-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya iyo ciidamada Kurdish-ka hoggaamiya ee (SDF) ayaa isugu eedeeyay weerar ka dhacay magaalada Manbij ee waqooyiga Suuriya maalintii Sabtidii, arrintaas oo mugdi gelisay heshiis muhiim ah oo ay wada saxiixdeen bishii Maarso. Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya ayaa ku eedeysay SDF inay weerar gantaallo ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowladdu leeyihiin oo ku yaalla duleedka magaaladaas, taasoo keentay dhaawaca afar askari iyo saddex rayid, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee SANA. Weerarkaasi waxaa lagu tilmaamay mid masuuliyad darro oo aan wax sabab ah loo haynin, balse SDF oo taageero ka hesha Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka jawaabeen weerar madaafiic ah oo si lama filaan ah lagu bartilmaameedsaday deegaanno ay dad rayid ah ku nool yihiin,taasoo lagu garaacay in ka badan toban madfac, sida ay sheegeen. Bishii Maarso, SDF waxay heshiis la saxiixatay dowladda Dimishiq ee uu hoggaamiya Axmed Sharac si ay ugu biiraan hay’adaha dowladda Suuriya, ayadoo ujeeddada heshiiskaasi ay ahayd in dib loogu mideeyo dalka Suuriya oo ay colaado muddo 14 sano ah socday burburiyeen, waxayna taasi horseedi lahayd in ciidamada SDF iyo maamulka Kurdish ee gobolladaasi ay la midoobaan dowladda dhexe ee Suuriya. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaasi ma caddeyn qaabka ay ciidamada SDF ugu biiri doonaan ciidamada dowladda, ayadoo SDF ay horay u sheegtay in ay doonayaan inay ku biiraan iyaga oo koox ahaan, halka dowladda Suuriya ay rabto inay askartu ku biiraan si gaar ah. Source: goobjoog.com
-
Al-Shabaab militants say they have killed more than 20 Ugandan soldiers and wounded 34 others during fierce clashes on Friday in the strategic town of Barire, southwest of Somalia’s capital, Mogadishu. The Uganda People’s Defence Forces (UPDF), operating under the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), have been advancing on Barire for several weeks. The operation, supported by U.S. and Turkish drone strikes, has involved sustained shelling that has reportedly devastated large parts of the town. According to a statement issued by the Al-Qaeda-linked group on Friday, militants ambushed the peacekeepers shortly after they entered the town, destroying five armoured vehicles in the process. The insurgents said the surprise attack forced the Ugandan forces to retreat after hours of heavy fighting. Independent sources, including the open-source intelligence account Military Observer, reported similar casualty figures and confirmed the loss of several military vehicles, lending weight to Al-Shabaab’s claims. ATMIS and Somali federal officials have yet to comment or confirm whether Barire has been recaptured. Footage circulating online this week, reportedly recorded by overhead drones, shows artillery targeting defensive positions believed to be manned by insurgents around Barire. The authenticity of the footage has not been independently verified. Barire, a strategically vital town due to its road links between Mogadishu and southern Somalia, fell to Al-Shabaab in March during the group’s Ramadan offensive. Since then, the militants have consolidated their control over the area. Ugandan forces previously recaptured the nearby town of Sabiid last month after intensive shelling and drone strikes. However, progress on the broader offensive has been slow and costly. Sabid itself was briefly retaken by insurgents in a counter-attack late last month. Military analysts say the push to reclaim Barire, Sabiid, and Awdhegle is critical to forestalling a potential insurgent advance on Mogadishu. All three towns feature key bridge crossings over the Shabelle River, linking the capital to Al-Shabaab strongholds in the southern hinterlands. Despite weeks of operations, the offensive has so far yielded limited territorial gains, while Ugandan forces have sustained significant casualties. The fighting underscores the resilience of the militant group, which continues to pose a potent threat to Somalia’s fragile security landscape. somaliguardian Qaran News
-
Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Wakiilka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland, Mudane Dr. Cabdalla Al Naqbi ka guddoomay deeq raashin mucaawino hor-dhac ah oo xaddigiisu dhan yahay 9,000 oo qoys, kaasi oo loogu talo galay taakuleynta dadka reer Somaliland ee ay Abaaruhu ku habsadeen. Guddidu waxa ay Wakiilka uga mahad naqeen deeqda ay soo gaadhsiiyeen bulshada Somaliland ee ku tabaaloobay Abaaraha. Sidoo kale, Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran waxa ay deeq lacag ah oo dhan 120,000,000 SHSL (boqol iyo labaatan Milyan SHSL) ka guddoomeen Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi. Lacagtan waxa Gurmadka Abaaraha ku deeqay Shaqaalaha Baanka Somaliland, tallaabadani oo ah mid ku dayasho mudan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo maanta soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah Soomaaliya ayaa eedeymo waawayn u jeedisay dowladda federaalka, xilli haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ka warbixiyay go’aannada ay gaareen ayaa shaaca ka qaaday in qaadistii cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay ka dhalatay hubeynta kooxo argagixiso ah iyo hurinta dagaallo sokeeye oo ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan arrimahani ay halis wayn ku yihiin daganaanshaha gobalka Geeska Afrika, isaga oo toos ugu wargeliyay beesha caalamka iyo daneeyeyaasha Geeska Afrika. Waxaa kle oo uu ugu baaqay inay dib u eegaan arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xaaadaha ka jira dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashooyinka 2026. “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelineysaa golaha ammaanka ee QM, ururka Midowga Afrika, IGAD, dhammaan daneeyeyaasha gobolka Geeska Afrika iyo dhammaan wakiilada beesha caalamka in cunaqabateyntii hubka ee ay Soomaaliya ka qaadeen ay sababtay hub ay u adeegsatay dagaallo siyaasadeysan oo lagu wiiqayo awoodda iyo nabadda, isla markaana ay jiraan khataro hubkani ugu gacan geli karo kooxaha xagjirka ah” ayuu yiri wasiirku. Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aanno adag oo lagu cambaareynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta faro-gelin qaawan oo ay sheegeen in dowladda federaalka ka waddo bariga Somaliand, waxayna diiday dhismah maamulka Waqooyi Bari. “Gobolka Sool, Sanaag, Togdheer ee ay Soomaaliya ku hadaaqeyso ayaa wax aan qaybsami karin ka yihiin dhul qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu mar kale yiri Axmed Yaasiin. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Xukuumadda Muqdisho, iyada oo si cad ugu fashilantay gudashada waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadeynta gudaheeda waxay hadda raadineysaa gabood siyaasadeed oo ay xiligan ay dooneyso inay ugu soo dhuumato doorashooyinkeeda”.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid maamulka cusub ee loogu magac daray Maamul-goboleedka Waqooyi-bari Soomaaliya, kaasoo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood, sheegtayna maamulka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe, ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, wuxuu ku dhaliilay maamulka cusub inuusan lahayn aragti siyaasadeed oo cad, isagoo ku eedeeyay inuu abuurayo kala qaybin iyo iska horkeen bulshooyinka waqooyiga Soomaaliya. “Waa wax laga xumaado in la isku dayo in la iska horkeeno dad dhulkooda difaacanayay,” ayuu yiri Cabdirisaaq. “Waan arki doonnaa sida uu ku shaqayn karo maamulka Laascaanood laga dhisay. Gobolka Sanaag weligiis laguma xukumin wax lagu qasbay.” Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay horey u aqoonsatay maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo oo keliya xaalado gaar ah oo dagaal awgood. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tallaabadan hadda la qaaday ku tilmaamay weerar toos ah oo lagu soo qaaday midnimada dhuleed iyo awoodda siyaasadeed ee Puntland. Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay kala qaybinta dalka, isagoo sheegay in “dowladda federaalku ay isku dayayso inay ummadda u kala qaybiso maamul-goboleedyo iska soo horjeeda.” Hadalladiisu waxay daba socdaan soo gabagabeynta shirkii dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood, halkaas oo isimada, siyaasiyiinta, iyo wakiillada bulshada rayidka ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen dhismaha Maamul-goboleedka Waqooyi-bari Soomaaliya. Shirkaas waxaa lagu kala diray maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, waxaana lagu ansixiyay dastuur cusub oo maamulkaas la jaanqaadsiinaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya. War-murtiyeedkii kama dambaysta ahaa ee shirka kasoo baxay ayaa hoosta ka xariiqay mabda’a ah in deegaanku isagu is-maamulo, iyadoo la xusay in khilaafaad muddo dheer soo jiitamayay lagu xalliyay wada-hadallo ay bulshadu hoggaaminaysay. Dadka taageersan ayaa ku ammaanay dhismaha maamulkan cusub inuu yahay waddo horseedaysa isku-soo-dhowaansho ballaaran, nabad, iyo iskaashi lala yeesho dowladda federaalka. Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaaqistaan ayaa kicisay xiisad siyaasadeed, gaar ahaan loolan kala dhexeeya Puntland iyo Somaliland, oo labaduba sheegta lahaanshaha gobollada lagu muransan yahay. Horumarkan ayaa astaan u ah isbeddel weyn oo ku yimid hannaanka siyaasadeed ee gobolka, kaasoo dib u qaabayn kara xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada, isla markaana sii murgin kara geeddi-socodka dawlad-dhisidda Soomaaliya ee weli jilicsan.
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa magacaabis iyo isku badel cusub ku sameeyay Hoggaamada iyo Taliye Qaybyada Ciidanka Booliska ee Gobollada, kuwaas oo kala ah: 1- Hoggaanka Ciidanka Booliska JSL Gashaanle Sare Maxamed Xaaji Nuur Khaliif 2-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Gashaanle Sare Saleebaan Ducaale Warsame (Dhagacade) 3-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag Gashaanle Sare Axmed Cabdilaahi Cabdi 4-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sara Gashaanle Dhexe Khadar Faarax Cumar 5-Taliyaha Qaybta Bariga Hargeysa Gashaanle Dhexe Baashe Cabdilaahi Cismaan 6- Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa Gashaanle Dhexe Kayse Suudi Carraale 7-Taliyaha Qaybta Gobolka Hawd Gashaanle Sare Maxamed Xandulle Faarax 8- Hoggaanka Cilmi Baadhista Gashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed 9-Hoggaanka Kormeerka Gashaanle Dhexe Muuse Xasan Kaahin 10- Taliyaha Kulliyada Tababarka Mandheera ;Gaashaanle Sare Jaamac Ibraahin Aadan 11- Taliyaha Saldhigga Booliska Ibraahim Koodbuur Gaashaanle Dhexe Mahadi Nuur Maxamed Dhammaan saraakiishan la magacaabay waxa la farayaa in degdeg xilka ula wareegaan . Qaran News
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in haatan degmada Beledxaawo ay dib ugu soo laabteen inta badan dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalladii magaaladaas ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaase ugu dambeyn Arbacadii la wareegay ciidanka uu hoggaaminayo Janan. Boqolaal shacab ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xadka Mandheera, halkaasi oo ay maalmihii la soo dhaafay uga qaxeen dagaalka Beledxaawo, waxayna mar kale dib ugu guryo noqdeen deegaankooda, maadaama lagu kala adkaaday dagaalka. Dadka rayidka ah ayaa si sidoo kale soo dhaweeyay ciidamada dowladda ee la wareegay guud ahaan magaalada Beledxaawo, iyaga oo ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan. Waxaa sidoo kale haatan dib usoo laabtay adeegyadii muhiimka ahaa ee gudaha Beledxaawo, sida korontada iyo Isgaarsiinta oo go’nayd muddadii uu dagaalku socday. Dhinaca kale, Cabdirashii Janan oo ay dowladda Soomaaliya u magacowday Taliyaha NISA ee Jubaland ayaa haatan kulamo ka wada magaalada Beledxaawo, isaga oo haatan wadatashiyo la bilaabay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamada ammaanka, kuwaas oo looga hadlay xaaladda degmada iyo sidii loogu soo dabaali lahaa xasilooni. Sidoo kale waxaa kulamadan oo ay qayb ka yihiin qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Gedo diiradda lagu saarayaa sidii gobolka loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda dhexe. Si kastaba, degmada Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaallo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday Arbacadii asoo dhaafay. Ciidamadii Jubaland ee taabacsanaa Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay u carareen dhanka magaalada Madheera ee dalka Kenya, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan.
