-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil ay ciidanka Puntland u geysteen mid kamid ah dhalinyaradda kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed. Marxuumka ayaa la sheegay in lagu khaarijiyey magaaladda dekada leh Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowlad goboleedkaas. Mudane Babab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka codsadey in uu jawaabo degdeg ah ka bixiyo falkaas. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sharcidejiyaha hoosta ka xariiqay in ay tahay wax aanan loo dulqaadan dilalka dadka kasoo jeeda goboladda Koonfurta ee waddanka oo kusoo badanaya degaanada maamulka Puntland. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Badda.mp3 View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah haweenka Koonfur Galbeed, ayaa ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan oo ay qaataan dowrka uga aadan dowladnimada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay dul qaad badanyihiin, qayb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta ummadda xilligii ay adkeyd, ayaa kula dardaarmay in ay midbobaan, wada-shaqeeyaan oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuud-na ay ka noqdaan ka dhabeynta rejada dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay boqolkiiba konton ka yihiin bulshada, aqoonna ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayen in dalku uu horumar gaaro, adduunyada-na la tartamo hadii haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haweenka kula dardaarmay in ka qeyb qaataan sugidda Amniga, ciidanka ku dhiiri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku haleyn karo. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay dowrka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga dalka. View the full article
-
Wasiir Dhibsaday Weedho Uu Yidhi Afhayeenka Xisniga WADDANI
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiir Dhibsaday Weedho Uu Yidhi Afhayeenka Xisniga WADDANI, halkan hoose ka Daawo Source -
Baydhabo (SMN) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya dalbatay in goobaha ay AlShabaab kala wareegto la gaarsiiyo adeegyadda bulshadda. Codsigaasi oo ay daboolka ka qaadey in loo gudbiyey Qaramadda Midoobay iyo Bangiga Aduunka ayey xustay in la aqbalay. Dhinaca kale, Deeqo oo hadalkeeda sii wadata ayaa tibaaxday in xukuumadda ka go’an tahay garab istaaga rayidka degaanada laga saaro AlShabaab. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo qaybo kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan howlgalo saf-balaaran oo ka dhan ah xarakadda. Shalay ayey ahayd markii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu magaaladda Baydhabo kulan kula qaatay wafdi ka socda UN-ka iyo World Bank, isaga oo kala xaajoodey arrimaha bini’aadanimada iyo in la isla wado gargaarka iyo horumarinta. View the full article
-
Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhexeeyay dagaalamyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada militariga Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka deegaanka Jilib Marka ee gobalka shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ayaa sheegay dagaalka uu khasaaro xoogan soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeellada hoose. Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay oo ahaa dhinacyadii dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada Marka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan dadka deegaanka. Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay militariga soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka warbixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Jilibka marka ee gobalka Shabeellada Hoose. Dhanka kale Wararka saakay laga helayo magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada xooga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellada Hoose, maadaama halkaasi uu ku wajahan yahay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka oo u muuqdey mid qorsheysan ayaa ka yimid dhowr jiho oo ay kamid tahay; Xaafad RuusiyoWaa Cuneynaa Waa Cabeynaa iyo Ceel Jaale. Iska hor-imaadka ayaa waxaa lagu beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka 14-ka ee milatariga Soomaaliya. Illo degaanka ah ayaa sheegaya in khasaaraha ciidanka dowladda soo gaarey uu yahay hal dhimasho iyo laba dhaawac Dhanka AlShabaab ayey ku sheegeen geerida laba iyo dhaawaca hal dagaalame, inkasta oo aysan xarakadu wali wax war ah soo saarin. Saraakiisha ammaanka oo ay Shabelle la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkan xalay ka dhacay Marka. Xaaladda ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid aad u kacsan, isla markaana dhaqdhaqaaqyo ciidan ay socdaan. View the full article
