-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Kuxigeenka taliyaha booliska ee Soomaaliya, Sareeye-guutoZakiya Xuseen, waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay: “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa taariikhdu markay ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane Cabdirashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.” Dowladda wali ma bixinin faafaahin ku saabsan in maxkmad la soo taagi doono Janan iyo In kale. Soo shaacbixii Janan Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da’yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi. Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya. Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya. Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi. Dagaallada uu ka qeybgalay Cabdirashiid Janan waxaa la sheegaa inuu dagaallo kala duwan ka qeybgalay. Sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalami jirtay ururka Al-Itixaad ee ka soo horjeeday ciidammadii Itoobiya ee Gedo soo galay, kaas oo uu ka soo helay khibraddiisa dagaal walow aanan la ogayn tirada dagaallada uu waqtigaas galay. Markii uu noqday gudoomiyaha degmada Doolow, waxa uu bilaabay inuu abaabulo ciidamo isaga ka amar qaata oo daacad u ah kuwaas oo ay u tababareen una qalabeeyeen ciidammada Itoobiya. Dagaalladii ugu cuslaana wuxuu la galay ururka Al-Shabaab oo muddadaas haystay inta badan degmooyinka gobolka Gedo. Hasayeeshee Cabdirashiid Janan wuxuu ku dhaawacmay mid ka mid ah dagaalladii uu la galay ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa in dagaalkaasi uu Shabaab iyo ciidammadiisa ku dhexmaray inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Garbahaarey. Tacaddiyada lagu eedeeyay Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo. Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha. Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”. Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”. “Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo,” ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango. “Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya”, ayuu yiri Seif Magango. “Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiray uuna musaafuriyay qaar ka mid ah dad ku noolaa magaalooyiinka uu ka taliyay ee maamulkiisa uu gaaray. Eedahaas waxaa ka mid ah dagaal bartimihii sannadkii 2016 ka dhacay magaalada Baledxaawo halkaas oo lagu dilay laba qof iyo lix kalana lagu dhaawacay ka dib markii “ciidammada Jubaland ay weerrareen maleeshiyo ay sheegeen inay isku uruursanayeen magaalada”. Hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan “Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha”. Sidoo kale waxay la xiriiriyeen “Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo” muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017. Waxaa ka sii horraysay eed aheyd inuu si bareer ah u toogtay oo maydkoodana uu bannaanka ku tuur afar qof oo haweeney ay ka mid aheyd oo ku jiray xabsiga degmada Doolow, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria. Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin. Shilkii gaari Cabdirashiid Janan, bilowgii sannadkii 2015-kii, wuxuu dalka Itoobiya ku galay shil gaari. Dhaawac culus ayaa shilkaasi ka soo gaaray waxaana markii hore lagu dabiibay isbitaal ku yaalla dalka Itoobiya markii dambana dibadda ayaa loo sii qaaday. Shilkaas wuxuu saameeyay caafimaadkiisa. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur waxaa wajigiisa ka muuqda raadka qalliinnadii lagu sameeyay intii lala tacaalayay. Muddo ayuu ka maqnaa xafiiska awoodda badan ee uu ka hayay maamulka Jubbaland ee ah wasiirka amniga. Shaacinta dilkii Dulyadayn Bartamihii bishii June ee sannadkii 2016, wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo magaalada Kismaayo kula hadlay wariyayaasha, ayaa xaqiijiyay in ragga la dilay uu ku jiro Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), iyo ciidan tiradoodu uu ku sheegay 16 oo 4 ay saraakiil Al-Shabaab yihiin. Saraakiisha kale ayuu magacyadoodu ku sheegay Farxaan iyo Macalin Isxaaq oo “qaraxyada Kismaayo u qaabilsanaa” ururka. Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof. Xigasho: BBC Somali
-
Buulo-burte (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo Milatari ka wada qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa balaaran ayaa waxa ay ka socdaan agagaarka degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee gobolkaasi. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in u jeeedka howlgalladan uu yahay mid lagu baadi goobayo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyey halkaasi. Xalay iyo shalay gelinkii dambey ayaa waxa ay weeraro kala duwan ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca, Macalin Maxamuud iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka maamulkaasi iyo shirka dib u heshiisiinta oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ka dalbaday hoggaanka Ahlu Sunna inay gacan ka geystaan dadaaladda loogu jiro dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo aadkeeyey, iyadoo ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee dhowaan la geeyey magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa manta la kulmay saraakiisha,saraakil xigeenada iyo ciidamada Asluubta. Kulankasi waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha amniga, xanaaneynta , ka war qabidda maxaabista iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah shaqo maalmeedka. Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil ,saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta ,isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka. Sidoo kale Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta waxa uu maanta Kormeeray xafiisyada ay ku shaqeyaan saraakiisha Ciidanka Asluubta. Dhowaan taliyaha cusub ee Asluubta ayaa xilka kala wareegay Bishiir Goobe oo labo jeer soo qabtay xilkaasi, kadib munaasab ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baaritaano ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho. Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Garasbaaley. Ciidamada dowladda ayaa howlgalladaasi ku soo qab qabtay tiro dad ah, kuwaas u badan dhalinyaro. Maxamuud Xaashi Cali guddoomiye waaxeedka laanta 1-aad ee deegaankaasi ayaa ka warbixiyey baaritaanadan oo uu ujeedkoodu ku sheegay in lagu xaqiijinayey amniga. Howlgaladan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay qarax xoogan iyo iska hor imaad uu ka dhacay agagaarka isgosyka Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-03092019.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay agaasimihii hore ee madaxtooyada maamulka HirShabelle, oo lagu magacaabo Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi). Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa baahisay sawirrada iyo codka Xasan Mahdi, oo dhowr bilood ka hor xilka laga qaaday, kaasi oo ay sheegtay inuu isku dhiibay maamulka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Xasan Mahdi ayaa wareysiga uu siiyey idaacadda Andalus ku sheegay inuu muddo saddax bilood ah uu agaasime madaxtooyo horey ugu ahaa madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Waxa uu sidoo kale wareysiga ku sheegay in uu isaga baxay siyaasadda uu ugu yeeray “mid ku dhisan shisheeye la shaqeynta ee ay ku dhaqmaan maamullada ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.” Xasan Mahdi ayaa sheegay in Shabaabka aysan soo wicin una sheegin inuu isa soo dhiibo, balse uu isaga doortay inuu waco, la xiriiro, islamarkaana u sheego inuu doonayo inuu “towbad keeno”, sida uu hadalka u dhigay. “Markii cashar diini ah la I siiyey, oo qur’aanka la I tusay, xadiiska la I tusay, ayada oo aan la I dhihin riddo ayaa tahay, aniga ayaa ogaaday inana riddo ahaa” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
A group of 50 Somali women refugees producing traditional handicrafts in the Dadaab refugee camps in northeastern Kenya is becoming self-reliant through the promotion of of Somali culture. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta uu kulan gaar ah la qaatay hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biiray Galmudug. Guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa waxaa ay ku booqdeen Ra’iisul Wasaaraha hoyga uu ka degan yahay Magalada Dhuusamareeb. Ra’iisul wasaare Khayre iyo hogaanka Ahlusuna ayaa kulankaan waxay uga wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii yaraa ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka & Ahlusunna iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadisey dedaalada ay madaxda Ahlusuna ku bixinayaan sidii lagu heli lahaa Galmudug loo midaysan yahay. PUNTLANDPOST The post Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre & madaxda Ahlusuna. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in deegaanadeeda laga wado Mashruuc ay soo saxeexday dowlada federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen mashruuca uu baanka horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah wadada isku xidha magaalooyinka Borama iyo Lowyacado. Wasiir Cabdilaahi Abokor oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Mashruuca waxa Maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika, Mashruuca Hal-abuurkiisana waxa lahayd Dawladda Somaliland, waxaanu markii uu Madaxweynuhu Jabuuti tagay uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in Waddadaa (Boorama iyo Lowyacado) wax lagala qabto”. “Madaxweynaha Jabuuti wuu ka hawl-galay waxaanu Baanka Horumarinta Afrika ka codsaday in Waddadaa loo dhiso, waxa ka wada codsaday Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, Dawladda Soomaaliyana markii dambe qayb ka noqotay, maaddaama oo aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Afrika ee saxeexa Mashaariicda” Wuxuuna intaas kusii daray “Innaga Soomaaliya waxay inoola mid tahay Itoobiya ama Jabuuti oo kale, Mashruucaana waxa wada saxeexay Saddexdaa Dal, maaddaama oo aynaan innagu ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika”. “Mashruucaa shaqadiisana Somaliland baa gacanta ku haysa, laakiin Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wada saxeexay Mashruucaa, maaddaama oo ay qayb ka yihiin baanka Horumarinta Afrika”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay. Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen. Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga. Qaran News