-
Golaha Wasiirada Somaliland oo Sabtida maanta ah shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si kulul u cambeereyay dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku eedeeyeen in ay fara-gelin qaawan iyo hurin colaadeed ka waddo gobolka Sool. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Cali Ayaanle oo Warbaahinta u akhriyay go’aannada ka soo baxay Shirkii deg dega ahaa ee Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in dowladda Xamar fara-gelin iyo colaad qabiil ka abuurtay degaanno ka tirsan gobolka Sool, islamarkaana halkaasi ka samaysay maamul aan wax sharciyada haysan. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay halis amni iyo xasilnooni-darro abuurtay Cuna-qabatayntii Hubka ee laga qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii maamulka Xasan Shiikh uga faa’idaystay abuurista colaado qabiil iyo cayilinta Argagixisada Caalamiga ah, taasi oo sida uu tilmaamay halis gelinaysa xasiloonida Geeska Afrika oo dhan. Dhinaca kale, Wasiir Axmed Ayaanle ayaa sheegay in Somaliland xal nabadeed ku wajahayso xaaladda gobolka Sool, waxaana uu yiri”Xukuumadda waxa ka go’an inay la gasho dadkeeda ku nool Sool-Bari wadahadal lagu raadinayo xal nabadeed, oo lagu soo afjaro colaadaha iyo tabashooyinka ka jira magaalada Laascaanood.” PUNTLAND POST The post Somaliland oo si adag uga hortimid Maamulka la baxay Waqooyi Bari ee laga dhisay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay farogelin ku hayso arrimaha Somaliland. Kulankan oo uu guddoomiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo wehelinayey ku xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyada oo laga soo saaray go’aanno adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta faro-gelin qaawan oo ay sheegeen in dowladda federaalka ka waddo bariga Somaliand. Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aannada ay gaareen goluhu, isaga oo tilmaamay in Somaliland aysan aqbali doonin maamulka la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya ee lagaga dhowaaqay magaalada Laascaanood. “Gobolka Sool, Sanaag, Togdheer ee ay Soomaaliya ku hadaaqeyso ayaa wax aan qaybsami karin ka yihiin dhul qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yiri Axmed Yaasiin. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka dowladda federaalka Soomaaliya uu yahay in shaq-dhaqaaqa ay ka waddo gobolladaas ay isku mashquuleyneyso, ayna shacabka uga weecineyso doorashooyinka ku soo socda. “Xukuumadda Muqdisho, iyada oo si cad ugu fashilantay gudashada waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadeynta gudaheeda waxay hadda raadineysaa gabood siyaasadeed oo ay xiligan ay dooneyso inay ugu soo dhuumato doorashooyinkeeda” ayuu yiri wasiirku. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka hortagi doonto qorshaha haatan socda, ayna ka go’an tahay inay difaacdo dhammaan xuduudaheeda. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray beesha caalamka iyo daneeyeyaasha gobolka, isaga oo ugu baaqay inay dib u eegaan arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday, isaga oo uu tilmaamtay in halis wayn ay keentay, isla markaana hubka loo adeegsanayo dano siyaasadeed iyo hurinta colaado ka jira gudaha dalka. “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelineysaa golaha ammaanka ee QM, ururka Midowga Afrika, IGAD, dhammaan daneeyeyaasha gobolka Geeska Afrika iyo dhammaan wakiilada beesha caalamka in cunaqabateyntii hubka ee ay Soomaaliya ka qaadeen ay sababtay hub ay u adeegsatay dagaallo siyaasadeysan oo lagu wiiqayo awoodda iyo nabadda, isla markaana ay jiraan khataro hubkani ugu gacan geli karo kooxaha xagjirka ah” ayuu sii raaciyay.
