-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (SMN) – Gudoomiyeyaasha degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa shir amniga iyo maamul wanaaga looga hadlayo wuxuu uga socdaa Baydhabo. Cabdullaahi Baafow, gudoomiyaha Marka, ayaa daboolka ka qaaday in kulankan la filayo in Khamista maanta ah lasoo gabagabeeyay. Mr Baafow oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaadey in ay isla qaateen kawada shaqeynta nabad-gelyadda. Adeegyadda dowliga ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa dadweynaha ku dhaqan degaanadda fog ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshaha shirkan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Shar.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay dowlad goboleedka Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad oo horkacayey wafdi ay dowladda u dirtay Boosaaso, ayaa xusay madaxda maamulkaas ay la galeen wada hadalo. Wada xaajoodyadda oo socday muddo ku siman 8-saacadood ayaa waxaa laysla soo qaadeen in sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen labadda dhinac. Mr Cawad oo markii ay Muqdisho kusoo laabteen la hadlay warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in uu dhamaado ismaandhaafka. Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan is-faham ka gaarin doorashadda Jubbaland, wuxuuna caddeeyay in uusan waxbo iska bedelin mowqifkeeda coddeyntaas. Ugu dambeyntii, wuxuu kalsooni weyn ka muujiyey in arrinta Jubbaland-na ay is-afgarad ka gaari doonan muddada soo aadan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-10102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay munaasabad casho-sharaf oo lagu maamuusayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo madasha kelmad soo dhaweyn ah ka jeediyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo wafdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaaddeen dalkooda labaad ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay abaal weyn u gashay ummadda Soomaaliyeed isaga oo uga mahadceliyay dadaalkii iyo wakhtigii ay geliyeen in Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto maadaama oo Carta lagu soo dhisay Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee ugu horreysay burburka ka dib. “Dowladnimada Soomaaliya burburka ka dib Carta ayay ka soo bilaabatay, waxaana taas suurtageliyay hoggaaminta walaalkeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dadka walaaleheenna ah ee reer Jabuuti. Runtii juhdi iyo wakhti ayay geliyeen inay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagto laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo dowladdii ugu horreysay ee kumeelgaarka ahayd lagu soo dhisay Jabuuti.” Mudane Maxamed Cali Xumud ayaa dhankiisa Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo dareenka walaalnimadu ku dheehan tahay ee ay ku qaabileen intii ay waddanka ku sugnaayeen isaga oo Soomaaliya u rajeeyay horumar, nabad iyo xasilooni siyaasadeed. Munaasabadda casho sharafta waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay tagaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud. U jeedada safarkooda ayaa ah sidii ay uag qeyb-geli lahaayeen Xaflada Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam oo Baarlamaanka Maamulkaas ay markale u doorteen Madaxweynaha Jubbaland. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya. Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray cadaadis siyaasadeed oo Madaxdii hore iyo Xisbiyada siyaasada wadeen, kaddib shirar ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday tallaabada dowladda Federaalka ku xayirtay safarkii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo saameynta uu reebay. Si kastaba ha ahaatee dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid ku guuldareysatay isku daygeedii ahaa inay joojiso caleema saarkii Axmed Madoobe oo ay horay u shaacisay in aanay aqoonsaneyn, isla markaana wafuudi kala duwan oo ka qeyb galaya caleema saarka ay bilaabeen inay tagaan Kismaayo, iyadoo uu jiray amarkii diyaaradaha ku soo rogtay. Magalada Kismaayo Wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhawyenta wufuuda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goordhow ka duulay Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Doha: The Ministry of Interior (MoI) and the Ministry of Administrative Development, Labor and Social Affairs (MADLSA) have announced a number of measures on work and residence permits to be implemented soon. The measures include allowing the sons of residents to work in the private sector without changing their