Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanka kusoo dhigay Laba xubnood oo ka ka tirsan Al-Shabaab, markii ay howl-gallo qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho. Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay soo qabteen Laba dhagar qabe iyo Hubkooda, xilli ay maleegayeen dilal lagu beegsanayo Shacabka. Qoraal kooban oo ay hay’adda NISA soo saartay ayay ku tiri, “Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi”. View the full article
  2. Baydhabo (SMN) – Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Khamiistii gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Shirka oo ka qabsoomay xarunta ku meel gaarka maamulkaasi ee Baydhabo ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo xaalada dalka quseeya. Qodobada shirka lagu soo qaadey waxa kamid ahaa dadkii lagu laayey degaanada Galmudug ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed oo guddi heer federaal ah oo loo saarey dhacdadaasi ayaa golaah warbixin siiyey. Ugu dambeyntii, xubnaha ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in lasoo qabto raggii falalkaasi ka dambeeyay, lana horgeeyo sharciga. Codka wasiirka warfaafinta KGS oo sharaxaya https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-2.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa hogaanka maamul goboleedka Jubbaland ugu baaqey in ay cashar ka bartaan tanaasulka dhigooda Galmudug. Mudanahan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa shaaciyey in ay muhiim tahay in la xushmeeyo madaxda dalka. Dalxa oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa tibaaxay in dalku galay isbedel siyaasadeed, loona baahan yahay in aanan la buun-buunin dhibaatada. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haatan ku sugan degaanada Galmudug muddo ka badan todobaad, isaga oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay. Codkan halkan ka dhageyso https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-1.mp3 View the full article
  4. Somalia’s first tech innovation hub opened in 2017 while Ethiopian startups are learning to survive amid continued internet shutdowns by the government. Source: Hiiraan Online
  5. Africa must change its relationship with Europe if it wants to become self-reliant and exploit rich resources that could transform the continent, Ghana's president has said. Source: Hiiraan Online
  6. Leaders from 54 African nations met on Sunday to make a critical expansion to their continental free trade zone. If the massive deal works as hoped, it will connect 1.3 billion people, create a $3.4 trillion economic bloc, and heat up commerce within the continent itself. Source: Hiiraan Online
  7. Gaalkacyo (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu ku guuldareystay in uu is hortaago socdaal uu ra’iisul wasaaraha dala, Xasan Cali Khayre ku tegay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Mudane Khayre oo si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyay ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda, isaga oo kala hadlay xaalada guud ee dalka iyo horumarka la taaban karo ee xukuumadiisa ay sameysay. Halkan hoose ka dhageyso warbixin ku saabsan arrintan https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-12072019.mp3 View the full article
  9. Beledweyne (Caasimada Online)- Sida aan wararka ku heleyno waxaa xal rasmi ah laga gaaray xiisadii maamul ee ka taagneyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kadib dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka iyo maamulka HirShabelle ayaa lagu guuleystay in la soo afjaro xiisadaasi. Khilaafkan ayaa ka dhashay xilka qaadis uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ku sameeyey guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo ka hor yimid tallaabadaasi. Dabageed ayaa ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo, islamarkaana uu baneeyo xarunta degmada, taas oo sababtay inay xiisadu xoogeysato iyo dagaal ka dhacay deegaanka Kala-Bayr ee gobolka Hiiraan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramayaa in guddoomiyaha cusub Cali Muxumed Caraale uu shalay la wareegay xafiisyada degmada. Arrintan ayaa timid, kadib wada-hadallo muddooyinkii dambe ka socday halkaasi. Sidoo kale waxaa xalay kulmay guddoomiye Caraale iyo Dabageed, kuwaas oo is gacan qaaday, kuna dhawaaqay in la dhammeeyey khilaafkii taagnaa. Illaa iyo hadda xilka lama wareegin guddoomiyaha cusub, basle dhawaan ayaa la filayaa in la