Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Maxamed Qanyare Afrax oo saaka ku dhintay isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumka. Sidoo kale waxa uu Eebbe uga baryay inuu Marxuum Qanyare ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Maxamed Qanyare Afrax uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka.”ayuu yiri Madaxweynuhu. Maxamed Qanyare Afrax oo saaka geeriyooday ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni intaba. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Trump oo ammaan kala dul dhacay Dhaxal Sugaha Sacuudiga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga ku tilmaamay nin ” qabtay waxyaabo la yaab leh” waxa uuna sheegay in uu saaxiib la yahay. Hadalka Trump ayaa imaanaya ayadoo labadan masuul ay shir doceed ku yeesheen shir madaxeedka G20 ee ka dhacay dalka Japan. Trump ayaa waxaa gudaha dalka Maraykanka ka haysta cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sababta uu uga warwareegayo kaalintii la sheegay in ninkani uu ku lahaa dilkii saxafigii sacuudiyaanka ahaa Jamal Khashoggi. Waxaana jiray warar sheegaya in sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay xaqiijisay in “Maxamed Bin Salman uu yahay ninkii bixiyey amarkii lagu dilay Jamal Khashoggi” Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in Maxamed Bin Salmaan lagu sameeyo baadhitaan la xiriira dilkii Khashoggi, kaas oo bulshada caalamku ay aad uga carootay. Guddiga ayaana sheegay in ay hayaan “caddaymo ku filan” oo marag u noqon ah in Bin Salmaan uu dilkaas ka dambeeyey. Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa beeniyey ku lug lahaanshaha Dhaxal Sugaha ee dilkaas. Waxayna sheegeen in ay maxkamadaynayaan rag sacuudiga u dhashay oo dilkaas loo haysto. Ka hor inta aanu la kulmin Maxamed Bin Salmaan, ayaa Trump waxa uu yidhi: “Sharaf wayn ayay ii tahay in aan la kulmo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, oo ah mid ka mid ah Saaxiibaday” Waxa uu intaasi ku daray in Ina Salmaan uu yahay “nin shantii sano ee la soo dhaafay Sacuudiga wax badan ka qabtay” asagoo tilmaamay in Amiirku uu ka shaqeeyey sidii Sacuudiga loo furfuri lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka hadlay arrinta khusaysa haweenka Sacuudiga oo uu yidhi asagoo la hadlayaa Bin Salmaan: ” Wax qabadka aad samaysay gaar ahaan dhanka haweenka waxa uu u dhigmaa kacdoon oo kale, marka la eego waxa qabsoomay”. Bin Salmaan ayaa kaga jawaabay oo yidhi: ” Waxaan isku dayaynaa in wax ka sii wanaagsan aan ka qabanno dalkeenna Sacuudiga, arrintanina waa safar dheer oo hadda biloowday” Arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dal ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu tixgalinayo in Boqortooyada laga iibiyo hub ku gacaya balaayiin dollar. Congress-ka Maraykanka ayaa bishaan horraanteedii u codeeyey mashruuc lagu joojinayo hubka laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka. Qaran News
  3. Kenya oo dalbatay in laga laabto dacwadda ICJ Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ. Ururada Kinoti iyo Kibe oo ay ku mideysan yihiin Qareenada Kenya ayaa tilmaamay in kiiskan uu xadgudub ku yahay Dastuurkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi. Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay Wasiir Monica Juma oo Wareysi siisay BBC-da ay ku muujisay astaamo u muuqda inay Kenya guul-darro uga soo socoto kiiska Badda. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ka jawaabtay dhowr su’aalood oo la xidhiidha kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, wareysiga oo muuqaal ahaa waxa ka muuqday welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo isku dhex yaac, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaadhsiisan yahay welwelka Kenya ee sheegashada Badda Soomaaliya. Bisha September ee soo socota ayaa la filayaa in ICJ ay dib u furto dhageysiga dacwaddan, sida lagu shaaciyay War-Saxaafadeed ka soo baxay maxkamaddaasi. Qaran News
