-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal waqtigaan laga saaro dalka Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay gudiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada. Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka. Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xiriira arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan. Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni daro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka. Madaxda dowlada dhexe ayaa qaba in dalka uu u baahan yahay dhaqaale si uu kaga baxo ku tiirsanaanta wadamada taageera Soomaaliya. Universal Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muranka dhinaca badda ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ay hurinayaan Waddamada Norway iyo UK, sidaas darteedna ay gudbin doonto dacwad iyaga ka dhan ah gudbineyso. Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, afhayeenka Xukuumadda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in waxa ugu wanaagsan ee xal lagu gaari karo uu yahay wadahadal dhex mara labada dhinac ee is heysta. Peter Kagwanja, oo ah Khabiir Kenyaan ah islamarkaana falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Kenya dacwaddeeda badda ay ahayd hal heer halka Soomaaliya ay gudbisay dacwad dhan 10 heer oo tiiba ka kooban tahay 250 bog, iyada oo gacan ka halaysa dalalka reer galbeedka. Kagwanja ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay in Soomaaliya ay maaliyad iyo talo ahaan ka gacan siinayaan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya, ayaga oo eeganaya dantooda shidaalka Soomaaliya. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayuu wargeyska Daily Nation ka soo xigtay iyaga oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeynaya in ay xiriir la leeyihiin sharikado shidaal baaris oo ay leeyihiin Norway, Canada iyo Sweden, sidoo kalena ay taageero farsamo ka helayaan dalalkooda. Kenya ayaa soo jeedisay in muranka labada dal lagu xalliyo kulan dhexmara wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, laakiin kulamo ay horay u yeesheen oo aysan waxba ka soo bixin ayaa rajo xumo gelinaya mira dhalka kulan kale. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada hoggaanka guud ee ururka, kaas oo sedexdii sanaba mar la soo doorto. Waa doorasho ay ka qeyb galaan dhammaan saxafiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimaada gobalada dalka iyo kuwa kunool magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku doortaan hoogaankooda. Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimow, oo saxafiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonto 27 bisha June 2019-ka, asaga oo sidoo kale ka war bixiyay wixii u soo qabsoomay muddadii sedexda sano aheyd ee la soo dhaafay. “Maanta si rasmi ah suxufiinta Soomaaliyeed aan gacantooda ku soo celino waqtigii naga dhammaaday oo lana qabanaayo doorasho, waxaan si cad u shaacinaynaa in maalinta taariikhdu tahay 27 ka bisha June 2019 -ka in Muqdisho lagu qaban doono shir weynihii golaha suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galiya dhamaan saxfiyiinta oo ka kala imanaya gobalada dalka waxaana la qabanayaa doorashadii Ururka”. Sidoo kale Macalimow oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in ururka sedexdii sano ee la soo dhaafay ay wax badan ay u qabsoomeen, waxa uuna xusay in ay meel aad u hooseyso ay wax ka soo bilaabeen maantana ay marayaan meel aad u wanaagsan. “ Waxa aan wax ka bilownay heer hoose xitaa annaga oo aan xafiis la heyn meel aan aad aanan aqoon ayaan howl bilaawnay, hoggaanka hadda joogana aa la doortay , maanta waxaa Allah mahadiis ah inaan leenahay xafiisyo shaqeeyo”. Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa xusay intii maalkaan uu jiray in saxafiin badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen tabaro la xariira Saxaafadda, kuwaas oo ku kala sugan gobalada dalka. “ Waxaad ogtihiin tababarro in aan ku qabannay meel weliba oo waddanka ah ma jiro dowled gobaleed mar ama dhowr jeer aan lagu noqon inuusan jirin, waxaana doonayaa inaan halkaan ugu mahad celiyo Faarax Cumar Nuur, oo ah ustaadkii tababaradaas noo fulinayay”. Ugu danbeyn xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ waxa uu sheegay intii lagu jiray sedexdii sano ee na soo dhaafay in ay ilaaliyeen inuu dhaco wax Musuqmaasuqa oo lagu sameeyo dhaqeele loogu talagalay wariye dhintay ama uu dhaawmay ayna ku guuleysteen in wixii loogu tala galay ay gaaraan. ” Waxaan aheyn had iyo jeer haddii wariye dhib uu ku dhaco inaan aheyn kuwii u doodaayay, waxaan la dagaalnay inuu Musumaasuq dhaco, waxaad ogtihiin dad agooman ah ama dhaawaca waxooda la qaadan jiray waxa aan sameynay hab cad oo ah in qofka iyo hay’adda wax siinaysay aan isku xiraynay si ay meeshaba uga fogaato inuu wax mugdiyanba uu yimaado” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay falkii lagu dilay kudhawaad 10 ruux oo ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Hay’ adda ayaana ku baaqday in la garab istaago Ehelada dadkii la dilay sidii ay ku heli lahaayeen cadaaladda, dadkii danbiga gaalayna loo horkeeni lahaa sharciga. Madaxa Golaha Culimada Soomaalida Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in culima ahaan ay aad uga xun yihiin wixii dhacay, assaga oo dalbaday in cadaaladda la horgeeyo dadkii geeystay falkaas aanan laga harin ilaa sharciga la mariyo. “ Falka nuucaas ah waxaa la oran karaa inuu ahaa xasuuq dadka hadii isir ahaan loo raad sado, waana danbiyada waa weyn Diin ahaan, Qaanuun ahaana qatartiisa ayuu leeyahay , waxaan garanayaa hadda ka hor in halkaas dad u badan culimo Tabliiqa ah in lagu laayay oo Bakistaan u dhashay ayaan filaayaa ”. Sidoo kale Sheekh Bashiir oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dhibka ka dhacay ay ugu wacan tahay maamulka oo liito iyo waliba dadka shacabka oo gacantooda uu ku jiro hub aad u fara badan. “ Waxa ay muujinaysaa habacsanaanta maamulka ee meesha ka jiro iyo hubka oo aad ugu badan magaalada shabkana ay heystaan, dadkii waxaa loo baahnaa in ay kala danbeyta aaminaan oo wixii dhaco dowladda loo daayo, sargaalbaa la dilay intaas oo saraakiil ah ayaa horay loo dilay, aqoonyahan ayaa la dilaa culimo ayaa la dilaa” Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa sheegay in arrintaan ay keeni karto in dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan halkii ay ka yimaadeen iyo qabiil qabiilkii, assaga oo intaas ku daray in ay tahay arrin qatarteeda wadato siwada jirana looga hor tago. “ Tilmaan aad u xun ayey tilmaameysaa, waxaana ka dhalan kara in dadku mar labaad ay ku noqdaan halkii ay ka soo ka banaysay ee gobalgobkii iyo qabiilkii, in ayadoo maanta Soomaali wada dhaqmaysay oo wada noolaneysay in arrintaan lagu dhexbeero waa sheey qatartiisa leh weeyaan,in laga gaaro ayaan soo jeedinaynaa” Ugu danbeyn Gudoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan wax waliba oo dhaawici kara midnimadooda iyo wada jirkooda . “ Waxaan annagu adkaynaynaa in Soomaalidu adkaystaan walaaltinimadooda is dhexgalkooda la adkeeyo, waa in aad layskaga ilaaliyo tilaaba waliba oo dadka Soomaaliyeed kala dili karto nuuc waliba ay ahaato, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo muslimiin ah qof kasto oo Soomaaliya dalka waa inuu ka dagi karo meeshii rabo uuna tagi karo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen niman ku sugan magaalada Baydhabo oo bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka nimankaasi ka jeediyeen magaalada Baydhabo ee lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland maadaama aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland. Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah. Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi. Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka PUNTLAND POST The post Garoowe: Nabaddoon si adag uga fal-celiyay hadal ka soo yeeray niman jooga Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Caabudwaaq (SMN) – Wararka ka imaanaya Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gobolkaasi. Xiisadan u dhexeyso labo Maleeshiyo Beeleed ayaa haatan ka aloolsan deegaanka Bali-wasaq ee waqooyiga gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa haatan socdo, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinyaan in markale dagaal uu ka qaraxo halkaasi. Shalay ayey aheyd markii Maleeshiyaadka labada dhinac ay ku dagaalameen deegaanka Bali-wasaq ee gobolka Galgaduud . View the full article
