Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Soomaliya ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay labaatan iyo labadii bishii February ee sanadkaan 2024. Kooxdaan oo ka kooban lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku weheliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday. Maxkamadda sare ee ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax. 3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay maxkamadda sare ku xukuntay min todobo sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo mar kale xukuntay kooxdii dilay marxuum Abuukar Kaabax appeared first on Puntland Post.
  2. Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Mudane Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wefdigan ayaa waxgaradka deegaanka kala hadli doona hubkii dhowaan u gacan galay qaar kamida dadweynaha magaaladaas, kaas oo la doonayo in dowladda lagu soo wareejiyo si aan colaadaha gobolka ka taagan loogu adeegsan. Hubka ayaa la sheegay in markiisii hore laga keenay dhinaca dalka Itoobiya, balse illaa hadda lama caddayn cidda rasmiga ah uu u socday iyo ujeedada laga lahaa ee dalka loo soo galiyay, xilli dowladda iyo maamulka Galmudug ay siyaabo kale duwan uga hadleen. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada maamulkaasi ayaa sii laba qarxay, kadib fadeexaddii ka dhalatay hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Dagaalka labada dhinac oo salka ku hayo is riixa doorashada kusoo foodka leh Galmudug ayaa sii laba jibaarmay, waxaana sii kordhay weerarada afka ah ee labada dhinac. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Galmudug ayaa ku eedeeyay Qoor-Qoor inuu isku beddalay ciyaal weeraro iyo inuu aflagaadeeyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo ee ay isku hayaan doorashada maamulkaasi. “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Galmudug oo iskubadalay ciyaal weero iyo in uu caayo dadka ay siyaasadda iskuhayaan, waxay cadeen utahay in uusan jirin xigmad kale oo kuhartay maamulkiisa, horay ayuu u curyaamiyay maamulka hadana waxa uu ka shaqeynayaa burburka Galmudug iyo inaysan waxba ka danbeeyn” ayuu yiri Cagaweyne. Sidoo kale wuxuu u eedeeyay Qoor-Qoor inuu ku fashilmay hoggaanka Galmudug, isla markaana 4 sano kadib ay Galmudug cagaha la gashay dagaal beeleedyo xooggan. “Waa maamulka kaliya uu kasocda afartiisa dhinac dagaallo qabiil oo Madaxweynaha xilka kadhamaaday uusan wax tilaab ah uqaadin in uu kala dhaxgalo dadka walaalaha ah waxa uuna waqtigiisa ugubadan kubixiyaa sidii uu bulshada ukala geenlahaa. Soomalida ayaa horay ugu maahmaahday Afxumo gurigaaga ayay kaa saartaa guriga kalana kuma geeyso!” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo soo saaray warsaxaafadeed. Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan leenahay Madaxweyne Qoorqoor Intaan kabadan sharci darro naguma hogaamineysid ee sharciyad la imow!”. Dhankiisa Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa isna si toos ah hubkii lagu dhacay Caabudwaaq ugu eedeeyey Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor, isagaoo ugu hanjabay in mardhow Galmudug ay ka sameyn doonaan is bedel deg deg ah. Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu adeegsanayo dhalinyaro Facebook isticmaasha, isaga oo sumcad dilaya musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale. “Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magac dilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada,” ayuu isaguna yiri Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye. Si kastaba, dhinacyadan oo uu mid kasto u hanqal-taagayo in talada maamulkaas uu dhaxlo ayaa dhammaantood ku howl-galaya kalsooni iyo isku-halleyn ay ku qabaan madaxweyne Xasan, maadaama ay wada aaminsan yihiin in taageerada dowladda dhexe ay muhiim u tahay gaarista damacooda. Waxaase layaab ah in loolanka dhexdooda ah uu galaafanayo sumcadda iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan. The post Dagaalka Qoor-Qoor iyo siyaasiyiinta Galmudug oo sii laba qarxay appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somalia's Supreme Military Court in sentenced the former Hiliwa district police station chief, police officers, and other men on Thursday for the killing of businessman Abukar Ahmed Kaabah outside Mogadishu on February 22, 2024. Source: Hiiraan Online