  4. Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Taliyihii Guud Ee Ciidanka Militariga Iyo Taliyeyaal Kale Oo Mihiim + Deegaamada Ay Kasoo Kala Jeedaan. Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa u magacaabay taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida ee Itoobiya Gen Adem Mohamed. Taliyahan la magaacaabay ayaa wuxuu horay u ahaa Taliyaha sirdoonka Itoobiya oo uu horay usii ahaa Getachew Asefe. waxaa dhanka kale loo magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya nin lagu magacaabo Demelash Gebremicha. Sidoo kale waxa uu Ciidanka Dhulka Ethoipia u magacaabay Generall Mola-Haylamarem uu isna kasoo jeedo (Tigree). Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay wadanka Todobaadki hore ayaa wuxuu saamayn balaadhan ku yeeshay geedi socodka Dawlada Abiye Ahmed. Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida Aadam Maxmed Waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka (Axmaaro), Sidoo kale Taliyaha Sirdoonka Ethoipia Generrall Dhambelesh Mokonon isna waxa uu kasoo jeedaa deegaanka (Oromada), halka uu Taliyaha Ciidanka Dhulka Ethoipia Generall Mola-Haylamarem uu isna kasoo jeedo (Tigree). Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ka tirsan golaha shacabka, ayaa xaqiijiyay geerida Marxuumka. C/weli oo ah wiil uu dhalay Marxuum Qanyare ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay uu ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho. Maxamed Qanyare Afrax ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni xilligii dowladihii KMG ee dalka Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga. View the full article
  6. Sida ilo’ xog-ogaal ah ay warbaahinta Puntland Post ka heshay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Xubno ka tirsan xafiiska wasiirka, ayaa xaqiijiyay in mudane Faratoon uu waradda is-casilaadda gudbiyay dabayaaqadii todobaadkii tegay, kadib markii ay soo food saartay xaalad caafimaad, balse aan madaxweynuhu weli go’aan ka gaarin warqaddaasi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa 10-kii bishii November ee sannadkii 2018 Faratoon u magacaabay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland, isagoo ka beddelay wasiirka Waxbarashada oo uu xilligaasi ahaa. Mudane Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka Somaliland tan iyo sannadkii 1991-dii oo uu soo noqday, guddoomiyihii ugu horreeyay ee Somaliland u magacowday gobolka Sool. Sidoo kale, xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayuu sannadkii 1993 ka noqday wasiirka Caafimaadka, halka xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee sannadkii 2003 uu ka noqday, wasiiru-dowlaha Dibu –dejinta Somaliland. 17-kii bishii Agoosto ee sannadkii 2016, madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha maamulkaasi. Sidoo kale, madaxweynaha hadda ee Somaliland ayaa mar kale ku soo daray golihiisa wasiirada,isagoo 14 December ee sannadkii 2017 u magacaabay wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland. Ha’yeeshee isku shaandhayn uu Muuse Biixi ku sameeyay golihiisa wasiirada 10-kii November 2018 ayuu mar kale Yaasiin Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland , isagoo wasiirkii xilkaasi hore u hayay Dr Sacad Cali Shire u magacaabay wasiirka Maaliyadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Xog: Yaasiin Faratoon oo warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye koxeedyadii Muqdisho ayaa goor-dhaw ku geeriyooday Isbitaalka Difgeer ee Muqdisho, halkaasoo dhawaan la dhigay, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun daran. Ehellada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, waxaana lagu wadaa in isla maanta la aaso, waxaana hoggaamiyahan geeriyooday uu la il-darnaa xanuun tobankii sano ee lasoo dhaafay. Qanyare, ayaa wuxuu soo noqday xildhibaan iyo wasiir, isagoo muddo dambe ku wareejiyay xilkiisa xildhibaannimo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo, C/weli Maxamed Qanyare oo illaa haatan ku jira baarlamaanka Somalia. Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay tiro caruur ah, waxaana uu kaalin weyn kasoo qaatay isbedelladii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isagoo mar ka mid ahaa gacan-yarayaashii Jen. Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu awoodda badnaa ee Xamar soo maray. Dhawr jeer ayaa Qanyare caafimaad ahaan loogu qaaday dalka dibaddiisa, balse xaaladdiisa caafimaad ayay waxba iska beddeli waayeen taasoo keentay in dib loogu soo celiyo dalka, isagoo maanta ku geeriyooday Xamar. Hoggaamiyahan dunida faarujiyay ayaa waxaa xarun weyn u ahayd Degmada Dayniile oo dulleedka Muqdisho ku taalla, waxaana uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii la baxay argagaxiso la dirirka, inkastoo markii dambe looga awood roonaaday isaga iyo hoggaamiyeyaal kale dagaalkii ay la galeen Maxkamadihii Islaamka. Madaxda Dowladda Somalia iyo maamulada dalka ayaan weli ka hadlin geerida ku timid Maxamed Qnyare Afrax oo si weyn looga yaqaan dalka iyo dibaddiisa, ahaana hoggaamiye awood badan ku leh Muqdisho. Ugu dambeyn, Wixii ka dambeeyay markii awoodda laga maroorsaday hoggaamiye kooxeedyadii uu ka mid ahaa Qanyare wuxuu isku bedelay oday qunyar socod ah, isagoo ku ekaa inta badan hoygiisa iyo goobaha ay xubnaha dowladdu isugu tagaan. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Hoggaamiye kooxeedyadii ugu awoodda badnaa Muqdisho oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  8. Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyoodey Allaha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn dalka iyo dibadda looga yaqaanay. Qanyare ayaa xanuunsanaa muddooyinkaan dambe, wuxuuna ku dhintey Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sidey inoo xaqiijiyeen ehladiisa qaarkood oo aynu xiriir la sameennay. Maxamed Qanyare ayaa soo noqday wasiir iyo xildhibaan, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray. Muddooyinkan dambe ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha dib u heshiisiinta iyo nabadda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka. Geerida ku timid Qanyare ayaa waxaa Wabaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiweli ayaa sheegay in Marxuumka muddooyinkii la soo dhaafay uu xanuunsanaa, islamarkaana uu ku jiray Isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. Maxamed Qanyare Afrax ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni oo uu ka soo noqday dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Kenya. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga. Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xilligaasi heystay dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii Juun, 28, 2019, munaaasibad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay maamulka Somaliland, kuna soo wareegay Dowladda Puntland iyo Guudoomiyihii gobolkaasi ee Soomaaliland. Ujeedka kulanka qado sharafta ah ayaa daaranaa soo dhoweynta Saraakiisha Ciidamadaasi hogaaminayey oo kala ah G/Sare Xuseen Faarax Aaden (Xuseen Dheere), G/Sare Cabdirashiid Axmed Jaamac Nuur(Xayle) iyo Guddoomiyihii Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah ee ay qaateen Ciidamada iyo doorkii shacabka gobolka Sanaag ay muujiyeen, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay dhammaan Saraakiisha Ciidanka inay gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo dadka. Kulanka qado sharafta ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daarood), masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddomiyeyaaĺ hore ee Golaha Wakiillada Puntland, odeyaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post madaxweynaha Puntland oo la kulmay taliyaashiii ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  11. Haweenay 27 jir ah oo ku nool gobolka Alabama ee Maraykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ka yaabisay dad badan , waxaana lagu heystaa in ay dishay ilmo yar oo caloosheeda ku jiray, inkasta oo aysan ahayn qofka riday xabbad caloosha kaga dhacday. Marshae Jones ayaa waxa ay