-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Floods and landslides caused by torrential monsoon rains have killed at least 50 people across Nepal while dozens more are missing, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxyadaasi ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen ciidanka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Qaraxa koowaad ayey sheegeen inuu ka dhacay ka soo horjeedka xarunta Inji, halkaas oo uu ka socda diiwaan gelinta ciidan, sida ay hadalka u dhigeen. Ma carab baabin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto M/ Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. View the full article
-
Is qarxintu waxay ka jirtaa dhammaan caalamka Muslimiinta ee sunniga ah. Soomaaliya waxay kamid ahayd kuwa ugu danbeeya ee la baray ama la soo gaarsiiyay qaabkaan cusub ee dagaalka. Marka waa dhib wayn oo caalamka Islaamka badankiisa haysata. Waa arrin u baahan inaan la fududaysan ee si run ah loo waajaho oo wax looga qabto. Halkii dawladaha dhaqaalaha iyo xoogga haysta isku mashquulin lahaayeen inay qirtaan cudurka islamarkaasna daawo u raadiyaan waxay ku mashquuleen fajac, argagax iyo eedayn. Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa is qarxinta: 1-In ilaahey quraanka ku xaaraantinimeeyay in qof muslima is dilo oo uu naftiisa khaarajiyo sabab kastaba haku timaadee. {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَن تَكُونَ تِجَارَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا (29) وَمَن يَفْعَلْ ذَلِكَ عُدْوَانًا وَظُلْمًا فَسَوْفَ نُصْلِيهِ نَارًا وَكَانَ ذَلِكَ عَلَى اللهِ يَسِيرًا} Macnaha aayadduna waa (naftiina ha dilina ilaahey waa mid idiin naxariisanaayee qofkii sameeya oo isdilana naar ayaan gelineynaa) 2- Naniguna CSW woxow xadiith saxiixa ku caddeeyay oo ku jira bukhaari iyo muslim in qofkii is dila aakhiro lagu cadaabo sidii uu isu dilay asagoo jahanama ku jira. 3- Ma fasixin nabigu SCW in gaaladii waaweyneed ee diinta la dagaalameysay sidii abuu jahal in la dilo oo si gaadma ah loo dilo taas oo uu aad uga hortaaganaay saxaabada taas oo tusaaleyneysa in eysan banaaneyn arinkaasu sida culumada islaamkuba isku raacday haddey banaanaanleheedna gaaladaas ayaa lagu fulin lahaay dilkaas gaadmadaa. 4- Waxaa ka dhalanaaya in dad muslima la laayo taasoo xaaraan ku ah diinta islaamka . 5- In ey is qarxintaanu tahay in islamakii sharafkiisii la tashwiihiyo amaba loo muujiyo qaab aad uga fog tacaaliimta islaamka oo ku dhisana dacwada islaamka iyo mujaadalo wanaagsan oo lala yeesho xataa kuwa gaaladaa oo aan islaamka rumeysneyn sida quraankaba ku cad. 6- Jihaadkii islaamka oo la taxriifiyay oo loo bedelay in muslimiintu is warjaafaan amaba dhiigga islaamka leeska baneesto iyo in umadda loo sahlo in cadawga islaamku ey ka faa,iideestaan khlaafkaas gurucan oo gaaleysiintaasu ey ka abuureyso mujtamaca islaamka dhexdiisa oo gaarsiinaaya in sidii la rabo laga yeelo iyadoo laga faa,iideysanaayo khilaafkaas. Halkaan Ka Daawo Aasaaskii Al-Shabaab iyo sababta ay u doorteen is qarxinta Sheekh C/raxmaan Jibriil
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska loogu geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa koontarool lagu baaro gaadiidka oo ku yaalla isgoyska Korontada ee degmadaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Aadan, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga la dilay uu ka mid ahaa ciidamada ka howlgala koontarool ku yaalla dhinaca isbitaal Madiina ee M/Muqdisho. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, basle wararka qaar ayaa sheegaya in is maandhaaf uu soo kala dhex galay Marxuumka iyo ciidanka dilka geystay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaraxa koowaad oo miino ahaa ayaa ka dhacay maqaaxi ka soo horjeedo xarunta Inji ee magaaladaasi. Ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa labaad ay ka hortageen ciidamada ammaanka, islamarkaana uu ku dhaawacmay hal Qof. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey qaraxyadaasi ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin lagu tuhmayo weeraradaasi, islamarkaana haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana Dhuusamareeb howlgallo ka bilaabay ciidamada ammaanka ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-14-072019-sx.