Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in saaka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dueynta aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyobarow oo ka tirsan gobolkaasi, sida lagu shaaciyey warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa. AFRICOM ay sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay xubin sare ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wax khasaare nafeed ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo khasaaro geysta ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  2. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhismaha Galmudug oo deegaanka ah bedalkii Galmudug loo dhisi lahaa doorashada 2020-ka. Wuxuu tilmaamay C/raxmaan, in markii hore ee la dhisayey Galmudug loo dhisay doorashada 2016, lana ogaaday wixii dhacay. “Howsha la qaban doono ma mid lagu dhisaayo Galmudugaa mise waamid doorashada 2020-ka loo habeeyo…Galmudug 2015-kii markii la dhisayey waxaa loo dhisay doorashada 2016-ka dadka dhan wey ogaayeen, marka annaga tii oo kale ma rabno, Galmudug loo dhisayo doorashada 2020-ka ma rabno, waxaan rabnaa Galmudug loo dhisayo deegaanka” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshaha lagu dhisayo Galmudug, iyadoo dhowaan magaalada Dhuusamareeb ka furmayo shirka dibu heshiisiinta Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-CCW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ay soo xoogeysatay xiisada u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ka taagan gudaha magaaladaasi. Xiisadan ayaa ka dhalatay, kadib markii uu shalay fashilmay qorshe ay ciidamada Itoobiya ku degi lahaayeen garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamadaasi haatan laga dareemayo gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka cabsi qabaan in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi. Dhanka kale wafdi uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Tigabu Yilma oo u dhashay Itoobiya ayaa saacadaha soo scoda ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland. Taliyaha ayaa la sheegay inuu farogelin doono xiisada ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka wada tirsan howlgalka AMISOM, si xal looga gaaro. Sidoo kale wuxuu kala hadli doono saraakiisha Kenya iyo kuwa Jubbaland in loo ogolaado in Kismaayo ay ka degto diyaarad u socota ciidamada Itoobiya, taas oo la sheegay ay saaran yihiin askar Kumaandoos ah oo ka socda dalka Itoobiya Dhaq dhaqaaqyadan ciidan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Khamiista soo socota la filayo in ay dhacdo doorashada madaxaweynaha maamulka Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-kismaayo.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  4. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe. Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Keli Waraabow, oo dhanka galbeed 4-km ka xiga magaalada Jowhar, waxaana la isku adeegsaday rasaas culus. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo aanay ka hadlay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran waxay ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose kala wareegeen Al-shabaab. Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda waxay maalmahan dambe kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ay ciidanka xoogga dalka ka deggan yihiin gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Kismaayo (Jowhar) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xiisad u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ka taagan tahay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa timid, kadib markii shalay diyaarad siday Askar Itoobiyaan ah ay ka biyo diideen ciidamada Kenya in ay ka degto garoonka magaaladaasi. Dhaq dhaqaaq xoogan oo u dhexeeya ciidamadaasi aya saaka laga dareeyamayaa gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi in dagaal culus uu ka qarxo gudaha magaaladaasi. Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada AMIOSM Tigabu Yilma ayaa saacadaha soo scoda ku wajahan halkaasi. Ujeedla socdaalka taliyaha AMISOM ayaa lagu sheegay inuu la xariiro, sidii loo xalin lahaa xiisadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo Khamiista soo socota la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  6. Ciidamada Jubbaland ayaa heegankii ugu sareeyey la galiyey maanta kadib markii shalay uu dhacay isku da’y ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo u adeegaya Dowlada Federaalka [...] Source
  7. Jowhar (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka deegaanka Keli Waraabow oo afar KM u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shababa weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus iyo midka fudud oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tursanaa ciidamada maamulka HirShabelle. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay la wareegtay saldhig ku yaalla halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyey in Al-Shabaab laga yaabo in ay weerar ku qaado Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wasiir Ducaale oo warbaahinta kula hadlayey Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ogoleyn horumarka iyo qorshaha lala damacsanyahay Dekeddaasi. Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay haatan la dhameysay Qatar dhismaha Dekadda Hobyo, balse waxa uu carabka ku dhuftay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerari karaan, haddii la dhiso, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in weli Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin maamulka Galmudug, islamarkaana ay ka heystaan illaa afar degmo. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanada maamulkaasi in ay taageeraan dowadda, si looga guuleysto Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dowladda Qatar ay ku dhawaaqday mashruuc weyn oo lagu dhisayo Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-200819.mp3 View the full article
