Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. As the world marks the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists, Somali Journalists Syndicate (SJS) calls on the federal government of Somalia to investigate all crimes against journalists and bring the perpetrators to justice. Source: Hiiraan Online
  2. BELEDWEYNE (HOL) - President Mohamed Farmaajo has directed state agencies to expedite the process of developing disaster prevention plans which will provide permanent and sustainable solutions to recurrent natural disasters in the country. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho-(Caasimada Online)-Deegaan lagu magacaabo Ceel-Cadde oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe casir liiqii galabta waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Qaasim Furdug oo ah guddoomiyaha degmada Balcad iyo Cismaan Xaadoole oo isna ah taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Hir-Shabeelle. Inta la xaqiijyay seddax ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka shan kalana waa ku dhaawacmeen, kuwaas oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay. Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xariira gacan ku haynta bar koontorool oo laga galo deegaanka Ceel-cadde oo dhaca duleedka bari ee magaalada Muqdisho, kaas oo maamulka degmada Balcad uu horay u sheegtay in maamul ahaan uu isaga hoos tago. Ciidamadii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Keydsanay ee duleedka magaalada Muqdisho. Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa dhinacyadii dagaalamay ayaa caawa ka taagan deegaanka, waxayna dadka ku nool deegaanka Ceel-cadde noo sheegeen in ay jirto waan-waan colaadda lagu daminayo oo ay wadaan odayaasha dhaqanka deegaanka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah. Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso dhammeystirka qorshaha kahor-tagga musiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo xal waara u ah dhibaatooyinkan soo laalaabtay ee galaaftay nolasha iyo hantida muwaadiniinteenna. “Halka waxaan u imaannay in aan idinla qeybsanno xanuunka iyo dhibka aan ka aragnay fatahaadahan oo soo noqnoqday. In kasta oo tabarteenno la egtahay waa in aan u istaagnaa ka hortagga dhibaatooyinkan, Waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinaynaa dhammaan muwaadiniinta nooga shahiiday.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Madaxweynaha ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen. Hoos ka daawo hadalka madaxweyne Farmaajo PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo faray hay’adaha dowladda in la dardar geliyo hawlaha gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
  6. Diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadka ay fatahaaddu saamaysay oo ay soo dirtay dawladda Jabuuti ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho. Gargaarkan ayaa ah wejigii labaad ee Dowladda Jabuuti ay kaga qeyb qaadaneyso gargaarka loo fidinayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda Wabiga gaar ahaan shacabka magaalada Baladweyne. Diyaaradaan ayaa siday gar gaar isugu jira daawo, Joodariyaal,Maro kaneeco iyo teendhooyin loogu talagalay inay hooy ka sameeystaan dadka ka barakacay guryahooda. Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Aadan xasan Aadan oo ku wareejiyay gudiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin walaalo islamarakaana ay la qeyb-sanayaan dhibaato walbo oo soo wajahda. Wasiirka Gargaarka Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Soomaaliya ahna guddoomiyaha Gudiga Qaran ee fatahaadaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne ismaaciil Cumar Geele iyo Guud ahaan Shacabka iyo Dowladda jabuuti garab istaaga ay u muujiyaan mar xalad walbo uu dalkeynu ku jiro, waana Dowladdii ugu horeysa ee diyaarad gar gaar ah keenta tan iyo markii ay fatahaadaha ka bilawdeen qeybo ka mid ah dalka kuwaas oo socdo Mudo ka badan todobaad oo sameyn ku yeeshay dalka iyo Duunyada intaba. View the full article
