Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (SMN) – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaadey in ay dib u habeyn ku bilowday ciidanka maamulkaas. Cabdicasiis Maxamed Galan, wasiirka wasaaradaas, ayaa waxa uu sheegay in qorshahan uu sidoo kale qayb ka yahay tayeynta ilaalada mas’uuliyiinta. Mr Galan ayaa intaasi raaciyey in si lamid ah ciidamada ilalaada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay sidoo kale dib u habeyn doonan. Qorshan ayuu carabka ku adkeeyay in ay u gudbiyeen Golaha Wasiirada maamulkaas, uuna yahay mid ku dhow heer gabagabo ah. View the full article
  2. Marka (SMN) – Ciidamadda xooga dalka ayaa howlgalo saf-balaaran ah waxay ka wadaa xaafadaha kala duwan ee magaaladda Marka. Howlgaladda ayaa waxay ka dambeeyeen ka gedaal markii dagaal culus uu halkaasi ku dhex-maray AlShabaab iyo ciidanka. Dagaalka oo khasaaro kala duwan uu dhinacyadda kasoo gaarey ayaa waxaa ku dhintay guud ahaan shan ruux oo bada dhinac ah. Saraakiisha ammaanka oo diidey in ay xogo dheeraad ah ka bixiyaan howlgaladda socda ayaa tibaaxay in uu yahay mid nabad-gelyadda lagu sugayo. Sikastaba ha haatee, magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ku sugan ciidanka 14-ka October oo howlgalada wada. View the full article
  3. Dhuusamareeb (SMN) – Odayaal kulan ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, baaq nabadeed kasoo saarey colaad beeleedyo ka aloolsan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayey ku booriyeen in ay xabadda joojiyaan, isla markaana wax kasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka, maadaama aanan dagaal xal ahayn. Wax garadka ayaa intaasi raaciyey ay ay dardar gelin doonan dedaaladooda samadoonimadda ah, si looga baaqsado dagaalo horleh oo bulshooyinka walaalaha mar kale dhex-mara. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay isku dhacyo dhexmaray beelahaasi Soomaaliyeed, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo kharaar uu ku dhexmaray qayb kamid ah gobolkaas. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Okay.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-13092019.mp3 View the full article
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda xiga ee kiiska dacwada badda Soomaaliya, kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay illaa 4-ta November. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda. “Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma. Hadalka Juma ayaa qeyb ka mid ah loo fasirtay in Kenya ay u aragto go’aanka maxkamadda mid hal dhinac ah oo Soomaaliya kaliya ay dooneyso, sidaas darteedna jumladda ah “Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah” ay tahay hanjabaad ah inaysan aqbali doonin go’aanka ICJ. Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil. Warka cusub ee maanta kasoo baxay Kenya ee ah inay isku dayeyso in xal laga gaaro kiiska ka hor maxkamadda, ayaa caddeyn u ah tuhunkii horey loo qabaa ee ahaa in qiilkii Kenya ay ku codsatay dib u dhigista ee ahaa inay qoraneyso qareeno cusub, uu ahaa mid aan jirin, balse ay dooneysay kaliya waqti dheeri ah oo ay ku cadaadiso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in laba milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan macluul iyo gaajo, iyadoo ugu baaqaysa beesha caalamka inay gargaar bani’aadnimo la soo gaaraan Soomaaliya. Macluushan ayaa ka dhalatay xaalado abaareed oo dalka ka jiray ilaa sanadkii 2011-kii, sidda lagu sheegay warbixinta. Isagoo ka hadlayey gebagebada booqasho laba cisho qaadatay oo uu ku yimid Soomaaliya, ku xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka, Mark Lowcock, ayaa waxa uu sheegay in dagaalo tobanaan sano socday iyo horumar la’aan ay wiiqeen awoodii ay dowladda Soomaaliya kula tacaali laheyd dhibaatooyinka bani’aadnimo ee soo noq-noqaya. Waxa uu intaa ku daray in abaaro ka dhashay roobabka oo soo daahay ay xaalada uga sii dareen, iyadoo marka roobabka ay da’aana ay sababaan daadad khasaare geysta. Lowcock ayaa waxa uu sheegay in ilaa lix milyan oo qof ay wajahi doonaan cuno-yari bilaha soo socda, iyadoo buu yiri, dadkaasi saddex meelood oo meel ay aad u il-daran yihiin. Lowcock ayaa horkacayey koox ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo ka socda Baanka Aduunka, kuwaasoo gaaray Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed, halkaasoo saddex boqol iyo lixdan kun (360,000) oo dad ah ay kaga qaxeen guryahooda abaaraha iyo dagaalada u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, saddexii sanno ee la soo dhaafay. Dadkan ayaa la dejiyey ilaa 435 goobood oo ku yaala Baydhabo hareeraheeda. Warbixintii dhowaan ay QM ka soo saartay xaalada cuno-yari ee Soomaaliya ayaa muujisay in dalagii beeraha ka soo go’ay bilahii April ilaa June ay ahaayeen kuwa aan ku filneyn baahida jirta. Warbixinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sidoo kale xusaysa in musiibooyinka dabiiciga iyo colaadaha sokeeyey ay guryahooda ka barakiciyeen ilaa laba milyan iyo lix boqol oo kun oo dad ah. View the full article
  7. Maamulka Jubbaland ayaa meel wanaagsan ka maraya iney dhowaan Hawada u duulaan, Diyaarad ay iska kaashanaya doonaan Ganacsato Reer Jubbaland iyo Reer Kenya ayaa dhowaan [...] Source
  8. Sterling Energy has announced that the Government of the Republic of Somaliland has granted a continued extension to the current period of the Odewayne Production Sharing Agreement (‘PSA’). The expiry dates of the relevant exploration periods under the PSA shall now be: Third Period: 2 November 2020; Fourth Period (optional): 2 May 2022; Fifth Period (optional): 2 May 2023; and Sixth Period (optional): 2 May 2024. The minimum work obligations for the exploration periods remain unchanged: (i) the acquisition of 500km of 2D seismic during the Third Period; and (ii) the acquisition of 1,000km of 2D seismic and one exploration well during the Fourth Period. Sterling holds a 34% interest in the PSA and will be carried by Genel (50% interest and Operator) for the costs of all exploration activities during the Third and Fourth Periods of the PSA. David Marshall, the Company’s Chief Executive Officer said: ‘We would like to thank the Government of the Republic of Somaliland and Genel for agreeing to a continued extension. Sterling continues to support the operator during the reprocessing of the full 2D seismic dataset and we look forward to receiving the final deliverables in Q4 2019.’ The Odewayne Block covers a very large area (circa 22,000 sq km) onshore southwestern Somaliland, located adjacent to the border with Ethiopia. The PSC covers block SL6 and part of blocks SL7 and SL10. Original article link Source: Sterling Energy Qaran News
  9. Loollanka doorashada madaxtinimadda Galmudug ayaa si xowli ah ku bilaawday, iyadoo durba lasii calaameeyay labadda musharax ee noqon kara kuwa ugu cadcad. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arko inuu garab ka helaayo Dowladda Federaalka ah iyo Cabdiraxmaan Odawaa oo ah gacanta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu dhexyaala hardanka ugu adag. Dadka qaar ayaa durba bilaabay iney hoos u dhigaan rajadda uu musharax Odawaa ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Galmudug, waxeyna sabab u dhigayaan saddexdaan qoddob. 1-Farqiga beelaha iyo xildhibaanada Federaalka. Galmudug waxaa degan oo xildhibaanada loo qeybiyaa 11 beelood. Marka la joogo Galmudug waxaa caadi ah in xildhibaanada Federaalku ay saameyn xoogan ku lee yihiin soo xulista xildhibaanada Galmudug. Xafladii uu Cabdiraxmaan Odawaa kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa waxaa joogay xildhibaanada 3 ka mid ah 11-ka beelood ee degan Galmudug, halka uu musharax Qoor Qoor soo bandhigay xildhibaanadda 11-kaas beelood ku matala Dowladda Dhexe. Tani waxey muujisay in Odawaa uusan heysan taageerada inta badan beelaha Galmudug. Xildhibaanada Dowladda dhexe ku matala Galmudug ayaa inta badan xusul-duub ugu jira iney soo saaraan qof ay wataan si 2020 ay ugu soo laabtaan Baarlaamanka Federaalka ah. Dadka aadka u faaqida arrimaha Galmudug waxey sheegayaan in musharax Odawaa uu aruursaday xildhibaanadii caanka ka ahaa Facebook halka uu musharax Qoor Qoor aruursaday xildhibaanadii go’aaminayay kuraasta qabiiladooda. 