Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho ka furtay shir weyne looga hadlayo istaraatijiyada hormarinta xoolaha Soomaaliya. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Federal-ka, Madaxda Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada, Hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada midoobe u qaabilsa ee FAO iyo Bankiga Aduunka xubno ka socday. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirka furay ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay nidaamka dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya, isagoona xusay in marka laga yimaado dhoofka xoolaha ay sidoo kale fursad u tahay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamed Xuseen ayaa dhinaciisa xusayin shirkaan oo seddex cisho ka socon doona Muqdisho in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ka go’an in ay u howl gasho sidii loo horumarin lahaa malaayiinta xoolo dhaqatada ah, ganacsatada xoolaha iyo dhammaan dadka noloshoodu ku xiran tahay wax soo saarka xoolaha. Si ay arrintaani u dhaqan gasho waxa hay’adaha dowliga ah looga baahan yahay in ay diyaariyaan siyaasadda , istiraatiijiyadda iyo shuruucda kale ee lagu hirgalinayo horumarinta xoolaha iyo nolosha xoolo dhaqatada Soomaaliyeed. Gebagebada shirka ayaa la fikayaa in war murtiyeen qeexaya qodobadii la isla gartay laga soo saaro.
  2. Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa saaka lagu aasay qubuuro dhaca bariga Qaahira, waxaana goobta joogay qaraabadiisa, uu ku jiro wiilkiisa Usama oo maxbuus ahaa, waxaa kale oo joogay abuukaatihiisa. Ala ha u naxariistee, Maxamed Mursi Al-cayaad waxaa uu geeriyoodey galabtii Isniinta isaga oo lagu maxkamadeynayo Qaahira, waxaana loo heystay dacwad la xiriirta jaajuusnimo. Waa Kuma Maxamed Mursi: Waa madaxweynihii 5-aad ee Masar, waxaa la doortay kadib kacdoonkii 11 Janaayo 2011-kii, waa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Masar loo doorto si dimoqoraadi ah. Waxaa uu ku guuleystay doorasho dalkaasi ka dhacday, laakin waxaa la afgabiyey 2013-kii isaga oo maamulkiisa meesha laga saaray, waxaana sidaasi sameeyey nin ka hadda madaxweynaha ah Cabdi Fitaax Al-sisi, oo ahaa wasiirkiisa arrimaha gashaandhigga. Maxamed Mursi waxaa uu dhashay 1951-dii, waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Al-sharqiya, ee waqooyi beri Masar waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay jaamacadda Qaahira iyo Dhahaadada PhD-da ee galbeedka California. Mursi waxaa uu ka tirsanaa xarakada Ikhwaan Muslimiinta, waxaa uu madax ah ka ahaa hoggaankooda baarlamaanka Masar inta u dhaxeysay 2000-2005-tii, markii dambe waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Xuriyadda iyo cadaaladda ee xarakada. Waxaa la xiray 2006-dii, 2011-kii iyo hadda uu isaga oo maxbuus ah dhintay, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin: in uu dhintay ama la dilay? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Geneva (SMN) – Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd codaynta,balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo. Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa. “Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka. Wasiir Sadiiq Wafaa, ayaa muujiyay siyaasadda xukuumadda ee ku dhisan dib u gaajinta shaqaalaha iyo shaqa abuurka inay arrintan gacan-weyn ka geysan doonto, isagoo marka tilmaamay waxa ugu weyn ee uu dhiniciisa dadaalka galiyay inay ahayd sidii sannadkan loogu guuleysan lahaa dib u helidda codkii ay Soomaaliya ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka. “Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala caddeeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka, isagoo marka tilmaamay inay waxyaabo badan ka dhax-li doonaan xayiraaddii laga qaaday codaynta ee ka saarnayd hay’adda shaqada adduunka ee ILO muddadii 33ka sanno ahayd ee la soo dhaafay. View the full article