dagaalameen haweenay kale oo lagu magacaabo Ebony Jemison, iyaga oo isku heystay aabaha ilmo ay caloosha ku wadday Marshae. Ebony ayaa bastoolad soo qaadatay, xabbadka caloosha kaga dhufatay Marshae, taas oo sababtay in uu kasoo dilmo uurkii. Waxaa la laalay dhammaan dacwadihii loo heystay haweenayda rasaasta riddey, waxaana taas badelkeeda dacwad lagu soo oogay haweenaydii ay xabbadda ku dhacday, ilmahana ay kasoo dilmeen. Waxaa arrintan loo cuskaday sharci adag oo la xiriira ‘ilmo soo xaaqista’, waxayna kooxaha xuquuqda aadanaha sheegayaa in sharcigan si qaldan loo isticmaalayo. Booliiska waxa ay sheegeen in maadaamaa Ms Jones ay iyadu biloowday muranka, halisna galisay ilmaheeda, in ay tahay in ay wajahdo dacwad la xiriirta soo dilista ilmo aanan weli dhalan. Booliiska waxa ay sheegeen in haweenayda kale ay ku qasbanaatay in ay is difaacdo, sidaasna rasaasta u riddey. Balse haweenaydii rasaasta riddey ayaa lafteeda la yaaban kiiska loo heysto gabadhan kale, waxayna sheegtay in wax aan ahayn dil lagu soo oogo. Qaran News
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ergada soo xuli laheyd Xildhibaanada saacadihii la soo dhaafeen ay gaareen magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa xarun gaar ah dajisay Ergada, kuwaas oo amnigooda si gaar ah loo sugi doono. Ololaha doorashad ayaa ka socda Kismaayo oo ay haatan ku sugan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxaa jira galan gal xoogan oo ay waddo dowladda Soomaaliya oo la sheegayo in dagaal hoose ay ku jirto maamulka haatan talada haya ee Axmed Madoobe. Dowladda federaal kaayaa Muqdisho ku marti qaatay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo la dejiyay xarunta NISA. Sababta uu socdaalka qarsoodiga ah ugu yimid Wasiir Janaan Caasimada ayaa la aaminsan yahay inay tahay sidii ay dowladdu u heli laheyd jaanis ay qeyb kaga noqoto doorashada ka dhaceyso maamul goboleedka Soomaaloyeed ee Jubbaland . Doorashadan ayaa la filayaa in ay qabsoonto bisha August ee soo socota, iyadoo ay sanadkan ka adagtay koo hore. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Christine Syombua Oo Ah Muwaadin Reer Kenya Ah Oo Degan Somaliland Ayaa Caaddeeyey Inay Baahi Weyn U Qabaan Qunsuliyad Ay Dawladoodu Ka Furato Hargeysa, Si Ay Uga Maarmaan Socdaalka Dheer Ee Ay U Galaan Baasaboorka Dalkooda Kenya (SLT-Hargeysa)- Muwaadiniinta reer Kenya oo ku nool, kana shaqeysta Somaliland ayaa Xukuumaddooda ku booriyey inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, si ay fursad ugu helaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda isla markaana ay u helaan xafiis ay hawlahooda la socodsiiyaan. Siduu ku Warramay Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda oo ay maanta (shalay) soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Waxa Somaliland ka shaqeysta muwaadiniin u dhashay Kenya oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun oo qof waxaanay dawladdooda ugu baaqeen inay furto xafiiskii qunsuliyadda ee ay sheegtay inay ku yeelan doonto Hargeysa. Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya. Waxa kaloo uu intaasi ku daray in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xidhiidhaan mar kasta oo dhibaato soo gaadho. Baaqa muwaadiniinta reer Kenya ayaa ku soo beegmay xili uu xoogaysanayo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyadoo shalayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay ka hadashay kulan uu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) oo ay sheegeen in labada Masuul ay shirkaas kaga wada hadleen danaha guud ee labada dal wadaagaan iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya. Source
