Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Hawl-gal ballaadhan oo ay wadaan Ciidammada Booliska ee Magaalada Boorama ayaa waxay ku qab-qabteen dhallinyaro ka badan ka badan 50, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay rabshado ka sameeyeen Magaaladaasi. Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Guutaale ayaa sheegay in dhallinyarada qaarkood la xidh-xidhay oo koox-kooxo ahi ay bilaabeen rabshado ay ku burburinayaan Meheradaha, baabuurta, Dadkana ku waxyeelaynayaan, halka marmarka qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen Aqal-Soomaaliyo ku yaallay gudaha Magaalada Boorama, arrimahaasi oo dhammaantood ku cusub Magaaladaasi. Sarkaal ka mid ah Booliska Magaalada Boorama oo ugu horrayn ka warramay Sababta dhallinyarada loo xidh-xidhay ayaa yidhi “Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa dhacay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo Hantida, Gaadiidka iyo Meheradahaba burburinaya iyo Dadkaba, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay Magaalada, markaa Annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay.” Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Gaashaanle Sare Guutaale ayaa isaguna sheegay “Magaalada Amnigeedu wuu fiican yahay, haddii laga tagi waayo Maalmihii u dambeeyay dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey Magaalada, waxayna u badnaayeen Xaafadaha Jarka iyo Nafaqo, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, 7 illaa 8 Waalidna way ku jiraan, 32 kalena doraad ayaanu jeelka u gudbinay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u mahad-celinayaa Dab-damiska oo habeenkaa dhawayd ee ay buulasha gubeen aad noola hawl-galay..” Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxmed Bin Salmaan ayaa u sheegay Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump in boqortooyadu awood u leedahay inay jawaab ka bixiso Weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Goobaha Muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Weerarro lagu qaaday Goobaha lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga, kaasi oo dhacay Sabtidii Shalay. “Boqortooyadu diyaar bay u tahay, wayna awooddaa inay iska difaacdo Weerarrada Argagixisada..” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay Madaxweynaha Maraykanka, ka dib markii ay Khadka Telefoonka ku wada hadleen MBS iyo Doland Trump, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA. Sida laga soo xigtay Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Maraykanka, wuxuu Trump u sheegay Maxamed Bin Salmaan in Maraykanku diyaar u yahay inuu boqortooyada Sucuudiga kala shaqeeyo inay iska difaacdo Weerarrada loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka, kuwaasi oo Xuutiyiintu u adeegsadaan Weerarradooda. Intii ay Telefoonka ku wada-hadlayeen, Trump wuxuu sheegay MBS in Weerarrada ay Xuutiyiintu la beegsanayaan Sucuudigu uu dhaawacay dhaqaalaha Adduunka. Weerarka ay Xuutiyiintu ku qaadeen Warshadaha lagu sifeeyo Shidaalka Sucuudiga Sabtidii Shalay ayaa hoos u dhigay 5.7 Million Barmiil oo ka mid ahaaa Wax soo-saarka Maalin laha ah ee Sucuudiga, taasi oo ka dhigan in boqolkiiba 50 uu weerarkaasi hoos u dhigay wax soo-saarkii Shidaalka ee Sucuudigu u dhoofin jiray Adduunka intiisa kale. Source
  3. “Dugsiga Nuuradiin Shamac Siraaday Barbaarinta Ubadka Jamhuuriyada Somaliland” Dugsiyada Nuuraadiin Wuxuu ka mid yahay Dugsiyada gaar loo leeyahay ee laga hirgaliyay Jamhuuriyada Somaliland, Isagoo Qayb Laxaadle ka Qaatay Kor Uqaadida Waxbarashada dalka, oo wakhtigan Maraysa meel aad u Wanaagsan, marka loo eego mudada ay jirtay Somaliland oo ah Dal aan caalamka ka helin Wax Taageero ah ama Aqoonsi ah, Horumarka dhaqan dhaqaale ee ka hirgalayna uu yahay mid ay Muwaadiniinteedu qabsadeen dhinac kasta oo ay tahay, halka dawlada Somalilandna ku guulaysatay sugida Amniga iyo Maamulka dalka. Dugsiga Nuuradiin oo wakhtigan ka mid