-
Content Count
214,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Murashaxiinta gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa qorshuhu yahay in ay maanta la hadlaan Xildhibaanada cusub. Murashaxiinta oo tiradoodu ay gaareyso todoba ayaa shalay guddiga doorashooyinka u gudbiyey araajadooda iyo taariikh nololeedkooda. Saddex kamid ah murashaxiinta ayaa u tartameysa xilka afhayeenka, laba kale ayaa u taagan ku xigeenka koowaad, labada kalena waa ku xigeenka 2aad. Maxamed Xuseen Tahliil, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Galmudug, ayaa kalsooni ka muujiyeen in hadal-jeedinta si fiican u dhacdo. lLoolanka doorashooyinka Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo lagu kasbanayo xeer-dejinta. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sheegtay in ayna si ulakac ah u beegsan shacabka, hase yeeshee warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay gacanteeda ku maqan yihiin muslimiin badan. In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku dhintay weerarada kooxda Al-Shabaab tan iyo sanaddii 2010, sida ku cad xog ay ururisay hay’ad ka shaqeysa keydinta khasaraaha ka dhasha xasaradaha dagaalka oo magaceeda loo soo gaabiyo ACLED (Armed Conflict, Location and Event Data Project). Dadkan Shabaab ay dishay ayaa badankood, oo ah 3,000 oo ka mid ah, dhintay wixii ka dambeey sanaddii 2015. Hase yeeshee khasaaraha ayaa ugu badnaa ku dhowaad saddexda sano ee madaxweyne Farmaajo uu xukunka hayey, ayada oo tan iyo bishii March ee 2017, bil kadib markii la doortay Farmaajo, ay dhinteen 2000 oo qof oo shacab ah. Dhimashada dadkan ayaa isuga jirta kuwa ka dhashay toogashooyin, afduub, weeraro ismiidaamin ah, iyo dhacdooyin kale oo la go’aamiyey inay yihiin “kuwa si toos ah loogu beegsaday shacabka. Tiradan ayaa waxaan ku jirin dadka ku dhinta dagaallada hubeysan ee u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab, iyo weerarada sida tooska ah loogu beegsado ciidamada amniga. ACLED waxay sheegtay in qiyaastan ay tahay tan ugu hooseysa ee ay sameeyeen. Tirada rasmiga ah ayaa intan ka badan karta, sida ku cad xogta dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Isbitalka ugu weyn Muqdisho ee Medina, ayaa diiwaan geliyey dhaawacyada 54,000 oo qof tan iyo 2007. 75% dadkaas ayaa ah shacab. Agaasimaha isbitalka, Dr. Maxamed Yuusuf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in 20 ilaa 25 ka mid ah 100-kii qof ee isbitalka la keeno ay yihiin dhimasho. Haddii qiyaasta lagu saleeyo xisaabtan, tirada dhimashada ee tan iyo 2007, ayaa noqoneysa 10,000 oo qof oo badankood ay yihiin shacab. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamadda booliska Soomaaliya ayaa agagaarka isgoyska Iskuulka Muqdisho ee degmada Shibis ku dilay nin hubeysan. Shaqsiga la toogtay ayaa la sheegay in uu watay dareeska ciidamadda iyo qori nooca loo yaqaano AK 47, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal. Ninka la dilay oo la socday Mooto Bajaaj waxay murmeen ciidamo ku sugnaa bar kontarool kahor inta aan lagu furin rasaasta, sida la sheegay. Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in marxuumka uu ka tirsanaa ciidamadda dowladda, wallow aanan la aqoonsan qeybta uu kamid yahay. Illaa iyo haatan, laamaha ammaanka wax war ah kama aysan soo saarin dilkaan oo habeenimadii xalay ka dhacay halkaas. Dowladda ayaa isgoyska Muqdisho waxay dib ugu soo celisay ciidamadda booliska kadib markii ay soo rogaal celiyeen weerarada Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-16012020.mp3 View the full article
-
(SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iiraan xasan Ruuxaani ayaa wadamada reer Galbeedka ugu baaqay in ciidankooda ay kala baxaan bariga dhexe haddii kale ay wajihi karaan khatar Xooggan. Maanta waxaa khatar wajahaya Millatariga Mareykanka bari waxaa khatarta waajihi doona kuwa Yurub, haddii ayna ka bixin gobolka ayuu yidhi Arbacadii shalay kadib Khudbad uu ka jeediyay Ruuxaani tv-ga qaranka Iiraan. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya maalin uun kadib markii wadamada UK Faransiiska iyo Jarmalka ay ku eedeeyeen xukuumada Tehran in ay jabisay heshiiskii hubka Nuclear-ka oo wadamada quwadaha la galeen Iiraan sannadkii 2015-ka. Dalalka reer Yurub ayaa sheegay in ay ka laabanayaan si xukuumada Tehraan ay ugu qasbaan ilaa Iiraan ay ka xaqiijineyso heshiiska (JCPOA). Xiisada ka taagan bariga dhexe ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay cirka ku aloosneyd kadib dilkii Mareykanka uu ugu geestay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad taliyihii ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymaani. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood ayaa shalay isdiiwaangeliyey, iyaga oo sidoo kale gudbiyey taariikh nololeedkooda. Seddex musharax oo kamid ah todobada musharax ee is daanwaan geliyey ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxayna kala yihiin: 1.Maxamed Nuur Gacal. 2.Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan Cabdullaahi Axmed Calasow. Sidoo kale musharixiinta guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xilkaasi u taagan ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 4 afar musharax. Maalinta Berrito ah oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomnaaliya. Tartanka xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo cidda ku guuleysato ayaa laga ogaan doonaa cidda leh awoodda ugu badan Baarlamaanka Galmudug oo ay ku tartamayaan Xisbiyada Mucaarad,Dowladda Soomaaliya iyo Musharixiin madax banaan oo uu ugu horreeyo Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
