-
Content Count
214,299 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka ka imaanayaa gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay halkaasi ka dhaceen duqeyn dhanka cirka ah, oo lala beegsaday dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaannada Hargeysa yarey, Saayow iyo deegaanno uu dhexeeya Jilib iyo Bu’aalle oo ka tirsaan gobolka Jubbada dhexe. Duqeynta dhinaca Hargeysa yare ayaa waxaa lagu burburiyay xarun ay Alshabaab ku lahayeen duleedka deegaankaasi iyadoo ay ku dhinteen duqeynta xubno ka tirsaan Alshabaab waa sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda. Dhanka kale degmada Saakow waxa lagu duqeeyay xarun kale oo Al-Shabaab ku lahaayeen, waxaana la sheegay in xaruntaasi ay ugu keyd sanaayeen hub iyo saanada ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye “Nacnac” oo ka tirsan xildhibaanadda aqalka Wakiiladda ayaa Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dalka Jabuuti oo dhawaan sheegay in xadhiga fiber optica ah la keenayo magaalooyinka geeska affrika oo ay ka mid noqon doonton magaala xeebeedka Berbera, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Mid ka mid ah dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallami jiray Xarrakada Alshabaab ayaa sheegay inuu ka baxsaday Xarrakada islamarkaana uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho isagoo isku dhiibay Dowladda Soomaaliya. Zubair Al-Muhajir ayaa kasoo safray magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu ugu biiro Alshabaab sannadkii 2006dii. Xilal badan ayuu kasoo qabtay Alshabaab isagoo ugu dambeyn noqday xubin ka tirsan golaha shuurada ee Xarrakada Alshabaab oo ah gole culumo ah. Al-Muhajir oo asalkiisu kasoo jeedo dalka Ivory Coast ayaa u sheegay saxaafadda inuu isaga baxay Alshabaab sannadkii 2013 markii ciidamada Amniyaadka ay xireen oo ay xabsi dhigeen muddo saddex sano ah. “Waan ka baxsaday maxaayeelay Alshabaab waxay ka been-sheegayaan Muslimiinta iyo adduunka ,” ayuu yiri. “Waxay sheeganayaan inay fulinayaan sharciga Islaamka taasoo aan run ka ahayn maxaayeelay waxaan ogahay ficillada ay sameeyaan ee ka dhanka ah shareecada,” Wuxuu sheegay in kooxdu u adeegsato shareecada inay ku qiyaanto dadka, ku dhibaateeyaan beenna u sheegaan,” “Xaqiiqada ficilladooda gebi-ahaanba waxay kasoo horjeedaan shareecada, waxay dilayaan dad aan waxba galabsan waxayna been u sheegayaan dadka,” ayuu yiri Muhajir. Sannadkii 2011, Al-Muhajir wuxuu ahaa madaxa guddi ay Alshabaab magacaabeen si ay u dhexdhexaadiyaan muran u dhaxeeyey hoggaamiyihii geeriyooday ee Axmed Cabdi Godane iyo saddex taliye oo kale, Waa Ibrahim Al-Afghani, Muqtar Robow iyo Fu’ad Maxamed Khalaf. Xilligaas Alshabaab waxay xireen tiro kale oo taliyeyaal ah iyo shaqsiyaad looga shakiyey inay kasoo horjeedeen Godane. Zubair Al-Muhajir wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadka la xiray. Al-Muhajir wuxuu sheegay in ka hor baxsashadiisa bishii October 2019 Alshabaab ay soo booqdeen dukaan yar oo uu ku lahaa Galhareri oo ay weydiiyeen inuu bixiyo Zako. Wuxuu u sheegay inuu diyaar la yahay bixinta Zakada laakiin uusan awoodin Zakada. “Muran ayaa na dhexmaray ku saabsan bixinta Zakada iyo canshuurta,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegay haddii ay rabaan inay iga qaadaan canshuur inaanan diyaar u ahayn inaan siiyo sababtoo ah haddii ay iga doonayaan zako anigu kama mid ahi dadka bixiya zakada.” Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday inay siineyso magangelyo dadka kasoo baxsanaya Xarrakada Alshabaab inta ay ka tanaasulayaan figradaha xagjirka ah. Al-Muhajir wuxuu sheegay inuu markii hore u tagey hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ee saldhigga ku leh garoonka Muqdisho. Hadda wuxuu ku jiraa meel amaan ah oo Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso. Wuxuu sheegay inuu wali ka war sugayo barnaamijka ay Dowladda Soomaaliya la dooneyso.“ VOA. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Genaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka soo maray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho. Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa ugu horreyn sheegay inay Al-Shabaab si aad ugu dhex milmeen hay’adaha dowladda, wuxuuna tilmaamay inay lama filaan ku noqotay in la helo Fanaan Al-Shabaab ah oo la shaqeeyo gobolka Banaadir. Genaraalka ayaa hoosta ka xariiqay in xubnaha Al-Shabaab ay ku dhex jiraan meel walbo oo dowladda ka mid ah, islamarkaana ay u shaqeeyaan habab kala duwan. “Waa korortay ku milanka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda, nimankaan diin ayay ku bilwdeen oo ay ka been sheegayeen, maantana waxay isu bedeleen niman Maafiyo ah sida maafiyadii Talyaaniga oo kale, maafiyada marka ay awood beeshay waxay isu bedeshay koox dadka dhaca, dadka baada albaab walba ku jira, haddii ay dowlad tahay iyo rayid.” ayuu wareysigaan ku yiri Genaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde). Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay ka war heyso wax kasta oo ka dhacaya madaxtooyada, gaar ahaan shirarka looga hadlayo ammaanka, wuxuuna sheegay in si toos ah loogu gudbiyo xogta, islamarkaana aysan waxba u qarsaneyn dowladda dhexe. Indha Cadde ayaa xusay in tani ay cadeyneyso inay Al-Shabaab xubno ku leeyihiin Madaxtooyada, wasiirada, baarlamaanka, ciidanka iyo hay’adaha rayidka. “Al-Shabaab meel walba ayay ku jiraan, Madaxtooyada ayay ka mid yihiin, Baarlamaanka ayay ka mid yihiin Golaha Wasiirada, hey’adaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida, meel aysan ka mid aheyn ma jirto.”ayuu yiri Generaal Indha Cadde. Sababta ay Al-Shabaab ugu milmeen dowladda ayuu sidoo kale Generaalku ku sheegay in hay’adaha amniga aanay joogin dadkii shaqadaas yaqaanay, islamarkaana ay fursadaasi ka faa’iideysteen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la yimaadaan qorshe ka duwan midka ay hadda ku howlgalaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wejiga cusub ee ay hadda la soo baxeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in afar dal oo Afrikaan ah uu kusoo roggo xayiraad dhanka socdaalka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Waxaana la filaya in afarta dal ee uu Trump kusoo roggayo xayiraadda socdaalka ay kala yihiin Nigeria, Tanzania, Suudaan iyo Eritrea, sida laga soo xigtay warbaahin dhowr ah oo ka howlgalo Mareykanka kuwaas oo la hadlay dadka soo arkay liiska. Madaxweyne Trump oo wareysi siinayay Jornaalka Wall Street Salaasadii ayaa xaqiijiyay inuu ka baaran degayo in dalalka qaar uu ku dari doono liiska waddamada uu xayiraadda dhanka socdaalka ah kusoo roggay balse wuxuu diiday inuu shaaca ka qaado magacyada dalalkaas. Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warrantay in liiska dalalkaas laga doodayo isla markaasna laga yaabo in toddobaadka dambe shaaca laga qaado. Source
-
Warar dheeraad ah laga helayaa, duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay degaanno ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Degaanada duqeymaha lala beegsaday waxaa kamid ah Saakow, Hargeysa-yarey, iyo degaano u dhexeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday, tuulada lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey xarun Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka degaankaas. Wararku waxay intaas ku darayaan, in duqeynta ay ku dhinteen saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo degaanka ku sugnaa. Sidoo kale, degmada Saakow waxa la soo weriyay in duqeyn lala beegsaday xarun kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xeradaas ayaa waxaa ugu keydsanaa hub badan, kaas oo duqeynta lagu burburiyey. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa duqeymo xooggan oo xalay lala beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Boosaaso)-Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii waxay toogasho ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamud Khuurshe. Naxariistii janno alle ha siiyee Jaamac Khuurshe ayaa la dilay isagoo markaasi ka soo baxay Hotel ku yaalla xaafad u dhow dekeda Bosaso magaaladda Bosaso. Ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa goobta dilka ka dhacay gaadhay, iyagoo halkaasi ka bilaabay baadhitaano la xidhiidha dilka Ma jirto koox sheegatay dilka gudoomiyihii hore hase yeeshee dilal noocan oo kale waxaa magaaladda Bosaso ka gaystay Ururka Daacish oo muddo kooban gacanta ku dhigay degmada Qandala xiligii uu guddoomiyaha ka ahaa. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir. Muuqaalkan oo lagu baahiyay barta NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yidhi “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagixisada Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.” Abshir Gaarane ayaa muuqaalkan ku qirtay inuu Ururka Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla-markaana uu u qaabilsanaa macluumaadka iyo maaliyadda. “Kooxdan Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” Ayuu yidhi Abshir Gaarane. Source
-
Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ganacsade Soomaaliyeed Afguub loogu geystay gudaha wadankaasi. Ganasadahaan oo caan ka ah Johannesburg ayaa waxaa la sheegay in laga afduubtay xaafadda Alexandre oo ka tirsan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu ka mid yahay ganacsatada aas aasay shirkadda Salahudiin oo baqaaro badeecadaha Lagu iibiyo ku leh inta badan gobollada dalkaasi. Wariyaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Koonfur Afrika, Cabdixakiin Ibraahim Biif ayaa ka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey iyo xaaladda Soomaalida. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cabdi-Xakiim-ibraahim-Biif-.mp3 View the full article
-
(SLT-Liibiya)-Ra’isul Wasaaraha Liibiya Fayez Al-Siraaj ayaa sheegay in uu isweydiinayo sababta Imaaraadka Carabta ay ku dooneyso in saldhig milatari ay kaga dhisto bariga Liibiya oo mucaaradka Maamulaan. Mr Siraaj ayaa wareysi uu siiyay tv-ga Al-Jaziira ee fadhigiisu yahay magaalada dooxa ayaa wuxuu ku eedeeyay xukuumada Dubai in ay taagaarto maleeshiyada Janaraal Khaliifa Xaftar. Ra’isul Wasaaraha caalamka aqoonsan yahay ayaa dhanka kale tilmaamay sababta Imaaraadka ay xero Milatari uga dhiseyso liibiya maadaama xad ayna la Laheyn. Xaq uma lihid inaad faragaliso dalkeena adiga oo maalgalinaya maleeshiyo diidan maleeshiyo mucaarad ku ah dowlada ayuu yiri Fayez Al-Siraaj. Dalkan ku yaal waqooyiga Afrika oo hodan ku ah saliida ayaa dagaal sokeeye madaxa la galay tan iyo sanadkii 2011-kii kadib markii wadamada NATO ay xilka ka qaadeen madaxweynihii la dilay ee Mucammar Al-Qadaafi. Source
-
Any simple talk on Somalia and the picture that comes to mind is one of anarchy. Since 1990, Somalia has never known peace. Yet there is so much potential in the country. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayio (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan diyaarado dagaal ay ka fuliyeen gobolkaasi. Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxaa lagu garaacay deegaanka Hargeysa-Yarey, degmada Saakow iyo deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jilib iyo Bu’ale oo ay ku sugnaayeen dagaayahannada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta koowaad laga fuliyey deegaanka Hargeysa-Yarey, gaar ahaan saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, kaas oo gabi ahaan la burburiyey, sidoo kalena lagu dilay dagaalamayaal ku sugnaa, sida ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Duqeyn kale oo xigtay ayaa sidoo kale ka dhacday agagaarka degmada Saakow, taas oo la soo warinayo in lagu burburiyey Xero uu hub ugu Keydsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyn kale oo dhanka cirka ah xalay laga fuliyey inta u dhaxeysa degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaasi lagu dilay horjooge sare oo xiriir dhow la lahaa hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab Axmed Abuu Cubeyda. Sirdoonka Soomaaliya ma shaacin magaca sarkaalka lagu dilay duqeyntaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weeraradaan cusub ee xalay ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta oo garab ka helaya diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.