  7. Shirkadda isgaarsiinta Sometel ayaa maanta soo bandhigtay adeegyo cusub oo muhiim u ah dadweynaha, kadib munaasabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. Adeegyada ay shirkadda soo bandhigtay ayaa waxaa ka mid ah adeegga New Bundle Package iyo sidoo kale adeeg loogu magac daray Kobciye. Madaxa xiriirka arrimaha bulshada ee Sometel ayaa faah faahiyey adeegyada ay soo kordhisay shirkadda, wuxuuna sheegay inay faa’iido weyn ka heli doonaan Ardayda. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/som.mp3 View the full article
  8. Madaxweynaha JFS, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare. Safarkan ayaa waxaa sidoo kale Madaxweynaha ku wehlinaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre. Inta uu joogo Madaxweynaha Beledweyne waxa uu ukuur geli doonaa saameynta uu fatahaada wabiga Shabelle uu ka geystay gudaha magaaladaasi. Xaaladda degmadan ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, kadib daadad iyo roobab wata oo ku dhuftay halkaasi. View the full article
  9. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo maanta ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kadib makii ciidanka Ahlu Sunna ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo gaaray degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal socday ku dhowaan 40 daqiiqo uu ka dhacay halkaasi, kaas oo looga adkaaday ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada dowladdu ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana ciidamadii Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi. View the full article
  10. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro saacadihii la soo dhafay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoos ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Weerarka koowaad oo loo adeegsaday qarax miino ayaa lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo marayey inta u dhexeysa deegaanada Mashalaay iyo Danow ee gobolkaasi.sa Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku gubtay illaa labo Gaari kala ah Xamuul iyo Booyad. Sidoo kale waxa ay sheegtay in weerarkaasi dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray ciidamada AMISOM, walow aysan shaacin tirada askarta ay waxyeeladu soo gaartay. Dhinaca Idaacadda Andaluusl ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay Qoryooley, kadib qarax ay Al-Shabaab la beegsatay saldhigga Booliska degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi. Inta badan Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose oo dagaallo ay la dageen ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaqaaq ah ka fulisa gobolkaasi. View the full article
  11. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ahaa Wafdiga Dawladda Soomaaliya ee magaalada Ankara uga qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiriirka Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga dalka Turkiga Marwo Ruhsar Pekcan. Intii kulanku socday waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana si gaar ah kulanka diiradda loogu saaray heshiiska Iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo dhowrka Badeecada Soomaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta koboca dhaqaalle ee Dalkeena. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah xaaladda Soomaaliya, kana mid ahaa wafdigii Turkiga ee sanadkii 2011 yimid Soomaaliya, isagoo xiligaasi la taliye u ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga, hadana ah Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan. Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan, oo ay ka midyihiin Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,waxaana laga hadlay sidii ganacsatada dalka Turkiga ay u maal gashan lahaayeen Soomaaliya. Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, islamarkaana ay gacan siin doonaan tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda. Wasiirka waxaa kulamada ku weheliyey mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga iyo u Qaybsamaha Ganacsiga ee Safaaradda Mudane Maxamed Aadan Daahir. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-02112019.mp3 View the full article
