-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Qaza)-Millatariga Israa’iil ayaa rasaas ooda kaga qaaday shacabka Falastiin kuwaasi oo dibadbaxyo ka dhigay Jimcihii shalay magaalada Qaza. Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Ashraf al-Qedra, ayaa sheegay in 40 ay ku dhaawacmeen dibadbaxii shalay. Wuxuu intaa raaciyay in 22 ka mid dhaawac ka soo gaadhay rasaas nool oo toos loola beegsaday. Shacabka Falastiin ayaa Jimca kasta dhiga dibadbax ay ku dalbanayaan in loo soo celiyo xuquuqdii ay lahaayeen in dhulkooda loo soo celiyo. Source
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee Galmudug. Xaashi ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda federaalka Soomaaliya xalinta tabashooyinka ay qabaan beelaha dega Galmudug, si loo helo Galmudug oo mid ah. Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ra’iisul wasaare Kheyre mashquul ku yahay dhinacyada Xaaf iyo sidoo kale Ahlu-sunna, ayna ka rajeynayaan inuu si toos ah ula fadhiisto dhinayacda kale ee harsan. Dhanka kale, Maxamed Xaashi oo aan wax ka weydiinnay maqaamka Cadaado ayuu sheegay in taasi aanay dood ka taagneyn oo ay tahay magaaladaasi xarunta baarlamaanka Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Golaha millateriga Sudaan iyo isbahaysiga Mucaraadka ayaa ku heshiiyay inay wadaagaan awooda inta laga qabanayo doorasho. Labada dhinaca ayaa ku heshiiyay in la dhiso xukuumada wadaag oo maamulka sare ee xukumayaana uu noqdo mid wareegah, ugu yaraan muddo saddex sanno. Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo dadkii tirada badnaa ee lagu dilay intii ay socdeen banaanbaxyadu. Heshiiskan ugu dambeeyay waxaa si ballaadhan u soo dhaweeyay banaanbaxayaasha dalbanayay in golaha millateriga uu xukunka ku wareejiyo dowladda rayid ah. Rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay wadankaasi ayaa waxaa ku dhintay 7 qof, halka 181 qof ay dhaawacyo soo gaadheen Source
-
Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada. “Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaannada Gobolka , gaar ahaan Degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno , sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne ,Lafa gareen. Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen in ay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si guud iyo si gaar ahna ay isu arki doonaan, Ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tiro koob. Madaxweynaha ayaa Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada, inta uu joogana ay kooxda Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Xuddur appeared first on Puntland Post.
-
Taliyihii xilka laga qaaday Laba-xiddigle Siciid Xirsi Ibraahim. Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa xilka ka qaaday taliyihii saldhiga degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar Laba-xiddigle Siciid Xirsi Ibraahim. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Gen Muxiyadiin ayaa taliyaha cusub ee saldhiga degmada Qardho loogu magacaabay Kabtan Cumar Hiirad Kaatun. Dikreetada laguma sheegin sababta xilka looga qaaday taliyihii Saldhiga degmada Qardho waxaase maalmahan dambe isbeddel ku socday Booliiska gobollada iyo degmooyinka Puntland. Sidoo kale waxaa maanta xilka la wareegay maamulka cusub ee gobolka Karkaar iyo taliyaha qeybta Booliiska gobolkaasi oo dhowaan madaxweynaha Puntland uu soo magacaabay. PUNTLAND POST The post Taliyihii