sponsorship. New decisions also include granting new visa for temporary work in some professions and jobs and reducing the fees by 20 percent for MoI’s services, which are delivered electronically. These measures were announced at a press conference attended by Director General of the Department of Passports Brigadier Mohammed Ahmed Al Ateeq, Assistant Undersecretary for Labor Affairs of the MADLSA Mohammed Hassan Al Obaidli and Assistant Director of Legal Affairs at MoI Lt. Col. Ahmed Abdullah Al Harami. Official explained that for a family member of an expat to work in Qatar without changing sponsorship they will have to get a written approval from the head of the family and obtain a work permit from the ministry after paying required fees. As per the proposal, these visas will be issued by MoI after the approval by the MADLSA while all required procedures will be carried out through Qatar Visa Centres abroad or soon they arrive in the country. Temporary work visas valid for one month will be charged QR 300 and for two months QR 500. Visas valid from 3 to 6 months will be charged 200 for each month. Brigadier Al Ateeq said that these measures were based on Qatar’s intention to utilize the capabilities of sons of expatriate residents in the country. He added that work is underway to develop a legislative tool for this proposal through the amendment of the provision of Article No. 17 of Law No. 21 of 2015 so that it allows all members of an expatriate family to work with any employer in the private sector without being obliged to transfer their residence. As per the current system, only daughters are allowed to work without changing sponsorship. As per the new proposal, all members of the family will be allowed to work without changing their family sponsorship. On the introduction of a new temporary work visa in certain professions and jobs, Al Ateeq said that these visas will be granted to private companies, commercial establishments and other licensed entities in the country to perform some emergency, temporary or seasonal work that requires the workforce for a specific period, season or occasion. Regarding the proposal to reduce fees for services rendered and completed electronically, the Director General of the Department of Passports said that this comes within the framework of Ministry of Interior’s policy of facilitating procedures and providing services to beneficiaries in the best way possible in order to achieve the goal of “ministry without paper” through electronic systems and high quality automated programs such as the e-government system, the MoI’s website and Metrash 2 for submitting and completing applications to obtain the required services with minimal effort and less time. During the press conference, Director General of Passports announced the proposal to introduce a new temporary work visa system for some professions and jobs in order to accommodate the need of the labor market and create a suitable environment for domestic and foreign investment. For his part, Assistant Undersecretary for Labor Affairs of the MADLSA Mohammed Hassan Al Obaidli pointed out that there are a number of advantages in the proposal to allow the sons of residents to work in the private sector without having to transfer their residency, which will reflect positively on the labor market and on all categories of the Qatari society both citizens and residents, and meet Qatar’s national vision and development strategies. He pointed out that the new proposal will reduce recruitment of marginal labor surplus than required by the labor market, reducing the costs of recruitment and housing expenses for the employer, take advantage of the their familiarity with the customs and traditions of the Qatari society, in addition to the possibility of utilizing their qualifications and competencies to work temporarily or permanently under internal employment contracts in private companies. “This will also help to eliminate leisure time for this category, which is often exploited in unhelpful aspects,” he added. Al Obaidli said among conditions for allowing family members to work in accordance with the current proposal will be a written approval by the head of the family and obtaining a work permit from the competent authority at the Ministry of Administrative Development, Labor and Social Affairs after paying the required fees. With regard to the issuance of temporary work visas to accommodate the need of the labor market in some professions and facilitate and diversify recruitment for