-
Content Count
214,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa war ka soo saartay dilkii ay saaka Ciidamadeedu ku fuliyeen Lix Nin oo maxaabiis ahaa. Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay sababaha ka dambeeyay dilka Lixdaasi maxbuus iyo magacyadooda. Qoraalka xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay dilalkii ay hore u geysteen Lixdaasi Nin ee shalay lagu toogtay xabsiga Mandheera. Hoos ka akhriso qoraalka Xeer ilaalintu soo saartay: “Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan. 1: Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan. 2: Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Ismaaciil Faarax Maxamad. 3: Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad . 4: Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse. 5: Ceydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuum Idiris Daa’uud Jaamac. 6: Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Garaad Aadan Maxamad”.
-
By: Max Bearak Washington Post NAIROBI — Just as soon as the U.S. military closed out a year in which it struck al-Shabab militants more times than ever — at a pace of just over one airstrike per week — the Somali militant group carried out its most brazen and successful attack on U.S. forces in its history, killing one soldier and two private contractors, and destroying six aircraft at an airstrip in Kenya. It was symbolic of the greater U.S. effort against al-Shabab: Since the Trump administration loosened rules of engagement in Somalia in March 2017, leading to a more aggressive use of airstrikes, the group has staged nearly 900 attacks on civilians alone, not counting hundreds more against U.S., Somali, Kenyan and other armed forces. “The rate of al-Shabab’s attacks, at least against civilians, is higher now than before,” said Hussein Sheikh-Ali, a former national security adviser to the Somali president who took part in discussions with Pentagon officials as they weighed changing their rules of engagement in 2017. Nearly 2,000 Somali civilians have probably been killed by al-Shabab since that change, according to data from the Armed Conflict Location & Event Data Project, or ACLED, a nonprofit research group that aggregates reports of violence. Al-Shabab continues to control almost the entirety of rural southern and central Somalia, while staging such regular attacks on the capital, Mogadishu, where residents know any trip into the city center could be their last. Al-Shabab is not at its strongest point. In 2011, before a 20,000-strong African Union force intervened, and before the United States ramped up its airstrikes, al-Shabab controlled every city in southern Somalia and appeared on the verge of taking Mogadishu. The group’s goal is still the same, however: to chase away, or at least outlast, foreign troops in Somalia, clearing the way for a broader takeover in which it could impose a strict version of Islamic law. In the past few years, the group has repeatedly demonstrated its ability to make powerful explosives and destabilize Somalia’s fledgling government. Since its inception in 2006, the group has carried out more than 10,000 attacks in Somalia and nearly 300 in Kenya. More than 20 have been killed by al-Shabab in Kenya in just the past six weeks. “Al-Shabab has had to adapt. But adapt it did,” said Ken Menkhaus, a Somalia scholar who has given expert testimony to successive U.S. Congresses. “It has fully penetrated local governments and institutions, has a robust network of informants and operatives, extorts ‘taxes’ from all Somali citizens and instills fear of assassination in anyone who considers opposing them.” According to ACLED data, al-Shabab’s tactics have shifted slightly but significantly since March 2017, when the rules of engagement were loosened. In the years before, around 70 percent of al-Shabab attacks could be classified as “battles” with government-aligned armed forces. In the years since, that number has dropped to about half, with a marked uptick in the use of bombs, which more typically target civilians. To some observers, the shift indicates a resilience that more and more airstrikes won’t be able to counter. Instead, they say, it has opened up the U.S. military to scorn from the Somali public, who are feeling the brunt of al-Shabab’s attacks. “By making it a ‘kill as much as you can’ strategy, it has become hard to avoid collateral damage and civilian casualties whether by the airstrikes themselves or because they provoke al-Shabab,” said Sheikh-Ali. “I believe that this strategy will not in any way affect al-Shabab’s short- or long-term capabilities. The U.S. is just playing whack-a-mole. Somali people don’t take this strategy seriously anymore.” As part of the thousands of troops that the United States has stationed across East Africa, 500 are on the ground on a small number of bases within Somalia. Beyond planning airstrikes, their mission, according to U.S. Africa Command, is mostly to train the Somali national army, to assist with intelligence gathering and to occasionally accompany Somali troops in ground raids. About 300 U.S. soldiers and military contractors are stationed in Kenya, bolstering the missions in Somalia. The al-Shabab attack Jan. 5 on an airstrip used by those