Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,299
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The mobilisation of army veterans who will serve in the peace keeping mission in Somalia has kicked off countrywide. Source: Hiiraan Online
  2. Kenya needs to rethink its strategy in the fight against Al-Shabaab, security expert Mustafa Ali has urged. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah saraakiisha ajnabiga ah ee Al-Shabaab muddo ka tirsanaa ayaa fariin cod uu soo duubay ku sheegay inuu isaga baxay kooxdaas isla markaana ay yahiin koox baal marsan shareecada islaamka. Shaqsigaan aan la helin wadanka uu u dhashay balse magaciisa lagu sheegay Zubair Al-Muhajir ayaa sida uu sheegay muddo tobaneeyo sano ah ku sugnaa dhulka Soomaaliya, wuxuuna fariinta kusoo duubay luqadda Soomaaliga oo la fahamsan yahay inuu bartay mudada uu waddanka joogay. Zubair wuxuu adeegsanayaa hadalo adag oo liddi ku ah Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan marnaba ku dhaqmin shareecada Islaamka, sidoo kalana wuxuu banaanka soo dhigay sababta ka dambeysa dilka loo geystay Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan oo ka mid ahaa saraakiisha sare-sare ee kooxdaan. Sida fariinta codka ah laga maqlay Zubair iyo xubnaha sare ee Al-Shabaab wuxuu khilaafkooda soo bilowday sanadkii 2009, wuxuuna leeyahay iskuma aanan raacin qaraxii Hotel Shaamow, wuxuu sheegay inuu hogaanka u hayay guddiga garsoorka oo ay ku jireen Ahmed Godane, Abuu Mansuur Roobow, Fu’aad Khalaf iyo Ibraahim Afghan. Zubair wuxuu fariintiisa ku xaqiijiyay in Al-Shabaab ay dileen Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan, sidoo kalana ay isaga xabsi 3-sano ah galiyeen. Arrinta kale ee xiisaha leh waxey tahay in sababta dilka ay aheyd sida uu sheegay in looga baqay hogaanka xarakada iney la wareegaan, balse aysan jirin iney xoogag cusub abuuri rabeen sida lagu eedeeyay. Sarkaalkaan sheegay inuu hadda ka baxay Al-Shabaab ee ajnabiga ah, wuxuu uga digayaa dhalinyarada iney dhiigooda u huraan kooxdaas uu ku sheegay ineysan sida saxda ah u adeegsan diinta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay sidoo kale inuu dhiiga Muslimka agtooda ka yahay wax aad u raqiis ah. Sidoo kale wuxuu kashifay in sababta ay u diideen ku biirista Daacish ay tahay iney diidanayeen in la maamulo sidii ka dhacday Nigeria, waana sababta ay xukunka iney heystaan u doorbidayaan mar walba. Zubair wuxuu aaminsan yahay hadda in diyo lagu leeyahay Al-Shabaab maadaama ay qirteen qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye, isagoo waliba ka warqaba sida uu qirtay in mar walba ay yahiin kuwa aan xaalad walba shareecada waafajin. Intaas waxaa sii dheer inuu Al-Shabaab ku yiri: “Hadii aadnaan isku dhaqeynin diinta, dhalinyarada ha marin-habaabina” Ugu dambeyntii Zubair wuxuu dareensan yahay in Al-Shabaab ay isku dayi doonaan dilkiisa, sida uu yiri, balse wuxuu fariintiisa codka ah ku sheegay inuusan ka baqeynin geerida, sidoo kalana uu sii wadi doono inuu sheego xaqiiqada inta laga ogaanayo diin la’aantooda, waa siduu hadalka u dhigaye. Hoos ka dhageyso codka Zubair https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Zubair.mp3