  5. Abubakar Xaamud Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka Hilaac ka dib xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey Pro Axmed Ismaaciil Samatar. Guddoomiyaha cusub waxay walaalo yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamuud Jibriil waxayna isku deegaan ka soo wada jeedaan Pro Axmed Ismaaciil Samatar oo dhowaan xilka laga xayuubiyey. Guddoomiyenimada loo magacaabay Abubakar Xaamud Jibriil ee Urur-siyaasaddeedka Hilaac, waxay muujinaysaa qodobadan. 1. In Urur-siyaasaddeedkii Hilaac, aanu u tartami doonin doorashada Ururrada. 2. In Hoggaanka cusub ee Hilaac isbahaysi cusub oo awood qaybi la geli karo Waddani 3. In tiir ka mid ah tiirarkii Kulmiye ee Gobolka Awdal ee Kulmiye taageeri jiray ay u janjeedhsamaan dhinaca Waddani, madaama tan iyo 2008 lafdhabarta taageerada Kulmiye ahayd deegaannadaas uu ahaa. 4. Ilma Xaamud oo kala ah Cali Xaamud iyo Walaalkii Ababukar oo Hilaac loo doortay oo saamayn ku leh Gobolka Awdal ay xoojiyaan awoodda Mucaaradka 5. In Saylici laftiisa taageero dadban u siiyo Mucaaradka. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabta sida ayaa maanta soo saartay go’aanka ka dambeysta ah ee laga gaaray kiiska taliyihii hore ee degmada Heliwaa Cabdifataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) iy kooxdiisii oo la haysto dilkii Allaha u naxariistee Marxuum Abuukar Axmed Kaabax. Maxkamadda ayaa raacday xukunkii maxkamadda daradaja koowaad oo raggan horay usoo xukuntay dil iyo xabsi ay ku muteysteen dambiga culus ee lagu helay. Hoos ka akhriso go’aanka maxkamadda oo dhammeystiran: Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024. Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax. 3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. The post Go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray kiiska taliye Qoslaaye iyo kooxdiisii appeared first on Caasimada Online.
  7. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024. Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax. 3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. Source: goobjoog.com
  8. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada. Source: goobjoog.com
  9. Dibad-baxayaal arday ah oo dalbanayay in la joojiyo kootada shaqooyinka dawladda ee Bangladesh ayaa isugu soo baxa magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay dibadbaxayaasha iyo booliisku isku dheceen. Ardayda ayaa ka caraysan shaqo la’aanta dhalinyarada oo aad u sarreysa , iyada oo ku dhawaad ​​32 milyan oo qof ay shaqo la’aan yihiin, waxayna dowladda ku cadaadinayaaj in la baabi’iyo kootada boqolkiiba 30-da ah ee loogu talagalay qoysaska halyeeyadii dagaalkii xornimada 1971, islamarkaana shaqooyinka iyo adeegyada dowliga ah laga dhigo kuwo loo simanyahay. “Waan sii wadi doonaa qorshayaashayada, dhammaan xarumuhuna way xirnaan doonaan,” ayuu yiri isku duwaha mudaaharaadayaasha oo lagu magacaabo Nahid Islam, kaas oo la hadlay Warbaahinta. Nahid ayaa intaa ku daray in Keliya isbitaallada iyo adeegyada degdegga ah ayaa sii shaqeyn doona, iyadoo adeegyada ambalaaska oo ah gaadiidka keliya ee ay u oggolyihiin inay jidadka nabad ku maraan, baabuurta kalena aan ay waddooyinka ka hor istaagi doonaan. In badan oo xafiisyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa khamiistii dib loo furay magaalada caasimadda ah ee Dhaka, iyadoo waddooyinka ay xiranyihiin, inkastoo basaska dadweynaha oo aan badnayni ay meelaha qaar marayaan, dibadbaxyaasha ayaana jidadka buux dhaafiyay. Sidoo maamulka ayaa xiray dhammaan jaamacadaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay laga bilaabo Arbacadii waxayna u direen booliska rabshadaha ka hortaga iyo ciidamada ilaalada xuduudaha si ay u xaqiijiyaan sharciga iyo kala dembeynta. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Safiir ku-xigeenkii Somaliland ee Itoobiya Amb. Barkhad Maxamuud Kaariye Amb. Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xilkaqaadistiisa. Source
