Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Florida)-Shirkadda Facebook ayaa soo bandhigtay shuruuc cusub oo khusaysa xayaysiimaha siyaasadeed, arrintan ayaa timid ka hor doorashada madaxweynenimada Maraykanka, iyadoo laga cabsi qabo in shirkadda loo adeegsado si aan habboonayn. Dadka raba inay xayaysiimo u sameeyaan siyaasadda ayaa hadda ka dib laga dalban doonaa in ay aqoonsigooda soo gudbiyaan, ka hor inta aan la siinin calaamad “xaqiijinaysa in ururkaasi yahay mid sax ah”. Waxay qayb ka tahay isku dayo badan oo lagu doonayo in wax looga qabto dad hore u sameeyay xayaysiimo ay ku gudbinayaan macluumaad khalad ah ama marin habaabin ah iyaga oo oga gol leh in ay ku saameeyaan codbixiyeyaasha. Xayaysiimaha lacagta lagu siiyo Facebook ayaa caan ka dhex noqday ol’oleyaasha siyaasadda iyo ururrada kale si loo bartilmaameedsado codbixiyeyaasha. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in Ol’olihii Trump ee 2016 xayaysiimaha lagu bixiyay 70 milyan oo doollar. Facebook ayaa dhaqan galinaya hanaan daah furnaan oo dal-dal ah, arrintaas oo billaabatay tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in qolyo uu fadhigoodu yahay Ruushka ay Facebook soo galiyeen macluumaad ay ugu talo galeen in ay ku saameeyaan codayntii doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016. Facebook ayaa tan iyo sannadkii 2018 xayaysiimaha siyaasadda Maraykanka ku laraysay “lacag ayaa lagu bixiyay” balse sharcigaasi ma xaddidayn si xun u adeegsashada. Shirkadda ayaa dhawaan sheegtay in ay mamnuucday Falun Gong oo lala xidhiidhiyay Epoch News ka dib markii warbixin ka soo baxday NBC lagu shegay in si been ah astaantooda loogu adeegsaday si dad badan loo gaadhsiiyo xayaysiimaha Trump. Source
  2. TICAD 7: Japan, South Africa and the African Development Bank unveil priorities to accelerate Africa’s technology transformation journey “Let’s be visionary. Let’s be bold. Let’s support concrete initiatives to boost science, technology, and innovation in Africa,”- Akinwumi Adesina Yokoyama, Japan, 29 August 2019 – Science, technology and innovation as well as human resource development are critical in Africa, a continent, which has the biggest potential on earth, Prime Minister Shinzo Abe said at the Science and Technology in Society (STS) forum held in Yokohama, on Wednesday, as part of TICAD 7. The Science and Technology in Society forum (STS forum) is one of the largest and most influential nonprofit organizations established in 2004 by Mr. Koji Omi, a former Japanese Minister of Finance. The Forum aims at strengthening cooperation between Japan and Africa in science, technology, and innovation. In his address, Prime Minister Abe also noted the important role that science and technology played in the history of Japan’s modernization. In attendance were Mr. Yasutoshi Nishimura, Deputy Chief Cabinet Secretary, President of the Republic of South Africa Cyril Ramaphosa, Akinwumi Adesina, president of the African Development Bank Group, Koji Omi, founder and chairman of the STS forum, and Asako Omi, member of Japan’s House of Representatives. “South Africa endorses the focus on science, technology, and innovation as a priority theme for TICAD 7, given its great potential to accelerate African development through mutually beneficial partnerships with Japan, President Ramaphosa told participants. “The STS forum has successfully changed global discourse on the role of science in development, we seek the forum’s support in changing the discourse on the role of Africa in science and innovation,” Ramaphosa concluded. Adesina shared insights on the Bank’s work and support to train and develop the next generation of scientists. Since 2005 the Bank has provided financing of over $2 billion to support education, resulting in educational opportunities for 6 million students. “We are proud of our investment in supporting the establishment of the Regional Center of Excellence in Kigali in conjunction with the Carnegie Mellon University, which is providing world-class Masters degree training in ICT. I am delighted that all the students that have graduated from the university have 100% employment, including setting up their businesses,” Adesina said in his keynote remarks. The Bank has supported the establishment of ICT digital parks in Senegal and Cape Verde and is working with the Rockefeller Foundation, Microsoft, Facebook, LinkedIn and Safaricom to establish coding centers in several countries. Adesina offered some key areas to prioritize in science and technology, including the establishment of regional centers of excellence; the urgent need to increase the share of GDP devoted to science and technology and close the gender gap in higher education. “Let’s be visionary. Let’s be bold. Let’s support concrete initiatives to boost science, technology, and innovation in Africa,” he concluded. Ministers for Science and Technology, Ambassadors, executives of international and national Agencies and business in Africa and Japan attended the Forum. TICAD 7 runs from 28-30 August in Yokohama, Japan. Qaran News