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta sheegay in dalkiisu aanu wada-hadallo laba dhinac ah la yeelan doonin Mareykanka. Isaga oo ka hadlayey baarlamanka, ayuu Rouhani sheegay in habka kaliya ee wada-hadallo ay ku dhici karaan ay tahay, haddii Mareykanka uu qaado dhammaan cunaqabateenada ka dhanka ah Iran. Waxa uu sidoo kale shuruud ka dhigay in wada-hadallo kasta oo markaas kadib dhacaa, ay noqdaan kuwa ay ka qeyb-galaan dhammaan saxeexayaasha heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran laga gaaray 2015. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa heshiiskaas ka baxay sannadii tagtay kadib markii uu si aad ah u dhalleeceeyey qodobada heshiiska, oo ay ku lug lahaayeen dalalka Britain, China, France, Russia, Germany, iyo Midowga Yurub. Trump ayaa toddobaadkii tagay muujiyey inuu u furan yahay inuu la kulmo Rouhani, isaga oo yidhi “waxaa jira fursad aad u wanaagsan”, oo ay Iran ku wada-hadli karaan. Trump ayaa sheegay in heshiis kasta oo cusub oo la galayo uu noqdo mid dhaafsan barnaamijka Nukliyeerka Iran, islamarkaana lago daro in Tehran ay xaqiijiso inaysan xiisad kale ka abuuri doonin gobolka, ayada oo qaadeysa dhaq-dhaqaaq militari iyo weeraro. Waxa kale oo uu sheegay in heshiis kasta uu noqdo mid mamnuucaya barnaamijka Nukliyeerka Iran wax ka badan 10-kii sano ee ku dhignaa heshiiskii 2015. Source
-
Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii looga wada hadli lahaa arrimo ay culimada tabanayaan sida: Hirgelinta heshiiskii ay labada dhinac wada galeen iyo hubinta maqaamka ay Ahlus sunna ku yeelan doonto doorashada cusub ee madaxtinimada kadib. Warar kulanka ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in labada dhinac isafgareen, isla markaana lagu balamay in kulamada la sii wado, shirka dib u heshiisiinta ay Ahlu sunna ka qaadato kaalin libaax. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isniintii gaaray Dhuusmareeb, waxaa uuna kulankan dhacayaa todobaad kadib markii kooxda Ahlu sunna ay sheegeen inuu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka ah. Arbacada waxaa lagu wadaa in Dhuusamareeb laga furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo lagu dhisi-doono maamul loo dhan yahay oo ay yeelato dowlad goboleedkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Booqashadan oo aan la shaacin inta ay qaadan doonto ayaa waxa ay salka ku heysaa iskaashiga Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la xariiro xoojinta xiriirka labada dhinac. Xubnaha wafdigan qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda, gaashaandhiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumeysiga ee Somaliland. Ma’ahan booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biixi ku tegayo Jabuuti, isagoo horay ula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa war ka soo saaray safar uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ay saaka ugu baxeen dalka Jabuuti. Warkan ka soo baxay madaxtooyadda oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Somalilandtoday ayaa u dhignaa sida tan: WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay. Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen. Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Somalia: Wasiir Loo Haysto Hal Milyan Oo Dollar, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dowladda Soomaaliya ayaa 9-ka bishaan aynu kujirno ee Sept waxa uu maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ horgeyn doonaa dood iyo difaac ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Arrintaan ayaa waxaa war ka soo saartay dowladda Kenya oo dalbatay in dhegaysiga kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya laga saaro garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha maxkamadda ICJ oo ah nin Soomaali ah. PAF oo ah hayad ay madax ka yihiin dad Kenyan ah una dooda arrimaha geeska iyo Bariga Africa ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in doodahaan laga saaro garsoore Cabdiqawi oo ay ku tuhunsan tahay inuu garab la yahay Soomaaliya. Hayadda PAF ayaa sheegtay in garsoorahaan Soomaaliga ah uusan dhex dhexaad ka ahayn kiiskaan isla markaana ay door bidayaan inay maamulayaan garsoorayaal aan labada dhinac xiriir la lahayn. PUNTLANDPOST The post Kenya oo codsanaysa in dhegaysiga kiiska badda laga reebo garsoore Cabdiqawi. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka u ambabaxaya dalka deriska ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Sida la sheegay wuxuu ku tagaya martiqaad rasmi ah laakiin, ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helayo safarka waxaanay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibaddu ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah bixiyaan. Madaxweyne Biixi ayaa la filaya in ay wehelin doonaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada maana cadda ujeedada safarkan laakiin, wargeyska Geeska Afrika oo safarka wax ka qoray ayaa tilmaamay in ay arrimaha Geeska ee xilligan qayb ka yihiin wada hadalka Biixi iyo Geelle. Madaxweyne Biixi oo socdaalkiisii labaad ku tagaya Jabuuti ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo la leh dhiggiisa madaxweyne Geelle oo sidoo kale xidhiidh fiican la leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyada oo taas bedelkeeda loo arko in xidhiidhka Farmaajo iyo Biixi yahay kii ugu adka ee Somaliland iyo Somalia. Ma cadda in wada hadalka Biixi iyo Geelle ay qayb ka noqon doontu isu soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo. Source
