-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark, oo 6-dii November, Muqdisho kula kulmay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka carooday su’aal ay saxaafadda ka waydiisay kulankaas. a’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka. Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood. Jeppe Sebastian Kofod ayaa ka carooday su’aal ay saxaafadda ka waydiisay kulanka uu Kheyre la qaatay kadib shir jaraa’id oo ku saabsanaa kulan uu la qaatay dhigiisa dalka Jarmalka Heiko Mass. Wasiirka ayaa wax laga waydiiyey lacagaha ay saxaafadda sheegtay inay Denmark Ra’isulwasaare Kheyre u balanqaaday taageero badan oo malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah. Mid kamid ah wariyeyaashii kulan warbaahineedkaas kasoo qeybgalay ayaa waydiiyey wasiir su’aal aheyd “faa’iidada ugu jirta Denmark marka ay malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah siiso Soomaaliya”. Wasiirka ayaa caad uga carooday Su’aashaas, wuxuuna ku jawaabay “Waxaan uga qeybqaadaneynaa xasiloonida Soomaaliya. Mawduuca faa’iidada ma ahan shaqadeyda in aan ka hadlo. Ma ahan haa”. Inkasta oo cadadka guud daaha looga qaadey, war-saxaafadeedka laga soo saarey socdaalka wasiirka, laguma fahfaahin waxa ay Denmark ku bedelayso lacagta. “Wasiir Arrima Dibadeed ahaan, waxaan xaqiijin karaa in ay naga go’an tahay in dadka aan u abuurno jawi nabadeed iyo in aan ka difaacno Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee qalalaasaha wadda,” ayuu hadalkiisu ku daray. Saxafiga ayaa mar kale waydiiyey : “Waxaad leedahay shaqadeyda ma ahan in aan ka hadlo, balse waad tagtay adigoo mas’uul sarre ah waxaadna bixisay malaayiin Doollar. Miyey jiraan is-dhaafsi gudaha ah? Wasiirka ayaa ku jawaabay: “Mashruuca aan ka hadlayo waa xasilinta iyo tababarida hay’addaha dowliga ee Soomaaliya, in aan ka caawino la dagaalanka shufta badeeda, iyo fulinta [danaheena] gudaha Soomaaliya”. Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana ay shaaciyeen xilliga ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha baarlamaanka. Guddiga ayaa sheegay in 14-ka bishan oo ku beegan Khamiista ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha, waxaana ay shaaciyeen habraaca doorashada. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdilaahi Ibraahim Habbane ‘Cabdilaahi Dheere’, Wasiirkii hore ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa markii u horeysay sheegay in Xisbiyada Somaliland ay u gacan galeen saddex beelood. Cabdilaahi Dheere ayaa sheegay in saddexdaasi Beelood ay isku soo koobeen xisbiyada Somaliland, isla markaana aysan fursad uga banaaneyn beelaha kale ee dega deegaanada Somaliland. Waxa sidoo kale uu si gaar ah ugu baaqay xubnaha ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku jirra xisbiyadaasi inay iskaga baxaan, maadama aan loo sineyn Xisbiyadaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye. Cabdilaahi Dheere ayaa ka dhawaajiyey in uusan jirin gudaha Somaliland wax Xisbi la yidhaahdo, oo iskugu yimid mab’da ama fikir siyaasadeed oo sax ah, wuxuuna yiri “Xisbiyada waxa qaybsada saddex Reer ee Xaggaynu innagu ka soo galnaa, laba waa West Burco Clan, midna Gabiley Clan baa haysata hadda, xaggay beelaha kale ka soo galayaan, Annagu maba jirto ayaanu leenahay wax Xisbi la yidhaahdaaba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Nin kasta oo Gadabuursi ah oo ku jira ka baxbaan leeyahay, Waayo? Axsaab maaha, Axsaabtu waa tii isagu timaadda Fikir Siyaasi ah” “Waxaynu gaadhi lahayn in Nin reer Hargeysa ah aynu Boorama ka sharraxno mustaqbalka, maxaynu isku daalinaynaa haddaynu Qabyaaladdii dib ugu noqonayno, maynu odayaasha shaqadooda u dayno, taasaa ayaynaan isku layneyne”. Cabdilaahi Dheere ayaa hore waxa uu uga mid ahaa ragii sida cad uga dhex muuqday ololaha doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi, isagoona markaasi aad ula dhacsanaa in uu Biixi qabto talada Somaliland, balse muddooyinkii u dambeeyay ayuu aad u dhaliilsanaa siyaasadiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ay sheegaya in maanta ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa si aad ah looga dareemayaa deegaanka Baarsanguuni oo hoos yimaada magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Muddooyinkii dambe ayaa waxa ay ciidamada huwanta kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda deegaanada maamulka Jubbaland. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay kulan lagu dalbanayey in lasii daayo Guddomiyaha Xisbiga Amni iyo Cadaalad Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale kulankaas ayaa loogu duceeyey dadkii ku dhintay banaanbaxyadii ka dhacay Baydhabo waqtigii ay Dowladda xireysay Mukhtaar Roobow. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedkii laga soo saaray kulankaas WAR SAXAAFADEED Kulan Ballaaran oo duco wadareed loogu sameynaayey dadkii ku waxyeeloobey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Baydhabo sanadkii lasoo dhaafey ayaa ka dhacdey magaalooyinka Baydabo iyo Muqdisho. Kulamadan waxaa soo qaban qaabiyey xisbiga Amni iyo Cadaalad waxaana ujeedkiisu ahaa in loogu duceeyo dadkii lagu diley magaalada Baydhabo 13kii Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafey. Caruur, Dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ayaa kamid ahaa dadkii lagu diley dibad bax nabadeed oo kadhacey magaalada Baydhabo xilli ay muujinayeen dareenkooda kadib markii si sharci daro ah loogu afduubtey Hogaamiyihii shacabka koonfur galbeed oo ahaa musharaxa shacabka Koonfur galbeed. Kasoo qeyb galayaasha kulankan ayaa ugu duceeyey dhamaan dhibanayaashii ku waxyeeloobey Xasuuqii kadhacey Baydhabo, waxeyna ilaahey uga baryeen dadkii dhintey in uu unaxariisto kuwa ku dhaawacmeyna caafiimaad siiyo kuwa ku hanta beeleyna bedel kheyr leh siiyo. Ducada kadib kasoo qeyb galayaasha waxey si siman u cabaareeyeen dhibaatada loo geysanaayo muwaadiniinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo in dowlada Federalka Soomaaliya wali si awood sheegasho ah ugu xiran yahay hogaamiyaha xisbiga Amni iyo Cadalaad Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Xisbiga wuxuu xasuusinayaa Madaxda Dowlada Federalka ah in ay wax ku yihiin Dastuurka dalka ayna waajib tahay in ay ilaaliyaan. Dastuurka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed wuxuu siinayaa muwaadin kasta xaq siman oo ah in uu wax doorto lana doorto hadii aaney xukumin maxkamad. Madaxda Dowlad Federalka Soomaaliya Musharax Sheekh Mukhtaar waxey u xirteen nagu siyaasad mahan taas oo muujineysa in Dastuurkii dalka iyo shuruucda kale ee dalku Xukuumada maanta Jirta ku ilaashaneyso Danaheeda gaarka ah, arintaas oo marka danbe horseedi doonta in shacabka soomaaliyeed ay ka aamin baxaan madaxda Dalka una arkaan in Dastuurka u adeego kolba shaqsiga xukunka heesta. Digniin Hadii madaxda Qaranka ay ixtiraami waayaan Dastuurka ay wax ku yihiin waxey dhaawac ku noqon doontaa midnimada soomaaliyeed ,Waxeyna mugdi gelin doontaa soomaalinmada iyo in la is aamnino. Madaxda Dowlada Federelka waa iney ogaadaan xilka in uu meerto yahay laguna xisaabin doono maalin ay noqotaba qofkii ku xad gudba. Baaq Waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Dowalada Federalka Soomaaliyeed in si deg deg ah xoriyadiisa u siiyaan musharax Sheekh Mukhtar raali gelin buuxdana ka bixiyaan xadgudubkii ay ku sameeyeen shacabka koonfur galbeed. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa madaxda Federalka in aysan burburin rajada umada soomaaliyeed ayna kashaqeeyaan Nabada iyo Midnimada ummada soomaaliyeed Ugu danbeyn waxaan rajeyneynaa in Madaxda Dowlada, shacabka ku dhegeystaan dhego wax maqala Wabilaahi towfiiq. Xafiiska Xisbiga Amni Iyo Cadaalad Muqdisho-Soomaaliya Nairobi -Kenya Kala xiriir:+252615434632 +254725888252
-
Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa Sabtida maanta shaaciyay habraaca iyo shuruudaha doorashada oo sida qorshaysan la qaban doono Khamiista soo socota. Sida ku qoran habraaca guddiga, musharrax kasta waxaa laga doonaya in uu soo gudbiyo qoraal codsiya iyo laba sawir oo uu ku soo lifaaqay nuqul kamid ah taariikh-nololeedkiisa, si loo diiwaan-geliyo, looguna aqoonsado musharrax u tartamaya doorashada guddoomiyaha Baarlamanka. Diiwaan-gelinta musharrixiinta, ayaa ka bilaabanaysa maalinta berriya oo ku beegan 10-ka bishan November, waxaana ay socon doontaa mudda saddex maalmood ah, iyadoo ku eg 13-ka bisha oo ku began maalinta Arbacada ah. Guddigu waxay sheegeen in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashada, iyadoo qofkii saxiixi waaya loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay tartanka doorashada. Hoos ka daalaco habraaca iyo shuruudaha oo dhan PUNTLAND POST The post Habraaca doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Puntland oo beenisay in DF ay ciidan ka qoraneyso Gaalkacyo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si qarsoodi ah ciidamo dheeraad ah uga qoraneyso waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Talafishinnada oo uu sheegay inay mucaarad yihiin ay buun-buuniyeen wararkaasi. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay la xisaabtami doonaan dadka ka soo horjeeda horumarka Punland iyo kuwa faafinaya wararka lidiga ku ah maamulkaasi. View the full article -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay Maalinta Berri ah booqasho ku imaan doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wafdigan ka socda Itoobiya ee imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa ka kooban ku dhawaad 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Ujeedada ay Wasiiradaan Muqdisho u imaanayaan ayaa lagu sheegay inay tahay ka shaqaynt fulinta iyo dardar-gelinta waxyaabihii labada dal ku heshiiyeen sanadkii hore, kaddib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed. Booqashadii bishii June ee sanadkii 2018 uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho. Qodobka 7-aad ee Heshiiska labada dal oo ahaa kan ugu culus oo muran ka dhex dhaliyay Bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ahaa in 4 dekadood ay maalgashato Itoobiya iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiiradaan ayaa kulamo Muqdisho kula qaadan doono Wasiirada Soomaaliya, waxaana la isla meel dhigi doonaa fulinta Heshiiskii ay wada saxiixdeen Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin wafdigan Berri imaanayo Magaalada Muqdisho, waxaana la dareemayaa qabanqaabo lagu soo dhaweenayo oo ay wadaan qaar ka tirsan Wasiirada Xukuumadda xasan Cali Kheyre . Heshiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dood badan ka dhex dhaliyey Shacabka Soomaaliyeed, w axaana durba soo baxday in Itoobiya lagu wareejinayo 4 Dekad oo ku taal Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa kulamo looga horjeedo Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni) ka bilaabay gudaha gobolkaasi. Kulamadan ayaa yimid, kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland khamiistii la soo dhaafay ay xil ka qaadis ku sameeyeen Dhoobo Daareed. Sidoo kale kulamada oo ahaa kuwa isdaba joog ah ayaa waxaa qeyb galay odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag. Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay kilankaasi ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan tallaabada xigta. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid kacsan, kadib markii ay xiisado hor leh ka dhasheen xil ka qaadistii lagu sameeyey, Cabdixakiin Dhoobo Daareed. View the full article
-
Taliyihii ciidamada Ahlu Sunna ee Guriceel, C/laahi Daahir Rooble iyo askar uu wato ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada Galmudug. Tirada ciidamadan oo la shaacin iyo sarkaalka wata ayaa lagu soo dhoweeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wararka qaar ayaa sheegaya in tabashada askartaasi ay qanciyeen saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeysa iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, taas oo ka dhalatay dhismaha Galmudug oo mid ah. View the full article
-
Safiirada dalalka Qatar iyo Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Wafdigaan oo uu qeyb ka yahay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Eng Cabdi Xasan Canshuur ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxda HirShabelle. Ujeedada safarka labada safiir ayaa ah mid la xariira u kuur gelida xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan magaaladaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka HirShabelle ee ku sugan halkaasi. Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad looga deyrinayey, iyadoo inta badan ay isaga barakaceen dadkii ku noolaa xaafadaha degmadaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay u magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya ayaa weli wada gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka. Xubnaha guddiga oo aan ka mid aheyn shaqaalaha dowladda ee maanta la fasaxay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay ay ku socdaan howlaha gurmadka. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in saacadaha soo socda laba diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonaan degmada Bardaale ee gobolka Baay. Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa saameyn daran ku yeelatay qoysas badan, kadib markii ay daadad ku dhufteen xaafadihii ay deegaansanayeen. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KoonfGalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay. Madaxweynaha oo ay la socdaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan K/Galbeed,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka Bardaale iyo shacabka degmadaasi. Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-09112019-web.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay maamulka Gobolkaas. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland. “Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay qaar kamid ah telefishinno uu ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta “caadaysatay wararka been-abuurka ah.” Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, haye eshee ay arrintaas ku fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayuu tilmaamay in wax xiriir ah uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka aysan Ciidamo ka qori Karin deegaanada Gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda. “Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in xukuumadda federaalka aysan ciidamo ka qoran karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin. Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe oo markii horeba xumaa, ayaa laga rajo qabay inuu is-beddel wanaagsan ku yimaado kadib markii uu talada qabtay madaxweyne Saciid Deni, hase yeeshee waa sii xumaaday. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Floods have killed at least 25 people and injured 47 others as heavy rains continue to wreak havoc in Somalia, the World Health Organization (WHO) said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa sheegay in la hubeeyey kooxda la magac baxday Xoogaga Wadaniyiinta ee uu sameeyey Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Mahad Salaad oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa tilmaamay in maalin dhoweyd degmo uu booqanayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish lagu qabtay 8 dhalinyaro ah oo hubeysan, markii la xirayna la sheegay inay ka tirsan yihiin Xooggaga Wadaniyiinta, kadibna la sii daayey, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in aan xilligan loo baahneyn maleeshiyaad, islamarkaana ay Soomaaliya leedahay ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala. Halkan hoose ka aqriso. Soomaaliya uma baahna GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya! Xoogaga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir ee Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay gudaha dalka iyo dibedahaba waa lagu baahinayaa waxa ay leeyihiin garab hubaysan oo Bastoolado inta loo qaybiyay magaalada lagu sii dhex daayay! Maalin dhawayd degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyaha Gobolka booqasho ku tagay waxa la ii sheegay meeshii bulshada uu kula kulmayay in lagu qabtay 8 dhalinyaradaas ka mid ah oo Bastoolado ku hubaysan, markii ciidamada amnigu qabteen kadibna inta la soo wacay loo sheegay in ay ka tirsanyihiin Xoogaga Wadaniyiinta laguna amray in ay si degdeg ah u sii daayaan!. Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan in maleeshiyaad hubaysan magaalada lagu sii dhex daayo micnaha ay dowladnimada u leedahay yaa noo sheegi kara? Madaxweynaha waxaan leenahay, Soomaaliya ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala, shuruucda dalka iyo xuquuqda shacabkana ilaaliya ayay u baahantahay ee GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya uma baahna! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo gaaray gobolka Sanaag ayaa waxa uu bilowday kulamo ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni). Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay ka dhasheen xil ka qaadistii guuddoomiyaha oo Khamiistii la soo dhaafay 49 xildhibaan ay kalsoonidii kala noqdeen, kadib kulan ay xubnaha baarlamaanka Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe. Sidoo kale waxaa kulamada ka qeyb galaya waxgaradka gobolka Sanaag iyo inta badan xubanaha beesha uu ka soo jeedo Dhoobo Daareed oo ku xoogan halkaasi. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, maadaama guddoomiyihii matalyey, xoog ah xilka looga qaaday, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale waxaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sanaag ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigeen boqolaal shacab ah, kuwaas oo looga soo horjeedo tallaabadii xil ka looga qaaday guddoomiye Dhoobo Daareed. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa 2 maalin ee la soo dhaafay aheyd mid kacsan, kadib markii xil ka guddoomiyenimo lagala noqday, Dhoobo Daareed oo ay is qabteen Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi (Deni). Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
The Somali government commended the assistance provided by the State of Qatar to those affected by floods that hit large parts of the country, following the generous directives of Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani to launch an airlift for flood relief in the Federal Republic of Somalia. Somali Federal Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, Hamza Said Hamza, praised the repeated relief initiatives undertaken by Qatar for the benefit of Somali citizens. He expressed his deep thanks and appreciation to Amir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. The Somali Federal Minister said that the Qatari aid was timely because citizens in the affected areas of Somalia suffered the most, pointing out that this assistance would ease the suffering. Deputy Special Representative of the Secretary-General, Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula expressed his thanks to Qatar for its generous contribution to the humanitarian efforts in Somalia. The second batch of humanitarian aid provided by Qatar, through the Qatar Fund for Development in coordination with the Standing Committee for Rescue and Relief Works and Humanitarian Aids for Afflicted Areas in botherly and friendly Countries, arrived on Thursday in Mogadishu, accompanied by a team from the Qatari International Search and Rescue Group (Lekhwiya). The total assistance reached about 88 tonnes of medical and relief materials. View the full article