-
EDITORIAL The most senior traditional leader of Hawadle clan, Ugas Hassan Ugas Khalif, has criticised the Federal Government of Somalia for putting pressure on people of Hiiraan to send child soldiers to Dhuusomareeb, where a reconciliation conference is taking place. “We do not oppose the Somali Army. What we oppose is the decision of the Federal Government to deploy child soldiers from Hiiraan” said the influential traditional leader. Another traditional leader from Beledweyne clarified the exchange the Deputy Defence Minister had with Hiiraan traditional leaders. ” The Deputy Defence Minister said the Federal Government will lay off Hiiraan soldiers if we fail to abide by the instruction to send troops to Dhuusamareeb” he said. Although the Federal Government of Somalia introduced several months ago a new system that substantially reduced the number of non-existent soldiers who were on the payroll in Mogadishu and nearby regions, troops in Hiiraan, Middle Shabelle and Galguduud paid in the name of the Somali National Army are still organised along clan lines. The dominant clan of a district or region contributes the largest number of recruits. In essence, Somalia has clan militias paid in the name of a National Army. The security architecture unveiled at 2017 London Somalia Conference aimed to professionalise the Somali National Army and other security sectors has not borne fruit. Puntland, a key Federal Member State, has a separate, clan-based army known as Puntland Defence Forces. In 2017 Commanders from Mogadishu-based Somali National Army paid a visit to Garowe as a part of efforts to integrate regional forces. Integration efforts stalled after Federal Member States formed Inter-state Cooperation Council in Kismayo. Somaliland, an unwilling participant of 2017 election through MPs and Senators selected in Mogadishu, has its own army on war footing with Puntland over territory both administrations claim. Puntland does not benefit from training for Somali National Army. The policy to exclude Puntland from training by Turkey and United Kingdom erodes the political capital built to strengthen trust between Puntland and the Federal Government. The overconcentration of training on South and South-central Somalia poses a threat to coexistence among Federal Member States particularly Puntland and Galmudug, two entities whose people thrived on 1993 Galka’yo Peace Agreement. Rebuilding a National Army for a country whose government relies on peacekeepers requires prudence and the strength to resist the temptation to drive a wedge among war-weary Somali social groups. At the Federal Government of Somalia in Mogadishu those two qualities are woefully in short supply. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post The Somali Army of Clan Militias appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda amniga iyo DDR-ta ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilowday qorshe lagu tayeynayo dhammaan ciidamada kala duwan ee Puntland. Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo warbixin siinayey shirka golaha xukuumadda ayaa sheegay in qorshaha tayeynta ciidamadu uu ka socdo dhammaan gobolada Puntland ay ka kooban tahay si loo helo ciidamo tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan Puntland. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in hadda qorshaha tayeynta wajigiisa 1aad uu ku socdo ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada, ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo xarumaha ganacsiga iyo dowladda. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo tayeyn ku bilowday ciidamada taraafikada iyo ilaalada masuuliyiinta. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-13092019.mp3 View the full article
-
Qoraal Ka Soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa heshiiskii lagala noqday ilaa 5 shirkad. Halkaan ka Akhriso. Googjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI (Reuters) - Kenya has banned foreigners from adopting local children and will work toward a new policy governing the process, the presidency said on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday in ay joojisay heshiisyo ay la gashay shirkado gaar loo leeyahay oo ka howlgeli jiray garoonka diyaaradaha caaalamiga ah ee Aadan Cadde. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
