-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SL-T)Dawlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarunta Banaadir Dawlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarunta Banaadir Qaraxi galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney ku dhinteen 6 qof oo ay laba guddoomiye degmo ka mid yihiin. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay ayaa sheegay in qaraxi galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho ay ku dhinteen 6 ruux, oo ay laba ka mid ah yihiin guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka banaadir ka tirsan ay ka mid yihiin. Wuxuu sida oo kale sheegay qaraxaasi iney ku dhaawacmeen 6 qof oo kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Wasiir Maareeye oo ka hadlayey xaaladda uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Injineer C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay sida ay dhakhtarrada ay u sheegeen isaguna uu soo arkay inuu dhaawaciisa uusan halis ahayn. “Dadka uu qaraxaasi dhaawaca uu ka soo gaaray waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Digfer oo dhaawacyada ugu badan la geeyey dhaawacyada sida ay kala yihiinna warbixinta ugu dambeyso waxaan ka sugeynaa dhakhaatiirta.” ayuu yiri. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dheeri ah dib ka soo sheegi doonaan. “Dowlad ahaanna waan cambaareyneynaa ficilka aragaggixisada ee bahalnimada ah waa sida uu hadalka u dhigaye, oo lagu soo qaaday mas’uuliyiinta soomaaliyeed ee ka shaqeeynayey sidi uu dalkan uu nabad u heli lahaa dadka soomaaliyeedan ay horumar iyo noola u heli lahaa.” “Shacabka Soomaaliyeedna waxaan u sheegeynaa wax cad weeye inaan dagaal kula jirno waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee la duufsaday dagaal kula jirno, shacabka Soomaaliyeedna waxaan leennahay dagaalkaasi lagu hayo argagixisada iney ku gacan siiyaan dowladda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay. Weerarka Ismidaaminta galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho waxaa sheegtay ururka Al-shabaab. Qaraxa ayaa ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho xilli uu maamulka Gobolka Banaadir uu halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan. Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo. Source
-
Hargaysa(SL-)Daawo: Tafatiraha Bbc Afrika Mary Harper oo Sawir ka Bixisay Farqiga u Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya “Somaliland waxaan dareemaa nabadgelyo taam ahi ka jirto, Balse Soomaaliya waxaan ku maraa anigoo wata lix ilaalo ah iyo baabuur gaashaaman” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/naasir Cumar Jaamac iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa soo dhaweeyey Mary Harper oo ah suxufiyad caan ah oo ka tirsan BBC-da oo maanta soo Booqatay Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Muuse Diiriye iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo kormeeray Waaxyaha ay ka kooban tahay Wasaaraddu, waxaanay warbixin ka dhegaysteenIdaacada Radio Hargaysa, Wakaaladda Wararka iyo Telefishanka qaranka. Md. Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay inay weriye Mary Harper ay u soo dhaweeyeen maadaama oo ay tahay suxufiyad xog ogaal u ah Somaliland, waxaanu yidhi”Waxa halkan (Wasaaradda Warfaafinta) noogu timid oo aanu soo dhaweynaynaa Weriye Mary Harper oo ah suxufiyad caan ah oo ka tirsan BBC-da. Waxaannu u soo dhaweynaynaa waa wax ay naga mutaysatay. Waxaan filayaa in wixii ay ku aragtay Somaliland ay u sheegi doonto adduunweynaha oo ay ka hadasho dalka horumarkiisa iyo reer Somaliland dawlad ahaan waxay qabsadeen.” Mary Harper oo ka hadlaysay booqashada ay ku timid Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxay tidhi “Aad ayaad ugu mahadsan tahay Wasiir sida diiran ee aad iigu soo dhaweysay Hargeysa iyo halkan oo ah Wasaaradda Warfaafinta. Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan halkan ku arkay laba agaasime waaxeed oo dumar ah, taasi oo ah mid lagu diirsado. Waxaan soo maray Idaacadda, Telefishanka, Wakaaladda Wararka iyo qaybaha kala duwan ee wasaaradda Wafaafinta.waxaan dareemayey inaan joogo gurigaygii oo kale.” Mary Harper oo la weydiiyey waxay dareento marka ay timaado JSL. Waxaanay tidhi “Waxaan dareemaa markaan imaado Somaliland inay ka badbaado badan tahay deegaannada kale ee mandaqada. Sidoo kale waxaan dareemaa Itoobiya inay iyana tahay meel nabadgelyo ah. Soomaaliya oo kale waxaan dareemaa inaanay ahayn meel nabadgelyo ahayn. Somaliland waxaan dareemaa nabadgelyo taam ahi ka jirto oo aan lugayn karo jidadka iyo shaaricyada magaalada anigoo sita boorsadayda oo aanay ciddi taabaynin. Balse Soomaaliya waxaan ku maraa anigoo wata lix ilaalo ah iyo baabuur gaashaaman waxaana aad la daris tahay qarax. Laakiin Somaliland waxaad maqlaysaa muusig iyo samxada Baabuurta waxaanad dareemaysaa nabadgeylo buuxda.