Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Guddoomiyaha iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa iska xogwareystay Amniga, siyaasadda guud ee dalka, horumarinta iyo arrimaha gargaarka. Danjire James ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Mashaariicda ay ku taageeraan bulshada Caasimadda. Dhankiisa, Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku ay ku bixinayaan horumarinta iyo sugidda amniga Caasimadda, xal u helista arrimaha barakacaayasha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, dariseynta iyo dib u heshiisiinta oo dhammaantood laga gaaray guulo la taaban karo. Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeynayaan Wakiil James Swan arrimaha loo egmaday ee hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha ku qotoma xasilinta dalka iyo horumarintiisa. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan appeared first on Puntland Post.
  2. Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka wasaaraddan oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan. Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan. Source: goobjoog.com
  3. SALY, Senegal — Even though he was 6-foot-6 by the time he was 14 years old, when an aspiring basketball star in Senegal picked up a ball for the first time, his friends were skeptical: In this soccer-mad region, why bother with a ball you dunk, when everyone else is kicking? Source: Hiiraan Online
  4. Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure Abwaan Cismaan Cabudllaahi Guure oo kamid ah murti-maalka Soomaaliyeed ahna suxufi rugcaddaaya oo warbaahinno kala duwan ka soo shaqeeyay ayaa sheegay in uu aad ugu riyaaqay amniga iyo xasiloonida ka jirta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Abwaanka oo ka yimid magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo bandhiga Buugaagta ee shalay laga daah-furay Garoowe ayaa sheegay in uu xorriyad dareemay kadib markii uu soo gaaray caasimadda Puntland maadaama ay tahay meel nabdoon oo aan wax cabsiya ka jirin. “Garoowe waxaa naloo ku soo dhoweeyay si aad u qiima badan Xalayna aniga oo lugaynaya ayaan magaalada dhex wareegay sababtoo ah meeshan ka imid mudda dheera noogu dambaysay in aan si xorriyad ah u lugayno” ayuu yiri Guure. Abwaanka ayaa tilmaamay in Garoowe iyo guud ahaanba Puntland nabadda iyo xasiloonida ka jirtay ay sabab u tahay midnimada iyo wadajirka ay muujiyeen reer Puntland si aan cadowgoodu uga dhex faa’idaysan taasina ay ak dhaxleen amni iyo horumar. Dhinaca kale abwaanka oo soo hadal qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalku ka degi la’yahay laba cudur oo kala ah Qabyaaladda iyo kooxaha argagixisada ah ee shacabka xasuuqaya isagoo ku taliyay in labadaasi cudurba qalinka lagula dagaallamo maadaama la joogo bandhig-aqooneed. Halkaan ka daawo hadalka Abwaanka PUNTLAND POST The post Abwaan Guure oo kashifay laba shay oo sabab u ah guud ahaan dhibaatada ka jirta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka ayaa waxa uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo horumarka dalka. Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo Baydhabo ka furay shir ku saabsan arrimaha bini’aadanimada ayaa warkan ka dhawaajiyay. Mr Khadar ayaa intaasi raaciyey in ay muhiim tahay in laysku wado xal u helida xaaladaha bini’aadanimada iyo sidii looga kaaftoomi lahaa kaalmo dibadda ah. “Waa in ayno ka shaqeynaa sidii aan isugu tashan lahayn, una soo saari karnaa kheyraadkeena una keydsan karnaa,” ayuu raaciyey Mahdi. Wuxuu intaasi raaciyey: “Waa in ay ka gudubnaa in qeyb yar oo gacanta laga bixiyo mar walba, oo aan isugu tashan lahayn, tan muhiimka ah taasi weye”. View the full article
  6. Garoowe (Caasimada Online) –War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa mar kale waxaa ay ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso. Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa Maamulka Puntland waxaa uu Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso. Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa. Halkaan ka daawo Xildhibaanno iyo wasiiro hotelkii ay degenaayeen looga saaray amar Al-Shabaab Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaalo siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadka koowaad ayaa ka dhacay degaanka Ceel-jaale oo dhaca duleedka Marka, gaar ahaan goob lagu tababarayey ciidamada Koonfur Galbeed. Isku dhacaasi oo mudo socday ayaa yimid markii ay weerar ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab. Dhanka kale, tuuladda Ceel-saniini ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay dagaal kale oo kharaar. Is-rasaaseyntaasi oo yimid markii ay Al-Shabaab weerartay fariisin ay leeyihiin ciidamada dowladda ayaa laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Geesta kale, dagaal kale ayaa isna ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Khasaaraga dagaaladan ayaa nan la ogayn, maadaama ay dhamaantooda dhaceen xili habeen ah, lamana xaqiijin karo waxyeeladda. Ma jiro sidoo kale wax war ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay dagaalkan, oo ay uga hadleyso khasaaraha dhankooda iyo midka ciidanka. View the full article