-
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Kulankan ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta fara-gelinta qaawan iyo hurinta colaadaha qabaliga ah ee uu maamulka Muqdisho ku hayo Deegaanno dhul ahaan, soohdin ahaan iyo taariikhba ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, sida Bariga Gobollada Sool iyo Sanaag. VID-20250802-WA0001 Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Onlie) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha SSC iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. Lugatoor ayaa markii ugu horreysay qiray in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay uga guuleysteen arrimaha SSC-Khaatumo, isla markaana aysan fileyn waxa ku dhacay, maadaama haatan dowladda federaalka ay dhistay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in dhabaha ay qaadeen reer Laascaanood ay ku noqotay la yaab, waxaana uu dhinaca kale ka horyimid dhismaha maamulka cusub. “Khaatumo annagaa xoraynay, dhaawacyadii annagaa daaweyney, Sool clan hal doollar ma bixin; isma lahayn Xasan Sheekh baa idinka qaadaya, weli lama kala bixin ee talo isugu keen keena, Warsangelina waa PL sax maaha in la sheegto.” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Puntland ay si weyn u garab istaagtay xilliyadda dagaalka SSC, isla markaana ay la gashay dagaaka, una daaweysay dhaawacyadii ugu badnaa, kadib markii la geeyay Garoowe, balse taasi beddalkeeda loo daba maray dowladda federaalka oo uu xilligan khilaaf adag kala dhexeeyo maamulka Puntland. “2000 oo dhaawac ah oo Garoowe la keenay anaa gacanta ku hayay anaa saxiixay lacagta lagu daaweeyay oo mas’uuliyadda qaaday Dhulbahantane ma bixin, qurbejoogna ma bixin dowladda Puntland-baa bixisay” ayuu sii raaciyay Ilyaas Cismaan Lugatoor Waxaa kale oo uu ku eedeeyay Sool clan in ay ku abaal dhaceen Puntland oo horay dhiig ugu hurtay, si a u gaaraan guusha ay maanta haystaan. “Sool clan waxaan is lahaa waa talo xun yahay ee waa nasiib badan yahay, balse abaal-baan ka filay abaal la’aan baa ka muuqatay” ayuu markale yiri madaxweyne ku xigeenku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan uu kasii daray khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, kaas oo sii xoogeystay markii ay dowladda federaalka ay maamul cusub ka dhistay magaalada Laascaanood, kaas oo ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Abuukar Sidiiq, oo ahaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa lagu dilay shirqool halis ah oo laga soo abaabulay meel uusan ka filanayn. Dilkiisa kadib, waxaa gudaha hay’adda ka billowday baaritaan deg-deg ah oo culus. Sarkaalkan ayaa habeen hore lagu dilay degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Siigaale, inkastoo meydkiisa la helay saaka barqadii. Abuukar Sidiiq oo haystay darajada Dhamme, sida ay ogaatay Caasimada Online, wuxuu ahaa sarkaalkii gacanta ku hayay galka baaritaanka raggii loo haystay inay fuliyeen qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ka dhacay agagaarka isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab. Xog ay heshay Caasimada Online, waxay sheegaysaa in Kabtan Abuukar uu maanta oo Sabtida ah la balansanaa Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ula wadaago xogta baarista, hase yeeshee waxaa la dilay ka hor intaan kulankaas la gaarin. Sidee loo dilay sarkaalka? Ciidamo ay hoggaaminayeen ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsan NISA oo isagu uu ku jiray ayaa habeen hore saqdii dhexe loo diray howlgal la doonayay in lagu soo qabto nin ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo lagu tuhunsanaa inuu ku dhuumaaleysanayay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. Ciidankii ayaa hareereeyey goobtii bartilmaameedka, hase ahaatee, xogta hordhaca ah waxay sheegaysaa in ninkii la doonayay uu baxsaday. Ciidamadu waxay fureen rasaas, waxaana markii ay fashilmeen kusoo laabteen saldhigii. Shalay barqadii ayaa meydka sarkaal Abuukar laga helay isla xaafaddii, isagoo yaallay meel cidlo ah. Shacabkii deegaanka ayaa u yeeray booliska, kadibna waxaa lasoo qaaday meydka, iyadoo aan weli la aqoonsan cidda dishay. Saraakiishii kale ee howlgalka ee ninkaas la socotay iyo ciidamadii ay wateen ayaa Jimcihii shalay la xiray, waxaana baaristooda gacanta ku haya waaxda baarista ee NISA. Arrintan ayaa si weyn u gilgishay hay’adda. Waxaa la rumeysan yahay in Dhamme Abuukar ay dileen askartiisa, iyadoo la tuhunsan yahay in sababta loo dilay ay tahay xogta qarsoon ee uu hayay, gaar ahaan baaritaanka ku saabsan weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha, kaasoo lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidkiisa gaarka ah oo la sheegay inuu ahaa nooca rasaasta aan ka dhex baxin. Weerarkii isku dayga dil ee Xasan Sheekh oo dhacay 18-kii Maarso, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan 7 askari iyo 3 qof oo shacab ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad 20 qof.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta howl-gal duqeyn ah ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Aboorey halkaas oo la sheegay inay shir ku lahaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta. Qoraal kooban oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 8 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka. “Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo xooggan oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dib loogu xoreynaayo deegaannadii ugu dambeeyay ee ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. NISA ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay beegsiga ay ku hayso argagixisada, iyada oo todobaadkii hore degmada Afgooye ku qabatay laba xubood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhuumaaleysi kusoo galay magaaladaasi, si ay u fuliyaan dilal qorsheysan. Labada xubnood mid kamid ah wuxuu ahaa horjooge sare oo argagaxisada u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka kan kale uu ka tirsanaa amniyaatka kooxda, waxaana NISA sheegtay inuu ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka iyo inuu fuliyo dilal qorsheysan. “Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal dhowaan kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka. Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay ““Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Khawaarijta halista ku ah amniga qaranka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maanta kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka ee NISA.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-gelinayo shacabka caasimada. Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in todobaadkan maamulka gobolka Banaadir uu qaadayo tallaabo culus oo ay go’aamisay xumuumadda Soomaaliya, taas oo lagu furayo waddooyin badan oo hadda xiran, kuna yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. “Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu yiri Muungaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay. “Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay garab siiyaan hay’adaha amniga, ayna kala shaqeeyaan nabad-geylada. “Bulshada caasimada waxaan ugu baaqayaa in ay mar waliba gacan siiyaan hay’adaha amniga, sababtoo ah amniga kaliya qoray laguma sugo shacabka door ayay ku leeyihiin” ayuu mar kale yiri duqa Muqdisho. Dhanka kale, guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho. Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.