  13. Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Doxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, Kulamadaasi ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta. Labada dhinac kulamadooda oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali. “Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddadii ay joogeen dalka Qadar waxa ay ka qeybgaleen bandhigyo, shirar iyo fadhiyo danayn gaar ah u leh dalalka soo koroya. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa uu kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qadar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ogaatay in Shir Ay isugu imaan lahaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Todobaadka soo socda uu baaqday sababtoo ah Xaalada ka [...] Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI ayaa waayeelnimo u diray shacbiga reer Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Kadib dhaliilp badan oo loo jeediyey Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo Madaxda ugu saaraysaa ay ka dhaga furaydteen Mashaqada ka taagan Gobolka Hiiraan iyo dhaliilo gaara [...] Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshada Somaliland oo ayaa ka hadlay jabhadaha ka dilaacay gobolka Awdal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u abuuray Guutada 16-aad ee kumaandoosta Soomaaleed, isla markaana u magacaabay gaanshaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin in uu taliye u noqdo Ciidanka Kumaandoosta oo horay u ahaa urur ayaa la balaariyay iyada oo la gaarsiiyay guuto la magacbaxday 16-aad. Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsanaa Danab ayaa waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay dalka Maleysiya, isaga oo sidoo kale ka qalin jebiyay kulliyad ciidan oo Mareykanka ku taalla. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah qorshe guud oo hoggaaminta ciidamada qalabka sida lagula wareejinayo dhallinyarada wax bartay ee ka tirsan ciidanka, taas oo meesha ka saareysa saraakiishii hore ee ciidanka hoggaaminayay ilaa xilligii kacaanka. Ciidanka Danab oo iminka ay ku socoto ballaarin ayaa waxaa tababaray dowladda Mareykanka, waxaana la aaminsan yahay in ay yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. (SLT-Wajaale)-Wafti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Soo Dhaweeyey Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Akhri Si Aad U Fahanto Muranka Wasaaradda Tacliinta, Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay, Maxaase Ka Qaldan Go’aanka Maxkamadda Sare (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Yuusuf Biixi Oo oo ka tirsan Ururka Qareenadda Somaliland, islamarkaana hore u soo noqday Xeer ilaaliye ku xigeen ayaa Si Dhamaystiran Usoo Bandhigay Qaladaadka Sharci Ee ku gadaaman Muranka Wasaaradda Tacliinta, Dugsiyadd Gaarka Loo Leeyahay Iyo Qabyadda Go’aanka Maxkamadda Sare. Lafa-gur Sharci: Lafa-Gur Sharci oo la Xidhiidha Qaraarka Maxkamadda Saaray ka soosaartey Khilaafka u dhaxeeya Dugsiyada Gaarka loo leeyahey iyo Wasaarada Waxbarashada & Sayniska oo Lagu Muransanaa. Halkan waxa aan ku soo gudbinaya falaqeyn aan ka sameeyey Qaraarka Maamul ee ka soo baxey Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ee Sumadiisu tahey MS/GMS/G-7/523/2019 ee soo baxey 22/10/2019. Qaraarkaas oo la xidhiidhey khilaaf ka dhex taagna Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahey, lana xidhiidhey Xeer Nidaamiye ay Wasaaradu soo saartey oo tixraaciisu yahey moe/s/01/186/18, soona baxey 30/11/2018, inuu khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada Qaranka XLR 77/2018. Iyo Go’aan Maamul oo ka soo