-
(SLT-Moscow)-Xukuumadii Ruushka ayaa is casishay saacado kadib markii Madaxweyne Vladimir Putin uu soo bandhigay qorshe dastuurka wax loogaga bedelayo taasoo waqti dheer uu xukunka sii hayn karo. Putin ayaa xilka ka degi doona sanadka 2024 xilligaa oo soo gabagaboobayo markii afaraad ee uu xilka dalkiisa loo dhaariyo. Hase ahaatee waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in uu doonayo in si kale uga dhex muuqdo maamulka dalkiisa. Khudbad uu u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Ruushka ayuu Putin ku sheegay in la qaban doono afti ku saabsan in awooda madaxweynaha loo wareejiyo Baarlamaanka. Isbedelka ayaa siinaya aqalka hoose ee Duma mas’uuliyad sare sida magacaabista ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada. Sharciga ka jira dalka Ruushka ayaa waxaa magacaaba ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada Madaxweynaha waxaana ansixiya aqalka hoose ee Duma. Markii uu ku dhowaaqay in xukuumadiisu ay is casihay Medvedev ayaa waxaa uu Putin magacaabay Mikhail Mishustin inuu bedelo oo uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Ruushka. Mr Putin ayaa Madaxweyne ku meel gaar ah noqday sanadkii 1999kii kadib markii uu is casilay Mr Yeltsin tan iyo xilligaana waxaa uu hogaaminayay dalkiisa. Source
-
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in xukuumadda Puntland ay Isniintii todobaadkan xabsiga weyn ee Boosaaso ka sii daysay, siyaasiga Muuse Cali jaamac iyo mid kamid ah odayaashii la xirnaa. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, ayaa warbaahinta Puntland post u xaqiijiyay, in Isniintii todobaadkan xabsiga laga sii daayay Dr Muuse Cali Jaamac iyo Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in labada oday dammaanad lagu siidaayay, si loo baxnaaniyo xaaladooda caafimaad, kadib markii ay ku dhex xanuunsadeen xabsiga weyn ee Boosaaso. 5-tii bishaan January 2020, maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500 oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed. Sidoo kale, maxkamadda ayaa laba sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Saddexda xukmane ee kala ah; Nabadoon Cawad Aadan Maxamed Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble ayaa weli ku xiran xabsiga weyn ee Boosaaso. 5-ta xukmane oo xabsiga la dhigay intii u dhexaysay 30-November iyo 2- December 2019, ayaa sida maxkamaddu sheegtay lagu helay kicin dadweyn iyo aflagaaddo ka dhana madaxda Puntland. PUNTLAND POST The post Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo xaalad caafimaad xabsiga looga sii daayay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir & Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu weeraray Buuraha Calmadow-Gobolka Sanaag Gaadhiga laga qabsaday Puntland Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, weerar kooban oo shalay ka dhacday degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag. Wararka halkaasi laga helayo, ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo u dhashay degaankaa, ay shalay weerar ku qaadeen Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta & mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed, kuwaasi oo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baadhayey buuraleeydaasi. Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen Wasiir ku xigeenka & mas’uuliyiinta kale, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaadhi nooca loo yaqaan Land-cruiser Pick up “CABDI BILE”, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen. Qaran News
-