ah hormuud Waxbarashada Somaliland haday tahay kuwa gaarka loo leeyahay Iyo ta dawliga ahba, Ayna wax ka bartaan Ardayda ugu badan dugsiyada dalku! Dugsiyada Nuuraadiin waxaa la aas aasay sanadkii 2002 wuxuuna ka kooban yahay sedex qaybood, Barbaarinta Ubadka, Hoose dhexe iyo dugsiga sare kuwaasi oo Dhamaan ku dhaqaaqay xawaare lana galiyay juhdi aqoon iyo karti ku Dhisan Tahay. Waxaana Aas Aasay Muwaadin reer Somaliland oo Systemka(Habka) Waxbarsho Ee Somaliland kusoo dhex jiray Mudo dheer, isagoo hore gacanta ugu hayay machad lagu barto luuqadaha gaar ahaan Luuqada Englishka oo ilaa xiligan shaqeeya. Kaasi oo da’ayarta badan oo reer Somaliland ka aflaxeen kana Caawiyay aqoonta wax barasho oo inta badan gundhig u ah Cilmiga maadiga ah ee waqtigan kana soo aflaxeen dhalinyaro Tiro badan oo Rag iyo Dumarba Iskugu Jirta. Mr.Mahad Ibraahin Maxamed waa Aas Aasaha dugsiyada Nuuraadiin ayaa mar uu ka waramayay dugsiyada Nuuraadiin iyo sida ay u qaybsan yihiin wuxu yidhi; “Horta dugsiyada Nuuradiin waxa ay ka furan yihiin caasimadda Hargeysa oo Qudha Gobollada kama jiraan, waxayna u qaybsan yihiin, dugsiyada barbaarinta carruurta ilaa dugsiga 12aad ee dugsiyada sare, sidoo kale waxaan Sameynay si bulshada looga kaabo dhinaca luuqadaha iskuulo lagu barto luuqadaha iyo culuunta tignoolojiga ama IT-ga (Information technology), markaas guud ahaan waxay ka kooban yihiin saddex dugsi sare iyo lix dugsi oo hoose/dhexe marka intaa lagu daro ka xannaanada carruurta waxay isku noqonayaan 9 dugsi (9 schools),sidoo kale waxaan leenahay meel madbacad ah oo kutubta ardayda loogu daabaco.” Dugsiga nuuraadiin schools maaha mid dawladu gacanta ku hayso, mana jirto taageero dhaqaale oo uu ka helo dawlada, haayadaha waxbarashada ka taageera dhinaca dhaqaalaha balse waa dugsi ku jira dhismayaal kiro ah sidaas oo ay tahay waxa shaqooyin ka helay muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah oo Uu usameeyay shaqo abuur ay ku dabareen nolosha qoysaskooda, haday tahay waxbarasho iyo nolosha aas aasiga Ahba. Dugsiga sare ee Nuuraadiin oo wakhtigan ah hormuud waxbarashada Somaliland kana mid ah dugsiyada sida joogtada ah kaalmaha hore ee imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka u hogaaminayay mudo 12 sano ah oo joog ah kaasi oo ka dhigay dugsi caan ka ah gayiga Somaliland, noqdayna mid lagu majiirto Iyada oo aynu og nahay dugsiga nuuraadiin iyo doorta muuqda ee uu ku leeyahay waxbarashada dalka iyo soo saarida arday ka dhex muuqata dhigooda dalka taasi oo waalidiintu ku taamaan in ay cauurtooda ka mid noqdaan ardayda dugsiyada Nuuraadiin, oo isagu leh siyaasad waxbarasho oo ka duwan kuwa dugsiyada kale ee dalka si joogta ahna ay iskugu xidhan Yihiin Maamulka iskuulka iyo waalidiinta ardayda wax ka barata taasi oo door muhiim ah ka qaadatay guusha waxbarasho ee uu gaadhay iskuulku, Hadaba Maxaa Maamulka Dugsiyada Nuuraadiin u Suurto Galiyay In Uu Gaadho Horumarka Dhinaca Waxbarasho! A;-Dugsiga Nuuraadiin Wuxuu si joogta ah ugu xidhan yahay waalidka dhalay ardayda wax ka barata iyagoo si bile ah, sanadle leh waalid ula socod siiyo waxbarashada ardaygiisa. B;-Dugsiga Nuuraadiiin wuxuu juhdi iyo daryeel dhaqaale Galiyay sidii uu u heli lahaa macalin aqoontiisu dhisan tahay Taasi oo suurto galisay in dugsiga ay ka hawl galaan Macalimiinta ugu cad cad dalka kuwaasi oo dhinacoodana ka hela dhaqaale iyo maamuus ku dhiiri galiya macalinku in uu si Hagar la,aan ah wax ubaro Ardayda!. Tusaale ahaan (Ardaygu marka uu sanadkiisa koowaad ee dugsiga sare ka bilaabo nuuraadiin waxaa laga qaadaa imtixaano dugsiga u gaara kuwaasi oo lagu ogaado dadaalka ardayda waxka barata) Halka Ardayga dhibcaha imtixaankiisu ay hooseeyaan la wargaliyo waalidkiisa loona sheego halka ay taagan tahay aqoonta waxbarasho ilmiisan taasi oo hadii uu wax isbadala la iman waayo lagu wargaliyo waalidka in dadaalkiisu hooseeyo loona baahan yahay in kor loosoo qaado, Si dadaal