  11. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dib u soo cusboonaysiiyay baaq ah in Congress-ku uu mamnuuco qoryaha darandooriga u dhaca, oo uu ku jiro noocii loo adeegsaday isku daygii dil ee fashilmay ee lagu qaaday Donald Trump. Trump ayaa dhagta midig dhaawac fudud ka soo gaadhay kadib markii ay ku dhacday rasaas nin hubeysan uu kasoo toogtay saqafka sare meel u dhow. xili uu ololaha doorashada ka waday gobolka Pennsylvania Sabtidii. “AR-15 ayaa loo adeegsaday toogashada Donald Trump waa hubkii lagu dilay dad badan oo ay ku jiraan carruur. Waa waqtigii la mamnuuci lahaa, “ayuu Mr Biden ka sheegay shirwaynaha Las Vegas xilli uu dib u bilaabay ololaha doorashada. Biden waxa uu kaalin weyn ka qaatay sannadkii 1994-tii,in la meel mariyo mamnuucida hubka weerarka ah, taasoo oo dhacay 2004. Sannadkii 2022, intii lagu jiray xilligiisii ​​ugu horreeyay ee madaxweyne, Mr Biden waxa uu saxeexay sharciga ugu muhiimsan ee badbaadada hubka in ka badan labaatan sano, kaas oo ay ku jiraan hubinta taariikhda hore ee iibsadayaasha hubka iyo ilaalinta kale. Mas’uuliyiinta ayaa weli cadeyn ujeedka ninka hubeysan ee Thomas Matthew Crooks, kaas oo u suurtagashay in uu toogto Trump ka dib markii uu koray saqafka sare ee dhismo 130m (426ft) u jira halkii uu ka hadlayay Madaxweynihii hore ee Maraykanka. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aallo iyo culays wayn ayaa ka dhashay dhacdadii hubka lagu boobay ee ka dhacday waqooyiga gobolka Galgaduud, kadib markii hub sharci darro ah oo ka yimid dhinaca Itoobiya uu u gacan galay shacabka ku dhaqan Caabudwaaq. Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya kowdii December, ee sanadkii hore 2023 laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddada 31 sano. Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya? Saameynta ka dhalatay hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ayaa hadda gaartay meeshii ugu darnayd, waxaana ka dhashay walaac xoogan, ayada oo dowladda dhexe iyo Galmudug ay kasoo saareen warar kala duwan waxaase si isku mid ah ay u sheegeen inay ku dadaali doonaan soo celinta hubkaas. Dowladda ayaa ku dooday in hubka la boobay xilli ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada qaranka oo kala wareegay koox ganacsato ah oo si sharci darro ah dalka kusoo gelisay hubkaasi, balse ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay sidaas ku furteen hubka. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho wuxuu durbo xogta hubkan la wadaagay Mareykanka, kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Aragtiyo kala duwan oo xasaasi ah ayaa sidoo kale laga bixiyay arrintan, waxaana Xildhiban Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu qabaa in hubkan loogu talagalay in lagu wareejiyo kooxaha argagaxisada, si loogu laayo ciidanka iyo Macawiieyda degaanka. “Hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla. Dhinaca kale Somalilad oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda federaalka ayaa iyaduna ka hadashay hubka lagu dhacay duleedka magaalada Caabudwaaq, waxayna sheegtay inay ka imaan karto halis saameyn karta dalalka dariska iyo gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Somaliland ayaa sidoo kale beesha caalamka ka dalbatay in dib eegis lag sameeyo go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore. “Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland. Si kastaba, arrinta hubka oo noqotay mowduuc wayn oo taagan ayaa ah xujo wayn oo hortaalla dowladda dhexe, waxaana laga war dhowri doonaa halka ay ku dhammaato iyo jawaabta ay ka bixiso beesha caalamka. The post Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  