Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Floods have killed at least 25 people and injured 47 others as heavy rains continue to wreak havoc in Somalia, the World Health Organization (WHO) said. The WHO said the heavy rains pounding several parts of Somalia have displaced more than 270,000 people, destroying livelihoods and infrastructure in the country. “Heavy rains have led to the displacement of over 270,000 people, including 25 deaths and 47 injured,” WHO Somalia said in a tweet. “In this devastating situation, WHO Somalia is providing life-saving emergency health interventions,” it added. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) has reported that more than 547,000 people have been affected by the floods. The UN humanitarian agency said the water levels in the Shabelle river have increased, reaching and exceeding the maximum holding capacity in Beledweyne town, which resulted in the displacement of 232,000 people. Most riverine areas along the Juba and Shabelle rivers across Hirshabelle, Jubaland and southwest states have been inundated. The rainfall forecast for the coming week shows an increase in many parts of Somalia, according to the Somalia Water and Land Information Management, managed by the Food and Agriculture Organization of the United Nations. As a result, the current high river levels in Shabelle and flash flooding are expected to continue in the coming week. View the full article
  2. Minister of Foreign Affairs and International Cooperation H.E. Amb. Ahmed Isse Awad attended the 18th African-Nordic Foreign Ministers’ meeting held in Dar es Salaam, Tanzania, which lasted from 7 to 8 November. The Africa-Nordic Foreign Ministers’ Meeting is an important annual forum for informal and open-minded discussions between Africa and the Nordic countries. The meeting, which discussed ways to promote peace, security, trade, and investment, was attended by some 29 African countries and Nordic countries such as Norway, Sweden, Denmark, and Finland. The Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation called on Nordic countries for strategic partnership in tourism and investment, saying that Somalia is a virgin country rich in natural resources, fisheries, fertile agricultural lands as well as livestock, noting that benefiting from this wealth will end unemployment and violence. View the full article
  3. Axmed Muuse Nuur Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Axmed Muuse Nuur oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa si adag u beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka qoratay degaanno ka tirsan gobolkaasi Mudug. Guddoomiyaha ayaa sheegay in warkaasi ay faafiyeen dad lacag ka doonaya Villa Somalia, balse sida uu sheegay ay ku fashilmeen, maadaama aysan soo bandhigin ciidan iyo hub la wareejiyay midna. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in qaar kamid ah telefishinno oo ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta caadaysatay wararka been-abuurka ah. “Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur mar uu ka jawaabayey su’aashaasi. Wuxuu intaasi raaciyay in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in wixii heer Federaal ee looga baahdo gobolka Mudug ay tahay in loo soo maro dowladda Puntland. “Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran Karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin. Dhinaca kale, dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in aysan aaminsaneyn nidaamka Federaalka ee lagu doortay, taasi beddelkeedana ay door-bidayso in dalka loo maamulo nidaam tuulo-tuulo iyo degmo-degmo ah. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo si adag u beeniyay in Villa Somalia ciidamo ka qoratay gobolkaasi appeared first on Puntland Post.
  4. A year has elapsed since Somtel sold shares to the public at an event in Mogadishu. The telecommunications company of Dahabshiil Group went down in Somali business history as the first company to publicly sell shares. This will remain a competitive edge of Somtel’s until other companies follow suit. Raising an equity capital is one of the ways a company takes advantage of growth opportunities in a saturated market. The decision to sell shares reflects realisation that Somalia-based conglomerates can no longer practise cronyism when selling equity. For a company to sell shares it has to ensure interested investors in any part of the country can buy shares. The business ecosystem of Somalia makes such a goal difficult to attain. Somalia does not have a Stock Exchange. For investors to buy shares in a given sector they will need to make informed decisions. Types of shares sold and for what price are as a useful decision-making tool as dividends companies pay and the number of shareholders. Somali businesses have entered a new phase. Companies selling equity will have to make disclosures. Ranging from how the company is run to the economic case for raising a capital from the public. Wealth creation cannot by itself be a sound reason for increasing the number of shareholders. If investors can buy shares they should be able to sell their shares if the need arises. The practice of holding a ceremony to publicise selling of shares to investors paves the way for the setting up of brokerages through which retail investors can buy or sell shares. Chairman of Dahabshiil Group Saamiga (meaning the share in Somali) is a Puntland Post initiative to promote the creation of Somalia-based brokerages. It will follow the trend of selling shares.Saamiga aims to eventually become a brokerage. It will collaborate with business economists, commercial lawyers, accountants to help investors make sense of the wealth creation opportunities that buying shares in Somalia-based companies may provide. © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post How Can Somalia-based Companies Sell Equity? appeared first on Puntland Post.