ardayda loo gaadhsiiyo heer uu la jaan qaadi karo ardayda isku fasalka yihiin waxaa loo sameeyaa fursad wax barasho oo kor loogu soo qaadayo maadooyinka uu ku hooseeya taasi galinka danbe looga bilaabo iskuulka, Talaabooyinkaasi iyo kuwo kale oo maamulka iskuulku hadh iyo habeenba wadaan ayaa waxay suurto galisay in ardayga wax ka barta nuuraadiin uu noqdo mid ka dhex muuqda ardayda reer Somaliland ee ku jirta dugsiyada Sare! Sidoo kale Maamulka dugsiyada Nuuraadiin ayaa dhiiri galin iyo Abaalmarino qaaliya siiya Ardayda kaalmaha hore ka gasha Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka taasi iyana qayb laxaadle ka Qaadatay dadaalka ardayda iyo guusha uu gaadhay iskuulku. Dhanka kale Maamulka iskuulka ayaa si dhow ula socda arday kasoo baxda fasalada 8aad ee dalka iyagoo ardayda kaalmaha hore ka gashay Dugsiyada kuwooga aan haysan dhaqaale u saamaxa in ay sii wataan aqoontooda dugsiga sare siiya waxbarasho bilaash ah damaanad qaadana nolashiisa afarta sano ee uu ku jiro dugsiga sare ee Nuuraadiin, taasi oo ardayga fursadaa hela ku dhiiri galisa in uu qayb ka noqdo ardayda ku Guulaysata kaalmaha sare ee dugsiyada dalka iyo hormuudka Aqooneed ee dugsiga Nuuradiin, waana arimaha uu dheer yahay Dhigooda dugsiyada gaarka loo leeyahay, kana dhigtay mid koobsaday daboolida doonista waxbarasho ee Somaliland Hiigsanayso iyo fogaan Araga Maamulka Dugsiyada Nuuradiin, Waxyaabaha kale ee dugsiga nuuradiin ka Dhigay in uu noqdo Hormuudka waxbarashada somaliland ayaa waxaa kamid ah in maamulk iskuulku si joogta ah ula socda akhlaaqda ardayda lana hubiyo aroor kasta xaalada ardayda gaar ahaan wakhtiga uu imanayo dugsiga, hab-dhaqankiisa iyo waxkasta oo ardayda ka dhigaya mid ka mashquula qaadashada duruusta iskuulka, Xidhiidhka wanaagsan ee maamulka, macalimiinta iyo waalidku wuxu sal dhig u yahay ku dhaqankiisu dugsiga nuuradiin waa mid kamida guulaha dugsiga nuuradiin Gaadhsiiyay halka uu maanta kaga jiro waxbarashada Somaliland. Ardayda wax ka barata dugsiyada nuuradiin waxay kamid yihiin Muwaadiniinta reer ee xuquuqda ay dawlada ku leeyiihiin uu Waajibinayo dastuurka dalka waxayna lamid yihiin ardayda wax ka barata dugsiyada dawladu gacanta ku hayso waana waajib Saaran xukuumadu in ay marwalba si dhow ula socoto gacan Qabashadooda balse waxaa waxyaabo badan oo ay tabi lahaayeen buuxiyay muwaadiniin isku xil qaamay horumarinta Tacliinta dalkooda oo ay tahay in qofkasta reer Somaliland u garab istaago guul uu gaadho qarankiisa aan wadamada caalamka kamid noqon wali ee ay ku hareeraysan yihiin duruufaha kala duwani, Dhanka kale Dugsiga sare ee nuuradiin wuxu noqday mid Ardaydii kasoo baxday ay ka dhex muuqato aqoontoodu tartanada imtixaanka loo galo shaqooyinka dalka iyo dhismaha Xukuumada Somaliland oo ardaydii kasoo baxday dugsiga Nuuradiin wakhtigan kamid yihiin wasiirada, safiiro, iyo Qaybaha kala duwan ee xukuumadu ka kooban tahay, taasi oo markhaati u ah doorka uu ku leeyahay dhismaha tacliineed ee Jamhuriyada Somaliland, Marka laga tago kaalinta hogaamineed ee ardayda dugsiyada Sare ee dalka oo uu mudo 12sano ah hogaaminayay kaalmaha Hore ee ardayda ku guulaysata natiijada imtixaanka shahaadiga Ee Dalka, waxaan dhinaca kale aan la hilmaamin Karin sumcada Iyo sharafta waxbarasho ee dalka Uu U Horseeday, Qalinkii; Yuusuf J, Hirsi, Hargeisa Somaliland Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda ay ku dileen isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Ragga dilka geystay oo watay Bistoolado ayaa toogtay askariga oo la sheegay inuu xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga la dilay uu fadhiyey goob maqaaxi oo ku taalla halkaasi, iyadoona ay baxsadeen kooxihii fuliyey dilkiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa bishii hore ee Ogoosto Xog ay heshay ku sheegtay in Raysal wasaare Kheyre uu ururiyay Ciidan Beeshiisa u badan oo tababar loogu [...] Source