  14. Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal ay ciidankooda gaarka ah ee PSF ka sameeyeen buuraha Calmadow ku burburiyeen xarumo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi. Qoraal kasoo baxay PSF ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay si gaar ah uga sameeyeen deegaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo ka tirsan buuraleyda Calmadow. Waxay sheegeen iney gubeen goobo Al-shabaab ku keydsan jireen hubka iyo raashiinka. “Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay PSF. Dhanka kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in ciidanku ay fashiliyeen miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen waddooyinka deegaannadaasi gala. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Kismaayo (PP) ─ Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga bilaabay xulista xildhibaannada cusub ee maamulkaas uu yeelanayo, kuwaasoo bedeli doona xidhibaannada hadda jooga. Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada ayaa goor hore waxaa la dajiyay goobo lagu ilaalinayo amnigooda, waxaana xildhibaanada la bilaabay in lasoo xulo ay soo dooran doonaan cidda hoggaamin doonta maamulkaas dhawrka sano ee soo socda. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in xulista xildhibaannada cusub ee maamulkaas ay marayso meel aad u wanaagsan, ayna si weyn u rajeynayaan in dhawaan lagu dhawaaqo magacyadooda. Xildhibaannada cusub ayaa waxay ka imaan doonaan dhammaan gobollada uu maamulka Jubbaland ka kooban yahay, waxaana marka lasoo xulo gabi ahaan xildhibaannada ay iyaguna dooran doonaan guddoonkooda, si ay ugu gudbaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Madaxweyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada Jubbaland lagu hayo fara-gelinta, taasoo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Somalia. “Jubbaland waxaa lagu soo qaaday weerar dhinac walba ah, waxaana laga soo abaabulayaan weerarradaas Villa Somalia, waxaana ku talin lahaa in laga digtoonaado fara-gelinta lagu hayo doorashada Jubbaland,” ayuu si ay caro ku dheehan tahay u yiri madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku boorriyay madaxda DF in dastuurka dalka u yaalla la ilaaliyo, haddii taas la diidana aysan jirin cid looga adkaan doono dagaal, wuxuuna si ay caro ku jirto u yiri, ‘haddii dastuurka la ilaalin waayo, innaguna waa is-difaaci doonaa.’ Dowaldda federaalka Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka Axmed Madoobe, waxaana doorashada soo socota lagu wadaa inay kula tartamaan xubno la sheegay inay aad ugu dhaw yihiin Dowladda dhexe ee Somalia. Ugu dambeyn, Xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli maalin ka hor uu Muqdisho soo gaaray wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur [C/rashiid Janan, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa safarkiisa, waxaase lagu tiriyaa xubnaha sida weyn ugu dhaw madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo laga billaabay Magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  16. Xilligii cumar binu khadaab (RC) amiirka u ahaa muslimiinta, isagoo ka khudbadaynaaya masjidka rasuulka CWS, ayaa hadalkiisii waxaa Ku jiray “i adeeca” markaasuu istaagay asxaabigii weynaa ee salmaan Al-faaris wuxuuna Ku yidhi “amiir Ku adeeci mayno” nooga jawaab halkeed ka keentay go’an labaad Ee aad guntan tahay ! . Maxaa yeelay annaga waxaad na siisay mid, adiguna waxaad sidataa laba. naga qanci kan labaad halka uu kaa soo galay. Cumar binu khadaab Amiirul muuminiinkii (RC), muu cadhoon manuu odhan anigoo madax ah sidaa ha iila hadline, wuxuu walaalkii Ku qanciyay si xikmadi Ku jirto. wuxuuna yidhi: “istaag Cabdilaahi binu cumar su’aashaa adigaa wax ka oge siday ahayd uga jawaab. Cabdilaahi binu cumar wiilkii amiirka muuminiita ayaa ka war celiyay waydiintii , wuxuuna yidhi: ” Aabahay waa Nin dheer hal go’ kuma filna anigaa u dhiibay kaygii”. kadib salmaan baa yidhi: “hadda waanu Ku maqalnay kuna adeecnay”. Xikmadda aynu usoo qaadannay waxay tahay, madaxdeennu innagay inoo adeegtaa, waa sida dad inoo haya tukaan. Sida qof leh tukaan u yidhaahdo shaqaalaha u Shaqeeya waar ammaanada ilaali,xisaabta wanaaji, alaabta kala hagaaji, bulshada tukaanka Ku xidhan waji Wanaagsan Ku Qaabil. Haddaba qofka madaxda kuu ah waxaad ku odhanaysaa sida quruxda badan ee ay wax kuula