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii 31aad ee kalfadhiga 6aad. Kulankii shalay ee golaha ayaa ee lagu ansixiyey ‘hindise sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida’ waxaana soo xaadirtay kulanka 32 senator, kuwaas oo 31 ka mid ah ay ogolaadeen meel marinta sharcigaas, waxaana ka aamusay hal senator. Qodobo ku jira sharciga la ansixiyey ee howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka mid ah: In derajada S/Guud sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 74-sano jir. In derajada S/Gaas sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 70-sano jir. In derajada S/Guuto sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 68-sano jir. In derajada G/Sare sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 64-sano jir. In derajada G/Dhexe sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 62-sano jir. In derajada Gaashaanle sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 60-sano jir. In derajada Dhamme sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 58 sano jir. In derajada L/xidigle sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 58-sano jir. In derajada Xidigle sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 58-sano jir. Sharcigaan ayaa meesha ka saaraya in loo dalacsiiyo askari aan gaarin da’daas darajooyinka lagu xusay qoraalkan, waxaana ku qancay dhamaan senatoradii soo xaadiray kulanka. Sidoo kale sharcigan ayaa lagu cadeeyey da’da howlgabnimada sarkaalka, taas oo u dhaxeysa 75-sano jir ilaa 80-sano jir, waxii ka dambeeya markii ruuxu da’daas gaarana waxaa lagu cadeeyey sharcigan in looga faa’iideysa doono oo kaliya khibraddiisa.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay uga dhaadhicineyso madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare inuu masuuliyadda ka saaran howsha maamul dhisidda ku wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sida la fahamsan yahay qorshahaan ayaa aad isu soo tarayay maalmahii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo warramayaa iney jireen kulamo arinkaas ku saabsan oo qabsoomay inkastoo aysan wali jirin wax la isla meel dhigay. Qorshaha Dowladda uu majaraha u haayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxey tahay iney door la taaban karo ku yeeshaan maamul u dhisidda HirShabelle marka ay kasoo dhamaadaan middda Galmudug oo hadda mareysa marxaladahii ugu dambeeyay. Dowladda oo adeegsaneysa xubnaha muxaafadka ah ee ka tirsan Wasiiro iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada HirShabelle ayaa wax ka wad howsha, guul laga gaaro arintaan ayaa sababi karta sida la sheegayo in bartamaha sanadkaan la bilaabo howsha maamul u dhisidda HirShablle. Ujeedada ay dowladda leedahay waxey tahay in Musharax taageersan siyaasadooda ay u helaan xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle, waxeyna awood dheeri ah siin kartaa doorashada la filayo iney qabsoonto 2021. Muddo xileedka dowladda Hirshabelle waxaa ka dhiman kaliya 8 bilood, waxaana la filayaa in lagu heshiiyo dhawaan wakhtiga rasmiga ah ee la shaacin doono heshiiska. Qorshahaan waa midkii ay dowladda u adeegsatay Madaxweyne Xaaf baratmahii sanadkii 2019, balse dhawaan ayey aheyd markii uu ka laabtay heshiiskii la wada gaaray. Ugu dambeyntii Dowladda ayaa ka shaqeyneysa iney dowlad goboleedyada ka hesho taageero buuxda xilli uu muddo xileedkeeda ka haray kaliya 12-bilood ah, waxaana xusid mudan in xildhibaanada labada aqal ee dowladda laga soo dooran doono maamul goboleedyada.