baxey Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ee tirsigiisu yahey PSc/22/09/2019, ee ku taariikhaysan 15/10/2019. Go’aankaas oo ah digniin inay dugsiyada Gaarka loo leeyahey ruqsada cusbooneysiin qaatan muddo bil Gudaheed ah, isla markaana u hogaansaman nidaamka iyo xeerarka Waxbarashada, dugsigii diida inuu ruqsada cusbooneysiinta sanadlaha ahna laga joojin doono imtixaanka Shahaadiga ah, sidoo kalena laga laalayo ruqsada waxbarasho. Ka hor arintani inta aynaan u galin Qaraarka Maamul ee Maxkamadda Sare, dugsiyada Gaarka loo leeyahey waxey cabashadoodan u gudbiyeen Golaha Wakiilada iyo Guurtida, oo ka soo kala saarey Go’aano ay ku sheegayan in Xeer Nidaamiyuhu Khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada. si kooban su’aashu waxey tahey Guurtida iyo Wakiilada oo leysku yidhaah Baarlamaanku ma ka go’aan gaadhi karaan hadii iskhilaaf uu ku yimaado Xeer iyo Xeer Nidaamiyihiisa? Jawaabta oo kooban waa maya, madama ay yihiin Hayad Sharci Dajin. Waxana awoodahooga qeexaya Qodobadda 53, 54, 55, iyo 61 ee Dastuurka Qaranka Jsl. Halkaa waxa ka muuqata marka horeba meesha ay dacwada u gudbisteen Dugsiyada Gaarka loo leeyahey inay khaldaneyd oo jidka ay ka habaabsanayen Golaha Baarlamaankuna kamuu joogsan arinkaas, kumuna koobnaan awoodahiisa Dastuuriga ah, ee wuu iska galey, go’aamana wuu ka soo saarey!., go’aanadaas oo ah kuwo baalmarsan Sharciga iyagoo ku xadgudbay Qodobada.97,98 Ee Dastuurka oo sheegaya marka hay’adaha dawlada iyo dadka shicibka ah is dacwaynayaan inay u garsoorayso Maxkamaddu ee aanay soo dhex gali Karin awood kale. Si kastaba ha ahaatee ugu danbeyn dugsiyada Gaarka loo leeyahey waxey cabashadooda usoo gudbisteen Maxkamadda sare, oo guud ahaan marka loo eego ah meesha saxda ee ay tahey iney khilaafyada noocan oo kale ah ka go’aan gaadho, sida ku cad Qodobadda 97 iyo 98 ee Dastuurka JSL. Balse nasiib darooyin kale oo hor leh ayaa hadana ka soo if baxey qaabka loo maamuley dacwadoodaas iyo guud ahaan sidii loo baalmaray murankii sharci. Ujeedada laffa gurka qoraalkani sharci lama xidhiidho inaan gudo galo dulucda la xidhiidha inay is khilaafsan yihiin Xeer-Nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka. Balse lafa-gurkan sharci waxa uu ku kooban tahey oo kaliya nidaamka sharci ee ay Maxkamaddu uga go’aan gaadhey Qaraarkeedan Maamul; waxana aan isku dayi doona lafagurka sharci inuu ka jawaabo su,aalahan sharci . Qaraarkani ma yahey mid sharciga waafaqsan mise waa mid iska hor imanaya? Qaraarkan Maxkamada sare ma sameeyey tafsiir sharci oo ma ka jawaabayaa Xeerka Guud iyo xeer nidaamiyaha inay is khilaafsan yihiin iyo inay is waafaqsan yihiin iyo qodobada ka hor imanaya xeerka guud Si aad qoraalkan u fahanto waxa aad u baahantahey inaad akhrido lifaaqa dambe ee ah Qaraarka Maamul ee ay Maxkamaddu soo saartey, madama uu yahey ka halkan aynu ku lafo gureyno. Waana sidan faaladeyda la xidhiidha Qaraarka Maamul ee Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ee Sumadiisu tahey MS/GMS/G-7/523/2019 ee soo baxey 22/10/2019 Ugu horeyn, waxaan kala cadeyn in Gudida Dugsiyada Gaarka loo leeyahey cida lagu sheegayo ay Maxkamadda Sare Qaybteeda Idaariga u soo Gudbiyeen arji cabasho amase uu ahaa Arji dacwad furasho, sababtoo ah Qaraarka Maamul ee Maxkamadda sare waxa is dhex socda oo ka wada muuqda in meelaha qaarna ay ku sheegayso arji cabasho sida ku qoran asbaabta ugu horeysa ee qaraarka, isla markaana ay meelo kale ku sheegeyso arjiga dacwad furasho sida ka muuqata farqada 1-aad ee Go’aanka Qaraarka Maamulka ee dacwad Furashada. Maxkamaddu waxaad mooda iney aqoonsatey Gudi Dugsiyada Gaarka loo leeyahey “waxa is weydiin leh” ma jirtaa dalad ay ku midoobeen Dugsiyada Gaarka loo leeyahey, oo Gudidan siineysa jiritaan sharci[legal Entity], jawaabta oo kooban waa Maya. Nuxurka arjiga ama cabasho noocu doonaba ha ahaade ee ay soo gudbisteen cidan lagu sheegayo Gudida Dugsiyada Gaarka loo leeyahey waxa