Booliiska degmada Qardho oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay la socdaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda tubaha qaranka ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kormeerka ugu kuur gelayay wixii wasaaradda ugu qabsoomay ballamadii Ra’iisul Wasaaraha ay la galeen ee ahaa in shaqooyin badan oo qayb ka ah halbeegyada ay ku leedahay Tubaqa Qaranka in sannadkaan 2019 ay ku qabanayaan. Intii uu kormeerku socday ayaa wasiirka qorsheynta XFS waxa uu warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka shaqooyinka u qabsoomay iyo howlaha qabyada u ah ee ay doonayaan in ay ku qabtaan xilligii loo qorsheeyay. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka, iyo dhammaan agaasimayaasha in ay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka mira dhalinta shaqada ay qaranka u hayaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaadka bishii maalmo ka hor dhamaatay ee June waxaa Muqdisho ballan ku kala dhigtay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Muqdihso iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ku saabsaneyd go’doonka magaalada Muqdisho. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa malaaqa Abgaal iyo odayaal kale ka balan qaaday in todobaadka Xorriyadda kadib la furi doono dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho oo xiran muddo ka badan 5 bil. Qaar kamid ah Waxgaradka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wali aysan dhaqan gelin ballantii ay la galeen Madaxweynaha Soomaaliya markii ay kawar dooneena loo sheegay in Madaxweynaha ay la kulmi doonaan oo ballan looga soo qaadi doono xiliga kulanka. Rajo wayn kama qabaan in ay kulan la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama aan wali loo sheegin xiliga ballanta ee kulanka Madaxweynaha. Dhaqanka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay kulan ka yeelan doonaan xaaladda soo korartay ee ah Ballanta looga baxay, waxayna sidoo kale sheegayn in ay qaadan doonaan go’aankii ugu dambeeyay ee Gobalka Banaadir oo muddo dheer wajahaya dood badan oo aan mira dhalin. Go’doonka saaran magaalada Muqdisho ayaa looga sii daray maalmihii ugu dambeeyay gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1-da Luulyo. Dadka ku nool gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ku saabsan go’doonka magaalada Muqdisho oo aan la isaga gudbi karin muddo aad u fog. Markii laga soo tago ballanta Madaxweynaha uu ka qaaday waxgaradka gobalka Banaadir, xiriiro ay Caasimada Online la sameysay qaar kamid ah Saraakiisha amaanka ee Gobalka Banaadir ma jirto wax go’aan ah oo laga gaaray furitaanka wadooyinka Muqdisho waxaana la filayaa in ay sii xirnaato bilooyin kale. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa diraasad ay soo bandhigtay ku sheegtya in hirgelinta Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ay ku xirantahay tayada iyo xalaalnimada guddiga doorashooyinka Puntland ee la soo magaabi doono kadib markii guddigii hore is wada casilay. Hay’adda ayaa diraasaddeeda ku sheegtay in ay adagtahay bulsho ku dhisan qabiil in laga dhex sameeyi xisbiyo siyaasadeed oo leh mabaadii’ cad-cad Halkaan hoose ka akhriso diraasadda oo dhan Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan waxay ku xiran tahay “Tayada” iyo “Xalaalnimada” Guddiga Doorashooyinka ku-meel-gaadhka ah ee Puntland ee laga dhawrayo hay’adaha fulinta iyo xeerdejinta. Sawirka