Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi; Aqristoow maanta oo ah maalin Khamiis ah-Waa xiliga aan qormadan qalinka u qaataye-Tadaariikhduna ku beegan tahay 8-da Agoosto 2019-ka (08/08/2019), ayaan qaatay dhalashada dalkan Mareeykanka, oo aan sugayey mudo 5-sano kudhow, waloow sharciyan sida saxda aheyd, inaan 3-Sano ku qaato, balse waqtiga u kordhay cillado iyo daahin dhankooda ah awgeed, balse nasiibwanaag! Odeygii Donald Trump ahaa, ee cadeeystey cunsurinimada (a racist), soogalooti naceybka (xenophobic), iyo waliba Islaam naceybka (Islamaphobic), indhihiisoo shanta ah ayaan qaatay. Waa madaxweynaha waalid iyo caruurtoodii dhibaato kawada qaxaya, wadamada laatiinkana u badan, xoog inta uga fara-maroojiyey, kadib kuwada guray xeryo-Xooleedyo (Animal cages), illaa heer qaar ka mid ah xildhibaanada Mareeykanka, sida: Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, iyo Sen.Bernie Sanders ku tilmaameen xeryahaa: “Concentration Camps”, waa xeryihii Hitler Yahuuda ku xasuusi jiray’e,: -Allow heey dilin, anigoon ka codeyn- Waana sababta aan uga dhigey, tillaabadeeydii ugu horeeysey maanta, inaan buuxiyo gudbiyana warqadaha codeynta. Trump wuxuu tarxiilay, ama dalkan Mareeykanka si qasab ah uga saaray (forceful deportation) dad aad u badanoo aan wax sharciyo ah laheyn, ama lahaa Kaarka Cagaaran (The Green card), balse dambiyo yaryar, ama kuwo waaweynba galay, kuwaasoo uu ku qaaday weeraro guryaha, maxkamadaha, isbitaallada, goobaha shaqo, kuwa waxbarasho, iyo meel kastoo suurtagal ahba lagala baxayey. Waa sababta keentay in dad badanoo gaaray xilligii sharci qaadashada, balse aan hore u dalban, walwal badan ugalayoo, degdeg uwada dalbadeen dhalashada. Waatan keentay, in dadka dhalashada Mareeykanka loo dhaarinayo aad ubataan. Tusaale ahaan, waloow xafladuhu xiliyo kala duwan, iyo goobo kala duwanoo guud ahaan Mareeykanka ah, kawada dhacayaan, hadana dufcadii aan maanta wada qaadannay dhalashada, waxeey ahaayeen tiro ahaa, kun iyo labo qofood (1002 individuals), kanasoo kala jeeday 85-Dal (85 countries). Dhalasho qaadashadeeydiise waxeey igagasoo beegantay, aanba ku hadal qabsadee, iyadoo madaxweynaha qaranka mudane Maxamed C/llahai Maxamed (Farmaajo) iska celiyey dhalashadiisii Mareeykanka, maalmo uun ka hor, taariikhduna ku beegneyd 1-dii Agoosto 2019-ka (08/01/2019), waloow mudane Farmaajo mudo dheer soo heeystay dhalashada Mareeykanka, kusoo ilmo korsaday, kunasoo mooday in ku filan. Naftu meeley gaareeysaba Allaa oge, xoogaa hadaan sii heystoon meelaha isaga maro, illeen waxaan ahay ruux dalkiisii ka burburayoo, soo kabashadiisa intuu qaadandoono, Allaah oo kaliya ogyahay’e, markaa kabacdina iska celiyo lacalla, hade waa lacalla, hadaan madaxweyne noqdo, malaha dhibba kuma jiro. Qofkasta aduunkan ma jirto, meel uu ka jecel yahay dalkiisii hooyee, uu ku dhashay, kunasoo barbaaray, xaqiiqduna waxeey tahay, in dalkaada hooyo nabad yahay, oo aad nabad ugu noolaan karto, adigoo ku qanacsan joogidiisa, iyo in aadan meelba uga bixin, markaad doontana baasaboorkiisa aduunka meel kasta ku mari karto, waa wax aad u qiimo badan, balse marka xaalka dalkaada hooyo, iyo baasaboorkaadaba intaa ka duwan yahay, waxeey xaaladaa ku badeeysaa ciil iyo caloolyoow badan. Waa waxa dhalinyaradeena badaha ugu hoobanayaan, sikastoo kuwii ka horeeyey badda ugu dhamaadaana, kuwa ku xiga kama hakanayaan halaagaa, illaa xaaladaha dalkeena ka jira, wax iska badalaan. Nuxnuxda jirta darteed aan kudaree, dalka Qurbe-Joog, iyo Qaran-Joogba wuu uwada baahan yahay, wuuna inaga badan yahay, waa hadii si cadaalad ah, loo wada tixgaliyo’e, iyadoon mid gaar ah, mudnaan gaar ah lasiineyn. Sideedaba qofka marka uu dalkiisa dibada uga maqan yahay, ama dal shisheeye ku noolyahay, waa Qurbe-Joog, balse sida Soomaalida utaqaano, waloow eeysan cadaalad aheyn, qofka aan baasaboor ajnabi laheyn, gaar ahaa kuwa reer galbeedka, Qurbe-Joog looma yaqaan, xitaa