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in isbedal xoogan Jubbaland ay ku sameysay amniga magaalada Kismaayo, kadib weerarkii ka dhacay Hoteelka Cascasey ee magaaladaasi. Ciidamada amniga ayaa sare u qaaday baaritaanada lagu xaqiijinayo nabad galyada, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in waddooyinka magaalada iyo xaafadaha lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo sugaya amniga. Sidoo kale xalay Jubbaland ayaa gabi ahaan Bandow ku soo rogtay magaallo Xeebeedka Kismaayo, iyadoo hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday Ismiidaamin ay ku qaadeen Hoteelka Cascasey oo ay daganaayeen Musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale, kaas oo lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in doorashada Jubbaland lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska KismaayoCaasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ahaa haldoorka miisaanka ku leh dhex bulshada reer Somaliland, dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay doorkii shariifka ahaa ee uu marxuum Axmed Yuusuf Siciid kasoo qaatay dib-u-dhiskii iyo horumarintii dadka iyo dalka reer Somaliland, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku bulshada ugu jiray kaalin mug iyo miisaan leh oo la tebi doono. Xubno kale oo kamid ah waxgaradka iyo hormoodka bulshada oo iyaguna goobta Aaska hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna marxuumka ku sifeeyey haldoor bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, kana tegay taariikh wax ku Ool ah oo aan la hilmaami Karin. Marxuum Axmed Yuusuf Siciid, ayaa kamid ahaa haldoorka reer Somaliland ee sida weyn uga soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii dalka, isaga oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxana Aaskiisa ka qaybgalay badiba labeenta iyo waxgaradka Somaliland. Source
-
At least 15 al-Shabab militants were killed on Saturday in a military operation in Somalia’s southern regions barely a day after the terrorist group claimed more than 20 lives in a deadly attack. Somali National Army (SNA) forces senior commander said Sunday the forces conducted an offensive against al-Shabab in Wanlaweyn town in Lower Shabelle region. “Our forces advanced to take control of areas from al-Shabab extremists. We killed 15 of them and captured Yaq Buraweyne, Madah Marodi and Idow Jalad villages,” SNA commander in charge of the 35th division Mohamed Abdullahi Arale said. He added that the forces will proceed with the operations until they drive the militants out of the entire Lower Shabelle region. Residents said they heard the sound of a heavy gunfight between the militants and the army. “A fierce battle broke out in Yaq Buraweyne village between government forces and al-Shabab militants, both sides fought for a while but government troops are now in the town and the militants withdrew from it,” Jamal Ga’al , a local resident told Xinhua by phone. Somali forces have stepped up operations on al-Shabab extremists in central and southern regions to flush the militants out of those regions. View the full article
-
Somali National Army has taken new areas from al-Shabaab in Lower Shabelle region on Sunday. The troops seized Yaaqbari Weyne, MadaxMarodi and Lego villages during operation. Colonel, Mohamed Abdullahi Arale who was leading contingents from the 35th brigade of the 60th division confirmed the news to state media. Col. Arale said his troops killed 15 fighters during the operation while destroying several vehicles used by the militants. According to sources, the operation was backed by US force air support since no confirmation from AFRICOM. The new grounds retaken by Somali troops were held by al-Shabaab fighters since 2015 when AMISOM contingents from Burundi retreated following an attack. Somali National Army backed By AU peacekeeping troops in support from US drone strikes intensified operations against armed group al-Shabaab in recent months. The offensive by SNA has led to the recapture of key towns such as Sabiid, Barire, Canole in Lower Shabelle region. View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online)- Shirkii Beesha Sacad uga socday magaalada Galkacyo bisha Juul;ay 10-14 keedii ayaa waxaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed rasmi ah. Waramurtiyeedka oo meelo badan taabanayay ayaa beesha Sacad waxa ay ku cadeeysay mowqifkeeda ku aadan Dowlad Goboleedka Galmudug. Beesha Sacad ayaa iclaamisay kuna baaqaday in shirka dib u heshiisiinta reer Galmudug uu ka dhaco magaalada Galkacyo. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in dowlada Fedaraalka ay faraha kala baxdo arimaha Galmudug loona dhaafo reer Galmudug in ay xalistaan arimahooda u gaar ah. Beesha waxa ay si dahsoon oo farsamaysan ku sheegtay in ayan marnaba taageeraynin in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto. Waxa ay sheegeen in ay waafaqsan tahay sharuucda ku qoran dastuurka Galmudug kaas oo ah in doorashada Galmudug ay ka dhici karto oo kali ah Magaalada Cadaado. Halkaan hoose ka akhriso Qodobada kasoo baxay Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska GaalkacyoCaasimada@live.com
-