uu yeesho Guddiga cusubi ayuu nidaamkuna yeelan doona. Daraasadda la sameeyey waxa ay asteysay in ay jiraan fursado wax ku biirin kara dib-u-soo celinta iyo ka mira-dhalinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda Puntland. Ka go’naanshaha Guud ee Dawladda (General government commitment) Puntland Development Research Center-PDRC dadkii ku waraystay daraasadda waxa ay ku baraarugsanaayeen sida ay u adag tahay in bulsho ku dhisan qabiil laga dhex sameeyo xisbiyo siyaasadeed oo dhab ah oo leh mabaadii’ cadcad. Dadka waxa la su’aalay, “maxay yihiin fursadaha jira ee dib loogu billaabi karo geeddi-socodka dimuqraaddiyadda?” Guud ahaan, iyada oo maamul cusub talada hayo, ka qayb-galayaashu waxa ay muujiyeen kalsooni in ay ku qabaan dib-u-bilaabidda hannaanka dimuqraaddiyadda: “Maamulka hadda jirta waa in uu saxo khaladkii uu galay maamulkii ka horeeyey iyo in uu ka faa’iidaysto wakhtiga uu haysto” – Xawo Cabdi Jamac (Qurba-joog Gaalkcayo). “Maamulka cusub waxa uu haystaa casharro muhiim ah oo laga bartay khibraddii hore, wakhti ku filan iyo bulshada oo diyaar u ah dib-u-bilaabidda hannaanka dimuqraaddiyadda” – Axmed Khaliif Cabdulle (Galdogob). Dadkii ka qayb-galey daraasadda waxa ay dareensanaayeen in maamulka cusub ballan-qaaday in uu dardar-gesho, dhamaystiri doonana, geeddi-socodka dimuqraaddiyadda. Sida ay qiyaasayeen, khibrad dhab ah iyo waaya-aragnimo ayaa laga dhaxlay doorashooyinkii la joojiyey 2013-kii, taas oo saldhig u noqon karta go’aannada dambe ee dawladda. Taageerada Dadka Dadka ka qayb-galey daraasadda, iyo bulshada guud ahaan, aad ayey u taageersan yihiin dimuqraaddiyadda, ayaga oo aqbalsan fikradaha iyo mabaadii’da dimuqraaddiyadda, haddiiba ay waafaqsan tahay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban. Sannadihii u dambeeyey, wacyiga bulshada dhanka dimuqraaddiyaddu kor ayuu u kacay. Wakhtiga hadda ah, dadku si weyn ayuu u danaynayaa geeddi-socodka dimuqraaddiyadda iyo fikradaha iyo mabaadii’da dimuqraaddiyadda. “Waxa aan xasuustaa wakhti yar ka hor in dimuqraaddiyadda oo laga hadlaa ay ka dhignayd in diinta la caayey. Haddana waa hab siyaasadeedka aan hiigsaneyno.” – Cumar Aadan Cabdulle (Xubin golaha degaanka Galdogob) Isbeddelka ku dhacay aragtida dadka waxa uu ka dhashay olole ay jileyaal kala duwan ku qaadeen kobcinta wacyiga ummadda xilligii ay soo dhawaadeen doorashooyinkii la isku dayey in la qabto; jileyaashaas oo ay ka mid ahaayeen ururrada bulshada rayidka ah, dawladda, ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba. PUNTLAND POST The post PDRC: Hirgelinta Nidaamka xisbiyada badan waxay ku xirantahay tayada guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka ee Cuba Jose Angel Portal ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay dhaqaatiir u dhashay dalkaasi oo Al-Shabaab dhowr bilood ka hor ay ka soo afduubteen gudaha dalka Kenya. Mr Porta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Caasimada ah ee Havana ayaa sheegay in ay sameyneyso Cuba wax kasto oo lagu soo deyn karo dhaqaatiirtaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladdiisu ay wado dadaallo xoogan oo loogu jiro, sidii loo heli lahaa muwaadiniintaasi. Dhanka kale waxa uu beeniyay in Al-Shabaab ay la soo xiriireen, islamarkaana ay weydiisteen lacag madax furasho ah. Wasiir Jose Angel Portal ayaa intaasi ku daray in dhaqaatiirtu weli ay nool yihiin, islamarkaana haddii ay sii deyntooda