-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa saaka kulan la qaatay maamulka iyo qaybaha bulshada ee Degmada Dangorayo oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Guddiga ayaa uga warbixiyay maamulka iyo bulshada Dangorayo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo jadwalka doorashada. Guddomiyaha Degmada Dangorayo Mudane Mukhtaar Cabdiraxmaan ayaa Guddiga kusoo dhoweeyay degmada, waxgaradkii iyo qaybihii bulshada ee Guddigu la kulmayna waxay Guddiga la qaybsadeen dareenkooda iyaga oo talooyina siiyay Guddiga. Guddiga ayaa sidaan oo kale horay degaanno kala duwan ugu tegay socdaallo ku saabsan Qorshe Hawleedka Guddiga iyo sidoo kale wacyi-gelinta Barnaamijka Xisbiyada badan ee Puntland. Kulamadaasi ayaa qeyb ka ah Latashiyada Gudddigu la samaynayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland si loo fahansiiyo Qorshaha Hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan sidoo kalana loo uruuriyo talooyinka ay Bulshadu Guddiga siinayaan. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya Daniel Arab Mio ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey lagu baxnaaninayey xaaladiisa caafimaad. Madaxweyne Daniel Arab Mio ayaa geeriyooday isaga oo 95 jir , waxaana uu ahaa madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa ee soo xukumay dalkaasi, kuna soo rogay sharciyo iyo siyaasado adag intii u dhaxeysay sanadkii 1978-2002dii. Geerida madaxweyne Mio oo shacabka saakay looga soo yeeriyey Isbitaalka ayaa si weyn looga dareemay wadanka, waxaana lagu dhawaaqay in calanka hoos loo dhigo maalmana Baroodiiq loo sameeyo. Madaxweynaha wadanka Kenya hadda talada haya Uhuru Kenyatta ayaa sheeg in geerida Mio ay tahay wax aad looga murgo waxaana uu yiri” waa murugo weyn waa xanuun inaan sheego geerida nin weyn oo Afrika ka tagay oo magaciisu yahay Daniel Arab Moi, ahaana madaxweynihii labad ee Jamhuuriyadda wadanka Kenya, waxaana saakay uu ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Nairobi , 4-ta February 2020. Madaxweyne Daniel Arab Mio ayaa dhashay 2-dii bishii Setember ee sanadkii 1924, waxaana uu ka soo jeedaa Qoomiyadda Kulenjinta ee dagta galbeedka wadanka Kenya xilka madaxweyne ku-xigeenka ayuu qabtay sanadkii 1967-dii. Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan. Sannadkii 1978, waxaa Moi loo dhaariyay xilka madaxtinimada, waxaana Kenya uu maamulayay tan iyo 2002-dii. Moi waxaa uu ka tirsanaa xisbigii xiligaas talada dalka hayay ee KANU, oo waxaa ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii isaga ka horeyay ee Jomo Kenyatta, arrintaas oo u sahashay in uu saameyn ballaaran ku yeesho maamulkii xiligaasi jiray ee uu ka tirsanaa. Maalmihii ugu horeeyay ee xukunkiisa, waxaa uu shacabka dalka Kenya ugu baaqi jiray in ay gacan ka siiyan sidii uu u dhisi lahaa dalka, oo waxaa uu caan ku ahaa hal ku dhigii caan baxay ee ”Nyayo”, oo uu marwalba doonayay in dalka lagu sii maamulo siyaasadihii Jomo Kenyatta oo ah aabaha dhalay Madaxweynaha iminka talada haya ee Uhuru Kenyatta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Click here to read more Qaran News
-
Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa booliska addunka waxaa looga dalbaday waaran caalami ah kaas oo lagu soo xirayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid xasan Janan oo maanta gaaray magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo. Warqadda ka soo baxday booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrinka Janan ay xiriir kala sameeyeen heyadaha caalamiga ah ee booliska kaas oo loo yaqaan [Interpol]. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu xusay in dowaldda federaalka ay dhigeeda Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo qabato Cabdirashiid Janan oo dowladdu ay ku eedeysay tacaddi ka dhan ah xuquul aadanaha. Cabdirashiid Janan ayaa maanta diyaarad mileteri waxa ay ka soo qaaday magaalada Nairobi isaga oo ka dagay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, iyada oo halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyeen bulshada degmadaasi. Halkan ka akhriso qoraalka booliska Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta si weyn lagu soo dhaweeyay gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Janan oo diyaarad milatari ay ka soo qaaday dalka Kenya ayaa u jeedada safarkiisa lagu sheegay inay tahay ukuur galida xaaladaha amni ee ka jira magaaladaasi. Afhayeenka wasaarada amniga maamulka Jubbaland, Mudane Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasiirka uu kulamo la qaadan doonayo waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya inuu wasiir Janan xerada lagu magacaabo UK uu kula kulmay saraakiisha ciidamada, islamarkaana uu kala hadlay u diyaar garowga dagaal ka dhan maamulka dowladda ee ka dhisan gobolka Gedo. Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku daraya in saaka Beledxaawo uu isaga baxay guddoomiyaha maamulka degmadaasi iyo labadiisa ku xigeen oo dhammaantood la safnaa, islamarkaana taageersanaa dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee waxaa muddooyinkii dambe Gedo ka jiray dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-04022020.mp3 View the full article
-
(SLT- Hubei)-Qiyaastii 4,600 oo arday Afrikaan ah ayaa ku xanniban gobolka Shiinaha ee ka dillaacay cudurka Coronavirus. kaasoo si dhakhso ah u fidaya, sida ku xusan xog aruurinta la sameeyay. Gobolka Badhtamaha Shiinaha ee Hubei, oo ay kutaalo jaamacad caan ah oo loogu talagalay ardayda Afrikaanka ah, ayaa xudunta u ah fayraska halkaasoo tirada ugu badan ee dhimashada ay ka dhacday tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore. Wuhan, waa caasimad goboleedka ay ku noolyihiin dad gaadhaya 11m, waxay ku sugan tahay xaalad gabi ahaanba aad looga deyriyay. Ardayda Afrikaanka ah ee ku xayiran gobolka ayaa la faray inay raacaan tilmaamaha ay dejisay dowladda Shiinaha oo ka mamnuucaysa inay aadaan banaanka ama nooc kasta oo safar ah. Hadday ardaydu rabaan inay dalkoodii ku noqdaan, dawladda Shiinuhu waxay raadineysaa dammaanad qaadka waxaa looga fadhiyaa si badbaado leh muddo 14-maalmood ah markay yimaadaan. Hannah Ryder, oo ah Maamulaha hay’adda horumarineed ayaa warbixin ka bixisay ardaydaas, iyadoo sheegtay in ay xaaladdu aad uga sii darayso iyada oo loo aaneynayo nidaamyada karantiilinta adag iyo mamnuucista gaadiidka. Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Faransiiska, Japan iyo Australia ayaa hore uga daadgureeyay qaar ka mid ah muwaadiniintooda oo loo beddeli doono meelo ammaan ah muddo labo toddobaad ah si ay gacan uga geystaan yareynta masiibada. Iyada oo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caalami ah, ayaa dawladaha Afrikaanka ah ay ku mashquulsan yihiin sidii ay isu abaabuli lahaayeen. Morocco iyo Aljeeriya waxay si cad u sheegeen inay damacsan yihiin daadgureynta muwaadiniinta, iyadoo dhowr dal oo kale oo Afrikaan ah la filayo inay raacaan. Si kastaba ha noqotee, nidaamyada daryeelka caafimaad ee liita ee Afrika awgood Shiinaha ayaa diidan inay u oggolaato dawlado inay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda ku xayiran Hubei. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muu’min Seed, ayaa sheegay in waxsoo saarka dhinaca Beeraha kor u kacay labadii sannadood ee la soo dhaafay. Wasiir Axmed Muu’min Seed, ayaa sheegay in sababaha kobaha keenay ay qayb ka tahay joojinta Siidhkii dalka dibaddiisa laga keeni jiray, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wararka aan ka helayno dagaal beeleedka ka socda duleedka magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay dagaalkaasi la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Qof ka mida ah dadka wax ka soo qaaday dhaawacyada laga keenay Kismaayo laguna magacaabo Abuukar Macallin Maxamed ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka la keenay muqdisho ee qaba dhaawacyada ay gaarayaan ilaa iyo 5 qof kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lala tacaalayo. Abuukar Macallin aayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in dagaalka ka soconaya deegaanka Sanjuuni oo ah duleedka Kismaayo ay ku geeriyoodeen 28 qof waxa uuna xusay in wali dagaalku socdo islamarkaana dadku dirartu u dhaxeyso ay ku dagaalamayaan dhul. Waxaan wali jirin cid kala dhexgashay beelahan ku dagaalamaya duleedka magaalada kismaayo, iyada oo marba marka ka dambeysa uu isi soo tarayo khasaraaha ka dhalanaya dagaalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay waaran caalami ah (International Warrant), oo ku dooneyso in loogu soo gacan geliyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday xabsi uu kaga jiray Muqdisho. Qoraal kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida. Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse “laamaha amniga ayaa fashiliyeen”. Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan. Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tusaale ahaan u soo qaatay sida “lagaga hortagay weerarrada Al-Shabaab”. Wuxuu yidhi: “Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan aye damacsanaayeen, balse diyaargarow xooggan waxaa sameeyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaadhan oo ay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.” “Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy. “Howlgal lagu hor istaagay tallaabadii ay qaadi lahaayeen, kooxahaas oo gaashanaya kuwa xumaha jecel ee gudaha iyo dibadda, ayaa la qaaday. Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya iyo laamaha kale ee ammaanka howla aad u badan ayey qabteen,” ayuu yidhi. “Dowladda dhexena waxaa ka go’an iney si weyn wax uga qabato amniga iyo xasiloonida gudaha balse dadaalka dowladdu wuxuu midha dhal noqon karaa marka ay qaybaha ay quseyso iyo shacabka guud ahaan, kaalinta kaga aaddan ay ka soo baxaan,” ayuu yidhi Dr Abiy Axmed. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof oo qaba dhaawacyo darran islamarkaana wax looga qaban waayay Isbitaalada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Shantaan qof ayàa ku soo dhaawacmay dagaal beeleed maalintii 5-aad ka socda duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaana wali taagan xiisada degaanka. Dhaawacyadaan ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, waxaana la sheegay in ay yihiin kuwa aad u liita oo qeybaha sare ay ka haleeshay rasaastii lays dhaafsanayay ee duleedka Kismaayo. Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo kale oo la filayo in saacadaha soo aadan laga soo qaado Kismaayo, kuwaas oo sidoo kale ku dhaawacmay dagaalkii shalay. Jubbaland ayaa shalay guddi wasiiro ah u saartay dagaal beeleedkaan oo qaatay maalmo badan, waxaana laba jeer lagu guul dareestay in xabad joojin lakala dhax dhigo dhinacyada dagaalamaya. Dagaal beeledkan oo u dhaxeeya maleeshiyo kasoo kala jeeda beelaha Majeerteen iyo Cawrmale, ayaa waxaa ku naf waayey dad ku dhow 30 qof, ayada oo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka aaso ayaa la sheegay in askar ka mid ah kuwa Burundi saacadihii la soo dhaafay lagula beegsaday deegaanka Buurane ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu soo gaaray ciidanka la qarxiyey. Dhinaca Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda ayaa war ay ku baahisay Internet-ka ku sheegtay in miinadaasi ay ku dishay afar ka tirsanaa ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska guud ee AMISOM, iyo sidoo kale ciidanka Burundi ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro dhaba gal ah oo khasaare geysta ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
-