  6. Shacabka ku dhaqan magaalada Dhoobley ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa dareen xun ka muujiyey saameynta ay ku reebtay cunaqabateynta dowladda federaalka ah ee dhanka duulimaadyada. Qofka ka tagaya Kismaayo ee u safra magaalada Dhoobley halkii uu ka bixin jiray 80$, una socon jirtay 30 daqiiqo keliya masaafada 220 KM ee Kismaayo Dhoobley, hadda waxaa uu ku qabsan yahay inuu bixiyo 250$ isaga oo masaafo ahaan jaraya inuu marka uu Kismaayo ka soo tago uu soo maro Muqdisho, kadibna uu tikit kale u goosto Dhoobley, safarkaas oo ugu yaraan qaadanaya 6 saac. Dhinaca kale, waxaad aad u kordhay qiimaha lagu tago Nariobi, ee dalka Kenya oo halkii markii hore ay ka aheyd 220$ hadda waxaa qofkii bixinayaa lacag ka badan 370$. Dowladda federaalka ah ayaa go’aankan qaadatay si ay u ciqaabto maamulka Jubbaland, laakin nasiib darro waxaa ay dhibaato ku noqotay bulshada deegaankaas, oo maraya ciqaab wadareed. Arrinta kale oo falanqeeyeyaal ay Goobjoog News u sheegeen waa in dowladda federaalka ah ay arrinkan u sameysay xin iyo aargoosi, kadib markii August xilligii doorashada Jubbaland uu maamulkaasi sheegay inuu xirtay hawada, dhulka iyo badda, taasi oo aanu sameyn karin, jawaabta Villa Somaliana ay sidan noqotay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somali forces killed at least 10 al-Shabaab militants and injured several others wounded in the Lower Shabelle region after the group attacked four districts in the region, local media said on Sunday. Ali Waal — a senior police officer in the town of Qoryooley, one the district attacked by al-Shabaab — told media that the government forces killed at least 10 fighters after an attack on a military base in the town. ”Al-Shabaab fighters had attacked our base in Qoryooley but we managed to overcome them and killed 10 of them,” Ali Waal said. Some of our soldiers were wounded during the attack, he added. According to the reports, the group also attacked three other districts in the region but the casualties remained unknown. “Heavy combat erupts in Lower Shabelle region after Al-Shabaab attacked SNA [Somali National Army] bases in Qoryooley, Awdhegle, as well as in Barrire town area,” a resident said. Meanwhile, Somali-based group al-Shabaab claimed that it had killed 14 African Union peacekeeping mission forces from Burundi and wounded 8 others. African Union Mission in Somalia known as (AMISOM) has not yet commented on the incident that took place in the Middle Shabelle region. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan kuwa dowladda fedeeraalka tababar markii ugu horreysay loogu qaaday dalka Eritrea. Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 500 oo askari ayaa la sheegay inay isugu jiraan Boolis, Nabad Sugid iyo Milatari intaba. Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedka ciidamadani loo tababarayo ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga, marka la gaarayo xilliga kala guurka ee dalka uu galayo doorashooyinka sanadaha 2020-ka, illaa 2021-ka Eritrea oo sanadkii hore laga qaaday cunaqabateyn saarneyd in muddo ah ayaan la shaacin baahida keentay in ciidamo cusub ay xilligan u tababarto Soomaaliya. Sababta Eritrea cunaqabateynta loo saaray waxa ay aheyd inay taageertay kooxo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyadoo ay dad badani is weydiinayaan arrintan. Xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay bartamihii sanadkii hore, iyadoo booqasho Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Asmara, halka dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki uu Muqdisho booqasho ku yimid bishii December ee sanadkii hore 2018-kii. Ciidamada Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu tababaraa dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sanadihii u dambeeyay dowladda federaalka ka caawinayey dhismaha ciidanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. The winners of the EU funded poetry competition dubbed SilsiladdaNabaddawere unveiled Saturday in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  10. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi ay heleen ayaa sheegay in kulan ay yeesheen laamaha Amaanka iyo kuwa garsoorka Jubbaland ay isku racen in Xabsiga [...] Source