haduu wato mid Keenyaati, Itoobiyaan, ama Jabuutiyan ah, sidaa daraadeed, maanta ka hor Qurbe-Joog si rasmi ah uma aheyn, sida boqolaalka qaxootiga ah, ee ku nool xerada qaxooti, ee aduunka ugu weyn ee Dhadhaab, aan loogu aqoon saneyn Qurbe-Joog, waloow dal shisheeye ku nool yihiin, nasiibdarro! Waliba mudo aad u dheer. Waxaase Allaah mahadiis ah , in ummadeenu garatay, in dastuurka lagu daro, in dhalasho kale qofka Soomaaliga ahi qaadankaro, isagoo tiisii Soomaaliyana heeysanaya, sida wadamo badanoo caalamka ahiba sameeyeen, maadaama markii dalka inaga wada burburay, ummadeenu ku qasbanaatay, ineey u kala qaxaan dunida dacalladeena, waa intii duruufuhu u saamaxeene, ama sidaa iyagu go’aansadaye. Waloow aanan waligeey tahriibin/qardajeexin, xero qaxootina galin, oo aan fiisooyin iyo garoomadoodoon ka soo wada dagay, kusoo wada galay dalalkii aan kusoo noolaa, sida: dalka Pakistan, kaasoo aan kusoo dhameeystey waxbarashada heerarka kala duwane Jaamacadeed, iyo dalka Malaysia, oo aan mudo sanado ah bare/macallin Jaamacadeed, iyo maamule kulliyadeed ka ahaa, iyo midkan Mareeykanka, ee aan hada ku noolahayba, hadana waxaan xasuustaa xiliyo anigoo baaris-cilmiyeed (research paper) aan qorayoon shir-aqooneed caalami ah (International academic conference), oo dal kale ka dhacaya u diray, kadibna la aqbalay baaris-cilmiyeedkeeygii, iyadoo waliba ladamaanad qaadayo tikidhadeeyda sii socod, iyo soo soocodba, hoteelkeeyga, raashinkeeyga, iyo waliba gaari-raaceeyga intaba, inta aan shirkaa caalamiga ah joogo, balse ugu dambeyn fiiso (visa) la ii weeynayo, maadaama dalkeeygoo burbursan darteed, aan baasaboorkeeyga fiiso la iisaari karin. Inkastoo aqoonyahannadii aan saaxiibada aheyn, dhibkaana inawada heeystey ku xalliyeen, ineey wada qaateen baasabooro Kiinyaan ah, mid Itoobiyaan ah, ama mid Jabuutiyaan, waana sida ganacsatadeenuba sameeyso’e. Waloow hada Mareeykan kan aduunka heystaahi, baasaboorkiisa dhibkaa iga xalinayo, hadana lacalla hadaan madaxweyne noqdo, waan iska celin donaa, sida madaxweyne Farmaajaba yeelay, illeen uma baahnaan doone’e. Hadii dalkeeyga hooyo nabad iinoqdana, kabasii fiican. Allaah aktiisana wax ku adag ma aha. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu ciidal adxa awgeed Hambalyo u dirayaa golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, culima aw-diinka, xisbiyada qaranka, dhammaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida dalacadeeda ku kala nool, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweyne ku xigeenku uu shacbiga Somaliland leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr. Waxaanu ku simaha madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo, inta bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo, isaga oo xujayda sannadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Muranka Doorashooyinka Madaxwayne Biixi U soo Jeediyay In Uu Saamaxo Kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xanuunka badnaa ee ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa isa soo tarayay dedaalo lagu adkeynayo ammaanka Xarumaha Dowladda iyo Guud ahaan Xafiisayda kale ee Ciidamada iyo Goobaha Ganacsiga. Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba (Naafada ah), ayaa waligood aad looga qiimeeyaa Soomaaliya waana faraya Qur’aanka Allah iyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya balse wixii ka dambeeyay Qaraxii Xarunta Gobalka Banaadir waxaa muuqata in ay wajahayaan Xaalado adag. Xafiisyada Dowladda iyo dhamaan Xafiisyada kale ee Ciidamada iyo hey’adaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa bilaabay in dadka Naafada ah ku daraan shacabka sida gaarka ah la isaga ilaaliyo oo aysan markii hore ku jirin. In il gaar ah lagu eego dadka Naafada ah waxaa sabab u ah Al-Shabaab oo soo xiraya dhamaan albaabada Naxariista maadaama ay qof dumar oo aragga Naafo ah ay ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa kadibna