One Somali government soldier was killed and five other people were injured following a blast at a tea shop in Dhusamareb on Sunday. According to officials, the bomb was planted at the teashop. Among the wounded is a regional member of parliament and owner of the teashop. Security agencies successfully detonated a second explosive device found near a checkpoint. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay bartamaha magaalada sida ay hadalka u dhigeen. “Mujaahidiinta ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Ahlu Sunna ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee wilaayada Galguduud” ayaa lagu yiri war kooban oo Al-Shabaab kasoo baxay. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay khasaaro xoog leh gaarsiisay ciidamada Ahlu Sunna iyo saraakiil ay sheegtay inay maamulkaas ka tirsanayeen, inkastoo wararka madaxa banaan ay sheegayaan inuu qaraxaas kaliya dhaawac kasoo gaaray 5 qof oo 4 kamid ah ay ahaayeen hal qoys halka mid kalana uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug. Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga. Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay. Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro. Halkaan Ka Daawo Taariikhda qarsoon ee Al-Shabaab iyo waxa ku qasbay qaraxyada Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Beesha Sacad oo ka tirsan beelaha Galmudug ayaa maanta soo gabagabeysay shir maalmahan uga socda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Gunaanadka shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 8 qodob, lana soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ka mid ahaa: Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir. Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in nidaamka xukun ee dalku qaatay uu yahay federaal ayna yihiin dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaamiyo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada sida uu xeerinayo qodobka 120aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Dalka, wax faragelin ahna aysan ku lahayn hay’ad ka mid ah kuwa Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayadoo shirweynuhu adkeeyey in la dhowro dastuurka dalka u degsan. Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018. Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay. Haddaba, Halkan Ka Akhriso; Warmurtiyeedka shirweynaha wadatashiga Beesha Sacad-Final Source: goobjoog.com
-
Nottingham City Council leader Cllr David Mellen released this statement condemning the attacks in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari aya sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland wuxuuna ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee duleedka Boosaaso. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu waxyeello gaarsiiyay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo ka amba baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday deegaanka Galgala. Dhinaca kale qaraxyo is xig xigay ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Mareykanka iyo Ciidamada Bangaraaf ah lagula beegsaday deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo. Warar laga helay Baar Sanguuni ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo huwan ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska GarooweCaasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga. Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay. Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro. Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar. Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug. Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay. Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka waana sababta keentay in halkaas laga bilaabo baaritaano deg deg ah. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
Somaliland: The Weak FGS Attempts To Block Commercial Cargo In Saudi Arabia A vessel carrying an estimated 20,000 head of livestock has been unable to unload its cargo at the Jeddah port in Saudi Arabia. The livestock which had been bought from Somaliland by the Islamic Bank for the consumption of pilgrims to Hajj, and not the Saudi Arabian government have become pawns in the ineptness of the weak federal entity in Mogadishu. The unelected and unrepresentative administration in Mogadishu have been, along with several unscrupulous traders ,trying to convince the Saudi Arabian government to ban the importation of Somaliland livestock, unless a certificate was issued by them. Several senior officials from Mogadishu flew to Jeddah upon hearing that the cargo vessel had departed from Berbera, Somaliland. The lack of understand of international commerce, has made the ineptness of the officials from the weak entity in Mogadishu even more obvious. Firstly, Somaliland is a sovereign state, and the weak federal entity has no jurisdiction over any of it’s commercial ventures. Secondly, this purchase of the livestock was made by the Islamic Bank and other independent merchants in Saudi Arabia, and not the Saudi government. Thirdly, the livestock have already being paid