suurtagaleyso ay bixinayaan madax furasho. “Xukuumadda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aadan sii deynta,”ayuu yiri wasiirka caafimaadka ee Cuba. Landy Rodriguez iyo Assel Herrer oo ah dhaqaatiirta la afduubtay ayaa la aaminsan yahay in lagu hayo gudaha Soomaaliya. Dhaqaatiirtan ayaa ka mid ahaa 100 dhaqtar oo Kenya ay shaqaaleysiisay gudaha dalkeeda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, July 5 (Xinhua) -- The Somali government has endorsed a six-month roadmap aimed at countering proliferation of weapons by denying terrorists access to arms in the Horn of Africa nation, the east Africa bloc said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la magacaabay 23-kii bishii Feb. 2017, waxa uuna Kalsoonida Baarlamaanka uu helay 1-dii bishii Marso 2017. Khubadii ugu horreysay ee uu jeediyo waxay aheyd midi uu ku soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka isagoo hortaagan Golaha Shacabka. Kheyre ayaa sameeyay ballan weyn waxaana ugu weynaa 8 qodob oo kale. Gurmadkii qaran ee Abaaraha Soomaaliya sanadkii 2017-kii Wax ka qabashada arimaha Amniga Dhisidda Ciidan qaran iyo xasilinta dalka La dagaalanka Musuq maasuq iyo hagaajinta mamulka iyo maareynta Hirgelinta cadaaladda iyo dhismaha Garsoorka Dhameestirka dasuurka iyo federaaleynta dalka iyo hergelinta azxaab siyaasadeed Doorashooyin dalka ka dhaca heer federaal, heer gobal iyo heer degmo Dib u heshiisin, mideynta dalka iyo wadashaqeynta dalka Warbixintaan waxaan ku eegi doonnaa waxyaabihii uga qabsoomay 8-dii qodob ee uu ballan qaaday 2 sano ka hor Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo sanadkii 3aad bilooyin ka qaatay. Gurmadkii qaran:-Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo bilooyin dhisan waxay ku guuleysatay Gurmadkii Qaran ee Abaaraha dalka ku dhuftay sanadkii 2017. Waxayna lacagtii ugu badneyd iyo gurmadkii ugu weynaa ay gaarsiiyeen malaayiin Soomaali ah oo wajahayay xaalado aad u adag. Gurmadka Qaran Waa mid kamid ah Ballanqaadyadii Kheyre oo guuleestay. La dagaalanka musuq maasuq iyo hagaajinta mamulka iyo maareynta: Kheyre ayaa sidoo kale dagaal weyn la galay Musuq Maasuq, iyadoo loo xiray Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo dowladood. Inkastoo wali musuq maasuqa lacagta jira lana sheego inuu ka jiro xafiisyada sare ee dowladda hadana waxa uu maanta joogaa heerkii ugu hooseyay Soomaaliya markii loo eego sanadihii ugu dambeeyay ee musuq maasuqa Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya la dagaalanka musuq Maasuqa waxay ku koobtay oo kaliya lacagta la lunsado oo kaliya balse waxba kama aysan qaban musuq maasuq kale ee ku saleysan nin Jecleysiga, qaraaba kiilnimada iyo qaababkale ee wax loo musuq maasuqo. Waxaan oran karnaa arinta la dagaalanka Musuq maasuqa Kheyre wax fiican ayaa ugu bilaaban. Kheyre ayaa ku guuleestay hagaajinta maamulka iyo maareynta waxa uuna hagaajiyay is bar bar yaac xoog leh oo ka jiray dhanka maaliyadda. Tusaale wixii lacag ah hadda waxaa u idman Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xafiisyo ku leh oo meel kasta oo lacag ka soo gasho dowladda halkii markii hore wasaarad kasta goonigeeda ay lacagta u qaadi jirtay. Door-weyn ayey Xukuumadda Kheyre ka qaadatay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha waxayna dowladda ku baastay dhamaan sharuudihii deyn cafinta Soomaaliya. Waxaa muuqata rajo wanaagsan oo Soomaaliya