ay ku laayeen masuuliyiin badan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow ka sheegay in Al-Shabaab ay soo xireen albaabada naxariista islamarkaana ay u baahanyihiin in la iska ilaaliyo. Allah ha naxariistee, Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa u dhintay weerar ay fulisay Gabar Naafo ah oo uu shaqaalaysiiyay, siiyay fasax markii ay codsatay iyo Lacag dhan 10 kun oo doolar. Wararka qaarna waxay sheegayaan in uu fasaxay in aan la baarin kadib markii ay dhibaato badan ka martay qalabka Baarista. Al-Shabaab, malahan naxariis diin iyo dadnima midna waxaase haboon in aysan umadda Soomaaliyeed faqooqin islamarkaana la badalin hab-dhaqankii wanaagsanaa ee oo ay Soomaalida ku dhax-lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Munaasabadaan oo lagu daahfurayay iskuulkii Dugsigii sare ee magaalada Xudur,waxa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool,iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS,Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr,ardadii hore ee Dugsiga Xudur oo u diyaarsan in dugsi sare ay ku biiraan waaladiinta ardada iyo Marti sharaf kale. Dig u furista iskuulkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii Wasaaradda Maaliyada ee XFS ay muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameysay dhismo cusubna ku sameysay xaruunta dugsiga sare ee Xudur. Ugu horey waxa munaasabada daahfurka ka hadlay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo guddoomiyaha waxabarashada degmada Xuddur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) waxayna xuseen in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay bulshadana waxay ugu baaqeen in ay ka faa’ideystaan. Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi. Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool Cabdulqaadir Nuur Cadow ayaa u madahceliyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi Sare dib u shaqeeyo,wuxuuna shahaado sharaf guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tol). Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tol iyo ex-Wasiir Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa bahda waxbarashada iyo bulshada ku bogaadiyay in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska iskuulkaasi Sare ee Xududr. Dhismaha dugsi sare waa dhismo aad u balaaran qeyb ka mid ah waxa loo qorsheeyey in jaamacad laga furo maadaama degmada Xuddur oo xaruun u ah gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Sool(SL-T): Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland OO Dayactir Ku Samaysay Ceel Biyood KU Yaal Degmada Yayle Ee Ka Trsan Gobolka Sool Source
  7. Over two million Muslims have begun the hajj, but for the third year very few pilgrims from neighbouring Qatar will perform the religious rite because of Saudi-led blockade. Tags: Qatar, hajj, Saudi Arabia. Over two million Muslims have begun the hajj, but for the third year very few pilgrims from neighbouring Qatar will perform the religious rite because of Saudi-led blockade. More than two million Muslims have begun the annual hajj, but for the third year in a row very few people from neighbouring Qatar will perform the religious rite because of Saudi-led blockade. This year’s pilgrimage is taking place under the backdrop of the continued embargo of Doha by the Saudi-led bloc, which also includes the United Arab Emirates, Egyptian and Bahrain. The bloc launched the blockade in June 2017, which included restrictions on Qataris travelling to the kingdom. It claims Doha supports extremists and is cosying up to Iran, Riyadh’s regional rival. Doha strongly denies all charges. The past two pilgrimages have only seen a handful of Qataris attend because of the travel restrictions and obstacles imposed on them by the Saudi government. Saudi hajj official Hassan Qadi has said this year is no different. “Very few Qataris have come to Mecca for the pilgrimage,” Qadi