13. Hoggaamiyaha Xizbullah Xasan Nasrallah ayaa Arbacadii ka digay in kooxdiisa Iran ay taageerto ay beegsan doonto bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ah haddii dad kale oo rayid ah lagu dilo duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan. Xizbullah iyo Israa’iil ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamas iyo Israa’iil kadib weerarkii kooxda reer Falastiin ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October. “Haddii cadowgu uu sii wado beegsiga dadka rayidka ah sidii uu sameeyay maalmihii la soo dhaafay, markaas tani waxay nagu riixi doontaa inaan bartilmaameedsanno meelaha aynaan ilaa hadda beegsan,” ayuu yidhi Nasrallah. Wakaaladda Wararka Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta ay ku dhinteen shan qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo Suuriyaan ah salaasadii. Iyada oo ka jawaabaysa, Xizbullah waxa ay sheegtay in ay gantaallada Katyusha ku garaacday waqooyiga Israa’iil. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa wax laga naxo ku tilmaantay dilka carruurtaasi oo la sheegay inay ku ciyaarayeen afaafka hore ee gurigooda, xilliga weerarka. Nasrallah ayaa uga digay Israa’iil cawaaqibka ka dhalan kara duulaan kasta oo ay ku qaado Lubnaan, isagoo sheegay in Israa’iil aysan u hari doonin wax taankiyo ah, haddii dagaal weyn uu qarxo. Milatariga Israa’iil ayaa bishii hore sheegay in “qorshayaasha howlgal ee duullaanka Lubnaan la ansixiyey lana sharciyeeyey.” Nasrallah oo ka hadlayey xuska maalinta Caashuuraa ee Shiicada, ayaa ballan-qaaday inuu caawin doono kumaaan qof oo reer Lubnaan ah oo guryahooda ay ku burbureen weerarada xuduudda. Tan iyo bishii Oktoobar, rabshadaha xudduudaha ayaa ku dilay Lubnaan 511 qof, oo u badan dagaalyahanno laakiin sidoo kale ay ku jiraan ugu yaraan 104 rayid ah, sida ku cad xog ururinta wakaaladda wararka ee AFP. Dhinaca Israa’iil, 17 askari iyo 13 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Source
  14. Madaxweyne Joe Biden ayaa laga helay COVID-19 mar uu Arbacadii u safrayay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Maraykanka. Waxaa madaxweynaha lagu arkay calaamado khafiif ah, sida xanuun guud oo ka mida astaamaha caabuqa COVID19, sida laga soo xigtay aqalka cad ee dalkan Maraykanka. Xoghayaha warfaafinta Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in Biden uu u duuli doono gurigiisa oo ku yaala gobolka Delaware, halkaas oo uu ku geli doono “go’doomin doono” illaa uu xanuunka ka bogsanayo. Dr. Kevin O’Connor, dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa qoraal ku sheegay in madaxweyne Biden lagu arkay calaamado dhinaca neef-mareenka sare ah iyo qufac qalalan. Waxana isla markiiba madaxweynaha loo qoray daawooyin kala duwan, sida uu sheegay dhakhtarkiisu. Madaxweyne Biden ayaa la filayey inuu khudbad ka jeediyo magaalada Las Vegas, taasoo qayb ka ah ololihiisa doorashada, balse markii xanuunka laga helay ayuu ka baaqday xafladaas, isaga oo u duulay gurigiisa. Source
  15. Maayirka magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo madaxa booliksa magaalada Brian O’Hara ayaa baajiyey safar qorshuhu ahaa in ay Muqdisho ku tegaan bishii February ee la soo dhaafay, waxaa sidaas lagu ogaaday xog soo shaac baxday shalay. Hogaamiyayaasha magaalada Minneapolis ayaa rajaynayey in socdaalka Muqdisho uu wanaajin doono badqabka bulshada iyo in la dhiso isku xidhka bulshada Soomaalida. Warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa heshay dokumentiyo muujinaya qorshaha Frey iyo O’Hara ay toddobaad booqasho ah ku joogi lahaayeen Muqdisho. Frey ayaa hogaamiya magaalada ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka. Axadii, waxa uu ka qeyb-galay in Minneapolis ay u dabaaldegto 10 sano oo ay walaalo yihiin (sister city) magaalada Boosaaso. Emaillo ay heshay warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa muujinaya madaxa shaqaalaha xafiiska Frey oo ku tilmaamay safarka Soomaaliya “safar caalami ah oo [Frey] uu ka tashanayey