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 23-kii July 2019, maalin ka hor qaraxii lala beegsaday xarunta gobolka Banaadir, Caasimada Online waxay qortay warbixin ay cinwaan uga dhigtay: Xog: Haweeney damacsan inay is qarxiso oo soo gashay magaalada MUQDISHO Ka sokow xogta ku saabsan in haweeney is-qarxin rabtay ay magaalada ku jirto, waxa ugu muhiimsan ama ugu yaabka badan ee warbixinta Caasimada Online ku jiray ayaa ahayd halka ay beegsan rabto gabadhan, oo ahayd xarunta gobolka Banaadir ama albaabka madaxtooyada. Waxaa si gaar ah warbixinta ay u shegtay inay u badan tahay inay beegsato xarunta gobolka, islamarkaana la fasaxay inta badan shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda hoose ee Muqdisho. Inkasta oo aan warbixinta ku sheegnay, in gabadhan ay adeegsan karto baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey ama jaakad is-miidaamin ah, waxaan si gaar ah u sheegnay inay u badan tahay midda dambe. Xogta Caasimada Online, ma ahayn mid cirka kasoo dhacday, ee waxaan ka helnay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kal oxgtan haystay maamulka gobolka maadaama shaqaale badan oo muhiim aan ahayn la fasaxay, taasi oo yaab ka dhigeysa in ayada oo ay jiraan arrimahan oo dhan maalin kadib qaraxii uu dhacay. Inkasta oo qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay haysteen xogtan, haddana waxaan xogtan u baahinay inaan kasii degno halista soo socota, innaga oo og in laga yaabo in mararka qaar xogta aysan wada wadaagin hay’adaha amniga ama laga yaabo in la fududeysto. Halkan Click sii si aad u aqriso warbixintii aan daabacnay Talaadadii Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Matteson native Antoine Lewis was one of 346 victims of two fatal plane crashes involving Boeing’s 737 Max aircraft. His wife on Wednesday filed a lawsuit against the aircraft’s manufacturer and urged airlines to ban the plane from their fleets and replace it with an alternative “proven to be safe." Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Hirshabelle Dr; Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo dadkii Shacabka ahaa ee lagu geeriyooday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah. “Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah Bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in Dadka iyo Dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada Dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle. Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa inta badan weeraro ka geysata magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Weerarada oo isugu jira kuwa toos ah iyo qaraxyo ayaa waxa ay Al-Shabaab ay la beegsadaan xarumaha dowladda iyo goobaha ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta. Al-Shabaab waxa ay weerarada ay geystaan u fuliyaan siyaabo kala duwan, waxaana kii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Haddaba waa immisa weerarada ismiidaaminta ee ay Dumar u adeegsadeen Al-Shabaab. Ugu yaraan Al-Shabaab ayaa geystay afar weerar oo ismiidaamin ahaa oo ay fuliyeen Dumar, tan iyo wixii ka dambeeyey 2010-kii. Weerarkii ugu horreeyey ee ay fuliso qof Dumar ah ayaa ahaa midkii lagu dilay wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladdii KMG aheyd, Cabdishakuur Xasan, kaas oo 10- kii June sanadkii 2010-kii ka dhacay gurigiisa, waxaana fulisay gabar isa soo miidaamisay. Sidoo kale bishii April 4-teeda sanadkii 2012-kii, haweeney walxaha qarxa isku soo xirtay ayaa 10 qof waxay ku dishay xarunta Tiyaatarka Qaranka. Qarax gaari iyo haweeney is qarxisay ayaa sidoo kale bishii Febraayo 20-keeda sanadkii 2015-kii, waxa uu ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen 20 ruux, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Weerarkii afaraad oo ay fuliso haweeney ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Sudan arrests top general, officers over recent foiled coup
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sudan's military said Wednesday it had arrested a top general and several others over a foiled coup attempt announced earlier this month. Source: Hiiraan Online -