Laacibkii Turkiga ee taksiilaha isu badalay markii ay isku dhaceen madaxweyne Erdogan Hakan Sukur waa gool-dhaliyihii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray xulka qaranka Turkiga, wuxuuna sidoo kale ahaa mid ka mid ah gool dhaliyeyaashii loogu doon-doonista badnaa ee qaaradda Yurub. Haddaba sidee buu rug caddaagan ugu dambeyntii ku noqday nin buugaagta iibiya oo sidoo kale taksiile ka ah waddanka Mareykanka, isagoo waliba dibad joog ka ah waddankiisa? Sida lagu sheegay wareysi uu siiyay wargeyska kasoo baxa dalka Jarmalka ee Welt am Sonntag, ciyaartoygan hore ee 48 jirka waxay noloshiisu isbaddal qeyrul caadi ah gashay tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2008-dii. Wuxuu sheegay in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu horseeday hanjabaado loogu jeediyay in la dili doono, sidoo kalena loo jeediyay eedeymo been abuur ah, lagana hor istaagay inuu dhaqaalihiisa isticmaalo. ‘Wax ii haray ma jiro, Erdogan ayaa wax walba iga qaatay: xuquuqdii aan u laha inaan bulshada ku dhex jiro, xurriyaddeydii hadalka iyo xaqii aan u lahaa shaqooyinka”, ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay wargeyska. Sukur wuxuu dhaliyay 51 gool, 112 kulan oo uu u saftay xulka Turkiga, intii u dhaxeysay 1992-kii ilaa 2007-dii. Wuxuu ka mid ahaa xulkii qaranka Turkiga ee kaalinta saddexaad ku dhameystay koobkii adduunka ee sanadkii 2002-dii. Ciyaartoygan horay uga tirsanaan jiray kooxda Blackburn wuxuu xirfaddiisa ciyaaraha inta badan ku qaatay kooxda Galatasaray, waana ciyaaryahankii ugu goolsha badnaa ee abid soo mara horyaalka Super Lig ee ugu sarreeya dalka Turkiga. Ka dib markii uu ka fariista ciyaaraha kubadda cagta, wuxuu ku biiray siyaasadda. Sanadkii 2011-kii, Sukur wuxuu ku guuleystay kursiga baarlamaanka Turkiga, isagoo xubin ka ah xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka ee madaxweyne Erdogan. Laakiin wuxuu sidoo kale xiriir la lahaa Fethullah Gulen, oo ah wadaad reer Turki ah oo kasoo horjeeda Erdogan. Madaxweynaha Turkiga wuxuu wadaadkaas ku eedeeyay isku day afgambi oo uu dhiig ku daatay, oo Turkiga ka dhacay sanadkii 2016-kii. Sukur oo wakhtigaas ku noolaa Mareykanka, ayaa lagu soo warramay inuu kasoo horjeestay afgambiga, laakiin sanadkii 2017-kii ayey warbaahinta dowladda Turkiga ku qeexday inuu yahay nin baxsad ah oo xubin ka ah ururka Fetullah, oo ay argagixiso u aqoonsan tahay xukuumadda Ankara. Warka kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in ciyaartoygan uu ku noolyahay guri 3 malyan oo doolar ah, uuna leeyahay meherad qaxwada lagu cabo oo ku taalla xaafadda Palo Alto, “taasoo ah xaafadda ugu qanisan magaalada San Francisco”. Laakiin Sukur wuxuu wargeyska u sheegay arrin taas ka duwan. “Waxaan u guuray Mareykanka, markii horena waxaan gobolka California ku lahaan jiray meherad lagu qaxweeno, balse markii ay dad qalaad kusoo bateen makhaayadda ayaan isaga tagay, hadda waxaan u shaqeeya gawaariga shirkadda taksiyada ee Uber, buugaagna waan iibiyaa”, ayuu ku yiri wargeyska Welt am Sonntag. Wuxuu sheegay in guryihii, ganacsiyadii iyo akoonadii bangi ee uu ku lahaa Turkiga ay la wareegtay dowladda Erdogan. Wuxuu sidoo kale beeniyay inuu wax dambi ah galay. “Ma jira qof sharrixi kara doorka aan ku lahaa afgambigaas”, ayuu yiri Sukur, wuxuuna intaas ku daray: “Waligey ma sameynin wax sharci darro ah, ma ihi nin khiyaano qaran galay, mana ihi argagixiso”. Qaran News
-
Imisa waddan ayaa heysata hubka nuclear-ka, Imisa xabo ayaase taalla adduunka? Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka. Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara dunida. Qaraxyadiisu aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nuclear ahna waxay baabi’in kartaa magaalo dhan. Qumbuladaha nuclear-ka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan nuclear-ka ahayn Waxaa jira waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaasoo aan loo oggoleyn inay yeeshaan awoodda nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan. Waxaa laga yaabaa in aad su’aalo dhowr ah iska weydiiso arrimaha nuclear-ka – laakiin ha walwalin, waxaan isku soo toosinay jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su’aalahaas. Muxuu yahay hubka nuclear-ka? Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan. Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada “atoms” iyo “isotopes”, haddii aad soo dhigatay maadada seyniska – kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka. Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya. Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero “atomic bomb”. Mareykanka ayaa tomic bomb ku riday magaalada Hiroshima ee dalka Japan, 6-dii bishii August ee sanadkii 1945-kii Hubka nuclear-ka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah – kaasoo ah mid sababi kara waxyeello badan – sidaas darteedna saameyntoodu waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib. Hase ahaatee labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida – waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sanadkii 1945-kii, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo laga xishoodo in tiradiisa la sheego. Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux. Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay nuclear-ka wali looma adeegsanin dagaal kale. Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nuclear-ka, oo kala ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa’iil iyo Kuuriyada Waqooyi. Yaa sameyn kara hubkan? Markii sida guud loo eego, jawaabtu waa inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon seynis u leh, farsamada yaqanana, qalabkana heli kara. Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jawaabta su’aashaas waxay qaadaneysaa sheeko dheer. Waxaa jira wax loogu yeero is-afgaradka xakameynta hubka Nuclear-ka, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo (NPT) – kaasoo ah heshiis looga gol leeyahay in looga hortago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn. Daruuro qiiq iyo holac ah oo ka dhashay bambo nuclear ah oo la qarxiyay Tan iyo 1970-kii, 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga Nuclear-ka. Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dowladaha ku hubeysan nuclear-ka – waana loo oggol yahay inay heystaan hubkaas, sababtoo ah waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshiiska NPT la dhaqan galinin 1-dii bishii January ee sanadkii 1967-kii. Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nuclear-ka, heshiiskana ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda waxaa laga rabaa inay yareeyaan xaddigiisa mana loo oggola inay waligood iska heystaan. Israa’iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin inay heysato nuclear), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama aha heshiiskaas, mana aysan saxiixin. Kuuriyada Waqooyi waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii. Marka xaggey Iiraan ku jirtaa? Iiraan waxay barnaamijkeeda nuclear-ka billowday sanadihii 1950-meeyadii, mar kastana waxay ku adkeysaneysay in tamarta nuclear-ka ee ay sameysaneyso ay tahay mid nabad ah. Laakiin waxaa jiray shaki laga qabay inay si qarsoodi ah u sameysaneyso hubka nuclear-ka, arrintaasina waxay keentay in Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabateyno kusoo rogaan sanadkii 2010-kii. Tani waxay keentay in sanadkii 2015-kii ay heshiis galaan Iiraan iyo waddamada kale ee quwadaha waaweyn, kaasoo ay Iiraan ku saxiixday heshiis dhigaya inay baabi’iso bacriminta nuclear-ka si cunaqabateynta looga qaado, laakiin Madaxweynaha Mareyaknka Donald Trump ayaa heshiiskaas cagta ku dhuftay bishii May ee sanadkii 2018-kii. Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa horay u sheegay in Iiraan aysan damacsaneyn sameysashada hubka nuclear-ka Haddana waxay dalalka reer Yurub Iiraan loollan ku galinayaan inaysan u hoggaansamin qodobbadii heshiiska. Sidoo kale, markii ay sanadkan cirka isku shareereen xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in Iiraan aan loo oggolaan doonin inay yeelato hubka nuclear-ka inta uu isagu madaxweyne yahay. Ka dib markii ay caro ka dhalatay dilkii uu Mareykanka magaalada Baqdaad ugu geystay janaraalkii reer Iiraan ee Qasem Soleimani, Iiraan waxay sheegtay inaysan usii hoggaansami doonin xaddidaaddii qeybta ka ahayd heshiiska. Waligeen ma arki doonnaa duni xor ka ah hubka nuclear-ka? Sida kor ku xusan, waxaa mustaqbalka la damacsan yahay in hubka nuclear-ka laga baabi’iyo guud ahaan dunida. Run ahaantii, tirada bambooyinka nuclearka ee dunida taallay waxay hoos uga dhacday 70,000, oo ay ahaayeen sanadkii 1986-kii, maantana waa 14,000 oo bambo. Mareyknaka, Ingiriiska iyo Ruushka waxay dhammaantood hoos usii dhigayeen xaddiga ay hubkaas ka heystaan, laakiin waxaa la aaminsan yahay in Shiinaha, Pakistan, Hindiya iyo Kuuriyada Waqooyi ay sameysanayeen bambooyin dheeraad ah, sida uu sheegay ururka seynisyahannada Mareykanka. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, In Kuuriyada Waqooyi ay heysato gantaallo gaari kara Mareykanka Bishii July ee sanadkii 2017-kii, waxay u muuqatay in dunidu ay hal tallaabo u qaadday sidii looga xoroobi lahaa hubka nuclear-ka, ka dib markii ay in ka badan 100 waddan saxiixeen qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay oo dhigayay in si wada jir ah loo baabi’iyo hubkaas, loona mamnuuco. Laakiin dalalka ku hubeysan nuclear-ka ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka ayaa hor joogsaday hirgalinta qaraarkaas. Ingiriiska iyo Mareykanka waxay sheegeen in qaraarkaas uusan damaanad qaadi karin amniga dunida, maadaama nuclear-ka uu udub dhexaad u ahaa ilaalinta nabadgalyada caalamka, muddo ka badan 70 sano. Halka dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ay yareynayaan bambooyinka ku jira bakhaarradooda hubka nuclear-ka, haddana khubaro ayaa sheegaya inay sii xoojinayaan awoodda bambooyinkaas ay leeyihiin. Ingiriiska ayaa sii casriyeynaya nidaamkiisa hubka nuclear-ka, Mareykankana waxaa laga yaabaa inuu lacag dhan $1 trillion (£703bn) u adeegsado sidii uu u kordhin lahaa awoodda nuclear-kiisa, ilaa sanadka 2040-ka. Kuuriyada Waqooyina waxay sii waddaa tijaabinta iyo hormarinta barnaamijkeeda nuclear-ka, iyadoo gantaallo ridday xilli aad u dhow oo ah bishii October, 2019. Sidaas awgeed, inkastoo dunida ay kusii yaraanayaan tirada bambooyinka nuclear-ka, marka loo eego 30 sano ka hor, uma muuqato in mar dhow laga xoroobi doono hubkaas ama si buuxda loo baabi’in doono. Qaran News