acknowledged, despite claims from Riyadh that the embargo would not affect the hajj. Qatar has urged Saudi Arabia to remove the restrictions so Qatari religious tour operators can make the necessary arrangements for pilgrims. Saudi Arabia in turn has accused Qatar of “politicising the hajj and creating obstacles for Qatari pilgrims”. Some 12,000 Qataris performed hajj in September 2016 just months before the start of the blockade. A few dozen Qatari pilgrims have travelled independently to Saudi Arabia the past two years, when the Saudis briefly opened the only border post between the two countries for pilgrims. The hajj is one of the pillars of Islam and required by every Muslim at least once in their lifetime, if they are healthy enough to do so and have the means. Alarbiya Qaran News
  8. MOGADISHU (ARAB24) - Prices of livestock in Somalia have increased significantly over the past few days as Eid al-Adha approaches, a number of citizens believe that traders are responsible for increasing prices to compensate for the trade recession they suffered before Eid,.... Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Eedaymo Ugu Cuslaa U Jeedisay Shirkadaha Isgaadhsiinta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT- Copenhagen)-Qarax ayaa waxyeeleeyay Saldhig boolis oo ku yaalla Caasimadda Dalka Denmark ee Copenhagen, xilli hore oo Sabtida Maanta ah. Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee Caasimadda Danishka ka dhaca muddo Afar Maalmood gudaheed ah. Qofna kuma dhaawacmin Qaraxa oo ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Norrebro, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska, Jorgen Bergen Skov. Salaasadii la soo dhaafay, Hal Qof ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay dibedda Xafiis ay leeyihiin Shirkad Tagaasida kiraysa. Qaraxa hore waxa Boolisku ku sheegeen Qarax si ku talo-gal ah loo sameeyay, laakiin Qaraxa hore iyo ka Maanta dhacay ayaan la ogayn inay xidhiidh leeyihiin, inkasta oo ay weli xilli hore tahay oo baadhitaan socdo. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadda oo ay isa soo tarayaan dadka aadka uga fal-celinaya geerida naxdinta leh ee gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqii Muqdisho, haddana qof walba dhinac ayuu ka eegayaa. Inaha ay dadku ka eegaya ayaa waxaa kamid ah; shaqadiisa, shaqsiyadiisa iyo howlihii uu dalka u soo qabtay mudadii uu noolaa. Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, Jimcadii, waxaa lagu qabtay isu soo bax loogu duceynayey marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, taasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu madaxweynaha ugu sareeyo. Isu soo baxa ayaa waxaa lagu qabtay garoonka Banaadir kaasi oo haatan loogu magac-daray marxuumka, uuna si rasmi ah ugu dhawaaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]. Marxuumka ayaa dadka looga dhex-yaqiinay naaneysta “Injineer Yariisow”. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay is-waydiinayaan ama ay jeclaan lahaayeen in ay ogaadan qaabka ay ugu baxday naaneystaasi. Hodan Cali, agaasimaha Waaxda Arrimaha Bini’aadanimadda ee maamulka gobolka Banaadir oo maqaal ka qortay dhimashada Cabdiraxmaan ayaa soo bandhigtay sheekadda ka dambeysay naaneystaasi. Qormadda oo ciwaan looga dhigay; Waan sii wadaynaa noloshii holaca ee duqa, ayaa waxaa lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Daily Nation kaasoo kasoo baxa Nairobi, magaala madaxda Kenya. Sidda ku xusan faaladda, dulucda naaneystaasi ayaa waxay ahayd in uu ahaa Injineerka ugu da’da yar fasalkii uu dhinayey markii uu ardayga ahaa. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow ayaa waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Banaadir taariikhdu markay ahayd, 16-kii August sanadkii 1965-kii. Waxbarashadiisa dugsi hoose, dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey Jaamacadda Gaheyr, kuliyadda Civil Engineer, sanadkii 1986-kii. Hodan ayaa la sheegay in ay kamid ahayd shaqsiyadii ugu dambeeyay ee la kulmay marxuumka daqiiqado kahor inta uusan dhicin qaraxaasi oo ay dowladdu sheegtay in ay fulisay haweenay araga la’. Qoftaasi dumarka ah oo shaqaalaha xafiiska Yariisow kamid ah isla markaana garab ka heshay ruux kale oo isla dumar ah kuwaasi oo adeegsaday magacyo been ah markii shaqadda loo qorayey. Haweenayda is-qarxisay ayaa sheegatay magaca Basiira Cabdi Maxamed, balse baaritaan kadib waxaa lagu ogaaday in midka saxda ah uu yahay Maryama. Maryama oo indhoole ahayd ayaa kala shaqeyn jirtay Yariisow u gargaarida dadka naafada ah, waxaana ay ka heshay marxuumka soo dhaweyn iyo garab istaagid, waxayse ugu badashay dil. Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo si yaabo kala duwan ug fal-celiyay is-qarxinta haweenayda ayaa waxay ku tilmaameen “naxariis-lay iyo mid abaal-daran”. Sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, haweenaydan ayaa maalmihii ugu dambeeyay oo ay kulmaan Yariisow waxa uu siiyey aduun dhan tobban kun oo dollar. Lacagtaasi ayaa loogu gacan-geliyay ka gedaal markii ay sheegatay in ay daaweyn u adeeyso dalka Hindiya. Balse baaritaan la sameeyay waxay muujiyeen in ay ku aadan mid kamid ah degaanada ay Al-Shabaab maamusho. Eng Yariisow oo kasoo muuqday dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray ayaa soo qabtay xilal ay kamid yihiin; Lataliye sare oo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo lataliye sare si lamid ah afhayeenka xafiiska madaxweynaha. Xigasho Garowe Online
  12. Burco(SL-T):-Hooyo Muna Oo Umada Islaamka Ka Codsatay In Loosoo Badbaadiyo Inanteedii Oo Uu Magafe Ku Haysto Dalka Liibiya, Fadlan Caawi Source
  13. Odoyaal iyo Culimo udiin maanta shir jaraa,iid ku qabtay GAROWE ayaa faahfaahin ka bixiyay go,aamo kasoo baxay Shir todobaad uga socdey mid ka mid ah beelaha Gobolka Nugaal magaalada Qarxis oo hoostagta degmada Eyl. Odoyaasha iyo Culimada ayaa sheegay shirkaas inay kasoo saareen go’aamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dhismaha wadada Eyl in looga dambeeyo Dr Aadan Maxamed Ciise Gaadaale oo ay sheegeen inuu kasoo shaqeynayay muddo islamarkaana aysan jirin cid kale oo u dhaxeyn karta dowladda,shirkadda dhisaysa iyo beesha oo uu wakiil uga yahay Aadan Gaadaale. Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen odoyaasha iyo culimadda la hadlay saxaafadda inay wax ka bedel ku sameeyeen habkii horre ee xeer beegtida beeshu ay ku wajahi jirtay falalka la xidhiidha qisaasta,kufsiga iyo magaha. Waxayna sheegeen ka dib markey dhibaatooyin badan kasoo noqnoqdeen habkii horre in hadda ay uga guureen ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Arrintaan waxay sheegeen inay meesha ka saareyso xeerarkii horre ee lagu dhaqmi jirey falalka qisaasta,kufsiga iyo dhaawaca oo iminka ay ku bedesheen inay ku wajahi doonaan xukunka shareecadda islaamka. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran iyo sawirada PUNTLAND POST The post Mid kamid ah beelaha gobolka Nugaal oo go’aanno ka soo saartay shir uga socday degaanka Qarxis appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka ee dalkaasi ay gubeen illaa labo gaadiid ah oo lahaayeen dad Soomaaliyeed. Ciidamada ayaa la sheegay in gawaaridaasi oo ahaa kuwa Xamuulka qaada ay dab ku qabad siiyeen agagaarka deegaanka Libooya oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay ciidamadu gubeen gaadiidkaasi. Inta badan ciidamad Kenya ayaa dhibaatooyin ka geysta deegaanada dhaca xadka Soomaaliya, marka ay halkaasi ka fulinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay marar badan falal bur burin ah kula dhaqaaqeen xarumo isgaasiineyd oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya. Arrintan ayey dad u badan u arkaan in ay Kenya uga aar gudaneyso weerarada Al-Shabaab la beegsato xarumaha ganacsiga iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. PRESS RELEASE New