  11. Garowe waxaa saaka kafurmay Shirka Maalgashiga Puntland oo u jeedkuvyahay in meel la’isugu keeno Ganacsatada iyo maalgaliyayaasha Soomaaliya iyo Caalamka qaarkood. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi [...] Source
  12. Beledweyne (Caasimada Online| ) – Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka ka ambabaxay ciidamo lagu tababaray magaaladaasi oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug Qaadista ciidamadan oo uu muran ka taagnaa muddooyinkii dambe ayaa hadda xal laga gaaray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay inay u safraan dhanka Dhuusamareeb. Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa horay uga biyo diiday in ciidamadaasi la geeyo Galmudug, iyagoo sheegay in baahi weyn oo amniga ah ay ka jirto gobolka Hiiraan. Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhexeysa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo iyo odayaashaasi, taas oo haatan la xaliyey. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalooyinka waa weyn ee Galmudug, iyaga oo ka shaqeynaya nabad gelyada deegaanka. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo ay qaban qaabineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  13. (SLT-Wajaale)-Ciidamada Booliska ee degmada Tog-Wajaale ayaa hawlgal ay sameeyeen , waxa ay habeenkii xalay ahaa kusoo qabteen Beer iyo Kelyo aan ilaa hadda la garanayn waxa ay yihiin, kuwaas oo ay maanta warbaahinta usoo bandhigeen. Beerkan iyo kelyahan oo si qarsoodi ah loo soo gelinaayey Somaliland ayay maanta ciidamadu ku gubeen duleedka magaaladda Tog-wajaale. Waxaana warbaahinta si wada jir ah ula hadlay taliyeyaasha Booliska ,Taliyaha hawlgelinta gobolka Gebiley iyo maamulka degmada Tog-wajaale ,iyaga oo shacabka uga digay Beerka iyo Kelyaha noocan ah ee lagaga iibinaayo suuqyada, kaas oo ay sheegeen in uu waxyeeli karo caafimaadka bulshadda. Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada Tog-wajaale ayaa sheegay in Askariga Beerkan qabtay lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Axmed Faarax , iyada oo ay kooxaha Beerkan siday u balan qaadeen in ay siin doonaan lacag dhan $150 dollar, si uu ugu sii daayo , laakiin uu diiday, sidaasna uu kusoo qabtay Beerkaas iyo kelyahaas aan la garanayn ee Somaliland lasoo gelinaayey . Maamulka degmada Tog-wajaale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay mulkiileyaasha Hudheeladda Somaliland in aanay waxyaalahan oo kale dalka soo gelin, iyaga oo sidoo kalena dadka waxyaalahan ka ganacsadana ugu baaqay in aanay xoolahooda xaaran ku badhxin. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aan magaciisa sheegin, islamarkaana u dhuun daloola xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ayaa warbaahinta Somalilandchronicle u sheegay in arrinta madaxweyne Biixi shalay ku dhawaaqay ee ah in madaarka Berbera ee hore u ahaa mid Militari ahaan Imaaraadku u isticmaalaya hadda noqonayo mid rayid ah uu ku yimid is fahan iyo heshiis u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka. Xogaha ay bixiyeen ilo wareedyo aan magacooda la sheegin ayaa intaasi raaciyay in ay u muuqato in Imaaraadku labada u jeedo ee Militari ahaan iyo shacab ahaan ba loo adeegsan doono Madaarka taas oo meesha ka saaraysa heshiiskii ahaa in Imaaraadku Somaliland u dhiso madaar gaar ah oo shacab ah. Dawladda Imaaraadka ayaa hoos u dhigtay ku lug lahaanshaheeda dagaalka Yemen iyada oo la fahansan yahay in ay taageersan tahay qaybta Koonfureed ee gooni isu taagga raadinaysa. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in dhakhso loo bilaabayo dhismaha Madaarka waxaanay u muuqata in dawladda Imaaraadku dhisayso madaarka uu madaxweynuhu ku sheegay mid weyn oo gobolka ku soo kordhaya. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay sidii xogta dalka loo mideyn lahaa waxaanu wasiirku sheegay in guddiyadii ka shaqayn lahaa macluumaadkaasi ay isugu yeedheen. waxa uu sidoo kale wasiirka wasaarada arrimaha dibedda somaliland sheegay in ay qabanayaa shirar lagu sii xoojinaayo barnaamijka lagu ururinayo xogta qaranka kaasi oo dhawaan ay bilawoday wasaaradda Arrimaha Dibaddu. Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee laga leeyahay barnaamijka maclumaadka Qaraka uu yahay sidii loo midayn lahaa xogaha kala duwan ee dalka kuwaasi oo haatan siyaabo kala duwan oo aan midaysnayn u baxa. wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan xogahaasi laga dhigi doono kuwo mid ah oo isku si u baxa. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Kornayl Caarre Uu Yahay Dambiile, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Rome)-Dowladda cusub ee Talyaaniga ayaa u ogolaatay dooni gargaar oo ay saaran yihiin 82 qof oo muhaajiriin ah inay ku soo xidhato jasiirado koonfureed ee Lampedusa. Arintaan ayaa soo afjareysa siyaasadii qaxooti diidka ku saleysneyd ee wasiirkii hore ee amniga talyaaniga Matteo Salvini Doonida oo ay leedahay hey’adda Ocean Viking oo hoostagta hey’ada MSF ee dalka Faransiiska ayaa in ku dhow laba toddobaad taagneyd xeebaha u dhaxeeya talyaaniga iyo Malta. Isbaheysiga wadaaga ah oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada Five Star iyo xisbiga bidix ee Democratic Party ayaa amar ku bixiyay in doonidan ay ku dajiso rakaabka saaran Dekada Lampedusa. Dhanka kale arintaan ayaa lagu xaqiijiyay barta Twitter-ka ee hey’ada MSF. Dadka soo galootiga ah ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxaa ku adkaa in ay gaaraan xeebaha Talyaaniga. Inkasta oo dadkaan la sheegin wadamada ay u dhasheen ayaa hadane MSF waxay xaqiijisay in 58 rag ah 18 caruur ah iyo lix Dumar ah. Raysal wasaaraha Cusub ee talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono caawinta Muhaajiriinta. Source
  18. (SLT-Washington)-Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga. Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay. Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala bar shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay. Warfidiyeenada ayaa sheegaya in weerarkan uu saamayn weyn ku yeeshay qiimaha saliidda ee caalamka. Muuqaal halka weerarku dhacay laga duubay ayaa muujinaya dab weyn oo ka kacay warshadda Abqaiq, oo ah goobta ugu weyn ee sharikadda Aramco ay shidaalka ku sifayso, halka diyaarad kale oo aan duuliye lahayn ay sidoo kale duqaysay warshadda Khurais. Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo reer galbeedkuna ay taageeraan ayaa gacan siiya xukuumadda Yemen, halka Iran-na ay taageerto fallaagada Xuutiyiinta. Dhanka kale xeeldheereyaashu waxay baarayaan bal in weerarradaasi ay soo qaadday Iran iyo in ay soo qaadeen maleeshiyadka Shiicada ah ee gacan saarka la leh Iran ee ku sugan dalka Ciraaq – ayagoo adeegsanaya gantaalaha Kuruuska, sida uu ku warramay wargayska The Wall Street. Xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay bilihii la soo dhaafay. Tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadkii hore ka baxay heshiiskii lagu xakamaynayey nuclear-ka Iran isla markaasna uu cunaqabatayn ku soo rogay. Mike Pompeo oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in aanu hayn “wax caddayn ah” oo muujinaysa in weerarka laga soo qaaday dalka Yemen. Waxa uu weerarka ku tilmaamay “mid aan horay loo arag oo lagu qaaday warshadaha ugu waaweyn caalamka ee Tamarta laga helo”. Source
