-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
May 18-keda, 2015-kii Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dooday mooshin ay soo gudbiyeen ilaa 41 Xildhibaan oo ka dhan ah Baarlamaanka Jubbland iyo sida loo soo xulay, iyada oo xildhibaanadii mooshinka keeney ay sheegey in baarlamaanka uusan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya. Barlamaanka Jubbaland ee markaas sharci darada lagu tilmaamayay waxay doorteen Madaxweynaha Jubbaland MD Axmed Madoobe. Barlamaanka Federaalka oo ah hey’adda ugu sareeyso dalka Xildhibaanadii ka hor yimid 2015 waxaa ugu weynaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo hada ka mid ah shaqsiyaadka sheegtay Madaxweynanimada Jubbaland waliba go’aanka Barlamaanka waxaa uu ku tilmaamay xaaraan. Qodobla 120aad ee daatuurka KMG ee dlaka wuxuu dowladaha xubnaha ka ah Fedraalka awood u siinayaa hogaaminta doorashooyin kooda heer deegaan waana qodobka Jubbaland cuskatay shalay (2015) iyo maanta (2019). Garashadii Shalay aad ku difaacday Jubbaland iyo jiritaankeeda maanta halkee ka qaaday Xildhibaan Cabdirashiid? Xidigoow waxaad xalaalaysay shalay maanta yaa xarimay mise aragtidaada waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan. Maanta Jubbaland ma dantaadii baad ka waysay? Taariikhdu waxay leedahay ma jirto cid wax xoogi karta shalay la isma xoogin (2015/2016) ee xal baa la keenay Jubbaland lagu dhisay waxaana ku mahadsan Hogaankii dalka ee xiligaasi Madaxweyne Xasan Sheekh oo gartay qatarta ka dhalanaysa is qabqabsiga oo ah ragaadinta horumarka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. Maanta lama xoogi karo doorashada soo aadan ee 2021 meel ku qoro taas cid walba oo isku daydaa way ku ceeboobaysaa insha allah qof walba oo aragtidaasi aaminsanna waa qof aan waaqici aheen kuna jiifa fakar ma dhaleys ah waayo 2015 markaad Jubbaland u sacab tumaysay yaa ku xoogay 2016 hadiiba aad aaminsan tahay in la is xoogi karo. Jubbaland ma waxaad ka rabtay sida Laftagareen loogu xoogay koofurgalbeed in loogu xoogo qof Hogaanka Federaalku wataan la iskuna laayo mise waxaad rabtay waxa haatan ka socdo Galmudug ee la doonayo in lagu xoogo dadka deegaanka iyada oo la adeegsanaayo awooda iyo hantida Qaranka. Dowladnimada waa sharci hadii aan xeerka noo dhigan la dhowrin lama kale xoog badna. Marin habaabin yaanan xoog laga dayin xalku waa wadajir iyo is xurmeeyn cidna lama xoogi karo Soomaali waa isi soo tijaabisay. Ninkii dhaga lahoow maqal. Qore: Cali Xasan Cali AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray warbixintii hanti dhawrka guud ee qaranka iyo lacagtii ay dowladda Norway deymisay Soomaaliya. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xisbigu ka walaac xoog leh ka qabo, warbixinta hanti dhawrka oo ay ka muuqato sida lagu yiri qoraalka isku dheeli tirnaan la’aanta dakhliga iyo qorsheynta miisaaniyadda xukuumadda. Sidoo kale qoraalka uu Xisbigu ka soo saaray arintaas ayaa lagu sheegay in warbixintu ay daaha ka rortay xadiga musuq maasuq iyo daahfur la’aanta maaliyadeed ee xukuumadda federaalka. “Warbixintu waxay cadeysay in balan qaadka xukuumadda ee ladagaalanka musuq maasuqa uu yahay mid afka baarkiisa ku’eg iyo dacaayad warbaahineed oo marin habaabinta shacabka loogu tala galay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Wadajir. Mar uu xisbigu uga hadlaayay qoraalkiisa lacagtii ay Norway amaahisay Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xisbigu waxa uu walaac ka muujinayaa xilliga, xiriirka iyo xigmada ka dambaysa deeqda dowladda Norway ee ku soo beegantay xilli ay xukuumaddu ku fashilantay dhaqan galinta daag furnaanta, isla xisaabtanka iyo daah furnaan maaliyadeed”. “Waxaa adag in la rumaysto war-saxaafadeedka dowladda Norway oo deeqda ay siisay Soomaaliya sabab uga dhigtay xisilooni amni iyo mid siyaasadeed oo Soomaaliya sanadihii dambe ka hir gashay”ayaa lagu yiri qoraalka. Xisbiga Wadajir ayaa Norway ugu baaqay in saaxiibtinimada ay la yeelanayso Soomaaliya aysan noqon mid ku tiirsan dan shakhsiyadeed. “Dowladda Norway waxaan ugu baaqeynaa in shacabka Soomaaliyeed ay la saaxiibto, dhageysatana aragtiyada kala duwan, xiriirka ay Soomaaliya la leedahana uu noqdo mid daah furnaan iyo hufnaan ku dhisan, dhaafsiisana saaxiibo siyaasadeed oo xiriir shakhsi ah kala dhaxeeyo”. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo intaa ka dheer Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 milyan, oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan. Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. “Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