-
By PETER KAGWANJA At the dawn of this century, the then editor of the Foreign Affairs Journal, James Fulton Hoge Jr., rightly observed that the global “transfer of power from West to East” was “dramatically changing the context for dealing with international challenges—as well as the challenges themselves” (Foreign Affairs,July/August, 2004). MESSIANIC SENSE In the Horn of Africa, the return to peace and collapse of sit-tight dictatorial regimes is spawning a major power shift. It is also challenging Kenya’s influence in the region over the last five decades in a profound and palpable way. The old regional balance of power that sustained Kenya’s regional influence rested on three pillars. One was a Strategic Alliance, a mutual defence pact ratified by the two countries in December 1963, with scions of the Solomonic Dynasty. The Kenya-Ethiopia Defence pact, which sought to curb the territorial and power ambitions of an increasingly militaristic and expansionist Somalia, ensured that Kenya and Ethiopia coexisted and collaborated in a duality of power as two regional powers with little competition for legitimacy or influence. Second, this duality of power has rested on the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) established in 1996. Third, the Ethiopia-Kenya duality of power within IGAD gave the two powers a huge influence in the African Union and its Peace and Security Architecture (APSA). This enabled them to sustain the African Mission in Somalia (AMISOM) that has waged war against the terrorism in Somalia. Sadly, this old regional security regime appears to be falling apart. The relative peace that has followed the end of civil wars in Ethiopia and Somalia in recent decades coupled with the thawing of historic power rivalries especially between Ethiopia, Eritrea and Somalia has shifted the axis of power to new alliances. Power is gradually shifting to Eritrea and its allies in post-civil war Ethiopia and Somalia. Having emerged from the ashes of a long war of Independence against Ethiopia from 1961-1991, Eritrea is one of the few surviving nationalist and revolutionary regimes in Africa. It has a messianic sense of itself in the Ethiopia state, claiming a special contribution to ending the Ethiopia civil war and securing the post-bellum power. ETHNIC SUPRMACIST After defeating the Ethiopian forces in Eritrea, the Eritrean People’s Liberation Front (EPLF) helped the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF), a coalition of Ethiopian rebel forces, to capture Addis Ababa and install a transitional government 1991. However, although Eritrea declared its independence and gained international recognition in 1993, supremacy wars and hostilities between EPRDF and EPLF sparked the Eritrean–Ethiopian War (1998–2000), a low-intensity border conflict (2000–2018) and complex proxy wars. Three developments have shifted the axis of power in favour of a resurgent Ethio-Eritrea détente. One is the rise of Abiy Ahmed Ali as Prime Minister in Ethiopia and EPRDF leader on April 2, 2018 which paved the way for two powerful allies in the Ethiopian Civil War to join ranks in regional power politics. Second, and related to this, on July 9, Afwerki and Abiy signed the historic 2018 Eritrea–Ethiopia peace pact, formally ending the border conflict, hostilities and proxy wars between the two countries, restoring full diplomatic