-
Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa gudaha u galay Kuleej ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi,waxaana halkaasi ay kala baxeen tobaneeyo ruux oo Soomaali ah oo xaruntaasi wax ka baranayey. Xaruntan ayaa waxaa sidoo kale wax ka baranayey dad ajaaniib ah,waxaana dhammaan dadka la xiray ay ahaayeen 49 ruux oo Sooamali ah iyo qof ka soo jeeda dalka Uganda. Booliska ayaa gabi ahaan albaabada isugu dhuftay Kuleejka, waxayna sheegeen in uusan soo marin nidaamka saxda ah ee diIwaan galinta. Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa gudaha u galay Kuleejka Atlas oo isna ku yaalla xaafada Islii, walow Kuleejkaasi uu diwaan galin sax ah ka heystay dowladda dalkaasi Kenya,mana jirin dad laga soo xiray. Inta badan dadka Soomaalida ah ee la soo xiray ayaan heysan aqoonsi sax ah, halka qaarna ay wateen dal ku gallo iyo Baasabooro dhacsan. View the full article
-
Qaar ka mid ah musharraxiinta maamulka Galmudug oo soo saaray Warsaxaafadeed ayaa ku dhaawaqay in ay qaadaceen doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana ay sheegeen in aysan ka qeyb geli doonin tartanka loogu jiro doorashadaasi. Musharraxiintaan oo kal ah: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn jadwalka doorashada ee shalay la soo saaray. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay afduubatay doorashada, sida ay hadalka u dhigeen. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday Beledweyne ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xiisada gobolka Hiiraan, gaar ahaan khilaafka ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Waare ayaa kulamadaas la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Beledweyne, isagoo ka dalbaday inay ka taageeraan, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka salka ku haya dhinaca maamulka ee weli ka taagan gudaha degmada Buulo-Burte. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay, sidii loo xasilin lahaa xiisadaha ka jira Hiiraan oo muddo wajaheysa culeys siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda HirShabelle, siyaasiyiinta gobolka iyo sidoo kale waxgaradka deegaanka. Dhowaan Madaxweynaha HirShabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi ayaa tegay Buulo-Burte, basle wax natiijo ah kama soo bixin socdaalkaasi. HirShabelle ayaa u muuqata inay ku fashilantay siyaasadda Hiiraan, waxaana taas sabab u ah sida la sheegay isbedalka deg dega ah ee ay ku sameyso mas’uuliyiinta gobolkaasi.
-
Taliska hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ee Internetka ku baahiyey Muuqaal kooban, kaasi oo uu ka soo dhex muuqday Abshir Garane Axmed oo ah Fanaan ka tirsan waaxda Fanka ee maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna qirtay inuu sidoo kale ka mid yahay Al-Shabaab. Garane ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab uu ku biiray 2013-kii, islamarkaana uu u qaabilsanaa xuuraanka iyo maaliyada, sida uu ku sheegay Muuqaalka laga soo doobay oo sikimo soconayey, kaas oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA. Sidoo kale taliska nabad sugida ayaa sheegay in Fanaanka muddo lagu hayey dabagal, islamarkaana haatan gacanta lagu soo dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojisay baaritaanada ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood lagu soo qabtay xubno ka tiranaa Xarakada Al-Shabaab oo ku sugnaa qaar ka mid ah degmooyinka G/ Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-22012020.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) ― Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray ciidamo ay dhowaan Somaliland ku soo dhaweysay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ay sheegtay inay ka soo goosteen Ciidamada Puntland. Puntland ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamtay arrinkaasi, iyadoona beenisay inay Ciidamo ka tirsan maamulkeedu ay ku biireen kuwa Somaliland. Xuseen Cismaan Gabiley, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa si wada-jir ah waxay u sheegen in Ciidamada ay soo bandhigtay Somaliland yihiin kuwa been abuur ah. Waxayna Somaliland ku eedeyeen inay dhalinyaro aan ka tirsaneen ciidamada Puntland ay ka kaxaysteen deegaanka Boocame, isla markaana ay ku shaaciyeen inay yihiin ciidamo ka soo goostay maamulkooda, iyagoo u soo xidhay direys, waa sida ay hadalka u dhigeen Mas’uuliyiintaasi. Somaliland iyo Puntland oo wadaaga xuduud ayaa waxa ka dhex aloosan xiisad colaadeed oo mudda badan ka dhex taagneed labada maamul, midaasi oo la xiriirta gacan ku haysta deegaanada xuduudka ah ee ay wadaagaan. Labada maamul ayaa iyagu inta badan soo bandhiga Ciidamo ka soo kala goostay labada dhinac, midaasi oo arrin iska caadi ah noqotay in mar walba la arko labada dhinac oo soo bandhigaya ciidamo kagu sheegay inay soo goosteen.
