Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Agaasimihii hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, Dan Coats ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeyay oo xil sare ka hayay maamulka Trump oo shaqada ka tagaya. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Mr Coats uu shaqada ka tagayo bisha Agoosto, islamarkaasna uu shaqada ku bedelayo John Ratcliffe oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka, kana soo gala gobolka Texas. Madaxweynaha ayaa ammaanay Mr Ratcliffe, sheegayna in uu dalka ugu adeegi doono si uu jacayl ku jiro. Mr Coats iyo Trump ayaa marar badan isku qabtay arrimo ku saabsan sirdoonka iyo siyaasadda arrimaha dibedda, gaar ahaan arrimaha Ruushka. Shaqada Mr Coats ayaa ahayd in uu ahaa madaxa guud ee hay’adaha sirdoonka Maraykanka ee 17-ka ah oo ay ka midyihiin CIA iyo NSA. Balse intii uu xilka hayay ayaa warbixinada uu soo saaro waxaa mid ka duwan sheegi jiray madaxweynaha oo marar badan durey shaqada hay’adaha sirdoonka. Ninkan ayaa ka mid ah kuwa badan oo siyaabo su’aalo dhaliyay isaga tagay maamulka Trump, waxaana kasii horeeyay xoghayihii difaaca James Mattis iyo kii arrimaha dibedda Rex Tillerson. Warqadiisii is casilaadda ayuu ku sheegay in la gaaray xilligii uu horey u socon lahaa, furana lahaa baalka xiga ee noloshiisa. Trump iyo Coats ayaa isugu dhacay arrimaha la xidhiidha Fadeexadii farogalinta Ruushka iyo waliba arrimaha wada hadalada Kuuriya Waqooyi. Mr Coats ayaa sannadkii hore sheegay in Madaxweyne Trump uusan waxbo oga sheegin kulankii uu la galay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee uu albaabada u xirnaa, iyada oo uu dhaqanka yahay in madaxweyne kasta uu xog siiyo agaasimaha sirdoonka haddii uu la kulmo madaxweyne dal cadaw loo arko. Waxa kale oo uu sheegay in haddii Trump uu kala tashan lahaa kulanka uu la yeeshay Putin, in uu talo ka siin lahaa qaabka kulanka, kaas oo ka duwan sidii uu ula kulmay. Waa kuma Dan Coats ? Waxa uu ahaan jirey dublamaasi hore, waxana uu xilka uu hadda ka dagayo qabtay 2017-kii, xiligaas oo uu badelay James Clapper. Waxa uu ka qalin jabiyay labo jaamacadood sanadihii 1960-maadkii, isaga oo qaatay labo shahaado oo sarsare oo kala ah qaanuunka iyo siyaasadda. Labo jeer ayaa laga soo doortay gobolka Indiana, isaga oo galay Aqalka Seneta-ka sanadkii 1989-kii iyo markale oo ahayd 1999-kii. Ninka badelaya Coats oo lagu magacaabo Mr Ratcliffe ayaa ah nin si weyn u taageersan Trump isaga oo xitaa difaacay todobaadkii hore. Source
  2. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland ayaa saaka u fadhiisatay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa. Asakariga ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhegaysiga dacwadda kadib ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka lagu riday askariga oo magaciisa lagu sheegay Dable Cabdi cali xirsi waxaana lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Askari ku eedaysan in uu fududeeyay dilkii Paul oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
  3. In meetings with Somaliland’s leadership today, the United Nations Secretary-General’s Special Representative highlighted the importance of building on Somaliland’s achievements as well as preparing for upcoming elections there. Source: Hiiraan Online
  4. Garowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayey, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Buuraha oo ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano (PSf) ee maamulkaasi. Ciidamada ayaa warbaahinta ugu soo bandhigay qaraxyadan iyo raggii waday gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Saraakiisha ayaa shaaciyey in qaraxyadaasi la doonayey in laga fuliyo gudaha Boosaaso, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale saraakiishani ayaa intaasi ku sii daray in baaritaanadooda ay sii wadi doonaan, inta lagu guda jiro dabaal daga aas aaska Puntland oo ku beegsan 1-da August. Puntland ayaa xoojisay nabad galyada magaalooyinka maamulkaasi oo dhawaan lagu qabanyo xuska 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaskeeda. Al-Shabaab iyo Daacish oo heysta qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  5. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ( Siyaasadda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha ) Halkan Ka Akhriso: ID-Policy-Somali-cover-final- Source: goobjoog.com