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Keli Waraabow oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. War ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen saldhig ciidamada HirShabelle ay ku lahaayeen deegaankaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ku dishay lix ka tirsan ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale qaar ka mid ah dadak deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaarsanayeen 2 dhinac. Keli Waraabow ayaa Jowhar u jira afar KM oo kaliya, waxaana saldhigga la weeraray laga ilaalin jiray aminga magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  11. Kismayo airport in southern Somalia refused to allow an Ethiopian plane to land on Monday, a witness said, amid heightened tensions between the federal government and the regional leadership ahead of elections on Thursday. Somalia’s central government said on Saturday it would not recognize the result of an upcoming vote to elect a president of Jubbaland, a key battleground state for counter-terrorism operations, saying the candidate selection process violated the national constitution. The Jubbaland election commission has said the vote would go ahead on Thursday. Security analysts say the spat has the potential to cause friction between neighboring Kenya and Ethiopia, longtime allies each with significant numbers of peacekeepers in the Horn of Africa nation. A staff member at Kismayo airport, who gave his name as Ismail, said the plane took off from Gode in southeastern Ethiopia and eventually landed in the Somali town of Baidoa. It was not certain if the plane was civilian or military. “It wanted to land at Kismayo airport but was denied clearance because it did not send information in advance,” Ismail told Reuters by telephone. Incumbent Jubbaland President Ahmed Mohamed Madobe, who is seeking re-election this week, is a key security partner for Kenya, while Ethiopia has grown closer to the federal government in Mogadishu in the last year. Reuters Qaran News
  12. Taliyaha guud ee ciidammada Amisom , Tigabu Yilma ayaa lafilayaa inuu maanta oo Talaado ah gaaro magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah dowlad goboleedka Jubbaland. Safarkaan oo ku soo beegmaya xilli xasaasi ah ayaa lafilayaa inuu salka ku hayo arrimaha doorashada Jubbaland iyo khilaafka soo kala dhexgalay Jubbaland iyo ciidamada Itoobiya. Maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo laga celiyey diyaarad ay leeyihiin ciidmaada AMISOM gaar ahaan Itoobiya xilli ay DFS doonayso inay ciidanka Itoobiya u adeegsato Jubbaland. Xog hoose ayaa sheegaysa inuu shalay fashilmay isku day ay ciidamada Itoobiya ku qaban lahaayeen madaxweynaha Jubbaland kadib markii ay hor joogsadeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland. PUNTLANDPOST The post Taliyaha guud ee AMISOM oo ku wajahan magaalada Kismaayo. appeared first on Puntland Post.
  13. Ciidamada nabad sugidda maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa waxa ay howlgallo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Howlgalladaan qorshaysan ayaa ciidanku ka sameeyeen deegaamo hoosyimaada degmmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere,waxaana la sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Col. Cali Abshir Deer taliyaha ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaanadii ay la waregeen Bulshada ku nool ay u soo gudbiyeen dhibaatooyin dhowr ah oo ay kala kulmeen Al-Shabaab. PUNTLANDPOST The post Ciidanka nabad sugidda Jubbaland oo howlgallo kawada gobolka Gedo. appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeysay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubaland oo taagero ka helaya Kenya, kadib markii shalay garoonka diyaaradaha loo diiday diyaarad Itoobiyaan ah. Diyaaraddaas ayaa waxaa saarnaa saraakiil Itoobiyaan ah iyo qalab la rabay in garoonka lagu rakibo si ay usoo degaan qaar ka mid ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka magaalada, kuwaas oo yimid dibedda garoonka balse kadib iska noqday. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya maanta la filayo in taliyaha guud ee ciidamada Amisom Tigabu Yilma, oo Itoobiyaan ah uu soo gaaro magaalada Kismaayo, si arrintan looga gaaro xal kama danbeys ah, waxaase jirta cabsi ah in diyaaraddiisa laga yaabo in diyaarad kale oo Itoobiyaan ah ay kusoo deba xirato lana soo degto. Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya ay ka go’an tahay inay qabsadaan garoonka, kadibna awoodda ka tuuraan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayagoo awood adeegsanaya. Waxaa u jirta cabsi xooggan oo ah in ciidamada Itoobiya ee duleedka Kismaayo ku sugan oo gaaraya 400 oo askari ay weerar kusoo qaadaan garoonka, awoonda kula wareegaan. Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay, in Itoobiya oo taageeraya dowladda, ay ka go’an tahay inaysan doorasho madaxweyne ka dhicin Kismaayo, haddii xitaa ay ka dhacdana uusan Axmed Madoobe xukunka sii joogin. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Kenya aysan dagaal la geli doonin ciidamada Itoobiya, haddii ay weerar soo qaadaan, ayaga oo ag inaysan u babac dhigi karin. Dhinaca kale, garoon macmal ah oo ku yaalla duleedka Kismaayo, oo laga cabsi qabay inay soo caga dhigato diyaaradda Itoobiyaanka ah ee shalay la celiyey, ayaa xalay la sheegay inay carro ka buuxiyeen ciidamada Jubaland, si aysan halkaas uga degin. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana suurta-gal ah in magaalada dagaal ka dhaco ka hor doorashada madaxweynaha Jubaland oo dhaceysa 22-ka bishan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. The mother of a former child refugee taken into foster care not long after arriving in Canada in the mid-1990s is making an emotional plea to save her son from being deported to Somalia in two days. Source: Hiiraan Online
  16. HE the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs Sheikh Mohamed bin Abdulrahman al-Thani met on Monday with the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia Hassan Ali Khayre Source: Hiiraan Online
  17. Islamic State militants in Somalia say they will release jihadist materials in Amharic - a step unmistakably aimed at winning recruits in restive, neighboring Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  18. Kismayo airport in southern Somalia refused to allow an Ethiopian plane to land on Monday, a witness said, amid heightened tensions between the federal government and the regional leadership ahead of elections on Thursday. Source: Hiiraan Online
  19. Qatar plans to build a new port in Somalia’s central town of Hobyo, ministers from the two nations said during a visit by a government delegation from the Middle Eastern nation. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay siyaabo kala duwan u fulinayaan go’aan ay wadajir u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya, iyadoo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Go’aanka uu wali jahwareerka ka jira islamarkaana ay wasiirada qaar fuliyeen qaarkoodna ay sii dalacsiiyeen ama ay siiyeen awood dheeraad ah ayaa waxa uu yahay baabi’inta xilka xoghayaha joogtada ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online ayaa heshay farqi u dhaxeeya iyo kala qaybsanaan ka jirta wasiirada Kheyre, taas ku kooban go’aan wadareedkii shirka xukuumadda Soomaaliya waxaana ugu dambeeyay wasiirada amniga iyo ganacsiga Soomaaliya Wasiirka wasaaradda aminga xildhibaan Maxamed Abuukar Islaw Ducaale ayaa shalay baabiiyay xoghayaha joogta ee wasaaradda, isagoo sheegay in uu raacayo go’aankii golaha wasiiradda ee lagu baabiiyay xoghayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, halka shalay markii labaad wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan kusime wasiir ka dhigay xoghaye joogto ah oo la baabi’iyay. Arintaan ayaa u muuqata in cadeyn u tahay in aan si is kumid ah loo fulin go’aan ay wadajir u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya waana hadal heynta ugu weyn ee maanta ka taagan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Halkaan ka aqriso cadeynta warbixintaan ku saabsan jahwareerka ka jira fulinta go’aanka xukuumadda Kheyre. Warqadda koowaad waa tan wasiir Ducaale, labada warqad ee xigana wasiir Cabdullaahi
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaas oo ka socda gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada milater ee ka dhanka ah Al-Shabaab xoogooda waxa uu ka bilaawday degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose, waxaase jira qaladaad xoog leh oo qatar gelin kara ciidamada qaranka. Khubarada amniga ayaa sheegay in milateriga Soomaaliya ay qabsadeen dhul ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ka tirsan Shabeellada Hoose balse gudahooda ay joogaan Àl-Shabaab. Milateriga waxay hadda joogaan Awdheegle, waxayna ka gudbeen Sabiid iyo caanoole iyo degaanka Bariire, balse duleedka Afgooye waxaa jooga Al-Shabaab waxayna ciidamada ku qasban yihiin in ay diyaarad ku tagaan ugana soo laabtaan. Sidoo kale, degaanada duleedka Muqdisho sida Ceelasha, Arbacow iyo goobo kale waxaa ku xoogan Al-Shabaab oo waliba ku qaada lacago canshuur ah oo Muqdisho laga keeno. Al-Shabaab waxay awoodaan in ay dhabar jebiyaan ciidanka gudahooda la daganyahay, haddii aysan dowladda Soomaaliya si deg deg ah u xalin, ayuu sarkaal hore oo katirsan milateriga Soomaaliya. Inkastoo milateriga Soomaaliya joogaan Awdheegle haddane ma jiro gaari ka bixi kara Muqdisho oo gaari kara Afgooye. Sidoo kale ma jiro gaari toos uga bixi kara Afgooye oo gaari kara Awdheegle, sababtoo ah waxaa dhacda in Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo dagaal toos ah ka fuliyaan. “Ciidan waa kuwa xoreeya hal kiilo mitir kadibna xasilin u sameeya, kuna wareejiya booliis laakiin hadda gudihii waxaa ku jira Al-Shabaab dibadiina ciidanka qaranka waana halis” ayuu yiri sarkaalka aan la hadalnay ee ka tirsanaa milateriga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. The Italian Trusteeship Administration in Somalia (AFIS) was responsible to the UN with precise guidelines to follow. One of the immediate tasks of the authority charged with the administration of the territory was to Source: Hiiraan Online