  3. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in ay degmada Howladaag ee Muqdisho ay ku qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab. War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa nan lagu soo bandhigin magaca shaqsigan. NISA ayaa baahisay sawirro laga soo qaadey ruuxan, oo la tilmaamay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta. Qoraalka NISA ayaa u qornaa: “NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan”. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashada Sirdoonka Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay in sarkaalkii maanta ay hadda NISA sheegtay in lagu qabtay magaalada Muqdisho, uu ka tirsanaa qeybta warbaahinta ee kooxdaas. Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta kooxdaas ayaa sheegay in ninka sawirradiisa lasoo bandhigay uusan weligiis ka mid noqon weybta warfaafinta Al-Shabaab. “Ninka ay sirdoonka Soomaaliya sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internet-ka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Al-Shabaab ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, wax xiriir ah oo kala dhexeeya xafiiska wafaafintana haba yaraatee ma jiro” ayuu yiri sarkaalka ay soo xigteen warbaahinta taageerta Al-Shabaab. Sarkaalkan ayaa sidoo kale intaas ku daray in ninka la sheegay in uu xafiiskooda ka tisan yahay uusan wligiis kamid noqon hawlwadeenada xafiiskaas, wax aqoon ah oo ay uleeyihiina haba yaraatee aysan jirin. Al-Shabaab ayaan inta badan ka hadal saraakiisha laga qabto, waxaana warkan kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo ka tirsanaa warbaahinta Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Howlwadaag. NISA ma aysan shaacin xilliga la qabtay iyo magaca sarkaalka, hase yeeshee qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa la socday sawirrada ninka la qabtay, ayada oo qiyaas ahaan ay da’diisa u muuqato soddon dhammaad ama afartan horraad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-29082019.mp3 View the full article
  6. (SLT-Tehran)-Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in haddii Mareykanka ay wada-hadallo doonayaan, ay marka hore qasab tahay inay u hoggaansamaan heshiiskii sannaddii 2015 laga gaadhay barnaamijka Nukliyeerka Iran. Isaga oo maanta ka hadlayey dalka Malaysia, oo uu booqasho ku joogo, ayaa Zarif waxa uu Mareykanka ku eedeeyey inay “ku lug leeyihiin argagixisanimo dhaqaale oo ka dhan ah shacabka Iran.” Waxa uu tusaale usoo qaatay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga baxay heshiiskii 2015, kaasi oo Iran ay ogolaatay kadib wada-hadallo socday laba sano oo ay la gashay dalalka Mareykanka, Britain, Shiinaha, France, Russia, Jarmalka iyo ururka Midowga Yurub. “Kama aynan tagin heshiiskaas. Waxaan weli miis la fadhinaa shan dal oo kale iyo Midowga Yurub, Mareykanka wuxuu ahaa dalkii lixaad ee go’aansaday inuu ka baxo.” Ayuu yidhi Zarif. “Sidaas darteed, haddii ay doonayaan inay kusoo noqdaan qolka, waxaa jira tikit ay tahay inay iibsadaan, tikit-kana waa u hoggaansamidda heshiiska.” Trump ayaa aad u dhalleeceeyey heshiiskaas, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid aad ugu wanaagsan Iran, islamarkaana uu furay waddo ay si fududd ugu sameysan karto hub Nukliyeer. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxa xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in aanay aqoon u lahayn, islamarkaana ogayn in Mr Donal Molosi oo ay ku marti qaadeen Bandhigga Buugaagta Hargeysa u ololeeyo dadka isku jinsiga ah. waxa uu ku dooday in ay muhiimadda siiyaan dadka iyo dalalka kala duwan ee Somaliland imanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Riyadh)-Gantaal ay Yemen ka soo rideen Kooxda Xuutiyiintu ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Abha ee Dalka Sucuudiga, Arbacadii Xalay. Gantaalka oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee Xuutiyiintu la beegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Abha ayaan sababin dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu ku warramay Wargeyska The National. Col Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada Yemen, ayaa sheegay in gantaalku uu Garoonka ku dhacay Xalay 11:30. Kooxda Xuutiyiinta ayaa iyaguna xaqiijiyey inay Gantaal ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee Abha. “Ficilladan socdaa waa Dambi dagaal..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xulafada oo Maanta hadlay Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa isaguna sheegay inay Gantaalka la beegsadeen goob Madaarka Abha ka mid ah oo Diyaaradaha lagu xereeyo, hase-ahaatee ma sheegin inay bartilmaameedkoodii la heleen. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Eng Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in uu tagayo caleemo saarka madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), haddii uu ammaanku u saamaxo. “Axmed Madoobe Caleemo Saarkiisa Waan Tagayaa hadii Nabad Galyada Meeshu Wanaagsan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlayay shirka golaha Dhexe ee xisbiga UCID ugu soo dhammaaday Burco. Eng Faysal ayaa muddooyinkii u dambeeyay sheegayay in mucaaradka Farmaajo uu taageerayo, islamarkaana doonayo in Somaliland faro geliso siyaasadda Soomaaliya iyada oo cid kasta oo Farmaajo iyo xukuumaddiisa iska caabiyaysa gacan siinayso. Source