qabto xafladda uu xilka ku wareejinayo guddoomiye Dabageed oo hadda aqbalay. Xiisadan oo muddo ka taagneyd Beledweyne ayaa sababtya inuu ku dhinto taliyihii qeybta Booliska Maxamed Macow oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay duleedka magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warbaahinta dalka Gini ayaa markii u horeysay ka hadashay safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay caasimada dalkaasi ee Conakry. Shabakada Mediaguinee oo kamida Warbaahinta dalka Gini ayaa sheegtay in socdaalkii Madaxweyne Biixi uu ku tagay dalkaasi ay horseeday in shacabka reer Somaliland si weyn u sharfaan calanka wadanka Gini iyo Madaxweyne Alpha Condé oo sawiradiisa la sudhay wadooyinka waaweyn ee caasimada Hargeysa. Waxa kale oo ay xustay shabakadu in shacabka Somaliland ay si weyn u bogaadiyeen madaxweyne Conde iyo shacabka reer Gini, oo Madaxweynahooda si meeqaam sarre leh loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Gini. Jamhuuriyada Gini iyo Somaliland ayaa xiriir cusub yeeshay kadib socdaalkii Madaxweyne Biixi, kuwaasi oo la filayo inay yeeshaan iskaashiyo kala duwan oo dhinaca Ganacsiga iyo Dhaqaalaha. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Eritrea (MNN) – Thousands of Somalia refugees are on the move after the government in Eritrea decided to close down its only refugee camp. Source: Hiiraan Online
  12. A stretch of coastal homes along Howth’s Carrickbrack Road called Somali Village may sound like an anomaly but it is widely known locally. The name derives from when the builder of the Edwardian homes took his design inspiration from the landmark International Exhibition of 1907 in Dublin’s Herbert Park. Source: Hiiraan Online
  13. For four years, the United Arab Emirates have been the military linchpin of the Saudi-led war in Yemen, providing weapons, money and thousands of ground troops to a campaign to drive out Yemen’s Houthi rebels. Emirati forces led almost every major advance the coalition made. Source: Hiiraan Online
  14. Fifteen Kenyan seafarers are captives aboard a Somalia-flagged fishing vessel off the Coast of the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukumaada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay dacwada ay muwaadiniinta reer Somaliland ka gudbiyeen laanta Afka Somaliga ee BBC. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Idaacada BBC-du ay ka baxday dhex-dhexaadnimadii umada ku hadasha Afka Somaliga, isla markaana ay u gudbiyeen warqad cabasho ah. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu BBC-da ku eedeyay inay noqotay idaacad laga leeyahay Xamar oo hal qoys iska yeeshay, taasi oo ku tilmaamay wax laga xumaado. Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey xafiiska magaalada Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey in BBC-da ay hore dacwad uga gudbiyeen muwaadiniin reer Somaliland oo ku nool dalka Ingiriiska, wuxuuna yiri “BBC London oo la odhan jiray idaacadii geeska afrika ama aduun weynahaba laga dhageysan jirey oo maanta aad moodo in qoys yeeshay, runtii aad iyo aad ban uga xumahay”. “Idaacadaasi waa tii aheyd reer Somaliland ay hudheelada, meelaha la iskugu yimaado iyo guryaha intaba ka dhageysan jireen, aad baa warkeeda loo aqoonsana loona sugi jirey, maanta meel lagu dhageysanayo arki maysid, sababto ah waxay ka baxday dhex-dhexaadnimadii”. Wuxuuna intaas kusii daray “Qoraal dheer oo cabasho ah ayaanu ka wasaarad ahaan u qorney, waxaana arkayey qoladii reer London muwaadiniintii ku noola inay cabasho ka bixiyen, waanu ka ashkatooneyna oo ka cabaneyna”. “Waxaanu ka codsaneyna inay arrinta iyada ah nooga soo jawaaban, talaabana ay qaadan, hadii kale wixii nala gudboon ban yeelayna, dadka reer Somaliland-na waxan u sheegay cabashadaas waad nala muujinaysan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. For roughly two years, the United States has been warning the Turkish government against receiving a huge Russian missile defense system. Washington has made clear that, were that to happen, it would have no choice but to impose sanctions that could further cripple the Turkish economy, restrict Turkey’s role in NATO and forever alter the U.S.-Turkey alliance. This week, Turkey called our bluff, and the Russian equipment is arriving in Turkey. The problem for Turkey, though, is that the Trump administration wasn’t bluffing. Source: Hiiraan Online
