Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ayuu kulan uga soconaya Madaxda Maamulka Jubbaland iyo wafdi ka socda beesha caalamka, si loo soo afjaro kala qaybsanaantii ka dhalatay Doorashooyinka Jubbaland. Wafdigan ayaa waxay marka hore Magaalada Kismaayo kula kulmeen siyaasiyiinta is bedeldoonka, waxayna u sheegeen in ay yihiin wafdi loo soo diray, sidii looga gudbi lahaa khilaafka hareereeyay Jubbaland. Wafdigan ayaa intaasi ka dib waxay xalay gaareen Madaxtooyada Magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen masuuliyiin uu ugu sareeyo Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in markale ay maanta labada dhinac ku kulmi doonaan Madaxtooyada Kismaayo, si horey loogu sii amba qaado kulankoodii xalay. Waa markii ugu horeysay oo la bilaabo dadaalo lagu doonayo in lagu soo geba-gabeeyo khilaafka Maamulka Jubbaland kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya. Khilaafka muuqdo ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu xoogeystay bishii August, ka dib markii doorasho natiijadeeda lagu murmay mar labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale khilaafkan ayaa waxaa qayb ka ah muucaaradka Jubbaland oo qaadacay Doorashooyinkii Madaxtooyada & Baarlamaanka Jubbaland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa horey ugu baaqday in doorasho ku celis ah la qabto, waxaase taasi si weyn uga hortimid Madaxtooyada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  2. Ontario residents are being warned of a new scam called "SIM swapping" that allows fraudsters to steal your personal information and even empty your bank accounts. Source: Hiiraan Online
  3. With help from her mother, Lewiston's new city councilor overcame violence and hostility in her own country of Somalia. Then she overcame hostility again in America, becoming Lewiston's youngest councilor ever and a role model for many. The deep negativity she experienced on social media during her campaign was ugly, but she has disavowed the hate and looks forward to representing her constituents. Source: Hiiraan Online
  4. President Paul Kagame has criticised Uganda for failing to organise a second bilateral meeting to discuss and resolve problems that have frozen movement of people and goods across their borders. Source: Hiiraan Online
  5. Ciidamada Iran ayaa soo riday diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ajinabi leeyihiin taas oo mareysay magaalo xeebeedka Mahshahr ee gobolka Khuzestan sidaasi waxaa soo werihyay wakaaladda wararka ee IRNA iyagoo soo xiganaya saraakisha Iran. ”Waxaa hubaal ah in Diyaaradda la soo riday dal shisheeye laga lahaa, waxaana la helay haraageedii, baaritaan ayaana ku socda”, ayuu yiri gabalnatooraha Khuzestan Gholamreza Shariati. Warbaahinta Iran ayaa baahisay in ciidamada ay soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn balse wax faafaahin kama aysan bixin. Saraakisha iyo warbaahinta Iran ma sheegin dalka laga leeyahay diyaaradda, sidoo kale ma sheegin inay ahayd diyaarad milatari ama mid shacab. Mareykankana waxa uu sheegay inysan jirin diyaarad Mareykanka uu leeyahay oo la soo riday. Amir Mousavi oo ah diblomaasi hore oo Iran u dhashay ayaa Al Mayadeen u sheegay inuu aaminsan yahay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la soo riday ay Israa’iil leedahay taasi oo Iran lagu tijaabinayay. Telefishinka Iran ee afka Carabiga ku hadla ee al-Alam TV ayaa sheegay: ”In Dadka deggan magaalo xeebeedka Imam Khomeini ay maqleen subaxnimadii jimcada dhawaqa gantaalo lasoo ganay.” Bishii June Iran ayaa soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn ee uu Maraykanka leeyahay, taasoo ciidamada kacaanka Iran ay sheegeen inay dul mareysay koonfurta Iran. Washington ayaa dhankeeda sheegtay in diyaaraddooda ay Iran soo ridday iyadoo maraysay hawada marinka Hormuz. Xiriirka u dhaxeeya Iran iyo Maraykanka ayaa sii xumaanayey tan iyo sannadkii lasoo dhaafay, ka dib markii madaxweyne Trump ka baxay heshiiskii nuclearka Tehran ee 2015-kii ay la gashay quwadaha caalamka. Waxaana uu Maraykanka kusoo rogay Iran cunaqabateenno dheeraad ah. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu faah faahiyey waxyeelada rasmiga ah ee ka dhalatay fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Shabelle iyo Jubba. Hay’adda ayaa xaqiijisay in fatahaadihii ugu dambeeyey ay ku dhinteen illaa 25 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 47, kale oo u badan dad danyar ah oo ay saameeyeen daadad xoogan oo ku dhuftay magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Sidoo kale waxa ay WHO shaacisay inay ku barakaceen fatahaadahaasi dad gaaraya 270,000 oo qof, kuwaas oo hadda u baahan gargaar iyo caawimaad deg deg ah. Warbixinta hay’adda caafimaadka adduunka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama uu weli socdo Roobka Deyrta ee ka da’aya Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay hay’adda WHO ballan qaatay inay sameyn doonto naf badbaadin deg deg ah, islamarkaana ay gargaar bani’aadanimo ka fulin doonto meelaha ugu daran ee fatahaaduhu ka jiraan. Degmooyinka ay sida daran u saameeyeen daadadka waxaa ka mid ah Beledweyne oo ka tirsan Hiiraan, Bardaale oo hoostagta Baay iyo Baardheere oo dhacda gobolka Gedo. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Guddoomiyihi xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo galabta warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, ayaa mar kale ku celiyay in uu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee golaha Wakiilada Puntland. Mudane Dhoobo, waxa uu sheegay in aan xilka qaadistiisa loo marin waddo sharciya,sidaasi darteedna uu weli isagu yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamanka Puntland, isagoo tilmaamay in gebi ahaanba lagu tuntay Dastuurkii iyo Nidaamkii Puntland ee laga heshiiyay. Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Garoowe ee dadka lagu laayay dusha ka saaray xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo sida uu sheegay baalmartay shuruucdii iyo xeerarkii Puntland u degsanaa, islamarkaana awood ciidan u isticmaashay hay’adda xeer-dejinta. Ex. Guddoomiye Dhoobo, waxa kale oo uu bulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si ay uga wada-tashadaan arrimaha soo kordhay, dabadeedna ay mowqif midaysan uga qaataan. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Dhoobo-daareed oo mar kale sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Wararka-Shabelle-09112019.mp3 View the full article
  9. Garowe-(Caasimada Online)-Gudoomiyihii kalsoonida lagala noqday ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag oo uu gaaray maalin kahor. Guddoomiye Dhoobo-daareed oo haatan ku sugan degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xilka qaadistii lagu sameeyay iyo xaaladda guud ee Puntland ay haatan ku sugantahay isagoo baaq u diray gobolada Sool, Sanaag iyo Bari. Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu aad u cambaareynaayo weerarkii habeenkii Khamiista lagu qaaday Aqalka baarlamaanka, kaas oo uu sheegay inay ku soo qaaday xukuumadda madaxweyne Dani, sidoo kale qaabkii xilka looga qaaday oo uu ku tirmaamay gef god dheer ku riday hiigsigii Puntland. “Wixii dhacay habeenkaas dulmi dacbey ahaayeen oo aan marnaba qiil laheyn, waxaa la weeraray xaruntii aan odaga ka ahaa ee baarlamaanka, waxaa lagu laayay ciidan iyo dad shacab ah dhiigii oo qoyan ayaa habeenkii oo dhan lacag la qeybinayay si subixii xil ka qaadis sharci darro ah loogu fadhiisto” ayuu yiri guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo. Sharciga iyo dastuurka ayuu sheegay in uu ku dagaalami doono maadaama xilka qaadistiisii aan sharciga loo marin, haatana uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Puntland. Ugu dambeyntii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Dhooba-daareed ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ay u baahan tahay badbaadin, wuxuuna Bulshada ku dhaqan Gobolada Sool, Bari iyo Sanaag ugu baaqay iskaashi iyo wadashaqeyn, maadaama sida uu sheegay ay gaar u taabatay arintani. “Bulshada ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Bari iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed inta ay taabatay arintii gefka ahayd ee xukuumaddu ku kacday waxaan ugu baaqayaa in ay iskugu yimaadaan shir deg deg ah oo wada tashi ah” ayuu yiri guddoomiye Dhoobo-daareed. Si kastaba Khamiistii la soo dhaafay Xildhibaano gaaraya 49 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa codka kalsoonida kala noqday Guddoomiye Dhooba-daareed, waxaana Xildhibaanada lagu wadaa in Guddoomiye cusub ay soo doortan 14-ka bishan, sida lagu shaaciyay warqad ka soo baxday guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland. Halkaan ka Daawo Muuqaalka oo dhamays tiran: https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2322425261201275&id=100003014701568 Caasimada Online Xaafiiska Garowe Caasimada@live.com