employers and companies, Al Obaidli explained that the proposal has been studied with a view to creating a suitable environment for domestic and foreign investment; and there was also coordination between the concerned authorities in the Ministry of Interior, and the Ministry of Administrative Development, Labor and Social Affairs and the relevant authorities, upon which it was agreed to put in place guidelines, conditions and requirements of this visa, and determine the duration and fees. Al Obaidli said that the issuance of the proposed visa will only be considered by the competent authorities when the competent department at the Ministry of Administrative Development, Labor and Social Affairs confirms the existence of a (temporary) employment contract between the worker and the employer in accordance with what is needed in such cases, and in line with the provisions of the Labor Law No. 14 of the year 2004 and its amendments and the resolutions implementing it. He pointed out that the contract will be reviewed and approved in a manner that does not contravene an offer of work submitted to the worker, as well as passing the necessary medical examination through the Qatar visa centers abroad, noting that in case of the absence of those centers in the country of the worker, the worker is required to take these procedures immediately on entering the country, in the same way as other categories of expatriate labor do according to the applicable procedures in this regard. In turn, Assistant Director of Legal Affairs at MoI Lt. Col. Ahmed Abdullah Al Harami asserted that these proposals have been studied and completed and work is underway to develop a legal tool and legislative procedures to finalize it and then complete the procedures for their application. QNA Qaran News
-
The good news came to Ilwad Elman on Twitter. “I woke up and I was being flooded with messages and emails and I thought, ‘What is going on?’” Elman said in a phone call from New York, where she is attending the UN General Assembly. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo maal-gaashiga Soomaaliya Fahma Axmed Nuur ayaa la sheegay inay Muqdisho ku xiratay wiil lagu magacaabo Mahdi Cabdiraxmaan Raajis, oo kasoo jeeda reer Raajis oo ah reer caan ah oo Banaadiri ah, sida ay sheegeen qoyskiisa. Wiil la dhashay Mahdi iyo hooyada dhashay Mahdi ayaa muuqaal ay soo dhigeen facebook ku sheegay in Mahdi uu muddo lix bilood ah u xiran yahay Fahma Axmed Nuur, islamarkaana aysan jirin cid wax ka qaban karta wasiiradda oo awood u sheegatay. Mahdi iyo Fahma Axmed Nuur ayaa la sheegay inay isku haysteen guri uu ka dhintay aabihiis Cabdiraxmaan Raajis oo dhaxal ah, balse wasiir Fahma ay awood sheegatay oo ay dhaxalkii ku qaadatay. Qoyska ayaa sheegay in Fahma ay Mahdi u tahay eedo, inkasta oo aysan caddeyn inay xagga dhalashada eedo ugu tahay oo ay aabihiis la dhalatay iyo inay ugu noqotay xagga xididka oo aabihiis uu ka dhintay Fahma ayaa la sheegay inay ku andacootay in Mahdi uu qoraal aflagaado ah oo iyada ka dhan ah uu soo dhigay baraha bulshada, taasi oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Hooyada dhashay Mahdi ayaa muuqaalka lasoo dhigay facebook aad uga bariday Fahma inay wiilka soo dayso, islamarkaana maadaama ay yihiin reer Baraawe aysan awood u sheegan. Mahdi ayaa lagu soo warramayaa inuu xabsiga ku xanuusan yahay, oo uu ku dhacay cudurka dhiig karka. Qoyska reer Raajis ayaa madaxda ugu sarreeya dowladda ka codsaday inay u caddaalad falaan Mahdi Cabdiraxmaan Raajis. Hoos ka daawo muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xog-xasaasiya:Kacdoon beeleed ka dhan ah maamulka Siciid Deni oo ka qarxay Gudaha Puntland+Khalkhal Siyaasadeed soo wajahay Maamulkiisa Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland. Warbaahinta ayaa ogaatay in kulamo aan loo kala kicin muddo todobaad ah, islamarkaana ku soo dhamaaday natiijo la’aan ay ka dhaceen magaalada Boosaaso xarunta ganacsi ee Puntland, waxaana kulamadaas qayb ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Saddex kamid ah beelaha ugu awoodda badan gobalka Bari ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan in ay joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Puntland, islamarkaana ay ku dhawaaqaan shir-wayne deg deg ah oo looga tashanayo aayaha gobalka Bari. Beelahaan oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari. Siyaasiinta beelahaan ayaa la kulmay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaasi islamarkaana ku jira dowladda Puntland, waxayna isku fahmi waayeen dhaqan gelinta rabitaanka beelahaan waana sababta keentay in Deni uu yimaado Boosaaso iyadoo kulamadii Madaxweyne Deni lala qaatay ay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan waana sababta keentay Khalkhal Puntland. Odayaasha iyo dadka degaanka ee Boosaaso ayaa ka cabanaya in ilihii dhaqaalaha gobalka loo gacan geliyay ajaaniib islamarkaana shaqo joojin lagu sameeyay kumamaan dhalinyaro ah iyo odayaal ka shaqaysan jiray Dekadda, Airport-ka iyo Maxjarka. Sidoo kalane ay jiraan tabashooyin kale oo ay ka qabaan dhismaha Dekadda Garacad ee Gobalka Mudug oo ay u arkaan in ay tahay mid lagu dhabar Jebinayo ganacsiga Dekadda Boosaaso. Qaran News
