-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish] ayaa xafladda xil-lawareegidiisa uu kaga dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furayo wadooyinka caasimada. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in la sii xoojinayo bixinta, ballaarinta iyo dardargelinta adeegyada bulsho ee maamulka gobolka iyo caasimaddu ay siiyaan dadweynaha iyo muwaadiniinta ku nool, isla markaana canshuurta la qaado si hufnaan leh loo maareyn doono, iyadoo loo adeegsanayo baahiyuhu mudnaanta ay kala leeyihiin, meel adagna looga soo wada jeedsan doono musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, si loo ilaaliyo ammaanada ummadda Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho. View the full article
-
Tokyo (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed. Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya inta u dhexeysa 28-30 August. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah. TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka, loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, saddex kelana waa ay ku dhaawacmeen markii rasaas lagu furay. Dhacdadan ayaa laga soo wariyey degaanka Godob, 40 KM u jira magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Maxamuud Cilmi Gulaafe, taliye ku xigeenka ciidamada booliska gobolkaasi, ayaa Shabelle u sheegay in dadkan oo xoolo dhaqato ahaa ay yihiin qaraabo dhowr. Mr Gulaafe oo xusay in dableyda dhibaatada geystay ay dhanka Puntland ka yimaadeen ayaa ka gaabsaday ujeedada loo beegsaday. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa dhinaca dowlad goboleedka Puntland. View the full article
-
Japan’s prime minister on Thursday stressed Tokyo’s supportive stance for peace building in the Horn of Africa, highlighting the link between achieving peace and reaping economic fruits in the region and the neighboring regions. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa waxay iska fogeysay eedeymaha la xiriira in ay ciidankeeda qayta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay lug ku leeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaasi in ay uga howlgalayaan Soomaaliya sidii ay ugu soo dabaali-lahaayeen nabadda iyo xasilin. “Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. Dadaal kastoo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn,” ayuu yiri. Paul Njuguna oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan doorkooda ku aadan sidii Soomaaliya ay u heli lahayd barwaaqo, gargaar iyo kala dambeyn. Hadalka xukuumadda Nairobi ayaa kusoo aadaya iyadda oo Golaha Ammaanka UN-ka uu ka hor-yimaaday qaraar ay Kenya ka keentay Al-Shabaab oo ay dooneysay in lagu gelio liis-madow. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sheegtay in qaraarkaas uu dhaawacayo gargaarka bini’aadanimo ee dalka. Talaabadaasi kadib, danjiraha Soomaaliya ee UN-ka, Abuukar Baalle, ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya in ay goobjoog ka yihiin dhuxusha laga dhoofiyo koonfurta waddanka, taasi oo ay dhaqaale ka hesho AlShabaab. Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ay sannad kahor soo saartay waxay ku sheegtay in muddadii u dhexeysay 2011 illaa 2017, dhulka Soomaaliya laga jaray sideed milyan oo geed. Dawladda dhexe ee Soomaaliya oo soo saartay amar ay ku mamnuucayso dhuxusha sababtay in la xaalufiyo deegaanno badan ayaa sheegtay in ku sameynayso baaritaano iyada oo la kaashaneyso hay’addo caalami ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-30082019.mp3 View the full article
-
Ilhan Omar reveals racist threat to shoot her at state fair
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A US Democratic lawmaker has publicised a racist threat that she would be killed at the state fair by "a very capable person with a very big 'Gun'". Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta aqalka D/Hoose, si rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu ugu aaminay masuuliyadda culus iyo kalsoonida uu siiyey, waxuna sheegay in isbadel dhinacyo badan leh uu maamulkiisu ka sameyn doono Caasimadda. Duqa cusub ayaa ballanqaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dawladda, diblumaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal dhaqan, qaar kamid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Muqdisho iyo qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool Caasimadda. View the full article
-
Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo. Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland. Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo safar dhulka ah uga soo uga soo ambabaxay Magaalada Hobyo oo uu ka socdo shirka ayaa waxa uu booqday Hospital-ka Guud ee deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Hobyo Madaxweynaha ayaa waxa uu u kuurgalay marxaladaha kala duwan ee u shaqeeyo Hospitalka isaga oona qeyb qeyb loo geeyay qeybaha uu ka koobanyahay Hospital-ka. Waxa uu Madaxweynuhu inta uu ku guda jiray safarkiisa ku hakaday deegaanka Wasil halkaas oo uu dadka deegaanka kula hadalay waxa uuna uga Mahadceliyay sida wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen Wasil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed. Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya inta u dhexeysa 28-30 August. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhii madda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah. TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka, loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado dedaalo ay dib ugu soo cusbooneysiineyso damaca dhulka uu degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow. Shirkado shisheeye ayaa la sheegay in lacag malaayiin dollar ah ay ku raadinayaan dhulka xeebta magaalada Muqdisho saaran ee uu degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow, waxayna damacsan yihiin in ay ka dhisaan xaafad yar oo ah sida Xalane oo kale. Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in Cumar Maxamed Maxamuud “Finish” ay u adeegsato soo celinta dhulkaas oo ahaa dhul dan guud oo ay dowladihii hore ka iibiyeen Muuse Suudi Yalaxow. Cumar Finish ayaa ku beel ah Muuse Suudi. “Ujeedada ugu wayn ee loo magacaabay Cumar Finsh, waa in uu soo celiyo dhulka uu dagan Sen. Muuse ee dowladda jaceel kale uma qabto guddoomiyaha cusub” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online, codsadayna inaan la magacaabin. Ma ahan arrin fudud, in Cumar Maxamed Maxamuud Finish loo adeegsado Muuse Suudi Yalaxow oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Inkastoo sanadihii dambe aysan jirin dirir iyo dagaalo u dhaxeeya Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” hadane waxaa jirtay dagaalo culus oo dhowr sano ka hor dhax maray labadaan hogaamiye oo ka tirsanaa hoggaamiyayaashii hore ee beelaha Muqdisho. Murankii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmo ay dood taagneed kadib si iskeed ah u joogsatay xiisadaasi, mana jirto wax xal ah oo laga gaaray murankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeisa, Somaliland (CNN)– Three tiny balls of fur huddle together for warmth inside a cardboard box. The baby cheetahs are just a few weeks old, but they’ve had a traumatic start to life. A smuggler was attempting to spirit the cubs out of Somaliland, a breakaway state from Somalia, when he was caught red-handed by the authorities. The cubs, who will soon be taken to a safehouse, are the lucky ones. Some 300 young cheetahs are trafficked out of Somaliland every year — around the same number as the entire population of adult and adolescent cheetahs in unprotected areas in the Horn of Africa, according to the Cheetah Conservation Fund (CCF). The trend is of “epidemic proportions,” according to CCF, an organization devoted to saving cheetahs in the wild. At the current rates of trafficking, the cheetah population in the region could soon be wiped out. “If you do the math, the math kind of shows that it’s only going to be a matter of a couple of years [before] we are not going to have any cheetahs,” said Laurie Marker, an American conservation biologist biologist and founder of CCF. Somaliland is the main transit route for cheetah-trafficking in the Horn of Africa. The animals are smuggled across Somaliland’s porous border, then stowed away in cramped crates or cardboard boxes on boats and sent across the Gulf of Aden towards their final destination: the Arabian Peninsula. There are less than 7,500 cheetahs left in the wild, according to CCF. Another 1,000 cheetahs are being held captive in private hands in Gulf countries, CCF estimated, where many are bought and sold in illegal online sales. While many of these states — including the United Arab Emirates and Saudi Arabia — ban the private ownership and sale of wild animals, enforcement is lax. The overwhelming majority of these cheetahs end up in Gulf Arab mansions, where Africa’s most endangered big cats are flaunted as status symbols of the ultra-rich and paraded around in social media posts, according to CCF and trafficking specialists. In one such post, a video shows a “pet” cheetah watching a National Geographic show and becoming visibly agitated when it sees one of its own on the screen. “She’s fixated on her family,” reads the caption. Other posts show cheetahs laying on luxury cars, being shoved into pools, getting force-fed ice cream and lollipops, and being taunted by a group of men. One cheetah is seen getting declawed; another is dying on camera Qaran News
-
Popular Contributors