  19. (SLT-Suuriya)-Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in uu dhammaaday dagaalkii lagula jiray kooxaha Argagixisada Suuriya. Mr Lavrov ayaa intaa raaciyay in loo baahan yahay oo kaliya xiligaan, sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida iyo dib u dhiska dalka Carbeed iyo guud ahaan mandiqada bariga Dhexe. Dhanka kale wuxuu sheegay in meelo yar oo kaliya ay hada xasilooni ka jirin, gaar ahaan qeybo ka mid ah gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Mucaaradka. Sergei Lovrov ayaa hadalkaan sheegay xilli wareysi siinayay wargeyska Trud ee ka soo baxay dalka Ruushka. Milatariga Suuriya oo taageero ka helaya kuwa Ruushka ayaa ku guuleystay in ay dib ula wareegaan gobolo badan oo mucaaradka Heesteen. Suuriya ayaa madaxa la gashay dagaal Sokeeye sanadkii 2011-kii markaasi oo wadamada carabta uu ka bilowday kacdoon Dadweyne. Source
  20. Addis Ababa (SMN) – Shirkan oo u dhexeeyey kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP iyo dowladda federaalka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka maaliyadda xkuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale (Beyle), guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Dheere, iyo wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka. Intii uu socday ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dey cafinta, sida lagu sheegay warka ka soo baxay shirkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  21. (SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo loo soo tababarayo dowladda Federaalka ah tababar loogu qaaday dalka Eritrea oo sannadkii hore laga qaaday cunaqabateyntii uu saaray golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Sida wararku sheegayaan ciidammada tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan illaa 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo ah Boolis-Milateri iyo Nabadsugid. Warar qaar ayaa sheegaya in ciidammadan loogu tala galay ammaanka xilliga kala guurka ee dalka Soomaaliya uu galayo doorasho, waxaana ka soo baxaya weydiimo kala duwan oo ku saabsan baahida xilligan keentay in Eritrea ciidamo tababar loogu qaado, iyadoo hore u jireen Ciidamo tababaro loogu qaaday Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sannadihii u dambeeyay kumanaan askari lagu soo tababaray. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa is weydiinaya Eritrea oo hore loogu eedeeyay inay taageerto Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, arrintaas iyo arrimo kale darteed ku muteysatay in cunaqabateyn loogu soo rogo iyo in muddo 10 sano ay caalamka intiisa kale kaga jirtay go’doon waxa xilligan ku soo beegay in Ciidamo ay u tababarto Soomaaliya. Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday in Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaadhaan colaadii mudada labaatanka sanno ee u dhaxeysay labada dal, waxaana caadi ku soo laabtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoo safaaradahooda dib uga furtay Addis Ababa iyo Asmara, waxaana tallaabadaas ay sabab u noqotay in Eritrea ay dib uga soo muuqato masraxyada caalamka, isla markaana ka baxdo go’doontii ay ku jirtay, inkastoo weli dowladda uu hoggaamiyo Isaias Afwerki ay wajaheyso eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa waxaa uu ka cudur daartey kamid noqoshada mar saddexaad guddidaas oo la soo magacaabo. Cabdifataax Ibraahin Sheekh waxaa uu ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqondey komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta. Komishaneerka oo warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay in xilkaas loo magacaabo sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen Gudoomiyaha xisiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa madalo badan kaga dhawaaqay in Komishineerka ay mar sadexaad u cugan doonaan uu noqon doono Kominshineer Cabdifataax Maalmihii ugu danbeeyey waxa jirtay daadaalo lagu doonayay in komashinerka lagu qanciyo in uu mar sadexaad jagadaas buuxiyo balse dadaaladaasi ma noqon kuwo midho dhala Gudomiyaha UCID ayaa haatan waxa horyaala in muddo kooban uu ku hello cida buuxin lahayd jagadaas. Source