-
Dable bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud. Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad iisoo fiirisay Darteed, Xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, kadibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Jun ee sanadkaan ayey degmadda Cabdicasiis kasoo qabteen Hay’addaha ammaanka. Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii july. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud. Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida. Source: goobjoog.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa Jimcihii shaacisay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu warqad u soo diray dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki. Warqaddan ayuu Trump ku ballanqaaday inuu dib u habeyn ku samayn doono xiriirka labada dal, isla markaana uu meesha ka saari doono “waxyeelladii ba’neyd” ee uu geystay maamulkii isaga ka horreeyay, kaasoo cunaqabateyn ugu soo rogay Asmara kaalintii ay ku lahayd dagaalkii Tigray. Warqaddan oo uu shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel, waxay muujineysaa isbeddel weyn oo suurtagal ah oo ku yimaada siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee ku aaddan gobolka Geeska Afrika ee muhiimadda istiraatiijiyadeed leh. Ma jirin wax xaqiijin ah oo degdeg ah oo warqaddan ku saabsan oo ka soo baxay maamulka Trump ee Washington. Sida uu sheegay Meskel, warqadda Trump oo ku taariikheysneyd 30-ka Luulyo, wuxuu ku sheegay inuu “meesha ka saarayo saameyntii tabnayd ee waxyeellada lahayd ee Maamulka Biden uu adduunka oo dhan ka geystay.” Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka ayaa la sheegay inuu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay “in dib loo yagleelo xiriir qaran oo wax-soo-saar leh oo ku dhisan daacadnimo, is-ixtiraam, iyo fursado lagu horumarinayo nabadda iyo barwaaqada guud ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas.” Sida la sheegay, warqaddan ayaa jawaab u ahayd farriin hambalyo ah oo uu Afwerki u diray Trump bishii Nofeembar 2024, kaddib guushii uu ka gaaray doorashada. Farriintaas, hoggaamiyaha Eritrea wuxuu ku muujiyay rajo ah in “soo laabashada taariikhiga ah” ee Trump ay “bog cusub u furi doonto xiriir iskaashi oo mira-dhal ah oo wax-ku-ool ah oo dhexmara Eritrea iyo Mareykanka.” Isbeddel siyaasadeed oo weyn Tallaabo dib loogu habeynayo xiriirka ayaa noqon doonta mid si weyn uga duwan siyaasaddii maamulka Madaxweyne Joe Biden, kaasoo qaatay mowqif adag oo ka dhan ah xukuumadda Afwerki. Bishii Nofeembar 2021, maamulka Biden wuxuu cunaqabateyn ballaaran kusoo rogay militariga Eritrea, xisbiga talada haya, iyo hay’ado kale oo muhiim ah. Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ahayd faragelintii militari ee Eritrea ay ku samaysay dalka deriska la ah ee Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada Eritrea ay ku garab siiyeen ciidamada federaalka Ethiopia dagaalkii ay kula jireen Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF). Dagaalkan, oo billowday dabayaaqadii 2020, waxaa hareeyay xadgudubyo baahsan oo ay ka mid ahaayeen dilal wadareedyo iyo tacaddiyo galmo, iyadoo ciidamada Eritrea ay Mareykanka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ku eedeeyeen inay geysteen tacaddiyo culus. Xukuumadda Eritrea ayaa si joogto ah u beenisay eedeymahan. Cunaqabateyntii xilligii Biden waxay beegsatay awoodda Eritrea ee ay ku maalgeliso militarigeeda iyo inay gobolka xasilooni darro ka abuurto, taasoo si dhab ah u sii qoto-dheereysay go’doominta caalamiga ah ee dalkaasi saarneyd. Xiriir qalalaase badan soo maray Isaias Afwerki, oo 79 jir ah, ayaa Eritrea ku xukumayay gacan bir ah tan iyo markii uu dalku xorriyadda ka qaatay Ethiopia sannadkii 1993-kii. Wuxuu hoggaamiyaa dowlad ku dhisan nidaamka xisbi-keliya, oo aan lahayn baarlamaan, garsoor madax-bannaan, iyo saxaafad xor ah, arrintaas oo keentay in si isdaba-joog ah loola barbardhigo Waqooyi Kuuriya, looguna tilmaamo Eritrea inay ka mid tahay waddamada ugu caburinta badan adduunka. Xiriirka Mareykanka iyo Eritrea ayaa ahaa mid cakiran tobannaan sano, waxaase jiray xilli kooban oo uu xiriirku soo hagaagay intii lagu jiray xilli-xileedkii koowaad ee maamulka Trump. Muddadaas waxaa la arkay heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo sannadkii 2018 dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia, kaasoo uu dhex-dhexaadiyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, wuxuuna si rasmi ah u soo afjaray is-mari-waa militari oo socday muddo labaatan sano ah kaddib dagaalkii xuduudda ee dhexmaray 1998-2000. Isu-soo-dhowaanshahaas, oo uu Abiy ku muteystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, ayaa waxaa xilligaas soo dhoweysay Washington. Si kastaba ha ahaatee, ololihii militari ee wadajirka ahaa ee xigay ee ay Abiy iyo Afwerki ka fuliyeen Tigray ayaa mar kale xumeeyey xiriirkii ay la lahaayeen quwadaha Reer Galbeedka. Suurta-galnimada in Eritrea ay dib ugu soo laabato qadarinta Washington ayaa ah mid muhiimad weyn leh, sababtuna waa halka istiraatiijiga ah ee ay ku taallo. Dalku wuxuu leeyahay xeeb dheer oo saxare ah oo ku teedsan Badda Cas, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee adduunka ugu mashquulka badan. Xeebaheedu waxay ku dhow yihiin marinka Baab al-Mandab, oo ah goob ciriiri ah oo istiraatiiji ah, halkaasoo ay maraan qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga iyo tamarta adduunka. Xakameynta iyo xasiloonida gobolka Badda Cas ayaa ah mudnaan weyn oo ay leeyihiin quwadaha caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, oo saldhiggiisa militari ee joogtada ah ee ugu weyn Afrika ku leh dalka deriska la ah ee Jabuuti.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa si cad u sheegay in Khaatumo ay ahayd mid Puntland ay xoraysay, islamarkaana dhaawacyadii dagaalladii dhacay ay iyagu daweeyeen. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in maamulka Khaatumo aysan helin wax taageero ah oo muuqda oo ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ama dowladda federaalka. “Firdhiye hal doollar ma bixin; isma lahayn Xasan Shiikh baa idinka qaadaya,” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor, isagoo ula jeeday in taageerada ay filayeen shacabka deegaanka aysan ka iman meel kale oo aan ahayn Puntland. Wuxuu sidoo kale xusay in weli aan xal kama dambeys ah laga gaarin xaaladda siyaasadeed ee deegaannada SSC-Khaatumo, isagoo ugu baaqay in talada la isugu yimaado si looga arrinsado mustaqbalka gobolka. “Weli lama-kala-bixin ee talo isugu keenkeena,” ayuu yiri. Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu si cad u sheegay in sheegashada ah in Sanaag aysan ka tirsaneyn Puntland ay tahay mid aan sax ahayn. “Warsangelina waa PL, sax maaha in la sheegto inay ka baxsan tahay,” ayuu ku adkeeyay. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Tallaabo diblomaasiyadeed oo si xeeladaysan loo qaaday, Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa dalab soo jiidasho leh hordhigtay Washington: inay siiso fursad istiraatiiji ah oo ay ciidankeedu uga faa’iideysan karaan Badda Cas iyo heshiisyo suurtagal ah oo ku saabsan macdan qaali ah oo aan weli laga faa’iideysan, taasoo ay ku beddelaneyso waxa ay sida aadka ah u dooneyso — aqoonsi rasmi ah oo ka yimaada Mareykanka. Marka dusha laga eego, dalabkani wuxuu u muuqdaa mid ku soo beegmay xilli ku habboon. Xilli uu Mareykanku wajahayo loollan sii kordhaya oo uu kula jiro Shiinaha, gudaha Afrika, isla markaana uu iska caabbinayo weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab, helitaanka saaxiib deggan oo dimoqraaddi ah oo dekedda Berbera u fidinaya waxay u muuqan kartaa fursad istiraatiiji ah oo dahabi ah. Hase yeeshee, falanqeyn qoto-dheer ayaa daaha ka rogeysa in dalabkan, inkastoo uu yahay mid soo jiidasho leh, ay hubaal tahay in la diidi doono. Washington ahaan, qiimaha aqoonsigu waa mid aad u sarreeya oo aan la awoodi karin. Isku-darka siyaasad arrimo dibadeed oo Mareykan ah oo si qoto-dheer u hirgashay, khatarta laga qabo in la holciyo xiisad goboleed oo qaraxdo, burburnaanta gudaha ee Somaliland lafteeda, iyo qiimaha la isweydiin karo ee hantida ay bixineyso, ayaa abuuraya caqabad aan laga gudbi karin. Riyada Somaliland ee Mareykanka waxay ku qasban tahay inay ku dhacdo gidaar adag oo ah xaqiiqada siyaasadda adduunka. Albaabada diblomaasiyadda oo xiran Caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiis kasta waa siyaasadda Mareykanka ee mudada dheer jirtay, kuna dhisan is-afgaradka labada xisbi ee ah “Hal Soomaaliya”. Mabda’an, oo taageeraya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladda federaalka ah ee Muqdisho, ayaa ah tiir-dhexaadka istiraatiijiyadda Mareykanka ee looga gol leeyahay in lagu hortago kala-qeybsanaanta dowladnimada iyo in la dhiso saaxiib isku duuban oo lagula dagaallamo argagixisada. Maamulladii isku xigxigay, oo ay ku jiraan kuwii Biden iyo Trump, waxay si rasmi ah ugu hoggaansameen siyaasaddan, iyagoo u arkayay Soomaaliya mid ah inay muhiim u tahay xasiloonida gobolka. Siyaasaddan waxaa sii xoojinaya ixtiraamka ay Washington u heyso Midowga Afrika (AU) marka ay timaado arrimaha xuduudaha qaaradda. Axdiga aasaasiga ah ee Midowga Afrika wuxuu dhowrayaa xuduudihii xilligii gumeysiga, mabda’aas oo ka dhashay cabsi laga qabo