Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay wado qorshe culus oo dalalka kale ee aan ka helno badeecadaha ku qasbaya in iyagana loo dhoofiyo wax soo saarka dalkeenna. Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa shaaciyay qorshahan cusub ee dowladda ay wado. Waxa uu sheegay in dowladda ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada. Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dalka dibaddiisa, halkii ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale. “Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta, sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan,” ayuu yiri Maareeye. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiiri-galinta wax soo saarka gudaha dalka, si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka. Waxa uuna dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalka soo saari karo iyo waxa uusan soo saari karin, si loo horumariyo wax soo saarka dalkeenna. The post DF oo wada qorshe culus oo dalal kale ku qasbaya arrin faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  2. Dhusamareb (HOL) — Somali government forces in the Galgaduud region have seized several barrels of fuel and other supplies believed to be destined for Al-Shabaab-controlled areas, officials reported. Source: Hiiraan Online
  3. 451714311_1953507125110666_1701858632372785259_n Qaran News
  4. Dhusamareb (HOL) - Galmudug regional state welcomed the decision from the National Security Council meeting in Mogadishu on Thursday night following the looting of two truckloads of weapons in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dib u magacaabay lix xubnood oo ka tirsan golihiisa wasiirada todobaadyo kadib markii uu xilalka ka qaaday. Madaxweyne Ruto ayaa magacaabay kow iyo toban xubnood oo ah kala bar tirada uu dastuurku ogol yahay. Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uu wali wado la tashiyo sababo la xiriira kala qeybsanaanta siyaasadeed ka hor inta uusan soo dhisin dowlad sal ballaaran. Waxaa xusid mudan in dadka dib loo magacaabay ay ka mid yihiin Kithure Kindiki oo horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Aadan Barre Ducaale oo isna ahaa wasiirka gaashaandhigga. Waxaa jiray baaqyo loogu baaqayay inuu iscasilo oo ku aaddan sida uu u maareeyay mudaaharaadyadii cashuuraha lagaga soo horjeeday ee toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 40 qof. Booliska ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay afduubteen oo ay si aan sharci ahayn u xireen dadka mudaaharaadayay. Horaantii bishan Luulyo, madaxweyne Ruto ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, wuxuuna ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu sameeyo guddi wada-hadal oo ka kooban 150 xubnood si ay gacan uga geystaan​​xallinta xiisadda taagan. Balse dhalinyarada Kenyanka ah ee soo abaabulay banaanbaxan ayaa ku gacan seyray qorshihiisa, waxayna ku adkeysteen inuu kala diro golaha Wasiirada, islamarkaana uu tallaabo ka qaado mas’uuliyiinta musuq maasuqa sameeyay. Isha: BBC The post Madaxweyne Ruto oo wasiiro cusub magacaabay iyo Aadan Ducaale oo ku jira appeared first on Caasimada Online.
  6. An agreement on hydrocarbon exploration and production between Türkiye and Somalia was signed in Istanbul on Thursday, marking another point in close relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
  7. 449665071_1198218831370826_1195937167588975662_n Qaran News
  8. The Red Sea Crisis Goes Beyond the Houthis To Avoid a Spiral of Violence, America Must Help Stabilize the Greater Horn of Africa By Johnnie Carson, Alex Rondos, Susan Stigant, and Michael Woldemariam The Red Sea is in crisis. At the center of the storm are Yemen’s Houthi rebels, who have unleashed a wave of attacks on ships traversing one of the world’s most pivotal maritime straits, putatively in support of Hamas’s war against Israel. The Houthi gambit in the Red Sea is imposing serious costs on global trade, as did the problem of Somali piracy, which reached its peak in 2010. The United States and some of its allies have stepped in to militarily suppress the threat, bombing Houthi positions inside Yemen. But although this episode is illustrative of the difficulties of Red Sea security, the crisis extends far beyond the trouble emanating from Yemen. The political violence and state fragmentation that fueled the Houthis’ rise in Yemen is now wreaking havoc across the broader Horn of Africa. A metastasizing web of intrastate and interstate conflicts stretching from Sudan to Somalia could bring unprecedented chaos across the Horn, creating space for extremist militant networks and countries hostile to Western interests and a free and open Red Sea. Preventing the situation from growing even worse will require a broad-based diplomatic coalition to deescalate the Horn’s multiple conflicts. But such an effort cannot succeed without aggressive U.S. diplomatic support. An American-led push would have to deter destabilizing interventions on the part of outside parties such as the United Arab Emirates and Iran, which have extended military support to warring actors in places like Sudan. It would also need to avert a regionwide famine, the threat of which is most acute in Sudan and Ethiopia. Taking on these daunting tasks will require a boost of diplomatic outreach by senior U.S. officials, including U.S. President Joe Biden. If the region’s interconnected crises worsen, parties hostile to U.S. interests and a free and open Red Sea may gain strategic advantage in this important maritime corridor. A REGION AT WAR Multiple wars are causing deep instability in the Horn of Africa and contributing to the crisis in the Red Sea. From 2018 to 2019, popular revolts toppled long-standing authoritarian regimes