  6. Lawmakers from pastoralist communities have issued a famine alert warning that their constituents might miss out on the forthcoming population census. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) -Warbixin ka soo baxday Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey tirada ergada is diiwaangelisay ee u hoggaansamay amarkii dhawaan ka soo baxay kooxdaasi. Warkan ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku sheegteen in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen 159 Oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la hadleen Odayaasha kale ee aan weli isa soo diiwaangelin. Sidoo kale waxay warbixintooda ku sheegeen in ergadani ay iska soo diiwaangeliyeen maamullada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, kuwa Puntlandna taleefan loogu qabtay Towxiidka, sida ay hadalka u dhigeen. Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay liiska iyo sida ay maamul goboleedyada uga kala tageen xubnahaasi Jubaland: 33 Oday dhaqameed. Hirshabeelle 53 Oday dhaqameed. Koofur Galbeed 40 Oday dhaqameed. Galmudug 33 Oday dhaqameed. 15-kii bishan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ku socday ergada, kuwaas oo ay u qabteen inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Aussie startup Lumachain has secured $3.5 million in funding for its blockchain technology tracking food supply chains, and tackling modern slavery at the same time. Source: Hiiraan Online
  9. “Doorasho 4 Bilood ku dhacaysaa ma jirtee Yaan la caayin caqliga Shacabka !! . qalinkii A/rahman fidhinle UK.” 1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahaayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelinta iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo, way arkayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee waqtigii doorashada loo cayimay ay ka hadhay 4-ta bilood. iyaga oo hore u sheegay in ay u baahan yihiin mudo ugu yaraan 10 bilood ah. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama uu mudo xileedkoodii dhamaaday. D) Waxay ku fashilmeen in ay sii diyaarinyaan oo miiska sii saaraan xeerarkii lagu bedeli lahaa maadaama uu maandheytkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudadaa dheer ee kolba waqtiga loo sii kordhinaayey. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay xukuumad ahaan qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah taas oo uu waqti badani ku lumay. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen oo aanay marna ku qabsoomi karin 4-bilood gudahood. Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku ay mar kasta is cadeeyaan oo ay sii sheegaan halka howshu mareyso iyo in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsadeen inagana ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Doorasho 4 bilood gudahood ku dhacaysaa ma jirtee Shacaboow – Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey geyso !!! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  10. Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa malayshiyaadka Daacish. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo sabtidii 27-Julay ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay sarkaal ka tirsana Daacish oo kaalin muhiima ka ciyaaray fududaynta hawlaha Kooxda. Waxaa kale oo qoraalka AFRICOM lagu sheegay in duqenta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku nool dhulka duqeyntaasi laga fuliyay. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu gudaha Puntland ku dilay sarkaal kaalin muhiima ugu jiray Daacish appeared first on Puntland Post.
  11. ISTANBUL -The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA), Hayrat Foundation and the UN Refugee Agency (UNHCR) have performed free eye surgeries for 300 people in Kenya’s northern town of Garissa in remembrance of July 15 failed coup attempt martyrs. Source: Hiiraan Online
  12. A Queens man who stalked Rep. Alexandria Ocasio-Cortez has been sentenced to two months of jail time, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  13. Eagan, MN - Hundreds of community members rallied and marched on the Twin Cities Premium Outlets in Eagan on Saturday afternoon, July 27, to demand justice for Isak Aden, a Somali man who was killed by police in this Saint Paul suburb on July 2. Source: Hiiraan Online
  14. Angry residents stormed a shop in Khayelitsha, Cape Town, on Sunday morning after the owner allegedly shot a man in a dispute over change. Source: Hiiraan Online
  15. Insecurity in Somalia is diminishing the numbers of refugees willing to return home from the Dadaab camps in Kenya, the United Nations said recently. Source: Hiiraan Online
