Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afghan has exported medical equipment and hygiene products to Somalia for the first time. Source: Hiiraan Online
  2. The number of civilians killed in Sidama zone in southern Ethiopia since July 18 has risen to “more than 35”, according to Yigezuh Adamu, a resident of Yirgalem who is currently in Hawassa city. Source: Hiiraan Online
  3. Somali forces have apprehended three al-Shabab militants in a security operation conducted on Sunday in Kismayo town, southern Somalia, an official said on Monday. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Gacanada ay kuwada xiriiraan Ciidamada Booliiska Soomaaliya (Isgaarsiinta Booliiska) ayaa xalay laga shaaciyay in magaalada Muqdisho ay ku jirto Haweeney darawal ka ah gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo damacsan in ay weerar ka fuliso magaalada Muqdisho. Saraakiisha ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah ay wadato qofkaan dumarka ah islamarkaana dooneyso in ay weerarkeeda la beegsato Difaacyada Madaxtooyada Soomaaliya ama Xarunta Dowladda Hoose ee gobalka Banaador. Waxaa inta badan la fasaxay shaqaalaha aan baahida joogtada ah loo qaban ee ka tirsan Xarunta Dowladda Hoose, iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka Xarumaha Dowladda gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir. Ma jirto cid si rasmi u xaqiijin karta arintaan balse waxaa jirta Qaraxyo sidaan oo kale ay Booliiska Soomaaliya uga digeyn balse markii dambe ka dhacay goobihii laga digay. Digniintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shalay qarax xoog leh uu ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 20 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu aasay Meydka Askari katirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar kaas oo lagu dilay Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir. Askarigaan iyo qof kale oo shacab ah ayaa dhintay dhamaadka Bishii Ramadaan kadib shaqaaqo ka dhacday Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir, taas oo u dhaxeysay Ciidamo Booliis ah iyo Askar uu katirsanaa marxuumka dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishuu Juun Guddi u saaray arintaan waxaana muuqata in ay socon waysay oo ay lugaha la gashay xubno sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya. Muddo ka badan 40 cisho ayuu Marxuumka ku jiray Finijeer laga leeyahay Isbitaalka Digfeer waxaana ku socotay lacag. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan amray in Marxuumka la duugo waxaana la aasay iyadoo aysan ka war qabin qoyskiisa iyo dhamaan qaraabadiisa. Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa shaqadaan qabtay waxaana lacagta kirida Finijeerka bixiyay Dowladda iyadoo ay dib u soo cusboonaatay arintaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqti badan geliyay sidii arrintaan loo damin lahaa balse waxaa ku dhagan Saraakiil uu kamid yahay Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in Somaliland ay iska badalayso magaceed si beesha caalamka aqoonsi buuxa uga hesho. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay u howl-galeyso sidii ay iskaga badali laheyd magaceeda, taasi oo uu sheegay inay u horseedi karto ictiraafka ay mudada badan ugu jirtay baadi-goobka, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya ay ku colaadineyso Somaliland magaceeda. Xildhibaa Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dib u heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wada-hadal la fureyn dowlada Soomaaliya, ilaa inta ay ka imanayso dowlad loo dhanyahay. Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ku jirto colaad, isla markaan uu Somaliland ka raadinayo godob uu sheegay inay hore u gashay. Xildhibaan Dheeg oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxa wada-hadlaya reer Talyaani iyo reer Ingiriiskii Soomaaliya, Soomaaliduna shan meelood ayey kala aheyd, Waxaana wada-hadlaya Somaliland iyo Soomaaliya, labadii maalintii isku darsaday kowdii luulyo ayaa wada-hadlaya”. “Nin anaga maalintii Somaliland ahaa, xagaa (Muqdisho) intuu ka soo jeesto sidii wax waalan la hadli mayno anagu, wuxuunba la hadleynaa Nimankii reer Talyaani ee aanu wax isku darsanay oo soocan, oo weliba goboladooda ka kooban, ilaa marka ay dowlad yeeshan, dowladaasina ciday inoo soo dirto ayaanu la hadleyna” Wuxuuna intaas kusii daray “Farmaajo intuu haysto la hadli mayno, waayo ninkan colaad baa ku jirta, Adeerkii ayaanu ka ridnay oo godobtii ayuu naga raadinaya anaga, waanu garaneyna halka uu nagala dagaalamayo, markaa wixiisa ha iska haysto, cidii uu wax ka qaadayo ha ka qaado, wuxuu naga cadaadinayo hanaga cadaadiyo”. “Waxa ina haysta waa magaca xun ee aan la sheeganeyno, waana raacsanahay in la iska badalo magaca oo waa in laga fikiro oo labada Golle loo diro magacaa, lana ansixiyo magacaasi, loogana tago sidaynu uga tagnay Baasaboorkeeni”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaska Madaxweymihii hore ee dalka Mareykanka Michelle Obama ayaa taageero u muujisay Ilhaan Cumar iyo saddex kale oo ka tirsan Kongreska dalkaasi. Michelle Obama ayaa si weyn uga horjeesatay hadalkii uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Trump, kaas oo ahaa inay dalalkoodii hore ku laabtaan haweenka xildhibaanada midabka leh ee ka tirsan golaha Kongreska Mareykanka. Qoraal ay soo dhigtay haweeneydan barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in Trump uu ku kacay gef aan garowshiyo laheyn. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka qofka u dhashay iyo kan Qaxootiga ku ah ay u wada siman yiihiin. “Xitaa, haddii aan ku dhalanay halkan ama aan soo raadsanay Qaxooti, waxaa jira meel aan wada leenahay, waana waajib inaan xusuusnaano inaysan ahayn Maraykankaya ama Maraykanka, ee waa Maraykanka aan wada leenahay” ayey ku qortay Twitterkeeda. Siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa horay u cambaareeyey tallaabada uu qaaday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donold Trump. Afarta haween oo uu Twitterkiisa ku weeraray Trump ayaa kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez , kuwaas oo dhammaan loo doortay aqalka Koongreska doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan ka dhacday Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Riyadh (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo diiwaanka Malakiga Boqortooyada Aala Sacuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in boqolaal Askari American ah iyo hub casri ah loo daad gureeyay gudaha wadanka Sacuudiga. 16 sano oo maqnaashiyo ah kadib ayay ciidamada Mareykanka dib ugu laabteen dhulka Xarameynka oo ay ka taliso dowladda Sacuudiga, saladhigga Melleteri ee Al Amiir Suldaan oo 70 Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada caasimadda ee Riyaad waxaa gaaray illaa 500 oo askar American ah waxaana ugasii horreeyay tobaneeyo diyaaradaha dagaalka ah. Wakaaladda wararka ufaafisa dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in ay ogolaatay dalab uga yimid Mareykanka oo ahaa in ciidamada Americanka ay dib ugu laabtaan Saldhigga Amiir Suldaan si halkaas ay ugala socdaan dhaq dhaqaaqyada Melleteri ee ka jira mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Sacuudiga ay ka dalbatay in ciidamada Mareykanka loo daad gureeyo wadankeeda si ay uga ilaaliyaan khatarta uga imaanaysa Iiraan. Shabakadda CBS News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaarinta saldhigga Melleteri ee Amiir Suldaan ay bilaabatay bishii June ee lasoo dhaafay islamarkaana halkaas loo daabulay qalab melleteri ka hor inta aan ciidamada lageyn. Salmaan Bin Cabdul Caziiz oo ah boqorka Ala Sacuud ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu Mareykanka u ogolaaday in uu dego dhulka Xarameynka iyadoo qeyb ka ah sugidda amniga mandiqadda sida uu hadalka udhigay. 26,Augst sanaddii 2003 ayay aheyd markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen dalka Sacuudiga xilligaas oo loo dhigay xaflad sagootin ah, joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Sacuudiga ayaa soo bilaawday horraantii sagaashameeyadii waqtigaas oo uu dhacay dagaalkii Khaliijka ee ka dhanka ahaa dowladdii Sadaam Xuseen. Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  9. In dhowaale waxaa badatay in dawladda Puntland ay ku celceliso diidmada ay kala hor jeedo maamulka federaalka Soomaaliya iyada oo mar walba dhinaca kalena tiraahda waxaan nahay hooyadii federaalka, sidee labadatan hadal isu qabanayaan? Sida lawada ogyahay Soomaaliya waxay qaadatay habka federaalka waxayna yeelatay axdi qarameed ku meel gaar ah sugayana afti dadweyne oo lagu ansixiyo ama lagu diido. Taasna weli lama gaarin, waana hubaal inuu u baahan yahay in isbedel lagu sameeyo si loo waafajiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Iyada oo axdigaas la raacayo ayaa waxaa la dhisay dawlad federaal oo ka kooban, baarlamaan, madaxweyne, raysal wasaare, golaha fulinta, maxkamad iyo guddoon baarlamaan. Anigu waxaan taageer sanahay habka federaalka guud ahaan waayo ma doonayo in awoodda dalka oo dhan iyo adeegga bulshada uu hal meel ku ururo ama laga hago oo laga maamulo. Balse dhinaca kale waxaan doonayaa dawlad federaal ah oo awood leh qaadatana doorkeeda kaga aadan midaynta, ilaalinta iyo dhawrista dadka iyo dalka Soomaaliya. U madax banaan dhamaan waajibaadkeeda qaran, taas oo la doonayo in aan maamul goboleedyadu ku qabsan arimaha federaalka khuseeya sida arimaha dibadda, ilaalinta xuduudaha dalka-bad iyo beri, maamulka lacagta iyo dakhliga guud, maamulka iyo xukunka ciidamada xooga dalka, suuq geynta iyo soo saaridda khay raadka dabiiciga, ilaalinta nidaamka federaalka iwm. Hadaan eegno xaalka Puntland iyo hab dhaqanka madaxda Puntland waxay u hadlaan mararka qaar kood sidii ay ka madax banaan yihiin federaalka dalka, amaba iyagu xaq u leeyihiin in wax kasta oo federaal khuseeya lagala tashado ama wax laga weydiiyo. Waxaad maqlaysaa dad siyaasiyiin ah oo ku hadlaya hadallo ay ka mid yihiin; Dastuurka Puntland ayaa ka horeeyey kan federaalka, tan macnaheedu waa maxay? ma dastuurka Puntland ayaa ka sareeya kan federaalka, Puntland ma dawlad iskeed u taagan baa, Maxaa laga wadaa marka la leeyahay Puntland dastuurkeeda ayaa horeeyey ama la hor sameeyey. Sax waa horeeyey waana la hor sameeyey balse waa maxay micnaha ku jira taas. Cidna kuu sheegi mayso waxa arinkaa laga wado. Waxaa sidoo kale ayaamahan jirta, in dawladda federaalka lagu eedeeyo inay dhinac martay dastuurka ku meel gaar ah ee federaalka loo dejiyey . Tani iyaduna war cad maaha, maxaa Puntland rabtay in federaalku kala tashato ama federaalka hada jira garab maray oo dastuurka ka dhigay in la jebiyey? Sidoo kale waxaad arkaysaa marar badan in maamul goboleedyaddu ay federaalka arimo khuseeya ka hadlayaan una diidan yihiin in dawladda federaalku hawl wadeen ka noqoto sida doorashooyinka qaranka, qaybsiga khayraadka dabiiciga iyo suuq geyn tiisa, dhisidda ciidanka xooga dalka iwm. Sax in dawlad goboleedyadu ku yeeshaan arimahaas aragtii iyo fikir balse maaha inay hor istaagaan iyada oo aan cadayn sababta diid mada, shacabkana aan laga dhaadhicin sababta loo hor istaagay arimahaas khuseeya dawladda federaalka si gaar ah. Midda kale, dawladda federaalka ee hada jirta waxaa hubaal ah inay hastaan sumcad shacab intay doonto ha leekaatee aadna mooddo inay fahmeen meesha laga taabto shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan hamuunta u qabay dawlad Soomaaliyeed oo ka tarjunta dareen kooda guud iyo mid gaar ahba. Layskuma haysto sidoo kale in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre ay haystaan taageero shacab ayna maanta yihiin siyaasiyiin in badan oo shacabka Soomaalidu rajo u arkaan dalkaan u soo hoyatay. Haddaba Puntland oo ah sida dhabta ah hooyadii federaalka Soomaaliya, waxaan qabaa inay la gudboontahay madaxdeedu inay wada shaqayn dhab ah la yeeshaan dawladda federaalka iyo madaxda federaalka wixii kala aragti duwanaan ahna si hoose loo dhamys tiro iyada oo la adeegsanayo xigmad iyo isfahan aragti dheer ku dhisan iyo badbaado qaran. Middi middi ku taag waxba kuma hagaagan , dawladda federaalka ee aad adigu dhistay