Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United Nations says fewer and fewer refugees show interest in leaving the Dadaab refugee camps in Northern Kenya and returning home to Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) –Musharraxa Xukuumadda Xasan Cali Khayre ee doorashada Jubbaland, ahna wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar ) ayaa waxaa haatan soo wajahay walwal xoogan oo ku aadan ololihiisa doorashada, gaar ahaan sidii uu ka tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Oomaar ayaa shaaciyey sababtii uu uga baaqay safar uu dhowaan ku tagi lahaa Kismaayo si uu ugu dhawaaqo Musharraxnimadiisa Jubbaland. Waxa uu sababta ku sheegay inuu doonayo in uu ka baaqsado in dagaal Dhiig ku daato uu ka dhaco halkaasi. “Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayey inuu isoo qaado ma jiro.” ayuu yiri wasiir Oomaar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu tagayo Kismaayo ay ilaalin doonto ciida sida uu hadalka u dhigay, kadib markii uu dhowaan ka biyo diiday madaxweyne Axmed Madoobe inuu ciidamo la tago gudaha magaaladaasi. ‘In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho, haddana Kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokowo.” ayuu markale yiri Oomaar. Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in weli dadkii talada xumaa ay Ummadda waalayaan, islamarkaana ay dagaal ka hurinayaan Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. ”Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland kama dhici doono. caqliga ha shaqeeyo” ayuu intaasi sii raaciyey. Xiisada siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka sii dareysa, iyadoo la filayo in bisha soo socota ee August la qabto doorashada guud ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. President Donald Trump weighed in on two Somali refugees arrested in Arizona last week for attempting to join the terrorist group ISIS. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya aysan ka midaysneyn go’itaanka Somaliland. Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in gebi ahaanba aysan jirin aragti goosasho oo ay ku midaysan yihiin bulshada shacabka ku nool gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya (Somaliland) balse go’itaanka ay ku kala qaysan yihiin bulshada halkaasi deggan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Dunidu ay Soomaaliya u aqoonsantahay hal dal iyo hal dowlad oo aysan jirin dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya oo la yiraahdo Somaliland “Dunida Hal dal ayay aqoonsan tahay oo aan baasaboorkiisa ku safarno, shahaadooyinkiisa la tastiiqiyo” ayuu yiri Khadar Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxaa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay wada-hadal in la furo si loo qanciyo tabashooyinka ay qabto Somaliland”haddii la wada jirayo waa in sifo iyo sharci dastuuri ah ku dhisan oo loo wada hadlo, qofka aragtidaas qaba u ogolaado qofka aragtida ka soo horjeeda qabo, 30 sano ayaa mareynaa, maxaa xal ah waa in la furaa doodo”ayuu sii raaciyay. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo sheegay in shacabka Waqooyi aysan ka midaysneyn goosashada Somaliland appeared first on Puntland Post.
  5. IOM Hargeisa completed a six-day ‘Training of Trainers’ as well as a three-day follow-up training on ‘Start and Improve Your Business Idea’. The training programme is developed by the International Labour Organization (ILO). Source: Hiiraan Online
  6. Kismaayo (SMN) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Xubnahan ayaa waxaa la sheegay inuu horkacayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Wafdigani ka socda beesha caalamka ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Jubbaland iyo Musharraxiinta, iyaga oo kala hadli doono doorashada maamulkaasi. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu argayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo. View the full article
  7. The European Union (EU) and its partners refunded Kenya Sh4.3 billion for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the fiscal year ended June 2019, latest Exchequer statistics show. Source: Hiiraan Online