ku xusan ee ay ka cabanayaan waa laba arimood: Xeer Nidaamiyaha waxbarashada Gaarka ah – (ref moe/s/01/186/18, soo baxey 30/11/2018) Go’aan Maamul oo ka soo baxey Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ee tirsigiisu yahey PSc/22/09/2019, ee ku taariikhaysan 15/10/2019. Labadan arimood ee is huwan dabeecada dacwad ee ay noqonayan waa ay kala duwan tahey (nature of the case), oo marka ay go’aanka Maamul ee Wasaarada Waxbarashada ka dacwoonayan, nooca dacwaddu waa mid Idaari ah (administrative case) waxana laga furanaya Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ah sida ku cad Qodobadda 9aad(4)(c) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka XLR 24/2003. Balse marka ay ka dacwoonayan in Xeer-Nidaamiyuhu ka hor imanayo Xeerka Waxbarashada Qaranka XLR 772018. Gaar ahaan qodobadda 4aad, 5aad (2), 10aad (1), 11aad (8,10,11), 14aad, 15aad, 16aad (8,10), 17aad (3) iyo 23aad. Dacwaddan nooceedu waa mid la xidhiidha fasiraad sharci, madama loo baahanyahey inay Maxkamaddu eegto kana soo saarto fasiraad la xidhiidha in Xeer Nidaamiyuhu uu ka hor imanayo Xeerka Waxbarasahda iyo inkale. dacwadaas oo hoos tageysa Maxkamadda Dastuuriga ah, sida ku cad Qodobka 6aad (4)(b) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka XLR 24/2003, oo dhigaya “inay macnayso fasirtana Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmayo, marka laysku qabto ujeedadooda” Labada dacwaddood ee qaybaha kala duwan ee Maxkamadda kala hoos tagaya ayey meel isku geeyeen Gudidaa Dugsiyada Gaarka ah cida sheeganeysa, taasi oo marka horeba nidaam daro ah. Maxkamadduna kuma ay xusin Qaraarkeeda in labada arimood ee ay ka cabanayaan ay tahey laba arimood oo aan hal dacwad la wadaajin karin madama uu kala duwan yahey dabeecadooda dacwad ahaaneed. Waxa arin lala yaabo ah, arinta la xidhiidha ka cabashada Go’aanka Maamul ee Wasaarada Waxbarashada ay Maxkamaddu xustey in Wasaaradu awood u leedahey wax ka qabashadeeda, isla markaana ay Maxkamaddu Wasaarada u deysay iney ka go’aan gaadho, sida ka muuqata farqadda 1aad ee go’aanka Qaraarka Maamul. Taa oo macnaheedu yahey Wasaarada Go’aankeeda waa ay ku socon kartaa fulintiisa waana ay hakin karta madama go’aanka Wasaarada loo daayey waxka qabashadiisa. Waxana xusid mudan in go’aanka Wasaaradu ee cusbooneysiinta Ruqsada ee sanadlaha ah ay ka mid tahey waxyaalaha ay diidanayan dugsiyada gaarka loo leeyahey qaar ka mid ah, waana qodobadda xeernidaamiyaha ku jira ee khilaafku ka taaganyahey, gaar ahaan qodobka 5 ee Xeer Nidaamiyaha. Maxkamadu go’aankeeda la xidhiidha arinka xeer Nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahey, kuna fareyso Wasaarada Waxbarashadu inay dib u eegis ay ku sameyso Xeernidaamiyahaas. Taas macnaheedu waxay noqoneysa in dacwaddi idaariga aheyd Maxkamaddu waa ay diidey, balse mid aan idaari aheyn oo la xidhiidha fasaarida sharci ee inay is khilaafsan yihiin Xeer-nidaamiyaha iyo Xeerka Waxbarasahadu ay go’aan ka soo saartey. Iyadoo adeegsaneysa magaca Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ah, hadaba su’aashu waxay ma arin idaari ah ba marka dacwadu la xidhiidho in Xeer Nidaamiye ka hor imanayo ama khilaafsanyahey Xeerki asalka u ahaa? Waa arin is diido ah, madama uu Qaraarkani ka soo baxey Maxkamadda Sare qaybta Idaariga ah, go’aankuna u la xidhiidho arin ay aheyd in fasiraad Maxkamadda Dastuuriga ah ka soo saarto iney is khilaafsan yihiin Xeer Nidaamiyaha iyo Xeerka Waxabrasahda iyo inkale. Waxa kale oo is khilaafsan iney Maxkamadu Qaraariso in Go’aankana wasaarada loo daayey wax ka qabashadiisa, halka xeer nidaamiyahana dib ha loo eego la farayo Wasaarada iyadoo lagu ciladeynayo inuu khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada waa laba arimood oo iska hor imanaya, madama go’aanka qayb ka mid ahi Xeer Nidaamiyaha ku dhisantahey. Oo uu leeyahehey “Dugsiga ruqsada sanadlaha ah diida, imtixaanada shahaadiga ah ayaa laga joojin isla markaana ruqsadana