in haddii la aqoonsado hal dhaq-dhaqaaq gooni-u-goosad ah ay taasi furi karto albaab ay ka soo baxaan dhibaatooyin aan xad lahayn, kuna dhiirrigelin karto tobannaan kale oo qaaradda oo dhan ah, taasoo horseedi karta colaado baahsan. Midowga Afrika wuxuu si isdaba-joog ah u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, tan ugu dambeysayna waxay ahayd kaddib heshiiskii dekedda ee muranka dhaliyay ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia. In Mareykanku si keligiis ah u aqoonsado Somaliland waxay ka dhigan tahay inuu ka hor yimid dhammaan 55-ka xubnood ee Midowga Afrika, tallaabadaas oo loo arki doono mid gumeysi-cusub ah oo burburin doonta iskaashiyo diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo uu Afrika ku leeyahay. Qiimaha diblomaasiyadeed ee ay bixinayso ayaa ah mid aad u sarreeya. Khatarta saameynta siyaasadeed ee gobolka Suurta-galnimada fowdo goboleed ma aha mid mala-awaal ah. Is-afgaradkii (MoU) ee bishii Janaayo 2024 dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaasoo soo jeedinayay in Addis Ababa la siiyo marin-badeed loogu beddelayo aqoonsi suurtagal ah, wuxuu bixiyay tusaale cad oo muujinaya cawaaqibka ka dhalan kara. Heshiiskaas waxaa markiiba si caro leh u cambaareysay Soomaaliya, oo ku tilmaantay “tallaabo gardarro ah.” Is-afgaradkaasi wuxuu isla markiiba kiciyay is-xagxagasho goboleed oo isku xiran. Masar, oo Ethiopia ay isku hayaan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, ayaa si buuxda u garab istaagtay Soomaaliya, iyadoo ballan-qaadday “inaysan oggolaan doonin in cidna ay halis geliso Soomaaliya.” Sidoo kale, Turkey, oo ah saaxiib amni iyo dhaqaale oo muhiim u ah Muqdisho, ayaa isna u dhaqaaqay inuu ka hortago heshiiskaas isagoo sii xoojiyay heshiisyadiisa dhanka difaaca ah ee uu la galay Soomaaliya. Aqoonsi ka yimaada Mareykanka ayaa dhibaatadan sii laba-laabi doona si aan la qiyaasi karin, wuxuuna Washington si toos ah uga hor keeni doonaa saaxiibbo muhiim ah sida Masar iyo Turkey, isagoo dowladda Soomaaliya ka beddeli doona saaxiib lagula dagaallamo argagixisada oo u rogi doona cadow. Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in cidda ugu weyn ee ka faa’iideysan doonta xasilooni-darrada noocan oo kale ah ay tahay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Caradii waddaniyadeed ee ka dhalatay heshiiskii Ethiopia iyo Somaliland ayaa durba u noqotay qalab awood leh oo ay kooxdaas ku qorto dagaalyahanno cusub kuna urursato dhaqaale. Aqoonsi Mareykanku bixiyo wuxuu shidaal ku sii dari doonaa dabka, isagoo burburinaya isbahaysiga amniga ee jilicsan, abuurayana firaaq awoodeed oo weyn oo ay kooxda xagjirka ah ka faa’iideysato. Dildilaacyo ku jira “goobta nabadda” Qayb muhiim ah oo ka mid ah ololaha Somaliland waa sumcaddeeda ah inay tahay “goob nabadeed” oo ku dhex taal gobol qasan. In kasta oo ay gaartay heer nabadeed iyo horumar dimoqraadiyadeed oo la yaab leh marka loo barbardhigo koonfurta Soomaaliya, haddana sheegashadan waxay qarineysaa khilaafyo gudaha ah oo qoto-dheer. Dagaalkii 2022-2023 ee magaalada Laascaanood waa tusaale cad. Dagaalkaas wuxuu ku dhammaaday jab xooggan oo gaaray ciidamada Somaliland oo ay ka adkaadeen maleeshiyaad ka tirsan beesha Sool clan, kuwaasoo diiddan gooni-isu-taagga, ayna markii dambe aasaaseen maamul u gaar ah oo la yiraahdo SSC-Khaatumo, kaasoo la safan Soomaaliya markii dambena noqday maamulka rasmiga ah ee Waqooyi Bari. Guul-darradani waxay muujisay in Hargeysa aysan maamulin dhammaan dhulkii ay sheeganaysay — taasoo ah shardi aasaasi u ah dowladnimada. Xiisadahan waxay salka ku hayaan tabashooyin qabiil oo soo jireen ah, iyadoo beelaha bariga ay dareemayaan in la takooro oo ay talada ka fogeyso dowladda ay beesha Isaaq u badan tahay ee Hargeysa. Mareykanka, haddii uu isbahaysi la galo Somaliland, wuxuu dhaxal ahaan ula wareegayaa is-maandhaafkan gudaha ah ee adag, taasoo ah khatar si toos ah uga hor imaneysa hadafkiisa ah inuu helo saaxiib goboleed oo deggan. Gorgortan shaki ku jiro Marka laga soo tago khataraha waaweyn ee dhinacyada diblomaasiyadda iyo amniga, hantida ay Somaliland bixineyso ayaa ah mid ka qiimo yar sida ay u muuqato. Ballan-qaadka ah inay leedahay kheyraad macdan oo ballaaran oo aan weli laga faa’iideysan, oo uu ku jiro lithium, waa mid inta badan ku dhisan mala-awaal. Gobolka intiisa badan si fiican looma sahamin, wuxuuna ka maqan yahay xog casri ah oo dhinaca juquraafiga ah, sharciyo habaysan, iyo kaabayaal dhaqaale — sida waddooyin iyo koronto — oo lagama maarmaan u ah macdan qodis baaxad leh oo ganacsi ahaan isku filan. Sidoo kale, dalabka saldhigga militari ee Berbera waa mid aan loo baahnayn oo