-
Marka siyaasad iyo taageero koox meel la iska dhigo, ma jiro qof ku doodi kara in doorashada Jubbaland ka dhacday ay ahayd mid 100% loo maray waddo sharci ah oo hufan. Hase ahaatee dowladda federaalka diidmada ay kala hor timid doorashadaas waa mid aan wax sharciyad ah ku fadhin haba yaraatee. Waxaa jira mabda’ sharciyadeed oo la yiraahdo “precedent” oo ah in wixii hore loo sharciyeeyay ay sameynayaan “principal” loo adeegsan karo waxa dib ka dhaca. Kismaayo waxaa ka dhacay laba arrimood: 1-In doorasho natiijadeeda la yaqaan ay ka dhacday, oo uusan dhicin tartan xarash iyo madax ah, xoogag isu miisaamana aysan ka qeyb qaadaan. Ku dar cadaadin iyo boob haddaad doonto. 2- In Dowladda dhexe iyo wasaaradda arrimaha gudahana aan laga siin wax kaalin ah, oo maamulka markaas jiray ee Jubbaland ee hadda guusha sheegtay uu iskiisa u maamushay doorashada. Dowladda dhexe doorasho labadaan sifa lehba way aqbashay, wayna marxabeysay: 1-Baydhabo midda ka dhacday way ka fool xumeyd tii Kismaayo, xarig iyo dhiig farabadan ayaa ku daatay. Dowladda dhexe waxay ku timaantay “doorasha xur iyo xalaal ah”. 2- Garoowe waxaa ka dhacday mid dowladda dhexe loo diiday wax kaalin ah, hadda dowladda way ka qeyb gashay caleema saarkii ka dhacay Garoowe. Halkaas waxaa yaala “precedent” oo xujo walba oo sharciyadeed oo looga hortagi lahaa Axmed Madoobe ay ku jabayso. Xalka wuxuu ahaa maaddaama dowladda ay ka warheyso in ay doorashooyin goboleed soo socdaan, in wasaaradda arrimaha gudaha ay habraac wada mid ah ka soo saarto doorashooyinkaas. Taas ma dhicin, lagumana celin karo, ee waa sideeda ha lagu wada qaato! WQ: Hassan Adam Hosow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi [Ciise Tarabuun] ayaa lagu wargeliyey in uu tago safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da. Qoyskiisa oo meesha ka saarey in uu ku lug-leeyahay arrimo argagixiso ayaa sidoo kale waxay kula taliyeen in uu u sheego Booliska goobta uu joogo kadib marka uu tago xarunta safaarada. Ciise Tarabuun oo ay doondoonayaan laamaha ammaanka Kenya ayaa bishii Maaj e 2019-kii waxaa sii daysay dowladda Soomaaliya kadib markii uu “dhameystay xukun laba sano oo xarig ah”. Xukunkaas ayaa garka loo geliyay markii lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo. Eedeymahaas oo lagu waayey ayaa waxaase loo xukumay dacwad kale oo ah “in uu amniga Qaranka halis uu ku yahay”. Illaa iyo haatan ma cadda hadii booliska Kenya ay gacanta ku dhigeen Ciise Tarabuun ama in uu kasii talaabaday wadankaas. – Xisbul Islaam – Ciise Tarabuun ayaa markii koowaad la qabtay 2015-kii. Qabashadiisa oo ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa timid markii uu ka jawaabay telefoonka sarkaal lagu raad-joogay. Sarkaalkii uu telefoonkiisa ka jawaabay ayaa sanadkii 2016-kii waxaa duqeyn dhanka cirka ah ku dilay ciidamadda Mareykanka. Mr Ciise oo xubin ka ahaa Xisul Islaam ayaa ku jiray raggii lasoo goostay Xasan Daahir Aweys. Balse markii uu yimid Muqdisho waxaa gabaad siiyey mid kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xustay in markii Ciise Tarabuun xorriyadiisa loo celiyay 2016-kii ay isku afgarteen in uu la shaqeyn doono. Balse in uu jebiyey heshiiska waxay keentay in 2017-kii lasoo xiro. – Amniyaatka – Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka haatan ee amniga, ayaa daboolka ka qaaday in Ciise uu ahaa Madaxa Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. Inta lagu guda jira su’aallo waydiinta wuxuu sheegay dhowr magac. Cabdiwahaab Khaliif Cabdi, Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi iyo Ciise Khaliif Cabdi waa magacyadda ugu jira diiwaan-gelinta laga qoray. Balse, sirdoonka wuxuu xaqiijiyey in magaciisa dhabta ah uu yahay Cabdiwaaxid. Balse qoyskiisa ayaa ku adkeystay in uusan lahayn naaneesta Ciise Tarabuun. Waxayse ku qeexeen “Tima Jilac”. Warar dhanka mukhaabaraadka ah ayaa rumeysan in kadib sii deyntiisa uu baxay dhanka degaanada Al-Shabaab lana soo siiyey tababaro dheeraad ah uuna madax u ahaa qayb kamid ah koox ka howlgasha Muqdisho. Bishii September 24-keeda ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Ciidamadda ammaanka madaarka oo bar garanayey ayaa joojiyey balse sarkaal ciidanka dowladda ka tirsan ayaa damiintay. Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u dusiyey Garowe Online in bartilmaameedka socdaalkiisu yahay Suudaanta Koonfureed uuna wato Baasaboor ay ugu qoran tahay “ganacsadde”. Mudadii uu kamid ahaa Xisbul Islaam ayaa la sheegayaa in uu kamid ahaa taliyeyaasha ka howlgala aaga xaafadaha KPP illaa iyo isgoyska Tarabuunka ee degmadda Hodan, magaaladda Muqdisho. Isha: VOA + Garowe Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa u yeeray dhamaan guddoomiyaha maamulka gobalka Shabeelada Hoose, ku xigeenadiisa iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobalka, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed. Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha gobalka Shabeelada Hoose iyo wafdigiisa oo ka kooban ku xigeenada gobalka iyo kuwa degmooyinka ayaa gaaray Baydhabo, waxaana la sheegay in ay kulamo Baydhabo kula leeyihiin Madaxweyne Lafta-gareen. Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in wafdiga laga reebay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobalka Shabeellada Hoose, sidoo kalane ah guddoomiyaha Maaliyadda ee gobalkaasi Cabdiftaax Xaaji Cabdulle balse inta kale ee ka kooban kuwa gobalka iyo degmooyinka ay gaareen Baydhabo. Wararka aan helnaya ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu doonayo in uu sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis islamarkaana la xalin doono dhibaatooyin daran oo ka jira Shabeellada Hoose. Bixitaan-ka masuuliyiintaan ayaa ku soo aadaya iyadoo gobalka Shabeellada uu wajahayo xaalado aad u daran oo dhanka ammaanka iyo arrimaha bini-aadanimada ah, waxaana muuqata in maamulka gobalka uu ku fashilmay maareynta musiibooyinka gobalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Kenya to host symposium on strengthening capacities of public institutions in East Africa Economic Affairs Officer, Eunice Ajambo, is one of those representing the Economic Commission for Africa (ECA) at the symposium ADDIS ABABA, Ethiopia, October 9, 2019/ — Kenya will next week host a three-day symposium on Strengthening Capacities of Public Institutions for Transformation, Innovation and Ethical Leadership to Realize the 2030 Agenda for Sustainable Development and Agenda 2063 in East Africa. The symposium, which is being organized by the United Nations Department of Economic and Social Affairs (UN DESA), in collaboration with the Kenyan government and the African Union Development Agency (AUDA-NEPAD), seeks to strengthen the capacities of government officials in East Africa to transform their public institutions and accelerate the achievement of the 2030 Agenda and Agenda 2063. The Economic Commission for Africa (ECA), a key partner of the African Union, will participate in the symposium. Economic Affairs Officer, Eunice Ajambo, is one of those representing the ECA at the symposium. “The achievement of Agendas 2030 and 2063 is wholly hinged on public service. All the development goals require the provision of public services, or the implementation of policy that requires public service to coordinate, mediate or provide,” says Ms. Ajambo. “From the perspective of the ordinary African, we are asking ourselves, what is the scorecard on how well are we doing, to deliver to them come 2030? What is the status of our institutions? How effectively are we sourcing, and efficiently utilizing resources towards public investment? What is the role of, and the feedback from the average African public servant? It is about principles of accountability, transparency, participation, inclusiveness, responsiveness. It is about the place of innovation. And public service motivation is a must.” The symposium aims to reflect on how best to mobilize, organize and equip institutions to effectively promote sustainable development by taking stock of progress made in the implementation of both agendas. It will also provide an opportunity to discuss how to promote government innovation for social inclusion of vulnerable groups, with a focus on youth, gender and persons with disabilities. It will also engage with the task force of schools of public administration from East Africa under the Global Initiative of Schools of Public Administration to Implement the SDGs with the aim to develop and