  5. MOGADISHU (HOL) - Former Ethiopian Foreign Minister Dr Workneh Gebeyehu ascended to the helm of leadership at the regional bloc IGAD Thursday effectively sealing off hopes of long alienated members top on the list-Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil wiil dhaliyaro ah wade ka ahaa Mooto Bajaaj xalay loogu geystay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa waxaa fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo ay isla markiiba ay gacanta ku dhigeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taalla halkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ismaaciil Maxamed Saciid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa meesha uu dilku ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ahaa. Sidoo kale waxa dilkan si aad u cambeereeyey ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta, waxaana ay dowladda ugu baaqeen in si deg deg ah cadaalada loo marsiiyo askarigii ka dambeeyey dilka wiilkooda. Ma’ahan markii ugu horreysay oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda dil u geysto mid ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ka shaqeysa Muqdisho, kuwaas oo inta badan dhibaato xoogan kala kulma ciidamada dowladda ee ku sugan Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen fatahaado. Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai. Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Bardaale appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan madaxdii isaga kaga horreysa talada dalka. Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raado dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan u nimid dhaqan ah in la aaminsan yahay inay siyaasadu tahay wax dan gar ah lagu raadsado, halkan waxaan ugu nimid dhaqan la yiraahdo aan siyaasi noqdo, si aan wax u helo ” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inay ceeb aheyd in la’isla xisaabtamo, iyo in la wada shaqeeyo, si loo hormariyo dalka. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqankaasi, islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la qjaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe madaxda dowladda ay eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Khayre.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Guddoomiyahii baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo Khamiistii xilka laga qaaday ayaa isaga baxay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Sida wararku ay sheegayaan, guddoomiyaha waxaa la socda ciidamo badan oo isaga taageersan, waxaana ay xalay gaareen degmada Xingalool ee gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu maanta kulamo la qaadan doono waxgaradka gobolka, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo ku aaddan Puntland. Sidoo kale, waxaa la filayaa in gobolka Sanaag uu shir uga furmo waxgaradka gobolkaasi, waxaana ay ka tashan doonaan aayahooda Puntland. Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiye Dhoobo Daareed oo ay ku eedeeyeen ku tumashada dastuurka Puntland iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay barkoontarool oo ku taalla agagaarka xeebta Liido ee Muqdisho. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaj, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil, iyadoona gacanta lagu dhigay askarigii toogtay. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka iyo askariga ay murmeen, kadibna uu rasaas uu ku furay, taas oo ka haleeshay qeyba sare ee jirkiisa. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. View the full article
  11. Ra’iisul wasaaraha federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay inay wax badan ka bedaleen siyaasad xumo uu tilmaamay inay horay uga jirtay Soomaaliya. Khayre ayaa sheegay iyo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo marka ay imaanayeen siyaasadda lagu raadin jiray dhaqaale, laguna lunsan jiray xoolaha dadweynaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda laga gudbay dhibaatooyinkaasi, islamarkaana ay la yimaadeen isbedal cusub. Halkan hoose ka dhageyso Cokda. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-dagane-.mp3 View the full article
  12. Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan (Khamiistii) waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka ee maamulkaasi C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba Daareed). Hadaba dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in sababta uu ku baxay Dhoobo Daareed ay tahay farogelin dowladda federaalka ah. Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo u waramay Goobjoog wuxuu sheegay in Dhoobo Daareed uu mar hore caddeystay inuu taageersan yahay dowladda federaalka, kana xun yahay xiriirka ay Puntland u jartay DFS. Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in madaxda federaalka ay dhaqaale badan ku bixiyeen burburinta maamul goboleedyada, si ay talada dalka ugu soo noqdaan 2021. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka. Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka. Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay. View the full article