muuqdaan, waxaad siinaysaa talk toolmoon, waliba adigoon cidna dulmiyayn, cidna Ku xadgudbayn sharaftooda , Dadnimadooda, cadaaladana aan ka tagayn.Nebi muxamed (CWS) Dagaalkii xunayn markii geel badan lasoo qaaday, ayaa qayb badan oo kamid ah geelii qaniimada ahaa, intii badnayd waxaa la siiyey quraysh, iyadoo xikmadda Ku jirtaa ahayd, kasbasho in si Fiican Qalbigooda islaamnimadu ugu tagto. Arrintaana waxa yar dhibsaday ansaar oo ahaa Gargaarayaashii Rasuulka (SCW), waxaanay soo direen sacad binu mucaada oo kamid ahaa odayaashii ansaareed, ahaana asxaabigii qiimaha lahaa, daraadiina carshiga raxmaanku u gariiray, markaasuu Ku yidhi: “rasuulkii alloow masaladaa naga qanci, dhibtana annagaa leh, dheeftana Waxaa leh quraysh”. Rasuulka Allah (CWS) ma cadhoon manuu odhan anigoo rasuulkii Allah ah, dadna ugu sharaf badan miyaad sidaa iila hadlaysaan. Balse uu Qanciyey, waxanuu ku yidhi: “dadka oo dhammi hadday waadi maraan, ansaarina mid kale marto idinkaan idin raaci lahaa, miyeydaan raali Ku ahayn in idinna Rasuulka Allah idin raaco, iyana xoolahu raacaan” sidiibaanay raali Ku noqdeen. Haddaba madaxnimadu waa is qancin. Wakhtigii amiirul muuminiin cumar binu khadaab (RC), wuxuu Ku dhawaaqay meherka in la jabiyo, qadar la isla garanayona laga dhigo, si loo fudaydiyo guurka, balse markii masjidkii laga soo baxay haweenay ayaa Ku sugtay irridda masjidka, waxaanay Ku tidhi “yaa amiirul muuminiin rasuulka Allah ba muu xadidin meherka ee sidaad adigu ugu xadidi kartaa” !! Markaasuu cumar binu khadaab Amiirul muuminiin garowsaday in arrintaa lagaga gar leeyahay, waanuu garowsaday arintiina uu ka Noqday. Dulucduna waxay tahay Madaxdeenu waa adeegayaasheena,lakiin uma nihin addoomo, xaq waxay inoogu heleeyiih hab asluubaysan inaan wax ugu sheegno,iyaguna waxay xaq inoogu leeyihiin in ay ina qanciyaan,dhaliishana aanay u arag in Masabkooda lagu soo duulay W/Q Ridwaan Cabdilaahi Source
  17. Seven people have been arrested following a plastic bags crackdown in Eastleigh Garissa in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  18. Istanbul (PP) ─ Haweeney siyaasiyad ah oo u dhaslatay Turkiga laguna magacaabo, Kanan Kavtangi-oglu ayaa maxkamad lagu soo taagay Istanbul iyadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay afla-gaadeysay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Siyaasiyaddan ayaa madax ka ah Laan ka tirsan xisbiga cilmaaniga ah ee Republican People’s Party, waxaana lagu waddaa inay mudan doonto 17-sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay. Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadeynayaa warbixinno ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka oo ay qaarkod qoratay lix sano ka hor. Tasoo keentay in lagu eedeeyo inay afla-gaadaysay Madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda uu madaxda u yahay, isla markaana ka faafisay dacaayado kala duwan. Sidoo kale, haweeneydan ayaa la sheegay inay ku eedeysay xukuumadda iyo madaxweynaha Turkiga inay yihiin argagaxiso, taasoo keentay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad lagu soo taago siyaasaddan. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in hadallada loo haysto ay la xiriiraan mudaaharaadyadii xukuumadda looga soo hor-jeeday ee dhacay sannadkii 2013-kii laguna taageerayey xisbiga la mamnuucay ee PKK. Maxkamadda ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubno badan oo xukuumadda Turkiga ka tirsan, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa dagaalka weyn ee lagula jiro in lagu joojiyo in la eedeeyo xukuumadda iyo madaxda dalkaas, si aan shacabka looga dhaadhicin fikrado qaldan. Ugu dambeyn, Ikram Emamoglu oo dhawaan ku guulaystay Guddoomiyaha magaalada Istanbul oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loosoo jeediyey Kavtangioglu ku tilmaamay kuwo sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo. PUNTLAND POST The post Turkiga oo lagu maxkamadeynayo Haweeney afla-gaadeysay Madxweyne Rajab Erdogan appeared first on Puntland Post.