  4. War-saxaafadeed: Canbaaraynta xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland saaka ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen, kuna Amreen inaanay shaqayn karin. Ururka SOLJA, waxa uu talaaadan u arkaa mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba. Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaadiniinta kale waa kuwo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday. Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin. Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka. Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho hay’addo warbaahineed. Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah. Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay. Saxaafadda Somaliland waxay gayaysiisay xukuumadda talada haysaa inay ka hadhaan horumarada balaadhan ee dalalka jaarkeena ah ama kuwa dunidu siiyaan hay’adahooda warbaahineed, haddii ay noqoto Tababar iyo shuruucba, iyadoo ay illaa hadda Suxufiyiinta Somaliland la’yihiin Siyaasad iyo Qoshe cad oo ay kaga shaqaystaan dalka oo ay xukuumaddu samaysay. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Ugu danbayntii, ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidamadda ka dul qaado xarumahaas kana noqoto go’aanka sharci darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hanaanka Cadaaladeed ee Dalka. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Source
  5. (SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Ayaa Noqday Shamac U Baxay Guud Ahaan Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Bariba , Xildhibaanka Ayaa Dedaal Karti Iyo Fir Fircooni Badan Waxa Uu Xili Kasta Ugu Jiraa Sidii Gobolka Togdheer U Noqon Lahaa Hormuudka Gobolada Soomaliland , Xildhibaan Bidhi Ayaa Gacantiisa Ku Fuliya Arimo Danta Guud Ah Oo Uu Si Tabarucaad Iyo Iskaa Wax U Uqabso Uu Ugu Fuliyo Gobolkiisa Iyo Dadkii Soo Doortay Dhalinyarada Waayeelka Iyo Wax Garadka Gobolka Ayaa Iyaguna Ah Kuwo An Ka Abaal Ka Darin Wax Qabadka Muuqda Ee Uu Xildhibaanku Ka Gaysto Gobolkiisa , Xildhibaankan Ayaa Ah Xildhibaanka Kaliya Ee Sida Qoraxda Uga Dhex Ifaya Xildhibaanadii Isku Wakhti La Doortay. Mar Uu Ex Wasiir Qabyo Tire Uu Xildhibaan Bidhi Ka Hadlayay Kartidiisa Ayaa Waxa Uu Yidhi ” Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Bulshada Gobolka Togdheerey Waa Waslad Dahaba Oo Burco Hantiday ” Masoo Koobi Karo Wax Qabadyada Faraha Badan Ee Uu Isu Xilqaamay Xildhibaanku Si Uu Gobolkiisa Ugu Horumariyo Habeenimadii Xalay Ayaa Barnaamij Lagu Qabtay Magaalada Burco Oo Loogu Magac Daray {Qiimee Awards} Oo Looga Jeedo Qiimee Qofkaaga, Waxaa Xildhibaanka Lagu Maamuusay Isla Markaana Ay Dhamaan Uga Markhaati Kaceen Dadkii Kasoo Qayb Galay Barnaamijkaasi Inuu Yahay Xildhibaanka Kaliya Ee Gutay Isla Markaana U Qalma In Dalka Xil kan Kasii Sareeya Loogu Dhiibo Si Dadka Iyo Dalkuba Horumar U Gaadhan , Xildhibaanka Ayaa Bilad Sharaftii Abid Gobolka U Mudnayd Ee Shaqsi Lasiiyo Lagu Maamuusay Source
  6. Deegaamo dhanka Koonfureed kaga begmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan xiisad kadib markii ciidanka Somaliland ay rasaas ku fureen dad shacab ah [...] Source
  7. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu todobaadyada soo socda sii dhammaystiro, isbeddelka dhanka maamulka ah ee hay’adaha dowladda, kaasi oo uu waday tan iyo markii uu soo dhisay xukuumaddiisa. Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in madaxweynuhu todobaadyada soo socda uu taliyaal cusub u magacaabi doono, ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland. Warbaahinta Puntland Post ayaa sidoo kale ogaatay, in madaxweyne Deni uu isku’ shaandheyn kooban ku samayn doono qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland. Qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa la filayaa in wasaarado kale loo beddelo, halka qaar cusubna la magacaabi doono. Waxanse si rasmiya looma ogayn wasaaradaha uu saamayn doono isbeddelka madaxweynaha iyo wakhtiga isbeddelkaasi dhici doono midna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Puntland oo isku’ shaandeyn samaynaya appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markale eedeyn u jeedisay dowladda Norway iyo shirkad gaar ah oo laga leeyahay dalkaasi. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in shirkad laga leeyahay Norway ay si toos ah kaga dambeyso xiisadda u dhaxeyso dowladaha Somalia iyo Kenya, waxaana shirkadaasi la sheegay inay ka dhex shaqeyneyso madaxda labada dhinac. Wargeysa Daily Nation ayaa baahiyay in dowladda Kenya aysan ku faraxsaneyn habka dhaqanka dowladda Norway, maadaama ay sheegeen inay ka dhex shaqeyneyso labada dowladood ee Kenya iyo Somalia. Shirkad magaceeda lagu sheegay DNO oo laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso xiisadda u dhaxeyso labada dhinac, waxaana lagu eedeeyay shirkadda inay dooneyso shidaalka laga helay badda Kenya ay murunka gelisay. Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ruqsad uga heysato in ay shidaal ka baarto halka ay ku muransanyihiin labada dal. Kenya waxaa intaas ku dartay in doodda Soomaaliya ee ku aaddan halka lagu muransanyahay ay salka ku heyso dano ganacsi,waxaana ay ku baaqday in Soomaaliya ay Ruqsadda kala noqoto sharikaddaas. Maxkamada ICJ ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeyo, waxaana muuqata in dowladda Kenya oo ka walaacsan natiijada inay bilowday inay cadaadis saarto dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
  9. 16 kamid ah xildhibaanadii golaha deegaanka Burtinle ayaa iska iscasilay xubinamadii ay ka hayeen golaha deegaanka, sida ku qoran qoraal kasoo baxay xildhibaanadaan. Xildhibaanadaan ma [...] Source
  10. Afgooye (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Ciidamo gaar ah loogu sameynayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasiir Ducaale Ducaale ayaa tilmaamay in Ciidamadaasi laga qori doono deegaanada Sh/ Hoose, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan xasilioonida gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dowladdu ay siin doonto tababaro gaar ah, si ay u helaan waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla K/ Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xayirtay telefishannada Horyaal iyo Eryal, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye. Ciidamo sida warqadda xayiraadda TV-yadan ayaa saaka qabsaday xarunta Telefishanka Horyaal, balse markii dambe ciidanka ayaa halkaasi iskaga tagey iyagoo armay in shaqada la joojiyo. Labadan telefishan ayay xukuumaddu ku eedaysay farogalinta arrimaha ciidamada iyo ka hor imaanshaha qarannimada Somaliland. Source
  12. Kismayo (SMN) – Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay Nabadoon caan ahaa ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahim Xasan, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Jubbaland. Raggii ka dambeeyay dilkiisa ayaa lagu soo warramayaa in ay si aayar ah uga baxsadeen goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in tiro dad ah oo la tuhmayo ay gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay dilka Nabadoonkaasi. Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu horreyn ka tacsiiyey geerida Marxuumka, waxaan uu faray laamaha ammaanka inay soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Kismaayo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo xoogan ka waday Ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. View the full article
  13. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-180619-web-1.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa xalay dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ah ciidamada qaranka Somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay. Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay,waxaanay wararku xaqiijiyeen in labadan askari ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada qaranka oo ku yaalla degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar. Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cabsida laga qabo cudurka Ebola oo la sheegay inuu ka dilaacay dalka Uganda. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inaysan jirin cabsi weyn oo laga qabo in xanuunkaasi ku soo fido deeganada Somaliland. Wuxuuse ka dhawaajiyey Agaasimuhu inay Somaliland ka diyaar-garowday sidii loogu hortagi lahaa cudurkan faafa ee Ebola. Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan xanuunkan ay la socdeen xiliyadii hore ee uu ka dilaacay dalka Kongo, isagoona xusay inay baaqyo u gudbiyeen Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha caafimaadka kala shaqeeya. Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay arrintan loo magacaabey guddi ka hor taga xanuunadan faafa ee noocan ah, kuwaasi oo bixin doona tobabaro ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, kana talo bixin doona. Ugu dambeyntiina Agaasimaha ayaa xusey inay wasaarada caafimaadka Somaliland ay qaaday taloobiynkii looga hortagi lahaa xanuunkasi iyada oo ka soo baxaysa waajibadkeeda, balse aysan hadda jirin cabsi aad u weyn oo ku aadan cudurkaasi. Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Somalia, kaddib cayrintii ergaygoodii hore Nicholas Haysom, taasoo sababtay inuu khilaaf soo dhex-galo dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay. Sarkaal tirsan QM ayaa sheegay inuu soo hagaagayo xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo Dowladda Somalia, kaddib xiriir aan sii buurnayn oo u dhexeeyay Somalia iyo Qaramada Midoobay muddo lix bilood ah. Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablsan frika, Bintou Keita oo dhawaan booqatay Somalia ayaa sheegtay in xilligan uu xiriirka u dhexeeya labada dhinac soo hagaagayo ayna is arkeen intii ay Somalia ku sugnayd madaxda Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Keita ayaa sheegtay in wadahadalladii ay la yeelatay madaxda Somalia diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka iyo weliba xiriirka Somalia iyo Qaramada Midoobay u dhexeeya. “Madaxda Somalia waxaan kawada hadlanay siyaasada, aasaaska nidaamka federaalka iyo xaaladda dhaqaale ee dalka,” ayay sarkaaladdan ku sheegtay qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM. Dhanka kale, Safarkeeda ayaa yimid dhawr toddobaad un kaddib markii QM ay ergey cusub u soo magacowday Somalia, kaasoo u dhashay Mareykanka laguna magacaabo, James Swan horayn u soo noqday safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu iskiis isku casilay. Ugu dambeyn, Xiriirka u dhexeeya QM iyo Somalia ayaa xummaaday kadib markii Xukuumadda Somalia ay horraantii sannakan shaqada ka cayrisay eregygii UN-ka ee Somalia, Nicholas Haysom oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee Somalia. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay ka hadashay xiriirka xilligaan kala dhexeeya Dowladda Somalia appeared first on Puntland Post.
  17. Qaahira (PP) ─ Waxay faahfaahin dheeraad ah kasoo baxaysaa geeridii ku timid madaxeynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo Dowladda waddankaas ay sheegtay inuu geeriyooday shalay isagoo la maxkamadeynayo, inkastoo aysan sheegin sababta ama xanuunka uu u dhintay. Marxuum Maxamed Mursi ayaa oo 67-jir ahaa ayaa xabsi ku jiray muddo 7-sano ah, waxaana loo hastay eedeymo kala duwan oo uu ku sheegay inay dhammaantood yihiin kuwo been abuur ah oo uusan wax lug ah ku lahayn. Wiil uu dhalay Mursi oo lagu magacaabo, C/llaahi Maxamed Mursi oo isagana la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegay in aabbihiis uu u geeriyooday xanuun, kaddib markii xukuumadda Qaahira ay ka joojisay dawooyinkii uu ku qaadanayay xabsiga gudihiisa. “Xilligan ma garanayno halka maydkiisa lagu hayo, waxayna mas’uuliyiinta Masar diideen in marxuumka lagu aaso qubuuraha qoyskiisa oo Qaahira ku yaalla,” ayuu yiri C/llaahi Mursi oo sheegay inay nasiib-darro ah in aabbihii oo dhintay loo diido maydkiisa. Sidoo kale, Wararka dheeraadka ah ee laga helay qoyskiisa ayaa sheegaya in marxuumku uu qabay cudurro badan oo ay ka mid yihiin macaanka ama sokorta, cudurro ku dhaca beerka iyo sidoo kale cudurro kilyaha uga dhacay balse dowladdu arrintaas kama aysan hadlin. Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in xukuumadda Qaahira ay si xun ula dhaqantay madaxweynaha geeriyooday, isla markaana ay dhawr ku jir-dileen gudaha xabsigii uu ku xirnaa oo loo diiday inay ehelkiisa booqasho ugu yimaadaan. Dhanka kale, Hay’adda xuquuqda aadanaha dunida ee Human Rights Wtach ayaa geerida Maxamed Morsi ku tilmantay mid aad u xun, laakiinse la filan karay, sababtoo ah dowladda Masar oo u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan. “Xukuumadda Qaahira ayaa xambaareysa mas’uuliyadda geerida marxuum Mursi ku timid, sababtoo ah iyadaa u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan iyo xuquuqda aasaasaiga ah ee maxaabiista,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HRW. Ugu dambeyn, Maxamed Mursi ayaa muddooyin ka hor sheegay inuu filayo inuu xabsiga ku dhex geeriyoon doono, taasoo uu sabab uga dhigay cadaadis uu sheegay inay ku hayaan ilaalada xabsiga lagu hayo iyo xaalad caafimaad oo lasoo daristay. PUNTLAND POST The post Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar – MURSI appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka la helayo magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in dowladda dalkasi ay aastay madaxweynihii dalkaasi Masar Mohamed Mursi. Saacado kadib geeridiisa waxaa Maxamed Mursi lagu aasay deegaan ku yaala bariga magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, iyadoo aan la ogeyn sababta sidaasi loogu dadajiyay aaskiisa. Qareenkiisa ayaa sheegay in Mursi la aasay waaberigii saaka, kadib markii qoyskiisa loo diiday inay ku aasaan xabaalaha ay ku aasan yihiin dadka ay isku qoyska ahaayeen. Mursi oo ahaa nin diinta Islaamka ku dhagan ayaa xabsi ku jiray lix sano ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013, isagoo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey Masar ee si dimoqraadi ah loo soo doortay. Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray. Waxaa shaki weyn uu ka imaanayaa sababta sida deg dega ah dowladda Masar ay u aastay, iyadoo loo malaynayo in madaxweyne Mursi la sumeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (SLT-Qaahira)-Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Wacht ayaa ku dhaleeceysay xukuumada Masar geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi. Mursi oo ku dhintay Isniinta shalay ahayd Cisbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ayaa Jooga ka dhacay xilli uu taagnaa Maxkamada si loo dhagaysto danbiyo ay dowlada ku Eedeysay. Sarah Leah oo ah Agaasimaha Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa ku dhaliishay Masar in ay ka gaabisay daaweyntiisa. Maxamed Mursi ayaa qabay cudurka macaanka waxaana qoyskiisa ay sheegeen in loo diiday adeega caafimaad ee uu u baahnaa. Sanadkii hore ayay aheyd markii saddex xubnood oo ka tirsan baarlamaanka UK ay ka digeen daryeel la’aanta Mursi ay sababi doonto in uu u geeriyoodo. Maxamed Mursi ayaa la xidhay bishii Jully ee Sanadkii 2013-kii waqtigaas oo uu afganbi ku sameeyay Abdi Fatah Al-Siisi oo ka mid ahaa saraakiisha Amniga Masar. Source
  20. (SLT-Ankara)-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa Turkigu uu ku iibsanayao hanaanka difaaca gantaalada ee dalka Ruushka uu kaga iibsanayo Go’aan uu leeyahay, sida uu u sheegay wakaalada Wararka ee Anadolu. Madaxa xisbiga Nationalist Movement Party, Mr Devlet Bahceli oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Istanbul ayaa sheegay in arinta heshiiska uu dhacay. Mr Bahceli ayaa intaasi ku daray in Turkigu uu yahay dal awood ku leh gobolka, waxaana awoodaasi ay samaynaysaa in ay dalkaasi ka dhigto mid leh go’aamo madaxbanaan iyo inuu ku dhaqaaqo isagoon wax gorgortan ah ka galin. Sidoo kale hogaamiyaha mucaaridka dalka Turkigu waxa uu cambaarayn dusha kaga tuuray dawlada Maraykanka, waxaanu sidoo kale uu dawlada Turkiga uu kula taliyey inay iibsato hanaanka difaaca gantaalada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano Patriot-ka halkii ay ka iibsan lahayd kuwa Ruushka ee S-400. Hase yeeshee tan iyo intii dawlada Turkigu ay la gashay dalka Ruushka heshiiska ay kaga iibsanayso hanaanka difaaca gantaalada ee S-400 ayaa waxa isa soo taraya xiisada u dhaxaysa Turkiga iyo Maraykanka oo iyagu xulafo ahaa. Waxaana dhawaan dalka Maraykanku uu ku dhawaaqay inuu joojinayo tababar uu duuliyaal Turki ah uu ku siinayey saldhig milatari oo ku yaala dalka Maraykanka oo lagu tababarayey diyaaradaha dagaalka ee F-35. Source