  8. Roma (SMN) – Taliyaha ciidanka xooga Dalka, Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Wafdiga ayaa ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga ee qaaraadda Yurub. Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga. Sidoo kale waxay isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ay Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-240719.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan. Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan. Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda. View the full article
  11. Taliyaha ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga. General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo la kulmy Saraakiisha Ciidamada Waddanka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan Madaxtooyada Soomaaliya ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi sare oo ka socday Midowga Afrika oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Kulankaan oo ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa Xiisadda Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u bandhigay Aragtida iyo go’aanka Soomaaliya oo ahaa mid aad u qaraar. Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika oo wafdigaasi ka socday Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in dalalka Kenya iyo Soomaaliya arintooda ay galaan Madaxda Midowga Afrika balse arintaas laga diiday. “Madaxweynaha waxa uu u sheegay wafdigii AU in uusan gor gortan ka galayn arimaha badda balse uu diyaar u yahay in uu wada-hadal ka galo Xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal” ayuu yiri qof sare oo ka tirsan Villa Somalia islamarkaana la hadlay Caasimada Online. “Madaxweynaha ayaa wafdigaan u sheegay in Soomaaliya ay sugayso jawaabto Maxkamadda ICJ balse wixii kale ee aan qoseynin arimaha Badda iyo kiiska Dacwada ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay kala hadasho Kenya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofkaan aan la hadalnay oo codsaday inaan la magacaabin. Wafdigii ka socday Midowga Afrika ee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho waxay hore u soo mareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka waxayna kulamo la soo qaateen Madaxweynaha dalkaasi iyo Wasiirka Arimaha dibadda Kenya iyagoo sheegay in ay kawada hadleen Arimaha amaanka, xasilooniada iyo Arimaha Badda iyo xaaladda gobalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa dowladda. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo xalay shaaciyay natiijada imtixaanka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan. Mudane Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sameysay Website ay ardaydu si fudud uga heli karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so. Halkan hoose ka daawo wasiirka oo faahfaahinaya natiijada PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka dowladda appeared first on Puntland Post.
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka Hotel-ka Suubiye ee ku yaalla magaalada Jowhar ee Xarunta HirShabelle ayaa soo saaray amar hoteelka looga mamnuucayo Xildhibaanada iyo Wasiirada HirShabelle. Hotelkaan oo ku yaalla faras magaalaha Jowhar, gaar ahaan Xaafadda Howlwdaag ayaa aad ugu dhow Xarumaha maamulka HirShabelle gaar ahaan Xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xarunta Maamulka Gobalka. Xildhibaanada, Wasiirada iyo shaqaalaha kale ee HirShabelle ayuu hoteelkaan degaan u ahaa waxaana lacagta bil walba lagu dalici jiray Maamulka HirShabelle. Xildhibaanada iyo Wasiirada oo qaar kamid ah la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay arintaan waxaana albaabka hoteelkaan lagu soo dhajiyay amar ah in aysan degi karin Shaqaalaha iyo masuuliyiinta HirShabelle hoteelka Saabir. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay arintaan waxaana ay amar siiyeen Milkiilaha Hoteelka iyagoo u qabtay muddo kooban in hoteelka looga guuro ama ay soo weerari doonaan. Qof kamid ah maamulka hoteelka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo waceen hoteelka Islamarkaana ay amar ku bixiyeen in si deg deg ah hoteelka looga saaro Wasiirada iyo Xildhibaanada ama ay ku soo qaadi doonaan weerar isugu jira dagaal iyo qaraxyo. Al-Shabaab ayaa hore u weeraray hoteello iyo goobo kale oo ganacsi waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay hoteelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose. Weerarkaas waxaa ku dhintay 30 qof oo shacab ah waxaana ku dhaawacmay 60 qof oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Iran has threatened to cut its imports from Brazil unless it allows the refueling of at least two Iranian ships stranded off the Brazilian coast, in a sign of the global repercussions of U.S. sanctions on the Islamic republic. Source: Hiiraan Online
  16. ADDIS ABABA, -- The Chinese-built Ethiopia-Djibouti standard gauge railway on Tuesday received acclaim for driving Ethiopia's import-export endeavors as it leveraged the growing transportation needs of the country. Source: Hiiraan Online
  17. Within this scope, the Hürjet project, which has been evaluated in four main areas of expertise, i.e. flight sciences, aircraft structure, aircraft systems and avionics and electrical systems, have been approved by the evaluation committee in all these areas. Source: Hiiraan Online
  18. Washington, DC - An event in Washington, DC, on Tuesday, billed as the first national gathering of Muslims in politics in United States history, began with a resounding a rebuke of racism and Islamophobia emanating from the White House, and a call for Muslims to become beacons of civic participation. Source: Hiiraan Online