-
The death toll from a new flu-like coronavirus in China rose to nine on Wednesday with 440 confirmed cases, Source: Hiiraan Online
-
Muxuu yahay ciyaartoyga 75 jirka ah ee hadda ku biiray koox ka dhisan Masar? Eez Eldin Bahder has signed to play in the Egyptian third division at the age of 75 (Photo: Egyptian Football Association) Xiriirka kubadda cagta ee waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay diiwaan galinta ciyaartoy 75 jir ah oo ku biiray koox ka tirsan horyaalka heerka saddexaad ee waddankaas. Mas’uuliyiinta maamulka kubadda cagta ee Masaarida ayaa aaminsan in ninkani uu yahay ciyaartoyga ugu da’da weyn ee caalamka, oo xirfadda rasmiga ah ku jira. Kooxda 6th October, oo kaalmaha ugu sarreeya uga jirta horyaalka Masar ayaa heshiis la saxiixatay ciyaartoygan waayeelka ah, oo magaciisa lagu sheegay Eez Eldin Bahder. Ilaa iyo hadda lama faah-faahinin macluumaadka ku saabsan nooca uu yahay heshiiska uu la galay kooxda, iyo sida uu u ciyaari doono toona. Waa nin aan horay looga sii aqoonin gudaha Masar, mana jiraan kooxo rasmi ah oo uu usoo ciyaaray ama taariikh kubadda cagta ah oo uu leeyahay. Xiriirka EFA iyo iyo Mr Bahder ayaa maamulka buugga taariikha adduunka lagu qoro ee Guinnes ka codsaday inay imaadaan Masar ayna daawadaan ciyaartoygan oo kubadda ciyaaraya, si ay taariikhda ugu diiwaan galiyaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee abid garoonka soo gala. Eez Eldin Bahder wuxuu heshiis u saxiixay koox ka tirsan horyaalka heerka saddexaad ee waddanka Masar, isagoo ay da’diisu tahay 75 sano Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayey xiriirka kubadda cagta ee Masar soo jiiteen indhaha warbaahinta, ka dib markii waxba kama jiraan laga soo qaaday codadkii ay ku taageerayeen Maxamed Salaax, xilligii uu u tartamayay ciyaaryahanka ugu wanaagsan xagga ragga ee abaalmarinta Fifa. Xiriirka aduunka ee Fifa ayaa sheegay in mas’uuliyiinta masaarida ay farta waaweyn kusoo qoreen labadii cod ee looga baahnaa, sidaas darteedna aan la tirinin. Xiriirka Kubadda Cagta ee Masar ayaa sheegay in ku simaha tabaraha xulka qaranka kubadda cagta ee Masar iyo kabtanka kooxda ay u codeeyeen Salaax, oo ah weerayan u dheeela kooxda Liverpool. Waraaqaha lagu codeeynayay ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaa saxiiha xoghaya guud ee Fifa, kaasi oo ay khasab tahay inuu ka muuqdo. Abaal-marintaasi cayaaryahanka ugu wanaagsan ee Fifa waxaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay laacibka kooxda Barcelona Lionel Messi, oo ka qaaday weeraryahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo iyo Virgil van Dijk oo daafaca kaga dheela naadiga Liverpool. Qaran News