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirka la filayo in dhowaan uu ka furmo gudaha magaaladaasi. Dr Baadiyow ayaa marka hore ku baaqay in aan la siyaasadeyn dib u heshiisiinta ay dowladdu ka wado deegaanada maamulka Galmudug. “Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiin, yaa la siyaasadeyn dib u heshiisiinta Galmudug, malahan mucaarad iyo muxaafad dhammaan waa inay ka soo qeyb galaan shirkaas.”ayuu yiri Baadiyow. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyey safaro ay lixdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku bixiyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaanadii ay tageen ay ka jireen tabashooyin badan oo isugu jira kuwo beelaha dhexdooda ah iyo kuwa laga qabo maamulkii hore. “Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan, dib u dhiska dowladnimada looga shaqeeyo.”ayuu mar kale yiri Dr Baadiyow. Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa inuu furmo 5-ta bisha soo socota, iyadoo weli beesha degta Cadaado ay ka biyo diidan tahay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  9. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka u ogolaatay in uu xarun Ergo-goboleedka furto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah Ururka Iskaashiga Islaamka Muqdisho kula saxiixatay heshiis cusub oo ku saabsan in la unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Saciid Xaaji Maxamuud oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. The post Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo heshiis cusub kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya. View the full article
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo faragelin ku sameyneyso arrimaha maamulka Jubbalanad ayaa xal u raadineysa muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi. Xubno ka socda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdigan ayaa waxa horkacaya safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmo doono madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Musharraxiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe iyo Musharraxiinta la loomeysa oo cabasho muujineyso ayaa isku haya doorashada. Xaaladda Kismaayo ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib markii shalay lagu soo daadiyey ciidamo cusub oo ka amar qaata madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa uga digey dowladda dhexe, farogelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay xildhibaanka, in sidoo kale AMISOM aanay wax farogelin ah ku sameyn karin doorashada Jubbaland, sababtuna ay tahay in howsha ay dalka u joogaan ay tahay la dagaalanka Al-shabaab. “AMISOM waxay dowlad goboleedka Jubbaland ka codsato un bay kula shaqeyneysaa…Jubbaland waxaa jooga ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo sidoo kale kuwa Daraawiishta, Jubbaland iyadaa mas’uul ka ah doorashadeeda…Dowladda federaalka wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jirto doorashada dowlad goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare. Jubbaland ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha, waxaana jira musharraxiin badan oo isku soo taagay xilalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Guddiga qaabilsan qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay degaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha Gudddiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka in aan la siyaasadeyn shirka, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. “Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan” ayuu yiri Baadiyow. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo 5-Agoosto 2019. PUNTLAND POST The post Guddiga Qaban-qaabada Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka digay in shirka la siyaasadeeyo appeared first on Puntland Post.
  14. Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururkaasi ku yeelanayo dalka, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Source: goobjoog.com
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Bangarafta ay dad shacab ah ku weerareen duleedka magaalada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday Beer ku taalla banaanka magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Beeraley ah. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ciidamadu ay ku dileen illaa 6 Qof oo la sheegay inay isku Qoys ahaayeen. Sidoo kale waxaa la’yahay nolo iyo geeri nin kale oo sugnaa Beerta uu weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sida aan wararka ku heleyno ciidamada fuliyey weerarkaasi ayaa ka soo baxay saldhig Milatari oo ay ku leeyihiin deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa iyo hadda lama oga sababta loo laayey dadkaasi rayidka ah, balse marar badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dad shacab ah ku dilay gobolka Sh/ Hoose. Dhacdadii ugu xooganeyd ayaa 25-kii August 2017-kii ka dhacday deegaanka Bariire, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ay ku dileen illaa 10 Qof oo rayid ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  16. Kulanka wasiir Cawad iyo safiir Makken Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Soomaaliya, Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Netherlands oo dhinacyo kala duwan ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.