  16. NAIROBI (Reuters) - A U.S. air strike killed a facilitator for an Islamic State-aligned militia in northern Somalia, a statement from the American military’s Africa Command said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashooyinka maamulka Jubbaland waxaana saacadihii la soo dhaafay ay qaadatay go’aano adag. Caasimada Online ayaa ogaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay Taliska ugu Sarreeya Ciidamada AMISOM ayna ka dalbatay in ay amarkii ay bixiso Dowladda uu ka dhaqan galo Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland fulinta amarkaasna laga rabo Ciidamada AMISOM. Dowladda Soomaaliya ayaa AMISOM ka dalbatay in amaanka Kismaayo ay la wareegaan Ciidamada Itoobiya lagana wareejiyo Ciidamada maamulka Jubbaland iyadoo sheegtay in ay musharaxiinta wajahayaan qatarro badan oo dhanka amaanka ah. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in maalmaha soo socda ay Kismaayo gaaraan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo musharaxiin ka walaacsan amnigooda sidaas darteedna looga baahanyahay Ciidamada AMISOM in ay sugaan oo ay la wareegaan amaanka Jubbaland. Taliska AMISOM ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan madaxda hey’adaha amaanka islamarkaana ay ku wargeliyaan in amaanka ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM waxaana socda kulamo arintaasi ku saabsan. Maamulka Jubbaland, ayaa maalmo ka hor soo saaray go’aano degaanada maamulkaasi looga mamnuucayo masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Jubbaland ku jirto Marxaladda doorashada iyo waqtiga kala guurka ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean ayaa qoray in isbeddel weyn oo dhanka maamulka iyo saamiga ah uu ka dhacay Bankiga Salaam African Bank ee dalka Jabuuti. Warbixint wargeyska ayaa lagu sheegay in afhayeenkii hore ee baarlamanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noqday qofkii labaad ee saamiga ugu badan ku leh bankiga. Shariif Xasan ayaa ku xiga saami laha ugu weyn bankiga oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Cali oo madax ka ah shirkadda guryaha ee Al-Rayaan, sida warbixinta ay tiri. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay inay suurta-gal tahay in Shariif Xasan uu dhowaan ku biiro guddiga maamula Bankiga, oo sidoo kale ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Cali iyo Cusmaan Ducaale Dirir. Xiriir aan la sameynay Shariif Xasan si aan wax uga weydiino arrintan nooma suurta-gelin inaan jawaab ka helno. Shariif Xasan oo ka degay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed bishii November ee sanadii 2018 kadib dagaal siyaasadeed adag oo uu la galay dowladda federaalka, ayaan lagu arag saaxadda siyaasadda iyo goobaha dadweynaha tan iyo markaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markale ka hadashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeyay Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi. Maxamed Axmed Caalim, Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaalkaasi, isagoona sheegay in ciidamada Somaliland uusan khasaare badan ka soo gaarin, wuxuuna yiri “Waxa dhacay ciidanka qaranka Somaliland ayaa gaadhay ciidan uu watay Caare, oo ku soo dhowaaday wadada Daallo laga galo, Ciidankuna nasiib wanaag iyadoo waxba ku dhiman, labo gaadhi ayaa Caare laga soo qabtay, isagii iyo saddex gaadhina waxay u yaaceen buurta gudaheeda”. “Si nabad-gelyaa odayaashi looga daba diray, marwalba xaga nabad-gelyada ayaanu ku mareyna, qofna nagama go’o, howshaasi si wanaagsan ayey u socotaa, waanay soo gaba-gaboobeysa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wax khasaara oo dhacay Inan dhaawaca unba jira oo finiin xabado ku dhacay dhagax ay gal-galeen, wax kale oo dhibaata kamay dhicin meesha”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) ― Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Ibraahin Iidle Suleymaan, ayaa codsi u diray Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Ibraahin Iidle ayaa Ciidamada Booliska Somaliland ka codsaday in baaris lagu sameeyo dil toogasho oo ka dhacay degmada Ceel-Afweyne. Mudane Iidle ayaa sheegay in dilkaasi loo geystay wiil uu adeer u yahay, oo lagu magacaabi jirey ‘Rooble Mahdi Iidle’. Ibraahin ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday in cadaalada la horgeeyay cidii ka dambeysay dilka loo geystay wiilka uu adeerka u yahay. “Waxaan ka codsanaynaa Bileyska Somaliland inay baadhis rasmiya ku sameeyaan toogashada shalay lagu diley Rooble Mahdi Iidle, taas oo ka dhacday magaalada Ceel Afweyn, isla markaana caddaalada la horgeeyo ciddii ka danbeysey” ayuu yiri Ibraahin Iidle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. By: Faysal Mohamed The Kenyan government is pursuing a determined campaign, engaging in outlandish and undiplomatic behavior, and targets Somalia so as to pressure Mogadishu to withdraw an International Court of Justice (ICJ) maritime dispute case it filed against the former in 2014. On Feb. 16, 2019, Kenya expelled Somalia’s Ambassador to Kenya Mohamed Mohamoud Nour and recalled its envoy. It labeled Somalia an enemy state trying to grab its natural resources. On May 21, top Somali diplomats, including ministers and deputies, were denied entry at Jomo Kenyatta Airport