  19. Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah raggii hoggaaminayey dagaallo ka dhacay degmadaasi. Yuusuf Baalow, guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in maleeshiyaadkii dagaallamay ay ka firxadeen magaalada, qaarna la qabtay kuwo kalena lagu raad joogo. Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelihii ay maleeshiyaadkan ku dagaallameen ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka, xaaladuna ay tahay mid deggan. Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootey dagaalkan, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxayna maleeshiyaadkan isku hayeen goob lacagaha isbaarada looga qaado gaadiidka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/gudoomiyaha-degmada-walaweyn-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga ku tilmaamay nin ” qabtay waxyaabo la yaab leh” waxa uuna sheegay in uu saaxiib la yahay. Hadalka Trump ayaa imaanaya ayadoo labadan masuul ay shir doceed ku yeesheen shir madaxeedka G20 ee ka dhacay dalka Japan. Trump ayaa waxaa gudaha dalka Maraykanka ka haysta cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sababta uu uga warwareegayo kaalintii la sheegay in ninkani uu ku lahaa dilkii saxafigii sacuudiyaanka ahaa Jamal Khashoggi. Waxaana jiray warar sheegaya in sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay xaqiijisay in “Maxamed Bin Salman uu yahay ninkii bixiyey amarkii lagu dilay Jamal Khashoggi” Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in Maxamed Bin Salmaan lagu sameeyo baadhitaan la xidhiidha dilkii Khashoggi, kaas oo bulshada caalamku ay aad uga carootay. Guddiga ayaana sheegay in ay hayaan “caddaymo ku filan” oo marag u noqon ah in Bin Salmaan uu dilkaas ka dambeeyey. Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa beeniyey ku lug lahaanshaha Dhaxal Sugaha ee dilkaas. Waxayna sheegeen in ay maxkamadaynayaan rag sacuudiga u dhashay oo dilkaas loo haysto. Ka hor inta aanu la kulmin Maxamed Bin Salmaan, ayaa Trump waxa uu yidhi: “Sharaf wayn ayay ii tahay in aan la kulmo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, oo ah mid ka mid ah Saaxiibaday” Waxa uu intaasi ku daray in Ina Salmaan uu yahay “nin shantii sano ee la soo dhaafay Sacuudiga wax badan ka qabtay” asagoo tilmaamay in Amiirku uu ka shaqeeyey sidii Sacuudiga loo furfuri lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka hadlay arrinta khusaysa haweenka Sacuudiga oo uu yidhi asagoo la hadlayaa Bin Salmaan: ” Wax qabadka aad samaysay gaar ahaan dhanka haweenka waxa uu u dhigmaa kacdoon oo kale, marka la eego waxa qabsoomay”. Bin Salmaan ayaa kaga jawaabay oo yidhi: ” Waxaan isku dayaynaa in wax ka sii wanaagsan aan ka qabanno dalkeenna Sacuudiga, arrintanina waa safar dheer oo hadda biloowday” Arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dal ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu tixgalinayo in Boqortooyada laga iibiyo hub ku gacaya balaayiin dollar. Congress-ka Maraykanka ayaa bishaan horraanteedii u codeeyey mashruuc lagu joojinayo hubka laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka. Source
  21. More than two years after vowing to build a new mall for East African businesses in Minneapolis, City Council Member Abdi Warsame announced a public market will be coming to the Cedar-Riverside neighborhood. Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Addis Ababa)-250 qof oo loo shakisan yahay inay qayb ka ahaayeen afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya. Dadka la xidhxidhay waxaa ka mid ah 200 saraakiil ciidamada amniga ee gobolka Amxaarada iyo in ka badan 40 Sarkaal oo laga qabqabtay magaaladda Adis-ababa ee caasimadda Telefishanka dowladda waxaa uu sheegay in ciidamada amniga heleen 27 Qori oo AK-47 ah iyo laba qori oo ah kuwa daran-dooriga u dhaca. Waxaa kal oo telefishanku uu baahiyay ninkii dilay Taliyihii ciidamada Itoobiya Gen Seare Mekonnen iyo sarkaal kale oo la joogay. 5 Sarkaal oo uu ku jiro taliyaha ciidammada Itoobiya iyo Madaxweynihii ismaamulka Amxaarada ayaa ku dhintay Afgembigaas oo ay sameeyeen Saraakiil ka soo jeeda qowmiyada xabashida oo aha tan labaad ee ugu badan dalkaasi Itoobiya Source