U.S. forces was a major setback because of American casualties and the loss of high-value equipment. Col. Christopher Karns, a U.S. Africa Command spokesman, also acknowledged in an email to The Washington Post, that some of the attackers escaped. The White House has not commented publicly on the deaths of the three Americans in that attack, nor has the president done so independently. The U.S. military has been unusually outspoken in its public response, which included sending its top brass in East Africa to the base adjoining the airstrip that was attacked. “Al-Shabaab is ruthless and must be dealt with before the network expands its reach to other places, to include their stated desire to strike U.S. citizens on the U.S. homeland,” said Gen. Stephen J. Townsend, the commander of U.S. forces in Africa, in a statement last week. “This al-Qaida-aligned terrorist network has demonstrated an ability to conduct external attacks previously and will continue to do so unless they are countered where they reside.” During the Obama administration, airstrikes were reserved for high-value targets and they killed al-Shabab’s leader and co-founder, Ahmed Abdi Godane, as well as its top explosives expert. Other airstrikes targeted meetings where more than 100 suspected al-Shabab fighters might have been present. “Airstrikes are only one means and not the ultimate solution,” said Karns. “They do create organizational confusion in the ranks of al-Shabab and offer additional effects. Diplomacy, development and defense all need to come together to truly counter the influence and dismantle al-Shabab.” The African Union’s force in Somalia had intended to draw down over the course of this year, but many experts expect that mission to be extended given how strong al-Shabab continues to be. Somalia is planning national elections this year, which are expected to be targeted relentlessly by al-Shabab. Sheikh-Ali and Menkhaus said that although the Pentagon’s airstrike-heavy strategy doesn’t seem to be tipping the scale, foreign intervention can only achieve so much in Somalia, and the only way the country will overcome the threat from al-Shabab is with a government stronger than the weak and notoriously corrupt one it has now. “At this point, it is worth asking if the U.S. counterterrorism mission in Somalia is in need of a fundamental review,” said Menkhaus. “The current policy is based on a set of assumptions about al-Shabab and the Somali government that do not appear tenable.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa lagu dilay nin la socday mooto bajaaj, kaasoo sida la sheegay hubeysnaa. Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ninkan ku toogtay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis, wax yar uun ka dib, markii uu askarigaasi arkay in mootada uu saaran yahay nin qori ku hubeysan. Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa bar kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala Degmada Shibis. Goobjooge ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku hubeysnaa qori AK47, isla-markaana aanu wadan wax dareys ah. Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona ambulance goobtaasi looga qaaday meydka ninkii la dilay. Ma cadda in ninka la dilay uu askari ahaa, inuu Shabaab ahaa, iyo inuu ka tirsanaa qowleysata xilliyada habeenkii dadka teleefanada gacanta uga qaata Magaalada Muqdisho, waxaana aqoonsiga ninkaas ka taagan jahwareer. Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Caasimadda Muqdisho ku soo badanayay kooxaha hubka fud fudud ku hubeysan, ee xilliyada habeenkii furashada u gaysta shacabka ku dhaqan magaalada.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-____-Qumnaha-Wararka-15012020.mp3 View the full article
-
Magaalada Wardheer waxaa dhacay shir looga arrinsanayey adkaynta iskaashiga nabbada iyo xuduudaha dowladda Itoobiya, gaar ahaam dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Shirka ayaa looga wada hadlay sidii layskaga kaashan lahaa amniga iyo nabbadgalyada labada dhinac, horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha, waxaa sidoo kale looga hadlay ka hortaga iyo maaraynta qulqulka muhaajiriinta labada dhinac, gaar ahaan Itoobiyaanka u tahriibaya gudaha Puntland. Puntland shirkaas waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Maxamed C/raxman Dhabancad, ayna ka mid ahaayeen Cabdulaahi Cabdi Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta dhaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi, Mukhtaar Jayte oo ah Agaasimaha nabad sugida, Khalif Ciise Mudan oo ah Lataliye madaxweynaha Puntland, Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore iyo Gudoomooiyaha gobolka Cayn Mudane Guuleed. Dhanka Itoobiya waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Militariga Federaalka ee qaybta Hararge ee Bari General Sawdu Balay, ayna kamid ahaayeen ku xigeenka hogaanka DDS, Taliyaha ciidanka gaarkaa ee DSS, Taliye ku xigeenka Booliska DDS, Qunsul dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland General Mabratu, Gudoomiyaha gobolka Doollo iyo saraakiil maamul iyo hay’adaha Amniga ee heer Federaal iyo mid deegaanba ah. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Itoobiya oo shir ku yeeshay Wardheer appeared first on Puntland Post.