Saacadaha soo aaddan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga qaado dhaawaca guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale, kuwaa oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta dowladda hoose. Diyaarad gaar ah ayaa saakay soo gaartay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in ay dhaawacyadan dibadda loo qaaddo. Duqa Muqdisho ayaa Labo jeer qaliin galay xalay, wuxuuna dhaawaciisa u badan yahay dhanka caloosha, iyadoo lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad. Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey guddoomiyeyaal degmo iyo mas’uuliyiin maamulka gobolka Banaadir ka tirsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bariire (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisimo Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan saraakiisha ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. View the full article
-
Wasiir Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo shalay gaaray magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, ayaa saaka si faahfaahsan uga warbixiyay ujeedka socdaalkooda ku aaddan degmadaasi. Wasiir Dhabancad oo saaka khudbad u jeediyay bulshada degmada Dhahar, ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda Dhahar uu ku saabsanyahay saddex arrimood oo kala ah; in ay la kulmaan oo xog-wareystaan qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, in ay indhahooda ku arkaan baahiyaha ka jira adeegyada aas’aasiga ah ee degmada Dhahar,si dowladdu wax uga qabato iyo in ay goob joog ka ahaadan munaasabadda uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hayland. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in qeybo kamid ah xarumaha dowladda ee degmada Dhahar oo ay kormeer ku sameeyeen, ay ku soo arkeen dayac ka muuqda, gaar ahaanna xarunta taliska Booliiska iyo isbitaalka degmada Dhahar, waxaaana uu ballan-qaaday in dowladdu ay si dhakhso ah wax uga qaban doonto xarumahaasi. Wasiirka ayaa farriin mas’uuliyiinta Puntland ee gobolka Hayland, gaar ahaanna degmada Dhahar, isagoo xasuusiyay in lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan, loona baahanyahay in ay soo gudbiyaan baahiyaha aas’aasiga ah ee ka jira degaanka, si dowladdu wax uga qabato. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo uu arrimo badan uga hadlay PUNTLAND POST The post Wasiir Dhabancad oo farriin adag diray isagoo ku sugan degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
-
Turkey’s Foreign Ministry condemned a suicide bombing Wednesday in the office of the mayor of Somalia’s capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen rag ay sheegeen iney ahaayeen ajaaniib ka dhinac dagaallami jirtay xarakada Al-shabaab, kana howlgeli jiray deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo. Raggan oo Saddex ah ayaa waxay saraakiisha ciidanka Jubbaland sheegeen iney u dhasheen wadanka Tanzania, laguna soo qabtay howlgal ay ciidanku ka sameeyeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiishan ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan raggan, islamarkaana dib laga bixin doono faah faahinno dheeraad ah. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal raggan la sheegay iney ka mid ahaayeen ajaaniibta ka bar-bar dagaallami jirtay, islamarkaana ay qabteen ciidanka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, has assured the Independent Expert on the Human Rights Situation in Somalia Mr. Bahame Tom Mukirya Nyanduga that AMISOM continues to conduct its operations in full compliance with its obligations under International Humanitarian Law (IHL), Human Rights Law and the United Nations Human Rights Due Diligence Policy (HRDDP). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaReeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed. “Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan. James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. View the full article
-