-
Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta Nuclear-ka ee haddana baxsaday Theodore Hall wuxuu ahaa seynisyahankii ugu da’da yaraa ee ka qeyb galay mashruucii lagu sameeyay bamkii ugu horreeyay ee atomic-ga adduunka 29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday “waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka”, xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka. Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka – sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka. Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii. Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah. Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsaday. Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska. Soviet-ka waxay bambadii ugu horreysay ee nuclear ah ku qarxiyeen fagaare hubka lagu tijaabiyo oo ku yaalla dalka Kazakhstan Wax si iskiis ah u dhacay ma ahayn in Bambadii nuclear-ka ee ay Ruushka tijaabiyeen ay noqotay mid leh awoodda ay lahayd bambadii lagu magacaabay ‘ninka buuran’ ee uu Mareykanka ku qarxiyay magaalada Nagasaki ee dalka Japan, taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1945-kii. Hase yeeshee xog aad u culus oo ku saabsan sida Bambadaas loo sameeyay ayaa loo gudbiyay midowgii soviet, waxaana macluumaadkaas bixiyay nin ka tirsanaa dadkii ka qeyb galay mashruucii lagu farsameeyay nuclear-kii ugu horreeyay adduunka ee uu Mareykanku soo saaray. Bambadaas sameynteeda waxaa Mareykanka gacan ku siinayay dalalka Ingiriiska iyo Canada. Sir Culus Mashruucaas wuxuu ahaa mid sirtiisu ay aad u culus tahay. Sida laga soo xigtay warbixin uu sanadkii 1945-kii daabacay wargeyska Life magazine, “rag aad u tiro yar oo tobannaan ruux ah ayaa ogaa micnaha mashruucaas uu ku saabsan yahay”. Mid ka mid ah raggaasna wuxuu ahaa Theodore Hall. Wuxuu dhashay 20-kii bishii Oktober ee sanadkii 1925-kii. Ninkan oo ahaa wiil ay dhaleen hooyo guri joog ah iyo aabe ganacsade ah wuxuu ku koray xilli ay xaalad adag ku jireen dadka caadiga ah ee Mareykanka. Laakiin arrintaas kama aysan hor istaagin Hall inuu adeegsado maskaxdiisa fahmada badan, wuxuuna heer sare ka gaaray maaddooyinka xisaabta iyo physics-ka. Moscow waxay xadday macluumaad ku saabsan bambadii loo yaqaannay “ninka buuran” ee uu mareykanka sanadkii 1945-kii ku qarxiyay magaalada Nagasaki ee dalka Japan Isagoo aad u da’ yar, oo 16 jir ah ayuu boos ka helay Harvard, wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 1944-kii. Fahmo badnidiisa iyo aqoontiisa dhinaca seynisya ma aysan seegin saraakiisha Mareykanka, waxayna ku dareen dad ay u kaxeynayeen xarunta uu ka socday barnaamijkooda sameynta hubka nuclear-ka. Horaantii sanadkii 1943-kii, Theodore Hall waxaa imtixaan looga qaaday mashruuc ay sirtiisu aadka u cusleyd oo ka socday xarun ku taalla magaalada Los Alamos. Shuucigii qolka la dagganaa Hase yeeshee, arrinta aysan saraakiisha Mareykanku ka war qabin waxay ahayd in seynisyahankan da’da yar ay horayba u shaqaaleysiisteen qolyo kale. Hall wuxuu xubin ka ahaa ururka arrimaha siyaasadda ee ardayda jaamacadda Harvard, qolkii uu seexan jirayna waxaa la dagganaa arday ay isku safal ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Saville Sax. Sax wuxuu ahaa wiil ay dhaleen dadkii Ruushka ahaa ee qaxootinimada ku tagay Mareykanka, wuxuuna ahaa Shuuci sidoo kale ku dhashay, kuna barbaaray magaalada New York. Haddaba, Sax qudhiisa ayuu ahaa qofkii Midowga Soviet u shaqaaleysiiyay Theodore Hall, wuxuuna qaaday xogta ku saabsan barnaamijka nuclear-ka ee uu usoo gudbin jiray. Theodore Hall wuxuu sheegay inuu ka baqayay in Mareykanku kaligiis uu heysto nuclear Bishii Disember ee sanadkii 1944-kii, seynisyahanka da’da yar ee reer Mareykan, Hall, oo garab ka helaya saaxiibkii ay horay qolka iskula dagganaan jireen ayaa gudbiyay wax loo aqoonsaday sirtii ugu horreysay ee nuclear-ka ee laga bixiyay xaruntii ku taallay magaalada Los Alamos. Waxa uu markaas bixiyay wuxuu ahaa horumar laga gaaray habka loo farsameynayo hubkaas sida ba’an wax u gumaada. “Intii lagu guda jiray sanadkii 1944-kii, waxaan ka walwalay khatarta ka dhalan karta in Mareykanku uu noqdo waddanka kaliya ee heysta nuclear, iyo waxa ay Washington sameyn karto haddii uu qalalaase dhici lahaa kadib dagaalkii labaad ee adduunka”, Theodore Hall ayaa sidaas ku yiri maqaal uu daabacay wargeyska New York Times, sanadkii 1997-kii, xilligaas oo ahayd 2 sano ka hor intii uusan u dhimanin cudurka Kansarka. ‘Ninka da’da yar’ Hall wuxuu ku dooday in Ruushka oo nuclear helay ay xakameysay isticmaalka hubkaas. “Midowgii Soviet xilligaas ma ahayn cadow, balse wuxuu xulafo la ahaa Mareykanka”, ayuu yiri Hall, wuxuuna intaas ku daray: “Dadkii ka socday Soviet-ka waxay si geesinimo leh ula dagaallameen maamulkii Naaziga, khasaare nafeed oo aad u weyn ayaana kasoo gaaray, geesinimadii ay sameeyeenna waxaaba suurtagal ah inay guul darro ka badbaadisay reer galbeedka”. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMashruucii lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee nuclear-ka ayaa sirtiisa aad loo ilaalin jiray Hall waxay Soviet-kii Ruushka u yaqaanneen “Ninka da’da yar”, wuxuuna macluumaad kale oo dheeraad ah kasiin jiray tiknoolojiyad kasta oo laga gaaro farsamada nuclear-ka, gaar ahaan hubka ay ku jirto maaddada khatarta badan dhalisa ee loo yaqaanno plutonium-ka. Bambadii uu Mareykanku ku dhuftay magaalada Nagasaki ee dalka Japan waxay ka sameysneyd maaddada plutonium-ka, waxayna ka duwaneyd Bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima, taasoo ka sameysneyd maaddada uranium-ta. Howlgalkii lagu raadinayay qofka sirta bixiyay Sanadkii 1950-kii, Theodore Hall oo shahaadadiisa PhD-da ka diyaarinaya jaamacadda Chicago ayey albaabka usoo garaaceen ciidamada FBI-da Mareykanka. Farriin qoraaleed loo qoray qaab sir ama sarbeed ah oo la helay ayaa lagu ogaaday inuu la shaqeeyo Moscow. Sanadkaas kii ka horreeyay waxaa la xiray seynisyahan kale oo Jarmal ah oo ka howl galayay xarunta Los Alamos, wuxuuna qirtay inuu sirta nuclear-ka Maryekanka u gudbiyay cadowga. Hase ahaatee, FBI-du ma aysan u suurta galin inay Theodore Hall ka dhaadhiciyaan inuu wax qirto, sidoo kalena Saville Sax, ayaa su’aalo la weydiiyay, waxna ma uusan sheegin. Safarkiisii Britain Ma jirin Seynisyahan kale oo ay magacaabeen labada jaajuus ee la qabtay. baaritaannadii lagu sameeyayna wax astaan ah ma aysan muujinin – waayo Hall aad uga uusan shaqeyn jirin wixii ka dambeeyay howlgalkii mashruuca Manhattan ee lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee nuclear-ka. Ugu dambeyntii, Hall wuu baxsaday, wuuna ka duwanaa eedeysaneyaashii kale oo xabsi qaatay ama kuwii loo daldalay dambiyo ku saabsan jaajuusnimo. Laakiin wali Hall iyo xaaskiisa way u baqayeen amnigooda. Sanadkii 1962-kii, waxaa shaqo laga siiyay Jaamacada Cambridge ee waddanka Ingiriiska, isaga iyo xaaskiisana waxay u guureen UK. Theodore Hall wuxuu cudurka kansarka u dhintay sanadkii 1999-kii Theodore Hall wuxuu howlgab noqday sanadkii 1984-kii, waxaana la geeyay meel ay isaga iyo qoyskiisa kaliya ku noolaayeen. Laakiin sanadkii 1996-kii, waxaa soo baxday sirtii u qarsanaan jirtay waligiis. dadkii Ruushka ahaa ee wax ka ogaa taariikhdiisa ayaa bannaanka soo dhigay sheekada ku saabsan inuu ka dambeeyay qorshihii ay Soviet-ka ku heleen macluumaadka ku saabsan sameynta nuclear-ka. Nasiib wanaagiisa, xilligaas ma nooleyn qof markhaati ka noqon karay falkii uu sameeyay. xitaa nikii saaxiibkiis ahaa ee lagu magacaabi jiray Savile Sax, horay ayuu u geeriyooday. Ugu dambeyn bannaanka ayuu wax walba soo dhigay ”Waxaa la igu eedeeyay inaan baddalay jidkii ay ku socotay taariikhda”, ayuu yiri Hall, sida uu tabiyay wargeyska New York Times. “Laga yaabee inaan baddalay jihadii ay u socotay taariikhda, jihadaas oo haddii aanan baddalin sababi lahayd in dagaal loo adeegsado hubka atomic-ga uu dhaco intii lagu guda jiray 50-kii sano ee lasoo dhaafay – tusaale ahaan Bambada nuclear-ka waxaa lagu dhufan lahaa Shiinaha sanadkii 1949-kii ama horaantii 1950-meeyadii. “Hagaag, haddii aan gacan ka geystay inaysan arrintaas dhicin, waan aqbalayaa dacwadda”, ayuu yiri, isagoo si toos ah u caddeeyay inuu jaajuus u ahaa Ruushka, uuna siiyay xogta muhiimka ah. Ma jirin weerarro loo adeegsaday nuclear oo dhacay wixii ka dmabeeyay kuwii laga geystay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki 74 sano kahor. Theodore Hall wuxuu qabriga galay isagoo aaminsan inuu arrintaas sabab u yahay. Qaran News
-
Judge halts Trump's order allowing states to block refugees
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
SILVER SPRING, Md. — A federal judge on Wednesday halted President Donald Trump's executive order that gave state and local officials the ability to shut the door on refugees, Source: Hiiraan Online -
Gaariga laga qabsaday Puntland Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, weerar kooban oo shalay ka dhacday degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag. Wararka halkaasi laga helayo, ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo u dhashay degaanka, ay shalay weerar ku qaadeen mas’uuliyiin ka socday Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed, kuwaasi oo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baarayey buuraleeydaasi. Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen mas’uuliyiinta, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaari nooca loo yaqaan CABDI BILE, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland, oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo lagu weeraray buuraha Calmadow appeared first on Puntland Post.