  6. BY: THOMAS JOSCELYN Al-Qaeda’s senior management, or general command, has released a two-page statement praising the jihadists in Mali and Somalia. Al-Qaeda has strong branches in both East and West Africa, and the international organization’s leaders signal their approval for the jihadists’ ongoing wars in the new missive. “Salutations for the Defenders of Islam in Mali” was released online on Jan. 18, with al-Qaeda’s propagandists making both Arabic and English versions available on various websites and social media channels. Much of the statement is focused on the battles in Mali, though it ends with praise for the jihadists’ efforts in Somalia as well. Though al-Qaeda’s senior men don’t name the parties they have in mind, they are clearly lauding Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM, or the “Group for the Support of Islam and Muslims”) and Shabaab, among other al-Qaeda groups. Both JNIM and Shabaab remain openly loyal to Ayman al-Zawahiri and have claimed attacks as part of al-Qaeda’s “Al-Quds (Jerusalem) Will Never Be Judaized” campaign. The statement reflects al-Qaeda’s ongoing role in guiding the insurgencies. “We consider it our duty to encourage them, guide them to the correct course, offer them sound advice and praise their valuable efforts,” the statement reads. Al-Qaeda’s senior leaders praise the jihadists in Mali for confronting the “invading forces” and for “terrorizing the Crusaders and their allies.” Indeed, the statement frames the conflicts almost entirely as battles against the West and Western influence. “Rest assure that if liberal, hedonist [and] animalistic France attains control over your lands and resources, it will spread great corruption in the land,” the statement reads. “You must realize that you are the sword of Allah that will make the French and their allies taste bitterness in the world.” “You are fully aware of the economic and cultural projects of the enemy, just as you know that they have strategic interests, besides missionary aims, in Mali and the broader Sahel region,” al-Qaeda’s management team tells their followers. “So make sure that the trail of coffins sent back to enemy’s lands does not stop.” Al-Qaeda’s leadership advises the jihadists to “[p]lay an active part in dismantling the French and American project that is represented by the combined forces of the five states in the Sahel region,” adding that they should “se all military resources at your disposal for this cause.” “We support your brave raids against the French and their toadies in Burkina Faso, Mali and Niger,” the authors state. “We encourage you to target American forces, contractors, and their security companies in the region.” The statement’s authors “congratulate” their loyalists in West Africa for successfully “liberating” some unidentified prisoners, and for supposedly intimidating Germany to the point that the country refuses “to send their special forces to fight you.” The latter is allegedly “an obvious sign of the terror that you have struck in the hearts of the Crusaders and their apostate allies.” Al-Qaeda’s general command encourages the fighters in West Africa to continue producing propaganda, because the “Islamic Ummah [worldwide community of Muslims]” closely “follows” their “statements and media productions.” Their jihad is part of an “Islamic military awakening in the Islamic Maghreb” that “shall spread and its flame will set alight the lands of the invaders,” the statement reads. “In the end, we call upon the honorable Muslim Ummah to fulfill its historic duty regarding the Islamic cause in Mali and Somalia by supporting the blessed Jihadi movement with everything at their disposal,” al-Qaeda’s senior men write. “We call upon the virtuous people of Mali and Somalia to unite under the banner of Tawhid (Unity of Allah), and rush forth to fulfill their duty of Jihad in the Way of Allah and defense of the Sunnah of the Prophet (peace be upon him).” The statement doesn’t mention the Islamic State’s presence in either East or West Africa. The self-declared caliphate built a presence in both areas from 2014 onward, but failed to supplant al-Qaeda’s regional branches. Al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM) spawned JNIM in 2017 as part of al-Qaeda’s reorganization efforts. AQIM and its local allies, including Ansar Dine, which plays a prominent role in JNIM, were laying the groundwork for a jihadist emirate in Mali when the French intervened in early 2013. The U.S. has backed France’s efforts to contain al-Qaeda and the Islamic State across the region in the years since then, while also attempting to prevent Shabaab from building its emirate in Somalia and East Africa. The total American military presence in Africa is estimated to be between 6,000 and 7,000 troops. However, America’s military footprint across Africa is much in doubt, as the Defense Department is reportedly considering plans to withdraw forces from the continent. Thomas Joscelyn is a Senior Fellow at the Foundation for Defense of Democracies and the Senior Editor for FDD’s Long War Journal.