ha hor istaagin, shacabkana ha niyad jebin waayo shacabka Puntland waxay u taagan yihiin mar walba midnimadda iyo horumarka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan Puntland. Ugu danbayn waxaan ku soo koobayaa inaan masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo kan Puntland aan lagu soo koobi karin “labo biyo hoostood iska haraatiday iyaga ayaa is og”. arinku waa dan guud waxayna u baahan tahay daah-furnaan. Qore: Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland. Wareegtada ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in xildhibaanadu gebi-ahaanba aysan qaban karin fadhiyo ay xilka kaga tuurayan Maayarada iyo ku-xigeenadooda. Wareegtadan maanta ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada, waxayna u dhigneyd sidan: Ujeeddo: Mabnuucid Kalafadhi Aan Caadi Ahayn: “Iyadoo lagu jiro sannadkii u dambeeyay xilligii doorashada loo asteeyay oo ah 12/12/2019. Iyadoo xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshin lagu ridayo Maayarrada. Iyadoo xildhibaannada qaarkood si badheedh Xad-gudub ugu samaynayaan Xeerarka iyo Sharciga dalka, qaab-darrada iyo Xad-gudubka Sharciyeed iyo weliba kicinta Dadweynaha, iyagoo Xildhibaannadu arrimahaa abaabulaya ay Dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan Dadweynaha kicin, taasina ay iska hor-imaad iyo nabad-galyo xumo dhaawacaysa Nabadgalyada guud ee dalka (keeni karto) iyo nidaamka Dawladnimo. Haddaba, dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka waxa la farayaa inaan la qaban karin Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ah Mooshin lagu ridayo Maayarrada iyo ku-xigeennada. Maaddaama oo wakhtigii Doorashadu soo dhow yahay, Dalkuna ku jiro Xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in la iska kaashado oo wadajirna looga hor-tago Xaaladaha inna soo waajahay ee cadowgu inoo maleegayo”. Wareegtadan uu soo saaray Wasiirku ayaa waxay daba socotay muran baahsan oo maalmihii u dambeeyay ka dhexeeyay maayarka Gabiley iyo xildhibaanada golahaasi, taasi oo u muuqata in Wasiir Kaahin uu maaro kale u waayey. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Wargeyska New York Times ayaa wuxuu daabacay warbixin Dheer oo ay kasoo xigteen Sirdoonka Maraykanka iyo ilo dublamaasiyedeed. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Sirdoonka Maraykanka [...] Source
  12. By Ronen Bergman and David D. Kirkpatrick When a small car bomb exploded outside a courthouse in the bustling port city of Bosaso in northern [...] Source
  13. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muse Nuur ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in Dawlada Puntland Ciidamo dheeri ah ay [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-22072019-hhh.mp3 View the full article
  15. Shirka Madasha Wadajir ee hannaanka Qaran Dowladaha hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Maanta ka fumar Magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Haweenka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiyada Qaxootiga iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Isaaq Maxamed Maxamuud , oo furay shirka madasha wadajir ayaa sheegay in muhiimadda madashani oo Saddexdii Bil mar kulanta ay tahay horumarinta adeegyada Bulshada iyo dhismaha golayaasha degaanka, waxana sidoo Ajendaha ka mid ah xal u helidda arrimaha barakacaayaasha. Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qeyb galka madasha 13-aad hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose ee wadajir, isagoo sheegay in ay wadaan dedaallo la xiriira sidii horay loogu socodsiin lahaa dhismaha golayaasha degaanka Degmooyinka Hirshabeelle. Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeelle Injineer; Cabdikariin Cali Nuur, ayaa sheegay in ay dib u heshiisiintu tahay saldhigga dhismaha golayaasha degaanka iyo xal u helidda caqabadaha ku hor gudban. Wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed , Maxamed Abuukar , ayaa isna sheegay in ay wax badan ka qabteen dhismaha golayaasha degaanka , isagoo xusay in ay dhowaan daah-fureen dhismaha golayaasha degaanka Ceel-Barde , isagoo sheegay in ay horay usoo dhiseen galayaasha degaanka ee Xuddur iyo Berdaale, Haweenkuna ay door fiican ka siiyeen. Cabdisamad Garoon (Abdow Garoon) oo horkacaya wafdiga Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland , ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan madashan iyo in ay iska waraystaan wixii uga qabsoomay xaslilinta , xal u helidda arrimaha bara-kacayaasha iyo dhismaha golayaasha degaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay gudiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dar dar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa. Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u muuqda in waqtigiisa ku dhameysanayo buuq siyaasadeed iyo go’aano deg deg ah oo ku dhisan dano gaar ah oo ka fog danta guud. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo sanadkiisii saddexaad gabo gabo maraya ayaa weeraray siyaasiin iyo inta badan maamul gobaleedyada iyadoo ay yartahay shaqooyinka muuqda oo laga qabtay baahiyaha dalka ka jira iyo qodobada ugu waa wayn ee laga filayo dowladiisa in ay dhameyso. Maxamed Cadbullaahi Farmaajo, ayaa weerarkii ugu horreeyay ku qaaday Madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, sanadkii 2017-kii isagoo dagaal adag la galay maamulkiisa. Waxay taageereen in halkaas uu ka soo baxo Madaxweyne taageersan inkastoo ay ku guul dareestayn hadane waxay milkiyeen Maxamed Cabdi Waare oo ay la heshiiyeen. Sidoo kale Farmaajo ayaa dhamaadka sanadkii 2017, ceeb iyo fadeexo wayn kala kulmay dhibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Dowladda Itoobiya. Caro badan oo ka dhalatay arintaas ayaa sababtay in dib u dhac wayn ku yimaado shaqada dowladda kadib markii ay ku dhageyn Baarlamaanka iyo dadweyne careysan. Isla sanadkii 2017 dhamadkiisa waxay weerar sababay dhimasho iyo dhaawaca ay ku qaadeen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. Arinta CC Shakuur oo muddo dheer taagneed ayaa sababtay in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho guul darrooyin siyaasadeed oo aad u culus. Dowladda Farmaajo kama aysan baaqsan weerarada aan la mahdin waxayna sii wadayn weerarkooda aan ku dhisneen danaha qaranka. Farmaajo iyo Kheyre ayaa weeraray Taabid Cabdi Maxamed bilaawgii sanadkii 2018, iyagoo xilka ka qaaday kadib markii ay Ciidamo Koofiyo Gaduud ah qabsadeen Xarunta Dowladda Hoose. Weerarkii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa oo dhulka la galay sharaftii dowladnimada ayaa ku xigay Taabid Cabdi Maxamed, kaas oo lagu qaaday Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Jawaari ayaa la weeraray bishii March ee 2018 iyadoo muddo bil ah ay taagneed doodaas. Weerarka jawaari ayaa gaaray jeer ay Ciidamo hubeysan qabsadaan Xarunta Baarlamaanka kadibna uu Prof Jawaari u tanaasulo Qaranka iyo badbaadada Umadda Soomaaliyeed maadaama ay taagneed xaalad amni oo halis ah. 2018, markale waxay weerar adag ku qaadeen Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan markii ay ka soo dhamaadeen Prof Jawaari. Nabad iyo Nolal waxay Koonfur Galbeed geliyeen waqti iyo lacag iyagoo soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaa Musharaxiintii Koonfur Galbeed. Farmaajo ayaa Baydhabo geestay Lafta-gareen oo laga haray dhaqaalihiina laga goostay markii uu ku soo baxay Kursiga Madaxweynaha KGS. 2019, ayaa weerar kale oo aan yareysan waxay ku qaadeyn Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Haysom taas oo caro badna ka dhax-abuurtay Dowladda iyo Beesha Caalamka. 