  10. Luuq (Caasimada Online) – Ciidamadii maamulka Jubaland ee ka tegay Beledxaawo islamarkaana gaaray magaalada Luuq ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u hadlay, ayaga oo shaaca ka qaaday sababta ay u goosteen. Ciidamadan oo gaaraya illaa 210 askari, ayaa wararkii aan horey u baahinnay waxaan ku sheegnay inay ku biireen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxamed Cabdi Muuddeey oo ah sarkaal ka tirsan ciidamadan ayaa xaqiijiyey in qaateen go’aan ah inay ka baxaan ciidamada Jubaland kuna biiraan kuwa qaranka. “Hadda kadib waxaan si toos ah u hoos tageynaa dowladda dhexe, markii ugu horreysayba waxaan ahayn ciidamada dowladda Federaalka, ka hor inta aan la aasaasin Jubbaland”, ayuu yiri. Maxamed Cabdi Muuddeey oo wareysi siiyey idaacadda BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ay qaateen uu sabab u ahaa “isfaham waa dhex maray iyaga iyo maamulka Jubaland” ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madobe. “Waxaan isku fahmi weynay qorshe ku saabsan in ciidammada joogay Beledxaawo loo qaado dhinaca gobolka Waqooyi-bari, Kenya, annaguna waan kasoo horjeedsannay arrintaas, waayo ma dooneyno in marba dhinac naloo wado oo aan ka shaqeyno wax aan danaheenna ahayn”, ayuu yiri Muudeey. Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karta arrinta uu sheegay sarkaalka ee ah in la doonayey in la geeyo gobolka Waqooyi Bari Kenya. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shalay xaqiijiyey inay jirto in ay ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland, oo ka tagay Beledxaawo islamarkaana aaday Luuq, balse sheegay “inaysan ahayn wax weyn.” Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  11. Waxaa Tobaadkii hore Arooskooda iyo Aqal galkoodu ka dhacay magaalada Århus ee Dalka Danmark Fahad Cusmaan Khaliif iyo Muna Cabdirisaq Cali Af-baashe. Munaasabadaa faraxda iyo [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdullaahi Shiikh Xasan horeyna usoo noqday wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed haddana kamid ah Xisbiyada mucaarad ayaa weerar culus ku qaaday xisbiyada ku midoobay Madasha xisbiyada Qaran. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay inaan loogu yeeri karin xisbiyo qaran oo midoobay, maadaama uu sheegay inaysan isku tagin guud ahaan xisbiyada dalka oo ku dhow 60 xisbi. Cabdullaahi Shiikh Xasan oo ka jawaabaayay hadal uu Shalay sheegay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ahaa inaan dadka Muqdisho lagu qasbin inay u qaxaan Ceelasha Biyaha ayaa ku tilmaamay inuu ahaa hadal aan fiicneyn isla markaasna aysan hadda habooneyn in dadka Muqdisho la qaxiyo. “In qof rabo inuu xil ka qabto Soomaaliya yiraahdo waxaa noo ballan ah Ceelasha Biyaha oo noo banaan waa nasiib darro wax la aqbali karana maahan, waxaana rajeenayaai inuu Xildhibaanka cudur daar ka bixiyo, waxaa laga yaabaa in ilmihiisa Debadda ku nool yihiin, waxaa laga yaabaa inuu Malaayiin Dollar iska heysto, wuxuu heystaa Baasaboor Ajnabi ah, waxaa kuu sheegayaa dadka Muqdisho ma rabaan dhibaato kale” ayuu dhahay. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa madaxdii hore dalka madaxweyne uga soo noqotay ku eedeeyey inay iyaga horey ugu soo tunteen Dastuurka loogana baahan yahay inay marka hore cudur daar ka bixiyaan kadibna ay Dowladda hadda jirto ku dhaliilaan qaladaadka ay ka galeyso Dastuurka . Wuxuu si gaar ah Maxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ugu eedeeyey inuu qaladaad badan ka galay dalka loogana baahan yahay inuu arrintaas cudur daar ka bixiyo. Dastuurka ayuu sheegay inuu qorayo inaan qof gurigiisa la baari karin lana soo xiri karin iyadoo aan waraaq laga heysan Maxkamad, wuxuuna is waydiiyey haddii uu taas sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur galay xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo tegay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan. Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha. Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga gaarayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka, waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-09112019.mp3 View the full article
  15. Puntland waxaa mar kale ka dhacayo Doorasho, Waxaa Sanadkaan Gudihiisa Marlabaad aan dooran doonaa Gudoomiye Baarlamaan. Gudiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka sPuntland oo maalmo ka hor [...] Source
  16. Every friendship comes to an end — a phrase no one thought would be true for the best duo — President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister Hassan Ali Kheyre. Source: Hiiraan Online
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda dalalka ururka Bulshada Barriga Africa ayaa 30-ka November ku kulmaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo ay ku yeelan doono kulan madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ah. Mid ka mid ah ajendayaasha ugu weyn ee kulanka ayaa ku saabsan Soomaaliya iyo waxa laga yeelayo codsi ay soo gudbisatay oo ku saabsan sidii ay xubin uga noqon lahayd ururkan loo yaqaan EAC (East African Community). Hoggaamiyayaasha ayaa dib u eegi doona horumarkii laga sameeyey hubina shuruudaha laga doonayey Soomaaliya inay soo buuxiso si loogu ogolaado inay ka mid noqoto ururka. Wakiilo ka socda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay codsaday xubin ka noqoshada ururka, bishii March ee sanaddii 2012. Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa kadib eegay madaxda ururka bishii December ee 2012, kuwaas oo ka codsaday golaha ururka inay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii loo hubin lahaa codsigeeda. Bishii Febraayo 2015, madaxda EAC ayaa mar kale eegay kiiska Soomaaliya hase yeeshee mar kale dib loo dhigay ayada oo la sheegay inaan weli la billaabin hanaanka hubinta codsiga Soomaaliya. Ugu dambeyn bishii June 2019, ururka ayaa hakiyey codsiga Soomaaliya, sababo la xiriira “xasilooni darrada ka jirta dalka.” Soomaaliya ayaa xubin ka ah ururka IGAD, oo sidoo kale ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay EAC, mana cadda faa’iidada gaarka ah ee xiligan ugu jirta inay ku biirto EAC. Ururka East African Community (EAC) ayaa waxaa xubno ka ah dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. BELEDWEYNE (HOL) - Turkish and Qatari ambassadors arrived at the floods ravaged town of Beletweyne Saturday where they pledged support to alleviate suffering as the floods continue to push many out of their homes. Source: Hiiraan Online
  19. It is right and proper to first of all to acknowledge the tireless work, fiscal discipline and economic reform the Somalia Ministry of Finance has achieved over the last two years to bring some sanity to our fiscal finances, cutting loopholes, which has spearheaded a Source: Hiiraan Online
  20. Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Qawlka? W/Q Cabdiraxmaan Cadami Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigiisa ku soo bandhigi karo qoraal, hadal, suugaan iwm hase ahaatee qodobka 25-aad farqaddiisa 4-aad wuxuu dhigayaa muwaadinku in aanu isaguna ku xadgudbin ama aanu ka horiman xeerarka anshaxa guud, nabadgalyada, xasilloonida dalka ama xuquuqda iyo sharafta dadka kale. Si kale haddii loo dhigo xorriyadda hadalka ee dastoorku dammaanad qaaday waxa ka reeban in aan khadka casaanka ah laga gudbin oo sida sharcigu tilmaamayo dambi lagu mutaysan karo (there is a red line between freedom of expression and hate speech). Haddaba waxay u eeg tahay in bulshadu khalad ka fahamsan tahay xorriyadda hadalka ama in aanay garan Karin xuduudka iyo ilaa inta uu sharcigu u jideeyay. Bal u fiirso baryahan waxa ka baxaya ama ka socda TV-yada iyo baraha bulshada