  7. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Khilaaf ayaa ku yimid geedi-socodka Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoona uu dib u dhac ku yimid soo saarista jadwalka, ay tahay in loo maro Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Khilaafkan ayaa yimid, ka dib markii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay ka hortimid Guddiga Doorashada Madaxtooyada Galmudug, oo Axadii uu magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal. Ahlu Sunada Galmudug ayaa u sheegtay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug in Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay tahay inuu ka yimaado Ahlu Sunna, haddii Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu ka yimid dhanka Dowladda Soomaaliya. Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay inuu ku noqdo magacaabista Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, isla-markaana uu Gudoomiyaha Guddiga u soo magacaabo shakhsi ku saf ah Ahlu Sunna. Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Shaakir uu ku goodiyay inay qaadici doonaan Doorashada Xafiiska Madaxtooyada, haddii aanu Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ka imaan dhinaca Ahlu Sunna. Wararka ayaa intaa ku daraya in Magaalada Dhuusamareeb ay ka socdaan dadaalo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka soo cusboonaaday dhismaha maamulka cusub ee lagu wado in loo yegleelo dadka reer Galmudug. Guddiga uu shalay soo magacaabay Gudoomiye Gacal ayaa maanta lagu waday inay muddeeyaan waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisaba, hase yeeshee ay u baaqatay diidmada ka timid Ahlu Sunna. Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ma doonayan inay Ahlu Sunna ka baxo hannaanka maamul u samaynta Galmudug, xilli ay ka walaacsan yihiin tallaabada uu dhismaha maamulkaasi kaga maqan yahay Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, waa Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Villa Somalia ayaa juhdi kasta ku bixin doonto, sidii ay Ahlu Sunna uga sii mid ahaan laheyd saamileyda Galmudug ee ku hawlan dhismaha maamulkaasi. Khilaafka horgudban habsami socodka dhismaha Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeysay soo jiitamaayay ayaa marba meel cagaha la gelaayay, taasoo keentay in dhismaha maamulkaasi lagu kala qaybsamo. Khilaafkan wiiqay dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa laga cabsi qabaa in uu horseedo waddo uu laba maamul ku yeelanayo Maamul Goboleedka ka dhisan Gobolada Dhexe.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si rasmi ah u shaaciyey cidda laheyd amarkii dowladda Itoobiya loogu gacan galiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka ururka xornimo doonka ah ee ONLF. Sanbaloolshe oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in amarka lagu dhiibay Qalbi-dhagax ay la haayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagana lagu amray doorkii fududeynta ahaa ee uu ku lahaa. Taliyihii hore ee NISA ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan dalbanayo in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa arrintaas oo uu ku tilmaamay dambi weyn iyo qayaano qaran oo ay sharci tahay in la isku maxkamadeeyo. “Aniga waxan ahaa qof amar la siiyay, Qalbi-Dhagax dhiibistiisa dembi weyn oo la galay ayuu ahaa. Waan qirsanahay taas xitaa in la isku maxkamadeeyo inay waajib tahay ayaan qabaa” ayuu yiri Sanbaloolshe. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Arrinta Qalbi-dhagax in la iga cafiyo ayaan rabaa, anigu qeyb ayaan ku lahaa falkaas, laakiin amarka lagu soo xiray ee loogu dhiibay Itoobiya waxaa lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.” Wareysigaan ayuu Sanbaloolshe talo ugu soo jeediyey madaxda dowladda ee ku kacday falkaas uu ku tilmaamay dembiga. “Madaxda Qaranka waxaan ka codsanayaa inay qaataan go’aan geesinimo leh, ma qaldame waa ilaahey, waa in golaha wasiiradu mar kale ka fariistaan arrinta ONLF oo ka saaraan liiskii ay ku dareen ee argagixisada, waa in madaxda ONLF oo Qalbi-dhagax ku jiro Muqdisho lagu casuumo dembigaasna looga hoydo” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe, Taliyihii hore ee NISA. Hoos ka daawo wareysiga Sanbaloolshe
  9. (SLT-Hargaysa) Iyadoo dhawaan la qisaasay Dad u xidhnaa Dilal ay gaysteen markii kobaad muddo dheer Somaliland, waxaa siwayn loogu dhegtaagaya tallaabada ku xigta ee lagu qisaasayo Dadka Dilalka u xidhan. Madaxweynaha Somaliland ayaa laga sugayaa fulinta qisaasta Dablaydii Dishay Taliyihii Ciidanka Booliska Berbera Alle hawnaxariste Casayr. Xubnihii ugu muhuumsana ee falkaas gaystay ayaa wali xidhan iyadoo lagu xukumay Dil toogasho ah . Source
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-20012020.mp3 View the full article
  11. Sannadkan aynu joogno, mawduuca ugu xasaasisan ee lagu falanqeeyo goobaha bulshadu ay ku kulantaa waa “Somaliland xaggee baa ay ku socotaa?”Mawduucani waa mid u baahan si dhexdhexaad ah in loo dul joogsado. Waa dal ama dal doonayey in uu gaarkiisa isu maamulo halka uu ku dambayn doono? Hubaal waxa ah “halkee baa ay Somaliland ku sooctaa?” maanta in ay tahay dood lagu galayo Xabsi, haddii su’aashaa meel fagaare ah lagu soo bandhigo. Dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa qaba: Maanta haddii afti laga qaadi lahaa shacabka ku nool Somaliland in dadka intiisa badani ay u coddayn lahayeen “Markale iyo Midnimo!” Sababta natiijadaa keenaysaa maaha hilow loo qabo Xamar balse, waa nacayb loo qabo Madaxtooyadda Hargaysa. Waa kalsooni xumo ay abuureen labadii xukumaddood ee ka dhashay Kulmiye. Rag ka tirsan xukumadda hadda talada haysa, ayaa laga soo xigtay: Marnaba Afti galin mayno rabitaanka shacabka! Si aynnu haddaba u turjuno mustaqbalka, aynu fahano waayaha ku gadaaman dalkii hore laysugu odhan jiray Somali Republic. Somali Republic waxa ay gashay waji cusub, wajigaas oo ah xukumadda Xamar ka dhisan in loo aqoonsaday dawlad sharci ah oo masuul ka ah Soomaaliya – xasuusnow muddo dheer xukumadihii Xamar fadhi jiray looma aqoonsanayn dawlad rasmi ah. Markii la aqoonsaday dawladda Xamar, waxa iyana dharaarahan raacday in Soomaaliya laga cafiyo deyn hore loogu lahaa. Taasi waxa ay ooda ka qadaysaa deeq iyo deyn hor leh. Maxaa deynta iyo deeqda loo siinayaa Somalia? Waxa Somalia deynta iyo deeqda loo siinayaa, waxa weeye: Waxa la rabaa in la soo saaro khayraadka ku jira Somaaliya guud ahaan gaar ahaan shidaalka. Somaaliya wajigaa ay gashay, gadhwadeen waxa ka ah – sida illo xoggogaal ah aan ka helayo waddanka Maraykanka – dabcan waddamada la isku yidhaa “non-traditionan” ee ay ku jiraan: Turkey, Qatar iyo waddamo kale-ba, darafka ayaa ay ka haystaan isbedelka Soomaaliya. Waxaa se aad moodaa boqortooyada Britain oo muddo dheer hor boodi jirtay siyaasadda Somaliya, hadda in loo riixay dhanka Bay iyo Bakool. Waddamada waagii hore sida weyn siyaasadda Somalia ugu lug lahaa ee hadda iyaga la bara bixiyey waxa ugu horeeya: Italy iyo Masar. Isbedelka noocaas ahi, waa mid damaciisu yahay in dib la isugu soo celiyo Xamar iyo Hargaysa. Sida aad ka warqabteen maalmihii la soo dhaafay Hargaysa waxa yimid James Swan oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaalia. Safiirka