kharash badan. Mareykanku wuxuu horeyba saldhigga Camp Lemonnier uga howl-geliyaa dalka Jabuuti ee u dhow, kaasoo ah saldhiggiisa keliya ee joogtada ah ee Afrika, wuxuuna sannad kasta ku bixiyaa malaayiin doollar isagoo ku maalgaliyay balaayiin kaabayaasha dhismihiisa. In kasta oo joogitaanka Shiinaha ee Jabuuti ay caqabado leedahay, haddana in meel eber ah laga dhiso saldhig cusub oo balaayiin doollar ku kacaya, kaasoo ku yaal dhul aan la aqoonsanayn, looma arko beddel macquul ah. In kasta oo dadaalka Somaliland ee ay ku doonayso aqoonsi uu yahay mid la fahmi karo, haddana dalabkeeda hadda ee ay u fidisay Mareykanka wuxuu ku dhisan yahay aasaas aan u adkeysan karin baaritaanka siyaasadda adduunka. Siyaasadda adag ee Mareykanka ee “Hal Soomaaliya,” diidmada aan leex-leexadka lahayn ee Midowga Afrika, hubantida xasilooni-darrada gobolka, iyo dildilaaca gudaha ee Somaliland ayaa abuuraya heer khatareed oo aanay dabooli karin kheyraad macdan oo mala-awaal ah ama marin dekedeed oo aan baahi weyn loo qabin. Xisaabta Washington way caddahay: kharashka ku baxaya aqoonsigu aad ayuu uga badan yahay faa’iidooyinka laga helayo. Waxay u badan tahay in Mareykanku uu sii wadi doono siyaasad iskaashi oo ku dhisan xaqiiqada jirta, laakiin riyada aqoonsi rasmi ah, mustaqbalka la arki karo, waxay ahaan doontaa riyo oo kaliya.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad u qoray madaxweynaha Eritrea Isayas Afawarqi, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yamane Gabremasaqal. Sida uu Yamane Gabremasqal ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga X, farriinta Trump ee Madaxweynaha july 30,2025 “Washington waxay doonaysaa inay dib u soo celiso xiriirkii ixtiraamka iyo wax dhisida lahaa ee Asmara” “Xiriirka ku saleysan runta iyo is ixtiraamka ayaa wanaajin doona fursadaha nabadeed ee bariga Afrika iyo Badda Cas,” ayuu yiri sarkaalka Eritrea. Sida laga soo xigtay Yemen, Trump wuxuu dib u hagaajin doonaa burburka iyo dhibaatooyinka maamulka Biden uu ku abuuray adduunka. Intii uu ku sugnaa Aqalka Cad, maamulka Joe Biden waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay hay’adaha ammaanka Eritrea iyodhinacyadii ku lugta lahaa dagaalka Tigray. Dhanka kale, maamulka Donald Trump ayaa xayiraad guud oo dhanka fiisaha ah ku soo rogay Eritrea, oo ay ku jiraan 11 dal oo kale, tan iyo bishii hore, iyagoo ku sababeeyay “walaac dhanka ammaanka ah oo qaranka ah. Wareysi uu siiyay telefishinka Eritrea 19-kii November, ayuu madaxweyne Isayas ku sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xiriir “saaxiibtinimo” la sameeyo Mareykanka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaaladii ugu horeeyay ee lagu wanaajin lahaa xiriirka labada dal ay fashilmeen, islamarkaana shaqada ay sii socon doonto. Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo degaanka Hadhwanaag oo ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool Shir kula yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad garnaqsi ah taabanaysa dhinacyo kala duwan. Ilyaas Lugatoor, oo ay weheliyaan Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise iyo Odayaasha dhaqanka ee degmada Boocame iyo degaanada hoosyimaada ayaa Khudbaddiisa si weyn ugaga hadlay Mawqifka uu ka taagan yahay Shirkii Laascaanood ka dhacay, oo ay Villa Somalia abaabushay, kaasi oo lagu dhisay Maamulka cusub ee loo bixiyay ‘Waqooyi Bari’ oo ka kooban Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer. Mudane Lugatoor wuxuu Khudbaddiisa ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Siciid Deni kaalin weyn ka qaateen Dagaalkii Laascaanood lagaga saaray Somaliland oo naf iyo maal badan ku baxay, islamarkaana wuxu tilmaamay in Ciidamadii Puntland oo dhan dagaalkaasi ka qeyb qaateen oo khasaare badan ku dhacay, si ay degaannada Sool uga saaraan Ciidamadii Somaliland ee fadhiyay. Intaasi oo dhan markii lagu guulaystay ayuu sheegay in Hoggaamiye Firdhiye si fudud wixii loo dhintay ugu gacan-geliyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo aysan naf iyo maal toona kaga bixin dagaalkii weynaa ee Somaliland lagaga saaray Gobolka Sool, waxaana uu xusay in abaal dhac xun lagu sameeyay Puntland. Halkaan ka daawo Khudbadda Lugatoor PUNTLAND POST The post Ilyaas Lugatoor: Khaatumo waxay nagu samaysay abaal dhac xun appeared first on Puntland Post.
-
Las Anod (HOL) – Somali federal government has reaffirmed its support for the newly formed Northeast Somali Regional State, following the conclusion of a landmark state formation conference in Las Anod that officially transitioned the SSC-Khatumo interim administration into a permanent federal member state. Source: Hiiraan Online