-
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia proposes to hold its national vote on Aug. 16, the electoral board said on Wednesday, the first poll under Prime Minister Abiy Ahmed who has eased political restrictions and taken steps to open the economy since taking office in 2018. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka labaad ee Galmudug ayaa sheegay in xubno ka mid ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay diideen in ay bixiyaan karaka Aqoonsiga, islamarkaana lagu xujeeyey inay u codeeyaan mid ka mid ah musharaxiinta guddoonka baarlamanka si karaka loo siiyo. Xildhibaanada ayaa sheegay in hadda aysan heysan wax aqoonsi oo caddeynaya in ay yihiin xildhibaano, si ay u codeeyaan. Xeeladdan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay tahay mid la doonayo in lagu xaqiijiyo inaysan codeyn xildhibaanada aan taageeresaneyn musharaxa dowladda ee Dr. Maxamed Gacal. Walaac badan ayaa laga muujiyay sida lagu kala aqoonsan doono xildhibaanada iyo dadka caadiga ah xilliga doorashadda guddoonka baarlamaanka, waxaana suurta-gal ah inay codeeyaan dad aan xildhibaano ahayn. Dhinaca kale, wasiiru dowlahii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Wehliye Faarax, oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ay handaad ku hayaan xildhibaanada Galmudug ee dhawaan lasoo dhisay. Waxaa uu sheegay in lagu amray in aysan la kulmi karin musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug, islamarkaana liiska laga saari doono shaqsigii salaama musharaxiinta aan ka aheyn midka dowladda. Cabdullaahi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dhibaato badan ku heyso degaanada Galmudug, islamarkaana haddii aan wax laga qaban dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan. Dowladda Soomaaliya ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale ku bixineysa sidii Galmudug madax looga dhigi lahaa shaqsiyaad ay wadato oo aan ku iman rabitaanka dadka deegaanka.
-
Muqdisho (SMN) – Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 31-aad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020 uu Golaha Shacabka ku yeeshay xarunta Golaha, kaasoo Ajendahiisu ahaa u codeynta Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka iyo u Codeynta Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka. kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa soo jeediyey Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Aadan Cali Xasan. Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan. Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka Waxaa u codeysay 141 Xildhibaan. Labada Sharci sidaas ayaa Golaha Shacab ku ansixiyeen. Shacigani wuxu abuurayaa hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya oo ilaalin doonta tayada alaabooyinka la dhoofinayo iyo kuwa loo soo dhoofinayo dalka. Waxa kale oo uu fududeynayaa in Ganacsigeena si fudud loogga aqbalo suuqyada Gobalka, kuwa Carabta iyo Caalamka ba. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaaho Cali Xassan ayaa uga mahad celiyay xildhibaanadda Golaha Shacabka u codeynta sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhawrka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda loogu dhisaayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego, mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo school ay carruurta si bilaash ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto. Mashaariicdan la dhagax dhigay waxaa ka warbixiyay guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed. Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow waxa uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib udhiska Caasimadda. View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo ka kooban askari iyo laba qanadaraasle, halka laba kalena lagu dhaawacay. Afhayeenka taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM, Col. Christopher Karns ayaa email uu u diray wargeyska Washington Post ku qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday. Qirashadan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Kenya ay horey u sheegtay in la wada dilay raggii weerarkaas fuliyey. AFRICOM ayaa sidoo kale saraakiil sare u dirtay saldhigga Manda Bay, si ay baaritaan ugu sameeyaan weerarkaas, iyo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan saldhigga. “Al-Shabaab waa koox aan arxan lahayn, waana in wax laga qabtaa ka hor inta aysan gaarin goobo kale, oo ay ka mid tahay damacooda ah inay weeraraan muwaadiniinta Mareykanka iyo gudaha dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-15012020.mp3 View the full article