  19. Consumer advocate Ralph Nader on Tuesday urged the Federal Aviation Administration to permanently ground Boeing’s 737 Max jet. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska, Milateriga, Nabad Sugidda iyo Asluubta Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka ayaa isku raacay in 2 nuuc oo kamid ah dareeska Ciidamada Soomaaliya aan la isticmaali karin kadib kulamo ka dhacay Muqdisho. Kulamadaan oo kii ugu dambeeyay ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo sidoo kale kulankaasi laga soo saaray digniin culus. Dharkaan oo laba nuuc ka kooban ayaa isugu jira cadaan boor ah oo u muuqaal eg dharka Ciidamada Milateriga Sacuudiga iyo nuuca kale oo ah isla naqshadaas oo cadees ah. Dharkaan ayaa sidoo kale waxaa loo yaqaanaa dareeska Ciidamada Xasilinta, waxaana horey loogu qaybiyay Ciidamadii gaarka ahaa ee Xasilinta balse waxaa hadda la sheegay in Al-Shabaab ay heystaan dharkaas waliba in badan oo kamid ah uu gacanta u galay. Dhinacyada kulanka yeeshay ee soo saaray go’aankaan ayaa sidoo kale go’aamiyay in Askartii lagu arko la qabto hadii ay diidaan qabashana la toogan karo. Afarta talis ee Ciidamada Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in ay fariintaan gaarsiiyaan Ciidamada Soomaaliya islamarkaana dharkaas magaalada iyo guud ahaan dalka looga saaro muddo 30 cisho gudahood. Inkastoo ay hadda ka soo wareegatay dhowr maalmood hadane wali waxaa socoto wargelinta Ciidamada iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Taliyaasha qaar ay gacantooda ku gubeen dharkaan inta laga soo aruuriyay Xeryaha Ciidamada. Al-Shabaab ayaa inta badan si fudud u hela dareeska Ciidamada Soomaaliya waxaana hadda la sheegaa in ayba helaan dharkii ugu dambeeyay ee loo qaybiyay Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliiska dalka, ayada oo aysan caddeyn sida ay u helaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso. Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso. Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay soo bandhigayso natiijada baaritaan ay ku samaysay dilkii Paul Anthony Farmosa appeared first on Puntland Post.
  22. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu ka aargudan doono Mareykanka haddii uu Ankara cunaqabateyn u saaro soo iibsashadeeda habka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400. “Haddii Mareykanka uu lasoo baxo mowqif cadowtooyo ah oo nagu wajahan, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aargudasho, sida aan horey u sheegnay. Tani ma ahan hanjabaad ama cayaar cayaar” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu. “Ma nihin dal madax u raaricin doona kuwa noo muujiya cadaawad ka dhan ah Turkiga” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in Turkiga aysan marnaba raali ka noqon doonin in loo sheego wixii ay sameyn lahayd. Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in si kastaba uu rajeynayo in maamulka Mareykanka uusan qaadin tallaabo noocaas ah. Maamulka Mareykanka ayaa horey ugu hanjabay inuu Turkiga ka saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35, haddii ay soo iibsadaan barnaamijka S-400. Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay baahideeda difaac ka buuxin doonto meelpo kale, haddii Washington aysan siin jiilka shanaad ee diyaaradahan casriga ah ee dagaalka oo ah F-35. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019. Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro. Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan , taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay suurtagelinta jawi nabadeed. Ugu danbayntii guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug. Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:- 1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka. 2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019. 3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah. 4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin. 6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha. Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Gabiley (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Gabiley ayaa sheegaya in Xukuumada Muuse Biixi ay xabisga dhigeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley. Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay afar xildhibaano oo ka tirsanaa golahaasi, kuwaasi isla markiiba loo wareejiyey magaalada Hargeysa. Xildhibaanada ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista ee Hargeysa, halkaasi oo sida la sheegayo lagu baari doono kiiska xukuumadu u haysato. Wararka aan helayn ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada loo xiray inay ka dambeeyen oo ay abaabulayeen mooshino ka dhan ah maayarka Gabiley, kaasi oo ay rabeen inay xilka kaga tuuran. Warar kale ayaa sidoo kale waxay sheegayan in xildhibaanada lala xiriirinayo inay ka dambeeyen shaqsi ay wareysatay idaacada BBC-da oo sheegtay inuu yahay maayirka magaalada Gabiley. Xarigan xildhibaanada ayaa waxa uu ku soo aadaya xili muran baahsan uu ka jiro golaha deegaanka Gabiley, kaasi oo sababay in golahu uu yeesho labo maayir. Dhinaca kalena, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa isagu shalay soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland, isagoona sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  25. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xubina a ah Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Amaanka Dalka ayaa si kulul wuxuu uga hadley [...] Source