oo loo isticmaalayo hadallo iyo qoraallo aan loo miidaan dayin oo gudbinaya farriimo nacayb ah iyo fidmo bulshada la dhex dhigayo si loo kala irdheeyo dad aan kala maarmi Karin oo isku naf ah, masiirkooduna mid yahay. Habeen iyo maalin waxa dhegaha dadweynaha ku soo dhacaya dhawaaq laga naxo oo ka soo yeedhaya rag loo malaynayay in ay yihiin haldoorkii umadda, waana raggii ka talin lahaa samaha, wada noolaanshaha iyo wadajirka bulshada; waa Duni aakhir samaan maanta in la arko nin suldaan sheeganaya ama masuul ku baaqaya colaad iyo in nabadda la diido. Runtii waa wax laga werwero marka aad aragto dhallinyaradii dalka oo lagu barbaarinayo nacaybka iyo colaadda kuwii ay iska garabsan lahaayeen cadowga iyo dhismaha mustaqbalka dalkooda. Dadkayga waxaan xasuusinaya dhibaatada masuuliyad darrada warbaahintu ku keeni karto bulsho degan oo nabad ah haddii heegga loo sii daayo. Akhriste bal taariikhda dib u milicso doorkii ay ka qaadatay xasuuqii Rwanda, dhimashadii laba kun oo qof iyo boqol kun oo ku barakacay rabshadihii ka dambeeyay doorashadii madaxtooyada ee Kenya. Itoobiya kilalka Oromiya dhawaan waxa ka dhacay qalalaase 80 qof lagu dilay iyo khasaare maaliyadeed oo aan la soo koobi Karin markii warbaahin gaar loo leeyahay laga sii daayay khudbado nacayb xambaarsan iyo farriimo lagu kicinayo qoomiyadda Oromada oo ku jihaysan qaar ka mid ah qoomiyadaha ku dhex nool iyo dadka aamminsan Diinta Maseexiga. Dhawrkan tusaale waxay inagu baraarujinayaan in aynu wax ka barano waxna ku qaadano dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhacaya dalalka hareereheena. Talo Bixin · In aan loo dulqaadan oo la iska qabto sharwadeyaasha ku foogan xumaanta iyo kala qaybinta bulshada; · In siyaasiyiinta qaar iyo madax dhaqameedku ka waantoobaan xaalad abuurka iyo aflagaadada qaawan ee ku jahaysan beelaha qaar ka mid ah; · In warbaahintu ka fogaato in ay qayb ka noqoto wax kasta oo saamayn ku yeelan kara nabadgalyada; · In ururada xuquuqal insaanku si fiican u darsaan qodobada dastoorka ee ilaalinaya xaqa muwaadinka iyo kuwa isaga ka reeban si ay u kala gartaan dambiilaha iyo dhibbanaha u baahan in la difaaco. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  21. Beledweyne (Caasimadda Online) – Illaa 8 Gaari oo kuwa Xamuulka ah islamarkaana sida Deeq Gargaar ah ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan , taas oo ay iska soo Uruuriyeen Ganacsatada iyo Shacabka ku kala nool Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan. Gurmadkaan oo loogu tala galay Shacabka Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay Fatahaadda Webiga Shabelle ayaa Isugu Jiray Raashiin , Dawo, Mara Kaneecooyin iyo Agab kale waxaana sida Warbaahinta ay uga warbixiyeen Guddiga Ganacsatada magaalooyinka aan kor ku soo xusnay ee iyagu aruurinta deeqdaan Hormuudka u ahaa , loogu tala galay illaa 5,000 oo qoys , kuwaas oo qeyb ka ah dhibanayaashii ku tabaaloobay fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabelle. Guddiga ayaa xusay in Gurmadkoodu isugu jiray 3342 Kiish oo Bur ah, 3388 Kiish oo Bariis ah , 3324 Kiish oo Sokor ah ,5034 Caag oo Saliid ah, waxaa intaas sii dheer Joodariyaal, Mara Kaneecooyin iyo Maacuun. Guddiga Ganacsatada Magaalooyinka Dhuusamareeb , Guriceel iyo Matabaan ee isku xilqaamay Howshaan loogu gurmanayo Shacabka Magaalada Baladweyne ee ay saameysay Fatahaadda Webiga Shabelle ayaa waxaa ka mid ahaa:- 1:- Cabdi Jaamac 2:-Cali Dhoore Xasan 3:-Maxamed Cabdi Xaliim 4:-Yaasiin Nuur Samatar 5:-Cabdifitaax Cali Cilmi 6:-Cabdiqaadir Axmed Dhoore. Sidoo kale waxaa ku sugnaa Madasha lagu soo bandhigayay Gurmadkaasi baaxadda leh, Masuuliyiin kala duwan oo kuwa maamulka Hirshabelle ay qeyb ka yihiin. Waxaana Taageerada ka timid shacabka iyo Ganacsatada Magaalooyinka Dhuusamareeb , Guriceel iyo Matabaan Hal ku dhig looga dhigay Gurmad Walaal. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si isdaba joog ah Magaalada Baladweyne u gaarayay Deeqo kala duwan oo ay iska soo aruuriyeen Dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibaddiisa intaba iyadoo Ganacsatada ay kaalin fir fircoon ka qaadanayeen Gurmadkaasi baaxadda leh.