for, and this is now a dispute between the weak federal entity in Mogadishu and the Saudi private purchasers. And finally, the livestock cannot be returned to Somaliland, as it was purchased in good faith. So, unless, the weak federal entity in Mogadishu wants to reimburse the Saudi businessmen and the Islamic Bank, it is on a hiding to nothing. These types of actions by the unelected and unrepresentative administration in Mogadishu is symptomatic of it’s attempts to wage economic and diplomatic war against Somaliland, whilst pay lip service to “unity and fraternity”. Qarannews.com Somaliland: The Weak FGS Attempts To Block Commercial Cargo In Saudi Arabia Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Qarax labaad ayaa Goordhow jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magalada Dhuusamareeb oo isla Maanta uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo maanta siweyn looga dareemay Magaalada. Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb. Waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug. Sarkaal ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in qaraxa dambe uu dhaawac fudud kasoo gaaray Wiil dhalinyaro ah oo goobta marayey, waxaana la sheegay in wadada uu ka dhacay qaraxaas ay daqiiqado ka hor mareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka. Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar. Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir. Qaraxa koowaad ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay laba qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug. Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhintay qofkii ismiidaamiyay oo keliya islamarkaana ay ku dhaawacmeen shan qof oo ku sugnaa meheradda qaraxu ka dhacay. Qofka ismiidaamiyay ayaa sida la sheegayo cabbaar fadhiyay meheradda qaraxu ka dhacay oo ka soo horjeedda xarunta loo yaqaan INJI oo uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Shiekh Maxamed Shaakir. Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa ku jira haweeyneydii meheradda la hayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli uu magaalada ku suganyahay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre oo todobaadyadii u dambeeyay socdaal ku marayey degaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha qaraxii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aanu ka heleyno xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu isku qarxiyey qof isa soo miidaamiyey. Qaraxa oo uu lala damacsanaa gudaha xarunta ay ku shiraan Ahlu-sunna ayaan suuto-gelin, waxaa uuna ku qarxay meel dibadda ka ah. Khasaaraha ka dhashay waxaa la sheegayaa inuu yahay 2 dhaawac ah, marka lagu daro dhimashada qofkii naftiisa hormariyey, ee qaraxa watay. Dhuusamareeb waxaa ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo todobaadyadan u joogay arrimo la xiriira dhismaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
dhasheen daadad xoogan oo sii nugleeyay xaaladda nololeed ee qoysaska ku nool xeryahaasi. Hadaba iyagoo ka jawaabaya xaaladda bini aadanimo ee xeryahaas ka jirta ayaa masuuliyiin kasocota haayada ARC international iyagoo kaashanaya Haayada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiyada ee UNHCR waxay wacyigalin ku saabsan fahanka iyo dhawrida xuquuqaha barakacayaasha oo taabanaysa xuquuqda waxbarasho ee caruurta, xuquuqda haweenka; gaar ahaan hooyooyinka xiliyada uurka, iyo dhalmada. Sidoo kale waxaa barakacayaasha lagu wacyigaliyay nadaafadda iyo fayadhawrka deegaanka ee xilliyada roobka Haayadda ARC International iyadoo ka jawaabaysa dhawaaqyada xaaladda banii aadamnimo ee ka jirta xeryahan maaha markii koowaad ee ay wax ka qabato goobaha barakacayaasha, waxay haayadu dhawaan soo gaadhsiisay qoysaka barakacayaasha ah agabka aasaasigaa ee NFI (Non Food Items) oo ka kooban Hu’, Gogol, Weel, Saabuun, Jerikaano, iyo Baco una qaybisay qoysas gaadhaya 1,541. Kooxda ka socotay haayadu waxay dadka ku booqanayeen goobohooda iyagoo meel fagaara ah kula kulmay bulshada qaybeheeda kaladuwan, gudiyada, macalimiinta iyo maamulka deegaanka, waxaa bulshada loo gudbiyay fariimihii wacyigalinta isla markaana fahan dheer laga siiyay xuquuqaha barakacayaasha iyadoo laagu gudbinayo luuqadooda hooyo iyo tusmayaal qoraal ah oo ay ku xardhan yihiin fariimaha wacyigalintu. Gabagabadii waxaa hadal ka yidhi Siciid Maxamed oo ah masuul ka tirsan haayada ARC international waxaanu dardaaran usoo jeediyay bulshada sidii ay udhaqangalin lahaayeen ugana faa iidaysan lahaayeen wacyigalintaa. Gudoomiyayaashii deegaanada laga sameeyay wacyigelinta ayaa iyaguna dhinacooda mahad celin balaadhan ujeediyay hayada ARC International iyo UNHCR. Guddida Barakacayaasha ayaa iyaguna dhankooda uga mahad celiyay haayada ARC International sida ay ugu dadaalaan caawinta iyo ka warhaynta qoysaska danyarta ah ee ku nool xeryaha. Source