  10. (SLTHargaysa) Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Ammaanay Shaqada Ay Qaranka Uhayaan. Source
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii uu Madaxweynaha maamulka Puntland uu ku sheegay in uu wada heshiisinayo Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa hore u sheegay in uu maamulkiisu diyaar u yahay in magaalada Garoowe ay martigeliso shirar looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu si adag uga hadlay baaqaasi ka soo yeedhay Madaxweyne Deni, isagoona dowladda federaalkana eedeymo u jeediyey, wuxuuna yiri “Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Soomaaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Soomaaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya”. “Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Soomaaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Soomaaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Soomaaliya ee uu la midka yahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya diyaar uma aha wada-hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Soomaliya waxay ogtahay inay wada-hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”. “Wadamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xogogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqodaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba noqdaan, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Madaxweyne Ku-xigeenkad Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay arrimo muhiim ah. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo golayaal deegaan u dhisaysa in ka badan 8 degmo & nuxurka shirkii golaha xukuumadda. appeared first on Puntland Post.
  13. Munaasabad tababar loogu soo xireyey Ciidamo gaaraya laba boqol oo Askari oo qeyb ah Booliska gaarka ah ee dawlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta ka dhacday Magaaladda Jowhar, waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha maamulka Maxamed Cabdi Waare, Taliyeyaasha Ciidamada Hirshabeelle, saraakiil ka socota Booliska Federaalka, Amisom Boliis, UN iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle C/qaadir Aadan Jeelle ayaa sheegey in Ciidanka maanta tababarka loo soo xeray ay yihiin Dufcadii labaad ee Ciidanka gaarka ah ee Booliska Hirshabeelle. Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegey in dawlad goboleedka Hirshabeelle ay u suurta gashay inuu yeeshaan Ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono howllgalada Iyo Xaqiijinta Amniga deegaanada HIrshabeelle. Dhanka kale wasiir C/qaadir jeelle ayaa sheegey iney dufacadaan tii ka horeysey ay ka qeyb qaateen isku-furka wadada xiriirisa Muqdisho iyo jowhar, iyaddoo dufacadaan ay ugu tala galeeen xoreynta degmooyinka ka maqan gacanta maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Hobyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Mudug ayaa sheegayo inuu dhaawac soo gaaray madaweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin. Dhaawaca soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa la sheegay inuu ahaa shil gaari oo ka dhacay Gobolka Mudug sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug. Shirka Gaari ee uu ku dhaawacmay Caalin ayaa la sheegay inuu ka dhacay Deegaanka Gawaan oo u dhaxeeyo Wasil iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug. Faahfaahin dheeraad ah lagama helin nooca dhaawaca ah ee soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug. Caalin ayaa horey usoo noqday madaxweynihii Galmudug ka hor inta aan la sameyn maamul Goboleedyada. Wuxuu hadda kamid ahaa xubnihii ka qeyb galayey shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wixii kusoo kordha xaaladda Caalin waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeer ku tagey xafiisyada kala duwan ee ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Xamar. Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isagoo ammaanay hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey. Guddoomiyaha cusub ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka waaxihii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee D/hoose iyo Maamulka Gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda gali doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina horyaalla”. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka.