relations. Third, the election of Mohamed Abdullahi (Farmajo) as the President of Somalia in 2017, heralded the resurgence of ethnic supremacist politics inside Somalia and pan-Somali nationalism as the organising principle in Somalia’s regional relations. After July 2018, Farmajo joined Afwerki and Abiy with the idea of a New Horn as the tie that binds the trio. The removal of long-time Sudanese strongman Omar El-Bashir on April 11, 2019 has left Afwerki as the senior-most leader and, arguably, the most influential figure shaping politics in the Horn of Africa. In a rare case where authoritarianism is aiding and securing liberal reforms, Afwerki’s Eritrea, touted in the media as “Africa’s North Korea”, is the guarantor of stability in Ethiopia. TRIPLE DETENTE Here, Abiy’s sweeping political and economic reforms have their discontents, especially Ethiopian Federalists and the Tigrayans—the ethnic partners in EPRDF who now feel that Abiy’s shake-up of the Ethiopian state is selectively targeting the Tigrayans. Be that as it may, as power shifts to the triple détente in the ‘New Horn’, the future of Kenya’s influence as a regional peacemaker and guarantor of stability is coming into sharp focus. The rise of the idea of the New Horn, largely hoisted on a pan-ethnic idea of “Cushitic Alliance” (Oromo and Somalis), has posed an existential ideological challenge to IGAD and the regional consensus it represents. Second, Ethiopia and Eritrea—with its large fighting force remnants from its war with Ethiopia—are seeking a new role as a military ally to Farmajo. This raises serious questions regarding the future of AMISOM, especially its contingents from Kenya, Uganda, Djibouti and Burudi and the very war against Al-Shabaab terrorists. Third, since the coming to power of Abiy (42), Ethiopia has enhanced its regional soft power, seemingly eclipsing Kenya as the lone regional peacemaker. In the wake of the brutal crackdown on protesters in Sudan which left dozens of people killed on June 3, 2019, Ethiopia has stepped up its peace diplomacy. Indeed, Ethiopia has also moved to broker peace between Kenya and Somalia over the simmering maritime row. Finally, and related to the above, power shift in the Horn has emboldened Somalia in its claim over Kenyan waters in what is unfolding as an existential challenge to the country. Should the ICJ rule in favour of Somalia in the coming months, experts fret that Kenya will loose not only 62,000 square kilometres of its Indian Ocean waters. It also risks losing access to international waters, effectively becoming a ‘land-locked’ country. Professor Peter Kagwanja is Former Government Adviser and currently Chief Executive of Africa Policy institute (Kenya). Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in Hal askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku naf waayey iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Fiqi Ayuub Dad shacab ah iyo Ciidamada Amniga. Sida aanu ku helayno Wararka hordhaca ah, Dad Shacab ah oo gadoodsanaa ayey ciidamada Amnigu isku dayeen inay kala dareeriyaan, taasi oo sababtay inay shacabku tuuryeeyan Ciidamada, oo dhagaxaasina uu sababsaday geerida Hal Askari. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Keyse Maxamed Cawaale, waxaana lagu dilay dhagax, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa dhacdadaasi lagu dhaawacay labo Askari oo la socotay sarkaalka la dilay. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ay shacabku ka gadoodeen, balse waxa soo baxaya warar sheegaya in maalmihii u dambeeyay ay deegaankaasi ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo lagaga baarayo Macdan, taasi oo si weyn uga caarooden dadweynaha dhulkaasi. Wararka qaar ayaa sheegay in kooxo heybtooda aan la garan ay fuliyeen dilkaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi oo la yaab ku noqotay dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed (Americo ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u culus u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Taliye Americo ayaa shacabka uga digay in guryahooda ay ka kireeyaan xubnaha ka midka ah Al-Shabaab ee weerarada iyo qaraxyada ka geysta gobolka Banaadir. Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin haatan wixi ka dambeeya in gabaad la siiyo Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale uu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dajisay qorshe cusub oo lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab. Taliye Ameeriko ayaa sidaa daraadeed shacabka ka dalbaday in ay garab istaagaan Ciidamada ammaanka, kuna soo wargaliyaan khatar kasta oo ay dareemaan. Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo is xig xigay oo waxyeelo ay ka soo gaartay Askar iyo dad shacab ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale oo shacab u badan. “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka arxandarada ahaa, waxaana ALLE uga baryeynaa naxariis kuwii ku naf waayay, sidoo kalena aan caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Turkiga ayaa sheegay inay marwalba la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda taageero dhinac walba leh, si wax looga qabto amaanka iyo qaraxyada ka dhacaya magaaladda Muqdisho. Labadii qarax ee shalay gelinkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sheegtay mas’uuliyadooda Al-Shabaab, oo war ay soo saartey ku sheegtay inay la bartilmaameedsatay baraha koontarool ee ku kala yaalla Isgoysyada Sayidka iyo Lambar Afar. Weerarka ayaa dhacay xilli amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay mudooyinkii dambe, oo ciidamo dheeraad ay ay dowladdu dhigtay wadooyinka kala duwan, oo ay ku baaraan gaadiidka sidoo kalena ay socdaan howlgallo joogto ah oo amniga lagu xaqiijinayo. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay xabsiga u taxaabeen mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Wiilkan la xiray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Tobanle, kaas oo la sheegay in uu ka mid yahay xubnaha u ololeynaya in isbedal uu ka dhaco Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Jubbaland ay xalay Saqdii dhexe Aadan u soo dhaceen, islamarkaana ay kala baxeen Gurigiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wiilkan shalay loo doortay hoggaanka dhalinyarada isbedal doonka ee magaalo xeebeedka Kismaayo. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay cadaadisyo xoogan oo ay Jubbaland ku heysay siyaasiyiiinta iyo dadka ka soo horjeeda ee ku dhaqan deegaaneeda, xilli la filayo in dhawaan doorasho ay ka dhacdo gudaha maamulkaasi. View the full article
-
Galmudug state forces carry out attacks after mass shooting
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Galmudug State security forces have launched an operation in the southern parts of Galkayo town following the murder of 9 civilians on Friday night. The mass shooting drew local and international condemnations as Somali government vows credible investigation into the tragic incident. Galkayo has seen increasing attacks, killings and rape in the past few months as the local authorities are trying to handle the security which could undermine the ongoing efforts. The killing of the nine people hailing from the southern regions came following the assassination of a local security official that was claimed by Al-Shabaab. View the full article -
