-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowlad warqad soo xidhis ah u jartay Hantiile ku guuleystay biladda nabadda adduunka ee Nobel-ka Dowladda Bangladesh ayaa waaran soo xiris ah u jartay Muhammad Yunus oo dalkeeda kasoo jeeda kaas oo soo xaadiri waayay maxkamad loogu yeeray. Ninkan oo horay ugu guuleystay biladda nabadda adduunka ee loo yaqaan “Nobel Peace Prize” ee laga baxsho dalka Norway sannad kalsta ayaa xaadiri waayay maxkamad ku taal magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh kadib markii ey soo dacweeyeen shaqaale ka shaqeeya shirkaddiisa bangiga ee loo yaqaan Grameen Communications (GC) oo xuquuq raadsanayay. Si uu uga gar-boxo maxkamadda ayaa u yeertay masuulkan, balse ma uusan xaadirin maxkamadda, waxaana sida la sheegay uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa, sidaasna ay maxkamaddu ugu jartay in lasoo qabto. Dowladda Bangladesh ayaa iminka booliska adduunka u dirtay warqad lagu soo xirayo ninkan amaba loogu soo gacan-gelinayo. Ninkan ayaa sannadkii 2006-dii waxaa uu biladda nabadda ee Nobelka uu ku helay u gar-gaaridda dadka saboolka ah, isagoona dhaqaale ey cagaohooda ugu istaagaan uga yaboohay bangigiisa. Qareen u haylad ninkan ayaa sheegay in warqadda maxkamadda loo soo diray xilli uu ku maqnaa safarka uu iminka jiro, sidaas darteedna uu xaadiri noono maxkamadda marka uu yimaado. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Dowlada Soomaaliya ayaa u yeedhay safiirka Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr Lucas Tumbo si wax looga weydiiyo diyaaradii 5-tii bishan ka soo duushay magaalada Nairobi ee ku degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda mr Cabduqaadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa ugu baaqay diblumaasiga Kenya in uu si deg deg ah jawaab uga Bixiyo Arintaan. Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ayna u dulqaadan doonin faragalinta qaawan oo Kenya ku heyso Soomaaliya. Kenya hore ayay u beenisay inay wax ka ogtahay diyaarada ka degtay magaalada Kismaayo. Source
-
(SLT- Florida)-Laba nin oo ka mid ah ganacsatada gobolka Florida oo xidhiidh la leh qareenka madaxweyne Donald Trump, mr Rudy Giuliani ayaa loo xidhay eedo maalgalin aan sharci aheyn oo dhanka ololaha, sida uu sheegay afhayeenka xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud. Ganacsatade Lev Parnas iyo Igor Fruman, ayaa loo xidhay iyada oo lagu heesto maalgalin sharci daro ah oo la xidhiidha olole siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Newyork, sidaasi waxaa lagu yiri warbixin Khamiista maanta ah laga soo saaray xafiiska xeer ilaalinta ee degmada Manhattan. Labada nin ayaa markii la xidhayay qorsheynayay in y u duulaan habeenimadii xalay magaalada Vienna ee dalka Austria sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka. Parnas iyo Fruman ayaa la filayaa in xilli danbe ee Khamiista maanta waqtiga maxaliga ah ee Mareykanka in la soo taago maxkamada magaalada Virginia, sida uu qoray Jaraa,idka Wall Street Journal. Qareenka ganacsatadan mr John Dowd, ayaa diiday in warbaahinta uu la wadaago eeda loo jeediyay raggaan. Mr Parnas ayaa ah ganacsade u dhashay Ukrain halka Fruman uu yahay ganacsade maalgaliya guryaha. waxaana lagu tuhmayaa in ay qeyb ka yihiin fadeexada hadheysay dowlada Mareykanka oo ku aadan in caawinaad ay weydiisatay Ukraine. Xadhigaan ayaa imaanaya iyadoo aqalka hoose ee Congress-ka uu wado baadhitaano la xidhiidha madaxweyne Donald Trump oo caawinaad weydiistay dal Ajnabi ah si baadhitaan loogu sameeyo mid ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka. Trump ayaa haddii ay ku cadaato fadeexadaan waxaa uu ka waayi karaa xilka sida ay sheegtay afhayeenka aqalka hoose ee Congress-ka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ay duulimaad cusub ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa daabacay Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa Magaalada Kampala, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Warsiduhu wuxuu ku warramay in diyaaradda Uganda Airlines ayaa shaacisay toddobaadkan inay duulimaadyadeeda Gobolka Bariga Afrika ay ku soo kordhinayso saddex duulimaad oo cusub. Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay tallaabo weyn tahay in Shirkadda Uganda Airline ay ka degto Magaalada Hargeysa, waxaannu intaas ku daray in arrintaasi ay guul u tahay gobolka bariga Afrika. Masuulkaas ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga JSL wuxuu ku dooday in Shirkadaha Diyaaradaha Uganda oo timaada Hargeysa ay kor u qaadi doonto cilaaqaadka ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay isku furi doonto shacabka Somaliland iyo Uganda. Shirkadaha Diyaaradaha ee Uganda ayaa noqonaysa tii labaad ee dalalka bariga Afrika ee soo labeysa Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo duulimaadyo toos ah ku timaada Madaarka caalamiga ah ee Cigaal. East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Somaliland ay sidoo kale danaynayso in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay duulimaadyo ku tagto Hargeysa, arrintaasi oo uu dedaal ugu jiro Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar oo xusay in ay jiraan ganacsato ka dhex shaqeysta Hargeysa iyo Nairobi oo u baahan inay toos iskugu xidhmaan halkii ay ka sii mari lahaayeen Addis-ababa. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed kadib safar uu maanta ku gaadhay. Mr Farmaajo iyo Abiye ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iskaashiga dhanka amniga iyo dhaqaalaha, waxaana kulanka qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Mahad Ciise Cawad, iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali. Socdaalka Farmaajo ayaa yimid kadib casuumaad uu ka helay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa inkabadan sanad dadaal ugu jira sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac tan iyo markii uu xilka la wareegay mr Abiye sanadkii Hore. Source
-
(SLT-Tel Aviva)-Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si adag u cambaareeyey hawlgalka milatari ee Turkigu uu ku qaaday maleeshiyaadka Kurdishka ah ee waqooyiga dalka Suuriya ku sugan, waxaanu sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo isir sifayn ka dhan ah Kurdishka Suuriya. “Israel waxa ay si xoogan u cambaaraynaysaa hawlgaka dhulka Kurdishka Suuriya uu ku qalay Turkigu, waxaanay ka digaysaa dagaal Isir Sifayn ah oo Kurdishka ka dhan ah,” ayuu Raysal Wasaaraha Israe Benjamin Netanyahu uu ku sheegay qoraa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Israel waxa ay diyaarinaysaa inay fidiso kaalmo gargaar bani’aadanimo oo ay gaadhsiiso dadka Kurdishka ah ee dagaalka lagu soo qaaday. Dhinaca kale wararka ka imanaya waqooyiga Suuriya ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqayn uu dalka Turkigu dib ugu riixay maleeshiyaadka Kurdishka ee dalka Suuriya, dagaaladan ku barakacay dad aad u tiro badan oo rayid ah. Source
-
(SLT-Djibouti)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan geeriyooday. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Jinaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah masaajiddada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaadhan oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey. Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-galay Aaska loo saameeyey maariyihii hore ee dekedda Jabuuti, Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida oo jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti. Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta kusoo guryo noqday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi. WA-BILAAHI TAWFIIQ Source
-
Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowladda gobaleedka Jubbaland gaaray madax kala duwan kuwaas oo la filayo iney ka qeyb galaan caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo dhowaan dib loo doortay. Madaxda gaartay magalada Kisamaayo ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee dowladda Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaa kale oo ku jiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni oo uu wehliyo madaxweynihii hore ee maamulkaas Faroole, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xisbiga Wadajir, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BF iyo siyaasiyiin kale. Magaalo xeebeedkan oo 50 km u jirta caasimadda Muqdisho waxaa horay u gaaray wufuud ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikarim Guuleed iyo Koonfur galbeed Shariif Sheekh Axmed. Dhanka kale madaweynaha Jubbaland oo ka warbixiyay safarka madaxdan kala duwan ee gaartay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleema saarkiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxdaan ay yimaadaan magaalada si ay uga qeyb galaan caleema saarka. Inkasta oo dowladda federaalka ah iska diiday natiijada doorashada Axmed Madoobe hadana tagista Kismaayo ee siyaasiyiinta intaasi la eg waa dhambaal cad oo ku socda madaxda fulinta ee dowladda federaalka ah, waxaana muuqato in cadaadiskooda iyo xeelad kasta oo ay adeegsadeen la diiday. Waxaa khatar ku jira nidaanka federaalka waxaana la joogaa xiligii ay dowladda u tanaasuli laheyd maslaxadda qaranka halka mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee tagay Kismaayo laga rabo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Government has proposed that Norway should provide a short-term bridging loan of NOK 3.135 billion ($343.9 Million USD) to Somalia in 2020 to clear Somalia's debt arrears to the World Bank's Source: Hiiraan Online