deymaha looga cafin karo. Dhisidda Ciidan Qaran iyo Xasilinta dalka: Dhismaha Ciidan Qaran waa mid kamid ah waxyaabihii uu ballan qaaday Xasan Cali Kheyre isagoo hortaagan Baarlamaanka Soomaaliya maanta waxaa la oran karaa waxa uu ka gaaray guul-weyn inkastoo ay wali wax dhimanyihiin. Xukuumadda Kheyre waxay ku guuleysatay qeyb kamid ah dhisidda Ciidamo Qaran oo ka kooban Booliis iyo Milateri. Ciidamada dowladda hadda waxay mushaar ku qaataan qalabka electronic oo markii ugu horreysay laga sameeyay Soomaaliya. FIIRO GAAR AH Gurmad Media waxay cadeyneysaa in ay jiraan cabasho ay qabaan Ciidamada Qaar balse Xukuumadda waxey sheegtay in ay weli wado diiwaan gelinta Ciidamada harsan. Dhismaha Ciidamada waxaa muuqata in Xukuumadda ay wax wanaagsan ka qabatay. Xasilinta dalka: Qodobkaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kuma guuleysan waxaana muuqata in dalka aysan ka jirin xasilooni amni. Goobo badan ayaa waxaaa dib u qabsaday Al-shabaab halka degaano kalane ay wajahayaan amni darro iyo cabsi weyn. Labadii sano ee la soo dhaafay waa ku fashilantay qodobkaan laakiin waxaa u harsan waqti ay ku qaban karto. Amniga: Amniga waxa uu ahaa ballanqaadkii ugu weynaa Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaana la ogyahay in ay dowladda ku fashilantay gabi-ahaanba qodobkaan. Amaanka dalka oo ay ugu horreyso Muqdisho waxa uu marayaa meel kamid ah waqtiyadii ugu xumaa mana muuqato wax ay Xukuumadda Kheyre ka qabatay arimaha amniga. Qodobkaan xataa bilaaw fiican maleh lamana oga mudada harsan sida ay u wejihi doonto. Hirgelinta cadaaladda iyo dhismaha Garsoorka: Garsoorka iyo Cadaaladda oo ah halka boogada ama nabarka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirto ayaa kamid ah waxyaabihii uu ballan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waana qodob kamid ah waxyaabihii uu ku guul dareestay 2dii sano ee la soo dhaafay. Kheyre xataa bilaaw wanaagsan kama sameynin garsoorka dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed wali qabaan kalsooni darro iyagoo qaarkood u cadaalad doonta Al-shabaab. Xukuumadda wali waxey heysataa fursad ay ku sixi karto nidaamka garsoorka Soomaaliya oo maraya meel aad u liidato. Dhameestirka dasuurka iyo federaaleynta dalka iyo hergelinta Axzaab siyaasadeed: Qodobkaan waxaan u kala qaadeynaa 3 qeyb oo kala Dastuur-ka, Federaaleynta iyo Axzaabta siyaasadeed. Hadii aan ku hor maro dhameestirka Dastuurka, Xukuumadda Kheyre waxay ka gaartay guulo wanaagsan waxaana lagu dib u eegis lagu sameeyay CUTUB-yada ugu badan ee dastuurka waxana la filayaa in inta dhiman sanadkaan lagu dhameeyo. Federaaleynta: Qodobkaan Xukuumadda Kheyre waxay sameysay cagsigiisa waxayna dagaal weyn la gashay Federaalka ama maamul gobaleedyada dalka. Xukuumadda Kheyre wali waxay wadaa dagaalka ka dhanka maamul gobaleedyada mana jirto hal dowlad gobaleed oo ay heshiis yihiin. Gurmad Media waxay xaqiijineysaa in ay jiraan dagaal lamid ah kan Xukuumadda iyo caqabado kale oo ay dowladda dhexe kala kulmeyso maamulada dalka ka jira oo aan dagaalka aheyn Xukuumadda oo kaliya. Hergelinta Axzaab Siyaasadeed: Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee dalka hogaamiso qodobkaan waa ku guuleysatay waxaana dalka ka jira 30 Xisbi siyaasadeed oo KMG ah. Dhismaha nidaamka Xisbiyada waxaa bar bar socda caburin iyo cabsi gelin ay wado Xukuumadda Soomaaliya waxaana loo geysnayaaa Xisbiyada siyaasadeed iyo