Britain. Waxa sidoo kale safar saxaafadda laga qariyey Hargaysa ku yimid maalmihii ina dhaafay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto. Socodkaa ay saddexda sarkaal ku yimadeen Hargaysa, ujeedkooda koobaad ma ahayn doorashooyinka Somaliland; ujeedka safaradaasi waxa ay ahayeen, sidii Md. Biixi iyo Md. Farmaajo ay u furi lahayeen wadahadalo hor leh oo dhex mara Hargaysa iyo Muqdishu – dadka siyaasadda Soomaalia u dhuul daloolaa, waxa ay leeyihiin: Maraykanka ayaa Farmaajo ku tageeraya in uu samaysto muddo kororsi xilleed, si Farmaajo ugu soo dabco wada hadalada Biixi. IMF, Bangiga Adduunka iyo Midawga Yurub ayaa dhammaan u muuqda kuwo hadda ka xiiso dhacay Somaliland, waxaana cadayn kugu fillan deeqda gaadhaysa $120M ee Bangiga Adduunku usii deyn rabo maamulada ka jira Konfurta Soomaalia – deeqdaa Hargaysa waa ay ka qaday. Dadka qaar waa ay isdiidsiin karaan saamaynta lacagtaasi iyo deeqaha kale ay ku yeelan karaan horumarka Soomaaliya lakiin, midhka marnaba dadkaasi aysan qarin karin waa “aaminaad ka baxa” ka dhex qarxay shacabka Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa sida uu Muuse Biixi ka sheegay dhawr sanno ka hor magaalada London lumiyey kalsoonidii ka dhex jirtay dhexdooda! Mustaqbalka Somaliland maaha saynis cabirkiisu rabo in lala tago shaybaadh, balse waxa mar walba mustaqbalka Somaliland jaangoyn doona hab-dhaqanka Madaxtooyada Hargaysa iyo faragalin Somaliland kaga timaada banaanka – faragalinta ayaa aan noqon doonin duuulaan lagu soo hujuumo Hargaysa hayeeshee, isbedelka ayaa ka imanaya mar walba koboca dhaqaale ee ku yimaada waddamada deriska. Haddii Jigjiga iyo Xamar ay noqdaan magaalooyin abuura shaqo iyo fursado ganacsi, hubaal waxa ah shacabka Somaliland in aysan kusii jiri karin shaqo la’aan, biyo la’aan iyo SNM baa aan ahaan jiray. W.Q Axmed-xiis Dharbaan Source
  12. Boosaaso (SMN) – Laamaha ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyey in ay ka hortageen qaraxyo lagu diyaarinayey magaalada Boosaaso. Taliska Booliska ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka dambeysay markii ciidamaddu fuliyeen howlgalo aad loo qorsheeyay. Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka iyo soo saarista walxaha qarxa. Mas’uuliyiinta ma aysan shaacin cidda ka dambeysay ee Miinooyinka ku aastey guri ay sheegeen in ay kasoo saareen. Qaraxyada ayaa la sheegay in lagu aasey meel ku dhow Masjidka Rashiid oo kamid ah kuwa ugu caansan magaaladda dekadda leh ee Boosaaso. Maalmihii lasoo dhaafay, hay’addaha nabad-gelyadda Puntland ayaa xoojiyey dhaqdhaqaaqyada ay ku sugayaan xasiloonida magaalooyinka. View the full article
  13. (SLT -Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud Muuse Biixi Cabdi ayaa u ballanqaaday Waddamada Somaliland ka tageera Dimuquraadiyadda inuu dhammaadka bishan aynu ku jirno uu kala diri-doono Xubnihii Koomiishanka Doorashooyinka ee sida wayn Axsaabta siyaasaddu ugu muransanayd. Warar xogogaal ah oo ay heshay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa xaqiijinaya in Safiirka Waddanka Ingiriiska u fadhiya Somaaliya Ambassador Ben Fender uu Madaxweynuhu ka ballanqaaday inuu kala diridoono xubnaha Koomiishanka inta ka hadhay bisha koobaad ee sannadka oo dhammaadkeedi lagu jiro. Ballanqaadka uu Madaxweynuhu u sameeyay ayay soo dhaweyeen Waddamada beesha Caalamku. Haddii uu fuliyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wacadkiisa uu Waddamada Somaliland tageera ugu ballanqaaday kala dirida Koomiishanka doorashooyinka waxay noqon doonta caqabad wayn oo Somaliland laga furdaamiyay. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  14. Muqdisho(Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda oo galabta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Shangani ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa dhismaha safaaraddii hore ee Itoobiya iyo xarunta Taraafikada ee ciidanka booliska Soomaaliya oo ku taalla degmada Shangaani. Iska hor imaadka galinkii dambe ee maanta dhex maray labada ciidan ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana weli si rasmi ah loo xaqiiji karin tirada dhimashada, balse waxaa ku dhaawacmatay seddax qof oo mid yahay askari boolis ah, halka labada kalena ay yihiin dad shacab ah. Dagaalkan ayaa salka ku haya guri ku yaalla degmada Shangaani, waxuuna dagaalku dhex maray ciidamo iskugu jira boolis iyo militeri oo dadkoodu ay deganyihiin gurigaas iyo kuwo Nabad sugid oo dhinac ah, sidoo kalena ah kuwa iyagu weerarka soo qaaday. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ay saakay tageen gurigaas la isku heysto, isla markaana qoysaskii deganaa ay ku amreen inay ka baxaan guriga, taas oo iyaguna ay ka biya diideen, waxaana sidaas goobta ku soo gaaray ciidamada difaacaya qoysaska degan guriga. Intii uu socday dagaalkaas waxaa goobta gaaray ciidamo uu hoggaminayo taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan oo kala qaaday labadaas ciidan, isagoo xeryahoodii dib ugu celiyey, balse daqiiqado kadib ayey ku soo laabteen isla goobtii. Labada ciidan oo garab ka socdo Nabad sugidda, garabna yahay ciidan iskugu jira boolis iyo militeri oo diidan in qoysaskaas guriga laga saaro ayaa caawa isku hor fadhiya nawaaxiga guriga la isku heysto oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
  15. According to the Greater London Authority (the London Mayor’s Office) knife crime has been defined as an “offence of homicide, attempted murder, and assault Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in fanaaniin dhowr ah oo ka tirsan waaxda fanka ee gobalka Banaadir la xiray, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in Abshir Gaarane Axmed, oo xog heyn u ahaa agaasimaha waaxda Fanka ee gobalka Banaadir Shamso Cali Macalim iyo fanaaniin kale laga qabtay guri ay daganaayeen oo ku yaalla degmada Boondheere. Baaritaan dheer oo ay hay’adaha ammaanka sameeyeen ayaa la sheegay in Abshir Gaarane uu qirtay in uu shaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna qaabilsanaa qaybta canshuuraha ee gobalka Banaadir. Gaarane ayaa sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan qaybta Maaliyadda ee gobalka Banaadir ee Al-Shabaab, waxa uu si gaar ah u qaabilsanaa bixinta mushaaraadka Al-Shabaabka gobalka Banaadir iyo bixinta lacago la siiyo Shabaabka wax dila iyo kuwa kale ee xogaha muhiimka ah keena sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida. Dadka aan la hadalnay waxay noo sheegeen in Fanaaniin kale oo la shaqeeyo Gaarane la xiray balse aysan jirin wax cadeen ah oo lagu helay iyo qiraal ay sameeyeen balse ay ku socoto baaritaan kale oo dheeraad ah. Wararka ayaa sheegaya in ninkaan uu muddo kooban noqday madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsan gobalka Banaadir balse bilo kadib laga qaaday, waxa uuna xilkaas u hayay si kumeel gaar ah. Sidoo kale xogta ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxeysa in ninkaan uu soo far muuqay macalimkii dilaaga ahaa ee Ilkacase oo dhawaan ka soo muuqday TV-ga Qaranka. Hay’adaha amaanku waxay sheegeen in gobalka Banaadir ay dhax ceegaan Shabaab badan oo u baahan in aad looga taxadaro, qaarkood waxay ku taliyeen in gobalka go’aan laga qaato.