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Taleex ee gobolka Sool. Wareegtada ayaa u qorneyd sidan: Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex. Xeerkani wux uu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax Ismiidaamin ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu ka dhex dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Ruux soo xirtay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey hool uu ka socday shir looga hadlayey ammaanka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin dhowr ah. Dadka weerarkaasi ku dhintey waxaa ka mid ahaa, guddoomiyahii degmada C/casiis, Sabaax C/laahi Asad, guddoomiyahii degmada Waaberi, Mahad Cilmi, guddoomiyahii degmada Shangaani, Sahra-zad Sheekh Maxamed, agaasimahii nadaafadda C/fitaax Cumar Xalane, agaasimahii shaqaalaha gobolka Banaadir, C/laahi Dheere, la taliye dhanka sharciga ahaa Xasan Sabriye. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, kuwaasi lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan Ismiidaaminta ah, waxaana ay tilmaameen iney la damacsanaayeen wakiilka QM ee Soomaaliya, oo saacado kahor halkaasi ku sugnaa. Dhanka kale, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto qaraxan, sida uu u dhacay, cidda fulisay iyo waliba cidda fududeysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, strongly condemns the suicide attack that took place in the offices of Mogadishu’s mayor today and which has reportedly led to casualties, with the mayor among them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xog hordhac ah ayaa laga helayaa ciddii ka danbeysay qarixii shalay Galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa is-miidaamin, kasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray mas’uuliyiin fara badan. Xogta laga helay saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka G/banaadir ayaa sheegaysa in qofka qaraxa fuliyey ee is-miidaamiyey ay ahayd Haweeney la socotay Gabar Indhoole ah oo Maamulka G/Banaadir u qaabilsaneyd arrimaha Naafarada ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, iyadoo isu muujisay inay kaalmeyneyso haweeneyda Indhoolaha ahayd oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiye Yariisow si ay arrimaha naafada ugu qaabilsanaato. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga Mohamed Tuulah oo aan isagu tegin shirkii Amniga ee shalay la qarxiyey ayaa laga soo xigtay in haweeneyda la tuhunsan yahay loo fududeeyay inay gasho xarunta maamulka G/banaadir, isla markaana baaritaan uu socdo si loo ogaado wixii dhacay. Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn loo ilaaliyo oo baaritaankeedu adag yahay, iyadoo aan jawaab loo helin sida qaraxan uga dhacay. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana afhayeenka howlgallada ururkaasi uu shaaciyey in weerarka ay la beegsadeen wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo xarunta Gobolka Banaadir shalay tegay, balse ka tegay saacad ak hor xilliga qaraxa uu dhacay. Qaraxa laga fuliyey gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir iyo hoolkii shirarka xaruntaasi xilli uu socday shir amniga ku saabsan ayaa loo arkaa dharbaaxo weyn oo ku dhacday dadaalkii amniga caasimadda ee dowladda Somalia ay muddooyinkii danbe sheegtay inuu soo hagaagay, waxaana qaraxan uu dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan sida loo sugo Amniga iyo qorsheyaasha Alshabaab oo aan lagu guuleysan in laga hortago. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar , kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimayo iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan maamulka gobolaka Banaadir. Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed. “Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan. James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Integrating Africa’s financial markets: African Development Bank and Egypt’s Stock Exchange hold investor roundtable for the African Domestic Bond Fund Cairo, Egypt, 24 July, 2019 – The Egyptian Exchange (EGX) and the African Development Bank have jointly organised an investor roundtable in Cairo to promote the African Domestic Bond Fund (ADBF), set up to improve the liquidity and transparency of African local currency bond markets – a key step in expanding the continent’s capital markets, with Egypt playing a leading role. The event held 21-22 July, was well attended by a wide range of financial groups including representatives of the Egyptian asset management and investment industry such as the Egyptian Capital Markets Association, Egyptian Investment Managers Association, CFA Society Egypt and the Egyptian Society of Technical Analysts. The African Development Bank country manager for Egypt, Malinne Blomberg, highlighted the importance of the ADBF in scaling up domestic capital markets in Africa by improving market knowledge and diversifying the investments available on the Egyptian financial markets. Mohamed Farid, Chairman