dhinacyada kale mucaaradka ah. Doorashooyin dalka ka dhaca heer federaal, heer gobal iyo heer degmo:-dhamaan qodobadaan Xukuumadda midkoodna kuma guuleysan waxaana mudadii ay joogtay dalka ka dhacay 2 doorasho oo kala ahaa KGS iyo Puntland. Door kuma laheynd oorashadii Puntland dowladda Soomaaliya waxaana agaasintay maamulkaasi halka doorashada KG Xukuumadda lagu eedeeyay in ay si qaldan u maamushay oo ay geysatay shaqsi ay u hurtay maal iyo muruq. Dib u heshiisin, mideynta dalka iyo wadashaqeynta dalka: 3-daan qodob midkodna Xukuumadda Kheyre kuma guuleysan xataa waxba ugama bilaawna. Dalka waxaa ka jira colaado sokeeye mana jirin waxyaabo ay ka qabatay Xukuumada 2-dii sano oo ee la soo dhaafay. Mideynta dalka sidoo kale ma jirto wax laga qabtay walina ma bilaaban wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland. Wadashaqeynta dalka, ma jirto wax wadashaqeyn ah oo dalka ka jiro waana mid kamid guul darooyinka waa weyn ee Xukuumadda Kheyre. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiirka Caafimaadka Cuba Jose Angel Portal Wasiirka Caafimaadka dalka, Cuba Jose Angel Portal ayaa Jimcihii shalay sheegay, in ay weli nool yihiin laba dhakhtar oo u dhashay dalkiisa, kuwaasi oo bishii April ee sannadkan laga afduubay xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Havana, ayaa sheegay in dowladda Cuba ay wax kasta oo ay awooddo ku bixinayso, sidii loo soo dayn lahaa dhakhaatiirtaasi oo lagu haysto gudaha dalka Soomaaliya, balse kama hadlin mada-furasho ay warbaahinta qaar sheegtay in lagu xiray sii dayntooda. Mr Portal ayaa xusay in dadaalka lagu sii daynayo labada dhakhtar ee Landy Rodriguez iyo Assel Herrera, uu yahay mid adag oo u baahan wakhti si loogu guulaysto “dowladda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aaddan sii dayntooda “ ayuu yiri Jose Angel Portal. Madaxweynaha waddanka Cuba, Miguel Diaz-Canel ayaa dhowaan khadka taleefonka kula hadlay madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, si loo agaasimo dadaalka lagu soo celinayo labada dhakhtar oo ay afduubteen kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab oo ka hawlgala xuduudka labada dal. PUNTLAND POST The post Cuba ma waxay doonaysa in ay hawgal qorshaysan ka fuliso gudaha Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug kusii qulqulayo wufuuddii loogu talagalay inay ka qeybgasho Shirka la filayo inuu Magaaladaas ka furmo. Shirkaan oo ay yeelaneyso beesha Habar-gidir islamarkaana la sheegay inuu yahay mid looga hadlayo maalgashiga deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu hub ka furmo 15 Bishaan. Magaalada Hobyo ayaa si weyn ugu diyaar garowday shirweynaha ay Beelaha Habargidir ku yeelanayaan kaasoo la filayo in looga wada hadlo ka tashiga aayaha deegaanada Habargidir iyo sidii loogu sameyn lahaa maalgashi. Wufuudda ilaa hadda gaartay Hobyo ayaa la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay shirweynahaas 15 bishaan ka dhacayo Magaalada Hobyo. Guddoomiyaha Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Cali Faad ayaa Mas’uuliyiintaas kusoo dhaweeyey halkaas. Magaalada Hobyo oo ah magaalo xeebeed leh Dakad macmal ah ayaa u muuqato inay tahay mid laga heli karo fursado maalgashi haddii looga heshiiyo shirweynahaas. Waxaa shirkaas lagu wadaa inay ka qeyb galaan Jaaliyadda Galmudug ee Daafaha Caalamka, Qeybaha kala duwan ee Bulshado, Aqoonyahanada iyo waxgaradka. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka taagan Doorashada Galmudug kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sheegay inay Doorashada ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb iyadoo hadalkaas ay kasoo hor jeesteen Beesha dagto Cadaado. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afar nin oo ah maleeshiyo hubeysan ayaa is hortaagtay cabir lagu sameynayay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose bilaawgii todobaadkaan. Ragaan ayaa soo eryay shaqaale Turki ah oo cabirayay Laamiga iyo dhowr Askari oo la socotay kadib markii ay weydiisteen lacag baad ah. Shirkadda dhismaha ee waday shaqaalahaan ayaa ku wargelisay Dowladda Soomaaliya, waxaana kadib loo diray Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaas oo toogasho ku dilay 2 qof halka 2 kalane ay dhaawaceen kadibna ay soo qabteen. Sidoo kale, Booliiska ayaa hubkii ka qaatay ragan waxaana la sheegay in ay ahaayeen Maleeshiyo degaanka ah. Arintaan ayaa ka dhacday agagaarka degaanka Sarkuusta waxayna aad ugu dhowdahay halka loo yaqaano Xaafadda Galmudug. Hey’adaha amaanka wali arintaan kama aysan hadlin balse waxaa taagan xiisad ka dhalatay dadka la dilay. Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Xoogga dalka, Baarlamaanka iyo siyaasiin kale ayaa la sheegay in ay ku doodayaan in dadkaan aysan is hortaagan dhismaha balse ay toogasho toos ah u geesteen Ciidamada Booliiska Soomaaliya. Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgelineyso Dowladda Qatar ayaa wali bilaabin waxaana laba jeer Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in ay bilaaban doonto todobaadka cusub markii loo eego xiligii uu hadlayay. 2 sano kadib ilaa ma bilaaban dhismaha waxaana la aaminsan yahay in aysan soo dhawayn bilaabashada dhismaha waddadaasi oo muhiim ah labada Gobal ee Banaadir iyo Shabeelada Hoose. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa su’aallo ka keenay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Guinea ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay Qaranimadda Soomaaliya. Hadalka Juxa ayaa siddaan u qornaa: Sidee loo fasiri karaa, maxaase ka dhalan kara xiriirka ay Somalia sheegtay inay u jartay Jamhuuriyada Guinea? 1. Horta, Guinea ma aqoonsan Somaliland, mana jiro war kasoo baxay xageeda oo arrintaas ku saabsan. Keli ah waxay booqasho ku Casumeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. 2. Qarsoodi maaha in Somaliland 28-kii sano oo u damaysay ay sheegtay inay Somalia ka go’day, aduunkana siyaabo kala duwan ula macaamilaysay. 3. Somalia xiriir safaaradeed Gunea lama laha, mana jiro xiriir diplomasiyadeed oo la gooyaa. Hadaba sidee arrintan loo fasiri karaa, maxaase ka dhalan kara? Keli ah waxay tani muujinaysaa “khalkhal, jaahwareer iyo Nugayl diplomaasiyadeed” oo xad dhaaf ah dhinaca Dawladda Federaalka, waxaana ka dhalan kara “kala fogaansho iyo damqasho boogihii tabashada reer Somaliland iyo Mugadishu.” Waa talo iyo talaabo aan laga fiirsan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maadaama Madaxweyne Muse Biixi Abdi uu qiray in aanay dalka jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaar ka ah ( PPP Act ). A)- Maadaama aanay jirin Xeerarka iyo xeegaanada Maalgelinta Madaniga ah ee lagu wareejin lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawlada. B)- Maadaama aanay jirin Xeerarka Maareynta iyo Maalgelinta Hantida Guurtada iyo ma guurtada ee qaranka