in Ethiopia and Sudan, but both states have since descended into astonishing levels of violence. A two-year war between Ethiopia’s federal authorities and forces from the Tigray region killed over 500,000 people and displaced millions more. The November 2022 agreement that ended that conflict is under increasing strain as many of its most contentious provisions await implementation. Ethiopia’s two biggest regions—Oromia and Amhara—are suffering from intractable insurgencies, and talks to peacefully resolve the conflict in Oromia ended in failure in November. Although the country’s capital, Addis Ababa, remains stable, insecurity is a constant across much of the rural hinterland Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amniga qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo looga hadlay hubka sharci-darro ee lagu bililiqeystay gudaha Galmudug. Golaha amniga ayaa shirka kadib adkeeyay kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah. Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan. Go’aannada kasoo baxay golaha amniga qaran ayaa ka dhigan in dowladdu doonaysay in caalamka loo muujiyo in dowladu howl-galo wado, wixii dhaceyna ay ka xun tahay, sida uu sheegay Axmed Cabdilaahi Kaboole, oo ka faallooda arrimaha ammaanka. “Maadaamada xayiraadii hubka laga qaaday Soomaaliyada, waxay rabaan inay tusaan in dowladdu la timi aragti ah in la xakeeyo hubka, haddana ay baaritaan ay ku wadaaan” ayuu yiri Kaboole oo la hadlay BBC. Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan, horrey in loo sameeyo ayey runtii ahayd ee an lala sugin dhacdadan.” Kaboole ayaa sheegay in awaamiirta dowladda ay hadda soo saartay aysan ku filnayn jawaabta wixii ka dhacay Caabudwaaq, xilli laga deyrinayo hubka gacanta u galay shacabka oo ah xadi aad u badan. “Waxaan is leeyahay khaladaad badan ayaa dhacay, laakin in wax laga barto oo mustaqbalka waxan oo kale dhicin iyo in wixii dhacayna warbixin saxa lala yimaado” ayuu yiri Axmed Kaboole. Si kastaba, dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa hadda wada qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaawac weyn ku noqday hanaankii qaadista cuna-qabataynta. The post Maxay ka dhigan yihiin go’aannada kasoo baxay golaha amniga ee hubkii la boobay? appeared first on Caasimada Online.
  10. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Masagawaa ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay nin lagu sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab oo ku hubeysnaa qoriga AK-47 ah, kaas oo lagu qabtay koontaroolka magaaladaas. Dhinaca kale ciidamada ayaa deegaanka Xuseen Cagey ku qabtay 3 gaari oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Layla Calaawi, kuwaas oo saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadeen shidaal iyo dumar u socday Al-shabaab. Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalka, inta ay Al-shabaab laga sifaynayo aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxdaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo nin lagu sheegay Shabaab ku toogtay Masagawaa appeared first on Puntland Post.
  11. 452027209_839697791092693_1647345329561921571_n Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdaddii Isniintii deegaanka Sheel-Madow ee u dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud looga furtay hubka faraha badan ayaa u gudubtay beesha caalamka. Xogaha soo baxaya ayaa sheegay in arrinta hubka sharci darrada ah ee lasoo galiyay Soomaaliya ay ka fogaatay kiis Soomaaliya ku eeg, ayada oo uu soo fara-geliyay Mareykanka oo baaris ku haya dhacdadan. Safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa Arbacaddii si deg deg ah ugu yeertay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana wax laga weydiiyay dhacdadaan iyo dadka ku lugta leh. Tallaadadiina safaaradda waxaa la sheegay inay wareysatay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya. Xogaha kasoo baxaysa kulamadan ayaa sheegay in Qoor-Qoor uu Mareykanka la wadaagay magacyada shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin arrintaan. Liiskan ayaa waxaa la sheegaya inay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato iyo xildhibaanno. Dhinaca kale, golaha ammaanka qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan, ayaa soo saaray go’aanno lagu xakameynayo hubka, si caalamka loogu caddeeyo sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay in tallaabo lqga qaado dadkii ka dambeeyay wixii dhacay Isniintii, aanay dibna uga dhicin markale dalka. Golaha amniga qaranka ayaa gaaray adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah. Madaxweynaha ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay xaadir ku ahaayeen inta badan mas’uuliyiinta sare ee dowladda. The post Mareykanka oo soo fara-galiyay arrinta hubka iyo kiiska oo maraya meel xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  13. A global technology outage grounded flights, knocked banks offline and media outlets off air in a massive disruption that affected companies and services around the world and highlighted dependence on software from a handful of providers Source: Hiiraan Online
  14. Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa shaaciyay liiska musharaxiinta doorashada golayaasha deegaanka saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan, ee ururada siyaasadda ku tartamaya doorashooyinka qof iyo cod, ee loo asteeyay 23-ka July 2024. Wadarta guud ee musharaxiinta saddexda degmo ayaa ah 431 musharax, kuwaas oo 332 ka mid ah (77%) rag yihiin, halka 99 (23%) kale dumar yihiin, waxaana doorashada codeyn doona dad ka badan 63 kun oo qof. Liiska musharaxiinta iyo xogta doorashada PUNTLAND POST The post Liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan appeared first on Puntland Post.
