baxay, maadaama uu ahaa Xaakim ama Madaxweyne waxqab leh lana jecelyahay. 3. Kacdoon aan dhammays-noqon: Habkaani wuxuu kamid yahay siyaabaha ugu layaabka badan ee waxmataruhu xukunka kugaaro. Kacdoonada aan dhammayska noqon waxaa loola jeedaa; kacdoon aan lagaarin yoolkii laga lahaa isla markaasna natiijadii laga doonayey aaney kasoo bixin. Sida sooyaalka aad ka arki kartaan, kacdoonadaas kadib dadku way niyad-jabaan, wey isdhiibaan, qalalaase, baqdin iyo cabsi ayaana wehel u noqota. Taasi waxay keentaa in bulshadaasi ay aqbalaan qofkasta oo nabad-gelyadooda damaanad qaadikaraya, iyaga oo aan eegin qofkaas sooyaalkiisa, afkaartiisa iyo hab-dhaqankiisa. Halkaas na waxaa fursad kahela qof aan wax waayo-aragnimo, aqoon iyo mawhibo kale oo maamul lahayn, balse oo kaliya xirfad ciidannimo sheegta (Askari), bulshaduna ay ku tuhmayso in xaaladdaan cakiran uu nabad kusoo dabaalikaro. Balse nasiib darro, bulshadaasi muddo badan kadib waxay ogaadaan in ammaankii ay ku tuhmayeen qofkaas ay mala-awaal iyo waxba kama-jiraan tahay. 4: Geeri Degdeg ah: Habkaan ayaa ah kan ugu danbeeya, arrintaan ayaa ka dhigan, in Madaxweyne ama Xaakim ay ku timaaddo geeri degdeg ah. Kolkaasna iyada oo aan laysku waafaqin ciddii beddeli lahayd, daaha-gadaashiisa uu kasoo boxo qof aan lafilayn, oo markii horena udhowaa Madaxweynaha geeriyooday balse dadku aysan ka filayn khiyaano Iwm, taas cagsigeedana doqon loo arkayay. Balse qofkaasi wuxuu u gaatamayey oo sugayey kaliya fursad uu xukunka ku gaaro, inta badan na qofkaasi wey adagtahay in uu xukunka ka dego. W/Q: Aadam Salaad – Badiic Istanbul – Turkey The post Waxmataruhu sidee ku gaaraa kursiga madaxtinimada? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Dhuusomareeb ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad dad shacab ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb. Dadka shacabka ahaa ayaa kasoo jeeday deegaanada Koofur Galbeed, waxaana todobaadkii hore lagu dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug. Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in ciidamada ay saacado badan kadib soo qabteen dadkii falkaasi ka dambeeyay, kuwaasi oo shacabka ku dilay duleedka Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug. Deegaanka dadka shacabka ah lagu dilay ayaa la sheegay inay maalmihii ugu dambeeyay ka taagneyd xiisad qabiil, waxaana marar badan dad shacab ah isaga dilay labo maleeshiyaad ah oo halkaasi wada daga. Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in dadka la qabtay cadaaladda la marsiin doono, islamarkaana cadaaladda ay heli doonaan dadkii shacabka laga dilay. Dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga guuleysto dadka dhibaatada amni darada geysanaya. Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo dhawaan xasuuq uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii dad shacab ah oo kasoo jeeda Deegaanada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Hoos ka dhageyso codka Sheikh Shaakir. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Cod-Sheekh-Shaakir.mp3Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com