dugsina waa laga laali!. waxa kale oo arin lala yaabo ah, in Maxkamadda Sare ay Qaraarisey iney Diidey Arjiga dacwad furashada ee ay soo gudbisteen Gudida Dugsiyada Gaarka loo leeyahey. Halka ay ka raacisey hadana iney qayb ahaan ogaalatey cabashadooda. Taa macnaheedu waxa ay tahey inay is khilaafsan yihiin farqada 1aad iyo farqadaha 2aad iyo 3aad ee isla go’aanka Qaraarka Maamul ee Maxkamaddu. Sababtoo ah nidaamka sharci ee dacwad furashadu waxa uu si kooban yahey iney Maxkamaddu ka ogalaato ama ka diido cida u soo gudbisata dacwadd, iyada oo loo eegayo sharciga. Hadii la ogaalado nuxurka dacwadda ayaa la gudo galaya iyo arinta muranku ka taagan yahey, balse hadii la diido arjiga dacwad furashada dhinicii soo gudbistey halkaa ayey ku xidhmeysaa dacwadu loomana galayo nuxurka cabashada ee dhinacaasi soo gudbistey. Sidaa awgeed sharciga ayey khilaafsan tahey inay Maxkamadda Sare iyada oo diidey arjigi dacwadd furashada, hadana labadii arimood ee looga soo dacwoodey ay mid ahaan u xukuntey oo ah in Xeer-Nidaamiyaha dib loo eego oo uu khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada. Halka mid kala labaadna ay Wasaarada u xukuntey oo ay Wasaaraduna go’aankeeda si wadan karto, madama Wasaarada loo daayey arinkaas. Oo ay Maxkamadu Qaraarisey inay Wasaaradu u madax banaantahey Go’aankeeda maamul. Waxa intaa dheer Go’aanka Qaraarka Maxkamaddu dhinac wuxuu dalbanayey u xukuntey, Madaama loo xukumey in Xeernidaamiyihi ay lahaayeen ma waafaqsan Xeerka Waxbarashada lagu raacey. Hadana ay Maxkamaddu ka dhigeyso dacwad ay diidey arjigooda. Hadii aynu si kooban u eegno ujeedada dacwadd furashada ee ay lahayeen Gudidaas lagu sheegay Dugsiyada Gaarka ah waxey aheyd in xeer nidaamiyaha laga dhigo mid khilaafsan Xeerka Waxbarashada. sidaas darteed Go’aanka Maxkamaddu wuxuu ka dhigan yahey arjigii dacwaddana waan kaa diidey hadaad Gudidaas tihiin, waxaad rabteena waan idin xukumey . Waxa kale oo xusid mudan inaaney cadeyn Qodobadda dib u eegista u baahan ee ku jira Xeer-Nidaamayaha ee ay Maxkamaddu go’aamisey iney ka hor imanayaan Xeerka Waxbarashada iyo sababta loogu aqoonsadey qodobadaas iney ka hor imanayan Xeerka Waxbarashada; Sidoo kale waxa khaldan qaar ka mid ah Qodobada loo adeegsadey Qaraarka, oo uu ugu horeeyo Qodobka 159XHM, oo ka hadlaya in Garsooruhu weydiinayo qoraalada been ee dhinac soo gudbisto inuu ku adkeysanayo in dacwadiisa uu u isticmaalayo iyo inuu ka tanaasulayo oo laga saaro cadeymaha uu soo gudbistey. Waxa arin lala yaabo ah sababta ay Maxkamaddu ugu adeegsatey qodobkan oo kale Qaraarkeeda? Waxa kale oo xusid mudan in Gudoomiyaha Maxkamadda sare u ku lifaaqey Qaraarkan Maamul warqad uu faafinayo oo ujeedeeda uu ka dhigey Gudbin Qaraar Maamul. Warqadaas uu ku lifaaqey oo sharciyan meel ay ka waafaqsantahey aaney jirin, oo Qaraarada ka soo baxa Maxkamaddaha Guud ahaan loo qaybiyo dhinacyada ay quseyso. Hadana waxa intaa dheer in warqada lifaaqa ee Gudoomiyaha uu ku darey natiijo dheeraad ah oo ah inuu farayo Wasaarada inaan lagu fulin Xeer Nidaamiyaha ilaa inta dib u eegis ay ku sameynayan Wasaaradu. Ugu danbeyntii, dacwaddan dhinac kaliya ayuunba arji soo gudbistey, oo ah Guddidaa isku sheegay Waxbarashada Gaarka ah, wax laga diido iyo wax laga yeelaba waa laga dhigey, waxa cad inaan dhinaci kale loo yeedhin, isla markaana aan la siin wax fursad ah oo ay kaga jawaaban waxyalaha lagaga cabanayo. Taasina waa mid ka hor imaneysa danta cadaalada “principles of Natural justice” iyo Qodobka 28 ee Dastuurka Qaranka JSL. Waxana walibana sidaan hore ku soo sheegnay loo xukumey dhinaca kaliya madama wixii ay codsanayen ee ahaa Xeer Nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahey inuu ka hor imanayo Xeerka Waxbarasahda. Qaraarkan maamulna maaha mid xaliyey khilaafka sharci ee taagan balse waa mid soodhaha muranka sharci si kumeel gaadh ah u dejinaya , khilaafkuna wuu taagan yahay ilaa iminka. Intaas ayaa ugu waaweyn Galdoolooyinka ka muuqda Qaraarka 3 page ah iyo Warqada faafinta ah ee u Gudoomiyaha Maxkamadda Sare raaciyeyba ee hoos ku lifaaqan. Xaqsoore Waa Alle Garyaqaan : Yuusuf Biixi Muxumed Garyaqaan Yusuf Biixi Muhumed CEO & Chairman Talosan Law Firm & Legal Services Tel: +252 63 4411351/0654411351 Skype: yuusufbiixi84 Source
