-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Buulaburde (SMN) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgalo kawada qaybo kamid ah gobolka Hiiraan. Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa si gaar ah waxaa looga dareemayaa degaano dhaca magaaladda Buulaburde ee gobolkaas. Saraakiisha ayaa shaaca ka qaadey in ujeedka howlgalku yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyadda magaalada iyo hareeraheeda. Mas’uuliyiinta ma aysan xaqiijin hadii ay jiraan shaqsiyaad ay kusoo qabqabteen howlgaladda oo saacadihii u dambeeyay dhacay. Degaano dhaca bartamaha dalka ayay Al-Shabaab xiliyadda qaar waxay weeraro ugu geysataa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Buulaburde.mp3 View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo sharraxaad ka bixiyay heshiiskii ay horay u wada galeen Ahlusuna iyo dowladda, ayaa sheegay in Ahlusuna ay markii hore si adag ugu gorgortameen in Xildhibaanada Galmudug ee la dhisi doono laga siiyo 50%, si loo furo wada-hadalka labada dhinac. Balse, sida uu sheegay markii dambe lagu qanciyay wax u dhigma 35% in laga siiyo Baarlamaanka, si loo furo wada-hadalka iyaga iyo dowladda, maadaama laga fursan waayay in dalabkaasi la fuliyo, si looga gudbo muranka iyo is-qab-qabsiga, loona dhiso Galmudug midaysan. “Fahamkeyga wareegtada ay baraha bulshada ku faafiyeen Ahlusuna ee ay rabaan in caddeyn uga dhigtaan in laga balan-qaaday 35 ka mid ah in laga siiyo 89-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Galmudug intaas cid dafirtay oo aan ogahay ma jirto, sida horay u sheegay waa qiimihii looga iibsaday Midnimada Galmudug iyo albaabka wada hadaladu inuu furmo”ayuu yiri Wasiir Sabriye. Wasiir Sabriye ayaa xusay in iyadoo hawshu sidaasi tahay, haddana Ahlusunna uu deg deg ka muuqdo, xilli aan weli la gaarin ballantii lagu heshiiyay ee ahayd saamiga 35% in laga siiyo xildhibaannada la soo xuli doono ee dowlad goboleedka Galmudug. “Dowladda federaalka juhdi kasta ayay ku bixineysaa in balan-qaadkaas fulo, waxaase la rabaa in la ogaado in dastuurka federaalka iyo dhammaan kuwa dowlad goboleedyada si cad u qeexayaan in xulista Xildhibaanada Golaha wakiilada dowlad goboleed kasta ay tahay mas’uuliyadooda dhaqanka beelaha degan dowlad goboleedyada, dowladda federaalka waxay garowsan tahay cida 35 xildhibaan ee Ahlusuna loogu tagayo ay tahay odayaasha dhaqanka Galmudug” ayuu sii raaciyay. Wasiirka ayaa ugu baaqay Ahlusuna in ay joojiyaan degdega iyo ixtiraam-darrada, si loogu fuliyo heshiiska, isagoo ku boorriyay, inay ka qeyb qaataan hannaanka Dib u-heshiisiinta iyo maamul U-dhisida dowlad goboleedka Galmudug, ayna ka daayaan jidgooyo uu sheegay in ay u dhigayaan habka xulista Xildhibaanada Galmudug. Hoos ka daawo muuqaalka wasiirka oo dhan PUNTLAND POST The post Wasiir Sabriye oo Ahlusunna ugu baaqay in ay joojiyaan jidgooyo uu sheegay in ay u dhiganayaan xulista Xildhibaannada Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeybgalay shir ku saabsan fulinta meel marinta heshiiskii Adduunka ee arrimaha Qaxootiga oo ay so qaban qaabisay hay’adda Aduunka u qabilsan Qaxootiga ee UNHCR. Wasiir ku xigeenka iyo hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso wax ka qabashada fatahaadaha Wabiyada Shabeele Iyo Jubba. Dhinaca kale , Wasiir ayaa isla Xalay kulan deg-deg ah kula qaatay magaalada Addis ababa Wasiir ku xigeenka siyaasadda iyo horumarinta dalka Denmark, Stephan Schoneman, shirkaas oo looga hadlayay xaaladaha Bini’aaddannimo ee ka taagan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne. Kulanka ayaa layskula soo qaday sidii looga hortagi lahaa in ay soo laabato xaalad la mid ah midda haatan ka taagan Beledweyne iyo sidii ay Dadkaasi u heli lahayeen gurmad deg-deg ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo gurmad deg deg ah ka dalbatay dowladda Denmark appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa gobolka Bari wuxuu uga qeybgalay shir lagu xoojinayo nabadda iyo amniga. Deni ayaa ka qeybgaleyaasha ku booriyay in ay door muhiim ah ka cayaaraan dowladnimadda iyo sidii sarre loogu qaadi lahaa. Odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay ka qeybqaataan sugitaanka amniga iyo adkeynta nabadda galyadda. Xukuumadiisa ayuu cod dheer ku qeexay in ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii ay wax uga qaban lahayd baahiyaha bulshadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/USB.mp3 View the full article