2-Khilaaf ka cararka reer Galmudug Dadka reer Galmudug ayaan 4 sanno helin adeeg maamul. Waxey sanadihii dambe daawanayeen khilaafka Villa Somalia iyo Galmudug. Waxey aaminsanyihiin iney halkaas wax badan oo horumar ah ku seegeen, sidaa darteed waxaa u muuqata in aaney hada xiiso u qabin hogaamiye khilaaf abuur ah. Qodobkaan wuxuu si weyn u saameynaya musharax Odawaa oo dhowaan si dadban u iclaamiyay inuu la dagaalami doono Dowladda Federaalka ah, hadii la doorto. 3- Cadaawadda loo qabo Damuljadiid Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalo ku qaaday Guriceel iyo Dhuusamareeb sanadkii 2015, halkaas oo ay dad-badan ku dhinteen. Weli cidna magdhow iyo raali gelin kama bixin arrintaas. Odawaa wuxuu xiligaas ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha iyo qofkii u xil saarnaa arrimaha gobaladda Dhexe. Waxaa la fahamsanyahay in weli colaad badan loo qabo kooxda uu ka tirsanyahay musharax Odawaa. Sidoo kale wuxuu horey meel fagaaro ah uga weeraray kooxda Ahlu Sunna oo deegaankaas ku xoogan waana arrin kale oo saameynteeda leh. Si kastaba waxaan weli la go’aamin xiliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana weli socda shirkii Dib-uheshiisiinta beelaha Galmudug. W/Q: Maxamed Cabdullaahi Sabriye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa Axada wuxuu ka furmayaa Magaalada Garowe, waxaana makarafoonka marka ugu horeeya loo dhiibayaa oo Furaya Madaxweyne Dani. Ganacsato, Shirkada waaweyn iyo [...] Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal iyo waxgarad muddo todobaad ah u joogay Magaalada Muqdisho sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo Shalay dib ugu laabtay Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Doolow ayaa waxay sheegeen in natiijo ay kasoo bixi weyday dadaalkii ay ku doonayeen inay kusoo daayaan Cabdirashiid Janan. Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ula dhaqmay si baal marsan sharciga iyo Dhaqanka sida ay warka u dhigeen. “ Waxaan aheyn odayaashii Berri haddii la xiro Farmaajo u doodi lahaa oo dhihi lahaa maxaad ku heysataan, wuuna naga soo diiday inuu sii daayo Wasiirka, mana rabno inaan banaanka usoo bixino wixii aan kala soo kulanay ” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii Farmaajo u tagay oo saxaafadda la hadlay. Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka diiday ergeyntii ay wadeen, waxayna Xariga Wasiir Janaan ku tilmaameyn mid xaq darro ah. Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u sheegay inaan wax dambi ah lagu heyn Wasiirka balse xoog lagu heysto. “Madaxweynaha wuxuu noo sheegay inaysan jirin dambi lagu hayo Wasiirka, haddii ay sidaas tahay waxaa lagu heystaa Xoog” Ayuu yiri mid kale oo kamid ah Odayaasha. “Waxaan Madaxweynaha uga imaanay meel fog, waxaana aheyn odayaal badan oo miisaan leh balse niyad jab ayaan kala soo laabanay Muqdisho” ayuu sii raaciyey. Hadalka kasoo baxay Odayaasha ayaa imaanayo Xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in Wasiirka loo heysto dambiyo waaweyn lana soo taagi doono Maxkamadda. Sidoo kale Amnesty International ayaa soo dhaweysay Xariga Wasiir Janan waxayna ku baaqday in si deg deg ah Cadaaladda loo horkeeno. Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna Xariga Wasiir Janan ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Jamaacadda Jazeera ayaa waxay heshiis iskaashi waxbarasho ay la gashay dhigeeda Masar ee Caynu Shamsi. Prof Salaad Ibraahim Fiidow, gudoomiyaha Jamaacadda Jazeera, oo ku sugan dalkaasi, ayaa wuxuu ka warbixiyey heshiiskaasi. Mr Fiidow oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu muhiim u yahay bahda waxbarasho ee waddanka. Si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay in ay uga faa’ideysan doonan ardayda Jamacadda Jazeera iyo kuwa ku sugan gudaha Masar. Caynu Shamsi ayaa waxay kamid tahay Jamaacadaha ugu faca weyn uguna wanaagsan aadka looga tixgeliyo gudaha Masar. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Jamaacadda-Jazeera.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil ay ciidanka Puntland u geysteen mid kamid ah dhalinyaradda kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed. Marxuumka ayaa la sheegay in lagu khaarijiyey magaaladda dekada leh Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowlad goboleedkaas. Mudane Babab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka codsadey in uu jawaabo degdeg ah ka bixiyo falkaas. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sharcidejiyaha hoosta ka xariiqay in ay tahay wax aanan loo dulqaadan dilalka dadka kasoo jeeda goboladda Koonfurta ee waddanka oo kusoo badanaya degaanada maamulka Puntland. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Badda.mp3 View the full article