Afgooye (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose,Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay deegaanka Shalanbood ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan halkaasi. Guddoomiye Najax ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo colaadihii sokeeye ee ragaadiyay gobolka Sh/ Hoose. Waxa uu tilmaamay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Haweenka, Dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta beelaha wada daga gobolkaasi. “Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri guddoomiye Najax. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay dib isugu furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab. Shabeelaha Hoose oo hoostaga K/Galbeed ayaa waxaa la la dagay dagaallo sokeeye oo weli colaadeedu ay ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-160619.mp3 View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku eedeesay dowladda Iran weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiib shidaal oo marayay gacanka Cumaan. Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohamed Bin Salman ayaa sheegay mar uu wareysi siinayay wargayska Sharqul-Awsat in wadankiisa uusan kalaba labeenayn in masuuliyada weerarkaasi ay leedahay Iran. Khamiistii ayay ahayd markii laweeraray labo markab oo ku sugnaa gacanka Cumaan iyadoona weerarkaasi uu kusoo beegmay bil kadib markii laweeraray afar markab oo ku sugnaa biyaha Imaaraatka Carabta. Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa goor sii horeesay weerarkaasi ku eedeesay Iran inkastoo Iran dhankeeda ay dafirtay in wax lug ah ay ku laheed weerarkii kadhacay gacanka Cumaan. Mohamed Bin Salman dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidookale ku sheegay in Iran ay ku fashilantay in ay xushmeeso Ra’iisul Wasaaraha Japan oo Tehran ujoogay wadaxaajood xiligii uu dhacayay weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has lauded security agencies for their bravery following two car bomb attacks in Mogadishu on Saturday. The premier visited the two sites namely Sayidka junction and Kilometer four on Saturday evening respectively and called upon the security forces to double their efforts. Prime Minister Kheyre reminded the officers manning security checkpoints across the city that their tireless efforts will be rewarded by the national leaders. He urged members of the public to closely cooperate with security agencies to improve security. More than ten people were killed and scores others wounded when two car bombs went off in the city. Armed group al-Shabaab claimed the responsibility for the attacks. View the full article
-
Turkey on Saturday condemned terror attacks in the Somalian capital Mogadishu that killed 8 people. “We received the news with deep sorrow that the terrorist attack perpetrated in Mogadishu, resulted in loss of many lives and left several others wounded,” the Turkish Foreign Ministry said in a statement. “We strongly condemn this heinous attack, wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and extend our condolences to the brotherly people and Government of Somalia,” the statement read. At least nine people were killed and more than 25 wounded early Saturday as a result of two separate car bomb attacks in Mogadishu. The first attack targeted a security checkpoint near the parliament building and killed eight people. However, the second blast — on a main road leading to the airport — killed one person. View the full article
-
“Saxardiid hagoog siduu u galay heesna tirin waaye intii uu kadeedkani hirgalay muu halaanhaline sababtuu fankii uga hadhgalay la hubsan doonee” Abwaan Cali Aadan Banfas (IHUN). Gama’ kuuma ekee, Guud-haldhaaleeyeey! Filkaa wuu guddiyoo, goor horuu guntadee. Gama’ kuuma ekee, waa inaad guntataan, God madaw taladiina ama aad ku gurtaan. Geelii aad dhiqi layd, guluf baa la tegoo, Ishaad gaaxsan lahayd, waa lagaa gudhiyee. Waa inaad guntataan, guud-haldhaaleeyeey. Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” (IHUN) Geeridu waa xaq oo qof walba way helaysaa, hase yeeshee way kala xanuun badan yihiin, kalana dareen culus yihiin.Maanta mar aan is idhi ka wardoon Maandeeq ayey indhahaygu qabteen ka waranka geerida haleeshay abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” . Ilaahay waxaan uga baryeynaa Jannatu Fardawsa inuu ugu deeqo. Ururinta sooyaalkiisa oon muddo badan ku dhex jiray ayaa ii suurtogelineysa inaan si dhib yar idiinla wadaago sooyaalkiisa nololeed iyo maanseed. Aad baan uga xumahay inaan waqtigu ii saamixin, Illahayna ii qorin inaan isagoo nool u sheego wanaaga uu ummada reer Soomaaliland u galay iyo siduu ugu soo halgamey. Ilaa 1954kii wuxuu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” qayb laxaad leh ka soo qaatey halgankii ay bulshada reer Soomaaliland ku hanatey xoriyadii 26 Juun 1960, xidigtaa muuqatee na maydhaantee dhaaxaan murugiyo haraad la mutaye maantay curatooy mataanaysee aan maalo hasheena maandeeq dhaaxaan melif iyo rasaas u mutaye waa maalin horle oon isoo marine magowdoo candhadii golaha marisee aan maalo hasheena maandeeq Sidoo kale ayuu markii guushaas la boqno-gooyey uu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” dib u yagleelay hawlgal halgameed lagu soo xero celinayo Maandeeq. Gu’gii 1961 oo uu dib u hanoqaadey halgankii dib u soo xerogeynta Maandeeq ayuu qirayey in gefka laga galay Maandeeq ay bulshada iyo hogaankii siyaasadeed ee xilligaa ee reer Soomaaliland lahaayeen. Waxaa kaliya ee gudboona uu yahay in loo hawlgalo dib u soo celinta Maandeeq.Waxaanu yidhi abwaanku: Midho geedka ku yaala Gunti dar aad ku hayso U gadiggu ma fiicne Maanta garawsadaye Anigu isku gaystoo Galabsaday xumaantee Wixii ila garaadoow Gobonimo ha tuurina Wuxuu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” ka mid ahaa dadka tirada yar ee aan fanka iyo sugaanta u adeegsan quud ka raadin ama shaqo. Had iyo jeer abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” wuxuu lahaa shaqo u gaar ah oo ka raadiyo risiqiisa . Isagoo arintaa ka hadlayana waa kii lahaa “ Nin waliba wuxuu leeyahay jiho gooniya ayuu leeyahay,qaar waxay jecel yihiin fanka inay ka dhigtaan cunno aniguna muruqayga ayaan ka dhiganayey cunno laakiin waxani waxaa weeyey shucuur, oo shuccurtu markay i dhaqaaqdo ayaan dabadeetana xagga fanka u soo kici jiray” Qoraalo taxane ah ayeynu insha Allah ka diyaarin doonaa, ilaa aynu ka gaadhno intaynu awood u yeelano sooyaalkiisa nololeed iyo hal-abuur ee abwaanka. Qaybtii 1 aad: “Qaranimadu waa sharaf qiimaysa Aadmiga, qaaradaha ku kala nool, qal-qalooca neceb, qolo-qolana aan geyin, qab-qab-dhaafay baa dilay, ninka qar iyo buur, iyo isku taaga qow, ee qoomaal yidhaahdow aday kugu qaladan tahay”. Abwaan Saardiid Jabiye (IHUN) markii ololaha doorashada Soomaliland “Heestii ugu horaysay ee tisqaadaa waxay ahayd hees wadani ah oo ka hadlaysay markii “Reserve Area” la bixiyay 1954kii” ayuu yidhi abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” oo ka warcelinayey waydiin aheyd markii uu ugu horeysay ee uu tiriyey maanso hano-qaada. Gu’gii 1954kii ayaa ka mid ah gu’yaasha bulshada reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ee Itoobiya ay aad u xasuusato, dareen murugo lehna ku keena. Waa gu’gii dawladii Ingiriisku soo dhameystirtay wareejintii dhulkii soomaaliyeed ee Hawd and reserve Area. Dareenka dhamaan bulshadii reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ayaa aad isku badaley.Dooxa Hargeysa ayaa la iskugu soo baxey iyadoo dhamaan dadku ay madaxa ku soo xidheen weer cad si ay muuqaal ahaana u soo bandhigaan dareenkooga qoonmey. Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” oo da’ ahaan ku aadanaa xilligaa ilaa 16 jir ayaa uurku-taaladaasi ku kaliftey inuu maansadiisi ugu horeysay ee tisqaada dhagaha bulshadii dareekoogu kacsanaa la wadaagey. abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” waxaa Ma suurawday maanta Sabiguna inuu seexdo Saacan foorara Sifihii Nabigii inoo dhigay (s.c.w) Iyo waxa Ina sugaaya suurtiye Socoyoo wadankii la sii cadaweey Sabaalo hadhayee ,ka sara kaca Biyahaan sara tagin Haduu doox socdo sud xalufa Looma sahansado Socoyoo wadankii la sii cadaweey Sabaalo hadhayee ka sara kaca. Dadka iminka ee reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ayaa muujiyey dareenkoodii, kana falceliyey gefkaa uu Ingiriis fuliyey kuna garab siiyey Amxaaro inay dalkii qaybtaa gacanta ku dhigto. Mar kale ayaa