muddo shan sano ah.” Si kastaba, Qaar ka mid ah Soomaalida Minneapolis ayaa ka soo horjeestay safarka, iyadoo nin ka mid ah uu u qoray golaha deegaanka Minneapolis in lacagta canshuur bixiyayaasha si taas wanaagsan looga faa’ideysan karo. Safarka ayaa sababay kala qeybsanaan soo kala dhexgashay bulshada Soomaalida, ayada dadka kasoo jeedaa beesha Daarood ee degan magaalada, ay ka soo horjeesteen, islamarkaana ay sameeyeen olole ka dhan ah, sida ay xog ku heshay warbaahintu. Dadkaas ayaa diidanaa in booqashada Frey iyo O’Hara ee Muqdisho ay sare u qaadi karto sumcadda caasimadda Soomaaliya, taasi oo ah wax la-yaab leh. Dadkan ayaa sidoo kale 10 sanno ka hor ka horyimid qorshe lagu walaaleyn lahaa Muqdisho iyo Minneapolis, taa beddelkeedna u ololeeyey Minneapolis iyo Boosaaso, kuna guuleystay, maadaama ay Minneapolis tiro ahaan iyo saameyn ahaa kaga badan yihiin Soomaalida kale. Safarka ayaa waxaa la baajiyey kahor saddex maalmood inta aanu dhicin, xilli kharash badan oo sugidda amniga Muqdisho ah lagu bixiyey. Xafiiska Frey ayaa sheegay in loo baajiyey cabsi amni darteed, kadib cadaadis iyo cabsi gelin ka timid Soomaalida. Source
  16. Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday shirweyne ku saabsan Teknolojiyada casriga ah ee beeraha loo adeegsado, waxaana daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayadoo ay ka qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka goboleedyada, danjireyaal, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala. Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan sida lagu hormarin karo hannaan beeraha dalka iyo habab casri ah oo ku saabsan waxsoo saarka dalagyada, ayadoo gabangabadii laga soo saaray War-murtiyeed wax ku ool ah oo uu warbaahinta u akhriyay wasiiru dowlaha beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Cabdulqaadir. Qodobada la soo saaray ee War-murtiyeedka ku jiray waxaa kamid ahaa in la adeegsada hannaanka waraabka casriga ah ee Tamarta dabiiciga ah, in la xoojiyo iskaashiga daneeyaasha beeraha, in laga dadaalo joogtaynta iyo kordhinta wax soo saarka dalagyada, iyo dhallinyarada iyo haweenka lagu dhiirigeliyo tacbashada. Sidoo kale waxaa War-murtiyeedka ku jirtay in la xaqiijiyo nabad-galyada iyo bedqabka beeraha iyo beeralayda, iyo sidoo kale jidadka uu wax soo saarku marayo markii loo wada suuqyada iyo goobaha keydka. Beeraha ayaa kamida 4-ta tiir ee ugu waaweyn wax soo saarka dalka, waana isha labaad ee dhaqaalaha ugu badani uu dalka ka soo galo, balse Soomaalidu si firfircoon ugama faa’iidaystaan oo waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo ayay intooda badan cunaan. Source: goobjoog.com
  17. Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay xaaladda rasmiga ah ee ka jirta gudaha dalka Itoobiya oo dhexda kaga jira qalalaase iyo colaado sokeeye. Ergayga oo toddobaadkii hore safar ku tegay dalka Itoobiya ayaa VOA uga warramay xaaladda Itoobiya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hadda xal u helidda colaadaha sokeeye ee gudaha dalkaas rajo badan laga qabo inay guuleystaan. Waxa uu xusay in dadkii ka barakacay gudaha dalka ay billaabeen in ay dib ugu laabteen guryahoodii, xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqul insaanka ee gobolka Tigray-na ay si weyn hoos ugu dhaceen. Maraykanka ayaa dhiirigeliyay ‘horumarka sii kordhaya’ ee laga gaadhayo dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta ee Itoobiya, laba sanno kadib, xabbad joojintii ka hirgashay gobolka waqooyi ee Tigray. Bishii November sannadkii 2022-kii, dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ayaa gaadhay heshiis xabbad-joojin ah oo loo yaqaan Pretoria Agreement ama Joojinta Colaadda, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday, kaas oo burburiyey inta badan waqooyiga Itoobiya. Mike Hammer, ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika wuxuu qiray in ay sii socdaan colaadaha ka taagan gobollada Axmaarada iyo Oromiya, isaga oo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu taageero dadaal kasta oo lagu nabadeynayo deegaanadaas, iyadoo loo marayo wadahadal. Hammer ayaa toddobaadkii hore u safray Itoobiya si uu uga qayb galo shirkii labaad ee Midowga Afrika oo dib u eegis ku sameynaya dhaqangelinta heshiiskii Pretoria ayaa dalkaas kala soo noqday fekrad ka duwan tii uu ka heystay Itoobiya, sida u uku sheegay wareysigaan. Sidoo kale wareysigaan qeybihiisa dambe wuxuu kaga hadlay xaaladda Suudaan oo dagaalo sokeeye ay ka qarxeen dowladiina burburtay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in Suudaan nabad lagu soo dabaali karo. Source
  18. Mogadishu (HOL) — Clan Chief Mohamed Ugaas Ahmed, the leader of the Sade subclan within the Marehan clan, has criticized the Federal Government of Somalia for threatening the residents who confiscated illegal weapons in the Galgaduud region, calling it unfortunate. Source: Hiiraan Online
  19. Beledweyne (HOL) — Government forces, with the support of local residents, captured an Ethiopian member of the Al-Shabaab group during an operation in the Beerayabaal area. The individual, identified as an Oromo, has tattoos on parts of his body, symbols typically associated with non-Muslims. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa laga helay COVID-19 mar uu Arbacadii u safrayay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalkan Maraykanka, Joe Biden waxaa si cad uga soo muuqday astaamaha cudurka Covid 19. Jean-Pierre Xoghayaha warfaafinta ayaa sheegtay in Biden uu u duuli doono gurigiisa oo ku yaala gobolka Delaware, halkaas oo uu ku geli doono “go’doomin doono” illaa uu xanuunka ka bogsanayo. Dr. Kevin O’Connor, dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa qoraal ku sheegay in madaxweyne Biden lagu arkay calaamado dhinaca neef-mareenka sare ah, iyo qufac qalalan. Waxaa uu sheegay in isla markiiba madaxweynaha loo qoray daawooyin kala duwan, sida uu sheegay dhakhtarkiisu. Madaxweyne Biden ayaa la filayey inuu khudbad ka jeediyo magaalada Las Vegas, taasoo qayb ka ah ololihiisa doorashada, balse markii xanuunka laga helay ayuu ka baaqday xafladaas, isaga oo u duulay gurigiisa. Source: goobjoog.com
  21. Xubnaha Sare ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa xalay soo saaray liiska xubnaha Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Cabashooyinka ee Doorashada Golaha Degaanka. Puntland ayaa isku diyaarinaysa in ay doorasho ka qabato saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, Degmooyinkaan ayaa ka haray doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland ee horay loo qabtay. Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban Shan xubnood. Source: goobjoog.com
  22. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta nolosha ku qabtay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab,kaasoo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, jirkiisana ay ku qoran tahay caalamadda Tattoo. Howlgalka lagu qabtay ninkan ayaa ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab. Dagaalayaal badan oo shisheeye ayaa la rumaysanyahay inay weli ka garab dagaalayaan kooxda Alshabaab, todobaadyo ka hor ayayna ahayd markii ciidamada xoogga dalku ay xeebta magaalada Ceeldheer u dhow ku soo qabteen ajaanib baxsad ahaa oo kooxda horay u uga tirsanaa. Source: goobjoog.com
  23. The Minnesota Attorney General’s Office, where I previously worked as a fraud investigator, announced last year its largest ever Medicaid fraud case, charging 18 people with stealing $9.5 million. Not long after, the AG charged three people with stealing nearly $11 million, again in Medicaid funds. In May, eight were charged with defrauding Medicaid of $2.6 million. Last month, the AG charged five people with stealing more than $10 million. These cases — all charged in the past year — carry a combined dollar amount greater than the sum of all 261 criminal convictions for Medicaid fraud secured by the attorney general since October 2018. Source: Hiiraan Online