South Sudan Strategy Maps Way Forward for Communities Returning Home After Displacement The September 2018 signing of the Revitalized Agreement on the Resolution of Conflict in South Sudan has brought increased security and stabilization in more and more of the country JUBA, South Sudan, August 9, 2019/ — The conflict in South Sudan has caused immeasurable suffering. In the past six years, international observers have estimated 400,000 people have died. Today, at least 4.1 million people remain displaced—two million within the country—having fled their homes in search of safety. Now, South Sudan is showing signs of recovery. The September 2018 signing of the Revitalized Agreement on the Resolution of Conflict in South Sudan has brought increased security and stabilization in more and more of the country, providing new opportunities for displaced populations to go home. Over the past 11 months since the agreement, some 530,000 individuals have returned, according to IOM’s latest Displacement Tracking Matrix Mobility Tracking report. Nonetheless, millions of people still have to cope with ongoing food insecurity, conflict and violent crime throughout the country—all drivers of crisis—which now have become barriers to recovery that must be addressed to build resilience, peace and stability. IOM South Sudan recently released a roadmap for supporting conflict-affected communities as they transition from crisis to development, particularly displaced populations preparing to return home. The Return, Recovery and Resilience Strategy is designed to promote sustainable returns and recovery. “By bringing local actors to the forefront of the return and recovery process, we will support them to drive transformative change in an inclusive manner,” said Jean-Philippe Chauzy, IOM South Sudan Chief of Mission. “We’ll engage communities through their capacities rather than their needs, regarding them as active drivers of recovery, as opposed to passive recipients of aid.” IOM has been implementing such recovery and resilience projects in South Sudan since 2011. Given its role as the global migration agency, IOM draws on decades of experience worldwide responding to the challenges in situations where conflict meets forced migration, as well as a long history of adapting its humanitarian response to the needs of affected populations. Moreover, IOM is committed to working with partners to uphold the dignity and well-being of returnees. Improving access and provision of services is vital for communities’ sustainable return. That builds trust across conflict lines and helps returnees resume economic activity and receive protection. “This strategy will act as a blueprint for each target location in South Sudan, especially where we can leverage our current operational presence, existing community and partner relationships and contextual knowledge,” Chauzy added. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad u dhaliilay warbixintii natiijada baaritaanka ee ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, isaga oo soo bandhigay sagaal su’aal oo aan weli laga jawaabin. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay facebook. Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah! Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida: 1. Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka? 2. Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa? 3. Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh? 4. Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin? 5. Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)? 6. Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay? 7. Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun? 8. Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha? 9. Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa? Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah, sidaas daraadeed waa in la sameeyo gudi madaxbanaan oo khibrad iyo aqoon lagu soo xulay, baaritaano tifaftirana soo sameeya, si looga gungaaro xaqiiqada dhabta ah ee masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir. Hon. Mahad Salad