  17. Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga sahan loogu sameeyo saliidda ku jirta badaha Soomaaliya kaddib markii ay Ankara heshiis la saxiixatay Libya sannadkii hore. Turkey ayaa Soomaaliya u ahayd dalka ay gaarsiiso kaalmada ugu badan tan iyo markii ay Soomaaliya ku dhufatay macluusha sannadkii 2011 iyadoo Ankara ay raadineyso inay kor u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Africa si ay uga hortagto dalalka ay siyaasad ahaan is-hayaan ee Sucuudiga iyo Imaaraadka. Injineerro Turkey ah ayaa gacan ka geysanaya dhismeyaasha waddooyinka Soomaaliya, Sidoo kale saraakiil Turkey ah ayaa tababaray askar Soomaaliyeed taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidanka Soomaaliyeed. Isagoo la hadlayey wariyeyaasha xilli uu dib uga soo laabtay shirka Libya ee ka dhacay magaalada Berlin ayuu Madaxweyne Ordogan sheegay in Turkey qaadi doonto talllaabo ay uga jawaabeyso casuumadda Soomaaliya laakiin ma sii faahfaahin tallaabadaas nuuca ay noqon karto. “Waxaa jira yabooh nooga yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: “Waxaa ku jirta saliid badaheenna. Waxaad hawlgalladan oo kale ka waddaan Libya, laakiin sidoo kale halkaan waad ka sameyn kartaan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,’ ayuu yiri Madaxweyne Ordogan.” Isagoo intaas ku daray in dowladdiisu ay qaadi doonto hawlgallo arrintaas ku aaddan. Bishii December, Koox Injineerro ah oo Turkey ah ayaa qeyb ka ahaa dad tiradoodu gaareyso 90 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Bar Ciidan oo Muqdisho ku taal. Sidoo kale maalmo ka hor qarax gaari ayaa lagu dhaawacay 15 qof oo ay ka mid yihiin qandaraasleyaal Turkey ah magaalada Afgooye waxaana weerarkaas sheegatay xarrakada Alshabaab. Bishii November, Turkey waxay heshiis badda lagu kala xadeynayo la gaartay Libya waxayna noqotay tallaabo ka careysiisay dalalka Greece iyo Cyprus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxwyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey kulankaasi masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda Global Education Partnership ayaa ka wadahadlay tayaynta iyo kor u qaadidda Waxbarashada, taageerada beesha caalamka ee arrimaha Waxbarashada iyo shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland. Sidoo kale masuuliyiinta hay’addaasi ayaa waxay bogaadiyeen qoondada Dowladdu ugu dartay miisaaniyad sanadeedka 2020 tayaynya Waxbarashada Puntland, waxaana uu Madaxweyne Ku-xigeenka dhankiisa uga mahadnaqay beesha caalamka taageerada ay ka geystaan Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan dalka. Weftigan ayaa beri ka qayb gelidoona Shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland oo sanadkiiba mar la qabto, kaasi oo ka furmidoona caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wefdi ka socday Hay’adda Global Education Partnership appeared first on Puntland Post.
  19. Rihanna quizzes the Somali-American model, who's been dubbed the breakout face of the season Source: Hiiraan Online
  20. Boosaaso (SMN) – War-murtiyeed ayaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland oo January 18-19, 2020 ku qabsoomay magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-20012020.mp3 View the full article
  22. The Garissa County Senator Yusuf Haji has weighed in on the terrorism problem plaguing the county. Source: Hiiraan Online
  23. Turkish President Tayyip Erdogan said on Monday that Somalia had invited Turkey to explore for oil in its seas, after Ankara signed a maritime agreement with Libya last year, broadcaster NTV reported. Source: Hiiraan Online
  24. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaartay Libya sanadkii tagay, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NTV ee Turkey. Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah. “Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Erdogan ayaa waxaa sidaas kasoo taleefishinka NTV. “Sidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.” Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka. Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah. Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxiixatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka carreysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xiriira kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus. Reuters + VOA
  25. Masada (Caasimadda Online) – Maantay waxaa Saladanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay Caasimadda dalkaas Masqad. Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garuunka diyaaradaha, waxaan goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas. Boqorka iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doona Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid. Waxaa la filayaa maalmaha soo socda Boqorku inuu ku sugnaan doono Dalka Cummaan, oo masuuliyiin sare la kulmi doono, waxaa kaloo la filayaa inuu booqan doono Magaaalada Salalah ee ay ku badantahay Soomaalida. Waxaa xusid mudan Boqorku inuu safarkiisii ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah amiirada dalkaas.