of the EGX, expressed his interest in new products in the Egyptian market which would attract new investors, provided they were compatible with Egyptian rules. He said that the EGX team is working on the possibility of listing the ADBF exchange-traded fund that tracks the Bloomberg African Bond Index (ABABI), which includes eight African countries. Meetings were held with the African Development Bank mission to discuss the prospective listing of the ADBF. Meetings were also held with representatives from the Central Bank of Egypt, the Financial Regulatory Authority, as well as EGX representatives. The meetings also discussed the African Exchanges Linkage Project, the ongoing integration project between the Egyptian Exchange and six other African exchanges, and reviewed the possibility of linking all the African brokerage firms to increase cooperation between the African exchanges. ADBF, is a Pan-African Fixed Income Exchange Traded Fund (ETF) sponsored by the Bank, to improve the liquidity and transparency of African local currency bond markets, by investing in local currency denominated sovereign and quasi-sovereign African medium and long-tenored bonds. The Bank is an anchor investor in the ADBF with capital of up to $25m approved by the Bank’s Board. The ADBF was listed on the Stock Exchange of Mauritius in September 2018 and the sponsors are considering dual listings on other African securities exchanges, including the Egyptian exchange. The ADBF is one of the two pillars of the Bank’s African Financial Markets Initiative (AFMI), set up to help develop Africa’s domestic currency bond markets. Its exchange-traded fund provides an important source of funding for African governments and access to African fixed income markets in a cost efficient, liquid and transparent manner, offering diversification benefits and creating a benchmark for investors. ADBF fund managers Marine Serret and Abhimanyu Yadav from MCB Capital Markets, Mauritius, attended the event as well as Akin Adigun, Senior Capital Markets Officer for the African Development Bank. Qaran News
-
Somaliland: Four Councillors Arrested In Gabiley & BBC Somali Fake Interview Four members of the Gabiley local council have been detained for plotting to remove the Mayor of the town, Mohamed Amin Omar, from his post. In a bizarre twist to the tail, the discredited and anti-Somaliland BBC Somali Service conducted an interview with an impostor pretending to be the town’s mayor. The Service has since admitted to his incompetence and issued an apology to the mayor of Gabiley. The four detained councillors are , Burale Mawlid Abdi, Hassan Mohamed Dhegjar, Mahdi Mohamed Hashi Jiijaa, and Id Hassan Abdi. The councillors accused the mayor of rampant corruption and cronyism. They were arrested by local Police officers acting on orders from the Somaliland Home minister, Mohamed Kahin Ahmed and are currently being held in Hargeisa. The terms of all the directly elected local councils in Somaliland are set to expire and the prospective parliamentary and local elections scheduled for December, 2019, if held, will see new councillors and mayors elected. There is also a new legislation enacted by equally the moribund and severely overdue Somaliland House of Representatives, which gives more power to the Council Secretaries to hold accountable their respective councils. This was always the intended purpose, but, the Council Secretaries instead of being independent and representing the central government became part of the local council politics. Qarannews.com Qaran News
-
United Nations Envoy, James Swan, Narrowly Escapes Blast In Mogadishu The United Nations special envoy to Somaliland and Somalia, Ambassador James Swan and his staff narrowly escaped a deadly blast at the Mogadishu municipality building. The envoy had just concluded a meeting with the Mayor of Mogadishu, Abdirahman Yasiroow, and had departed the building, when a suspected suicide bomber infiltrated the security cordon and set off a deadly blast. Reports indicate, the blast occurred in a meeting hall, where the leaders of the local districts and the Mayor were holding a conference on security. There are also unconfirmed reports that the UN envoy may have been the target of the bomber. So, far two district heads are confirmed dead and the Mayor was also wounded in the attack. Qarannews.com will endeavour to report on any further developments. Qarannews.com Qaran News