  16. All planes flying to Kismayo Airport will first have to land in Aden Abdille International Airport in Modadishu, federal government of Somalia has announced. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, sida ay goordhow shaacisay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo ka tirsanaa warbaahinta Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Howlwadaag. NISA ma aysan shaacin xilliga la qabtay iyo magaca sarkaalka, hase yeeshee qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa la socday sawirrada ninka la qabtay, ayada oo qiyaas ahaan ay da’diisa u muuqato soddon dhammaad ama afartan horraad. Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa aad sare ugu qaadday howl-gallada lagu beegsanayo Shabaabka ku dhex jira magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayada oo lasoo qabtay qaar badan oo ka mid ah, oo shaqooyin kala duwan ka dhex hayey kooxdan. Dadaalladan ayaa hoos u dhigay qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee kooxda ay ka fulin jirtay gudaha magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Vacancies: 6 Positions for Banadir Regional Administration (BRA) : Administration Officer Communication Officer Engineer Surveyor Finance Officer Architectural Engineer Project Coordinator Source: goobjoog.com
  19. Terms of Reference Position Title Project Coordinator Department Coordination Unit Reporting to Director General/Project Manager Duration 20 Months (depending on continued budget availability and need for the position as well as satisfactory or better performance evaluations) Duty Station Banadir Regional Administration (BRA) Mogadishu Somalia) Background Somalia Strengthening Institutions for Public Works Project (SSIPWP) The SSIPWP project is the centre piece for building the capacity of the Federal Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing (MPWR&H) and the recently established state-level Ministries and the Banadir Regional Administration (BRA) by developing more effective, efficient, inclusive and accountable institutions for public works and infrastructure. The SSIPWP project is funded by the African Development Fund (ADF) and the Transition Support Facility (TSF) of the African Development Bank (AfDB) and implemented through a Tripartite Protocol Agreement between the Somalia Federal Government, African Development Fund and the United Nations Office for Project Service (UNOPS). The purpose of the SSIPWP project is improve the capacities of MPWR&H, State-Level Ministries and BRA responsible for public works to enable them independently plan, manage and oversee infrastructure construction projects and maintenance of public works (Project Appraisal Report, 2016). Purpose of the Position · Lead and manage staff, contributing to their capacity building and career development Scope of Service Reporting to the Director General/Project Managerand has to Monitor and review performance and hold staff accountable for meeting the success criteria; give corrective feedback where required and take decisive action in the case of poor performance. Duties and Responsibilities, include, but are not limited to: Ensure that programmes are implemented according to agreed objectives and achieve agreed results in line with Concern’s and donor policies and procedures Ensure all expenditure is authorized and spent in accordance with Concern’s internal procedures; review monthly expenditure and ensure it is in line with programme plans. Ensure the allocated budget is utilized effectively and any necessary adjustments are requested in a timely manner. Technical coordination of the project throughout the different components (infrastructure, capacity building) as well as the preparation and the organization of the activities in close coordination with Ministry authorities and Project team and when needed MPWRH FGS. Support, accompany and manage the team and partners in the planning, implementation, monitoring, evaluation and learning of the activities Ensure compliance with guidelines, policies and procedures at all stages of program implementation Ensure proper and timely financial and narrative donor reporting in compliance with internal and external reporting requirements Prepare briefings and background information when requested by PM and other entities Maintain a good level of communication with any relevant stakeholders and dialogue with all relevant actors involved in the area Be in charge of the communication and visibility of the project by promoting the actions as per the communication plan. Ensure all staff understand the Core Humanitarian Standard and that the Complaints and Response Mechanism is functioning in the office and all programme areas. Ensure beneficiaries are aware of Concern’s accountability engagement related to sharing information regarding Concern’s mission and activities as well as the Complaints and Response Mechanism. Ensure the ongoing staff training or refresher sessions on the Code of Conduct and Associated Policies and the Anti-Fraud Policy. Any other tasks assigned by the procurement department head. Required Qualifications, Experience and Skills Master or Bachelor degree in law, political sciences, public administration, international relations or equivalent. Excellent, proven organizational and project management skills, preferably in a multi-cultural and international environment Capacity to establish effective working relations with public institutions and non-state actors including at senior level and to ensure an efficient co-operation with the AFDB Delegation At least 5-6 years of professional experience Proven capacity in team management and ability to security management Good command of program and project management life cycle including strategic planning, development, management, monitoring and evaluation Excellent communication skills ability to adapt to a diverse multicultural environment Diplomacy, patience and rigor Good interpersonal skills Proven experience in drafting institutional documents and reports Ability to work under pressure, Fluency in Somali & English. Submission Guideline: Interested Somali candidates who meet the criteria above are encouraged to send their application letters and detailed CVs to brassipwp@gmail.com, Closing date by 5th Sep 2019 @5: 00 pm. Kindly indicate “Project Coordinator BRA Mogadishu Somalia& VAno 0092/19” on the subject line when applying. Qualified Female candidates are highly encouraged to apply. Only shortlisted candidates will be contacted. Source: goobjoog.com
  20. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax noociisa lagu sheegay Miino oo ciidamo ka tirsan dowladda lagula eegtay isgoyska Albaraka, degmada Hodan ee Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay uu taagtaa gaari nooca loo yaqaano Qooqanta oo ay la socdeen askar. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhinaca Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka ah. Khasaaraha ka dhashay dhacdadan ayaa lagu tilmaamay dhaawac soo gaarey askar la socotay gaariga, kuwaasi oo baxbaano loola cararay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan oo kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabqabtay tirro dad ah. View the full article