  14. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shirka 18-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, kaas oo socday maalmaha 7-8 November. Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan. Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo , waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda. View the full article
  15. Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa dilay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeynayey Mootada Saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj. Marxuumka ayaa magaciisa naloogi sheegay Ismaaciil Maxamed Saciid, iyadoo rasaasta ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Askariga iyo Ismaaciil ayaa la sheegay in uu dhexmaray muran, taasi oo keentay in darawalkan rasaas lagu furo. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Koontaroolka xeebta Liido ayaa la xaqiijiyey iney gacanta ku dhigeen askarigii wax dilay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed oo ka dhalataya xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ay weli ka taagan tahay magaaladaasi. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo xalay kulan ku yeeshay Garoowe ayaa ka digay sii socoshada xiisadaasi. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan guddoomiyahoodii hore, islamarkaana ay kala hadli doonaan, sidii loo dajin lahaa xiisadan, una aqbali lahaa xil ka qaadista lagu sameeyey. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu saga tagay magaalada Garoowe, islamarkaana uu gaaray qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa timid, kadib markii Khamiistii la soo dhaafay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntand ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye Dhoobo Daareed. View the full article
  17. Dibad-baxyo looga horjeedo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday degaanno kala duwan oo ka tirsan dowlad degaanka. Bannaan-baxyada ayaa looga cabanayaa cabburin la sheegay in maamulka Mustaf Cagjar uu ku hayo shacabka dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaanna dad kala duwan oo ra’yigooda iyo hadallo ay sheegeen dartood loogu xiray magaalada Jigjiga. Mudaharaadkii u dambeeyay ayaa sida la sheegayo manta ka socda degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida kaasi oo looga cabayo mid kamid ah oda-dhaqameedka degaanka Tulli-Guuleed oo shalay lagu xiray magaalada Jigjiga kadib markii uu su’aal kulul weydiiyay madaxweyne Cagjar. Odayga oo magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xaaji Abiib ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu weydiiyay su’aal la xiriirta dhibaatada baahsan iyo bara-kicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada ku dhaqan degaanka Tulli-guuleed. Degaanka Tulli-Guuleed ayaa waxaa marar kala duwan weerarro culus iyo xasuuq ka gaystay malayshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo in badan ka laayay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan iyadoo aysan arrintaasi waxba ka qaban xukuumadda Cagjar. PUNTLAND POST The post Mudaharaad ballaaran oo looga horjeedo Mustaf Cagjar oo ka dhacay gobolka Doollo appeared first on Puntland Post.
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in taliyihii ciiidanka Ahlu Sunna Waljamaaca u joogay degmada Guriceel, Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamo uu wato ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya. Taliyahan ayaa lagu soo warramayaa in xalay uu gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoona ay halkaasi ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintan ayaa ku timid, kadib markii uu sarkaalkan wadahadal hoose la galay taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Generaal Mascuud Maxamed Warsame iyo sidoo kale xubno uu ka mid yahay, Mudane Maxamed Axmed Cantoobo guddoomiyihii hore maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamada kale ee la socda ayaa tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay Guriceel ku sugnaa duleedka waqooyi ee magaalaadaasi, gaaraan ahaan deegaan 30 KM u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in askarta uu wata sarkaalkan ay qeyb ka yihiin ciidamadii Ahlu Sunna ee dhowaan isaga baxay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha maamuka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna oo ku aadan taliyahaasi ka soo goostay. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka oo dhowaan isku ballaarisay degmooyin ka tirsan Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  19. Sawir hore: Abiy Axmed oo Muqdisho yimid Wefdi ka kooban wasiiro ka socda dowladda Ethiopia ayaa lagu wadaa in ay maalinta berriya soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in ilaa 8 wasiir oo ka socda dowladda Ethiopia islamarkaana xubno ka ah guddiga isku-dhafka ah dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay maalinya berriya imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugala shaqeeyaan fulinta iyo dardar gelinta arrimihii ay labada dal ku heshiiyeen sannadkii hore. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo bishii June ee sanadkii 2018 booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu la saxiixday heshiis ka kooban dhawr qodob oo ay kamid tahay in dowladda ay maalgashato 4 dekedood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Ethiopia oo ku wajahan magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa shaqaaladaha dowladda u fasaxday xuska 12-ka bisha Mowliid oo ah dhalasha Nabigeena Muxamed, NNKH. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-09112019-ok.mp3 View the full article
  22. A Chinese contractor, CGC Overseas Construction (CGC-OC) Group Ltd, has blamed electric power shortages for impeding the operations of the USD 339 million worth trans-boundary water project to pump potable water to neighboring Djibouti. Source: Hiiraan Online
  23. Askar ka tirsanaa malayshiyaadka Ahlu Sunna oo isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ayaa sida la sheegayo ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan gobolka Galgaduud. Sarkaal ka tirsanaa Ahlusunna oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Rooble iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa la sheegaya in ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan degmada Guriceel ee gobolkaasi. Ciidanka ka goostay Ahlusunna ayaa hub iyo saanad badan ula galay dhinac dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo lagu tilmaamay mid dhabar-jab ku ah sii jiritaanka kooxda Ahlusunna. Horay ayaa ciidamada Federaalku Ahlusunna ugala wareegeen degmooyinka Matabaan iyo Guriceel iyadoo magaalada Dhuusamareebna ay wada-joogaan labada dhinac. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka goostay Ahlusunna oo ku biiray dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in weli xiisad siyaasadeed oo salka ku heyso xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markiii Dhoobo Daareed uu ka horyimid,kalsooni kala noqoshadii ay ku sameeyeen 49 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka uu isaga tagay arrimo amni darteed Garoowe, wuxuuna gaaray magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay su weyn ugu soo dhoweeyeen odayaashada dhaqanka, waxgarad iyo dadweynaha ku nool degmadaasi. Sidoo kale waxaa xalay Garoowe kulan gaar ah ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo ka arrinsaday, sidii wax looga qaban lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan ka soo cusboonaatay deegaanada maamulkaasi. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan guddoomiyahoodii hore, islamarkaana ay kala hadli doonaan, sidii loo dajin lahaa xiisadan, una aqbali lahaa xil ka qaadista lagu sameeyey. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay arrintan ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa qiil u samaystay sababta “ay u mudan yihiin” in ay inta badan hayaan labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalalka kale ee IGAD aysan ku qanacsaneyn. Dr. Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa xilka xoghayaha fulinta IGAD waxa uu 7-dii bishan kala wareegay Maxbuub Macallin oo u dhashay Kenya, halka madaxweyne Uhuru Kenyatta la filayo inuu guddoomiyenimada kala wareego ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Arrintan ayaa imaneysa in kasta oo ay jirtay diidmo xooggan oo ka imaneysay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey mid ka mid ah labada xil ee ugu sarreeya ururka. Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Nairobi iyo Addis Ababa ayaa ku dooday in maadaama ay yihiin labada dal ee lacagta ugu badan ku bixiya miisaaniyadda ururka, inay mudan yihiin labada xil ee ugu sarreeya. Labada dal ayaa midkiiba waxa uu sanadkii miisaaniyadda ururka ku tabarucaa 2.7 milyan oo dollar, sida lagu sheegay warbixinta Daily Nation. Lacagtaas ayaa lagu kabaa kaalmo dhan 16 milyan oo dollar oo sanad kasta ururka uu ka helo deeq bixiyayaasha caalamka, ayada 2.33 milyan oo ka mid ah ay ka timaado Midowga Yurub. Soomaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, si dal kasta oo u sugto kolkiisa, hase yeeshee Kenya iyo Itoobiya ayaa taas kasoo horjeeda. Ma cadda waxa ay Soomaaliya iyo Jabuuti sameyn karaan si ay taas u dhacdo. Caasimada Online Xafiiska Naiorbi caasimada@live.com