  15. There are situations whose persistence over time has led us to normalise them and even forget them, without considering the possible consequences of these realities and our passive attitude towards them. Source: Hiiraan Online
  16. Cilad ayaa soo wajahday Barnaamijka Windows-ka Computer-rada ee shirkadda Microsoft taasoo sababtay in ay hawada ka baxaan si lama filaan ah. Ciladaan ayaa ka dhacday meelo badan oo dunida ka mid ah. Waxaa lagu tilmaamay in ay tahay ciladii ugu xumeyd taariikhda intii ay jirtay Microsoft. Dhibaatadaan dhacday ayaa keentay in ay shaqada joojiyaan Inta badan computer-rada ay ku shaqeynayeen Xafiisyada Warbaahinta, dawladdaha qaarkood ,Garoommada diyaaradaha , Bankiyada iyo xafiiska dhammaan adeegyada lagu bixiyo computer-rada ku shaqeeya Microsoft. Ilaa hadda qaaradaha uu sida ba’an u saameysay ciladaan waxaa ka mid ah Ameerika, Yurub iyo Aasiya. Shirkadda Microsoft ayaa loo badinaya in ay la kulantay weerar dhanka Internet-ka. Qoraal kooban oo Shirkadda ay soo dhigtay barta X ee Microsoft 365 ayaa lagu yiri ” Waxaan baareyso arrin saameyneysay awoodda isticmaaleyaasha si ay u galaan barnaamijyada iyo adeegyada kala duwan ee Microsoft 365″. Shirkadda ayaa intaasi kusii dartay “Waxaan ka shaqaynaynaa dib u habeynta cilada na saameysay si loo beddelo habab kale si loo yareeyo saameynta ka dhalatay, Waxaan diiradda saareynaa in aan xaaladda kusoo celino xaalad caafimaad qab ah” ayaa lagu yiri Warka kooban ee Shirkadda. Dadka ay ciladaan saameysay ku wadaagay baraha bulshada Muuqaallo iyo sawiro ay kasoo qaadeen Shaashada Computer-rada si ay muujiyaan cilada heysta. Source: goobjoog.com
  17. Yemen’s Houthi militia on Friday claimed responsibility for an overnight drone attack in Tel Aviv, which killed one person and wounded 10 others. Source: Hiiraan Online
  18. ARUSHA, Tanzania (Xinhua) -- The East African Community (EAC) secretariat said Thursday that it has partnered with the International Organization for Migration (IOM) to enhance cross-border health security and responses to disease outbreaks in the region. Source: Hiiraan Online
  19. Africa is making progress in its economic integration that will facilitate the movement of goods, services and people across the continent. The African Continental Free Trade Area (AfCFTA) ratified by 54 countries, will create a single African market and remove the existing international trade barriers that hinder economic exchange and shared prosperity. Source: Hiiraan Online
  20. Authorities must meet a higher bar of disclosure in the case of a man who Ottawa claims is a different person, based on photo matching. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka toogtay nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey. Ciidanka xoogga ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa ninkan toogtay, xilli uu ku hubeysnaa qoray AK-47 ah, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka. Dhinaca kale, ciidamada ayaa qabtay saddex gaari oo nuuca loo yaqaano Layla-calaawi ah oo jirkaano badan oo shidaal ah waday. Gaarigan ayaa waxaa lagu qabtay deegaanka Xuseen-cagey, waxayna saraakiisha sheegeen inay saarnaayeen dumar argagaxisada u socday, ayna gacanta ku dhigeen, loona gudbin doono laamaha ammaanka. Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidanka ay bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, oo ku yaallay deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool. Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dib u dhac ku yimid wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono. The post Sawirro: Ciidanka dowladda oo toogtay nin Al-Shabaab ah, gacantana ku dhigay… appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaqsiyaad cusub ku dartay liiska madow ee cunna-qabateynta maaliyadeed ee qaran, sida lagu soo saaray faafin rasmi ah. Shaqsiyaadkan ayaa xilal sare ugu magacaaban kooxda Al-Shabaab, waxaana liiska cuna-qabateynta ku daray guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (GQKLDH/LMA). Saraakiishan Shabaab-ka ayaa waxaa ugu sareeya