-
Shirka labaad ee Guddiga dhaqaalaha wadajirka ah ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa looga hadlay Iskaashiga dhaqaalaha laba dhinaclaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore iyo ka faa’iideysiga fursadaha jira. Soomaaliya waxaa shirka uga qayb gelay wafdi heer wasiir ah oo hormuud uu u yahay wasiirka Qorshaynta Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, dhanka Turkiga-na waxaa uga qeyb galay wafdi kale oo wasiirka difaacu uu hoggaaminayo. kulanka waxaa lagu soo bandhigay horumarradii dhaqaale ee la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in lasii adkeeyo iskaashiga Shirka waxaa dhinac socday shir doceedyo wasiirradu ay la yeesheen wasiirrada dhiggooda ah ee dalka Turkiga. Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu as’aasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara. PUNTLAND POST The post Guddiga Dhaqaalaha Wadajirka Ah ee Turkiga Iyo Soomaaliya oo ku kulmay magaalada Ankara appeared first on Puntland Post.
-
Sidee ayay ku timid in mushaarka loo kordhiyo Ciidamada DF?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ayaa Shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda. “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa uu sheegay in miisaaniyadda ay golaha Wasiirada Ansixiyeen ay ku jirto in Ciidanka dowladda mushaarka loo kordhiyey,taas oo kala ah 100 ay markii hore lahaayeen iyo 70 loogu kordhiyey iyo 30 Raashin ah,waxaana ay isku noqonayaan $200. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com -
Muqdisho (SMN) – Golaha Odayaasha beelweynta Mogadishu Clan ayaa wuxuu soo dhaweeyay gargaarka ay dowladda gaarsiineyso degaanadii uu ku fatahay Webiga Shabelle. Caasimadda gobolka Hiiraan ee Beledwayne, ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee uu Webigu ku fatahay, waxaa la filayaa in loo gurmado dhowaan. Cabdinuur Axmed Diiriye, afhayeenka golahaas, ayaa Ummadda Soomaaliya ku booriyey in ay u istagaaan ka qeyb-qaadashadda gurmadka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal badan waxay ugu jirtaa sidii ay gurmad u gaarsiin lahayd degaanada uu ku fatahay Webiga Shabeelle iyo midka Jubba. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Mogadishu Clan.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa diiday in ay u codeyso oo ay taageerto qaraar la doonayay in dil ka dhacay Armenia oo ay ka dambeeyeen embaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta, loogu aqoonsado in uu ahaa xasuuq. Ilhaan ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas la qaadayana lagu soo daro xasuuqyadii taariikhiga ahaa ee horay u dhacay. Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota, ayaa ka mid ahayd saddex xildhibaan oo diiday in ay arrintaas taageeraan. Qaraarkan ayaa meel maray, waxaana taageeray 405 xildhibaan, halka 12 kalena ay ka aamuseen. Ilhaan oo markii ay codbixinta qaraarkaas dhamaatay hadashay ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah, balse isla xisaabtanka iyo in dhacdo loo aqoonsado xasuuqa in aysan nooqnin ul siyaasadeed lagu dagaalamo. “Waa in qiimeynta lagu saleeyaa qaab cilmiyadeysan, kana baxsan hardanka siyaasadeed ee gobolka”, ayay tiri Ilhaan. Ilhaan ayaa u muuqatay in arrintan ay la xiriirneyso xiisadda isa soo tareysa ee duullaanka Turkiga uu ka wado wadanka Suuriya, ka dib markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen waqooyiga dalkaas. My issue was with the timing and context. I think we should demand accountability for human rights abuses consistently, not simply when it suits our political goals. — Ilhan Omar (@IlhanMN) October 29, 2019 “In si dhab ah loo aqoonsado dembiyadii taariikhiga ahaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin xasuuqii dhacay qarnigii 20-aad ee loo geystay dadkii madowga ahaa iyo kuwii asal ahaan ka soo jeeday Ameerika ee la xasuuqay, kuwaas oo gaarayay boqolaal malyan oo qof”, ayay Ilhaan u sheegtay telefishenka CNN. Dhamaan 11 xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarkan ayaa ah kuwa ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mdaxaweyne Donald Trump, waxaana ku wehliya xildhibaan Ilhaan oo ka mid ah xisbiga Dimuquraadiga. “Ma waxaa jira sax iyo khalad, u istaag cadaaladda aad sheegeyso in aad u ololeyso”, waxaa