2019, oo meel dhexe maraya wali waa socdaa weerarada iyo go’aanada deg deg ah iyadoo maalmo ka hor laga soo dhamaaday inta badan Arimaha Galmudug hadana ay su’aasha dul taagan tahay Axmed Madoobe oo hogaamiya Jubbaland. Xiriirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ka jira weerar badan oo sanad walba lugaha la gala xaalado adag oo qatar geliya Soomaaliya. Kaliya weerarada intaan kuma eka, ee waxaa jira qaladaad badan oo ka dhacay Xukuumadda oo ay kamid tahay weerarkii Bariire, dad lagu laayay magaalada Muqdisho waqtiyo kala duwan iyo dhacdooyin kale oo xanuun badnaa oo ay sabab u aheyd Dowladda Soomaaliya. Hadii 3 sano Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhameestay weeraro iyo go’aanno deg deg ah iyo sidoo kale nin jecleysi maxaa lagu qaban karaa hal sano oo hadda dhiman? Waa sh’aasha ay qabaan dad badan oo Soomaaliyeed. Inkastoo shaqooyin badan laga rabo Dowladda Soomaaliya ayaa hadana waxa ugu wayn ee looga fadhiyo waxay tahay dhameestirka Dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod iyo sidoo kale in Al-Shabaab dalka laga saaro mana jirto hal qodob oo kamid ah oo ilaa hadda la dhameestiray. W/Q: Dalmar Cabdiqani Muuse Garoowe, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. When a small car bomb exploded outside a courthouse in the bustling port city of Bosaso in northern Somalia, local news reports chalked it up to Islamist militants retaliating for American airstrikes. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaaladda Jowhar ka daah-furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle. Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado Dalka, ayaa waxa uu kala shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dawladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid dalka oo dhan laga hirgaliyay. Munaasabadda Daah-furka oo ka dhacday madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi, Madaxweyne ku-xiggeenka, Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee Baarlamanka, Xubno ka tirsan Labada Golle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale. Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahad-celiyay madaxda Hirshabeelle sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay Mashruucaan. Wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda Maamulka Hirshabeelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku howlanyihiin tayeynta Internetka xafiisyada Dowladda. Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Maamulkaasi oo koobaya howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey mashruuca iyo faa’iidooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. At least 17 people have been killed and dozens wounded when a bomb went off outside a hotel near the international airport in Somalia's capital Mogadishu, according to security officials. Source: Hiiraan Online
  21. At least 25 people have died in clashes between Ethiopian security forces and activists in southern Ethiopia, hospital officials have told the BBC. Source: Hiiraan Online
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la sheegay in dad shacab ahaa ay ku laayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya. Korneel Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Kenya bishaan gudaheeda ay dileen 52-ruux oo shacab ahaa. Waxa uu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen ganacsato iyo dad shacab ahaa, kuwaasi oo kenyaanka ay ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedeen maamulkooda, iyo dhul balaarsiga ay ka wadaan gobolka. Rufle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Kenya ay qaraxyo dhulka ay galiyeen ay ku qarxiyeen gawaari dad shacab ah ay lahaayeen, kuwaasi oo waxyeelo geystay. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya uu shalay shaaca ka qaaday in Ciidamo Kenyan ah ay dileen dad shacab ahaa oo gaari la socday, kadibna ay gubeen. Tirada dadka ciidanka Kenya ay tacadiga u geysteen waxa ay ahaayeen 8-ruux kuwaas oo ku safrayay meel 10KM u jirta Deegaanka Raaskaambooni. Ciidamada oo socday waxaa kahor tagay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka, iyaga oo rasaas ku furay, kadibna gubay dadkii dhintay. Hoos ka dhageyso Korneyl Aadan Rufle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/DADKA-LAGU-LAYEY-JUBADDA-HOOSE-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay gudiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dar dar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa. Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha. View the full article