Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,993
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho. Madaxda DFS oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada. Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Khabuuraha ku yaala xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho. Source: goobjoog.com
  2. Wararka ka imaanaya magaaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in hadda uu qarax ka dhacay nawaaxiga hoteelkii hore loo oron jiray Ramaada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay islamarkaana lala eegtay gaari halkaasi marayey balse faahfaahin dheeriya lagama hayo. Warar kale ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax inkastoo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMM) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho. Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada. Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Khabuuraha ku yaala xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho. View the full article
  4. Baydhabo (SMN) – Taliyaha ciidanka Booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ka warbixiyey howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in ciidamadu howlgalladaasi ay kula wareegeen tuulooyin u dhexeeya deegaanada Awdiinle iyo Goofgaduud-Buurey ee gobolkaaasi. Taliyaha oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-konfurgalbeed.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (PP) ─ Ehellada guddoomiyihii gobolka Banaadir Inj. Yariisoow ayaa shaaca ka qaaday inay tuhmayaan in qaraxii lagu dilay marxuumka uu ahaa mid aysan ka dambeyn kooxda Al-shabaab, laakiinse dad isaga ka ag dhaw ay ka dambeeyeen. Nabad-doon Axmed Maxamed Muuse oo adeer u ahaa C/raxmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii lagu dilay Duqii hore ee Xamar uu ahaa mid gobolka dhexdiisa laga abuuray oo aysan jirin wax meel kale ka yimid. Sidoo kale, Nabadoon Muuse ayaa xusay inay rumeysan yihiin in qaraxii lagu dilay Yariisow uu ahaa mid ay fuliyeen dad cadow ku ahaa – oo ku dhex-jiray maamulka gobolka Banaadir, weliba isaga aad ugu dhawaa. “Yariisow wuxuu ku baxay si uusan mudneyn oo cadowtooyo ah, waxaan ka rabnaa madaxweynaha iyo RW Somalia iyo dhammaan dadkii falkaas ka dambeeyay la helo si cadaaladda loo hor-geeyo,” ayuu yiri nabad-doonka. Isagoo sii hadladya ayuu intaas raaciyay. “Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex-jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Inj. Yariisow wax kasii daran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo.” Duqii hore ee Gobolka Banaadir ayaa u geeriyooday Khamiistii lasoo dhaafay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray Qarax ka dhacay gudaha xarunta dowladda Hoose ee Xamar, halkaasoo uu shir ka socday, iyadoo weli aysan caddeyn qaabka loo dilay marxuumka. “Inj. Yariisow ma ahayn nin Soomaaliya baahi uu yimid, wuxuu dalkiisa ugu soo laabtay inuu dadkiisa wax u qabto, balse waxaa abaal looga dhigay in la dilo oo weliba ay dilaan dadkii isaga aadka ugu dhowaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Nabad-doon Axmed Muuse. Ugu dambeyn, Inj. Yariisow ayaa waxaa lagu wadaa in maanta Aas Qaran loogu sameeyo Muqdisho, waxaana dilkiisa uu saameyn xooggan ku yeeshay hawlihii maamulka gobolka Banaadir oo u adeegayay malaayiin qof oo ku nool caasimadda dalka ee Xamar. PUNTLAND POST The post NABADDOON MUUSE: dilkii Yariisow waxaa laga dhex-abaabulay Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigay illaa 86 oday dhaqameed oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Goobta lagu soo bandhigay odayaashan waxaa ku sugnaa Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan oo ah Guuddoomiyaha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in odayaashaasi ay isugu jiraan 53 oday dhaqameed oo ka tegay HirShabelle iyo 33 ka imaatay deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Al-Shabaab sheegeen in odayaashaasi ay aqbaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen. Dhowaan Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay deegaanadooda iska soo diiwaan geliyeen illaa 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  7. waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle maydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho marxuum Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ra’iiusul wasaare Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda ayaa ka qeyb-galay salaadda Janaasada marxuumka. Marxuumka ayaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Qabuuraha ku yaallaa xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho sida ay sheegtay Wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA. Allaha u naxariistee Inj Yariisow ayaa dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday xafiiskiisa Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday xubo badan oo ka tirsan agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale kale. Geerida Duqii hore ee Muqdisho ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa iyadoo ehelladiisa ay ku doodayaan in marxuumka la dilay isla markaana qaab shirqool ahaan ah loo dilay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaadda janaasada marxuum Eng Yariisow appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Duqii Muqdisho Eng Yariisow kaas oo ku geeriyooday M/Dooxa ee dalka Qadar. Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kus ugan Madax iyo dad wayne badan oo ka qaybgalaya Aaska Qaran ee loo samaynayo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Meydka oo lagu soo daboolay calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyay qaar ka mid ah ciidamada iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada janaasada. Dhowaan ayuu marxuumka u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. Muqdisho (PP) ─ Diyaarad gaar ah oo sidday maydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa goor-dhaw soo caga-dhigatay garoonka diyaaradah ee Muqdisho, iyadoo saacadaha soo socda lagu wado in maydkiisa la aaso. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay RW Somalia, Xasan Cali Khayre iyo golihiisa wasiirrada ayaa ku sugan garoonka, waxaana sidoo kale jooga xubno ka tirsan qoyskiisa iyo shaqaalaha gobolka Banaadir. Sidoo kale, Aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka ayaa waxaa ka qayb-galaya xubno ka tirsan madaxda maamul-goboleedyada dalka ka jira, balse weli lama iclaamin halka lagu aasi doono guddoomiyaha geeriyooday. Dadka aaska ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah Maama Nuuriya oo ah hooyada dhashay marxuum Inj. Yariisow oo waayeel ah, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya caruurtiisa iyo xaaskiisa oo ka yimid London oo ay muddo fog ku noolaayeen. Waddooyinka Muqdisho ayaa intooda badan la xiray, waxaana loo diidayaa inay maraan gaadiidka, balse shacabka ayaa lugeynaya, lamana oga inuu Aaska ka qayb-geli doono Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo in kale. Allaha u naxariistee Inj. Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday xafiiskiisa Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday xubo badan oo ka tirsan agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale kale. Ugu dambeyn, Geerida Duqii hore ee Muqdisho ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa, iyadoo ehelladiisa ay ku doodayaan in marxuumka la dilay isla markaana qaab shiaqool ahaan ah loo dilay, qaraxa lagu dilayna uusan ahayn mid dibadda laga soo abaabulay, iyagoo dowladda weydiistay inay ka faalooto sida uu qaraxa u dhacay, soona xirto dadkii ka dambeeyay falkaas. PUNTLAND POST The post Maydka Duqii hore ee Muqdisho oo la keenay Xamar iyo Amniga oo si aad ah loo adkeeyay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-04082019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dajiyey Meydka Marxuum Injineer C/raxamaan Cumar Cismaan (Yariisow). Diyaarad qiyaas ah oo ka soo qaaday magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa keentay Meydka guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir. Meydka oo lagu soo daboolay calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyay qaar ka mid ah ciidamada iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada janaasada. Allaha u naxarisitee Marxuumka ayaa waxaa Janaasadiiisa ka qeyb geli doono madaxda u sareysa dalka, sida Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee dowladda. Dhowaan ayuu marxuumka u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Kooxda Al-shabaab, ayaa degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay, in badan 80 oday-dhaqameed oo sida ay sheegtay kamid ahaa ergooyinkii sool xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Warbaahinta taageerta Al-shabaab, ayaa soo bandhigay sawiro ay ku sheegeen qaar kamid ah odoyaashii soo xulay Baarlamanka Federaalka oo Al-shabaab ay towbadda u qabteen. Al-shabaab waxay sheegtay in ay cafis u fidisay, odoyaasha towbad keenay oo ka kooban 86 oday, kuwaasi oo 53 kamid ah ay ka yimaadeen degaannada Hirshabeelle, halka 33 kalena ay ka yimaadeen Galmudug. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in odoyaashu ay ballan-qaadeen, markii ay ku laabtaan degaannadooda in ay bulshada ku baraarujin doonaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo soo bandhigay in ka badan 80 odoy oo kamid ahaa ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Federaalka appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Yariisow ayaa shaaca ka qaaday inay tuhmayaan in qaraxii lagu dilay marxuumka uu ahaa mid aysan ka dambeyn kooxda Al-Shabaab balse dad isaga ka ag dhowaa. Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse oo adeer u ahaa Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii lagu dilay Yariisow uu ahaa mid gobolka dhexdiisa laga abuuray oo aysan jirin wax ka yimid meel banaanka ah. Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in qaraxa lagu dilay uu ahaa mid ay fuliyeen dad cadow ku ahaa Yariisow oo ku dhex-jiray maamulka gobolka Banaadir, weliba isaga aad ugu dhowaa.. “Igaarkayga wuxuu ku baxay si cadownimo ah, si uusan mudneyn, waxaan ka rabnaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dhammaan dadka kale ee Soomaaliyeed in la helo dadkii ka dambeeyey dilka Yariisow” ayuu yiri nabaddoonka. “Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Injineer Yariisow wax kasii darran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo” ayuu yiri Axmed Maxamed Muuse. “Yariisow ma ahayn nin Soomaaliya baahi uu yimid, wuxuu dalkiisa ugu soo laabtay inuu dadkiisa wax u qabto, balse waxaa abaal looga dhigay in la dilo oo weliba ay dilaan dadkii isaga aadka ugu dhowaa.” Hoos ka daawo wareysi uu siiyey taleefishinka Dalsan ee Muqdisho Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii shalay magaalada Istanbul ka dhagax-dhigay, kaniisad cusub oo ay ku cibaadaysan doonaan, dadka loo yaqaanno Assyrians-ka ee haysta MAD-HABKA Orthodox ee Diinta Kirishtanka. Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayey munaasabadda dhagax-dhiga Kiniisadda cusub, ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay xuquuq siman ku leeyihiin dhammaan muwaaddiniinteeda, iyadoo aan loo eegayn dhaqamada iyo Diimaha ay kala haystaan. Mr Erdogan ayaa sheegay in dhismaha kaniisadda cusub uu qaadan doono mudda laba sano ah ama wax ka yar. Bulshada Assyrians-ka ee haysta MAD-HABKA Orthodox ee Diinta Kirishtanka, ayaa kamid ah dadka laga tira-badanyahay ee ku nool waddanka Turkiga. Assyrians-ka ku nool Turkiga ayaa lagu qiyaasaa 18-kun oo qof oo badankoodu deggan magaalada Istanbul. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo Kaniisad cusub ka dhagax-dhigay magaalada Istanbul appeared first on Puntland Post.