Abuukar Cali Aadan oo looga garan ogyahay ‘Xijaama’, waana ku-xigeenka horjoogaha kooxda, waana ninka ku xigga ninka Amiirka u ah ururkaan ee loo yaqaan Abuu Cubeyda. Sidoo kale waxaa liiskan kasoo dhex muuqday oo ku jira horjoogaha Shuuradda ee kooxda iyo kan Wilaayaatka oo lagu kala magacaabo Xasan Yacquub (Abuu Cabbaas) iyo Maxamed Mire Jaamac (Mire). Cuna-qabateynta lagu soo rogay shaqsiyaadkan ayaa waxaa gol-leeyahay in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada iyo in xoojinta dagaalka dhanka maaliyadda, sida uu lagu sheegay bayaan kasoo baxay guddiga qaran. “Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo islamarkaana la cuna-qabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’addaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabad-galyada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. Waa markii labaad ee guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada uu soo saaro magacyada dad la saaray cuna-qabateynta maaliyadeed, kana tirsan kooxda Al-Shabaab. Hoos ka aqriso magacyada shaqsiyaadka la saaray cuna-qabateynta; The post DF Soomaaliya oo liiska cuna-qabateynta ku dartay shaqsiyaad cusub + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  23. Ciidanka Isra’il oo beegsaday xerooyin Maamulka Isra’il ayaa wali sii wadda duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka wadaan Gaza, dagaalka ayaa noqday mid dabadheeraaday,tan iyo 7 October sanadkii 2023. Waxa ay xalay duqeymo garaacday xerooyinka taariikhiga ah ee bartamaha Marinka Gaza, iyo xaafado ka tirsan dhinaca waqooyi, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah. Duqeymaha xooggooda ayaa lagu soo warramay in lagu bartilmaameedsaday xeryaha Zawayda, Bureij iyo Nuseirat iyo magaalada aadka u zaxmada badan ee Deyral-balax. Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay halkaasi. Deyral Balax ayaa ah degmada kaliyah ee Gaza ee aysan wali si toos ah uga dhex dagaallamin ciidamada Isra’il, tan iyo marki uu billowday duullaankeeda Gaza horraanti bishii October. War kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in madaafiicdi ay ku garaaceen magaalada Gaza shalay ay ku dileen laba abaanduule oo ka tirsan Islamic Jihad. Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sheegaym, in 5 qof lagu dilay laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen halkaasi. Dhanka kale, ra’isluwasaaraha Israa’il Benjamin Netanyahu, ayaa si kedis ah Khamisti shalay ku tagay Gaza halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada Isra’il. Wuxuu u sheegay askarta, in cadaadiska millatari uu soo dedejinayo soo guryo-celinta laheystayaasha Isra’il ee Gaza. Source: goobjoog.com
  24. Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa sheegay inay dowladdu waddo qorshe lagu joojinayo gargaarka Raashinka ah ee dalka la keeno xilliga ay dalagyada beeruhu soo go’aan. Wasiir Maareeye oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa tilmaamay inaan la oggolaan doonin in goorta uu tabaca beeruhu soo baxo dalka la soo galiyo Raashin gargaar ama macaawino ah, asagoo xusay inay hay’adaha iyo dowladaha dunida arrintaa la wadaageen. Beeralayda Soomaaliyeed ayaa dhibaato kala kulmo Raashinka gargaarka ah oo ay hay’adaha qaarkood ku soo beegaan xilliga barwaaqada, kaas oo suuq xumo u horseeda, islamarkaana cuuryaamiya wax soo saarka gudaha. Source: goobjoog.com
  25. Ciidamada XDS ee ku sugan Magaalada Mesagawey ee Gobalka Galgaduud ayaa saaka Toogtay xubin la sheegay in uu ka tirsanaa Shabaab kaasoo oo saakay lagu qabtay kontaroolka Magaalada Mesagawey. Ninka la toogtay ayaa watay qoray AK-47 ah waxaana hada Maydkiisu yaalaa barxadda Magaalada Mesagawey. Ciidanka Amniga ayaa sheegay in ninkan uu doonayay in uu beegsado Ciidanka Amniga, islamarkaana uu diiday in uu is dhiibo. Dhinaca kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla calaawi ah oo shidaal u waday ururka Shabaab. Shidaalka ayaa lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey. Gawaarida ayaa waxaa saarnaa sidoo kale dumar la sheegay in ay u socdeen Shabaab. Source: goobjoog.com