-
Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya. Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya Soomaaliya oo gundhig u ah horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay faragalinta shisheeye. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imanaya, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad gobaleedka Jubaland Maxmaed Axmed Cali ayaa xaqiijiyay in kumanaan dollar ay siiyeen ciidamo hore uga goostay maamulka Jubbaland oo ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo hadda dib ugu soo laabtay maamulka Jubbaland. Wasiirka ayaa sheegay in ciidankaan ay dhibaatooyin badan mareen markii ay ku biireen dowladda Soomaaliya kadib markii ay waayeen dhamaan xuquuqdii ay lahaayeen, sida uu sheegay, islamarkaana ay dalbadeen in laga bixiyo lacago lagu lahaa oo deyn ah. “lacag ku dhow 30,000 ayaa ka bixinay oo looga yeeshay dukaamanka iyo baqaaradii ay saarnaayeen, sidoo kale waxaa siinay lacago ay kaalmo ka dhigtaan” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho. “Xaq ayey u leeyihiin intaas iyo ka badan waxaana sidoo kale deymaha ka dhibi doonaa maamuladii kale ee beenta loo sheegay iyo saraakiisha oo dhan, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa la qalday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha ee Jubbaland. Caasimada Online ayaa xaqiijisay in tobaneeyo kamid ah ciidankii ka goostay Jubbaland ay dib ugu laabteen maamulkaasi kadib markii lagu yeeshay deymo badan, oo dowladda ay lacag ka waayeen. Maamulka Jubaland ayaa ka mid ah maamullada dalka ee inta badan aysan kasoo yareeyn ciidankodoa cabasho mushahar la’aan ah, taasi oo hadda ka saaciday in ciidankii ka goostay ay dib ugu soo laabtaan.
-
Wakaaladda Biyaha Burco Oo Soo Bandhigtay Mashaariic Ay Hirgelisay Sanadkii Tagay+Deegaamo Ka Baxsan Magaalada Oo Ay Biyaha Gaadhsiisay. Burco-(Qaran-news)-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud ayaa Madal balaadhan ku soo bandhigay Waxqabadkii ay ku Talaabsatay Wakaaladaasi Sanadkii tagay ee 2019 . Wakaaladda ayaa waxyaabihii u qabsoomay ee ay halkaasi ku soo bandhigtay, waxa ka mid ahaa Ceelal Biyoodo cusub oo ay ku soo kordhisay Ceelashii hore ee Magaaladu ka Cabi jirtay ,kuwaasi oo Suurtogaliyay in ay guud’ahaanba Xaafadaha Magaaladaasi Biyuhu wada gaadhaan. Sidoo kale Wakaaladda ayaa Biyaha gaadhsiisay Sanadkii tagay Kaamamka Barokacayaasha oo ka Baxsan Xaafadaha Gudaha Magaalada Burco. Mida kale Wakaaladda ayaa halkaasi ku soo bandhigtay ,Xafiisyo Cusub oo ay dhisteen ,Mishiino iyo Gaadiid cusub oo ay Wakaaladu soo iibsatay ,isla markaana ,Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud ayaa Xafladaasi ka cadeeyay in ay Wakaaladu iska bixisay Lacago badan oo Dayn ah oo Wakaalada lagu lahaa markii uu Xilka la wareegay ,waxaanu intaasi raaciyay in aaney jirin wax Dayn ah oo Wakaalada lagu leeyahay. Geesta kale Xafladan Wakaalada Biyaha Burco Waxqabadkeeda ku soo bandhigaysay oo ka dhacday Wakaaladaasi ayaa waxa Goob-joog ka ahaa Wasiirka cusub ee horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ,Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo Dadweynaha reer Burco. Waxaaney Hoosta ka Xariiqeen Waxqabadka ay Wakaaladu ku talaabsatay. Wasiirka ayaa Kormeer ku sameeyay Ceelasha cusub ee Wakaaladu Qodatay ,kuwaasi oo uu Xadhiga ka jiary. Waxa Xusid mudan Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa ah Magaalo Hodan ku ah ,Dhinaca Biyaha ,marka loo Eego Magaalooyinka kale ee Somaliland. Mahad Faarax Qarannews Burco. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sheegtay inaysan si ulakac ah u beegsan shacabka, hase yeeshee warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay gacanteeda ku maqan yihiin muslimiin badan. In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku dhintay weerarada kooxda Al-Shabaab tan iyo sanaddii 2010, sida ku cad xog ay ururisay hay’ad ka shaqeysa keydinta khasaraaha ka dhasha xasaradaha dagaalka oo magaceeda loo soo gaabiyo ACLED (Armed Conflict, Location and Event Data Project). Dadkan Shabaab ay dishay ayaa badankood, oo ah 3,000 oo ka mid ah, dhintay wixii ka dambeey sanaddii 2015. Hase yeeshee khasaaraha ayaa ugu badnaa ku dhowaad saddexda sano ee madaxweyne Farmaajo uu xukunka hayey, ayada oo tan iyo bishii March ee 2017, bil kadib markii la doortay Farmaajo, ay dhinteen 2000 