  14. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah haweenka Koonfur Galbeed, ayaa ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan oo ay qaataan dowrka uga aadan dowladnimada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay dul qaad badanyihiin, qayb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta ummadda xilligii ay adkeyd, ayaa kula dardaarmay in ay midbobaan, wada-shaqeeyaan oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuud-na ay ka noqdaan ka dhabeynta rejada dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay boqolkiiba konton ka yihiin bulshada, aqoonna ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayen in dalku uu horumar gaaro, adduunyada-na la tartamo hadii haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haweenka kula dardaarmay in ka qeyb qaataan sugidda Amniga, ciidanka ku dhiiri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku haleyn karo. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay dowrka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga dalka. View the full article
  15. Wasiir Dhibsaday Weedho Uu Yidhi Afhayeenka Xisniga WADDANI, halkan hoose ka Daawo Source
  16. Baydhabo (SMN) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya dalbatay in goobaha ay AlShabaab kala wareegto la gaarsiiyo adeegyadda bulshadda. Codsigaasi oo ay daboolka ka qaadey in loo gudbiyey Qaramadda Midoobay iyo Bangiga Aduunka ayey xustay in la aqbalay. Dhinaca kale, Deeqo oo hadalkeeda sii wadata ayaa tibaaxday in xukuumadda ka go’an tahay garab istaaga rayidka degaanada laga saaro AlShabaab. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo qaybo kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan howlgalo saf-balaaran oo ka dhan ah xarakadda. Shalay ayey ahayd markii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu magaaladda Baydhabo kulan kula qaatay wafdi ka socda UN-ka iyo World Bank, isaga oo kala xaajoodey arrimaha bini’aadanimada iyo in la isla wado gargaarka iyo horumarinta. View the full article
  17. Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhexeeyay dagaalamyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada militariga Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka deegaanka Jilib Marka ee gobalka shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ayaa sheegay dagaalka uu khasaaro xoogan soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeellada hoose. Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay oo ahaa dhinacyadii dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada Marka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan dadka deegaanka. Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay militariga soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka warbixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Jilibka marka ee gobalka Shabeellada Hoose. Dhanka kale Wararka saakay laga helayo magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada xooga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellada Hoose, maadaama halkaasi uu ku wajahan yahay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka oo u muuqdey mid qorsheysan ayaa ka yimid dhowr jiho oo ay kamid tahay; Xaafad RuusiyoWaa Cuneynaa Waa Cabeynaa iyo Ceel Jaale. Iska hor-imaadka ayaa waxaa lagu beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka 14-ka ee milatariga Soomaaliya. Illo degaanka ah ayaa sheegaya in khasaaraha ciidanka dowladda soo gaarey uu yahay hal dhimasho iyo laba dhaawac Dhanka AlShabaab ayey ku sheegeen geerida laba iyo dhaawaca hal dagaalame, inkasta oo aysan xarakadu wali wax war ah soo saarin. Saraakiisha ammaanka oo ay Shabelle la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkan xalay ka dhacay Marka. Xaaladda ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid aad u kacsan, isla markaana dhaqdhaqaaqyo ciidan ay socdaan. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)Maxaa Kala Qabsaday Cali Khaliif, Maxamed Kaahin, Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Buurmadow Oo Meel Fagaare Ah Iska Helay, Halkan hoose ka Daawo Source