sidaa sheegay Tadeos Barseghyan oo ah baadari ka tirsan kaniisadda St. Sahag Armenian ee dalka Mareykanka. Dad badan oo adeegsadaa baraha bulshada ee dalka Mareykanka ayaa aad u dhaliilay Ilhaan Cumar, iyagoona sheegay in ay taageertay wax ay ugu yereen “cadaladd darro indhaha laga qabsaday” Hogaanka xisbiga Dimuqraadiga ayaa markii la meel mariyay qaraarka u dabaaldegay, waxaana dadkii guushaas ku farxay ka mid ahaa gudoomiyaha guddiga sirdoonka Mareykanka, Adam Schiff, oo bartiisa Twitter ku qoray: “Aqalka Kongreska wuxuu u codeeyay in uu aqoonsado xasuuqii Armenia, si guushaas ay u hirgashan waxaan usoo halgamayay 19 sano, arrintaas oo tobannaan sano ay sugayeen shacabka Armenia.” Waxaa kale oo uu sheegay in aysna qeyb ka noqon doonin in la dafiro xasuuqa, oo uu ula jeeday in aysan ka aamusi doonin, hilmaami dooninna. Afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in qaraarkaas lagag dhiidhiyay mid ka mid ah xasuuqii ugu ba’naa ee qarnigii 20aad. Hasayeeshee dowladda Turkiga ayaa ku gacan seyrtay qaraarkaas, waxaana dadkii ka hadlay ka mid ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sheegay in aysan aqoonsaneyn arrinkaas, oo aysan jirin wax micno ah oo uu qaraarkaas ku fadhiyo. Waxaa kale oo uu Madxaweynaha sheegay in barlamaanka dalkiisa uu ka jawaabi doona qaraarkaas ay taagereen xildhibanaada aqalka Kongreska. Xigasho: BBC Soomaali
-
Wasiir Beyle iyo Khaalid Shariif Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaalia C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ayaa halkaasi kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya. Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka. Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa. Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay Arrimaha Deyn-Cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gurmad u dirtay dadkii uu saameeyay Webiga Jubba oo ku fatahamay qayb kamid ah gobolka Bay. Deeqdaan oo ay diyaarad ku geeyeen Baydhabo xubno kamid ah Guddiga Gurmadka Qaranb ayaa lagu wareejiyay Guddiga heer maamul ee Koonfur Galbeed. Gargaarka oo isugu jira Daawooyin iyo Agabka Jiif ayaa waxaa kamid ah Teendhooyin, Maro kaneeco iyo Malmalaato. Gurmadkan ayaa waxaa loogu talogalay dadka ka barakacay degaanka Bardaale, halkaas oo kamid ah meelaha uu Webiga ku fatahay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bardaale.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo gudoomiyey shirka, ayaa shaaciyey in xukuumadda ka go’an tahay daryeelka askarta. Ciidamada Soomaaliya ayaa horey u qaadan jiray $100, waxaana ay tani ka dhigan tahay in la laba jibaari doono sanadkii hore. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-1112019.mp3 View the full article
-
BEIRUT — The Islamic State militant group Thursday announced the successor to its former leader, Abu Bakr al-Baghdadi, who U.S. officials said killed himself by detonating a suicide vest during a raid last week on his hiding place in northwest Syria. Source: Hiiraan Online
-
On the sidelines of the ongoing Qatar IT Conference & Exhibition (Qitcom 2019), HE the Minister of Transport and Communications Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti witnessed the signing of a preliminary agreement between Qatar and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
A United Nations report has said Kenyan women are kept captive and exploited through forced marriage and sexual slavery inside Somalia. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Oct. 31 (Xinhua) -- Uganda plans to deploy more police personnel to serve under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Formed Police Unit, a senior police officer confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa weji cusub u yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, una rogtay dagaal ay kula jirto maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Kamau Macharia ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Citizen ku sheegay in Kenya “aysan wax dhibaato ah kala dhaxeyn shacabka Soomaaliya, balse ay dhib isku qabaan maamulka Villa Somalia.” Waxa uu sheegay in maamulka madaxweyne Farmaajo “uu ku guul-darreystay inuu qiimeeyo hadafyada ka dhaxeeya labada dal”, waxaana siyaasadda madaxweyne Farmaajo wax ku wajahayo uu ku qeexay “mid aan cudur daar lahayn”. “Murankan badda waxaa soo