oo qof oo shacab ah. Dhimashada dadkan ayaa isuga jirta kuwa ka dhashay toogashooyin, afduub, weeraro ismiidaamin ah, iyo dhacdooyin kale oo la go’aamiyey inay yihiin “kuwa si toos ah loogu beegsaday shacabka. Tiradan ayaa waxaan ku jirin dadka ku dhinta dagaallada hubeysan ee u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab, iyo weerarada sida tooska ah loogu beegsado ciidamada amniga. ACLED waxay sheegtay in qiyaastan ay tahay tan ugu hooseysa ee ay sameeyeen. Tirada rasmiga ah ayaa intan ka badan karta, sida ku cad xogta dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Isbitalka ugu weyn Muqdisho ee Medina, ayaa diiwaan geliyey dhaawacyada 54,000 oo qof tan iyo 2007. 75% dadkaas ayaa ah shacab. Agaasimaha isbitalka, Dr. Maxamed Yuusuf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in 20 ilaa 25 ka mid ah 100-kii qof ee isbitalka la keeno ay yihiin dhimasho. Haddii qiyaasta lagu saleeyo xisaabtan, tirada dhimashada ee tan iyo 2007, ayaa noqoneysa 10,000 oo qof oo badankood ay yihiin shacab.
-
Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Khamiis ah dhegaystaan khudbad jeedinta musharixiinta u tartamaya xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ay shalay si rasmiya u diiwaan-geliyeen 7 musharrax oo u tartamaya xilka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka cusub ee Galmudug. Saddex kamid ah musharrixiintaasi oo lagu kala magacaabo; Xil. Cabdullaahi Axmed Calasow, Xil. Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Xil. Maxamed Nuur Gacal ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha Wakiilada Galmudug. Sidoo kale guddoomiye kuxigeennada kowaad iyo labaad aya waxa u tartamaya u taagan Afar Musharax, waxaana qorshaysan in doorashada guddoonka Baarlamanka Galmudug ay dhacdo Jimcaha berriya. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Mandheera (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si qarsoodi ah habeeno ka hor ku tagay gobalka Gedo. Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweynaha uu dhinaca Mandheera ka soo galay dorraad galab, islamarkaana uu hadda ku sugan yahay meel u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Ceel-waaq ee gobalka Gedo. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay la socdaan ciidamo Kenyan ah, waxaana lagu keenay gaadiidka qafilan ee Milateriga Kenya. Wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland Maxmaed Axmed Cali iyo Saraakiil Ciidan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo Saraakiil ka tirsan ciidankii Jubbaland ka goostay ee ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo laga dalbaday in ay ku soo laabtaan Jubbaland. Wafdiga Maxamuud Sayid Aadan oo ay la socdaan ciidamo Kenyaan ah oo aad u qababeysan ayaa wali gobalka kawada kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan dadka degaanka iyo maamulada taabacsan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddo ku xayirnaa Mandheera kadib markii ciidankii ka goostay Jubaland eek u biiray dowladda iyo dad shacab ah ay is-hortaageen. Gedo ayaa waxay marti gelineysaa kulamo iska soo horjeeda oo ay wadaan masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, lamana oga halka ay xalaadda ku dambeyn doonto.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay dacwad ka gudbisay Maraakiib laga leeyahay dalal Shisheeye oo kalluumaysi sharci-darro ah ka wada Xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda dowladda Federaalka Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa warbaahinta u sheegay in xeebaha dalka uu weli ka socdo jariifka ay geysanayaan Maraakiib laga leeyahay dalal Shisheeye oo aan xiriir la lahayn dowladda Soomaaliya. “Dhibaatada xun waxaa nagu haya maraakiib calanka wadamada kale sidata oo aan xiriir la lahayn Soomaaliya iyo maamulada, warbixino ayaan ka gudbinaa, qaarkood waa laga saarey badda, qaarna waa la qabtay” ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Bidhaan, ayaa sidoo kale xusay in dalka Iran oo aan Soomaaliya xiriir la lahayn uu kamid yahay dalalka sida joogtada ah Maraakiibtoodu ugu soo xad-gudbaan Xeebaha Soomaaliya. Maraakiibta jariifka ka wada xeebaha dalka ayaa ku goosha calamada waddamo kale, sida wasiirku tilmaamay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay Maraakiib ku soo xad-gudbay xeebaha dalka appeared first on Puntland Post.