■Waxaan qorma gaaban oo aan uga hadlaayo hoowlgallada kasocda deegaannada sanniini, sabiib,caanoole iyo ow dheegle. ●Waxaan ugu horreeyn iga su’aal ah Sabiib iyo caanoole, saniin iyo ow dheegle iyo sohdinta Balcad yaa sokeeya ? ●Howlgallo saf ballaaran ah ayaa muddooyinkaan kasocotay deegaannada aan soo sheegay oo ay ku amaanan yihiin ciidamada xoogga dalka maadaama ay ladagaallamayaan kooxaha cadawga ku ah jiritaanka qarannimadeena. ●Waxaan dareemaynaa in cadaalad darro jirto oo laba illaabay meelihii kadhawaa deegaannada uu howlgalladu kasocdaan oo ay kamid yihiin, tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad,oo caasimadda Muqdisho ujirto 30Km. ●Degmooyinka shabellaha dhexe ayay soo wada aadeen kuwii laga sifeeyay deegaannada aan soo sheegay, maxawaan mudneeyn in dowladda dhexe ay shabellaha dhexe kaga gaabiso dadaallada kasocdo deegaannadaas oo degaannadeenu kadhaw yihiin? ●Waxaan lawadaagayaa madaxda dowladda in ay jirto cadaalad darro badan aan dareemayno una baahannahay in si siman looga wada hoowl galo labada Shabeelle. ●Waxaan maalin kasta annagoo cid nagu garab taagan aysan jirin ay nooga shahiidaan saraakiil muhiim ah,una muhiim ah dhamaan shacabka Hirshabelle State iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. ●Waxaan ku celinayaa baaqa ah in madaxda dowladda ay nala wadaagto cadaalad iyo sininnaan dadkeenu ay ku qanci karaan. ■Haleeyga gaarsiiyo madaxda qaranka baaqaygaan dareenka xanbaarsan. Waa aragtideeyda ii gaarka ah. W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo. Warqadda kasoo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda ee FIS, oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay.” “Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay oo dib uga soo baxay. 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo. Qoraalkii hore ee dowladda ayaa ahaa mid guud, hase yeeshee qoraalka caawa soo baxay ayaa waxaa ku cusub in si gaar ah loogu xusay duulimaadyada ka imanaya Kenya. Dad xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in go’aanka caawa looga dan leeyahay in lagu baajiyo wafdi ballaaran oo ka imanaya Kenya, si ay uga qeyb galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Si kastaba, ilo-wareedyo kale oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in wafdiga Kenya laga yaabo inay qaataan diyaarad militari maadaama ciidanka Kenya ay ku jiraan Amisom, islamarkaana diyaaradaha militari aysan hoos tagin hay’adda duulista rayidka. Hoos ka aqriso qoraalka caawa soo baxay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegay in maanta shil gaari uu ka dhacay duleedka magalada, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari meel u dhow bar koontaroolka oo ku taalla duleedka magaalada. Gawaarida isku dhacay ayaa ahaa mid kuwa qaadka, oo siday dad u badnaa qoomiyadda Oromada kuwaas la soo anbabaxay dalka Itoobiya kuna siijeeday magalada Boosaaso ee Puntland oo ay doonayeen in ay ka sii tahriibaan iyo gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaanno Noha oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka kala duwan ee Somaliland. Shilkan gaari ee ka dhacay duleedka Berbera ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan Inta la xaqiijiyay ilaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay kuwaas oo badan dadkii Oramadii tahriibayaasha ahaa, sidoo kale waxaa uu dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray ilaa 14 ruux kuwaas oo hadda lagu baxnaaninayo Isbitaalka magaalada Berbera. Shilalka gawaarida ee ku soo noqnoqda wadadaan ayaa waxaa dhibaato ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah iyo gawaarida xamuulka ah ee ku safra wadada ayadoo ay ugu wacan tahay in mararka qaar ay dhacdo in darawaladu si xowliya ay ku kaxeeyaan taas oo keenta inuu marka danbe ay adkaato inuu xajiyo gaariga waxaana ay sababtaa inuu shil galo ama uu rogmado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo: Guddoomiye Abshir Axmed iyo Wafdigiisa ayaa Tagay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda dowlad gobaleedka Jubbaland gaaray wafdi balaaran uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, oo ay ku jiraan qaar kamid ah Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Wafdigan ayaa ku biiray madaxda maamul goboleedyada, kuwa xisbiyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeybgaleysa caleema saarka madaxwenaha Jubbaland Axmed Madoob oo lagu wado in Kismaayo lagu qabto. Sidoo kale mas’uuliyiinta dowlad gobaleedka Jubbland iyo wufuuddii horay u gaartay magaalada ayaa wafdiga gaaray Kismaayo ku soo dhaweeyay garoonka diyaarada ee Sayid Maxamed Cabbdulle Xasan ee magaalada Kismaayo. Dhan kale mudane Abshir Axmed waa mas’uulkii ugu sareeyey dowladda federaalka ah ee taga Kismaayo tan iyo markii ay isku dhaceen maamulka iyo dowladda, waxaana lagu wadaa in ka qeyb galkiisa iyo mudanayaasha kale ee labada aqal direyso dhambaal ah in Jubbaland ay mushkilad kala dhaxeyso laanta fulinta ee dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Jowhar-(Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, gaar ahaa ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo Al-Shabaab ayuu galabta dagaal culus ku dhex maray deegaan dhaca koonfurta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe. Inta la xaqiijiyay lix ruux oo uu ku jiro taliyihii watay ciidanka ayaa Hir-Shabeelle looga dilay dagaalka oo in ka badan saacad ka socday deegaan lagu magacaabo Maandheere oo fatahaad uu ka sameynayay Wabiga Shabeelle. Cabdi Xasan Cali oo ahaa taliyihii ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo shan askari oo kale ayaa lagu dilay dagaalka. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu galabta gaareen deegaanka Maandheere oo koonfur bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle. Ciidamada ayaa halkaas u gaaray sidii ay u xakameyn lahaayeen fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka sameynayey deegaankaas, waxaana intii ay ku howlanayeen joojinta fatahaada Wabiga weerar gaadmo ah ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus. Lama oga inta uu dhanyahay khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalka, waxaana goobtii lagu dagaalamay haatan gacanta ku haya maleeshiyada Al-Shabaab. Dadka ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay dib u fureen biyo xireenkii ay sameeyeen ciidamada Hir-Shabeelle, isla markaana biyaha uu fatahay Wabigu ay jareen wadada xariirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar. Ciidamadii Hir-Shabeelle ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar oo kolkii horaba ay ka baxeen. Caasimada Online Xaafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
African Development Bank, Government Pension Investment Fund, partner for green, social and sustainability bond markets Abidjan, 11 October 2019 – The African Development Bank and Japan’s Government Pension Investment Fund (GPIF) have signed a partnership to promote environmental, social and governance investments in the global capital markets. The collaboration between the Bank and GPIF will focus on channeling investments towards inclusive and sustainable growth in Africa, contributing to the achievement of the Sustainable Development Goals. The agreement was signed 30th September 2019. Through this partnership, the Bank’s green and social bonds will provide unique investment opportunities to GPIF’s asset managers to finance climate mitigation and adaptation projects in Africa, as well as projects leading to poverty reduction, job creation, and inclusive growth across age, gender and geography, improving the quality of life of Africans. “I am delighted that the world’s largest pension fund for the promotion of sustainable investment, is partnering with the African Development Bank. This landmark strategic partnership will help to catalyze investment capital, create more sustainable investments and support the African Development Bank to achieve its High 5 priorities to fast-track Africa’s development,” said African Development Bank President Akinwumi Adesina. The Bank has established a green bond framework and a social bond framework, with the goal of supporting commitments towards climate finance and socio-economic development. These frameworks showcase the African Development Bank’s concrete actions on the continent, and are aligned to the International Capital Market Association’s green and social bond principles. “Further advancing the sustainable and inclusive development of Africa will lead to the sustainability of the whole world. GPIF is delighted to collaborate with the African Development Bank on this partnership and support their needs and journey going forward,” GPIF’s Executive MD and CIO, said. Describing GPIF as “an exceptional investor, whose commitment to developing the SRI market is truly aligned with the Bank’s mission,” Hassatou Diop N’Sele, Bank Treasurer also signaled her satisfaction with the agreement. “Changing people’s lives is at the core of the Bank’s work and with GPIF we will be investing in Africa’s future,” she said. The Bank’s ten-year strategy for 2013-2022 targets the promotion of inclusive growth in Africa and the support of regional countries’ transition to “green growth”. Through its operational priorities – the High 5s – the Bank offers a compelling opportunity to accelerate the continent’s transformation. GPIF is Japan’s largest public fund investor and the largest pool of retirement savings in the world. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Kismaayo kuna biiray mas’uuliyiintii horey halkaasi u joogay. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka Cabdulqaadir Cosoble, iyo tobaneeyo xildhibaanno ah oo uu ka mid yaahay xildhibaan Mahad Salaad. Mahad Salaad ayaa inta uusan Muqdisho ka bixin sheegay inay ceyb tahay in madaxweynihii dalka uu ku maqan yahay beer laga furay Itoobiya, xilli aayaha dalka tashanayo. “Iyadoo mas’uuliyiintii Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed maanta ay ku tashanaan Kismaayo in Madaxweynaheenii qaranka isku boojeeyo furitaanka beer lagu nasto ee dalka kale waa nasiib daro aad u wayn!” ayuu yiri Mahad Salaad. “Sida ku cad qodobka 87aad ee dastuurka KMG Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa astaanta midnimada qaranka; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka. Maantana isagii ayaa lagu baryayaa waan ku ogolnahay ee kaalay dalka iyo dadka isku wad duqiyow! Madaxweynaha waxaan leenahay dalka iyo dadka u tur fadlan!” ayuu yiri Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Wali waxaa Kismaayo kusoo qulqulaya Wafuud farabadan, Waxaa Galabta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Wafdi balaaran oo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka kooban. Wafdiga [...] Source