  17. France has denied breaching a UN arms embargo after four of its anti-tank missiles were found on a base loyal to a rogue Libyan general. Source: Hiiraan Online
  18. Libya's United Nations-recognised government on Thursday demanded urgent answers after Paris conceded French missiles were found at a base used by renegade military commander Khalifa Haftar whose forces are fighting to take over the capital Tripoli. Source: Hiiraan Online
  19. The Oklahoma City Thunder traded eight-time All-Star Russell Westbrook to the Houston Rockets on Thursday, according to ESPN's Adrian Wojnarowski. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka. “Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xidhiidhka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah. Qaran News
  21. Suldaanka guud ee subeer Awal suldaan xasan suldan Abdilahi suldaan Abdirahman isaga ayaa xaq u leh caleemo saarka Beesha dhexdeeda inuu caleemo saaro W/Q Ahmed ismail Sida aynu ognahay beesha subeer awal,waxay leedahay suldaan guud oo metela dhammaan beesha qurbo joog iyo qolol joogba waana suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmaan suldaan diiriye garaad cabdalle garaad boon garaad Hadaba waxa beryahan baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyey ama tvyada rag waaweyn oo suldaan xasan suldan cabdilahi ku fadeexadaynaya karamadiisana ku wiiqaya sheegayana inuu caleemo saaray ugaas aan loo dhamayn caleemo saarka ugaaska guud ee yaasif isaxaq sacad muuse waa loo dhamaa suldaan xasana waa suldankii guud ee subeer awal isagana xaq u leh inuu markuu ku qanco talada odayasha cuqaasha waxgaradka beesha ugaaska caleemo saraysa inu sidaas ku ansixiyo xaqna isagaa u leh oday kale ama qof kale oon beesha caleemo saraysa ahayna inuu kala tashado Hadaba waxa maalmahan saxafada aad ugu so noqnoqday suldan baclayaal iyagu iskood isku caleemo saray kana haysan kalsooni suldaanka guud ee subeer awal inay tv yada la so fadhistaan fadeexado Waxaan u shegaynaya fadexad tvyada la la so fadhistaa fadeexad tvyada lala so fadhiistay leedahay waar toloow colka joooji Reerkan sacad muuse waxan u malaynaa 100 sano ee nimcada inuu ka baxayo oo uu colaad sokeeyo dhexdiisa ka hurinayo suldaanka guud ee subeer awal hadii shaashaynta laga daynwaayo sacad muuse anaga dagaalka ka dhex ridayna waa in loo hogaansama saldanada so jireenka ah ka ogalan mayno cid aan la fac ahayn saldanada oo wax ka sheegta dagaal banu ka xignaa reerka saldanada subeer awal haya hadaanu nahay ee reer axmed cabdalle na dagaalama ayaanu odhanaynaa oo difaaca sharafta saldanadiina suldankiinana garab istaaga nacaska miidhani ku magac raadsanayo Dhacdooyinkan soo noqnoqonaya lagu wiiqayo sharafta suldaan xasan oo ah arrin ugub ku ah maqaamka saldanadaha soomaliland iyo maamuska iyo qaddarinta ay ku leeyihiin bulshada u cugatay xilkan culus. HADABA arinkan raga suldamada isku sheegaya ee uu ka mid ka yahay suldaan isku sheega besha rer shirdoon Suldan isku sheega beesha reer cabane ee ay tvyada la fadhiyaan suldaan xasan suldaan guud maaha oo halkaad joogteen suldaan xasan inuu ku abtirsano suldaan mudoo 300 oo sano ahna awoowyashii ay hayeen subeer awalna u talinayeen arinkaas waa arin la iskaga daba iman doono Waana arin xadgudub ku ah saldanada subeer awal oo ah mid taariikh fac wayn ku leh geeska kuna dhisan xadaarad iyo ilbaxnimo guun ah. Kana hor imnaysa jiritaanka saldanada guunka ee subeer awal Waxaan cambaaraynayaa suldaanka waraabe u taagga ah ee tvyada la fadhiya suldan xasan suldaan nooma ah waxaan leeyahay adiga iska daayee Awoowyasheen buu suldaan xasan suldaan u yahay iska daayo kuwa nool ama kuwa dhalan doneee Fadeexada nimankaasi la wareegayan waxaan leeyahay cida ku hawlan arrinkaas ugu baaqaya inay faraha kala baxaan khalkhal gelinta iyo been abuurka ay mujtamaca la dhex wareegayaan oo ah mid sharciga iyo kala dambaynta baalmarsan soomaali waxay tidhaahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah Suldaanka guud ee beeshu waa suldaan xasan oo qiimo ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana ay beeshu kalsooni ku qabto waxaana mudan in la xushmeeyo suldaanka waana shakhsi samo ka talis ah oo bulshada isku xidhkeeda ka taliya,nabada iyo amniga qarankana door muhiim ah ka qaata. Waxaan ku so gunaanadayaa in la ilaaliyo sharafta saldanada subeer awal Ahmed ismail Hargeisa,somaliland Axmedismail029@gmail.com Qaran News
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar-___-Qumanaha-11072019-Okay.mp3 View the full article