-
Safarka Madaxweynaha. Dowlada Federaalka Soomaaliya MuanecMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu yahay Casumaad uu ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya, Waxaa Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha kusoo [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Madaxda ugu saraysa Hay’adda Save the Children, waxaana ay Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyeen hanaanka ay dalka uga shaqeeyaan, kana jawaabaan hadba xaalada timaada sida duufaantii sagar oo kale. Sidoo kalena waxay xuseen inay muddo badan ka hawl gelayeen Somaliland, xafiiska hay’adda Save the Children-na dalka laga furay sannadkii 1951-kii, haddana ay mashaariic kala duwan ka waddan gobolada Somaliland. Waxaana hogaaminayey masuuliyiinta Hay’adda Save the Children Mr. Johanne Schmidt-Nielsen oo ah maamulaha guud hay’adda iyo u qaabilsanaha Waddamada Africa ee saxaraha ka hooseeya Mr. Jakob Eilsoe Mikkelson, Merete Gotsaed, oo ah agaasimaha Save the Children. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu masuuliyiinta Hay’adda Save the Children uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay dalka uga hawl galaan iyo xildhiidhka ay la leeyihiin Dawladda Somaliland, waxaana sharaxaad ka siiyey qaabka ay Dawladda Somaliland ula shaqaynayso hay’addaha Caalamiga ah islamarkaana ay soo dhaweynayaan mashaariicaha kala duwan ee dhanka horumarka ah ee ay waddaan. Sidoo kalena masuuliyiinta Hay’adda Save the Children waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan islamarkaana xoojin doonaan wada shaqaynta iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeyihiin Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, siina wadi doonaan mashaariicda ay dalka ka waddaan. Source
-
Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu Caleemo saaray Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ka mid noqday duubabka dhaqanka ee Puntland. Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa degmada Garoowe Axmed Barre, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Nabadoono, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere oo kamid ah ganacsata Puntland oo ugu horay munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaasha xaflada , waxa uu sheegay in howshaan muddo ay soo soo socotay, Nabadoon Nuur ayuu tilmaamay in ugu danbayn beeshu ka garatay in la caleemo saaro, hadana loo fadhiyo ansixintiisa. Nabadoono, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Dangaroyo iyo Garoowe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay Nabadoonka Cusub ee Caleemo saaray, waxay tilmaameen inuu yahay shakshi hufan oo daacad ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ah Nabadoonka la caleemo saaray ayaa u mahadceliyay cidkasta oo munaasabadda ka qayb gashay, waxa uu tilmaamay in xilkaan beeshiisu u garatay, sidoo kalena uu horay ugu shaqayn jiray arimaha nabadaynta, waxaana uu codsaday in laga gacan siiyo howsha loo igmaday oo lagu taageero. Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo nabadoonka, waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo oo gacan lasiiyo, si uu u guto shaqada loo igmaday. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa soo dhawayn kadib sheegay inuu aqoonsan yahay nabadoonka Cusub Nuur Jaamc, isla markaana uu ka rajaynayo in xilka lagu caleemo saaray uu si wanaagsan u gudan doono. Nabadoon Nuur Jaamac Raage ayaa si rasmi ah ugu mid noqday Nabadoonada gobolka Nugaal, kadib markii ay soo gudbiyeen nabadoona beesha Axmed Khayr ee Ciise Maxamuud. PUNTLAND POST The post Masuuliyiin ka tirsan Puntland, Isimo iyo Waxgarad kale oo ka qayb galay Caleemo Saarka Nabadoon Nuur Jaamac Raage appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa caasimadda waddanka Ethiopia halkaasu oo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka ku midaysan Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo looga hadli doono arrimaha waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Sidoo kale Magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan iyo Kenya oo uu weheliyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxaana la sugaya madax kal oo shirka ka qeyb-gelaysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Somaliland Today) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa goor-dhow u dhoofay magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale safarka ku wehliya guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa kasii horreeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iyganana ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo. SomalilandToday Muqdisho Office Source
-
Popular Contributors