-
Kenya oo wafdi culus u direysa caleemo-saarka Axmed Madoobe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. “Wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale. Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah. Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay. Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xigasho: BBC Somali -
Muqdisho (SMN) – Maalmo qura ayaa ka harsan sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay musiibadii dadka badan ay ku dhinteen ee Soobe. Dowladda Soomaaliya ayaa tirakoobtay geerida in ka badan 600, iyo dhaawaca ku dhowaad kun ruux, kuwaasi oo badankooda ah shacab. Marka laga soo tago dhimashadda iyo dhaawaca, waxaa jira sheekooyin muhiim ay tahay la xuso kadib dhacdadaas oo lagu eedeeyay Al-Shabaab. Warbaahinta Shabelle oo mudooyinkii dambe baahineysay warbixino ku aadan weerarkaas, waxay booqtay qoys hooyadood ku waayey qaraxaas. Halkaan hoose ka dhageyso qisadooda https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DAQ.mp3 View the full article
-
Kenya’s Ambassador to Somalia Lucas Tumbo was on Thursday summoned by Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and handed a protest note. The move came after an alleged violation of a Kenyan plane on Somali airspace on Saturday when it landed at Kismayo Airport without any official permission. Somali’s Minister Abdulkadir Ahmed-their Abdi, who handed him the protest letter, said Somalia strongly protests the violation and will not accept any encroachment on its air, sea and land borders. He said Kenya must respond to the breach because its troops stationed in the Lower Juba region are part of the African Union Mission in Somalia (Amisom). “The Federal Government of Somalia sees this action contradicts all principles of good neighborliness and non-interference in the internal affairs of states,” the minister said. But sources at Kenya’s Ministry of Foreign Affairs said the letter is in bad faith because the plane was not Kenyan. “That was a private jet, and even if you look at those on board, they were of Somali origin, so how it turns out to be a Kenyan affair is not clear,” the source said. The source said the jet was cleared from JKIA and destined at Kismayo. In July this year, Ambassador Tumbo was also summoned over what Somalia termed an offensive tweet by Principal Secretary Macharia Kamau. Somalia then said it considered the tweet “an affront to Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya”. Last month, Somalia ordered all aircraft originating from Kenya to land in Mogadishu. The directive indicated that Mogadishu would vet all goods and people entering the country. “International and local flights from and to Kismayu must route via Mogadishu,” the government’s aviation bulletin said. Previously, the aircraft were allowed to land in Kismayu, Mogadishu and Garbaharey airports on top of tens of airstrips across the country. “They are technically punishing the traders who travel to Kismayu, the economic hub of Somalia. Since, if you live Nairobi you have to go through Mogadishu to access Kismayu. From Kismayu, you will have to travel to Mogadishu, Wajir and then back to Nairobi,” a Somali businessman told the Star. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay yeesheen kulamo looga hadlayo ammaanka. Kulamada oo ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa diiradda lagu saarey howlgaladii u dambeeyay iyo sidii loo dardargelin lahaa. Saraakiisha ayaa bogaadiyey howlgaladda ciidamadda oo ay sheegeen in ay noqdeen kuwa laga soo hooyey guulal wax ku ool ah. Gaalkacyo, oo ah caasimadda gobolka Mudug, ayaa wxaa kawada arrimiya dowlad goboleedyadda Galmudug iyo Puntland. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Kulamo.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaa u yeertay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October,2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya Soomaaliya si xooggan ayay uga cabaneysaa xad-gudubkaas, marnana ma oggolaaneyso in lagu xadgudbyo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxa ayna ugu baaqeysaa in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u geysatay hawada Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka hor imaanaya mabaadi’da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee dowladaha. View the full article
-
Popular Contributors