HOUSTON (AP) — Democratic debate night No. 3: Attacks and counter-attacks. Love for one former president, loathing for the current one. A 76-year-old front-runner essentially got called old, and he turned around and called another rival a “socialist.” Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Sept. 12 (Xinhua) -- A senior member of the militant group al-Shabab on Thursday surrendered to government forces in the Bakool region, southwestern Somalia, the military said. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dood kulul oo xoog leh ayaa hareeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, sida ay noo sheegeyn xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada Shirka. Beelaha Soomaaliyeed ee ku kulansan shirka ayaa soo bandhigaya tabashooyin badan oo dhaxdooda ah iyo sidoo kale muran ka taagan nidaamka awood qaybsiga Galmudug oo beelaha qaar tabasho ka qabaan. Beesha Sacad ayaa markii labaad soo jeedisay in awood qaybsiga Galmudug laga dhigo labada gobal ee Mudug iyo Galgaduud ee uu ka kooban yahay maamulkaasi. Talo soo jeedin ay sameeyeen ayey ku sheegeen in ay doonayaan in Galmudug awood qaybsigeeda laga dhigo labada gobal ayna ku xaqiran yihiin. Soo jeedinta beesha Sacad ayaa keentay in doodo kulul ay ka bilaawdaan shirka maadaama gobalka Mudug uu gaar u yahay beeshaasi, markii laga reebo beelo kooban oo la daga. Shirka ayaa lagu wadaa in Isbuuc gudihiis lagu soo xiro islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed sida uu qorshuhu yahay. Guddiga Shirka ayaa doonaya in deg deg loo dhameeyo lagana soo saaro War-murtiyeed, si loo dhameeyo howlaha kale ee horyaala maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa waxaa ruqsadii lagala laabtay Shirkado ay dowladda horay qandaraasyo u siisay. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Dowladda Soomaaliya oo ruqsaddii kala laabatay 5 shirkadood. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay isku raaceen in la joojiyo guud ahaanba aqoonsiga kaararka maamulka HirShabelle ee lagu galo xafiisyada dowladda laguna maro wadooyinka Muqdisho. Kaararka Wasiirada, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowladda HirShabelle, ayaa la sheegay in loo baahanyahay dib u habeyn ballaaran kadib markii xubno badan ay maamulkaasi ka baxeen, qaar kalane ay Al-Shabaab isu dhiibeen. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii agaasimihii madaxtooyada HirShabelle uu isu dhiibay Al-Shabaab, waxayna arintaasi sababtay shaki laga qabo aqoonsiyada HirShabelle loo adeegsado weeraro culus oo ka dhaca Muqdisho. Goobaha laga joojiyay waxaa kamid ah Xafiisyada Wasaaradaha iyo waddooyinka horumara Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale waxaa la sheegay in qof kasta oo aqoonsigaas wata in la weydiin karo damiin hadii loo baahdo, iyadoo aan lagu qiimeyn doonin mansab iyo xilka uu leeyahay. Xubno ka tirsan Golayaasha HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho laga diiday aqoonsiyada HirShabelle oo si fudud gacanta ugu galay cadawga, sida ay hadalka u dhigeyn. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amaanka oo arrintaan ku saabsan balse waxaa xogtaan nala wadaagay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo ayaa August 2019 ku tegay dalka Jabuuti booqasho hawleed. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo ka warbixiyay kulankii labada madaxweyne dhexmaray ayaa yiri, “waxay isla lafogureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka,” (Sonna – August 19, 2019). Halkaas waxaa ka dhashay su’aal ah, maxaa isku soo beegay safarka degdegta ahaa ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Jabuuti, iyo imaanshahii Muqdisho wafdigii muhiimka ahaa ee uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Qadar! Inta uu Madaxweyne Farmaajo joogay dalka Jabuuti, Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Qatar waxay wada saxiixdeen heshiiskii ugu muhimsanaa tan iyo inta ay jirtay xukuumadda Farmaajo-Keyre. Dalka Qadar wuxuu ballan qaaday inuu ka dhisayo deked casri ah magaaladda Hobyo ee Maamul-Goboleedka Galmudug. Dhammaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekeddaas, waxaa la sheegay inuu yahay deeq walaal. Taasi waxay astaan cusub u tahay in Qatar ay qorsheyneyso inay door firfircoon ka ciyaarto isdhexgelka dhaqaale geeska Afrika, gaar ahaan kan Soomaaliya. Intaba waxaa ka sii cajiib badan, in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu isna booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Jabuuti. Su’aasha waxay isu rogtay, muxuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti ku qooshayaa? Labada safar waxaa u dhexeyay wax ka yar seddax todobaad, haddaba maxaa xiriir ahoo ka dhaxeeya booqashada, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo midda Mudane Muuse Biixi Cabdi? Dhanka kale, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa magaaladda Mina ee dalka Sucuudiga, kula kulmeen Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa. Labada wafdi waxay