Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The two neighboring countries have had long-lucrative and plausible relations, whether it’s diplomatic, business, social intermingling, and others. Kenya hosts the largest refugee camps globally from Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. In recent days, the ambassador of India to the Federal Republic of Somalia, His Excellence Shri Rahul Chhabra, who is also the High Commissioner of India to the Republic of Kenya, went on tour to Somalia visiting Mogadishu, Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanah-07072019-OK.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray Baadigoobka Hannaanka Doorasho ee ugu habboon sanadka 2020, warbixintan lagu salleeyay hab cilmi baaris ah oo la xiriira taxanaha doorashadii hore dalka uga dhacay. Markii shanaad ilaa sannadkii 2000, Soomaaliya waxa ay baadi-goobaysaa qaab doorasho oo dalka u horseeda hannaanka dimuqraadiyadda. Taasina waa arrin marna la bogaadiyo, marna astaan u ah dib-u-dhac, waji-gabax leh. Hadalhaynta hannaan doorasho oo dimuqraaddi ah waxa ay muujinaysaa in dalku uu hakasho la’aan cagta saaray waddadii dimuqraaddiyadda isaga oo dalku uu ku yaal gobol ay siyaasaddiisa la hareen, maamullo keli-talis ah. Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay si joogto ah ugu fashilantay in ay iska rogto heeryada qabiil wax-ku-qaybsiga ee siyaasadda, ayna u gudubto si kama-danbays ah doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah. Soomaaliyana waxa ay ahayd, waddan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah hiddo u leh, kuwaas oo soo bilaabay markii gobanimada la qaatay 1960. Weliba, madaxweynihii kowaad ee dalka, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), waa madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrika ee doorasho looga adkaado, kaas oo muran la’aan aqbala in laga cod-badiyey. Madaxweyne Aadan Cadde, waxa uu weliba diidey isku dayo taageerayaashiisa ay doonayeen in ay ugu qiil-dayaan si uu xukunka u sii hayo, isaga oo uga gol lahaa in uu xididada u sii aaso, dimuqraadiyaddii curdanka ahayd. Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. The U.S. women's national soccer team proved their dominance at the 2019 Women's World Cup by defeating the Netherlands 2-0 on Sunday in the championship match. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka. Dhankiisa, Mudane Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. View the full article
  7. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu joogay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool xariga ka jaray Mashaariic Kala Duwan oo ay kamid yihiin, Wadooyin oo dhismahooda mudo socday, waxaana dhismaha Wadooyinka iska kaashtat JPLG iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen wuxuu dhagax dhigey dhismaha MCH cusub iyo Dhismaha Wado muhiim u ah isku socodka Shacabka iyo Gaadiidka oo gaareysa 1.5KM qeyb weyna ka qaadaneysa horumarinta deegaanka. Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golihiisa wasiirada Koonfur Galbeed ayaa shacabka magaalada Xudur kula dardaarmay iney ka shaqeeyaan sidii deegaanka loo horumarin lahaa lana shaqeeyaan maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirada Wasaaradaha Howlaha guud iyo Guryeynta iyo Maaliyadda KGS oo qeyb ka ahaa Wafdiga Madaxweynaha, islamarkaasina madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehlinaayey Xarig ka jarista Mashaariicda ayaa ka hadley Muhiimada ay u leedahey dadka deegaanka iyo sidoo kale Kaalinta wasaaradahooda ee horumarinta Gobalka Bakool. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa muhiimada mashaariicdaan qaarkood xariga uu ka jiray halka kuwo kale uu dhagax dhigay ku tilmaamay mid loogu talagalay iney shacabka degmada Xudur ka faa’ideystaan,wuxuuna u balan qaaday iney karaankooda ka hagran doonin shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-07072019.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa maanta si adag uga hadlay habka Madaxda dalku ay u maamulan dowladda.Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda ay u dhaqmaan sidii ay maamulan dowlad dhisan oo awood leh, isagoona xusey inay Somaliya tahay dal ku guda jira geedi socodka dowlad dhisida. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey hadii fahamka siyaasadu uu qaldamo ay ka dhalan karaan natiijooyin uu ugu yeeray xagjirnimo iyo jahwareer, kuwaasi oo ah fahamka khaldan ee dowladnimada. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona xusey inay waxba ku kala duwaneen kuwa raba inay faham diimeed oo qaldan meel mariyan iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Si aad u garato halka aad u socoto waxaa lagama maarmaan ah in aad garanayso halka aad joogto. Soomaaliya waa dal ku guda jira geedi socod dawlad dhisid, waxaase muuqata madaxda talada dalka haysa in ay u dhaqmayaan sidii in ay dawlad dhisan maamulayaan oo kale. Haddii fahamku khaldan yahay, ha sugin in ficilku hagaago, haddii aadan garanaynin halka aad taagan tahay, way adagtahay in aad halka aad u socoto haleesho. Fahamka siyaasadeed oo khaldama, natiijadiisu waa xagjirnimo iyo jahwareer ah, sababtoo ah waxaa is herdinaya waxa uu meelmari is leeyahay ruuxa fahamka khaldan wata iyo dhabta waaqaca horyaala. Waxba isma dooriyaan qolada doonaysa in ay faham khaldan oo diineed meelmariyaan, iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan”. Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  10. Dowled gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ka soo hor jeesatay warqad qoraal aheyd oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha dib-u-heshiisiinta iyo faderaaleynta Soomaaliya, oo lagu xusay hannaanka iyo doorashada Jubbaland. Puntland waxaa ay sheegtay in dowladda dhexe ay faragalin qaawan ay ku hayso dowladdaha xubnaha ka ah, waxa ayna ugu baaqaday in ay ixtiraamto hanaankii Soomaali ay ku heshiisay ee federaalka. Puntland waxaa ay sidoo kale dowladda federaalka ugu baaqdey iney dhowrto heshiiska federaalka, farahana kala baxdo doorashada dowlad gobokeedyada Jubbaland iyo Galmudug Halkaan ka akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garoowe (Caasimadda Online)- Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Warka soo saartay Doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan maamul Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Puntland ayaa waxa looga hadlay Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay habraaha Doorashada maamulka Jubbaland. Puntland ayaa dowladda Federaalka uga digtay inay faragelin ku sameeyso Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug,kuwaasi oo kala dhici doona Bishan July iyo Bisha soo socota ee 2019,iyadoona dowladda labada Doorasho horey war uga soo saartay. Sidoo kale maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku booriyay inay ixtiraamto dadka reer Jubbaland iyo Galmudug si ay u soo doortaan Madaxdooda si waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurada u gaarka ah labada maamul Goboleed. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Puntland Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  12. Wasaaradda arrimaha gudaha, dimuquraadiyeynta iyo arrimaha federalka dowladda Puntland ayaa hogaamiyayaasha Villa Somalia uga digtey inay faragelin ku sameeyaan doorashooyinka maamulada Jubbaland iyo Galmudug. AKHRISO Source
  13. Some founders of Puntland universities taught or got educated at the Somali National University (SNU). Faculties of SNU had links with Italian universities. The relationship had a positive impact on the quality of the curriculum. After 1991 many Puntland professionals had tertiary education in Italy. They can play a role in creating links between Puntland and Italian universities. They can also pioneer to open Italian language schools because Italy is one G7 countries that own 58% of global wealth. The former FAI invested in the construction of the infrastructure on which Puntland relies. People of Puntland are grateful to Italian taxpayers. Higher education links between Puntland and Italian universities will positively contribute to the quality of the curriculum and universities’ administration. Before the collapse of the state in 1991 there were no universities in Puntland. It shares with other parts of Somalia the absence of institutional history as to how to run a university due to the looting of documents after state collapse. Puntlandpost urges Puntland Government to lend a hand to efforts aimed at creating technical cooperation between Puntland and Italian universities. The post Create links between Puntland and Italian Universities appeared first on Puntland Post.