  21. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ee uu Magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo saaray habraaca Doorashada Galmudug. Qoraal ka soo baxay Guddiga Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashada Galmudug lagu qaban doono Caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb, isla markaana la qabto Doorashado xor iyo xalaal ah oo si cadaalad ah loogu simanyahay. Guddiga ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay soo xuli doonaan 54 xubnood halka Madaxa Ahlusunna uu soo xuli doono 35 Xildhibaan. Guddiga ayaa sheegay in lagu saleysan doono xubnaha baarlamaanka Galmudug midkii Cadaado ee 89 Mudane ahaa. Guddiga ayaa faray dhinacyada soo xulaya Xildhibaanada inay xaqiijiyan qoondada Dumarka iyo Awood qeybsiga beelaha degan Galmudug. Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah u sameeyey 450 Arday oo deeq waxbarasho loogu diray dalka Itoobiya. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa ardeydaasi u jeediyay hadal dardaaran iyo wacyigel an oo ku wajahan safarka waxbarasho ee ay u bixi doonaan. Xafladan oo ka dhacday hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa waxa khudbado uga jeediyey ardayda masuuliyiinta sare sare iyo madaxda laamaha kala duwan ee wasaaraddaasi, kuwaasoo kula dardaarmay ardayda in ay fursaddan waxbarasho ee ay heleen ka soo faa’idaystaan. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu suurageliyay deeqdan waxbarasho ee ay helleen ardayda loo dirayo dalka Itoobiya waxaanu yidhi “Tacliinta lacag la’aanta ah ee maanta halkan aad isugu soo urrurteen waxaa suurtageliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, fikradiisa madaxweyne-nimo ee uu ka qabo waxbarashada iyo sida uu u doonayo in wadankani xaga aqoonta hore uga kaco, ayay ka mid tahay 500 iyo 450 iyo 70 kale, shan boqol iyo dheeraad arday in sanadkan maanta ah loo diro Itoobiya, oo ay wax soo bartaan, lagana bixiyo noolkii ay ku tagi lahaayeen dalkaasi, lana soo dhaweeyo si cadaalada loogu qaybiyo gobolada dalka, oo intii aan hore u tagi jirin la siiyo waxaa weeyaan fikradda madaxweynaha iyo dawladdiisa, aad iyo aad ayuu madaxweynuhu u mahadsan yahay wasaaraddana waa uu ku garab taagan yahay, ficilada ay sameyneso ee ay taasi ka mid tahay ee isagu uu gadhwadeenka noogu yahay, waxbarashada waala tayeynayaa, dadka muwaadiniinta ah ee dalka jooga ayaa loo simayaa, qof si gaara oo dheeradda wax loogu qabanayaa majiro, waxaa la doonayaa inaad garataan faa’iidada uu leeyadahay waxbarashada bilaashka ah ee aad hesheen, qof walowba halkaad is dhigto uunbaad aduunyada ku leedahay, hadii aad aad wax-u-baratana wax ku celinayaa ma jiro, hadii aad khasaarisana adna waad is khasaarisay uun wadankana waad khasaarisay. Dhaqane kala duwan ayaad u tageysaan oo qudheeda Itoobiya dhaqanadeedu waa ay kala duwan yihiin, waxaad ugu tageysaan dawladdo kale oo ardaydeedu joogaan waana fursado kale oo aad ku baraneysaan umadda kale oo aad ku baraneysaan dhaqankooda, iyo macamiladooda, iyo sida ay yihiin aad ku baraneysaan, oo ardayga Hargeysa jaamacada ku jira aanu heysanin weeyaan” Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xilal cusub magacaabay. Halkan hoose ka akhriso: Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay aas qaran loo sameeyay Taliyihii ciidammada booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa ka warramay taariikh nololeedka taliyaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  25. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Taliyihii Ciidammada Booliska Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source