for what aviation authorities described as “lack of visas.” The officials were invited to take part in a high-level EU sponsored cross-border conflict management program in Nairobi. It also ordered Somali flights to be investigated at Wajer, banning unaccompanied luggage on aircraft arriving from Somalia, disseminating security fears over Somalia’s direct flights. Kenyan media was also complicit in the pressure strategy. The Standard Digital newspaper accused Somalia of putting Lamu oil blocks on sale, a claim which Somalia swiftly rejected. Kenya has suspended fishing activities off the coast near the Somali border over what it termed a security precaution. The neighboring countries are now wrangling over a sea dispute at the ICJ with both claiming a 100,000 square kilometer sea shelf believed to be rich in oil deposits and other significant mineral resources. On Aug. 28, 2014, Somalia took Kenya to the U.N.’s highest court, suspecting the latter has given the green light to foreign oil exploration companies. But Kenya insisted that the ICJ has no role in taking the case and that it has alternatives to settle the issue with Somalia, citing a memorandum of understanding (MoU) signed back in 2009. On Feb. 2, 2017, the court annulled Kenya’s objection to proceeding to a full hearing of the case. Kenya has since launched a full-blown diplomatic war against Somalia and accused its neighbor of auctioning oil blocks within its maritime borders. Somalia, which is recuperating from two decades of conflicts, has shown more political maturity than Kenya in respecting the case with the ICJ. Kenya, on the other hand, in a diplomatic letter to Somalia on May 21, said that it will use a military force if Somali locals hinder the construction of a fence along its border with Somalia. This is another sign showing that Nairobi has taken Mogadishu’s magnanimity and silence for granted. It’s not working These bullying tactics have no place in international relations and it’s obvious that even superpower governments have botched this option. Kenya thinks that it has leverage over the game as Somalia has no strong functioning government since the collapse of the former government in 1991. Kenya’s suicidal politics only begets regional instability and is jeopardizing the very friendly ties it previously shared with Mogadishu. Intellectuals envisage that Kenya’s egregious decisions might even damage its regional integrity. The U.N.’s only headquarter in the region is located in Nairobi, where Kenya’s aviation authorities confiscated and forced top Somali diplomats to sleep at the airport. These developments are making U.N. and other regional partners more anxious. Kenya is more democratic than other states in the region and its people are renowned for their warm hospitality. That’s why the U.N. had picked Kenya over other states, including Ethiopia. Meanwhile, the al-Shabaab terrorist group in Africa might launch new cross-border attacks, which is blocking any trade that both nations could have. This would have huge economic implications in the future. Nigeria and Cameroon had once been at loggerheads for years over the Bakkasi dispute at the ICJ and that conflict had claimed the lives of 34 people in 1994 after a bloody clash between the two countries. The Nigerian government was behaving like Kenya is today and they tried everything in their power to force Cameroon to pull the case from the court, unfortunately, the ICJ ruled in favor of Cameroon in 2002. I think that this story tells us something very important. If Somalia retaliates, Kenya could lose its position at the U.N.-backed operations of the African Union Mission to Somalia (AMISOM) and investments worth $4 billion made by Somalis in Nairobi. The international partners that collaborate with Somalia could also move their conferences and other crucial events to another safer capital, which is putting Kenya in a position where it can lose indirect revenues that are usually spent in Nairobi. The Somali government must also mitigate Kenya’s role in the Jubbaland state, which is Nairobi’s only space in Somalia’s political spectrum. Kenya’s unwavering measures will not bring Somalia to its knees, but will only deteriorate the regional crisis, including the fight against al-Shabaab, which is not a Somali problem anymore. A sensible solution would require Kenya re-establish its foreign relations with Somalia and act as a big brother, seeking warmer and more diplomatic ways it can deal with the bigger issues such as the ICJ case. Also, Kenya’s Foreign Cabinet Secretary Moica Juma must consult with the right people when working on policy toward Somalia. * Somali journalist and political analyst based in Istanbul