  20. EDITORIAL The most senior traditional leader of Hawadle clan, Ugas Hassan Ugas Khalif, has criticised the Federal Government of Somalia for putting pressure on people of Hiiraan to send child soldiers to Dhuusomareeb, where a reconciliation conference is taking place. “We do not oppose the Somali Army. What we oppose is the decision of the Federal Government to deploy child soldiers from Hiiraan” said the influential traditional leader. Another traditional leader from Beledweyne clarified the exchange the Deputy Defence Minister had with Hiiraan traditional leaders. ” The Deputy Defence Minister said the Federal Government will lay off Hiiraan soldiers if we fail to abide by the instruction to send troops to Dhuusamareeb” he said. Although the Federal Government of Somalia introduced several months ago a new system that substantially reduced the number of non-existent soldiers who were on the payroll in Mogadishu and nearby regions, troops in Hiiraan, Middle Shabelle and Galguduud paid in the name of the Somali National Army are still organised along clan lines. The dominant clan of a district or region contributes the largest number of recruits. In essence, Somalia has clan militias paid in the name of a National Army. The security architecture unveiled at 2017 London Somalia Conference aimed to professionalise the Somali National Army and other security sectors has not borne fruit. Puntland, a key Federal Member State, has a separate, clan-based army known as Puntland Defence Forces. In 2017 Commanders from Mogadishu-based Somali National Army paid a visit to Garowe as a part of efforts to integrate regional forces. Integration efforts stalled after Federal Member States formed Inter-state Cooperation Council in Kismayo. Somaliland, an unwilling participant of 2017 election through MPs and Senators selected in Mogadishu, has its own army on war footing with Puntland over territory both administrations claim. Puntland does not benefit from training for Somali National Army. The policy to exclude Puntland from training by Turkey and United Kingdom erodes the political capital built to strengthen trust between Puntland and the Federal Government. The overconcentration of training on South and South-central Somalia poses a threat to coexistence among Federal Member States particularly Puntland and Galmudug, two entities whose people thrived on 1993 Galka’yo Peace Agreement. Rebuilding a National Army for a country whose government relies on peacekeepers requires prudence and the strength to resist the temptation to drive a wedge among war-weary Somali social groups. At the Federal Government of Somalia in Mogadishu those two qualities are woefully in short supply. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post The Somali Army of Clan Militias appeared first on Puntland Post.
  21. Wasaaradda amniga iyo DDR-ta ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilowday qorshe lagu tayeynayo dhammaan ciidamada kala duwan ee Puntland. Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo warbixin siinayey shirka golaha xukuumadda ayaa sheegay in qorshaha tayeynta ciidamadu uu ka socdo dhammaan gobolada Puntland ay ka kooban tahay si loo helo ciidamo tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan Puntland. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in hadda qorshaha tayeynta wajigiisa 1aad uu ku socdo ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada, ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo xarumaha ganacsiga iyo dowladda. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo tayeyn ku bilowday ciidamada taraafikada iyo ilaalada masuuliyiinta. appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-13092019.mp3 View the full article
  23. Qoraal Ka Soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa heshiiskii lagala noqday ilaa 5 shirkad. Halkaan ka Akhriso. Googjoog News Source: goobjoog.com