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka mid ahaa murashaxiintii u taagnayd qabashada xilka madaxweyne ee Galmudug balse iska diiday in uu ka qeybgalo ayaa ka dhawaajiyay in aysan jirin sabab uu ugu hambalyeeyo madaxda loo doortay Galmudug. “Cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo” ayuu yiri Odowaa Dhanka kale Xildhibaan odowaa ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu dadka dulmiyo kadibna dadka uu ku qasbo in ay dulmigaas aqbalaan. Sidoo kale Xildhibaan Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaarihiisa ay madaxwene ka barbar dhiseen kii sharciga ahaa ee maamulka Galmudug. “Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay, sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa. Odowaa oo sii hadlayay ayaa sheegay In uusan marqaati beenaale ka noqon doonin Galmudug taa badalkeedana uu mar kale ka shaqeyn doono baadi goobka sidii uu isugu keeni lahaa dadka sida uu sheegay ay Villa Soomaaliya kala geysay. Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen” Hadalka Odowaa ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli murashaxiintii isaga ku fikirka ahayd ay soo dhoweeyeen madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sanadkii dhamaay 2019 waxaa is badalay weyn laga dareemay natiijooyinka Xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galay is reeb reebka Koobka Addunka iyo Tartaankii Qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa 2019 ee ku qabsoomay magaalada Kampala ee wadanka Uganda. Dad badan ayaa taageerasaneyn qorshaha macallimiinta ajaanibta ee maamula Xulka Qaranka Soomaaliya,iyagoo ku doodaya in fursad la siiyo macallimiinta dalka,balse guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab wuxuu Goobjoog u sheegay in aan laga maar marin macallimiinta ajaanibta,balse X.K.Cagta uu kordhinayo aqoonta iyo qibrada tabarayaasha Dalka. Bishii March ilia December 2019 waxaa mashruuca hogaaminta Xulka Soomaaliya haystay saddex macallin oo kasoo jeeday wadanka Ghana waxayna kala ahaayeen Bashir Hayford oo ahaa tababaraha Xulalka Waaweyn ee “Senior-ka”,Igniatiosa Kwame oo isna ahaa macallinka Xulka Da’yarta ee Youth-ka iyo Jerry oo ahaa tababaraha goolhayaasha Xulka,Xiriirka Kubbadda Cagta ayaa sheegay in macalliminta ku nool guud ahaan wadanka iyo kuwa qurbajoogta ay fursad shaqo u diyaariyeen. Si kastaba 2020 taageerayaasha Xulka Qaranka ayaa ciyaartooyda iyo Xiriirka ka sugaya in lasii wado guulihii quruxda badnaa ay dhallinyarada Qaranka soo bandhigeyn sanadkii lasoo dhaafay 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Badalka Macallimiinta Xulka Qaranka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Somalia’s National Intelligence and Security Agency [NISA] announced that Al-Shabaab leader Ahmed Dirie ejected two top commanders from the group’s executive council. NISA said in a Twitter post on Monday that the expulsion of Mahad Karate and Bashir Qorgab came after they recommended Al-Shabaab leader to discontinue attacks against civilians in Mogadishu. Radio Shabelle cannot independently verify NISA claims. Al-Shabaab has been battling the Somali government and AU troops for more than a decade and still holds key towns in the country despite losing large swathes of territory, including the capital Mogadishu. View the full article
-
The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab has launched an overnight assault against a military base belonging to the African Union forces in Somalia, the latest in series of attacks in the horn of Africa nation. The militants targeted AMISOM base in Bufow Ba’ad, located on the outskirts of the coastal city of Marka, the regional capital of Lower Shabelle, according to the residents, who spoke to Radio Shabelle. The attack, which began with RPGs, has led to a fierce gunfight between Al-Shabaab fighters and the African Union [AU] troops with both sides suffered heavy casualties. The local authorities are yet to comment on the attack by Al-Shabaab on AMISOM outpost that comes amid ongoing military operations in the region aimed to regain control of areas still under the militants. View the full article
-
Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo dowladda federaalka sheegaty in uu ka baxsaday ayaa maanta gaaray degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo. Bulshada ku dhaqan Baladxaawo ayaa la sheegay in wasiirka ay halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyeen waxaana la filayaa in wasiir Janan uu warbaahinta la hadlo si uu ugu warbixiyo xirnaanshiyihii ay u geysatay dowladda federaalka. Wasiir Janan ayaa diyaarad qaasa waxa ay ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in 28-kiii Janaayo uu baxsaday wasiir Janan oo ay ku eedeeyeen in uu tacadi ka geystay gobalka Gedo. Wixii ku soo kordha warkan halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, kana mid ahaa musharraxiintii isku soo taagay hoggaanka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Odowaa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in nidaamka Farmaajo uu dalka ku soo kordhiyey dulmi, kuna qasbo inay dadku aqbalaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha sida ula dhaqmeen dhismaha Galmudug ay bar madow ugu noqon doonto taariikhda, lana ilaawi doonin. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu u istaagi doono isku baadi-goobka Galmudug mid ah, si loo xaliyo tabashooyinka haatan jira. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jirin sabab uu ku taageero doorashadii Dhuusamareeb ee Qoor Qoor, isagoo sheegay inuu markii horaba cadaalad darro uga haray. Halkaan hoose ka aqriso: Raggu waa Mawaaqif الرجال مواقف Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay. Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda. Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen. Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen. Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo.
-
Olole Wacyigalineed oo kusaabsan Dib-u-eegista dastuurka kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay manata waxaana ka soo qaybgalay dad kabadan boqol qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda muqdisho. Ololahan oo ah mid ballaaran ayaa ujeedadiisu tahay in dadka soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dib-u-eegisata dastuurka islamarkaana iyo aragtidooda ku biiriyaan cutubyada dib-u- eegista lagu sameeyay iyo in sidoo kale loo soo bandhigo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed ee ku jira dastuurka si ay ufahmaan mowduucyada dastuurku ka koobanyahay. Kulanka gobolka banaadir intii uu socday waxaa ka qayb galayaasha lala wadaagay nuqulada dib-u-eegista lagu sameeyay iyo sidoo kale agabyo ay ka heli kartaan xogta dastuurka, waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay khuburro kuwsas oo soo jeediyay mowduucyada u baahan wada xaajiidyada siyaasadeed sida maqaamka caasimadda, caddaaladda iyo amniga, hannaanka maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka dowladda. Ka soo qaybgalayaasha ayaa bogaadiyay ololaha wacyigalinta ee wasaaradda dastuurka ay hurmuudka ka tahay waxayna codsadeen in labadiyo kulamada nuucaan oo kale ah si qof kasta oo soomaaliyeed fursad ugu helo in uu aragtidiisa ku daro dib-u-eegista dastuurka. Gabagabadii agaasimaha wacyigalinta wasaaradda Arrimaha dasstuuka Abdikani Ali adan oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay ka qayb galayaasha shirka sida wacan oo ay uga qayb galeen kulanka iyo sida ay u soo bandhigeen doodda wanaagsan ee quseysa mowduucyada lagu soo bandhigay shirka. Agaasimaha ayaa xusay ujeedada ololahan at tahay in sare looqaado ogaalka bulshada ee la xiriirta dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale, Waxa uu xusau in ololahan uu socon doono muddo laba bilood ah laguna qaban doono dhammaan gobolada dalka si loo helo aragti ka tarjumaysa danta dadka soomaaliyeed eek u aadan dib-u-eegista dastuurka. “Ololahan wuxuu socon doonaa muddo laba billood ah, Feebaraayo – Maarso, waxaa lagu qaban donaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka, waxaana la wadaagi doonnaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay si ay taladooda ugu biiriyaan” ayuu yiri Agaasime Abdikani. Ugu dambayn, kulankan ayaa hordhac u ahaa kulamo kale oo wacyigalineed oo ka dhici doonaa gobolada dalka, si bulshada looga tala geliyo dib-u-eegista dastuurka. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