  21. Somaliland: Representative Dhakool Released On Presidential Amnesty Somaliland member of parliament, Ahmed Mohamed Dhakool has been released after more than forty days in custody. The representative was arrested on charges of sedition and making statements that were consider “incitement and unconstitutional”. The representative made these comment prior to the 28th anniversary of Somaliland’s reclamation of sovereignty, in which he stated “18th of May belonged to the majority community in Somaliland, and should not be considered a national day and not all the communities of Somaliland were represented at the historic meeting in Burco in 1991”. The Representative had previously stated the opposite. The representative’s arrest sparked a constitutional crisis whereby the Somaliland Courts refused to hear his case until the issue of his parliamentary immunity was resolved. The Somaliland House of Representatives declined to lift the MP’s immunity and subsequently, Representative Dhakool languished in custody at Criminal Investigation Department’s headquarters for more than a month. Representative Ahmed Mohamed Dhakool was released on an amnesty by, President Muse Bihi Abdi, after intensive lobbying from politicians and intellectuals from his community. It is not clear whether the amnesty is appropriate since Representative Dhakool had not been tried in court and convicted of the charges. The Representative declined to address the media after his release from detention. Qarannews.com Qaran News
  22. (SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in aanu dalkeeda ka jirin cudurka Ebola kadib markii baadhitaan lagu sameeyay haweeney lagu tuhmay cudurkan uu caddeeyay in ayna qabin cudurka Ebola. Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay ayna qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena. Haweeney 36 jir ah oo la dhigey cisbitaal ku yaalla magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda “Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darted ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada caafimaadka dalka Kenya. Dadka ku nool Kericho ayaa waxaa soo wajahay Khalkhal dhinaca caafimaadka ah iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay wadnaha farta ku hayeen iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaas. Source
  23. (SLT-London)-Wasiir ka tirsan xukuumadda UK ayaa dhaliilay weerarka afka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hayo guddoomiyaha magaalada London Sadiiq Khan. Wasiirka arimaha gudaha UK Sajid Javid ayaa ku booriyay in Trump uu faraha kala baxo siyaasada gudaha UK uuna Joojiyo dhaleeceynta uu ku hayo guddoomiyaha Caasimada London. Hadalkaan ayaa jawaab u ah qoraal uu xilli hore ee isniinta shalay ahayd soo dhigay Trump barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu sheegay in Imran Khan uu yahay cudurka ka jira magaalada London. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in Khan aanu awood u laheyn waxkaqabashada amni darada ka jirta caasimada UK. Sajid Javid oo ka mid ah wasiirada muhiimka ah ee dalka Ingariiska ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka ka Pakistaan waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee badali doono Ra’isul wasaaraha UK Theresa May. Source
  24. PRESS RELEASE Pan African University, educating a new generation of Pan-African En-trepreneurial Solutioners: 2019 Student Call now open The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences including Climate Change (PAUWES) hosting students from 34 African countries, is offering four distinct two-year Master programs TLEMCEN, Algeria, June 17, 2019/ — The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences including Climate Change (PAUWES) (www.PAUWES.dz) in Tlemcen, Algeria provides higher education and applied research in the fields of water, energy and climate change – an important contribution to sustainable development in Africa. The admission process for its Master programs in water and energy (both engineering and policy tracks) starting in