Somaliland. C) Maadaama aan loo cuskan wareejinta hantida qaranka ee hoose xeer-nidaamiye dawli ah oo ummadda u qeexaaya waajibaadka masuuliyayeed ee saaran shirkadaha la siiyey qandaraasyadaa kala duwan ama lagu wareejiyey hantidii ma guurtada aheyd ee ummadda Somaliland wada laheyd. D) Maadaama yoolka Shirkadaha lagu wareejiyey aanay ku saleysneyn istiraajiyad qaran oo xukuumadu ku leedahay saamiyo badan oo waafiya. E) Maadaama aanay jirin heshiisyo marag-gal iyo marag-fur ah oo ku saleysan tiir sharciyeed heshiis laba dhinac ah. F) Maadaama aan loo marin hab-wareejintoodii tartan hufan oo xor iyo xalaal ah (fair competition) oo ummadda iyo ganacsatada dalka oo dhan loo soo bandhigay-Waxaa dhamaan Heshiisyadan Hoos ku taxan lagu bixiyey il-duuf sharci, taa soo lagu-tagri falay hanti qaran iyo Kaabeyaal dhaqaale oo qaranku wada lahaa, sidaa daraadeed waxaa dawlada madaxweyne Muse Biixi looga fadhiyaa in ay dhamaan hantidii dawlada ee hore loo bixiyey iyo dhamaan mashaariicdan hoos ku taxan ee dhawaan la bixiyey in dib loo eego oo lagu soo celiyo gacanta dawlada iyo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd. Ummadda Somaliland kuma qanacsana in mashaariicda yar yarna gudida qandaraasyada la geeyo oo mikirifoonada lagaga adimo Mashaariicda Waaweyn ee muga lehna Maquuuno iyo Abaal celin malaasan laysu siiyo oo daaha dabadiisa lagu dhameysto. Rusqada mashruuca soo saarista milixda ee shirkada Salternas LTD ka wado Galbeedka Berbera oo loo xidhaayo dhul gaadhaya 150km (lama naadin ) Rusqada la siiyey Shirkada MSG si loo scan gareeyo shixnadaha ka soo dega Dekeda Berbera ( Lama naadin ganacsatadii dalbatayna waa laga eexday) Mashruuca Baaxada leh ee shirkada Hadhuub ay GPS-ka Caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda ugu sameynayso ( lama naadin ) Mashruuca Jufo Nuur Company ee qandaraaska lagu siiyey dhismaha Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama naadin ) Mashruuca Ali Waraabe Construction company lagu siiyey dib u dhiska Wadada Berbera Corridor ( lama naadin ) Mashruuca Guleed Engineering company ee lagu Siiyey dhismaha balaadhinta wadada Berbera Corridor ( lama Naadin ) Mashruuca Guri Barwaaqo Construction company ee lagu siiyey Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama Naadin ) Mashruuca baaxada leh ee dhismaha wershada sibidhka Berbera ee ay ku heshiiyeen labada shirkadood ee MSG groups iyo SAOG ( lama naadin) Ruqsada Mashruuca Somaliland Heath and Nutrition programme ee ay Malaayiinka dollar ku maalgeliso Dawlada ingiriiska (DFID-UK) Far baa ku godan ! Mashruuca dib u habeynta shaqaalaha dawlada ” Civil Servant Reform Project ” oo World Bank ku bixisay $10 Million dollar. Far baa ku godan ! Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walba in sife cadaalad ah loogu qaybsado midhaha dawladnimo, si loo helo badbaado qaran waa in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan laga dabo tagaa oo dib tendher loo wada geliyaa, oo tar tan xor ah oo xalaal ah loo soo wada maraa cidii ku guuleysatana la siiyaa ama gacanta dawlada dib loogu soo wada celiyaa. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. Hadii sinaan iyo cadaal la waayo oo wax lawada yeelan waayo waxaa dhici doonta in wax la kala yeesho “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! Shacaboow …Tiraa Kaa gedmane ….wax isu …gey… geyso” ! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News