  14. Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya fara-gelinta qaawan ay ku hayso doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland oo sida qorshaysan dhici doonta 30-Agoosto 2019. War-saxaafadeed ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo tixraacaya qoraalkii ay xalay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa habraaca doorashada Jubaland ayaa looga digay xukuumadda Federaalka fara-gelinta ay ku waddo doorashada madaxtinimada Jubaland. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Villa Somalia ku boorrisay in ay ixtiraamto doorashooyinka u qorshaysan dadka reer Galmudug iyo Jubaland si ay madaxdooda u soo doortan hab waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka. Dhanka kale Puntland waxay dowladda Federaalka iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ku waanisay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka dalka lagana fogaado wixii khilaaf cusub iyo xiisad keeni kara. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Villa Somalia digniin ku siisay in aysan fara-gelin doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  15. Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka ee Gobolka Sool Caaqil Axmed Maxamuud Daad ‘Sanyare’ ayaa ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe mid maalinba beel sheegta isla markaana sameeya cadaawad [...] Source
  16. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Guinea conakry ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayey dadkii soo dhoweeyay, ayaa ka warbixiyay safarkiisi dalka Guinea conakry oo uu ku tilmaamay mid guul u soo hoyiyay Somaliland, isagoo uga mahadceliyay madaxda waddanka Guinea sida ay hab-maamuuska ay siiyeen wefdigiisa. Dhinaca kale, wuxuu dameer ciyay ku tilmaamay hadalkii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay in ay xiriirka u jartay waddanka Guinea conakry kadib markii Muuse Biixi si hab-maamus sare leh loogu soo dhoweeyay. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo dameer ciyay ku tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka. Dhankiisa, Mudane Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Cadaado (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari Cabd Bile ah oo maanta ku rogmaday duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Gaarigan ayaa la sheegaya in ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Galmudug. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo ka tirsan Ciidamada maamulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in ay ku jiraan kuwa halis ah, kuwaas oo hatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Cadaado Dhinaca kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaaladaasi. Taliyeyaashan oo ka soo baxay Dhuusamareeb ayaa Cadaado ay u tagay arrimo la xariira diiwan gelin ciidan oo ay dowladdu ka wado deegaanada Galmudug. Kadib booqashadii Ra’iisul wasaare Khayre ee Galgaduud dowladda dhexe ayaa la wareegtay ciidamadii Ahlu-Sunna iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa gobolkaasi. View the full article
  19. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta bandhigay Haweeney la sheegay in ay iska dhigi jirtay nin, taas oo in muddo ah ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi, balse waxa ay dadka deegaanka u yaqaaneen Deeq Cabdullaahi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Haweeneydani ay hubeysneyd, islamarkaana lagu soo qabtay Bistoolad ay sheegtay inay ku ilaalsan jirtay Dukaan ay laheyd Maxamed Nuur Cali oo ah taliyaha Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan, ayna ku socdaan baaritaano xoogan. Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Haweeneydani ay xiriir la sameysay Haween kale, iyada oo iska dhigeysa Rag. Lama oga waxa ku kalifay Deeqo tallaabada ay qaaday, balse waxaa weli dabagal ku haya laamaha amniga ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Haregeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay Hargeysa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo isugu baxay magaalada Hargeysa oo xarunta maamulkaasi. Sidoo kale banaanbaxyo waa weyn oo qeyb ka ah soo dhaweynta wafdigan ayaa ka dhacay halkaasi. Dadweynaha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo sidoo kale kuwa ay ku qoran Erayo ay ugu mahadcelinayaan shacabka iyo madaxda dalka galbeedka Africa ku yaalla ee Guinea. Muuse Biixe Cabdi ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in Somaliland ay si wadi doonto qorshaha ay ku ballaarineyso xiriirka arrimaha dibadda. Dhawaan wafdigani ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Guinea, taas oo sababtay in dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirka u jarto dalkaasi, kadib markii ay sheegtay inuu ku xadgudbay Madax bananida iyo Qaranimnada Soomaaliya. View the full article