September 2019 is now open. All AU citizens (including diaspora) are encouraged to apply, particularly women and candidates from Southern, Central, and Northern Africa. Building a prosperous and stable Africa calls for a new generation of African leaders capable of and committed to facing the vast challenges of the continent. These challenges include water scarcity, renewable energy, and climate change. The Pan African University (PAU), a key initiative of the African Union Commission, is dedicated to this mission. The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences (PAUWES) is hosted by the University of Tlemcen in Algeria. Since its establishment in 2014, 278 students from 34 countries across Africa have enrolled, and by now 152 students have been successfully graduated from its programs. “PAUWES is a prototype of the Africa of tomorrow, for which we are laying the foundations,” said Moussa Faki Mahamat, Chairperson of the African Union Commission, during his official visit to PAUWES in 2018. PAUWES benefits from the support of the host country of Algeria and the key and thematic partner Germany. “United in our diversity, proud of the Pan African University as a symbol of Africa United. Diversity and Pan Africanism are our strength” Said Prof. Zerga during the Africa Day celebration 2019. Today, PAUWES offers four distinct two-year Master programs. Students striving to be future engineers have the choice between the Master of Science (MSc) in Water Engineering and the MSc in Energy Engineering. Students interested in policy-making and governance can choose between the MSc in Water Policy and Energy Policy. PAUWES recently revised the curricula to ensure that the study programmes are practice-oriented and students obtain the skills needed to tackle the challenges of the future.). The language of instruction is English, and students have the opportunity to study French at the onset of the program. PAUWES strives to balance theory and practice through national, continental and international internships, case studies, and field trips. To provide the students with specific technical skills in their field of interest, PAUWES offers electives (e.g. solar, wind, geothermal and biomass energies, water and sanitation, integrated water resource management, policy analysis or leadership). Graduates benefit from career pathways in public administration, policy-making, research, private enterprise, consulting and civil society. Access to the Institute’s international expert network, research partnerships, career-promotion programs and the forthcoming entrepreneurship centre further boosts the graduates’ profiles. The Career Services Support at PAUWES aims to “not only to graduate the best of Africa. We are supporting the students to become the best graduates FOR Africa”, said Dr. Amazigh Dib, Private Sector Coordinator. PAUWES is committed to support its students to participate in international competitions s such as the Schneider GoGreen competition and programmes such as at the Alexander von Humboldt Foundation (https://bit.ly/29xGqbT), Tony Elumelu Foundation (TEF) Entrepreneurship Programme as well as UN conferences. Student initiatives such as the participation in the as Solar Decathlon competition are highly welcomed at the institute in Algeria. Under the framework of the African Union’s Agenda 2063, PAUWES places a special emphasis on recruiting and empowering female students. In the 2018 student’s selection a 50 ratio has been achieved The Institute facilitates women-focused networking events and workshops to empower young female Africans. To further develop its vision of diversity, PAUWES also encourages applicants with disabilities and candidates from under-represented regions (Southern Africa, Central Africa, Northern Africa) to apply. All PAUWES students receive full scholarships (covering tuition and living expenses) following a competitive admission process. Distributed by APO Group on behalf of Pan African University, the Institute for Water and Energy Sciences (PAUWES). Qaran News