  17. G/sare Xuseen Cali Maxamud Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa ku amray shacabka magaalada Boosaaso in aan wax gaadiid ah la isticmaali karin laga bilaabo caawa 12:00am ilaa 10:00am ee berri oo Axad ah kuna beegan maalinta Ciidda ah. Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen si loo adkeeyo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland maadaama ay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan. Sidoo kale maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliiska gobolka ayaa mamnuucay in Lagu tukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray. Hoos ka daawo go’aannada ka soo baxay Booliiska PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo bandow gaadiid saaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  18. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dab xoogan oo qabsaday buuraleey kuyaal duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana dabku uu xilligaan ku sii [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina. Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn. Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood. Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay. Sawirro laga qaaday Xujeyda islamarkaana la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya iyaga oo jiifa dhulka. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr sharikadood u oggolaatay in ay Xujeyda Soomaalida geeyaan Xajka,waxaana jiray tartan la geliyay in ka badan 80 Sharikadood. Tartanka ayey xukuumaddu sheegtay in ay ku soo baxeen 58 sharikadood kuwaas oo xaq u yeeshay in ay xujeyda daabulaan. Hoos ka dhageyso wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Wasiir-ku-xugeenja-Awqaafta-iyo-Arrimaha-Diinta-ee-Soomaaliya-oo-ku-eedeyay-q.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. (SLT-Ceerigaabo)-Buuralayda Gobolka Sanaag Ee Uu Ku Sugan Yihiin Ciidammada Kornayl Caarre Oo Dab Xooggani Ka Kacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI Md Cismaan Afgaab Nuur ayaa sheegay in shir guddida fulinta ee xisbigu yeeshay 08-08-2019 lagu go’aamiyay xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe waxaanu farriin u diray xubnaha ka qayb galaya shirka. “Shir ka qabsoomay xarunta xisbiga oo guddida fulintu ay isugu yimaaddeen sideedii bishan waxa lagu go’aamiyay in shirkii Golaha Dhexe qabsoomo 28-ka ilaa 29-ka bisha sagaalaad (28-29, September 2019), kana qabsoomo magaalo madaxda Togdheer ee Burco,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu farriin u diray xubnaha Golaha Dhexe oo uu ku boorriyay in ay wakhtiga ilaaliyaan “ Waxa kale oo aan farriin u diraya qof kasta oo Golaha Dhexe ka tirsan waxa loo soo diri doona farreen iyada oo loo tilmaamayo xilliga uu imanayo xarunta iyo xilliga uu qaadanayo kaadhka, marka qof kasta oo farriintaasi soo gaadho waxaanu ku wargelina in uu ilaaliyo wakhtiga uu tilmaamayo qoraalka ku soo gaadha oo qof walba sidooda u fuliyo farriimaha soo gaadha,’ ayuu yidhi Md Cismaan Afgaab. Geesta kale waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii guddida doorashooyinka ee ku aaddana in aanay doorashadu ku qabsoomayn xilligii loo asteeyay. “Signalka waxaanu dareensan nahay in ay xukuumaddu bixisay sida ay u hadlayaan ay xukuumaddu gudbisay sida ay u hadlayeena ku talo gal ayuu ahaa waxaanay u eeg tahay in ay beesha caalamka ogaysiinayeen reer Somaliland-na niyadda kaga xumaynayeen in aan waddanka wax doorasho ahi ka qabsoomayn “Waa nasiib darro in iyaga oo muran sanad iyo badh soo jiitamayay daraf ka ahaayeen in ay maalintii u dambeysayna laad ku sii dhuftaan wixii la kabkabayay arrintaas nasiib darro ayaan u arkaa,” ayuu yidhi Cismaan Afgaab Source