update public service training curricula and public service performance management frameworks, integrating key competencies and skills needed for public servants to implement the 2030 Agenda. Organizers say the 2063 Agenda and the 2030 Agenda will not be realized unless public institutions in Africa become more effective, accountable and inclusive and unless services are delivered in a more equitable manner, considering the needs of the most vulnerable groups in society. “This is about promoting, supporting, and strengthening the capacities, and the enabling environment in which public services can be effectively and efficiently delivered and provided by all relevant actors,” adds Ms. Ajambo. While countries in East Africa have registered great progress in establishing democratic governance systems, including by regularly holding elections, significant efforts and country-level commitments are needed to consolidate good governance and build lasting peace. East African countries highlighted, through the Voluntary National Reviews (VNRs) they presented at the High-level Political Forum (HLPF) in 2016, 2017, 2018 and 2019 that: “weak multi-sectoral implementation planning” and national to local “community engagement” are still major challenges. The symposium will be held from 16 to 18 October 2019 in Nairobi, Kenya at the Kenya School of Government. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
-
PRESS RELEASE UNHCR and South African government continue to collaborate on refugees and asylum seekers’ issues South Africa is hosting close to 268,000 refugees and asylum seekers, mainly from Somalia, the Democratic Republic of the Congo, and Ethiopia, among others PRETORIA, South Africa, October 9, 2019/ — Some refugees and asylum seekers, including women and children, have been gathering in front of UNHCR offices in Pretoria and Cape Town since 08 October. We acknowledge the issues they raised, including employment and self-reliance, documentation, and personal security concerns. UNHCR, the UN Refugee Agency, is working closely with the South African authorities to continue providing protection through the issuance of appropriate identity documentation, to facilitate access to health care, education and employment opportunities for all refugees and asylum seekers. We have also been increasing our capacity and that of our partner organizations to meet immediate needs as well as engage with persons of concern through community outreach activities. We are grateful to the South African government for the on-going collaboration with UNHCR in the provision of international protection to those in need as well as finding immediate and long-term solutions for refugees and asylum seekers – most living in host communities who also face many socio-economic challenges. South Africa is hosting close to 268,000 refugees and asylum seekers, mainly from Somalia, the Democratic Republic of the Congo, and Ethiopia, among others. Distributed by APO Group on behalf of UN Information Centre in Pretoria (UNIC). SOURCE UN Information Centre in Pretoria (UNIC) Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-9102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in madaxweyne Farmaajo diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018. Warbixinta hanti-dhowrka ayaa lagu yiri “Xafiiska Madaxweynaha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.” Sida uu sheegay hanti-dhowraha, xafiiska madaxweynaha ayaa laga doonayey inuu xisaabaadkii sanadkii 2018 soo gudbiyo ugu dambeyn bishii April ee 2019, muddo iminka laga joogo lix bilood. Ma cadda sababta xafiiska madaxweynaha usoo gudbin waayey xisaabaadka sanadkii 2018, hase yeeshee waxaa muuqata in ay jiraan waxyaabo badan oo la qarinayo inay shacabku ogaadaan. Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska madaxweynaha inuusan sharciga racain. “Xafiiska Madaxweynaha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee xafiiska madaxweynaha waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).” Lacago badan oo ka baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baxay meel aan ahayn halkii loogu talo-galay. “Xafiiska madaxweynaha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. Ma jirin wax caddeymo ah in xafiiska madaxweynaha uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.” Ayaa lagu yiri warbixinta. Go’aanka xafiiska madaxweynaha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego. Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa. Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