  23. Beledweyne (SMN) – Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qaboojiyay xiisad colaadeed oo mar kale kasoo cusboonaatay degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo isgu jira CXD qeybta 21-aad iyo NISA ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi Lugeey, iyagoo kala dhex galay Labad Beelood ee ay halkaasi xurfufta ku dhex martay. Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kulammo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda degaannadaasi, waxaanay u sheegeen in aan la oggoleyn in ay halkaasi ka dhacdo dirir sokeeye Dhiig dambana uu ku daato macna darro. Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaasi ayaa soo dhoweeyay Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamineysaba, waxanay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in Dowladdu ay ka howl-gasho halkaasi, si xal loogu helo dilalka macna darrada ah, waxanay a dhinacooda ballan qaadeen in ay xoojinayaan nabad gelyada guud. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkii shalay lagu dilay mas’uuliyiintii maamulka HirShabelle ee qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu horrey tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, marxuum Cabdullahi Shitaawe, wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabelle, marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale, marxuum Xasan Baldoos oo dhammaan ku dhintay qaraxaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in marka ay tallada la wareegayeen madaxda dowladda federaalka ay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar aheyd nabad, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu dowladda dhexe ku eedeeyey in ay indhaha ka laabatay dhibaatooyinka ka jira waddadaasi, isagoo ugu baaqay inay wax ka qabato amniga inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar. Halkan hoose ka Aqriso: Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyada ee Gobolka Sh/ Dhexe marxuum Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabeelle marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale marxuum Xasan Baldoos oo ay shalay aragagexisada Al- shabaab ku dileen duleedka Balcad. Runtii waa arrin murugo iyo xanuunkeeda wadata. Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale ay argagixisadu duleedka magaalada Balcad ku dileen xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilawle, Xildhibaan Daahir C/lle Mukhtaar, iyo Gudoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle Muuse C/lle. Dhamaantood Allaha u naxariisto. Hogaanka Dowladda Federaalka waxey talada dalka la wareegeen iyadoo waddada Muqdisho iyo Jowhar isku xirta ay nabad tahay, waa masuuliyad darri in maalin kasta masuuliyiin jidka lagu gumaado, dawladduna ay iska fiirsato oo aysan waxba ka qaban, waxna ka soo qaadin. Waxaan ka dalbaneynaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay xil iska saaraan wax ma qabashada amni dari ee wadadaas ka taagan, muujiyaana dareen masuuliyadeed oo xilka ay hayaan u qalma. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidanka dowladda ku lahaayeen degmada Qoryooley, awdheegle, duleedka Afgooye iyo sidoo kale deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan xooggiisa uu ka dhacay degmada Qoryooley, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen hub aad u xooggan. Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in ugu yaraan Saddex qof ay ku dhimatay, iyadoo dhaawacuna ku dhow yahay 10, sidey inoo sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale, waxaa dagaalkan ku gubtay guryo iyo xarumo ganacsi oo dad shacab ah ay lahaayeen, iyadoo saakayna xaaladdu deggan tahay. Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose, weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalladan xalay dhacay. Ururka Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ay ciidanka DFS ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com