agaasimay hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay inuu qiimeeyo wax aka dhaxeeya labada dal. Kenya maal-gashi badan ayay ku sameysatay Soomaaliya. Dadka Soomaaliya nagama soo horjeedaan,” ayuu yiri Kamau. Sida uu sheegay Kamau, Kenya waxay door-bideysay wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sanadii 2014 go’aansatay inay kiiska geyso maxkamadda caalamiga ah ee cadaalaadda ee ICJ. Kamau ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto inay u ololeyso wada-hadal ay la gasho Muqdisho. Waxa uu sheegay in “is-faham waaga” uusan saameyn doonin wada-jirka nabadeed ee shacabka Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaan weydiisanayaa maamulka Farmaajo inuu joojiyo madax adeegga” ayuu yiri Kamau oo sheegay in socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tagay xoghayaha maamulka arrimaha dibedda Kenya Ababu Namwamba uu astaan u yahay sida ay Kenya uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya. Waxa uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto in kiiskan go’aan laga gaaro balse marka ay dhacdo ay Kenya taxliilin doonto kadibna go’aankeeda shqacin doonto. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Serbiye oo shir jaraa’id uu kula hadlayay shacabka xalay ku qabtay Dhuusamareeb ayaa eedeymo badan u jeediyay Ahlu-Sunna Waljamaaca. Wasiir Sebriye waxuu soo bandhigay nuxurka iyo u jeedka ilaa afar warqadood oo bilihii u dambeeyay ka soo kala baxay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka. Ugu horey waxa uu sheegay wasiir Sebriye in dhismaha maamulka Galmudug oo maraya wajigii ugu dambeeyay ay caqabad ku noqotay Ahlu-Sunna Waljamaaca oo wada gor-gortan ay doonayaan xildhibaano badan. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka oo xil iska saareysa sidii maamul loogu dhisi lahaa Galmudug ay Ahlu-Sunna ku xujeysay in la siiyo kala bar xildhibaanada uu yeela doono, hadaan taas loo sameyna aysan Dhuusamareeb doorash ka dhaceyn. Waxa uu sheegay inay Ahlu-Sunna ku war galiyeen in taasi aysan suurta gal aheyn awoodna aysan dowladdu u laheyn in loo balan qaado saamigaas oo soo xulidda xildhibaanada ay tahay waajib dastuuri ah oo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka, balse ay kala codsa doonaan wixii macquul ah. Wasiir Cabdi Sebriye ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay ku kalsoonaa weysay warqad uu soo saaray 20-kii June ee sanadkaan oo ay dowladdu ugu ogolaatay 35 xildhibaan, iyadoo la gaarin fulin balankaasna ay qaaday talaabooyin carqaladeynaya. Warqad isla maalintaas ka soo baxday xaafiiska Sheikh Shaakir ayuu sheegay inay muujinaysay jaha wareer heysta Ahlu-Sunna oo aan kala aqoon Galmudug iyo AHSJ, shakhsi ahaana uu u arkayay fudeyd iyo kalsooni daro, isla markaana aysan jirin baahi ku qasbeysay Ahlu-Sunna in ay soo saarto warqadaas. Wasiir Sebriye ayaa soo bandhigay warqad kale oo ay Ahlu-Sunna u dirtay beesha caalamka, sida QM, USA, IGAD, UK, Turkiga iyo wadamo kale, taas oo uu sheegay inay uga dacwoonayeen dowladda federaalka. Qodobo ku jiray waraqadaas oo sida uu sheegay ka yaabiyay xad gudubna ku ah dowladnimada sida uu sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa: In weerar la doonayey in lagu khaarajiyo Sheikh Shaakir uu ka dhacay xaafiiskiisa. In ciidamada ay tababareen Turkiga, kuwa ay tababartay dowladda Mareykanka ee Danab iyo ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM loo adeegsanayo dadka reer Galmudug. In xasarad ay dowladdu ka abuurtay Galmudug ay caqabad weyn ku noqotay dagaaalka ay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca kula jiraan argagixisada qarkana ay u saaranyihiin inay soo baneeyaan furimaha dagaalka. Mar uu ka hadlayay guddiyada iska garab magacaaban ayuu sheegay wasiirku in Ahlu-Sunna ay xujo ka dhigtay in iyadoo aan matalin madaxda kale ee Galmudug ay soo magacaabato kala bar xubnaha guddiga. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha maamulka Galmudug uu waajibka koowaad ka saaranyahay wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana aan loo sii xayirnaa doonin shakhsiyaad ama Urur gaar ah. Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, isla markaana looga durbaan tumayo meelo kale, isagoo ugu maahmaahay “Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin” Halkaan ka Daawo Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