  15. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmaajo has cemented his nationalistic credentials by renouncing his American citizenship as the electioneering race heats up. Source: Hiiraan Online
  16. Uganda have progressed to the final round of African Nations Championship (Chan) qualifiers after overpowering Somalia 4-1 at the StarTimes Stadium in Lugogo. Source: Hiiraan Online
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu wajahayo dagaal iyo mucaarado xooggan oo kaga imaneysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wargeyska ayaa sheegay in Farmajao ay ka go’an tahay in Axmed Madoobe uusan kusoo laaban hoggaanka Jubaland, balse uu adeegsanayo xeelad dagaal oo aan toos ahayn. Sida warbixintan lagu sheegay, Farmaajo ayaa ka dhaadhiciyey xubnaha beeshiisa Mareexaan oo ah beel aad ugu xooggan Jubaland, inaysan isku sharxin xilka madaxweynaha Jubaland. Farmaajo ayaa doonaya in beesha Ogaadeen ay ku dagaalanto xilkan, wuxuuna taageerayaa xubno kasoo jeeda beeshan oo ku jira dowladda federaalka. Dadka siyaasadda fallanqeeya, ayaa tallaabada Farmaajo uu qaaday, ee ah in Ogaadeenka dhexdooda ay ku loolamaan Jubaland, ay wiiqday Axmed Madoobe. Maxamed Xaashi oo ka mid ah odayaasha beesha Mareexaan ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu wacad ku marayo inuu ka shaqeeyo sidii Axmed Madoobe loo ridi lahaa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. It is now emerging that the Turkish defense industry is actively pursuing an altogether different path: its own, domestically-built fifth-generation aircraft. Source: Hiiraan Online
  19. Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma displays a boundary map as she speaks on the Kenya-Somalia maritime boundary dispute, at Intercontinental Hotel in Nairobi on February 21, 2019. PHOTO | FILE | NATION MEDIA GROUP Source: Hiiraan Online
  20. Binti Mohamed had said Michael McLaurin told her and her children to "go back to Africa'', The Burlington Free Press reports. Source: Hiiraan Online
  21. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay, 26 kalena waa ku dhaawacantay kadib markii nin hubaysan uu Sabtidii shalay rasaas ku furay goob laga dukaamaysto oo u dhow Walmart store oo ku taalla magaalada El Paso ee gobolka Texas ee waddanka Maraykanka. Booliiska degmada El Paso ee gobolka Texas, ayaa warbaahinta Maraykanku ka soo xigatay in la qabtay ninka weerarka geystay oo da’diisa lagu sheegay 21-sano jir, islamarkaana baaritaan lagu hayo. Sidoo kale Booliisku waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in qofka la qabtay keligiis uu ku lug-lahaa weerarka inkastoo sida ay sheegeen weli baaritaanku socdo. Goobta laga dukaamaysto ee Walmart store, ayaa xilliga weerarku dhacay waxaa ka jiray mashquul xooggan, iyadoo ay halkaasi ay dad badani ka gadanayeen agabka iskuulada, maadaama ay ku soo beegantay wakhti dugsiyadu dib u furmeen. Maamulka degmada El Paso ayaa dhankooda sheegay in dadka weli eheladooda ay ka maqan yihiin ay is dejiyaan waxaana la diyaariyay goob ay kala socdaan xogta hadba wixii ka soo kordha dhacdada. PUNTLAND POST The post In ka badan 20 ruux oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Texas ee dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan iska celiyay Jinsiyadii uu ka heestay dalka Mareykanka oo uu ku noolaa muddo dheer sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Dad ka agdhow Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu wajahayo dacwad ay dad Soomaaliyeed ka fureen dalka Mareykanka dhowr bilood ka hor maadaama uu yahay muwaadin Mareykan ah. Dacwadda Mareykanka laga furay ayaa la sheegay in ay geeyeen dad ay qaraabo yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo dalkaasi ku nool kuwaasi oo Madaxweynaha ku eedeeyay tacadiyo ka dhan Xuquuqa Bini-aadanka. Sarkaal ka tirsan Xibisga Cadaaladda iyo Amniga oo uu aas aasay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur, ayaa Caasimada Online u sheegay in Maxkamad ku taala Mareykanka ay dacwad ka geeyeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana ay Maxkamadda aqbashay ama ay qabatay kiiska ka dhanka ah Farmaajo. Caasimada Online ma cadeyn karto inuu jiri kiiska Dacwadeed ee la sheegay in Mareykanka looga furay Madaxweynaha Soomaaliya ay ka danbeyso celinta Jinisyadii Mareykanka balse waxaa jira in magaalada Muqdisho uu dhowr bil ka hor ka sheegay Yuusuf Xasan Mursal oo Xisbiga Mukhtaar Roobow katirsan uu sheegay in ay dacweyn doonaan Madaxweynaha Soomaaliya. “Farmaajo waan dacweyn doonaa kamana hari doono waxaana ballan qaadeynaa in uu ka qoomameeyo Farmaajo, dadkii uu ku dilay Baydhabo iyo Xaraggii Sheekh Mukhtaar” ayuu magaalada Muqdisho ka sheegay Yuusuf Xasan Mursal oo ay qaraabo yihiin Abuu Mansuur. Dhowr su’aal oo kale ayaa ka dhashay sababta uu Madaxweynaha Soomaaliya u wareejiyay Jinsiyadii Mareykanka waxaana su’aalahaas isweydiinaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadda. Si kastaba, qoraalka Villa Somalia kasoo baxay ayaa lagu sheegay in qorshaha celin jinsiyadda Mareykanka uu madaxweynaha billaabay waxyar un kadib markii la doortay, taas oo macanaheedu yahay inay ka horreysay arrinta Mukhtaar Roobow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran maxaabiista ugu badan ee loo haysto danbiyada la xiriira Argagixisada iyo dambiyada kale ayaa dhibaato xooggan oo dahsoon ay ka dhex jirtaa, iyadoo maxaabiista aan la kala soocin danbiyadooda. Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa lagu wada xiraa cid kasta oo dowladda ay u aragto qatar amni iyo mid siyaasadeed, waxayna taasi keentay in maxaabiista kala duwan ay isku dhex milmaan. Haddaba, baaris iyo dabagal ay Caasimada Online, sameysay ayey ku ogaatay in halis xoogan ay ka dhex jirto xabsiyadaasi, iyadoo saraakiisha dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee lasoo qabto lagu dhex haayo hal qol. Si aan ugu gun gaarno baaristaan ayaa xiriiro kala duwan iyo dabal aan sameynay ku ogaanay xaqiiqda, waxaana jira saraakiil ka tirsan DF iyo maxaabiista Al-Shabaab lagu dhex haayo ilaa hadda qol qura, taasoo keentay in xubnaha Shabaab ee xiran ay handadaad kula kacaan saraakiisha dowladda ee qolka kula xiran. Falkaasi ayaa waxaa caddeyn u ah in Anthony Thomas oo ah nin u dhashay UK oo lagu qabtay bishii Janaayo garoonka diyaaraddaha Muqdisho xili lagu helay boorsooyinkiisa waxyaabaha qarxa, laguna eedeeyay inuu qalqal gelinayay amaanka garoonka xabsi la dhigay, kaasoo xabsiga ay ku weerareen xubno Daacish ka tirsan oo dhaawac ay u geysteen. Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho, balse hadda sababo amni ugu soo cararay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga naftiisa lagu dhex handaday xabsiga, isagoo sheegay in xubno ka tirsan Shabaab ay ku handadeen in hadii uu xabsiga ka baxo uusan shaacin karin magacyadooda, haddii uu sheegana waajibkiisa la marsiin doono. Xubnahaasi ka tirsan Shabaab ayaa xabsiyada dhexdooda ku dhex haysta taleefanada halka dadka shcabka ahna aan loo ogoleyn, haddiii lagu arkana lagu ciqaabayo. Arrintaan fajacisada ah lama oga in ay ka war qabaan saraakiisha ku shaqada leh iyo in kale, hase ahaatee, dadka shacabka aysan intooda badan ka war hayn, mooyee inta eheladooda waqtiyo kusoo dhex qaatay xabsiyadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com