  17. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan S/land. Guuleed ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in DF ay ka go’an tahay sidii ay u qancin laheyd madaxda maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Somaliland in ay ka soo dabacdo meesha ay hadda joogto, si guul looga gaaro wada-hadallada labada dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-cadaani.mp3 View the full article
  19. Kadib markii Dowlada Federaalku ay garab istaagtay Safiirka Qatar waxay Puntland ka codsatay Dowlada Emaaraatka iney kacaawiso sidii loo baari lahaa War uu qoray Wargeyska [...] Source
  20. Muqdisho (SMN) – Soomaaliya ayaa kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-31072019.mp3 View the full article
  22. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada. Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray.” Wasiirka ayaa intaasi ku daray “u ololeynta argagixisanimo ee ka dhanka ah Imaaraadka waa mid laga shaleyn doono” wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka afarta dal u jareen Qatar uu ahaa mid loo baahnaa. Toddobaadkii tagay, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi caasimada@live.com
  23. “Soomaaliland waa ayo, yaase ka mid ah?” Maadaama dadka waqooyiga Soomaaliya ku dhaqan ayna wada ahayn Soomaaliland ama ayna isku raacsaneyn iney ka go’aan Soomaalida inteeda kale, xukuumadda Farmaajo kuwee la fureysaa wada hadalka ay guddiga u magacawdey? Ma kuwa wax ka tirsanaya Soomaali inteeda kale ee ah kooxda gooni u goosatada ah qabiilka kali ah, mise kuwa ku naaloonaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee Soomaali weyn wax dhibaato ah aan ka sheeganeyn? Miyaaney ku habooneyn in dadyowga midnimada jecel sida Makhir, SSC iyo Awdal iney xukuumaddu aqoonsato? Mise xukuumadda Farmaajo waxay shacabka midnimo doonka ah u sadqeyneysaa kooxda yar ee goonigoosatada ah, si ay danaheeda u gaarto? Ilaa sannadkii ay kooxda reer Hargeysa, Burco iyo Berbera ay ku dhawaaqeen gooni-isu-taagga, isimada degaannada SSC, Maakhir iyo Awdal waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen iney xukuumadihii Soomaaliya iyo dawladaha caalamka u sheegaan in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ahi ay tahay muqaddas aan laga gorgortami Karin. Iyaguna ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid yihiin oo aaney ku raacsaneyn kooxda sheegatey iney Soomaaliya ka go’een. Waxa u dambeyey warsaxaafadeedkii dhowaan ay soo saareen Isimada beesha SSC ee Sool clan iyagoo sii xoojinaya baaqyadoodii hore, kaas oo xukuumadda madaxweyne Farmaajo iyo aduunweynaha ay si cad ugu sheegeen in aanay ka mid ahayn Soomaaliland, isla markaana wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland qof ama koox ku matali kartaa gobollada SSC aaney jirin. Isagoo, habayaraatee wax tixgelin ah aan siinin arrimahii ay soo jeediyeen Isimada degaannada SSC, ayuu madaxweyne Farmaajo magacaabey Guddiga Qaran ee Dib-u-heshisiinta iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Guddiga uu magacaabey madaxweyne Farmaajo wuxuu ihaano ku yahay dhammaan dadka midnimo doonka ah ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna baaqii isimada gobollada SSC ee bishan horraanteedii. Kaas oo cod buuxa ay ku diideen arrimaha wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Una sheegey Xukuumadda Federaalka in aanay raalli ka noqon doonin wada hadalladaas. Guddigani wuxuu taariikhda ku galayaa inuu ka mid noqonayo arrimaha Siyaasad xumada iyo dhibaatooyinka ah ee ay xukuumadda Soomaaliyeed ku dhabar jabineyso dadka midnimada jecel ee waqooyi Soomaaliya. Xukuumadda Farmaajo waxay duudsidey xuquuqdii aayo ka talinta gobollada SSC. Waxana muuqata iney dooneyso iney ku khasabto iney raacaan goonigoosatada. Taasina waxay caddeyneysaa in xukuumadda federeaalku aanay rabin inay taageerto yuhuunta shacabka midnimo doonka ah si xal waara laga gaadho dhibaatada ka jirta waqooyiga Soomaaliya. Waxaan xukuumadda kula talin lahaa:- Iney iska daayaan siyaasadda gurracan ee madhaleyska ah ee at ka waxaan waqooyiga Soomaaliya. Iney dadyowga midnimada jecel ee waqooyiga u oggolaadaan iney ka tashashdaan aayahooda midnimo doonka ah, isla markaana gacan ku siiyaan. Iney kooxda goonigoosatada ah ee “Isaaq” la furaan wadahadal u gaar ah, kana shaafiyaan waxyaabaha ay tabanayaan. Iney xukuumaddu magacawdo guddi ballaadhan oo si ku saleysan xaqiiqada shacabka Soomaaliyeed u soo lafagura dib-u-heshiisiin dhab oo loo sameeyo ummadda Soomaaliyeed. Guddigaas oo ka kooban aqoonyahanno ku takhasusey cilmiga bulshada, siyaasiyiin ruug-caddaa ah, culamaa’udiin, isimada iyo cuqaasha beelaha. Qore: Xildhibaan Ahmed Ismail Shabel Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid