-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-koonyarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo qoraal kooban soo dhigay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayaa shaaciyey in qaraxaasi ay ku dhinteen dad kor u dgaafaya 90 qof oo badan rayid. Wasiirkii hore ee amniga ayaa sidoo kale kala saaray tirada dadka dhintay, wuxuu tilmaamay 73 qof ay haayeen shacab, halka 17 ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska. Sidoo kale wuuxuu intaasi in qaraxii saaka ay ku dhinteen illaa afar ajaaniib ahaa, inkastoo uusan sheegin dalka ay ka soo jeedaan. Weli dowladda Soomaaliya ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaan ismiidaamiinta ahaa, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca uu aad u badan yahay . Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in weerarkaan la damacsanaa in laga fuliyo Caasimada, si loola beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhuum ah. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.
-
Qarax Xoogan oo khasaare geystay ayaa wuxuu saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, Kantaroolkii hore ee Afgooye ayuu Qaraxa ka dhacay. Dhimashadu waxay maraysaa 34 Qof [...] Source
-
Somali officials say at least 30 people were killed and dozens wounded when a huge car bomb exploded at a busy junction on the southwestern side of Mogadishu. Witnesses say the blast occurred at a security checkpoint at an intersection used by vehicles leaving and entering Mogadishu from Afgoye town. An officer said it was a truck bomb. Early reports indicated the vehicle filled with explosives was targeting a busy taxation office at the junction where vehicles stop to pay their road taxes. The first pictures from the scene show at least 15 dead bodies lying on the ground. There was no immediate claim of responsibility for the blast. However, the al-Qaida-linked terror group al-Shabab has carried out similar attacks in the past. View the full article
-
Cumar Filish. duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay Ex-control Afgooye, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay la damacsanaayeen iney gudaha magaalada ka fuliyaan. Filish ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof oo shacab u badan. halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Goobjoog News, ayaa warar dheeraad ah ka heshay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho. In ka badan 70 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, iyadoo dhaawac badanna uu jiro sida ay sheegeen Booliiska Soomaaliya. Dadka dhintay waxaa ka mid ah arday dhigata Jaamacadda Banaadir oo aanay jirin cid ka badbaadday gaarigii ay saarnaayeen. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo kamid Masuuliyiinta sare sare Ee Xisbiga Waddani Ayaa si kulul U canbaareeyay xadhiga Siyaasi Ramaax cali Hayse oo katirsan xisbiga ucid, Sidoo kale Siyaasi Xamarje ayaa eedo culus Ujeediyay madaxwayne biixi waxaana qoraal uu Xamarji soo saaray uu ku yidhi “Waxaa Wax Aad Looga Xumaado ah ficilada foosha Xun ee lagula kacay (ina Cali hayste )qoys ahaan Waa qoysaska Taariikhda Qadiimka ah Ku leh Somaliland.Ramaax. maaha qofkaa in loo hanjabo iyo hatigaad Toona, Xadhigiisuna waa sharcidaro, Waana wax ugub inagu ah Ficiladaasi, Qoysnimada Ina Biixi iyo Taariikhdiisana waxay ku tahay Dhaawac Waase waqtiga, Waxaan Ramaax leeyahay Qofka sidaa kugu yidhi, Iska hadlow ina igire .Hargaysina Maaha Meel Dadka Lagu Hatigo Mudane Madaxweyne Maanta lagama sugeynin Xadhiga Ramaax ee Hawl ka weyn ayaa lagaa sugayey fulinta heshiiskii. Ciil Qabkaaga Waxaan Moodaayey Madaxweyne nimada Ka Horene, Dee Ilaa Hadana Waad Wadaa,Waxaanse ku leeyahay .SNM Waa wada lixle toosin Tilmaan Kursigaa Leh Hadaanad U Adkaysan karayn Dee Iska Banee Xilka, Xadhiga Siyaasada Ah Adaa MadaxWeyne. Ka Biqi Jiray. Balse Waaba lagu dalacaa! M/weyne .sharcigaa Adiga Ka weyn ( Ramaaxna Intuu Hadlayey. Inta Ku Dhibtay Waan Garan Karaa .Malahayga . Dhanka kale siyaasi xamarje ayaa ka hadlay Qodobadii Ay ergada dhex dhexaadinta kusoo afjareen khilaafka xisbiyada iyo xukuumada. “Odayaashii Ergada ahaa go.aamadoodii Aad loogu mahadnaqay Waxay muujinaysaa Somaliland Waxkastoo Soo food Saara inay Ka gudbayso .meel looga baqan Aanay jirin .Dareenka Shacabka s/land .Qabiil Gobol Iyo belo waa Umad isu Tashata Dhakhsana u ogaaday waxa qaldani inuu is moodsii uun yahay filan waaguna sunaha nolasha. Waa wax ku jira . IinshaAallaha Hogaamiyaheenuna .wuxuu han badan u lahaa Hogaaminta Dalka Somaliland. Laakiin .Waxaan is leeyahay Madaxweynayaashii ka Horeeyey.Malaha Waxbaaba Kaga Duulay. Waayo kuu La Jiray iyo Kuu kasoo Horjeedayba. Mid Aanu Hagardaamo Kula kicin Ma Jirin. Waxaan leeyahay bal iyagana ha looga Soo Duceeyo. “ Source
-
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in Culimada Islaamku ay isku waafaqsan yihiin inay xaaraan tahay isu-ekeysiinta nimanka gaalada iyo in ciidahooda la xaadiro. Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha ee shalay uu kaga hadlay ciidaha Gaalada iyo waxa shareecada Islaamku ka qabto ayaa ku bilaabay, Waxaynu ka hadlaynaa Ciidaha Gaalada, ayaamahan aynu joogno waa maalmahii Gaaladu Ciidahooda u xafladeynayeen, doraad waxaynu soo dhaafnay 25-kii, oo ay yidhaahdaan waa maalintii Nebi Ciise CS dhashay iyo sannadkoodii cusbaa, oo maalmo ka dib ku began. Waxyar waxaynu ka xusaynaa taariikhda ay leeyahiin, shareecadeenu waxay ka qabto ama daliilada diidaya iyo xikmada loo diiday. “Ugu horeyn taariikhda 25-ka Dec ee ay yidhaahdeen Nebi Ciise CS ayaa dhashay maaha xaqiiqo jirta. Sida nimanka taariikhyahanadoodu ay sheegaan, bishii iyo wakhtigii uu Ciise dhashay midna maaha ayey kutubtooda taariikhda ku sheegeen qofkii akhriya. Iska daa inay tahee, waxa la sheegay inuu ahaa sannadkii afar-boqolaad ee taariikhda Miilaadiga inay sheegaan inuu taariikhdan dhashay Nebi Ciise CS. Waxay kaloo sheegeen in ciidan laga soo qaatay nimankii dab-caabudka ee reer Faaris. Arrinta Geedka Kiristaanka faraaryaha leh ee Gaaladu samaystaan, iyana waa arrin ay nimankii dab-caabudka ka soo qaateen.” Ayuu yidhi sheekh Maxamed, isagoo ka sii hadlaya sannadka cusub iyo taariikhdiisa waxuu yidhi, “Marka la eego sannadka cusub, isaguna Miilaadi maaha, isaguna waxay ahayd taariikh ay nimankii Giriiga iyo kuwii Dab-caabudka lahaayeen, ee mid Nebi Ciise CS dhashay ma ahayn. Waxyaalaha la yaabka badan ee ka turjumaya khuraafaadka ay aaminsan yihiin Gaaladu ciidan waxa ka mid ah cabitaanka Khamriga, oo habeenkaa sannadka cusub dhalanaya la badiyo cabitaankiisa, sidoo kale hadii guryaha la nadiifiyo dheeftii wanaagsanayd ayaa raacaysa ayey yidhaahdaan, markaa waa in dhasku iska joogo, iyo waxyaalo kale, markaa waxa muuqanaya in taariikhdu aanay sax ahayn. Sheekh Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey waxa shareecada Islaamku ka qabto ayaa yidhi ugu horeyn Islaamka waxa loo diiday inay gacaltooyo la sameeyaan Gaalada, ama la dabaaldegto oo la faraxdo ciidahooda, waxaanu yidhi “Ilaahay baa Quraanka inoogu sheegay, “Yahuuda iyo Nasaarada gacal haka dhiganina, iyagaa gacal iyo xigto isku ah, qofka idinka mid ah ee gacaltooyo la yeesha iyaguu ka mid yahay. Waxa kaloo shareecadeena la inoogu diiday inaynu Gaalada isku ekeysiino, waxii diin ah, dhaqan ah, akhlaaq ah, farxadaha noocaas oo kale ah, sida Ilaahay Quraanka inoogu sheegay ‘Dariiqooda ha marina kuwa Ilaahay dembiga ka galay qofka muslimka ahow’. Rasuulkuna NNKH waxuu yidhi “Qofka qolo isku ekeysiiya, iyaguu ka mid yahay”. Waxa kaloo Rasuulku CS ku celcelin jiray in la khilaafo qolyaha Gaalada. Waxa kaloo culimadu ku fasireen marka Ilaahay ka hadlayey ‘Ma tagaan Suurka” waa ciidaha Gaalada. Waxa sharciga Islaamku inna faray inaynu gooni ka noqono, oo aynaan ku darsamin. Sidaa daraadeed Nebigu NNKH waxuu magaalada Madiina tegay iyagoo laba ciidood leh, mid Neyruush la yidhaahdo iyo mid Mehrajaan la yidhaahdo, markuu weydiiyey waxay yidhaahdeen waan dabaaldegaa, Rasuulku NNKH waxuu ku yidhi ‘Labadaa iska dhaafa, lab aka kheyr badan ayuu Ilaahay idiinku bedelay Ciidul-FITRI iyo Ciidul-ADXAA, oo wuu ka joojiyey Nebigu NNKH ummadii Islaamka. Sidaa darted innagu ciidaheena ayeynu dabaaldegaynaa, oo wwaxii sharcigu inoo ogol yahay ku xusayna. Waxa kaloo innaga la inoo diiday aqbalaada hadyadahooda, innagoo ku weynaynayna, culimaduna intooda badan waxay u arkaan maalmahaa in hadyadahooda la aqbalo karaahiyo. Tahniyada maalinta sannadka cusub ayaa iyadana la diiday, maadama ay tilmaamayso inaad shaygan ku faraxsan tahay, qofkana ku akidayso, waxa uu ku socdaana sax maaha ee waa baadil, in lagu hambalyeeyo sax maaha. Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Culimada Islaamku isku waafaqsan yihiin inay xaaraan tahay isu-ekeysiinta nimanka gaalada iyo in ciidahooda la xaadiro. Asxaabtiina hormood ayey ka ahaayeen, waxaanu yidhi, “Saxaabigii Cabdilaahi ibnu Camr ayaa yidhi ‘Qofka maalgashada ee dhisa wadamadda Gaalada, ciidahoodana la xusa, iyagana isku ekeysiiya, sidaana u noolaada ilaa geeridiisa, aakhiro iyaga (gaalada) ayaa lala sooxaadiriyaa’. Cumar binu Khadaab RC isaguna waxuu yidhi, ‘Maalinta ay xafladeynayaan Gaalada macbadyadooda iyo Kiniisadahooda ha ugu tegina, waxa ku soo degaysa Cadho Alle’ intaasi waa xukumkii sharciga ahaa iyo daliiladii ku soo arooray iyo mowqifka asxaabtii iyo muslimiintu iska taageen. Sheekh Maxamed oo ka hadlayey xikmada loo diiday ka qeybgalka iyo la wadaaga ciidaha Gaalada ayaa sheegay in hadaad shay u xafladeyso muujinayso inaad jeceshahay, waxaanu yidhi, “Gaal iyo Gaalnimadiisa inaad u xafladeyso oo ku taageerto una dabaaldegto waxay sheegaysaa inaad jeclaatay Gaalnimadiisa, taasina waa xaaraan. Arrinta labaad waa inuu fasaadku ku badan yahay, iyo wax badan oo macaasi Ilaahay ka cadhaysiinaya, sida khamriga iyo caadooyin gaalnimmo kala noocnooc ah, sinno aan laga waayeyn iyo hordhaceeda. Arrinka saddexaad ee loo diiday waa xaflado ka turjumaya diimo baadil ah, diin baadil ahna muslimiintu way ka durkaane, kama ag dhowaadaan. Arrinta afaraad waa abtirsiimada ummada Islaamka oo in iyaga lagu deydo mooyee, aanay cid kale ku deyan Karin, waa tii taariikhda Hijriyada la qorayey Cumar binu Khadaab u diiday in taariikhda Miilaadiga la qaato, xitaa markii Eedaanka la soo rogay dawanka la garaaco iyo carooga Yuhuudu isticmaasho waxuu Rasuulku NNKH uga tegay inaan diimaha Gaalada lagu deyan. Arrinka shanaad, caruurteenii ayaa innagu deyanaya, aabayaasheen iyo hooyooyinkeen way xusi jireen, iyaguna way innagu deyanayaan. Arrinka lixaad ee xikmada loo diiday waa iyaguba Gaaladu intay ciidaha FITRIGA iyo ADXAA inoo yimaadaan inooma camiraan, oo kuma farxaan, xitaa intay awoodi karaan dadka way ku nacaan, oo ku karaahiyeystaan, maxaa iyagana u diiday, adigana ku daba geliyey, adigoo diintaadu xaq tahay. Lixdaa arrimood waa kuwo innagu qancinaya inaynu iskaga hadhno, nacasnimmo weyna waxa noqonaya in da’yartu iyo reer magaalku u arkaan waxii Gaalo ka yimaada ilbaxnimmo u arkaan ciidahii Kiniisadaha iyo Gaalada, waa nasiibdarro, sidaa darted waxaynu dhiirigelinaynaa, mujtamaceenana u sheegaynaa da’ yarta iyo dibeda jaaliyadaha ku nool iyo dadka mulkiilayaasha hudheelada, mowqifkii sharcigu waa kaase, ninkii diintiisa ku dhaqmaya, wa ainuu ilaaliyo, oo tixgeliyo, isagoo Ilaahay ugu dhowaanaya, munkarkana iska daayo, Ilaahay ha inna waafajiyo dhamaanteen, aamiin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) oo tegay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa ka warbixiyey qaraxii xooganaa ee saaka dhacay halkaasi. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in khasaara badan uu geystay qaraxa, islamarkaana ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 90 qof oo u badan dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha uu ka dhacay qaraxaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah. Cumar Filish ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka mid ahaayeen Injineero Ajnabi ah iyo arday ka tirsan jaamacadda Banaadir, kuwaas oo la socday gaari Bus ah oo uu qaraxu haleelay. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in ismiidaamiyaha uu damacsanaa inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, si uu u beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhiim ah, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka oo uu u mahadceliyey guddoomiyuhu. “Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo Ciidamadii amniga ee shafka u dhigay, dhagarbayaashu hagar daamada ay soo abaabuleen in ay u gudubto magaalada, waxaa ay doonayeen in uu u gudbo magaalada si goobo muhiim ah iyo mas’uuliyii muhiim ah loogu baabi’iyo.” ayuu yiru guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish. Dhinaca kale isbitaallada Muqdisho, gaar ahaan midka Madiina ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada ugu badan, waxaana isbitaalkaasi buux dhaafiyey shacab badan. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Maraykanka ayaa la filayaa inay wefti sare u soo dirto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo Madaxweyne Biixi ku dhiirigelin doona in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka. Source
-
Ugu badan 30 qof oo ay ku jiraan ku dhowwaad 15 ardey oo ka tirsan Jaamacadda Banaadir ayaa la sheegayaa iney ku geeriyoodeen qaraxa saaka ka dhacay Ex-control, Afgooye ee galbeedka Muqdisho. Dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu ku dhowyahay 100 qof, kuwaas oo hadda lagu dhabiibato isbitaallada magaalada Muqdisho. Cumar Filish oo ah Duqa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo goobta qaraxa ka hadlaya ayaa sheegay inuu qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac badan’ “Gaari Xamuul ah, waxaa uu isku qarxiyey isgoyska Ex-control, waxaa uuna sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, dhimashada tiro rasmi ah hadda ma heyno, dhaawaca waa 90-meeyo, waxay u badneyd ardey u socotay dugsiyo iyo jaamacadaha, tirada ugu badan waxaa ay ahaayeen Jaamacadda Banaadir”. Filish oo sii hadlaya ayaa yiri“ Ciidamada amniga ayaa ka badbaadiyey in qaraxa uu magaalada u gudbiyo si mas’uuliyiin loogu baabi’yio, waana mas’uuliyad in dhibaatada ay xabadka u dhigtaan”. Qaraxa oo ay soo abaabuleen Al-shabaab waxaa uu ka dhacay bar canshuuraha lagu qaado oo ku taalla Ex-control, ee jidka Afgooye, waxaana sidoo kale halkaasi ku burburay goobo ganacsi iyo gawaari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxaysa Khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Isgooyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay 28 qof oo u badan dad shacab ah, gaar ahaanna arday jaamacadeed ayaa ku dhintay, 62 kalena waa ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo goobaha Caafimaadka Muqdisho. Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahha duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo gaaray goobta qaraxaasi ka dhacay, ayaa warbaahinta u sheegay, in ilaa 90-meeye ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse aysan si rasmiya u hayn khasaaraha dhimashada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay, in qaraxa ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari xamuul ah, uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha (Bas) ay saarnaayeen ardayda wax ka barta Jaamacadda Banaadir University. Sidoo kale, shaqaale Turkish ah oo dhisayay wadada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay weheliyeen ciidan ilaalo u ahaa ayaa dhammaantood ku wada-dhintay qaraxa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka degdega ah. PUNTLAND POST The post Arday Jaamacadeed oo ku baaba’ay qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Dastuurka iyo Xeerarka dalku u yaala, oo aanay ciddina ku xad gudubin. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu u muuqato in aanay ku qanacsanayn go’aamada laga soo saaray khilaafkii Doorashada muddada dheer ka taagnaa, ee Xisbiyada Mucaaradku soo dhaweeyeen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xeerarka aynu dhiganay iyo Dastuurka in aan lagu takrifalin,oo aan lagu xad gudubin weeye, waa in si salmiya oo aan dhib iyo buuq ku jirin u soo bandhignaa khalad kasta oo lagu kacayo, iyo ku takrifalka Dastuurka, Dawladda ahaato ama cid kasta ah ahaate, ciddina sharci uma laha in Dastuurka dalka lagu xad gudubo oo awood la adeegsado, Shacabkuna waxay xaq u leeyihiin in wax kasta oo khaldan oo xad gudub ah ay dareenkooda ka muujiyaan, iyagoo u sii maraya Xisbiyada iyo walibana firkooda soo bandhigaya, Xisbiyaduna waa Mikirifoonka Shacabka, sidaas darteed Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacaba waxaa ku waajib ah inay ilaaliyaan Dastuurka oo aanay ciddina awood gaar ah adeegsan”. Mar uu ka hadlaayey khilaafka Doorashada ee laga heshiiyey ayaa yidhi “Labada Xisbi Mucaarad go’aanka laga gaadhay Komishanka cusub wey soo dhaweeyeen, laakiin Xukuumaddu waxay u muuqata inay ka cago jiidayso go’aankaas, wax kasta oo lagu heshiiyeena waxaa wanaagsan in daacad laga noqdo oo la fuliyo waxa lagu heshiiyey” Mar uu ka hadlaayey heshiiska labada Beelood ee Ceel-afweyn ayaa yidhi “Labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn, iyaga ayaa iskooda u heshiiyey, Dawladduna markhaati ayey ka ahayd, ee ALLE heshiiskooda ha ugu awooda, oo labada Beeloodba ha ixtiraaman heshiiskaas oo ha ka dheeradan aano iyo cadawaad dambe oo dhexdooda ka dhacda” Source
-
Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii saakay ka dhacay Ex-control Afgooye ay ku dhinteen in ka badan 26 qof, kuna dhaawacmeen 60 ruux. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Ismaaqiil Muqtaar Cumar (Orange) oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 26 qof halka ay ku dhaawacmeen 60 qof, waa sida ay baahisay warbaahinta qaranka. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in tirada dadka ku dhintay ay intaas ka sii badan karto, waxaana gawaarida gurmadka degdega ah ay ku howlanyihiin sidii dadka loo geyn lahaa xarumaha caafimaadka ee Muqdisho Gaari BL ah oo ay saarnaayeen Arday dhigata Jaamacadda Banaadir ayaa khasaaraha ugu badan uu soo gaaray, waxaana ku dhintay inta badan dadkii gaariga saarnaa. Xiliga ay wax dhacayeen oo aroor ah ahayd ayaa waxaa dadka ay intooda badan aadayeen goobahooda shaqo iyo waxbarasho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax khasaaro badan sababay ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Galbeedka Magaalada Muqdisho. Nin la socday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa bartilmaameedsaday goob ay Ciidamada Booliska ku canshuuraan gaadiidka. Qaraxan oo ruxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku dhinteen dad ka badan toban qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay. Gaadiidka gurmadka deg-degga ayaa waxay goobtaasi ka daabulayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi, iyadoo dhibane-yaasha loola cararaayo goobaha caafimaadka. Sidoo kale ciidan fara-badan oo kuwa dowladda ah ayaa gaadhay halkaasi. Qaraxan ayaa dareen baqdin leh ku abuuray bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, oo billihii ugu dambeeyay ka nastay weerarada ismiidaaminta ah, ee ay soo maleygaan Shabaabka. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee M/ Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 15 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Dadka dhintay ayaa isugu jira Askar, Injineero Turki ah, arday la socotay gaari Bus-ah iyo dad kale oo shacab ah oo xilligaas ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale waxaa goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho la dhigay dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ku sugan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano ka wada halkaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo saakay ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana la sheegay inuu waday qof is miidaamiye ah, ayaa ku qarxay goob ay dadweyne iyo askar dowladda ah ku sugnaayeen, waana Isgoyska Ex-control Afgooye. In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Isbitaallada magaalada Muqdisho ku yaalla ayaa lasoo gaarsiiyey meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay qaraxan, waxaana weli socda dedaalka dadka dhaawacmay loogu gurmanayo. Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa isugu jira Arday Bas saarnaa, ciidan ku sugnaa halka lagu qaado canshuurta, injineero la sheegay iney Ajnabi yihiin balse dalalkooda iyo waxa ay qabanayeen aan la shaacin iyo shacab kale oo halkaasi ka dhowaa. Sidoo kale, waxaa jira waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo xaafahadooda ku sugnaa, iyadoo lasoo sheegayo in ay jiraan guryo badan oo ku dumay dadkii deganaa. Dhanka kale, khasaare maaliyadeed ayaa lasoo warinayaa in halkaasi ay ka dhalatay, waxaana gubtay gaadiid iyo Kaalin shidaal oo halkaasi ku taallay. Laamaha ammaanka magaalada Muqdisho weli wax faah faahin ah kama aanay bixin qaraxan, balse waxaa socda baaritaanno ay hay’adahan wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, siday Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa. Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay. Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed. Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaasi.
-
Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Qaraxa ayaa sida la xaqiijiyay waxa fuliyay qof ismiidaamiye ah oo watay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, kaasi oo la beegsaday goob ay canshuuraha ku qaadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Ex Kantarool Afgooye. Goobta ayaa la sheegayaa in ay aad mashquul u ahayd xilliga qaraxu ka dhacay, taasi oo keentay in khasaare u badan dad rayid ah uu ka dhasho qarax halkaasi, inkastoo aan weli si rasmiya loo hayn khasaaraha dhabta ah. Wararku waxay sheegayaan, in dadka dhintay ay ku jiraan shaqaale Turkiya oo dhisayay adada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidan ilaalo u ahaa shaqaalahaasi. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankaan oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ee golaha ayaa xildhibaanadu waxa ay akhrintii ugu dambeysa ee saddexaad ku marin doonaan hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka. Hindise sharciyeedkaan ayaa waxaa horay xildhibaanada BFS u soo mariyeen akhrinta koowaad iyo labaad. Sharcigaan ayaa haddii la ansixiyo sidoo kale wuxuu muhiim u yahay doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku dilay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobobolka Banaadir. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee maagaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkaasi, waxaana ay tilmaamtay in xoogagii fuliyey ay si aayar ah uga baxsadeen goobta. Sidoo kale warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab lagu sheegay in sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Muxamed Isxaaq, islamarkaana uu ka howlgalayey xerada Iskuul Boliisiya, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca sarakiisha ciidamada ammanaka, gaar ahaan kuwa Booliska oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo u geysata dilal qorsheysan. Dhowaan ayey aheyd markii labo askari ay ku dishay xaafadda Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
-
Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in ay hakiyeen isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, kadib markii ay go’day buundada Ciise Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Kalabayr iyo Yalho ee gobolka Bari. Taliyaha ayaa sheegay, in Buundada go’day ay ku taallo buur dhexdeed biya-mareen ah oo aan lahayn dhinac looga leexdo, sidaasi darteedn ay hakiyeen dhammaan isu’socodka gaadiidka isticmaala laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, si looga hortago shilal halkaasi ka dhaca. Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay in buundadaasi go’an xalay la geeyay qalabkii iyo shaqaalihii dhismaha, islamarkaana saaka lixdii aroornimo ay ka bilaabatay hawsha dhismaha, oo sida injineeradu ku qiyaaseen socon doonta in ka badan 7-ba saacadood. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u raadinayan, meel kale oo ay mariyaan gaadiidka sida dadka xanuunsan, ee aan sugi Karin mudada hakadka la geliyay laamiga dheer. Hoos ka daawo wareysiga Taliyaha PUNTLAND POST The post Isu’socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso iyo Gaalkacyo oo maanta go’an appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in sanadkaan sii dhamaanaya laga gaaray horumaro ballaaran. Maxamed Cabdullaahi Maxamwd (Tuulax) ayaa sheegay in degma kasta looga baahan yahay inay sare u qaado horumarinta amniga iyo bilic soo celinta Caasimada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ttt.mp3 View the full article
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar loo adeegsaday qarax miino oo saacadii la soo dhaafay lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax xoogan ay deegaanka Kutulo oo hoos yimaada Wajeer kula eegatay gaari ay la socdeen ciidamadaasi. Qoraalkaan ayey Al-Shabaab ku sheegtay in dhammaan askartii saarneyd gaarigaasi ay ku gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay in qaraxaan ay ku dhinteen labo askari, kuna dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ah Booliska dalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