dareenka wadaniyeed ee uu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” lahaa soo burqadey maanso guubaabo ah. Niman yahow is dhiganoo Wakhtigii dhamaayee Dhulku wuu ina sugayaa Cadowgaa dhexdeenaa Maka dhoofinaa Dhagaxbuur Axmaaradii Dadkeenii dhamaysoo Dhimbiilaa ka duulee Cadowgaa dhexdeenaa Maka dhoofinaa. Inakstuu uu dareen maansoodo abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” , haddana waa dadka aadka u adkeysiga badan een muuqaal ahaan aanlaga dareemin waxa gubaya, aanuna saameyn ku yeelan jidhkiisa. Iyadoo lagu jiro maalmihii adkaa ee xornimadoonkii Soomaaliland iyo kicintii Ingiriiska ayuu abwaan Maxamed Ismaaciil Barkhad Cas (IHUN) arkey abwaan Saxardiid (IHUN) oo muuqaal ahaan aad u fiican . Abwaan Barkhad Cas fikirkii iyo hawlgaladii gobanimodoonka ayaa dhafoorkiisa ka muuqdey, muuqaal ahaana waa laga dareemayey in wax gubayeen. Abwaan Saxardiid oo u sheegaya abwaan Barkhad Cas inuu dareenka la qabo, kulana jiro halganka kicinta gumaeysiga ayuu tiriyey maanso ididiilo badan iyo rajo wanaagsan ku abuurtey abwaan Barkhad Cas oo si niyadsan ugu dhawaaqey intii soo kacey oo gacanta qabsadey abwaan Saxardiid: “ Dhiman mayo ilaa aan calanka arko”. Illaahay weedhaa wuu u dhabeeye Abwaan Barkhad Cas waxaanu arkey calankii 26 Juun 1960 la saarey, geeriduna ya haleeshay 1963. Maansadii weedhaa awooda dheer ku boqran ka keentay abwaan Barkhad Cas, wuxuu ku yidhi abwaan Saxardiid: Bilicda hilibkiyo,bidhaanta ha arkine Bukaanka dadku waa nimuu bararshiyo Nimuu baxadiisa kalo jaro’e Balaayoy naftaada ha baqo galin Halka ku bugtaa ana I balashee beerka iyo wadnahaa isu boodaaye Balayoy naftaadaha baqo galin Inaad bari dhaw bul adag noqoto Balan baan kuugu qaaday adoo bogsadee Birta iyo calankaa buruudka ku side, Tixraac: 1-Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” – Wargeyska Haatuf gu’gii 2010. 2- Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” Weriye Axmed Siciid Cige 3-Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” TV-Ga Qaranka Somaliland 4- Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” -Hadhwanaag News gu’gii 2013 5- Buug yare Taariikhdii Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye”-Jaamicada Hargeysa Gu’gii 2011 6- Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” -Qoraal Kooban Ilyas Cabdi Carte 7- Kayka Mareegaha Farshaxan Diyaarintii iyo isku dubaridkii : Fu’aad Sheekh Bahda Mareegaha Farshaxan www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org Farshaxan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in saakay lagu arkay meydka cunug yar oo uu jirkiisa ka muuqdo jirdil. Dadka Deegaanada Xaafadda Sarkuusta oo u dhow Ex Control Afgooye ayaa Magaalada Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay meydka cunugaan yar oo si xun loo jirdilay. Dadka deegaanada ayaa sheegay in xarig uu qoorta uga xirnaa sidoo kalana wajiga looga duubay Cimaamad, waxayna tilmaameyn in meydka waqti hore ee saaka halkaas kasoo dhigay. “Saakay markii aan soo kacnay ayaan aragnay Meydka cunuga yar oo qoorta xariga uga xiran yahay cimaamadna wajiga looga xiray,dhib kale kuma arag mana naqaano cida dishay oo meesha soo dhigtay ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada sarkuusta oo goobta tegay. Ilaa iyo hadda weli lama oga cida dishay cunugaasi yare e meesha soo dhigtay,waxaana aad uga naxay dadka ku nool Xaafada Sarkuusta. Meydka cunugaan yar ayaa loo qaaday Xarunta Dambi Baarista CID-da halkaas oo laga wado baaritaan ku aadan cidda dishay iyo sababta keentay. Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya. Ma jirto ilaa hadda cid cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay meydka cunuga yar ee saakay la soo dhigay Xaafada Sarkuusta ee Magalada Muqdisho. Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badinayey dilalka, Kufsiga iyo falalka ka dhex dhaco bulshada dhexdeeda taasoo ilaa hadda loo la’yahay xal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com