casumaad ka heleen Boqorka Sacuudiga Salmaan binu Cabdullcaziiz Al Sacuud. Haddaba, kulanka wafuuda labada dhinac ma mid si kadis ah ku dhacaybaa mise wuxuu ahaa mid hore loo qorsheeyay? Booqashada madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxay timid kadib markii dowladda Sacuudiga ogolaatay in sanadkan moosinka Xajka, xoolaha ka soo dhoofa dekedda Berbera laga qaado xayiraadii saarnayd. Arrintaas, waxaa heshiis is-afgarad ka yeeshay dowladda, Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga. Weliba, casuumadda Mudane Biixi iyo wafdigiisuba waxay timid ka gadaal markii Muuse Biixi uu kala soo laabtay Abu Dhabi caloolgubyo la xiriirta in Somaliland aan laga marti qaadin shirkii amniga badda cas. Geesta kale, maamulka Somaliland waxuu sheegay in shiidaal ganacsi ah kala soo degi doonaan dekedda Berbera laga bilaabo bisha Oktoobar, islamarkaasna laga iibin doono ganacsatada. Sidaas waxaa sheegay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, Mudane Xassan Axmed Ibrahim -Embassy, (BBC Somali News – September 08, 2019). “Inkastoo Mudane Xassan Embassy uu sheegay shiidaalka inuu yahay mid ay maamulka Somaliland soo iibsadeen, misna meesha lagama saari karo inuu yahay deeq Sacuudiga siiyay Somaliland, marka la eego awoodda dhaqaalaha maamulka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee boqortooyada Sacuudiga,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka. Waxaan sir ahayn in Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbabta xiriirkoodda madmadow soo galay, marka ay timaado arrimaha dalka Yemen. Taasi waxay sababtay in labada dal ay isku aragti ka noqon waayaan siyaasadda lagu wajahayo dalalka dhaca Bada Cas, oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Khabiirada siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin, “in Boqortooyada Sacuudiga, doonayso inay Soomaliya (Somaliland) u adeegsato aalad cadaadis ah oo lagu xakamadeynayo saameynta Imaaraadka Carbabta ku leeyahay gobolka. Waxuuna Sacuudiga ka faa’iidaysanayaa xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhaxeeya Imaaraadka, dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.” Ifafaalaha muuqda waxuu tilmaamayaa in Sacuudiga danaynayo Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Berbera. Waxaase la hubin habka uu u doonayo inuu meesha kaga saaro (eryo) Imaaraadka Carbabta, kol haddii uu ku tuhmayo khiyaano. War laga soo xigtay laba ilood oo Yamini ah, iyo mid kale oo kulanka wax ka og ayaa yiri, “Boqorka ayaa xanaaqiisa ka muuqday wada hadaladii uu la yeeshay Madaxwyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ee ay Sacuudiga taageeraan,” (Reuters – August 28, 2019). Dekedda Hobyo ee uu ballan qaaday dalka Qadar inuu si casri oo weliba deeq ah ku dhisayo waxay huwan tahay labo ujeeddo oo kala ah: (B) mahadnaq ku aadan in dowladda Soomaaliya aysan u nuglaanin cadaadiskii ay saartay Imaaraadka Carabta, si xiriirka loogu jaro dalka Qatar, iyo (T) in maamuladda Somaliland iyo Puntland la tuso in maalgashi la heli karo, ayadoo aan la xaraashin dekaddaha, deeqna laga heli karo dunidda. Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah, sideebay Soomaaliya uga badbaadi doontaa hertinta iyo haraatinta (hagardaamaynta) Abu Dhabi, islamarkaasna uga faa’iidaysan doontaa isbaacsiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ilaalsaneysa masaalixdeeda qaranka. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool degmada Gaashaamo ee gobolka Soomaalida, Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen shimbir wayn oo loo maleynayo inuu gorgor yahay oo Caruurta qaadaya. Hal canug ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarka uu shimbirkaas halista ah uu qaaday. Maamulka waxay aaminsan yihiin in arrintan ay ugu wacantahay abaaraha ka jiray gobolka. Muno Shuceyb waa hooyada dhashay mid ka mid ah carruurta dhaawacantay. Waxay BBC Somali u sheegtay in ay maqashay canuggeeda oo qeylinaya ka dibna ay dibadda u soo carartay. Waxay tiri: “Waxaan maqalnay canugga oo aad u qeylinaya, guriga ayaanna orod uga soo baxnay. Waxaan arkay isagoo inanka dhulka ku haya oo afka ku garaacaya. Wuxuu ku qeylinayay ‘hooyo…hooyo’. Waan ku cararay waana ka fujiyay. Wuxuu ku hayay gacmaha oo dhulka ayuu ku baqtiinayay.” Maxamed Xasan waa askeriga booliska ee qaabilsan nawaaxigaas, wuxuu BBc Somali u sheegay in askar badan ay geeyeen howdka, lana amray in la toogto gorgorkaas weerarka ah. “Wallaahi, tan iyo dhacdadaas ka dib, waxaa jiro howlgal boolis oo socda. Askarta waxaa la geeyay meesha iyo keynta. Waxaa bixinay amar ah ah in la dilo balse weli wuu socdaa baadigoobka”. ayuu yiri. Xigasho BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com