-
(SLT-Addis ababa)-Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa daboolka ka qaadday in ay dhisayso madaarka diyaaradaha ee ugu weyn Afrika. Waxa uu ka weynaan doona madaarka Dubai waxaanu leegaan ama ka weynaan doona madaarka cusub ee Istanbuul(Turkey). Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mr Tewolde Gebremariam ayaa sheegay in madaarkan laga dhisi doono duleedka magaalada Bishoftu oo dhanka Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa. Waxa uu dhulka loo qorsheeyay cabirkiisu yahay 34KM oo isku wareeg ah waxaana ku baxaysa lacag dhan 5 Bilyan oo doollar, islamarkaana uu u adeegi doono rakaab dhan 100 milyan sanadkii. Madaarkan oo ka mid ah qorshaha shirkadda ee 2035 ayaa lagu tilmaamay madaar caasimad ah oo leh adeegyada bulshadu u baahan tahay sida meelaha laga dukaamaysto, hotellada, xarumo tababar iyo meelaha alaabooyinka Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum iyo Isbitaalka AYAAN oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhiim u ah Bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso, halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta Xabsiga, oo uga warbixiyey xaaladda Xabsiga iyo maxaabiista ku jirta. Waxaa Madaxweyne Deni kormeerka ku weheliyay, xubno ka mid ah goleyaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray xarumo ganacsi oo cusub appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta isbahaysi uga dhowaaqay magaalada Dhuusomareeb kadib kulan ay yeesheen. Isbahaysigan ayaa waxaa ku midoobay C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo horey u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. C/llaahi Faarax Wehliye kama tirsana xisbiyada mucaaradka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada kooxda Ahlu-Sunna, oo 20 xildhibaan ku leh baarlamanka Galmudug. Isbaheysiga saddexdan musharax ayaa ujeedkiisu yahay inay u midoobaan musharaxa ay dowladdu wadato ee Qoor Qoor, una xaqiijiyaan in midkood uu guuleysto. Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale xooggan iyo awood iyo ciidan isugu gaynaysa sidii ay madaxweyne uga dhigi lahayd Qoor Qoor. Saddexdan musharax ayaa isbahaysiga sameystay kadib markii ay arkeen ficillada dowladda, howsha ka socota Dhuusamareeb iyo in dowladdu ay dhex dhexaad ka aheyn hanaanka doorasho. Isbahaysigooda ayaa halis ku ah rajada Qoor Qoor, waxaana la rumeysan yahay inay haddii ay isku geeyeen awooddooda ay haystaan taageero ku filan in midkood uu noqdo madaxweyne, kana adkaadaan madaxweyne la wato ee Qoor Qoor.
-
Buulo Burte (Caasimada Online) – Odoyaasha Dhaqanka degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle, iyaga oo ku eedeeyay in ay hurinayaan colaado sokeeye oo ka qarxa magaaladaas. Odoyaasha oo shir ku qabtay maanta degmada ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka ay ku khasbayaan dadka deegaanka in la dhiso Gole Deegaan oo aan laga sameynin meel kale oo ka mid ah Hirshabelle. Sidoo kale, odoyaasha ayaa sheegay inay aad ula yaabeen in dhismaha gole deegaan laga billaabo Buulo Burte, iyada oo degmada ay ku jirto go’doon, halka aan loo sameynin gole deegaan magaalooyinkii nabadda ahaa sida Jowhar, Balcad, Beledweyne iyo Jalalaqsi, taasina ay tahay wax aan la fahmi karin. Odoyaasha ayaa sheegay in cabashadooda ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, balse ay dhagaha ka fureysteen, iyadoo madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada iyadoo ay taagan tahay xiisaddii uu abuuray wasiirkiisa arrimaha gudaha. Odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda Hirshabelle in ay waqti galiyaan sidii gole deegaan looga sameyn lahaa magaalooyinka nabadda ah ee xorta ah, halkii ay khasbi lahaayeen dadweynah Buulo Burte oo ka sugayay madaxda Hirshabelle inay go’doonka ka qaadaan. Waxay sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda CRD inay qeyb ka noqon colaaddaas laga hurinayo magaalada Buulo Burte. Ugu dambeyntii odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dawladda Federaalka, sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha inay soo fara-galiyaan arrintan si loo xaliyo. Waxay sidoo kale odoyaasha ugu baaqeen Dowlad goboleedka Hirshabeelle in lagala shaqeeyo waxyaabaha muhiimadda degdegta ah u leh degmada oo ay ka mid tahay furitaanka wadooyinka xiran oo saameeyey nolosha deegaanka iyo dadka.
